Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Maanta Magalada Baydhabo waxa uu kula kulmay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka deegaanada Koonfur Galbeed. Kulanka oo uu ku wehlinayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa waxaa ay uga hadleen arrimo uu ka mid yahay xariga Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo weli u xiran dowladda Soomaaliya. Odayaasha ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxa ay u gudbiyeen cabasho ku aadan in muqtaar Roobow uu mudo dhowr bilood ah xiran yahay, iyada oo aan wax maxkamad ah la geyn. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Oayaasha Dhaqanka uu kulanka la qaatay wax auu u balan qaaday in dowladda uu kala hadli doono sidii loo siideyn lahaa Muqtaar Roobow oo horay uga mid ahaan jiray hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab balse dowladda isku-soo dhiibay. Dowladda Soomaaliya ayuu weli u xiran yahay Muqtaar Roobow,waxaana socda dadaalo la doonayo in lagu siidaayo, iyada oo qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ay dalbadeen in mudo 15 Cisho gudahood lagu siidaayo.
  2. Waxa ay dawladdii iyo qarannimadii ka yeelayaan dukaan yar oo uu reer leeyahay. Waa dhab in aanu reer yari dawlad lahaan karin, dhisi karin, difaacina karin, se ay dumin karo marka ay inta badan ka xigsadaan. Hergo reer ma aha ee qudhun-quuteyaal bahalnimo iyo budhcadnimadu hub ay ku qadhaabtaan u tahay. Reernimada iyagaa u arka buul ay ku dhuuntaan. Reerku se dembi taas kuma leh, waxa se eedi raaci doontaa marka taas ka indho garsadaan, ka aamuusaan ama u dhegooleeyaan inta badan ee dawladnimada la iska xeginayo, illaawaanna maalintii ay inta badan u baaahnaayeen. Heego Muusaa sameeyey, isaga ayaanay burburinayaan. Waa run kale iyana oo aan laga aamusi karin. Muuse Biixi waxa uu dhisay xukuumad dhinac ka raran oo si muuqata u burinaysa wax wada lahaanshihii iyo wada-jirkii Somaliland. Heego difaaceedu waa intan. Wax kale ma aha ee sedbursigaas baan u macdaar noqday ay biil ku qaataan, difaac iyo heeganna ay ugu jiraan sidii guuto faran dagaal ku jirta. Sannad iyo badh ayay xukuumaddiisu u muuqday shan jir marka la eego caddalad darradiisa, marka la eego maamul xumaantiisa, marka la eego sumcaddiisa, marka la eego sharci jebintiisa, marka la eego dhul boobkiisa caa’iladaysan, marka eego himilo la’aantiisa, marka la eego rejo abuur la’aantiisa iwm. 28 sannadood ka dib waa taas maanta Somaliland kala madluunsan ee kalsoonidii bulshada dhexdeedu burburtay, waa taas kalsoonidii dawladnimada lagu qabi lahaa sii dhimanaysa. Waa taas Somaliland baallaha ka soo rifmaysa, dhexdiina uu xarku ka galay. Waa taas 18-kii May noqotay isir kala qaybineed oo loo kala yeelanayo sidii dawladnimada loo kala xigsadey. Waxaas oo dhan waxa ka daran Heegada Muuse masruufo ee uu hantidii dadka saboolka ah sir iyo caadba ugu naasnuujiyo, ugu qaraabo-kiilo. Haddii asd doonaysaan in Muuse la dhallilin nooga saara madaxtooyada oo xaafadihiinna geeyo bal in ay cidi wax ka sheegto. Kursiga iyo xilja ayaannu la hadlaynaa ee adeerkiin uma soconno. Car bal aannu la hadalno haddii aad xaafaddihiinna geysaan. Kama se aamusi doonno inta uu talada noo hayo ee maamul xumaanta ku socda. Hadda xaalkiisu waa nin qaawani biyo iskama dhawro. Heego waxa ay noqotay daabka gudin lagu dulbaaxsado oo haddii xukuumadda loo garsheegto ama la dhalliilo fagax soo odhan, oo siidhiga isugu qaylodhaansanaya m, iskuna gudbaya la garnaqsiga ama dhalliisha xukuumadda. Waa kuwaas difaaca soo wada gelaya ee u haysta in Somaliland iyagu leeyihiin, dawladnimadeeda dadka Somaliland xigaan ee ay qofka ay doonaan Somalilandnimada ka saaraya. Maqaalkan felcelintiisa uun ila qiimeeya, Heego waxa aad ku ogaal aflagaaddo aan mawduuca wax shuqul ah ku lahayn iyo weedho madhan oo saaran hawo been ah, nacayb iyo cuqdad nafsaani ah oo isku wada eg sidii qof qudha ahi leeyahayna is wada canjilaya. Wax weyn baan soo fool leh. Professorrada