-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Tababaraha kooxda kubbadda cagta Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali) oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in kooxdiisa ay u qalanto hanashada horyaalka Soomaalya sanadkii 3aad oo xariir ah maadaama labadii sano lasoo dhaafay ay iyaga hanteyn horyaalka kubbadda cagta dalka. Wareega 1aad ee horyaalka Somalia Premier League ayaa la soo gabagabeeyay bishii April kooxda Dekedda ayaa wajiga kowaad qasaartay hal kulan oo qura,iyadoo ciyaartaa 1-0 ay guul daro kala kulantay xidigaha kooxda ciidanka xooga ee Horseed Sports Club. “Wareega 1aad waxaan luminay hal kulan oo muhiim inoo ahaa,balse guul daraas waxaan ka baranay wax badan ciyaartooyda iyo shaqaalaha kooxda waxa ay qaateen kulamo is xig xiga,iyagoo si wadajir iskugu raacay in aan diirada saarno in aysan dhicin guul daro kale”ayuu Goobjoog u sheegay Tababare Yuusuf Cali Nuur. Yuu-Cali oo xilka macalinimo ee kooxda Dekedda la wareegay bishii October 2016 ayaa sameeyay rikoor wanaagsan,isagoo Dekedda u qaaday labo jeer oo isku xigta horyaalka Soomaaliya iyo koobka Somali Super oo loo dhigo in ay wada dheelaan kooxaha ku guulaysta koobka Jeneraal Daa’uud Cabdulle iyo Somali Super Cup. “Alx Allah ayaa mahad is kaleh oo ii suura geliyay in aan ku guulaysto koobkaas muhiimka waxayna kooxda u galaysaa tariikh maadam mudo ka dib ay ku soo laabtay saaxada hanashada tartamada kubbadda cagta waxaan u mahad celinayaa dhamaan ciyaartooydii kala duwaneyd ee ka qeyb qaatay guulahaas tariikhiga ah tan iyo 2016”ayuu yiri tababare Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali) ugu waramay Goobjoog Sports. Kooxda kubbadda cagta Dekedda ayaa iminka ku jirta kaalinta 1aad ee kala sareynta horyaalka Soomaaliya waxayna lee dahay 26-dhibcood,balse sanadka waxa ay loolan adag kala kulmaysa kooxaha kala ah Horseed,Heegan,Elman iyo Muqdisho City Club. “Horyaalka iminka waaxa uu marayaa meel xasaasi ah dhamaan kooxaha ka qeybgalaya waxa ay doonayaan in ay ku guulaystaan,balse anaga waxaan diirada saaraynaa sidee aan sanadka 3aad oo xariir aan ugu guulaysan la heyn” ayuu Yuu Cali u sheegay Goobjoog. Halkan Ka Daawo Tababraha Kooxda Dekedda Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali) Oo U Waramay Goobjoog W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Maamulka Somaliland ayaa saaka bandow saaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kadib markii xalay laga war helay dibad-baxyo ay abaabulayaan dhalinyarada magaalada oo looga horjeedo xuska 18-ka May. Ciidamo aad u fara badan oo ka kooban booliis, asluub, iyo militari ayaa saaka lagu daadiyay dhammaan jidadka iyo xaafadaha magaalada si looga hortago dibad-baxyada waxaana shacabka digniin lagu siiyay in aysan isku dayin falal amniga wax u dhimaya. Sidoo kale saxaafadda gobolka ayaa looga digay in ay wax ka duuban cid aan ogolaansho ka haysan maamulka gobolka Sool iyo kan degmada Laascaanood ee Somaliland. Waxa hadda gudaha Laascaanood ka socota hal munaasabad oo si weyn loo ilaalinayo taasi oo lagu xusayo maalinta 18-ka May balse qeybaha kale ee magaalada ayaa bandow la saaray. Maanta oo kale 18-kii May 1991 ayaa gobollada waqooti galbeed ee Soomaaliya ku dhawaaqeen in ay ka go’een Jamhuuriyadda Soomaaliya waxana taariikhdaasi sannad kasta laga xusaa Somaliland. Balse tan iyo wakhtigaas ma jirto cid Somaliland u aqoonsatay dal ka madax-bannaan jamhuuriyadda Soomaaliya. Halkaan ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Magaalada Laascaanood oo bandow la saaray appeared first on Puntland Post.
