Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Galmudug Siciid Siyaad Shirwac oo la hadlayay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in go’doon uu ku jiro Madaxweynihii maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Wasiirka ayaa shaaciyay in Madaxweynuhu u go’doonsan yahay dad uu ku sheegay in ay ballantii uga baxeen, kuwaas oo uu kala jeedo Ahlu-Snna Waljamaaca. Waxa kale uu tilmaamay in aysan nabad aheyn Dhuusamareeb, islamarkaana ay xoog ku soo furan doonaan Madaxweyne Xaaf. Shirwac oo hoggaaminayo ciidamo haatan ku sugan duleedka Dhuusamareeb ayaa xusay in ay awood u leeyihiin in ay gudaha u galaan magaalada, islamarkaana ay soo badbaadiyaan Madaxweynahooda, sida uu hadaka u dhigay. Jahwareer iyo xaalad kacsanaan ah ayaa ka taagan Galmudug, taas oo ka dhalatay doorashada maamulkaasi oo ay dowladdu sheegtay in la qaban doono bisha July ee soo socota. Wararkii ugu dambeeyay ee haatan ka imaanaya Dhuusamareeb ayaa ku warramaya in kulamo isdaba joog ay weli ka socdaan halkaasi. Kulamadan ayaa xal loogu raadinayaa khilaafka jira, inkastoo weli uusan ka qeyb galin Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf). Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Shirwac.mp3
  2. Guuda ahaan dhulka Soomaalida saaka waxaa laga hadal hayaa kufsi wadareed ay tiro haween ah magaalada Hargaysa ugu geysteen mid kamid ah ragga ku sugan [...] Source
  3. Taliyaha ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland ee degmada Towfiiq oo ka tirsan koonfurta gobolka Mudug, G/sare Maxamed Maxamuud Cumar (Gacayte), ayaa muuqaal uu soo duubay si adag uga jawaabay, hadal ka soo yeeray jaaliyadda Galmudug ee dalka Sweden, oo sheegtay in degmadaasi ay ka tirsantahay dowlad goboleedka Galmudug. Taliye Gacayte, ayaa siyaasiyiinta Galmudug digniin ku siiyay, in ay ka waantoobaan sheegashadooda degmada Towfiiq oo ka tirsan dhulka dowladda Puntland, isagoo ku hanjabay in guryahooda la isku’ wareysan doono, haddii aysan joojin daan-daansiga ay ka wadaan xuduudaha Puntland. G/sare Maxamed Maxamuud Gacayte, ayaa sheegay in aysan dulqaad dambe u yeelan doonin, carqadda iyo daan-daansiga siyaasiyiinta Galmudug ku hayaan degmada Towfiiq, iyo sheegashadooda ku aaddan in ay leeyihiin degmada, isagoo ka digay in mas’uuliyadda wixii ka yimaada ay Galmudug yeelan doonto. Hadalka taliyaha ayaa ku soo beegmay, xilli dhowaan siyaasiyiin iyo qurba-joog u dhashay Galmudug ay warbaahinta ka sheegeen, in degmada Towfiiq ay ka tirsantahay degaannada dowlad goboleedka Galmudug, hadalkaasi oo muran iyo dood badan ka dhaliyay baraha bulshada. Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee taliyaha PUNTLAND POST The post Sarkaal ka tirsan Puntland oo sheegay in gudaha Galmudug la isku waraysan doono appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (SMN) –Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Mogadishu Clan Nabadoon Maxamed Xasan (Xaad) oo la hadlay Shabelle ayaa ka hadlay xiisadaha siyaasadeed ee weli ka taagan deegaanada maamulka Galmudug. Nabadoon Xaad ayaa sheegay in marka hore uu soo dhaweynayo dadallada nabadeed ee ay wado dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay in si deg deg ah xal looga gaaro arrimahaasi, si loo badbaadiyo maamulka iyo shacabka Galmudug. DFS, gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha ayaa kulamo xal loogu raadinaya Galmudug haatan ka wada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgauud. View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo batroolka Soomaaliya Maxamuud C/qaadir Hilaal ayaa ka warbixiyay heshiisyo xukuumadda Soomaaliya ay la gashay shirkado caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha Shidaalka. Ugu horreyn wasiir Hilaal ayaa beeniyay in heshiisyada la galay ay qeexayaan in la sameeyo sahmin cusub iyo soo saarida xermooyin Shidaal. Wasiir ku xigeenka W/ macdanta iyo batroolka ayaa tilmaamay in hehsiisyadan kaliya ay ku aadan yihiin dhameystirka heshiisyo AY horay u gashay dowladdiI dhexe ee dalka. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay XFS ay heshiisyo dhinaca shidaalka ay la saxiixatay labo shirkadood oo laga kala leeyahay dalalka Mareykanka iyo Holand. View the full article