Cali Khaliif Galaydh iyo Axmed Ismaaciil Samatar doodahoodii waxa ay noqdeen maan-fur wanaagsan. Doodo badan bay dhali doonaan. Runtii cabbudhsanayd ayaa dhaayo-furatay. Waa taas Heego xammili weydey ee dulqaadkii iyo xaqdhawrkii ka dhoofeen, waayo runta iyo Heego kastaa waa col oo waa ay isku shaashoobaan, gogolna kuma fadhiistaan. Heego ma yeelan karto dawladnimada ay isa siisay. Kama xigi doonto bulshada qaranka Somaliland. Muuse laguma raaci doono dawlad dhinac si weyn uga raran iyo is maroorin meel-iska-tuurnimo. Laba mid bay noqon oo ama waxa ay u hoggaansami sharciga iyo aqlabiyadda, waana ta qaranka iyo iyagaba u danta ah, ama waxa ay noqon in jiho kale la qaado oo wax la iska weydiiyo in Somaliland sidan ma sii ahaan kartp ee aan raadinno wax intaas ka xeeldheer oo la dugsan karo. Waxa aan ka mid ahay inta aan sidan ku sii kalsamaan karin. Uma arko wax qiime badan leh in 18-ka berri loo dabbaaldego. Marka hore ma aan jeclayn sida miyir la’aanta ah ee maalintaas loo xuso, haddana waa ba Ramadaan. Haddana dareenkaygu kama horjeedo dareenka bulshadayda oo waxa aan u rejaynayaa nabad, degganaan iyo farxad in ay u dabbaaldegaan. Heego maalmihii qaar badan baa dambeeya ee is daba qabta weli toobaddu waa ay idiin furantaye. Talo adigaa ku noole iyadu kugu ma noola. Maxamed Bashe Xaaji Xasan Qaran News
  3. Eritreans are unable to access social media networks from yesteday, the BBC’s Tigrinya Service reports. People have thus been forced to turn to Virtual Private Networks, VPN, to exchange messages. In Eritrea, the internet cannot be accessed via mobile phones, the report added. The government is said to have taken the measure to avert an intended protest as the country gears up for its 26th Independence Day celebrations on May 24. Asmara has yet to officially respond to the development. Communication like media is strictly under government control in the country considered to be a one-party state. President Isaias Afwerki is the sole president since 1993, there is no opposition in the country. Eritrea has serially been accused of violently crashing on dissent and muzzling the media which is currently non-existent. Internet World statistics indicate that Eritrea has by far the lowest internet penetration on the continent. As at 2018, it had only 71,000 internet users, estimated to be 1.3% of the population. Daily News Qaran News
  4. Somali Islamist insurgents are making their own explosives, according to a confidential U.N. report seen by Reuters, as they mount more frequent and deadly attacks. Source: Hiiraan Online
  5. New York (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa u gudubtay heer qaraxyada ku sameystaan gacmahooda, sida ay shaaca ka qaaday warbixin ay diyaariyeen guddi khuburo ah oo ka tirsan QM. “Markii ugu horreysay taariikhda, taxliil lagu sameeyey sheybaar ayaa tilmaamaysa in is-beddel weyn uu ku yimid habkii ay Shabaab u sameyn jireen bambooyinka, waxay ka gudbeen inay isku haleeyaan miinooyinka militariga una wareegaan kuwa lagu sameeyo guryaha” ayaa lagu yiri warbixinta guddiga khuburada QM. “Akhbaaraadka aan helnay ayaa soo jeedinaya xiriir weyn oo ka dhaxeeya horumarka ay Al-Shabaab ka gaareen in qaraxyada ku sameystaan gacmahooda iyo sare u kaca dhowaan ku yimid qaraxyada waa weyn ee Muqdisho” ayay tiri warbixinta. Daraasadda ay sameeyeen guddiga QM ayaa waxaa saldhig u ahaa 20 qarax oo waa weyn oo Muqdisho ka dhacay tan iyo bishii July ee 2018. Lama shaacin cidda taxliisha sameysay, hase yeeshee document-ga guddiga ayaa waxaa ka muuqda oo lagu xusay hay’adda minooyinka ee QM ee U.N. Mine Action Service, hay’adda FBI-da Mareykanka iyo hay’ado kale. Al-Shabaab ayaa markii hore isku haleyn jirtay miinooyinka milatari oo ay dib uga farsameeyaan miinooyinka iyo hoobiyayaasha ay ka qabsdaaan ciidamada dowladda iyo Amisom, balse waxay hadda gaareen heer ay si buuxda ayaga u sameeyaan qaraxyada. Tani waxay u sahashay inay sare u qaadaan