-
Content Count
213,511 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya ayaa ku warramay habeenkii Isniinta in lagu qabtay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi shandad ay ku jirtay lacag gaaraysa 1.7 milyan oo doollarka Marekanka ah (Sh170 milyan) oo ka timid Soomaaliya. Lacagta waxaa lala xiriiriyay sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, wallow aan la magacaabin, balse warbixinta uu wargeyska baahiyay ayaa lagu sheegay lacagta oo la soo mariyay dhanka Itoobiya shaqsiga iska leh inuu xiriir la leeyahay qoyska madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dowladda Soomaaliya ilaa hadda ma jirto warbixin ka soo baxday oo looga hadlay lacagta la sheegay in lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta . Balse, waxay ku soo aaddaysaa xilli Kenya go’aan ka soo baxay maalin ka hor lagu mamnuucay xamuulka ka imaanaya Soomaaliya ee aysan cidna la socon, iyadoo xukuumadda Kenya ay ku goodisay in lala wareegayo dhammaan shixnadaha aan lala socon ee uga imaanaya duulimaadyada Soomaaliya. Labada dal, waa Kenya iyo Soomaaliya xiisada diblumaasiyadeed ee u dhaxeysa ayaa muddooyinkii u dambeeyay cirka isku shareertay tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya ku adkeysatay muranka badda ee labada dal u dhaxeeya in lagu dhammeeyo maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ku taalla The Hague. Toddobaadyadii u dambeeyay tallaabooyinka ay qaaday Kenya waxaa loo arkayay inay wax u dhimeyso xiriirka, waxay Kenya tirtay heshiiskii duulimaadyada tooska ahaa, waxaa kalo ay dal ku galka u diidday mas’uuliyiinta sare ee dowladda iyadoo dib loo soo celiyay wasiirro iyo xildhibaanno , taa oo jirta ayaan haddana ilaa hadda wax tallaabo ah aysan qaadin dowladda Soomaaliya oo ku cel celisay inay mar walba dhowrayso xiriirka Kenya. HOL Qaran News
-
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterrs ayaa James Swan oo ah diplomaasi u dhashey dalka Mareykanka waxaa uu u magacaabay in uu noqdo Ergeyga gaarka ah ee xafiiska siyaasadada ee Qaramada Midoobe ee Soomaaliya(UNSOM). James Swan ayaa waxaa uu bedelaya Nicholas Haysom oo ah diplomaasi dalka Koonfur Afrika ka soo jeedo,kaasi oo dowladda Soomaaliya ay shaacisay in aanay wadashaqeyn karin,taasi oo keentay in Qaramada Midoobey ay soo magacowdo Wakiil cusub. Antonio Guterrs ayaa magacaabista Mr. Swan kadib waxaa uu sheegay in mas’uulkan uu yahay shaqsi khibrad iyo aqoon durugsanba u leh arrimaha diblomaasiyadda,isagoo xusay in waqtigiisa inta badan uu ku soo qaatay qaaradad Afrika. Wadamada uu Ergey ahaan uga soo shaqeeyey waxaa kamid ah Jamhuuriyadd Dimoqraadiga ee Congo,2013 ilaa 2016, 2011-2013 Soomaaliya,2008-2011 Dalka Jabuuti,sido kale waxaa uu ka soo shaqeyeey Cameroon, Nicaragua iyo Haiti. Sidoo kale Antonio Guterrs aya intaasi ku daray in James Swan uu soo noqday ku-xigeenkii kaaliyaha xoghaya arrimaha dibada ee Mareykanak ee Afrika, 2006-2018,2005-2006 agaasimaha xafiiska sirdoonka iyo dabagalka ee Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Shacabka caasimadda Hargeysa ayaa shalay ku soo toosay kaabadaha ammaanka oo la dhigay jidka hormara guriga madaxweyne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo ku yaala waddo halbawle u ah isu socodka caasimadda Hargeysa. Kaabadahan oo ah kuwa ammaanka ee la iskaga mooso khataraha ammaan, ayaa dhawr xabadood la dhigay jidka hormara guriga madaxweyne-xigeenka oo ku yaala xaafadda shacabka ee badhtamaha Hargeysa. Jidkan oo marka horeba ahaa mid cidhiidhi ah oo loogu tallo galay inay isku weydaartaan laba baabuur oo keliya, ayaa waxa uu shalay noqday mid mashquul ah oo soo kordhiyay sixmad badan, waxaana baabuurta iyo dadka shacabka ah ee jidka mara weheliya ardyda dhigata dugsiga hoose dhexe ee Xuseen-Giire. Sidoo kale jidkani wuxuu tagaa dugsi waxbarasho oo kale oo carruurta da’da yari ay dhigto oo ku yaala xaafadda shacabka. Kaabadahan uu madaxwene-xigeen Saylici gurigiisa hor dhigay ayaa waxa uu shacabka, gaar