  6. owhar (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in saaka xiisad dagaal ay ka taagan tahay agagaarka degmada Jowhar ee xarunta HirShabelle. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxaa si gaar ah looga dareemayaa Tuulooyin galbeedka ka xiga magaladaasi. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in xiisadani ay salka ku heyso arrimo la xariira dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi. Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya in dagaal uu qarxo, maadaama la dareemayo dhaq dhaqaaqyo xoogan. Ma jiro illaa iyo haatan wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle oo ku aadan xiisadaasi. Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa inta badan ku soo laa laabta dagaallo u dhexeeya beelo wada daga deegaanada gobolkaasi. View the full article
  7. Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-230619.mp3 View the full article
  8. Baydhabo (Caasimada Online ) – War ka soo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa looga hadlay weeraro iyo qarax saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Baay. Al-Shabaab ayaa bogagooda ku baahiyay in weerarka koowaad uu ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo ee gobolkaasi. Qoraalkan ayey ku sheegeen in halkaasi ay ku dileen illaa 10 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Koonfur Galbeed, kuna dhaawaceen 7 kale. Askarta geeriyootay oo la socotay gaari Cabdi Bile ah ayey tilmaameen in uu ku jiray taliyihii ciidamada deegaanka Daynuunaay oo ay magaciisa ku soo koobeen Axmed Dheere. Dhinaca kale weerararka labaad oo jidgal ahaa ayaa ka dhacay duleedka degmada Buurhakaha ee gobolka Baay, waxaana Al-Shabaab ay sheegteen in ay ku dileen illaa saddex askari ka tirsanaa ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamuka Baydhabo oo ku aadan weeraradaasi. Inta badan Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada Ciidamada huwanta ee ku sugan gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  9. Maxkamadda rafcaanka ee gobolka Nugaal ayaa saaka go’aan ka gaaraysa eedaymaha loo haysto xukumanayaasha dilkii iyo kufsigii Caasha Ilyaas Aadan oo xukunka horay rafcaan uga [...] Source
  10. Xogihii ugu dambeeyey ee aanu saaka ka helayno magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubno ka tirsan Ururka [...] Source
  11. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wasiirka arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad ayaa waxaa dhex-maray dood ka dhalatay go’aankii Kenya madax looga dhigay kooxda xiriirka caalamiga ah ee qaabilsan burcad badeedda xeebaha Soomaaliya (Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia (CGPCS), xilli ay xiisad kala dhaxeyo Soomaaliya. Kenya ayaa hoggaamin doonta dadallada caalamiga ah ee ilaalinta xeebaha si dusha loogala socdo dhaqdhaqaaqyada amniga muddo laba sano ah oo ka billaabata bisha Janaayo ee 2020. Sida aan xogta ku helnay madaxweyne Farmaajo ayaa ku canaantay Cawad inuusan is hor-taagan in Kenya ay madax ka noqotay guddigan xilli labada dal uu ka dhex oogan yahay khilaaf ka dhashay sheegashada Kenya ee badda Soomaaliya. Sida aan xogta ku helnay, haddii Soomaaliya ay diidmo ka dhan ah Kenya u gudbin lahayd hay’adda QM ee UNDOC, Kenya looma ogolaan lahayn inay madax ka noqoto kooxda Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia (CGPCS), hase yeeshee waxaa shaqadaas gabay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya. Ilaa iyo hadda ma cadda sababta Cawad uu uga aamusay arrintan. Xubnaha dowladda ee qaar ayaa aaminsan inay ahayd qalad uu wasiirka yareystay muhiimadda arrintan, halka qaar aaminsan yihiin inuu si ku talo-gal ah u sameeyey. Cawad ayaa waxaa qoyskiisa ay degan yihiin Kenya, waxaana inta badan uu u safraa Naiorbi, isaga oo xitaa aan saddex beri oo isku xigta ka badan ku sugneyn Muqdisho, taasi oo shaki abuureysa. Muranka dhanka badda ee u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana sannadkii 2015-tii ay dowladda Soomaaliya maxkamadda cadaaladda ee adduunka u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya. Dacwad ku saabsan murankan ayaa hor taalla maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda (ICJ), taasoo laga dhuur sugayo iney dhageysato, ka dibna go’aan kasoo saarto. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  12. Dhuusa-mareeb (PP) ─ Wararka laga helayo degmada Dhuusa-mareeb oo xarun u ah maamulka Galmuduga ayaa sheegaya inay weli ka socdaan kulammo la doonayo in lagu dhameeyo khilaafka doorasho ee ka taagan Galmudug. Madaxweynaha maamulkaas, Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf] ayaa diiday inuu is-casilo, kaddib markii ay sidaas ka dalbadeen ergo si gaar ah loogu diray, sidoo kale wuxuu diiday inuu qaato dhaqaale si uu u ogolaado in doorasho ay ka dhacdo Galmudug. Xubnaha ka socda Dowladda Federaalka Somalia ayaa isku dayaya inay ku qanciyaan Geelle iyo xubnaha ku fikirka ah in doorasho ay dhacdo bisha soo socota, si loo helo maamul cusub oo ay yeelato Galmudug, balse weli waa la is-mari la’yahay. Sidoo kale, Madaxweyaha Galmudug ayaa sheegay in wafdiga Dowladdu ay u dirtay Dhuusa-mareeb ay yihiin kuwo doonaya inay burburiyaan Galmudug oo uu sheegay in haddii aan la joojin fara-gelinta ay dhici karto ina dhacaan dhibaatooyin saameyn kara gobolka oo dhan. Ciidamo taabacsan Xaaf ayaa ku sugan magaalada Dhuusa-mareeb, kuwaas oo la sheegay inay halkaas u tageen sidii ay u sugi lahaayeen amniga guud ee madaxweyne Xaaf, waxaana jirta cabsi laga qabo in Dhuusa-mareeb uu ka dhaco dagaal haddii la isku af-garan waayo wadahadallada socda. Dhanka kale, Mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca oo horay DF ugu biiray ayaa waxay kulammo gooni-gooni ah la leeyihiin wafdiga ka socda Dowladda Somalia, inkastoo aanay weli kulammadaas kasoo bixi qodobbo ay labadaan dhinac ay isla garteen. Xukuumadda Somalia ayaa doonaysa in Galmudug ay ka dhacdo doorasho lagu soo xulanayo xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta maamulkaas, inkastoo aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonaan dadaallada la doonayo in looga dhaadhiciyo mas’uuliyiinta maamulkaas inay doorasho ka dhaco Galmudug. Ugu dambeyn, Maamulka Galmuduga ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa ka socday muranno ku aaddan dhanka maamulka, waxaana kooxda Ahlusunna ay ugu biireen kooxdaas heshiis ka dhacay Jabuuti, laakiinse weli waxay u muuqdaan kuwo budadoodu ay gaar ugu tuman tahay. PUNTLAND POST The post XAAF oo diiday inuu is-casilo iyo Wadahadallo weli ka socda Magaalada Dhuusa-mareeb appeared first on Puntland Post.
  13. ISTANBUL (AP) — Standing on a white campaign bus heading into Sunday’s repeat election, Istanbul mayoral candidate Ekrem Imamoglu shouted to ecstatic supporters in a hoarse voice: “Never bow your heads. We are right and we’ll win.” Source: Hiiraan Online
  14. Ruling military generals and protest leaders have been wrangling over the make-up of a transitional government. Source: Hiiraan Online
  15. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Danab ee xoogga dalka ayaa xalay waxay howlgal ka sameeyeen degmada Janaale ee gobolka Shabellaha Hoose. Si gaar ah, ciidamadan ayaa la sheegay in beeraha ku yaalla Jannaale ay galeen, kadibna kasoo qabteen 12 qof oo ka shaqeynayey beerahaasi. Qof ka mid ah dadka deegaanka oo u warammay Goobjoog ayaa sheegay in ciidanku ay sii daayeen 2 ka mid ah dadkaasi, balse 10-kii kale aan la ogeyn halka ay la aadeen. Dadka ay ciidanku xireen waxaa ku jira dad waayeello ah, lamana oga halka ay ciidanku dadkan geeyeen iyo sidoo kale waxa ay ku eedeynayaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay askar badan ku dileen laba weerar oo ay degaanno ka tirsan gobolka Baay kula beegsadeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Sooomaaliya. Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarka hore oo qaraxyo iyo dagaal toos ah isugu jiray ay dagaal-yahannadoodu ku qaadeen kolonyo ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo marayey degaanka Mooda-mooda oo u dhexeeya degmooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo ee gobolka Baay. Weerarkaasi ayaa sida Al-shabaab sheegtay ay ku dishay 10 askari halka ay ku dhaawacday 7 askari oo kale kuwaasi oo uu ku jiro nin taliye ah oo lagu magacaabo Axmed Dheere. Weerarka labaad oo ayaa Al-shabaab sheegtay in malayshiyaadkoodu ku qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan nawaaxiga degmada Buurhakaba waxaana ay halkaasi ku dileen 3 askari oo ka tirsanaa ciidamada Soomaaliya sida ay qoraalka ku sheegeen. Balse ilaa iyo hadda ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay sheegashada Al-shabaab ee ku aaddan in ay khasaaraha intaasi le’eg u geysatay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ka hawlgala degaannadaasi. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegay in ay askar badan ku laayeen gobolka Baay appeared first on Puntland Post.