weerarada Muqdisho, oo uu ka mid yahay weerarkii dhimashada badnaa ee October 2017 ee Zoobe. Khubrada ayaa muddo rumeysnaa in laga yaabo in Al-Shabaab ay mararka qaar adeegsdaana miinooyin ay ayaga sameeyaan, balse wax caddeyn ah looma hayn ka hor taxliishan. Warbixinta ayaa sheegtay in waxaayabaha Al-Shabaab ay isku daraan ee ay ka sameeyaan bambooyinka ay ka mid yihiin kiimikooyinka nitroglycerine oo lagu qasay ammonium nitrate ama potassium nitrate iyo dhuxul. Farsamadan cusub ee Al-Shabaab ay billowday ayaa adkeyn doonto in qaraxyadooda laga hortago ama la xakameeyo, sida ay warbixinta sheegtay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Eng Faysal Cali Waraabe oo shir jaraa’id kaga hadlay xaaladda dalka ka taaggan iyo xadhigga Xildhibaan Dhakool ayaa sheegay in xildhibaankaasi khalad weyn sameeyay xadhiggiisuna yahay mid sharci ah “Xildhibaan Dhakool haddii aan la xidhin shacbiga dili lahaa,” sidaas ayaa ka mid ah hadalka Eng Faysal Cali Waraabe, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. (SLT-Jabuuti)-Dalalka Jabuuti, Itoobiya, Uganda iyo Koonfurta Suudaan ayaa gaadhay heshiiskii u horreyay oo ay ku doonayaan inay ku dhistaan khad isku xidha caasimadohooda. Shir laba maalmood socday ayaa lagu soo afjarayay kormeerka lagu sameeyay hirgelinta khadka. Dhinacyada ay khuseysay waxay ka doodeen waxyaabihii lagu soo jeediyay kormeerka iyo xalka dhismaha oo ay fulin doonto shirkad deggan fadhigeedu yahay Nairobi, inkastoo dowladda Kenya aysan qeyb ka ahayn. Shirka oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayay dhinacyada ku saxiixdeen heshiiska fulinta, waxaana goobjoog ka ahayd IGAD, sida ay ku warrantay warbaahinta Fana ee Itoobiya. Baadhitaanka hordhaca ah ayaa muujinaya in dhaqaale xoog leh laga heli doono khadka isku xidhka ah ka dib marka la hirgeliyo. Waxaana hadda laga fikirayaa sidii loogu gudbi lahaa qeybta fulinta mashruuca. Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Ujeedada Wefti ka Socda Jabuuti oo Hargaysa Soo Gaadhay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha diinta dowladda federalka ee Soomaaliya ayaa soo saartay tirada dadka Soomaalida ee Xujeyda ah,wasaaradda ayaana sheegtay in sanadkaan 1440 Hijriya ay gaarayaan dadka Soomaalida ah ee xajinaya 11.500 oo qof. Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay qiimaha sanadkaan dadka Soomaaliyeed ay ku xajinayaan, waxa ayna Xustay in qof waliba oo Xaaji ah uu bixinayo 3.600$ halka dadka Vip da ahna ay bixinayaan lacag gaaraysa 5000$. Halkaan hoose Guji si aad u aqriso warbixinta oo dhameys tiran Halkaan ka aqriso Source: goobjoog.com
  10. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-310/052019, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Cafis Guud Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad; Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149aad; Markaan Tixgeliyey: In Xuska 18 May Awgeed Cafis Loo Fidiyo Maxaabiista Dembiyada Fudud Ku Xukuman; Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso; Waxaan Go’aansaday; 1) In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 517 (Shan Boqol Toddoba iyo Toban) maxbuus. 2) Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhashay dembiyadda ay ku xukunnaayeen maxaabiistaasi, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud. 3) Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista Wareegtadan ku lifaaqan. Source