ahaan kuwa isticmaala baraha bulshada kala kulmay dareen taban oo ay kaga falceliyaan kaabadahaas. Dadka qaarkood ayaa isweydiiyay sababta uu Madaxweyne-xigeenku ugu dhiiraday inuu badhtamaha jidka dhigo kaabado ammaan oo loogu tallo galay in la iskaga mooso khataraha ammaanka, “Madaxweyne, waxa gurigaaga; aad hore dhinaciisa dhigtay kaabado waaweyn, imikana jidkii umadu maraysay ayaad kaabado ku xidhatay ood cidhiidhi ka dhigtay, madaxweyne miyaanad ogayn in kaabado badhtamaha jidka la dhigaa ay sumcad xumo ku yihiin ammaanka qaranka.” Sidaas waxa bartiisa baraha bulshada ku qoray muwaadin ka hadlayay kaabadahan. Muwaadin kale ayaa isna isweydiiyay sababta uu madaxweyne-xigeenku kaabadahan u dhigay jidka, iyadoo magalaooyinka dunida ugu halista badan sida Muqdisho oo kale ay hadda bilaabeen inay jidadka waaweyn ee caanka ah ka qaadaan kaabadahan maadaama oo ay keeneen sumcad darro iyo cabsi amni oo joogto ah. Waxa xusid mudan in guriga uu degenyahay Madaxweyne-xigeen Saylici uu u dhowyahay guriga Madaxweynihii hore Axmed-Siilaanyo oo aanay wax kaabado amni ahi hareero oolin dhinacyadiisa iyo jidka hormara toona. Sidoo kale isla xaafadan shacabka waxa isna degen Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin oo isaguna aan jidka gurigiisa hormara dhigin wax kaabado ah. Madaxweyne-xigeenkii labaad ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ayaa isna degen meel aan ka dheerayn guriga saylici, mana jiraan kaabado uu isku deyray. Saylici ayaa gurigan degay markii uu noqday Madaxweyne-xigeenka, waxaana la sheegay inuu ka iibsaday qoyskii iska lahaa. Kaabadahan ayaa ahaa kuwii loogu tallo galay in lagu xayiro isu socodka gaadiidka maalintii 18 May ee Qaranimada Somaliland, waxaana markii ay xafladii 18 May dhammaatay dib looga ururiyay jidadkii lagu xidhay. Si kastaba ha ahaate, shacabka isticmaalaha baraha bulshada ayaa Madaxweyne-xigeenka ugu baaqay inuu ka guro jidka kaabadahan dhawrka ah ee cidhiidhiga ka dhigay jidka oo ah mid muhiim u ah qaybaha kala duwan ee bulshada. Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa qaaday tallaabo ay uga hortageyso go’aanka dowladda Soomaaliya ay shaqaalaheeda uga mamnuucday inay ka qeyb galaan shirarka ka dhacaya magaalada Nairobi kadib markii Kenya ay Visa-ha u diiday mas’uuliyiinta Soomaaliya oo garoonka ka qaadan jiray. Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya in wixii shir ah oo quseeya Soomaaliya ay ku qabtaan gudaha dalka ama dalal kale ee gobolka, ama aysan ka qeyb-geli doonin. Ayada oo taas ka jawaabeyso, ayaa dowladda Kenya waxay warqad u qortay 144-ka dal ee safaaradaha ku leh magaalada Nairobi, taas oo ay uga horjeedo go’aanka dowladda Soomaaliya ay shirarka caalamiga ah uga weecineyso Nairobi. Kenya ayaa sheegtay inay soo dhoweeneyso mas’uuliyiinta Soomaaliya ee imanaya Nairobi balse ay lagama maarmaan tahay inay helaan Visa si la mid ah ajaaniibta kale. Dowladda Kenya waxay sheegtay inay tahay go’aan u yaalla Soomaaliya inay ak qeyb gasho shirarka Nairobi iyo in kale, balse ay kasoo horjeedo in shirarkaas la weeciyo. Dalalka daneeya Soomaaliya ayey hadda u taalla inay ayaga go’aan qaataan, waxaase adkaan doonto inay qbataan shir quseeya Soomaaliya oo ka dhaca Nairobi, haddii ay diido dowladda Soomaaliya inay ka qeyb gasho. Caasimada online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay inaanu deg deg ku salayn go’aamada uu qaadanayo ee uu u tallo badsado. Xildihbaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa wuxuu sheegay inay hoggaaminta Madaxweyne Biixi ka muuqato sidoo oo uu weli yahay siyaasi mucaarad ah. Ugu horayn wuxuu isagoo xildhibaanku ka hadlaya maxaabiista Puntland ee la sii daayay uu yidhi “Markay Wadamadu dagaal dhexmaro, inta badan Maxaabista la kala qabsado waa la isku sii daaya, waana la is weydaarsadaa, weyna fiicantahay in Maxaabiista la sii daayo, laakiin muhiimada ayaa ah Somaliland maxay ku bedelatay Maxaabista la sii daayey, ilaa hadda wax muuqda oo ay ku