Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jowhar (Caasimadda Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle, waxaa gaaray Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federalka Somaliya, kadib markii Hirshabelle ay qaadatay go’aan ah in Imtixaanaadka Shahaadiga Dugsiga Sare ay qaadanayso ka maamul ahaan. Wafdiga Jowhar gaaray ayaa waxaa hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre iyo Wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar islow Ducaalle . Wafdiggaan ayaa garoonka Jowhar waxaa kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle, waxaana loo galbiyay xarunta Madaxtooyada oo uu ku sugan yahay Madaxweyne Waare. Ujeedka booqashada wafdigan ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii xal looga gaari lahaa qaadista imtixaanka dugsiyada sare oo dhowaan ay wasaarada waxbarashada dowlada federalka ay baabi’isay. Wasiirada Dowladda ka socda ee tagay Jowhar ayaa la filayaa inay kulan la qaataan madaxda Maamulka Hirshabelle si loo xaliyo tabashada Maamulka ee dhanka Imtixaanaadka. Hirshabelle ayaa deeganada Maamulkeeda ka soo saartay Kormeerayaashii Wasaaradda Waxbarashada ka socda ee deeganada Maamulkaasi ku sugnaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Gaalkacyo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa ku warramaya in si aad ah loo xoojiyay amniga Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi. Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa la galiyay heegan buuxa, waxaana howlgallo iyo baaritaano ay ka wadaan gudaha magaaladaasi. Arrintan aya salka ku heysa booqasho la filayo in gobolka Mudug uu ku tago Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid C/laahi Deni. Safarkan ayaa noqonayo kii koowaad ee uu Madaxweyne Deni ku tagayo hgobolkaasi, tan iyo markii loo doortay hoggaamiyaha maamulkaasi. View the full article
  3. Mandheera (SMN) – Ugu yaraan 3 ruux ayaa lagu dilay, qaar kalena way ku dhaawacmeen dagaal dib markale uga soo cusbonaaday shalay deegaan hoostaga magaaladda Mandheera, kaas oo u dhaxeeya labo beelood oo walaalo ah. Maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa waxay ka soo kala jeedaan labo beel oo isku haya Dhul Daaqsin iyo Ceelal Biyo laga cabo oo ku yaalla tuulada Banisa. Cali Roobo oo ah guddoomiyaha magaaladda Mandheera ayaa sheegay inay socdaan dedaallo lagu joojinayo dagaalka, islamarkaana lagu heshiisiinayo labada beelood ee degan Banisa. Beelahani ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyo dagaalka gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, kuwaas oo inta badan ku dagaalama Dhulka Biyaha iyo dDaqsinka leh marka la gaaro xilliyada kuleylaha. Maamulka Mandheera ayaa xiray dad lala xiriirinaya in ay huriyeen colaad beeleedka ka socda Dhulka Miyiga ah ee hoostaga magaaladaasi. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Tartanka faca weyn ee Shabelle oo haatan maraya meel xiiso badan ayaa waxa caawa isaga hor imaan doono degmooyinka Wardhiigley iyo Wanlaweyn. Labadaani degmo oo ku wada jira Group-ka B is araga labaad ee wareega koowaad ayaa kala matalaya gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Wardhiigley ayaa kulankii hore waxaa ka soo badiyay tartamayaasha degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir. Sidoo kale Wanlaweyn ayaa laga soo badiyay tartankii hore , kadib markii ay isku dhaceen degmada Dharkenley. Tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waxaa si toos ah uga daawan kartaa boggeena Facebook Shabelle Media Network. Waxaa sanadkan tartanka taaba gelinaya shirkadaha Beco iyo Coca-Cola, halka su’aal diyaarintuna uu yahay dugsiga sare ee xisaabaadka iyo Ganacsiga Adult. View the full article