  11. Kismaayo (PP) ─ Wararka ka imaanaya deegaanka Diif ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxa ay sheegayaan inuu halkaas ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada Kenya, kuwa Jubbaland yo xoogagga Al-shabaab. Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay weerar dhawr jiho ah ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaankaas. Kooxda Al-shabaab ayaa warar ay ku daabaceen Internet-ka waxay ku shegeen inay la wareegeen deegaanka Diif oo ay ku sugnaayeen ciidammo ka tirsan kuwa Kenya ee qaybta ka ah AMISOM iyo kuwa Jubbaland. Sidoo kale, Al-shabaab ayaa waxay sheegeen inay salhigggaas hub badan ka qaateen, isla markaana ay la wareegeen deegaanka Diif, laakiinse ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka Jubbaland iyo cidamada ka socda Kenya eek a tirsan AMISOM. “Xoogaggeennu waxay la wareegeen saldhiggii ay ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ku lahaayeen Diif oo ku dhaw xadka Somalia iyo Kenya, halkaas waxaan ku qabsannay hub fara badan,” ayuu yiri Sarkaal u hadlay Kooxa Al-shabaab. Dhanka kale, Sarkaalka ayaa sheegay in dagaalkaas ay khasaarooyin aad u badan ku gaarsiiyeen ciidamada isbahaysanayay, balse ma sheegin khasaare dhankooda kasoo gaarya dagaalka. Ugu damben, Inta badna deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka oo ay ku sugan yihiin ciidamada DF iyo kuwa Kenya ayaa waxaa mararka qaar ku qaada weerarro xoogagga Al-shabaab oo dagaal kula jira dowladda Somalia iyo ciidamada caawinaya ee ka socda Midowga Afrika. PUNTLAND POST The post Ururka Al-shabaab oo sheegay in uu gacanta ku dhigay Saldhig ku yaalla Jubbada Hoose appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Somalia ayaa ku dhawaaqday hawl-gallo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, kaasoo laga fulinayo deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobollada Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose oo qaybo ka mid ah ay maamusho Al-shabaab. Hawl-galkan waxaa ku dhawaaqay wasiirka gaashaandhigga Somalia, Xasan Cali Maxamed oo sheegay in dagaalkaan uu noqonayo mid ka duwan kuwii horay u dhexmaray ciidamada DF oo kaashanaya AMISOM iyo Al-shabaab. Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in hawl-galkan ay fulin doonaan ciidanka dowladda Somalia oo keliya, si ay Al-shabaab uga saaraan labadaas gobol, isla markaana ay hoggaamin doonaan wasiirada, amniga, gaashaandhigga iyo cadaaladda. “Qorshayaasha dowladda ugu muhiiman waxaa ka mid ah in ciidamdeenna dagaal galaan, waayo waxaan bedelnay qorshihii hore ee ahaa in ciiidanka DF ay la hawl-galaan kuwa AMISOM, dagaalkaanna waxaa galaya ciidanka DF oo keliya,” ayuu yiri wasiirka. Wasiirka oo sii hadlayay ayaa xusay inay xoogga saari doonaan gobolka Shabeellaha hoose, halkaasoo uu sheegay inay ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab, ayna doonayaan inay ka saaraan. “Dgaaalkeenna waa mid ku wajahan labada Shabeelle, balse qorshaheenna ugu weyn waa gobolka Shabeellaha hoose, halkasoo ay kooxdu qaybo badan oo ka mid ah ka xukunto,” ayuu hadalkiisa ku daray. Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa labadii sano oo ay jirtay waxay dhawar jeer shaacisay in ay qaadayso dagaal ka dhan ah kooxda Al-shabaab, balse hadalkaas uusan weli dhaqan-gelin. PUNTLAND POST The post DF oo sheegtay inay ciidamadeedu billaabeen hawl-gallo ka dhan ah Kooxda Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  13. Laascaanood(SMN):– Wafuud ay hogaaminayaan Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Maamulka Gooni isku taaga ah ee Somaliland ayaa maanta gaarey Magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Ujeedada Socdaalkooda Saraakiishan ka tirsan Somaliland waxaa lagu sheegay in ay xalinayan Xiisad xalay ka dhacdey Magaaladasi oo ah Dagal u dhaxeeya Ciidamo kawada tirsan Maamulka. Qasaaraha halkaasi ka dhashey iyo sababta kicisay xiisada, inkastoo aan la shaacin ayaa hadana Maamulka Somaliland waxa uu wadaa waan waan ku aadan arintaasi xili Maalinta Bari ah lagu wado deeganada Soomaaliland in looga Dabaaldago 18may oo ah Maalintii ay ku dhawaaqeen Hogaanka Maamulkasi gooni isku taaga. Saraakiisha Gaarey laascaano ayaa Magaaladaasi ka bilaabay kulamo gaar gaar ah oo ay ugu kuurgalayaan xiisada. Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili ay wali taagan tahay xiisada u dhaxeysa Maamuladda Somaliland iyo Puntland oo ay Ciidamadoodu isku hor fadhiyaan Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Labadaani degmo oo ku wada jira Group-ka B ee is araga labaad ayaa caawa ku madlan tartan aqooneedka faca weyne ee Idaacadda Shabelle. Dharkenley ayaa tartankii hore soo badisay, kadib markii ay isku dhaceen degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale Xamar Weyne ayaa horay guul uga soo gaartay dhiggeeda degmada Warta Nabadda Ex Wardhiigley ee M/Muqdisho Tartamayaasha labada dhinac ayaa haatan isu diyaarinaya ka qeyb galka barnaajimka caawa. Xalay oo ay wada baratameen degmooyinka Howlwadaag iyo Kaxda ayaa waxa ay guushu raacday tartamayaasha Howlwadaag oo la yamid dar dar xoogan. Degmooyinkan ayaa u dambeeyay Group-ka A ee is araga labaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa iska kaashanaya shirkadaha Beco iyo Coca-Cola View the full article
  15. (SLT-Hargeysa)-Qaban-qaabada Xuska 28-guurada Jamhuuriyadda Somaliland ee sannad kasta loo dabbaal-dego 18-ka bisha May, ayaa u muuqata sannadkan 2019-ka mid ka liidata sidii sannadihii hore loo abaabuli jiray ee la isugu xidhi jiray qaybaha Bulshada, Warbaahinta iyo Dowladda-ba. Inkasta oo loo magacaabay sidii horeba caadada u ahayd Guddi qaban-qaabo oo badi Masuuliyiinta dowladda ah, haddana guddiga, ayaa u muuqata mid kooxo ah oo aan isugu xidhnayn sidii ay awalkii hore isugu xidhnaan jirtay, taasina waxay keentay maamul-xumo iyo wax kala jiidasho sababtay habacsanaanta ka muuqata amma laga dareemayo diyaarintii xuska Qaran ee 18-ka bishan May. Xuska 18 ka May oo Somaliland aad looga wayneeyo, isla markaana ku suntan maalintii ay madax-bannaanideeda dib ugala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya 18-kii May 1991-kii,xuska maalintan waxa doorka ugu mudan ka qaadan jiray amma ka qaata Warbaahinta kala duwan ee dalka ka hawlgasha ee Website-yada (Shabakadaha wararka), TV-yada, Wargeysyada iyo Idaacadaha dalka dibeddiisa laga leeyahay. Hase-yeeshee, doorka ugu muhiimsan waxa qaata Shabakadaha Online-ka ee Website-yada loo yaqaanno oo isku xidha dal iyo dibed, baahiyana Qoraal, Sawirro, Muuqaallo live iyo Fiidyawyo, kuwaas oo, ah isha ugu fiican ee gudo iyo dibedba si toos ah wararka iyo waxa jiraba kala socoto Bulshada gudaha iyo dibeddaba ku nool ee Somaliand iyo dadyowgaa kale ee Af-soomaaliga ku hadla iyo ajaanibkaba, iyagoo qaarkood Luqadaha kale ku baahiya dhacdooyinka iyo wararka Somaliland,munaasibadan iyo kuwa kaleba. Balse, nasiib-darro, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ayaa dafirtay doorka shariifka ah ee Warbaahinta online-ku ugu jirto Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana kala saartay warbaahinta oo kharashkii loogu talo-galay hawlgalka maalintaas u gaar yeeshay TV-yada iyo Wargeysada, sida laga soo xigtay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mukhtaar Maxamed Cali oo iska indha tiray doorka muhiimka ah ee ay leeyihiin warbaahinta Online-ka ee ka hawlgala Somaliland. Agaasime Mukhtaar, wuxuu sheegay inaanay kharash ugu talo-gelin Website-yada, halka ay Madaxtooyadu Guddiga Ururka Website-yada ee (Somaliland Media Online) oo loo soo gaabiyo SOMA, iyo Mulkiileyaasha Shabakadaha wararka qaarkood la kulantay, una sheegtay in qorshaha lagu halgalayo iyo wixii kharash ah loogu weeciyey Wasaaradda Warfaafinta oo Wasiirka wasaaraddaas Maxamed Muuse Diirye yahay Guddoomiye ku-xigeenka guddiga qaban-qaabada 18 May, balse Masuuliyiinta Wasaaraddu dafirtay arrintaa. Haddaba, tani waxay u muuqataa, caaglaysi iyo musuqmaasuq ay ku kacday Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta oo ay masuuliyiinta hadda hoggaamisaa muddo kooban oo bilo ah joogeen amma xilkeeda hayeen, iyagoo u muuqda inay gabeen amma ku fashilmeen kaalintii maamul-wanaag, hufnaan iyo musuqmaasuq la’aan ee laga filayey, maaddaama oo madaxdii iyaga Wasaaradda uga horreeyey intii Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi jirtay xilka looga qaaday eedo musuqmaasuq iyo maamul-xumo. Shabakadaha online-ka ee Somaliland ka shaqeeya oo Tiradoodu boqollaal Website ah, ayaa ah kuwa