bedelatay oo ay inoo sheegtayna ma jirto,inta ay Maxaabiis sii daynaysana waxaan odhan lahaa waxaa jiri kara dad badan oo bilaa xukuna oo iska xidhan, waxaa laga yaaba inay jiraan dad badan oo reer Somaliland ah oo masaakiin ah, oo laga yaabo inay dulmi iyo cadaalad daro u xidhan, ee Xukuumadda waxaa laga rabay inay baadhis ku sameeyso dadkaas masaakiinta ah ee jeelasha iyo saldhigyada buuxa ee xidhan, inay ogaato sababaha ay u xidhan yihiin, waxayna kale oo ahayd inay ogaato, inay cidda ay u xidhan yihiin, markaas Xukuumaddan Muuse Biixi deg deg iyo fududayd ayaa ku jira, waxaana laga yaaba oo muuqda inay wali Mucaarad isku haysato, balse waxaan leeyahay Madaxweyne Muuse Biixi wali ha is moodin inaad tahay Mucaarad, ee waxaad tahay Madaxweynihii qaranka ee wax walba deganaan ku xali”. Xildhibaan Siciid Gaane mar uu ka hadlaayey xadhiga Xildhibaan Dhakool ayaa wuxuu yidhi “Xildhibaan Dhakool, waa Xildhibaan Xasaanad leh, haddii wax loo sheeganaynaa dacwada loo haysto dariiq iyo dhabo loo maro ayuu leeyahay, Xeer Ciqaab oo la marin karano ma jirto, mana aha xeer Dastuuriya, markaas Xukuumaddani sharcigii bay cabudhin ku haysaa,markaas Xukuumadda waxaan leeyahay xeerka ciqaabta mar walba lama adeegsado, cid gaar ahna looma adeegsado, ee qaabka loo adeegsado iyo cidda dambiga gasha loo adeegsado wey caddahay ee Xukuumaddu cabudhinta ay Sharciga ku hayso ha joojiso, oo Dastuurka yaanay si khaldan u adeegsan”. Source
-
Waxey aheyd Jimce ah 27 kii May 1988, kuna beegneyd 7 Shawaal 1408 tirsiga Hijriga, ayaa rajadii laxinaya siibey nafti kusoo laabatey. Kadib, qorshe diyaarsan oo dhameystiran, horena loo arag, badka soo dhigey abaandulihi SNM Ahmed Mire. Qorshahan waxa uu horseed u noqdey isbadal laxaadleh oo gobolka kuyimaada oo ay Ka dhalatey in dawladii dagaalka sokeeye Ka hurayeen dhamaantood ay Kala go’aan. Halka qorshihii nabada iyo iskaashiga Dhaqaale xambaarsanaa dhamaantii daaqada kabaxey, awoodii iska caabintuna, (walow ha tamar yaraatee) ay noqotey ta saaxada Ka aloosan. Ahmed Mire waxa uu diyaarsadey, qorshahan gobolka badley, waxa UU bilaabey laba sano Ka hor , markii garwaaqsadey in sidan tahey dagaal lagaga calaf-qaadi karin Siyaad Barre. Sabata ugu weyna tahey, in Mareykanka iyo Italy ay Ka diideen in Somali NATO hubeyso, taasna ugu badaleyn qorshe difaac oo lamari karin, taas Siyaad u horseedey in uu barkimada dheereysto. Mire waxa uu galey sahan dheer, si xogaha u helo, Ku dhiso hindise dagaal laga awood badanyey, oo guul soo hooya. 27 May habeen jimcaad ayuu qudbad niyad dhis iyo wacyi Ku dheehan yahey siisey ciidan 1200 nin ah, isagoo Ku hal qabsanaya geesiyaal magac reebey oo jihaad Ku suntanaa, sida Daiq bin Ziyaad, muhandiskii furtey Andalus(Spain iyo Portugal), Gen. Sacda-diin Shadali, taliyihii masirga ahaa, ee jabiyey Israel dagaalkii 1973 iyo Ahmed Shaah Mascuud mujaahid Reer Afghanistan ee Soviet Ka Ku ragaadiyey dooxada Baan-Shiir. Niyad Sare(high-moral) iyagoo wata, ayuu Mire ciidankii dhex jibaaxey xeegaano hoosyimaada Wardheer iyo Galaaddi ilaa UU Ka gaadhey, duleedka Garawe, halkaas oo laamida dheer kasoo qabsadeen, walow meelo yaryar dagaal Kala kulmeen, hadana waxey Ku waagi ugu baryey gudaha Burco. Mire waxa ogaadey in uusoo dhaafey dhamaan difaacyadii, Kala dambeeyey ee ciidanka Siyaad Barre iyo in sidaasoo kale aagii galbeedna Hargeysa Ku waabariisteen. Dagaal culus kadib oo Mire, Ku dhaawacmey, SNM gacanta waxey Ku dhigtey Burco marka laga reebo laba goobood. Isla galabta oo kale, ayuu AHN Xuseen Ahmed Guuleed (Xuseen dhhere), kawar heley in dagaalkii Ahmed Mire lagaga baxey, waloow, Burco ay qabsadeen hadana ay aad u arkaan doo to in lasii heysto, isagoo of waa Xuseen Dheere, dhumucda iyo awooda taliska Siyaad Barre. Xuseen waxa barqankii 27 May u boqooley deegaankii ay Ku sugnaayeen aagii ay wada Gali lahaayeen Hargeysa. Ciidankii Sayid Cali oo Xuseen Dheere watey iyo oo Lagu wadey in ay gacanta Ku dhigaan, goobihii ugu adkaa, sida Airport-ka, warshada