-
Tokyo (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa dalka Japan kaga qeyb galay shirka Caasimaddaha horumarka ku talaabsanaya oo ay kasoo qeyb galeen Madaxda ka socotay Caasimadaha Dalalka Afrika, Aasiya iyo Koonfurta Amerika. Shirkan oo uu soo qaban qaabiyey Bangiga Adduunka ayaa diiradda lagu saaray hannaanka horumarinta caasimadaha,Xal-u-helidda arrimaha Baracayaasha, xallinta caqabadaha iyo jaangoynta qorshe howleedka Dawladaha Hoose. Duqa Muqdisho ayaa khudbadda uu ka jeediyey shirka waxa uu kaga warbixiyey guulaha dhanka maamul, xaaladda amni iyo qorsheyaasha uu hiigsanayaan Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu horumarinayo Caasimadda Muqdisho. “Waxaan soo dhaweeynaynaa in aan ka arrinsanno dardar gelinta is-dhaafsiga khibradaha dhanka Maamulka, tababarrada iyo xoojinta wada shaqeynta, si loo kabo maamullada Dawladaha Hoose ee dalalka soo koraya.” Guddoomiye Yarisow ayaa ku bogaadiyey Bangiga Adduunka sida ay uga go’an tahay horumarinta iyo dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha ee Caasimadda. Dhanka kale, Wafdiga uu hogaaminaayo Duqa Muqdisho ayaa kulan kula qaatay magaalada Tokyo ee Hey’adda dhinaca Horumarinta u qaabilsan dalka Japan ee loo yaqaan JICA (JIKA) isagoona kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin qorshaha lagu horumarinayo arrimaha bulaacadaha iyo Waddooyinka, taasi oo ah qorshe uu Maamulka Gobolka Banaadir ku doonayo in uu ku horumariyo Caasimada. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta golaha Shacabka, kulankaasi oo ay kaga hadlayaan ajandayaal ay kamid yihiin heshiiska caalamiga ee Naafada oo dhawaan golaha wasiirada ay u codeeyeen. Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa yeelanaya kulankooda 15 aad, waxaana kulanka maanta ku jiro qodobo muhiim ah, sida u codeynta sharciga Naafada oo dadka naafada ay aad u daneynayaan. Ajandayaasha Shirka waxaa sidoo kale kamid ah in xildhibaanada baarlamaanka ay dhageystaan warbixin ku saabsan khasaaraha loo geystay shirkadaha Hormuud iyo SOMTEL, kuwaasi oo kasoo gaaray burburinta ciidamada Kenya ay kula dhaqaaqeen. Ajandayaasha ayaa kala ah:- 1.U codeynta heshiiska caalamiga ah ee naafada. 2.Warbixinta Khasaarooyinka loo geystey shirkadaha Hormuud iyo Somtel. 3.Akhrinta labaad wax ka bedelka sharciga Saxaafadda Xildhibaanada baarlamaanka ayaa lagu wargeliyay inay kulanka maanta ka qeyb galaan, Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa si faahfaahsan u helaya khasaaraha shirkadda isgaarsiinta Hormuud kasoo gaaray ciidamada Kenya, waxaana kadib la filayaa inay qaraar ay kasoo saareen. Shirkadda Hormuud ayaa burbur xoogan kala kulantay ciidamada Kenya, waxaana maanta lasoo bandhigayaa Khasaaraha Guud ee Shirkadda Hormuud kasoo gaaray Ciidamada Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ciyaartooyda xulka qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya ka qeyb galka tartamo kala duwan ee sanada 2019 ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ciyaaro saaxiibtinimo la dheelay kooxaha waaweyn ee kubbadda cagta,iyagoo inta badan guulo waaweyn ka gaaray kulamadii saaxiibtinimo ee loo qorsheeyay. Macalmiinta xulka qaranka ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ay soo bandhigeen ciyaartooyda laga kala soo xulay kooxaha waaweyn ee dalka,iyagoo sheegay in qaab ciyaareedka looga baahan yahay in ay kusoo bandhigaan tartamada kusoo wajahan Soomaaliya bilaha inagu soo food