wararka iyo warbixinnada qoraalka, codadka, muuqaallada iyo sawirrada ah maalmaha qaranka iyo guud ahaan horumarka iyo hawlaha hadba dalka ka socda si waddaniyad leh dunida u gaadhsiiya, iyaga oo aan kab, taakulo iyo mahad-naq midna kaga helin dawladda, balse iyagu inta awooddooda ah muujiya karti iyo xilkasnimo ay waajibaadkooda si mutaddawacnimo ah ula garab-taagan yihiin Qarankooda. Hase-yeeshee, iyaga oo doorkaas leh may mudnayn, manay filayn in dowladdooda, weliba Wasaaraddii Warfaafinta qaabbilsanayd oo ay ahayd in ay isku ururiyaan ay sidaa u kala faquuqdo amma u kala saarto Saxaafadda dalka oo waaxdii ugu mudnayd ay doorkeeda iska indha-tiraan Wasiirka, Wasiir Ku-xigeenka iyo Agaasimaha guud ee Warfaafintu. Dastuurka Qaranka iyo Xeerka Saxaafadda Somaliland, ayaa waajibiyey inay Warbaahintu u sinnaato Wararka, Xogaha iyo Manfacba wixii dowladda ka soo baxaya. Hase-yeeshee, iyadoo marka horeba warbaahintu ka cabanaysay nidaamka war-helista Xukuumadda, ayey tanina muujinaysaa faquuq Warfaafintu kula kacday Saxaafadda isku-duubnida Qaranka ugu adeegi jirtay iyo inay jebisay shuruucda waajibisay inay dowladdu Warbaahinta u sinnaato. Sida ra’yul-caamka badi bulshadu qabto, warbaahintuna xog-ogaalka u tahay, waxay arrintan warbaahinta lagu kala saaray sii murginaysaa natiijada ka dhalan karta, habacsanaanta iyo maamul-xumada hadhaysay Guddiga Xukuumaddu u saartay qaban-qaabada 18-ka May ee sannadkan 2019-ka. Waxa kale oo maamul-xumada iyo wax-kala-jiidashada Guddiga qaban-qaabada iyo hay’adaha Xukuumaddu u xil-saartay Xuskani sababeen inay meesha ka baxdo isku duubnidii bulshadu ku qaabbili jirtay waynaynta Maalintan Qaran, iyada oo aan magaalooyinka waawayn ee dalka sidii looga dareemi jiray iyo diyaar-garawgii bulshada midna si wacan uga muuuqan, iyadoo ay hal maalin oo keliyi innaga xigto 18-ka May, isla markaana taa beddelkeeda maalmihii ugu dambeeyey caasimadda Hargeysa lagu xidh-xidhay dhalinyaro si badheedh ah ugu labbistay Dhar ka samaysan Calanka Buluugga ah ee Soomaaliya, halkii Calanka Somaliland ay kaga labbisan lahaayeen. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Xukuumaddiisa, ayaa ku dhalliilan wax kasta oo iska beddela Xuska Maalinta Qaranka ee 18-ka May iyo isku-duubnimada Bulshada iyo Saxaafadda, isla markaana waxa looga fadhiyaa in Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta uu dirsaday saxaan nidaam-xumada muuqata, si Qarankani isugu sii duubnaado. Source
  16. Mahadaay (SMN):-Wararka ka imanaya deegaanka Buulo Axmed Cigow oo ka tirsan degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in wabiga Shabelle uu ku fatahay deegaankaas kuwo kale oo hoostaga Mahadaay, waxaana halkaasi ka barakacay dadkii degenaa. Wabiga Shabelle oo Maalmihii ugu Danbeeyay Biyuhiisu ay kor dhayeen ayaa ku fatahay Deegaanka Buulo Axmed Cigow oo dhinaca Galbeed ka xiga Wabiga Shabelle. Fatahaada wabiga ayaa geysatay qasaare lixaadleh, taasoo gaartay beeraleyda ku nool Tuulada, iyadoo uu ku fatahay qeybo kamid ah xaafado ay dadku degenaayeen islamarkaana baabi’iyay beero ay ku abuurnaayeen dalagyo kala gedisan. Guddoomiyaha Tuulada Buulo Axmed Cabdiqaadir Muuse Cumar ayaa ka codsaday Maamulka Gobolka Sh/dhexe iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle in ay ka caawiyaan sidii loo xiri lahaa buqda ka fatahday deegaankaas. Wabiga Shabelle ayaa xilliyada jiilaalka qalala halka uu xilliyada Guga iyo deyrtana uu fataho, waxaana loo aaneynayaa sababaha fatahaada inay tahay iyadoo Wabiga Salkiisa ay fadhido Ciid badan, taasoo aan laga saarin tan iyo markii ay Burburtay Xukuumadii Siyaad Barre. View the full article