kabka ee 24aad, xerada madaafiicda ee 11aad(dabada cadaada) iyo ta gantaalaha Naasa-hablood. Jawaab aanu filaneyn buu kala kulmey markii laba xidigle Muuse Biixi usiiyey,……..kuye hadii inamadiinii dab galiseen kuwayaga galin meyno. Xuseen Dheere maskaxdiisiii badal. Talana Ku weynaatey, dhaqso ayuu Aayatulihii SNM Maxamed-Cali Shir ula galey oo isaga guutadiisu loogu tala galey jid-goyn iyo arbush Ku sameeyo inta u dhaxeysa Hargeysa, Berbera iyo Cadaadley. Dhaqso ayeey gudoonsadeen in culeyska laga dulqaado ciidanka SNM ee bilaa difaaca ee Burco qabsadey. Isla markiiba Maxamed Cali waxa uu afka saarey dhankaa iyo Dabis oo Cadaadley,Berbera iyo Mandheera u dhaxeysa, Isla galabtiiba dagaalkiisii waa bilaabey, halka Xuseen Dheere isna ciidankiisii casar gaaban kala caraabey oo meel u dhow Cadaadley 28 kii May Ku kulmeen ciidankii Maxamed Cali, laguna kala qaatey waajibaadkii dagaalka. 29 May iyagoo nasan ayeey fooda isdareen, gaaskii labaad ee aagii 26aad iyo guuto kamaandoos ah oo Cadaadley deganaa(4 kun ilaa 5 kun oo Askari) halka Xuseen iyo Maxamed Cali wateen ilaa 4 boqol oo Askari. Dharaartaas walow xerayihii iyo taliskiiba ay SNM ay gacanta Ku dhigtey hadana ciidankii Siyaad Barre, waxey uga diga rogteen, deegaanka Diri-Maraa oo ilaa 5 km Cadaadley u jirta, si ay isugu soo habeeyaan guluf cusubna soo qaadaan. Gen. Kaahiye oo heystey ciidankii Cadaadley, ayaa taakuleyn dalbadey waxa soo gaadhey ciidan ay Ka midyihiin 120 tikniko ah iyo 90 gaadhi oo ciidan sida oo korneyl buuxa wato. Gen. Kaahiye oo ahaa taliyihii ciidankaas deganaa Cadaadley, Siyaad Barre na kalsooni kuqabey, aqoon ahaan iyo xilkasnimo ba leh kanasoo qalin jabiyey kuliyada saraakisha lagu tababaro ee West-Point Accademy ee Mareykan ku taal. Gen. Kaahiye, waxa bilaabey diyaargarow kadib markuu heley xoojin iyo taakuleyn dhameystiran, oo dhanka Hargeysa uga yimid. SNM waxey talo iskaga yimaadeen, iyagoo shicibkii deegaankana ufurey maqaasiintii qoryuhu yaaleyn ee Carbiska, si ay shicibku u noqdo garab cusub oo Ka dhinac dagaalama. Xuseen Dheere waxa uu soo jeediyey in ciidanku nasto daal sadex maalmood ah kadib, habeenkaasna seexdaan, Maxamed-Cali waa kadiidey, isagoo sababeeyey, in hadii caawa aan ladhaqaaqin in berrito dagaal iyo madaafiic ba Lagu burburin doono. Xuseen Dheere oo Ka eegey culeyska ciidanka Ku dhacey, waa qaatey taladaas dhaxal galka ah ee Maxamed-Cali . Durtaba waxa la bilaabey qorshe dagaal oo Lagu waajahayo ciidan wata in 3 boqol oo baabuur oo gaashaman, kuwo culus sida madaafiicda Garaadka Somaliduna u taqaan pm-Ka, Tawaangi, ilaa kuwa lancruise-rada dhashiikaha saaran. Hadaba, in yar Ila wadaaga, qisadii ciidanka Siyaad Barre iyo qasadii dhanka jabhada. (1) dhanka jabhada, Ahmed Xasan oo ciidankaas kujirey hada ah ganacsade suuqa shiraaqle Hargeysa. (2) korneyl kii xoojinta Hargeysa Ka keeney noqdeyna Gen. Kaahiye Ku xigeenkiisa buug UU qorey. …..Nasiib wanaag sarkaal deegaanka u dhashey, heyb hoosana Xuseen Dheere lawadaaga, in ayaa kasoo goostey, si dhaqso ahna xogtii cadowga soo gaadhsiisey, taliskii SNM ta oo ahaa dooxada durdurka ah ee Cadaadley ee SIIG agteeda. Sarkaalkaasi waxa uu sheegey in ciidamo badan Ka yimaadeen, fadhiisimada, Berbera, Dararweyne, Mandheera iyo Hargeysa intaba. Waxa kale oo sarkaalku sheegey noocyada ay ukala fadhiyaan, waxa Isla markiiba boodey Ahmed Weysa-Cadde oo taliska kamid ah, isagoo Ku dhawaaqaya, waar ninka dila, waa Ina bajinayaaye. Xuseen Dheere ayaa hadalkii qaatey, oo yidhi: Fadhi inooma yaal, hadii waagu inaga baryo, waxa la arkayaa tiradeena, waana la inaga qaqabanayaa. Isagoo, hadalkiisa sii wata, qorshihiisii dagaal (War-plan) ayuu dhaqso u sameeyey, kaasoo plan A uu yahey. (1) in dhamaan Wixii tikniko ah Isla galabta gacmaha lagu riixo ilaa 7 km oo dhanka dambe laga maraa madaafiicda!!! Waayo? Xuseen waxa uu Ku tiraabey hadii madaafiicda aynu qabano dagaalkaas Ku guuleysaney, hadii aynaan qabana, marka la inagu garaaco dhagaxa iyo jeex-jeexa ayeeynu Ku