leh. Cabdiraxmaan Axmed Macalin Taree oo ka mid ah tababarayaasha xulka qaranka Soomaaliya 2019 ayaa Goobjoog ugu waramay kulamadii saaxiibtinimo ay ciyaartooyda qaranka dheeleyn wuxuuna bogaadiyay isku xirka wanaagsan dhinacyada daafacyada,qadka dhexe iyo weerarka. Hadaba Halkan Ka Daawo Waraysi Uu Goobjoog siiyay Macalin Cabdiraxmaan Axmed Macalin Taree W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Kulanka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa looga hadli-doonaa arrimo badan waxaana ka mid ah: 1. Heshiiska Caalamiga ah ee Naafada, kaasoo ay dhowaan ay soo ansixiyeen golaha wasiirrada. 2. khasaarihii loo geystay shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo Ciidamada Kenya ay burburin u geysteen xarumihii ay ku lahaayeen Jubbooyinka iyo Gedo, guddiga isgaarsiinta ayaa golaha dhowaan horkeenay. 3. Ugu dambeyntii, waxaa akhrinta 2aad la marsiin-doonaa wax ka bedelka sharciga Saxaafadda. Goobjoog news Source: goobjoog.com
-
Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulankooda 15-aad ee Kalfadhiga 5-aad ku leeyihiin xaruntooda magaalada Muqdisho. Xildhibaannada ayaa lagu soo wargeliyey in ajendaha kulankooda maanta uu yahay qodobadan kala ah: U codeynta heshiiska caalamiga ah ee Naafada Warbixinta khasaarooyinka loo geystay shirkadaha Soomaaliyeed ee Somtel iyo Hormuud Akhrinta Labaad ee wax ka bedalka sharciga Saxaafadda Ammaanka nawaaxiga xarunta golaha shacabka ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo la filayo in xildhibaannada inta joogat Muqdisho ay soo wada xaadiraan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho(SMN):–Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiiibooyinka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa magaalada Geneva uga qeyb galay markii ugu horeysay shirka caalamiga ah ee yareynta Khataraha masiibooyinka, waxaana socdaalkiisa ku wehliyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Switzerland iyo xubna kale oo ka socda Wasaaradda. Shirkan caalamiga ah oo ay soo qaban qaabisay QM ayaa diirada lagu saaray yareynta Khataraha masiibooyinka loo maareyn karo, Soomaaliya shirkan wax badan kaga baraneysaa wadamada kale sida ay u yareeyaan Khataraha maadaama Khataraha aysan xuduud lahayn iyo wada shaqeyn xoogan in ay la yeelato hay’adaha arrimahan ka shaqeeyo. Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka DFS Xamse Saciid Xamse ayaa shirka ka jeediyey khudbad uu kaga hadalay heerarka khatarta Soomaaliya iyo sida ay maareyso, juhdiga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay diirada u saran maareynta khataraha oo aanan lahayn xuduud. Sidoo kale Wasiir Xamse ayaa sheegay hanaanka siyaasadda yareynta khataraha iyo taaba gelinta Sendai Framework oo meel wanaagsan mareyso. Dhinaca kale Wasiir Xamse Saciid Xamse ayaa la kulmi doonaa wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan yareynta khataraha waxuuna kala hadlo doona sidii Soomaaliya gacan wayn looga siin lahaa maareynta khaataraha oo wax xaduud lahayn. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorshayaal iyo talaabooyin muhiim u ah dalka si wax looga qabto Abaaraha iyo wax yabaaha dabiiciga ah ee dhaca. View the full article
-