  17. J/Hoose (SMN):-Wararka laga helayo Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in Deegaano ka tirsan Gobolkaasi ay dhaqdhaqaaqyo Militari ka wadaan Ciidamo Huwan ah oo Ka tirsan Jubaland iyo Kenya. Howlgaladan ayaa waxaa looga gol leeyahay sida ay Shabelle u xaqiijiyeen Ilo Xog-ogaal ah sidii Al Shabaab looga saari lahaa meelaha ay kaga sugan yihiin Gobolkaasi iyo kuwa kale ee Jubooyinka iyo Gedo. Xoogag taabacsan Xarakadda Al Shabaab ayaa shalay gacanta ku dhigay Deegaan lagu magacaabo Diif oo hoostaga Gobolka Jubadda Hoose ee Maamulka Jubaland. Al Shabaab ayaa soo dhigey Barahooda Internetka in ay Deegaankaasi kala wareegen Ciidamadda Maamulka Jubaland, xili uusan wax dagaal ah dhexmarin. Sidoo kale Al Shabaab ayaa tilmaamay in ay Ciidamada Maamulka Jubaland kala wareegen Saldhigyo ku yaala Deegaanka iyo Saanad Ciidan. Dhinaca Kale majirto wax war ah oo kazoo baxay Jubaland oo ku aadan Deegaanka Diif ee Gacanta looga Dhigay. View the full article
  18. (SLT-Hargeysa)-Guddiga baadhista Xasuuqa Somaliland, ayaa Meydadka 29 Ruux Xabaal-wadareed ugu sameeyay Xabaalaha Masallaha ee Koonfurta Magaalada Hargeysa. Meydadkan Xabaal-wadareedka loo sameeyay ayaa waxa bishii Afraad ee sannadkan laga soo saaray Xabaal-wadareedyo ku yaalla Xaafadd 150-ka ee Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo la aamisan yahay inay ku aaseen Ciidammadii Dawladdii Milletariga ahayd ee Soomaaliya oo badan ku dilay Somaliland, siddeetamaadkii. Aaska loo sameeyay Meydadkan Xabaal-wadareedyada lagu aasay, markii si Diinta Islaamka waafaqsan loogu tukaday ka dib, waxa Saxaafadda uga warramay Guddoomiyaha Guddiga baadhista Xasuuqa Khadar Axmed Like iyo Agaasimaha fulinta ee Guddiga baadhista, Axmed Ismaaciil Cali. “Waa markii labaad ee aanu Dumar ku dhex aragno Dadkaa la aasayey, waxaanu u ku aragnay Saddex dumar ah iyo laba Carrur ah, kuwaasi oo ka mid ah Dadka ay Diyaaraddu bannaanka ka heshay ee ay Garaacaysay. Dadkan aanu Qalfoofkooda meesha ku haynaa waa Ummad aan qori sidanin oo Shacab ah oo wax Alaale iyo wax ay geysteen aanay jirin oo gacan ka xaq-darani dishay. Dadkan waxaanu ka soo saarnay Xabaashii 18-aad, Dadkii aanu hore halkan ugu aasnayna waxay marayaan 203 hore iyo 29-kan.”ayuu yidhi, Guddoomiye Khadar Axmed Like. Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Shirkadda Facebook ayaa sheegtay inay xidhay 265 baro warbaahineed oo ay lahaayeen shirkad Israa’ilyiin ah oo lagu bartilmaameedsan jiray Lix wadan oo qaarada Afrika ku yaalla iyo wadamo ku yaalla koonfurta Maraykanka iyo koonfur bari ee Aasiya. Barahan ayaa lagu faafin jiray warar maxali ah, xogo qarsoon oo leeyihiin siyaasiyiinta iyo wararka la xidhiidha doorashooyinka wadamada Nigeria, Senegal, Togo, Angola, Niger and Tunisia ”Kooxaha waxay isku muujinayeen inay yihiin degaanka, iyagoo faafinaya wararka maxaliga ah ee degaanka iyo xogo sir ah oo laga soo ururiyo siyaasiyiinta wadamada Africa qaarkood” Sidaas Waxaa yidhi madaxda ka hortega dambiyada internetka ee shirakdda Facebook Nathaniel Gleicher Baadhitaano ay samaysay shirkadda Facebook waxau ku ogaatay in qaar kamid ah Baraha la xiray lala xiriirinayo Shirkadda Archimedes oo laga leeyahay wadanka Israa;iil. Shirkadan ayaa laga joojiyay dhammaani Akoomadii ay ku lahaayeen facebooga. 5 ka mid ah Lixda wadan ee bartilmaameedku ahaa ayaa doorasho madaxweyne iyo Barlamaanka qabsaday saddex sanno ee la soo dhaafay, iyadoo dalkasi Tuuniisayana uu bisha December ee sanadkan uu doorasho gali doono Dhinaca kale, Facebook waxay sheegtay in Kooxahan baraha la xidhay ay ku kharash gareeyeen xayaysiinta iyo faafinta wararkooda lacaga dhan $812,000 intii u dhexaysay December 2012kii iyo April 2019kii. Lacagaha inta badan waxaa lagu bixin jiray Dollar, lacagta Israal ee Sheke iyo lacagta Riyaaska la yiraahdo ee Baraasiil. Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sameeyey dakhli ah 434 milyan oo dollar sannadii 2018, sida ku cad warbixin uu ugu gudbiyey Xafiiska Anshaxa Dowladda oo shaaca laga qaaday. Lacagtaas ayaa waxyar ka yar dakhligii madaxweynaha soo galay sanadii 2017 oo ahaa 450 milyan dollar. Trump ayaa dhaqaalahan ka sameeyey hantidiisa ma guurtada ah, sida hoteello iyo daaro kirooyin loogu jiro oo uu leeyahay, taasi oo dib usoo noolaysay su’aalaha ku sabsan in madaxweynaha uu lacag ka helayo dowlado ajnabi ah, isaga oo ka faa’iidaysanaya xilka uu ka hayo dowladda. Hotel-ka Trump International Hotel ee magaalada Washington DC ayaa waxa uu madaxweynaha sanadii 2018 ka sameeyey 41 milyan oo dollar. Si kastaba, hoteellada madaxweynaha ayaan faa’iido wada sameyn, ayada oo hotelka Mar-a-Lago ee gobolka Florida, oo xiliiyada qabowga uu madaxweynaha ku nasto, uu dakhligiisa hoos u dhaca 2.5 milyan oo dollar oo uu ahaa 22.7 milyan dollar sanadii 2018. Hotel-ka Trump ee Washington oo la furay 2016, islamarkaana wax yar un u jira Aqalka Cad ayaa waxaa aad u adeegsaday diblomaasiyiinta ajnabiga iyo madaxda shirkadaha. Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan in madaxweynaha uu saraakiil ajnabi ah lacag ka sameynayo, isaga oo magaciisa madaxweynenimo ka faa’iideysanaya, waxaana dadka dhaliila ay sheegeen in dad badan ay hoteelkiisa usoo degayaan kaliya inuu leeyahay madaxweynaha. Source
  21. (SLT-Jubba)-Dowlada Suudaanta Koonfureed ayaa Khamiista shalay sheegtay in 40 diblumaasi ay shaqada ka caydhisay kadib markii waajibaadkooda shaqo ay gudan Waayeen. War saxaafadeed ka soo baxay xarunta wasaarada Arimaha dibada ee magaalada Jubba ayaa lagu xaqiijiyay in shaqaalahan si aan sharci aheyn ay u qaateen fasax ayna wasaaradu Ogolaan. Diblumaasiyiintaan ayaa qaarkood ka howlgalayay safaaradaha ku yaalla Mareykanka iyo UK. Wasaarada ayaa sheegtay in ay ka xun tahay go,aanka ay ka qaadatay shaqaalahaan, balse aysna doorasho kale ayna laheyn si loo dardar galiyo howlaha Safaarada. Afhayeenka wasaaradda Arrimaha dibedda Suudaan ta Koonfureed Mawien Makol ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in magacyada diblumaasiyiintan shaqada laga joojiyay ay soo daabici Doonaan. Shaqaalahaan ayaa qaarkood loo magacaabay xilalka muddo hada laga joogo afar Sanno Source
  22. Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-170519.mp3 View the full article
  23. (SLT-Iran)-Dowladda Iiraan ayaa ku eedeysay Mareykanka ficilada uu ka wado bariga dhexe iyo cunaqabateynya uu ku soo rogay arin aan la aqbali Karin. Arintaan ayaa timid iyadoo Washington ay xoojisay cadaadiska ay ku heyso dowlada Islaamiga ah ee Iiraan. Wasiirka arimaha dibeda Iiraan oo Javad Zarif oo Khamiista maanta ah ka hadlayay magaalada Tokyo ee dalka Japan ayaa wuxuu sheegay in Tehraan aysan wadahadal la gali doonin Washington. Wuxuu intaa raaciyay in ficilka ku haboon ay ka bixin doonaan millatariga Mareykanka uu ku daabulay bariga Dhexe. Zarif ayaa intaa raaciyay in ay aaminsan yihiin xadgudubka Mareykanka uu yahay wax aan la aqbali Karin. Wasiirka arimaha dibeda Iiraan oo mudo todobaad ah safar dibada ah uga maqan dalka Iiraan ayaa la filayaa in Jimcaha barri ah uu u duulo dalka Shiinaha. Source
  24. (SLT-Afghanistan)-Duqeyn ay militariga ajnabiga ah ee jooga dalka Afghanistan ka fuliyeen gobolka koonfureed ee Helmand ayaa si qaldan u dishay 17 ka mid ah ciidamada dowladda, islamarkaana dhaawacday 14 kale. Sarkaal amni oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa VOA u xaqiijiyey dhimashadan, isaga oo sheegay in weerarkan uu ka dhacay duleedka magaalada caasimadda u ah gobolka ee Lashkar Gah, halkaasi oo ciidamada booliiska ay kula dagaalamayeen kooxda Taliban. Attaullah Afghan, oo ah madaxa guddiga gobolka Helmand, ayaa VOA u sheegay in taliyaha guutada booliska waddooyinka uu ka mid yahay dadka dhintay. Goor sii horeysay, wasaaradda arrimaha gudaha Afghanistan ayaa bayaan ku sheegtay in duqeynta lagu dilay sideed boolis ah, 11 kalena lagu dhaawacay, ayada oo xustay in baaritaan lagu hayo dhacdadan. Wasaaradda ayaa sheegtay in isbahaysiga Mareykanka uu hoggaamiyo ee Afghanistan ay fuliyeen duqeynta kadib markii ay ka codsatay dowladda Afghanistan, si gacan looga siiyo iska caabinta weerar culus oo Taliban ay kusoo qaadeen degmada Nahr-e-Saraj. Ciidamada isbahaysiga weli kama aysan jawaabin codsi ay VOA ku weydiisatay inay ka hadlaan dhacdadan. Source