madhaneyna. Ciidankii lugtana afar meelood u qeybiyey isagoo Ka duulaya xogta uu sarkaalkii soo goostey bixiyey. Dagaal galintana Ayatulah: Maxamed-Cali ayaa masuul Ka ah. Waxaana la bilaabaya 3 habeenimo 3am halka Gen. Kaahiye isna rabo in 4 am bilaabo madaafiicda, subixiina ciidanku Ku ruqaansado SNM-ta. Isla habeenkii 3am, ayaa sidii la isku ogaa ciidankii SNM xabadii bilaabeen, qeybtii madaafiicda ay cabsida Ka qabeen. (2) dhanka cadowga, waxa isasoo tareysay jabka ciidanka, saanadoodiina si dhaqso ah u gubaneysay, marba, marka Ka dambeeya, waxa is-qoorsaneysay guuldarooyin isdaba jooga iyo baahiyaha guutooyinka Kala duwan oo gacanta lagu heyn” sidaasna waxa yidhi korneylkii taakulada Hargeysa ka keeney. Korneylku isagoo hadalkiisii wata waxa uu yidhi “Ilaa ay gaadhey heer Gen. Kaahiye uu indhahiisa kusoo arko dabka kusoo huraya ee ciidankan madaalaha ah ee SNM ee xawliga isusoo taraya. Gen. Kaahiye, waxa UU bilaabey in fooniyii(milatary wireless communication) toos ugu xidhna Morgan, uu bixiyey hadalo isdhaaf ah, marka uu tabinayo jabka ciidanka waxa uu sheegayaa, guul. Guushana burbur. Yeelkeedee, xili dambe uu isogaadey khaladka uu bixinayo, Gen. Kaahiye oo Ku caan ahaa American military uniform iyo qori, bastoolad aanu dhigi jirin, isagoo niyad jabsan dib usoo baxey geed weyn na hoos fadhiistey, halkaasoo laba Xabo dhafoorka iskaga dhuftey, kuna dhintey. Talo Faro Ka haadey, oo anigaa lawareegey taliskii oo ah korneylkii xaley yimid wax aqoon ahna deegaanka u laheyn, waxaan saxey khadkii, taarka, oo aan Morgan gaadhsiisey in ciidankii aad usoo gurmayo. Si cadho leh, buu Morgan Igu yidhi u dhiib taarka Gen. Kaahiye, waxaan ugu jawaabey taliye nasasho gaaban buu qaatey, baan Ku jawaabey. Si isgaadhsiinta SNM tu u ogaan geeridiisa, hadii aan idhaah fasax dheer buu galey. Layaab waxa igu noqdey, in Siyaad Barre khadka soo galey amarna Ku bixiyey in Xamar lakeeno meydkiisa. Ciidankii hambadiisiina aan Kala soo baxey goobtaas. (3) Waxaan dharaartaas goob joog aan u ahaa Hargeysa oo bando saarantey, lagana qaadayo heestii Samadiidoow dabin baa kuu qoolan, lagugu dili doonoo…..halkaas warkii Cadaadley yimi, baroorta dumarka, afka la isasaarayo iyo rag cadheysan iyo kuwo juuqda gabey, ayaan kusoo marey makhaayad ay Ku kulmi jireen taageerayaashii Siyaad Barre, degdeg baan talaabada u boobey anigoo cabsi igu jirto aargoosi iyo farxada warka aan maqlayo, dhagaheygu waxey maqlayeen, meydku waa wadhanyey min Cadaadley ilaa wadada Berbera. Ugu dambeyntii ciidankii SNM waxa UU sameeyey raad goyn, dhanka Bandar wanaag ciidankii joogey. Morgan waxa uu amrey korneyl kii taliskaa joogey in uu ka hortago ciidankan SNM ta ah. Lkn, taliyihii waa Ka diidey Morgan isagoo leh taliye, ciidankii Cadaadley ragii liqey iima daahayaan. Hada waxa meeshaas yaaley taangiyada kaligood waxey ahaayeen 14 taangi. Morgan waa amar, ee dhaqso uga hortag!!!!!! Taliyihii Bandar-Wanaag amardiidadaas waxa UU kaga jawaabey in uu isdilo. SNM waxa Ka dhintey ilaa tobaneeyo, uu kamid ahaa Ismaciil Haaji Cabdi, xubin golaha dhexe ah, ahaana wariyaashii BBC da 1965-69, kana mid ahaa madax gudidada siyaasada ee golaha dhexe SNM. Maxamuud Biixi hajibihi123@gmail.com Lasoco Qeybta labaad Maxamuud Biixi Axmed Qaran News
-
Taliska Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa degaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Kismaayo ku soo bandhigay Miino nooc dhulka lagu Aaso oo ay sheegeen in la doonayay in lagu Aaso Wadada. Saraakiisha Ciidanka Jubbaland oo ku sugnaa halka lagu soo bandhiyay Miinada, ayaa sheegay in Ciidanka Amniga ay ku guleeysteen iney fashiliyaan Miinada oo sida ay tilmaameen lala damacsanaa in Shacabka isticmaala Wadada xiriirisa Kismaayo Cabdalla Biroole lagu dhibaateyn rabay. Sikastaba Taliska Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa dhowr mar soo bandhigay Miino ay sheegeen in la doonayay in lagu dhibateen rabeen Shacabka ku nool Degaannada Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shilkan