  5. Garowe (SMN) – 15 kun iyo 800 oo arday ayaa maanta u fariisatay Imtixaanaadka dusgsiyada dhexe iyo sare ee Puntland oo sanad welba laga qaado ardayda Shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe iyo kan 4-aad ee Dugsiga Sare. Siciid C/laahi Deni Madaxweynaha Puntland, Wasiirka Waxbarashada Cabdullahi Maxamed Xassan iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay xaflad ka dhacday dugsiga sare Gambool oo ku yaalla magaalada Garowe ee xarunta G/Nugaal.. Madaxweyne Deni ayaa Wasaaradda Waxbarashada, howlwadeenada Imtixaanka, iyo ardayda galaysa kula dardaarmay in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah. Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xusay in sanadkan ay qaadista Imtixaanaadka guud ee Puntland uga duwan tahay sanadihii hore, maadaama ay dibadda u baxday sirtii Imtixaanada dowladda dhexe ee Soomaaliya. Imtixaanka ay Puntland haatan qaadeyso ayaa ku soo beegmaya, xilli uu jiro khilaaf dhinaca mideynta Waxbarashadda iyo Imtixaanadka ah oo u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka. Soomaaliya. View the full article
  6. At least one has been killed and six others sustained injuries landmine explosion in Southwest Somalia. According to sources the landmine suspected to have on the side has hit military in Bardale town just 25km away Baidoa town. The blast killed a local councilor and Injured six other people including a military commander. The slain official was identified as Falar Liban Nur who was a member of Bardale town council. No group has yet claimed the responsibility for the attack. View the full article
  7. Haregysa (SMN) – Xaflad balaaran oo lagu xusayay 18-ka May oo ah Maalin Somaliland ugu suntan in Soomaaliya inteeda kale ay ka go’day ayaa maanta lagu qabtay magaaladda Hargeysa ee xarunta maamulkaasi. Ciidamada qalabka sida ee Somaliland oo ka kooban Militari, Boolis, Sirdoon, iyo Asluub ayaa Cutubyo ka tirsan waxaa ay munaasabaddani ku soo bandhigeen Dhoolatus iyo Awoodooda Ciidan. Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Golayaasha xukuumadda, Barlamaanka, iyo Golaha Guurtida iyo sidoo kale dadweyne tiro badan ayaa ka qeyb galay xuska 18-ka May. Ugu horreyn Muuse Biixi aya Khudbad dheer oo ka hadlaysa Taariikhda maalintan, iyo marxaladihii ay soo martay Somaliland ka jeediyay madasha Xafladd. Waxa uu Khudbaddiisa ku soo hadal qaaday wada hadalladda Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana uu shaaciyay in la joogo xilligii la kala guri lahaa Soomaaliya iyo Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale Madaxweyne Biixi ayaa sheegay dhibaatooyinka ay ka tirsanayaan Soomaaliya in ay uga sii daran tahay Aqoonsiga muddada 28-ka sano ah laga hortaagan yahay. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in aysan waxba tarayn is jiid jiid iyo khilaaf, wuxuuna ku baaqay in Soomaaliya ay ku taageerto Somaliland sidii ay u noqon lahayd dal madaxbanaan. Sanadkii 199-kii ayey Somaliland ku dhawaaqday in ay Jamhuuriyaddii la isku oran jiray Soomaaliya ka goosatay , waxaana Caasimadna looga dhigay magaalada Hargaysa. View the full article
  8. Bardaale (SMN) – Ugu yaraan labo Askari ayaa dhintay, mid kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray, kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed maanta qarax lagula eegtay degmada Bardaale ee gobolka Baay. Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in uu haleelay Gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen Ciidamadaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in qaraxa kadib Ciidamadu howlgallo kooban ay ka sameeyeen halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka maamulka K/ Galbeed oo ku aadan qaraxaasi. Sidoo kale ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, balse inta badan Al Shabaab ayaa weeraroka fuliya gobollada Baay iyo Bakool ee K/Soomaaliya. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-180519.mp3 View the full article