Muqdisho(SMN):–Warar dheeraad ah ayaa kazoo baxaya Kooxo hubaysan oo nin katirsan Maamulka Dowladda Hoose ee Xamar Gaar ahaan Waaxda Dhalashadda iyo sugnaanta ku dilay Degmadda Kaaraan ee Gobolka Banaadir Ninka ladilay ayaa waxaa la sheegayaa in lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Cabdulaahi Maxamed oo kamid ahaa Howlwadeenada Gobolka Banaadir Ragii gaystay dilkaasi ayaa goobta ka baxsadey, waxa ayna dadka Degmadu sheegayaan in goobta ay wax ka dhaceen xiligaasi kadib ay soo gaarin Ciidamo ka tirsan kuwa Amaanka. Dilalka Qorsheysan iyo Weerarada loo adeegsado Qaraxyadda ayaa inta badan ka dhaca Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka oo sabtiya Garoowe ka furay imtixaanka Shahaadiga ah ee degaannada Puntland. In ka badan 15,800 oo arday ayaa sannadkan u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalka 4aad dugsiyada sare degaannada Puntland. Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa sheegtay in imtixaanka uu wakhti isku mid ah ka bilowday goobihii loogu talagay dhammaan gobollada iyo degmooyinka Puntland islamarkaana ilaa iyo hadda la soo werin wax caqabad ah. Warbixinta faahfaahsan goor dhow kala soco Puntland Post The post Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo saaka bilowday appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa(SMN):–Munaasabad Weyn oo loogu Dabaaldagayo 18may oo ah Maalin ay Maamulka iyo Shacabka Somaliland u aqoonsan yihiin Soomaaliya inteeda kale in ay ka go’een ayaa haatan ka socota Magaalada Hargeysa Cutubyo Kamid ah Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland ayaa Dhuulatus ku samaynaya halka lagu xusayo munaasbada 18may oo uu ku sugan yahay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Golayaasha Somaliland Sida Xukuumadda Parlamanka iyo Golaha Guurtida. Dadweyne aad u tiro badan ayaa kusii qulqulaya halka ay munaasbadu ka dhaceyso. Munaasabadda xuska inta ay socoto waxa halkaaasi qudbado ku qotoma Ahmiyada ay Somaliland u leedahay Maalintan ka jeedinaya Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxda Kale. Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Cabdulaahi fadal iimaaan ayaa Hambalyo u diray Shacbiga Deeganada Maamulkaasi, isagoo dhinaca kale Laamaha Amniga ugu baaqay in Taxadar iyo Feejignaan dheeri ah la muujiyo inya ay Munaasbadda Xuska ah Socoto Xuska Sanadkan ee 18may ayaa waxaa ay kusoo beegmaysaa Xili ay kala aragti Duwanaan Dhinaca Fikirka Siyaasiga ah u dhaxayso Masuuliyiinta Xilalka kahaya Somaliland. Ciidamada Somaliland ayaa Maalmo kahor Xabsiga u taxaabay Xildhibaan Dhakool oo kamid ah Parlamanka Kadib markii uu Maalintan 18may ku Tilmaamay in uu isagu u yaqaan maalin Madow oo aan wax micnaha soo kor dhinayn. Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Faysall Cali waraabe ayaa hadalkasi u tilmamay mid gaf ah wuxuuna sheegay hadii aan sharciga la waa fajin xildhibaankan in uusan ka badbaadayn shacabka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-18052019.mp3 View the full article
-
Somaliland: Congratulations On The 28th Anniversary Of May 18th The staff, contributors and patrons of Qarannews Media Group would like to extend their felicitations to all the people of Somaliland, both at home and abroad on the 28th anniversary of the reclamation of sovereignty. Qarannews supports the government, the national parliament, the national parties, the national armed forces, and all the national institutions on this historic day. The 18th of May is a National Day. Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online)-Warbaahinta dowladda Kenya ayaa shaacisay in dowladda Cuba ay aqbashay bixinta dhaqaalo Madax furasho ah oo lagu sii deynayo labo dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba, kuwaasi oo Al Shabaab u afduuban. Dhaqaatiirtaasi ayaa Al Shabaab waxay kasoo afduubteen duleedka magaalada Mandheere ee gobolka Waqooyi Bari, waxaana ay lasoo aadeen dhanka gudaha dalka Soomaaliya. Warbaahinta Kenya ayaa shaacisay in dowladda Kenya ay la dhacday jawaabta dowladda ay ka heshay Odayaasha dhaqanka ee shaaciyay inay Nool yihiin dhaqaatiirta u afduuban Al Shabaab. Waxaa kaloo la sheegay in dowladda Kenya ay la dhacday hadalka kasoo baxay Al Shabaab ee ku aadan inay doonayaan lacag Madax Furasho ah, waxaana dowladda Cuba ay hadda aqbashay bixinta lacagtaasi. Madaxda Cuba iyo Kenya ayaa si deg deg ah arintaasi uga wada hadlay waxaana labadda dhinac ay isku Afgarteen in ay bixiyaan dhaqaallaha ay dalbeen Kooxda hubeysan ee dhaqaatiirta ku heysata Soomaaliya. Kooxda hubeysan ee heysta dhaqaatiirta ayaa dalbaday lacag dhan $1.5Milyan oo Dollarka Mareykanka ah, islamarkaana dalabkaasi durba waxaa aqbalay Cuba iyo Kenya si loo badbaadiyo dhaqaatiirtaasi. Kooxaha Hubeysan ayaa waxay dhaqaatiirtaasi ku hayaan Soomaaliya, waxaana jiray wadahadal ay odayaasha dhaqanka oo ka kala socday Kenya iyo Soomaaliya ay la fureen Al Shabaabka ay u afduuban yihiin. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
HARGEYSA, SOMALILAND—Maamulka sida iskiis ah goonida isu-taagay ee Somaliland ayaa maanta u dabbaal-degaya 28 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay ku dhawaaqeen inay ka go’een Soomaaliya. Ma jiro dal illaa hadda u aqoonsaday Somaliland qaran madax-bannaan laakiin caasimadda Hargeysa ayaa si weyn looga dareemayaa diyaar-garowga munaasabadda. Xildhibaan Cabdi-raxmaan Cartan ayaa isagoo dhex-fadhiya baarlamanka Somaliland sharraxay halganka dalkiisu ugu jiro inuu helo aqoonsi caalami ah wuxuuna yiri: “Waxaa jirta xaalad gaar ah oo ay tahay in Somaliland lagu aqoonsado, waana arrin sharci ah in la eego waxa u qabsoomay Somaliland iyo sida dadka Somaliland ay u noqdeen dad madax-bannaan oo xor ah waxayna xaq u leeyihiin inay ka mid noqdaan bulshada caalamka.” Waddooyinka magaalada Hargeysa ayaa lagu arkayey wajiyo lagu xardhay astaamaha Somaliland iyadoo kummannaan dad ah ay isugu imaan doonaan fagaaraha xorriyadda si ay ugu dabbaal-degaan sannad-guuradii kasoo wareegtay maalintii Somaliland ay ku dhawaaqday inay iskeed uga go’do Soomaaliya. Iyadoo ay jirto aqoonsi la’aanta beesha caalamka, dadka Somaliland sida arday reer Hargeysa ah oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi ayaa wali ku taamaya in maalintaas la gaari doono. “Sida annagu aan isku aragno waxaan nahay dad madax-bannaan, taasina waa sababta aan ugu faraxsannahay inaan aragno dad badan oo u dabbaal-degaya maalintan taariikhiga ah,” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi. Somaliland oo Ingiriisku horey u gumeystay ayaa xorriyaddeeda qaadatay sannadkii 1961 shan maalmood kaddib markii Muqdisho ay ka xorowday dalka Talyaaniga Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay gooni ka noqoto Soomaaliya markii jabhado hubeysan ay xukunka ka tuureen madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo dalka ka arriminayey 21 sano. Source: goobjoog.com
-
BEIJING (Reuters) - China offered strong support to Iran on Friday, with its top diplomat telling Iran’s foreign minister that China opposes unilateral sanctions and supports Tehran’s efforts to safeguard its interests. Source: Hiiraan Online