ka dhacay Laasa-dawaco xoolo keliyaa ku le’day Ugu yaraan 4 askari oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland ayaaa ku dhaawacmay shil galabta ka dhacay nawaaxiga tuulada Laag oo qiyaastii 30 koonfur kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Wararka halkaasi laga hayo ayaa sheegaya in askartaasi dhaawacantay kadib markii ay isku dhaceen gaari ay saarnaayeen oo ciidan iyo gaari nooca loo yaqaan Dhaynaha xilli ay is dhaafayeen. Dhaawaca askarta ayaa loola cararay isbtitaalka magaalada Boosaaso oo haatan lagu dabiibayo waxaana dhaqaatiirta caafimaadku sheegeen in laba kamid ah askarta ay lugaha ka jaban yihiin. Shil kale oo maanta ka dhacay tuulada Laasa-dawaco ee gobolka bari ayaa isna waxaa ku le’day in ka badan 50 neef oo xoolaha kadib markii uu rogmaday gaari xamuul ah. Sidoo kale laba ruux ayaa xalay ku dhintay shil ka dhacay tuulada Libaaxo oo 90km dhanka bari ka xigta magaalada Garoowe halkaasi oo gaari xamuul ah uu dusha ka maray mid kale oo gawaarida raaxada ah. Shilalka 24-saac ee u dambaysay dhacay ayaa ku soo beegmay xilli roobab dabaylo wataa ka da’ayaan qeyba kamid ah gobollada Bari Karkaar iyo Nugaal iyadoo meelaha qaarna laamiga daadad ku soo rogmeen. PUNTLAND POST The post Shilal kala duwan oo ka dhacay laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
EGYPT'S NADRA Mabrouk joins Somalia’s Jamila Osman today (May 30) as joint winners of the attention-grabbing Brunel International African Poetry Prize. Source: Hiiraan Online
-
Egypt’s Nadra Mabrouk joins Somalia’s Jamila Osman today as joint winners of the attention-grabbing Brunel International African Poetry Prize. Source: Hiiraan Online
-
A former US special representative to Somalia who also served as Washington's ambassador to the Democratic Republic of Congo was named Thursday to be the next United Nations envoy to Somalia, replacing an emissary who was expelled four months ago. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee QM, Antonio Guterras ayaa James Christopher Swan oo u dhashay dalka Mareykanka u magacaabay inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan Soomaaliya. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in sababta loo xushay Swan oo nin Mareykan ah ay qeyb ka tahay in laga hor-tago in dowladda Soomaaliya ay mar kale si fudud ku cayriso wakiilka QM. Ilo-wareedyada ayaa sheegaya in xogahayaha guud ee QM uu doonayey inuu magacaabo qof khibrad u leh arrimaha gobolka, islamarkaana kasoo jeeda mid ka mid shanta dal ee xubnaha joogtada ka ah golaha ammaanka ee QM, si looga hortago in mar kale wakiilkiisa la siiyo PNG (persona non grata) ama qof aan dalka laga rabin. Swan oo Mareykan ah ayaa buuxinaya dhammaan dalabyadaas, taasina waa sababta ugu weyn ee loo doortay, sida ay wararka sheegayaan. Xoghayaha guud ee QM ayaa la sheegay inuu rumeysan yahay in dowladda Soomaaliya aysan ku dhiiri karin inay PNG siiso shaqsi Mareykan ah si ka duwan Nicholas Haysom oo kasoo jeeday dalka South Africa oo ay horey u cayrisay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda fedraalka Soomaaliya (XFS), Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlay Isdhex galka dhagaale iyo ganacsiga ee gobalka geeska Afrika. Shirka oo ay ka qayb galeen wasiirro kamid ah xukuumadda ayaa aad looga dooday sida Soomaaliya ay u diyaarin karto mashaariic dalka faa’iido u leh dalalka geeska Afrikana ay ka faa’iidaysan karaan, maadaama uu jiro dadaal xooggan oo la doonayo in dalalku ka wada faa’iidaystaan is-dhex galka ganacsiga iyo dhaqaalaha. Kulanka ayaa qayb ka ahaa diyaar garoow loogu jiro shir ay yeelanayaan wadamada gobalka oo lagu soo bandhigayo mashaariicda dalalku ay soo diyaariyaan ee faa’iidada u leh dhammaan bulshada gobalka. Wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan oo qayb ka ahaa wasiirrada shirka ka qayb galay ayaa sheegay in looga tashaday qorshaha ugu haboon ee Soomaaliya ay uga faa’iidayn karto is-dhex galka, wasiirradana la faray in ay ka fakaraan mashaariicda ugu muhiimsan ee lagu soo bandhigayo shirka looga hadlayo is-dhex galka ee dalalka geeska Afrika. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