  10. Somali House of the People parliament is scheduled to put into vote the international disability convention on Saturday. The 15th sitting of the 5th session will debate the convention before ratification. President Mohamed Abdullahi Farmaajo signed into law the national disability law approved by the parliament on December last year. The bill will protect the welfare of the citizens with disabilities across the country. The House of People assembly is also expected to deliberate the second reading of the crucial Somali media law which underwent several amendments before. Somali media advocacy groups have raised their concerns about the approval of the new media law without consultations with media practitioners in the country. View the full article
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ansixiyey heshiiskii Baydhabo oo guddiga Kheyraadka Golaha maanta ay hor keeneen. Xildhibaanada ayaa sidoo kalena ansixiyey Heshiiska Caalamiga ah ee Dadka Naafada ah kaasi oo Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka uu Baarlamaanka hor keenay. Heshiiska Kheyraadka ayaa waxaa ka taagan Muran badan, waxaana kasoo horjeedda qaar ka mid ah maamul goboleedyadda. Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa horay Heshiiskaan uga dooday, waxaana ugu dambeyntii maanta ay ku guuleysteen in la ansixiyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Unidentified assailants have shot and killed an employee working for Mogadishu’s local government in the capital on Saturday, witnesses said. Abdulaziz Abdullahi Mohamed, who was a servant at the department of “Certificate of Identity Confirmation” at the registration center in Mogadishu, was gunned down in Karan district. The killers managed to escape the scene shortly after the assassination before the arrival of the police, according to the eyewitnesses. No group has yet claimed responsibility for the murder, which becomes one of a series of killings against civil servants and security force members in Mogadishu, mostly claimed by Al-Shabaab. View the full article
  13. In ka badan 15,800 oo arday ayaa saaka oo Sabtiya imtixaanka shahaadiga ah u fariistay 106 xarumood oo ku yaalla guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Puntland. Ardayda oo ka kooban fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalka 4aad ee dugsiyada sare degaannada Puntland ayaa saaka wakhti isku mid ah u fariistay imtixaanka guud ahaan sagaalka gobol ee Puntland. wasiirka Waxbarashada dowladda Cabdullaahi Maxamed Xassan oo ka warbixiyay imtixaanka ayaa sheegay in ardayda imtixaanka gelaysa ay ka koobantahay 15,892 arday oo isgu jira 10,887 arday oo dugsi dhexe ah iyo 5005 arday oo dugsiga sare ah. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Garoowe ka furay imtixaanka ayaa wasaaradda Waxbarashada Puntland uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixisay in ardayda Puntland ay helaan imtixaan nidaamsan oo horumarsan. Sidoo kale madaxweynaha ayaa ardayda ku baraarujiyay in imtixaanka laga qaadayo ay u arkaan mid wasaaraddu ku qiimaynayso heerka tacliinta iyo aqoontoodu marayso balse aysan u arag culays iyaga la saarayo isagoo ku boorriyay in ay dadaal ku bixiyaan sidii ay u guulaysan lahaayeen. “Imtixaanku in la is dhibayo maaha imtixaanku waa qiimayn Waa hubin iyo qiimayn heerka tacliinta ardadeenu marayso waxaan rajaynaynaa qiimayn wanaagsan in ay ka soo baxdo” ayuu yiri madaxweyne deni. Mudane Deni ayaa sidoo kale sheegay habka nidaamsan ee imtixaanka shahaadiga Puntland uu tusaale lagu daydo u noqon doono dhammaan geyiga Soomaalidu degto isagoo xusay in khibradda iyo waaya-ragnimada dheer ee Puntland u leedahay qaadista imtixaanaadka ay uga faa’idayn doonaan dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka. Halkaan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Warbixin: Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo saaka bilowday appeared first on Puntland Post.
  14. In March, the 31-year-old visited his family’s farm a few hours outside of Mogadishu. He spent the day there and when he was done, he and a couple of friends got in his minivan and started the drive back home. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xalay waqtiga Suxuurta Magaalada Muqdisho, waxaa Xaafadda Saybiyaano lagu dilay Wiil watay Mooto Bajaajle, xilli uu waday haweenay fool ah oo Isbitaalka uu u waday. Wiilka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maxamad C/laahi Xasan, sida ehelkiisa ay sheegeen gabar daris la, ah oo foolanaysay ayaa soo kicisay si uu mootada uu ugu qaado, kadibna markii ay marayeen Ajabka Shidaalka Saybiyaano ku yaallo, waxaa meel kaga soo baxay askari oo ku riday xabad, sidaasina ay ugu dhacday Wiilkii, mootadiina waa ay gadoontay. Ehelada Wiilka dhintay ayaa sheegay in maydka Marxuumka & Mootada oo bur bursan ay taallo Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho. Waxa ay dalbadeen inay helaan cadaalad ku aadan dambiilihii gaystay falkaasi dilka ah in gacanta lagu soo dhigo si loo waafajiyo sharciga, islamarkaana cadaalad ay doonayaan. Marxuumka la dilay ayaa wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysta xirfadda Mooto wadista, lama oga sababta ka dambeysa dilka loo gaystay wiilkaasi dhalinyarada ahaay. Askariga dilka gaystay ayaanan ku sugnayn goob Koontarool ah oo Ciidamada ay joogaan, balse waxaa la sheegay meel ku dhaw Ajabka Shidaalka Saybiyaano inuu ka soo baxay oo sidaasi xabad uu ugu riday Mootada, kadibna uu meesha ka cararay. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa joogto ka ah dilalka loo geysanayo Dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta,iyadoo dhawaan sidaan oo kale askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu Darawal Mooto Bajaaj ku dilay Isgoyska Tarabuunka,hayeeshee markii dambe laamaha amniga dowladda ayaa gacanta ku dhigay oo xabsiga dhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Sahro Hassan, 23, remembers not being able to find a suitable dress at the local mall for her eighth grade school dance. Source: Hiiraan Online
  17. DDIS ABABA, May 17 (Xinhua) -- The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) on Friday urged East African countries to combat trans-national terrorism-related security perils through new initiatives. Source: Hiiraan Online
  18. A current truck driver shortage in the U.S. is projected to become only more acute in the years ahead. But now, immigrants from among other places, including Africa, are helping fill the need. CGTN’s Hendrik Sybrandy reports. Source: Hiiraan Online
  19. At least Three people were killed and several others were wounded following renewed tribal clashes in Banisa sub-county of Mandera on Friday. The clashes that occurred between pastoralists as a result of pasture and water was later defused by government officials led Mandera Governor, Ali Roba. Officials from both county and national government concluded two days’ peacemaking mission in Banisa. Mandera Governor, Ali Roba, his deputy, Mr. Arai, Mandera North MP, Bashir Abdullahi and his Banisa counterpart, Kullow Maalim Hassan engaged the elders and residents of Malkamari, Choqoro, and Banisa town to prevent the spillover of the conflict from the Ethiopian border. One person was arrested in connection to the skirmishes between Degodia and Garre tribes during the visit by the leaders. Pastoralist leaving along Kenya-Ethiopia border in Mandera county clashed over pasture and water for their animals mainly during the dry seasons where there is a scarcity of water and grass. View the full article