BBC laanta Af-somaligu Af-somali xumiddii waxy ku darsadeen qoraal-xumi Waxaan saaka wakhiga Toronto, 10:00 subxnimo ka akhriyey Website-ka BBC qoraalkan kooban ee hoos ku qoran: Nigel Farage: “Cadawga Midowga Yurub” ee taageeray Somaliland Nigel Farage waa siyaasi si weyn uga muuqdo masraxa siyaasadeed ee Britain iyo Midowga Yurub. Wuxuu waday olole ballaaran oo uu Ingiriiska kaga baxayo Midowga Yurub, waxaa uu ka mid yahay dadkii garwadeenka ka ahaa aftidii ka bixidda Britain ee Midowga Yurub. Nigel Farage waxaa uu kasoo horjeedaa siyaasadda reer Yurub, inkasta oo dhawaan loo doortay in uu xubin ka noqda baarlamaanka Midowga Yurub. Farage wuxuu necebyahay Midowga Yurub, haddana Xisbiga cusub ee uu dhowr toddobaad ka hor sameeyay ee Brexit ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee baarlamaanka Midowga Yurub ku matali doono Britain. Hoggaamiyihii hore ee xisbiga UKIP ayaa hadda dib ugu laabanaya magaalada Brussels si uu u sii wato ololihiisa ka dhanka ahaa midowga Yurub. Waxaa uu howlihiisa siyaasadeed kusoo qaatay xarunta Midowga Yurub oo markii ugu horreysay loo doortay baarlamaanka sannadkii 1999-kii. Nigel Farage ayaa horraan taageeray Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland oo uu ku ammaanay sida ay u xoojisay nabadda. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in Britain iyo dunidaba ay aqoonsdaan Jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Somaliland ayaa 18-kii bishii May ee 1991-dii, ku dhawaaqday in ay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale. Shirar ka dhacay magaalooyinka Burco iyo Boorama oo ay ka qayb galeen wax garadka gobollada Waqooyi oo isu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada sida oday dhaqameedyada, culimada diinta, aqoonyahannada, ganacsata iyo siyaasiyiinta ayaa ku dhawaaqay go’aanka gooni isu taagga ah. Qoraalkan yare ee kooban wuxuu inta badan ka hadlayaa siyaasiga Nigel Farage iyo siyaasaddisa Yurub iyo wadankiis Ingriska, waxayse xagga hoose ka raaciyeen laba tuduc (Two paragraph) oo midka hore yahay inuu sheegayo Nigel Farage inuu taageero siiyey kuna dhawaaqay in madaxbanaanideeda la siiyo Somaliland, wuxuu kale oo ku ammaanay sida ay u xoojisey nabadda. Tuduca labaadna waxay ku sheegeen in Somaliland dib ula noqotay madaxbannideedi 1991-kii. Wuxuu kale oo ku darayaa in ay Somaliland shirar ku qabsadeen magaalooyinka Burco iyo Borama oo ay ka qayb galeen wax-garadka, “Gobolladda Waqooyi” oo ay ula jeedan Somaliland. Wax uu ku sii faahfaahiyey in wax-gradkaasi ay ku jireen Oday-dhaqameedku, Culimada diintu, Aqoon-yahanadda Ganacsatadda iyo Siyaasiin. Qoraalkan waxaa ka muuqda nacayb (Hate propaganda) ummada Somaliyeed ay iskaga hore keenayaan wiilsha yar-yar ee iminka meesha ka arrimiya. Haddii aan isku dayo in aan macaneeyo eriyaga nacayb- faafinta” hate propaganda” “waa marka aad bulsho ama mujtamac aad ku weerarto af, addin, calamado, qoraalba iyo iwm, adiga oo danta aad ka leedahay tahay in aad ka abuurto qas iyo qalalaase isla markaan abuuraya colaad loo qaado dadka sida gaarka aha aad u badh-tilmaamastay. Waxaa aan munaasib ahayn in qoraalkan oo kale lagu qoro website-ka BBC iyada oo loo muujinayo in qof cadaw ah uu taageero qadiyadda Somaliland. Waxay tani muujin xumaan oo ah: in qof cadaw u ah Yurub uu taageero Somaliland. Af-ka qaalada waxaa loo yaqaana (Character assassination). BBC-du waa laanta af-ka Somaliga ku hadasha waxaan la gudboon in ay ku shaqayso nidaamka, anshaa iyo milgaha hay’adan BBC-du ay leedahay. Waxaan hubaaal ah in arrintan ay muddan tahay in si gaar ah loo eego ama isha loogu ahayo, waayo waa arrin leh xanaf iyo xajiin. Qaran News
-
Xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa galabta James Christopher Swan u magacaabay ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya. Mr Swan oo 56 jir, una dhashay Mareykanka ayaa loo magacaabay booskii uu banneeyay danjire Nicholas Haysom oo 31kii December sannadkii tegay dowladda Soomaaliya dalka ka ceyrsisay. Danjire Swan waa safiir hore, wuxuu ka soo shaqeeyay guddiga Xiriirka dibedda ee Baarlamaanka Mareykanka. Sannadkii 2008 – 2001 wuxuuna ahaa safiirkii Mareykanka u fadhiyay Djibouti. 2011 – 2013 wuxuu dowladda Mareykanka u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya, maadaama uusan jirin danjire rasmi ah oo dowladda Mareykanka u joogay Soomaaliya. 2013 illaa 2016 wuxuu ahaa danjirihii Mareykanka ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo. Meelaha kale ee uu ka soo shaqeeyay waxaa ka mid ah Cameroon, Nicaragua iyo Haiti Maanta oo 30ka May, 2019 waxaa loo magacaabay Ergeyga QM ee Soomaaliya iyo madaxa Xafiiska UNSOM. PUNTLAND POST The post Xoghayaha Qaramada Midoobay oo ergey cusub u magacaabay Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa xalay abaare 11:00 habeenimo Garasbaaley ee gobolka Banaadir, gaar ahaan aagga Tabeellaha Sheekh Ibraahim ka afduubtay nin Bakhaar Ganacsi ku lahaa halkaasi. Ninkan oo magaciisa lagu soo koobay Xasan ayaa xalay rag hubeysan oo watay Gaari Kaarib ah ugu tagay goobtiisa Ganacsi, kadibna iyaga oo u xiray Garba Duub, islamarkaana Indhaha ka xiray ayay kala dhaqaaqeen halkaasi. Dadka Deegaanka ayaa inoo sheegay in ninka la afduubtay la geeyay xaafad lagu magacaabo Baydhabo Yareey, halkaasi oo ugu dambeyn ay ku toogatay kooxdii afduubatay. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in ninkan uu ka mid ahaa ragga sida hoose ula shaqeyn jiray Argagixisada Al Shabaab, islamarkaana maalmihii dambe si aad ah loola socday dhaq dhaqaaqiisa, inkasta oo aan arrintaas la caddeyn kairn. Qaar ka tirsan ehelada Marxuumka ayaa sheegay in wiilkooda maalmihii dambe telefoonkiisa gacanta uu ku helayay fariimo hanjabaad ah, balse aysan garaneyn cida dilkiisa ka dambeysay. “AUN Marxuum Xasan, magaraneyno cidii dishay, si arxan daran ayaa loo dilay, maalmihii dambe fariimo hanjabaad ah ayaa loo soo dirayay, wiilkeena qof shacab ah ayuu ahaa, magaraneyno sababta loo beegsaday”. ayuu yiri qof ka mid ah ehelka ninka la dilay. Hay’adaha ammaanka ayaa bilaabay dabagalka raadka lagu ogaanayo raggii dilka ka dambeeyay oo ilaa hadda aanan la ogeyn halka ay ka tirsan yihiin. Dadka Deegaanka gaar ahaan aagga uu falkan ka dhacay ayaa sheegay inay dareemayaan cabsi, waxayna tilmaameen in fiidka horeba ay iska xirayaan goobohooda Ganacsi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Tobankaa danbe tawbada badi baan lahaayee. Waxa aan arkayaa in dadka qaar ay wax weyn u arkayaan saraakiil iyo ciidan ka soo jeeda Bariga Sanaag oo u goostay Maamulka Puntland, kadib markii sida ay sheegeen la amray inay Badhan qabsadaan. Dadka arrintan walaaca ka muujinaayay waxay u arkayaan in dhaawac soo gaadhay ciidanka qaranka Somaliland Waa nasiibdaro in qof Somaliland u dhashay gobolka uu doono ha ka soo jeedee uu u riyaaqo burbur ku yimaada ciidanka qaranka Somaliland. Ciidmada Somaliland waa kuwa suurtogeliyay in gees ka gees ay maanta nabad ahaato oo aanay la daruuf noqon waxa ka dhacaaya jaaarkeeda. Marnaba cududa ciidamada qaranka Somaliland noqon mayso mid wiiqanta, haddii uu madaxweyne Muuse Biixi amray in la tirakoobo oo lala xisaabtamana waanu soo dhawaynayanaa waa in ciidanka laga dhex waayaa sarkaal ku naaxa caaglayaal aan ummadda u diiwaan gashanayn oo isaga ku kooban. Maaha inaan mucaaradninada aanu doonayno in maalinta codka loo dareero aanu kursiga ku dhaafino madaxweynaha inay nagaga khaldanto ama ay indhaha na tirto oo aanu u sacaba tumayno burbur ku yimaada ciidanka Somaliland iyo guud ahaan nidaamka dawliga ah. Maaha ugub in saraakiil deegaankaasi la soo jeedaa ay marna Puntland tagaan marna Somaliland ku soo noqdaan. Somaliland, ayaa mar walba ka horeysa xifiltanka siyaasadeed”Somaliland first “. Mustafe Ciise ( Mustafe Shiine) Qaran News