  20. Wararka naga soo gaaraya degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in qarax Miino uu goor dhow ka dhacay halkaasi, kaasi oo khasaare kala duwan geystay. Sida uu soo sheegayo wariyaheenne Gobolka Baay, C/qaadir War Cadde, gaari nooca Cabdi Bilaha ah oo ay la socdeen askar ka tirsan K/galbeed ayaa qaraxan lala eegtay, waxaana halkaasi ku dhintay Labo askari, iyadoo askari kalena dhaawac daran uu soo daaray. Askariga dhaawaca ah ayaa loo soo qaaday magaalada Baydhabo, iyadoo la sheegay in xaaladdiisa oo daran awgeed lagu wado in Muqdisho loo soo gudbiyo. Ciidamada DFS iyo kuwa K/galbeed ayaa durba howlgallo ka bilaabay degmada Bardaale, iyadoo xaaladduna ay tahay mid aan deganeen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. The self-declared state of Somaliland celebrated its 28th independence anniversary from Somalia on Saturday in the capital, Hargeisa. The event was led by the president Muse Bihi Abdi who was flanked by government officials and citizens of the breakaway Somali region. Somaliland is the only self-declared independent state that has survived years of diplomatic isolation by international bodies. Somaliland, with a population of about 4 million, can boast of an army, its own currency and legal system and is appreciated for holding credible elections. They made history in 2017 as it used the iris biometric voting system. Somaliland proclaimed independent from Somalia on May 18, 1991, after they fought against the government of the Somali Democratic Republic’s military ruler Siad Barre who ruled from 1969 to 1991 after a coup. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh xaruntooda magaalada Muqdisho. Kulankan oo ah kii 15-aad ayaa qeyb ka ah Kalfadhiga Shanaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya. Ajendaha kulanka ayaa ah: 1.U codeynta heshiiska caalamiga ah ee naafada. 2.Warbixinta Khasaarooyinka loo geystey shirkadaha Hormuud iyo Somtel. 3.Akhrinta labaad wax ka bedelka sharciga Saxaafadda. View the full article
  23. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Somalliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in dowladihii kala duwanaa ee Soomaaliya isaga kala dambeeyeen ay muddo 30 sano ku dhow ku howlanaayeen in Somaliland aysan aqoonsi helin. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixineyso sidii Somaliland aysan aqoonsi u heli laheyn, islamarkaana ay kaga mid noqon lahaayeen dalka Soomaaliya. “Qolada Soomaaliya joogta waxaan leeyahay, dhibaatadii 30-kii sano ee aan mideysnayn aad na gaadhsiiseen waxaa nagaga xun 28-ka sanno ee aan kala maqnayn ta aad na gaadhsiiseen ee aad lahaydeen lama aqoonsan karo Somaliland”ayuu yiri Muuse Biixi. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in hadda Caalamka uu garwaaqsaday in la joogo waqtigii Somaliland aqoonsi buuxa la siin lahaa, waxaana uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalka ay wadaan arin taasi ka horjeeda. “Waxaa maanta muuqata in caalamka garwaaqsaday markan in la joogo waqtigii kala gurilaha Soomaaliya iyo Somaliland, waxaan Farmaajo iyo Kheyre, u sheegayaa 28 sano ayey labadaa dal kala maqan yihin, 50 jirka Somaliland, wuxuu ku garaadsaday iyadoo Somaliland is xoraynaysa.,50 jirka Muqdishana maba yaqaanno Somaliland. Iyadoo la kala maqan yahay ayuu garaad saday” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Muuse Biixi Cabdi. Waxaa uu sheegay in dhibaatadda soo gaartay xilligii ay ku jireen Soomaaliya ay kasii xun tahay in wali laga hortaagan yahay Ictiraaf. Somaliland ayaa muddo ku dhow 30 sano raadineysa ictiraaf ay caalamka ka helaan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  24. Laascaano (Caasimada Online)-Xiisad adag ayaa magaalada Laascaano ee gobolka Sool, waxaana heegan la geliyay ciidamada amaanka maamulka Somaliland. Xiisadda ayaa ka dambeysay kadib markii dadka deegaanka ay ka hor yimaadeen xuska maalinta 18 May oo ku beegan maalinta Somaliland u aqoonsatay inay tahay maalinta xoriyadda Somaliland. Dadka deegaanka ayaa lasoo baxay calanka Soomaaliya, iyaga oo sheegay inaysan maalinta 18 aysan u aqoon inay tahay maalinta xoriyadda Somaliland. Somaliland ayaa ciidamadii ugu badnaa geysay magaalada oo maalmihii ugu dambeeyay xiisad dhanka qabiilka ku saleysan ay ka taagneyd, waxaana ciidamada la dhigay bartamaha iyo hareeraha magaalada. Deegaanada Somaliland ayaa looga dabaal dagayaa maalinta Xoriyadda Somaliland, iyadoo Hargeysa lagu qabtay xaflad ay ka qeyb galeen masuuliyiinta Somaliland oo madaxweynaha uu ugu horeeyo. Cabsi ayaa ka jirta magaalada, waxaana laga baqayaa inay isku dhacaan ciidamada maamulka Somaliland ee heeganka ku jiro iyo dadka deegaanka. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com