  17. Gunfire reported in Addis Ababa as well as Bahir Dar, regional city where armed group reportedly tried to seize power Source: Hiiraan Online
  18. Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, waxaa weli ka soconaya kulamo kala duwan oo u dhaxeeya wefdiga dowladda ee uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye iyo mas’uuliyiinta Ahlu-sunna. Weli kulamadan wax natiijo ah lagama soo sheegin, balse sidey inoo xaqiijiyeen ilo aynu ku kalsoonnahay, waxay marayaan meel wanaagsan, Dhanka kale, madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa weli diiddan la kulanka wasiirka arrimaha gudaha iyo wafdiga la socda. Lama oga sidey wax ku dambeyn doonaan, iyadoo deegaannada Galmudug aad loo hadalhayo kulamadan ka socda Dhuusamareeb. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Addis Ababa (PP) ─ Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa sheegay in la dilay taliyihii guud ee ciidamada Itoobiya, Jen. Seare Mekonnen kaddib isku-day afgambi oo ka dhacay magaalada Bahir Dar ee gobolka Amxaarada Itoobiya. Wararka ayaa intaas ku daraya in mas’uuliyiinta la dilay uu sidoo kale ku jiro madaxweynihii is-maamulka Amxaarada dalka Itoobiya, Ambachew Mekonen waxaana la sheegay in xubnahan la dilay xilli ay shirk u jireen. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa kooxaha weerarkan geystay ku tilmaamay kuwo qas-wadayaal ah, wuxuuna sheegay in ciidamada Itoobiya ay ku raad-joogaan kuwii ka dambeeyay isku–daygan afgambi ee fashilmay. “Kooxo qas-wadayaal ah ayaa dhibaatada ka dambeeyay, dad badan ayaa ku dhintay weerarka, kuwo kalena way ku dhaawacmeen, waxaana socda isku-day lagu doonayo in lagu soo qabqabto kooxihii ka dambeeyay weerarka iyo kuwii soo abaabulay,” ayuu yiri Abiy Ahmed oo shacabka dalkaas kala hadlay telefishinka. Goobjoogayaal ku sugan gobolka Amxaarada ayaa sheegay in dagaalka uu qaatay muddo saacado ah, isla markaana la gubay dhismayaal, waxayna ku dareen intaas in xaaladdu ay weli tahay mid kacsan. “Xaalad caadi ah ayaa markii hore u qaadannay, balse markii dambe ayaan ogaannay in dagaal uu dhacay, waxaana maqlaynay rasaas culus oo muddo saacado ah socotay, inkastoo markii dambe ay iskeed u joogsatay,” ayuu ku yiri warbixin uu warbaahinta siinayay ruux goobjooge ah. Aaladda Internet-ka ayaa laga jaray Itoobiya oo dhan, waxaana sidoo kale la sheegay in rasaas laga maqlay magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya, taasoo la sheegay inay ridayeen kooxo hubeysan oo aan haybtooda la garan weli. Dhanka kale, warbixin wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay soo saartay saakay ayaa lagu sheegay inay la socdeen rasaas culus oo xalay oo dhan ka dhacaysay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, laakiinse ma jirto faahfaahin intaas ka badan oo ay wasaaraddu bixisay. Ugu dambeyn, Wararka ayaa sheegaya in dhibaatadan uu ka dameeyay mid ka mid ah xubnihii sirdoonka Itoobiya oo uu xabsiga kasii daayay RW Abiy Ahmed markii uu xukunka qabsaday, kaasoo aan la ogeyn illaa hadda halka uu ku dambeeyo. PUNTLAND POST The post Faahfaahin ku saabsan Af-gambi fashilmay ee ka dhacay Is-maamulka Amxaarada, Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  20. Havana, June 22 (Prensa Latina) Cuban President, Miguel Diaz-Canel, tweeted on Saturday that he spoke with his counterparts in Kenya and Somalia about the case of the two Cuban doctors kidnapped in Africa. Source: Hiiraan Online
  21. Windows 10 has enough problems to deal with right now. But Microsoft’s partners just made things a lot worse. Source: Hiiraan Online
  22. Addis Ababa (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya afgambi dhicisoobay oo ka dhacay gudaha Itoobiya, gaar ahaan gobolka Waqooyi ee Amxaarada. Qalalaaso ka dhacay gobolkaasi ayaa waxaa lagu toogtay taliyihii guud ee Ciidamada Itoobiya General Seare Mekonnen iyo saraakiil kale. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in guud ahaan la jaray qadka isgaarsiinta iyo Internetka ee dalka Itoobiya. War-Saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa looga hadlay afgambigaas iyo shaqaaqooyinka saacadihii la soo dhaafay ka dhacay dalkaasi. Qoraalka uu soo saaray Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu horreyn lagu cambaareeyay afgambiga dhicisoobay. Sidoo kale Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in lagu soo xadgudbay madaxbanaanida shacabka iyo Dastuurka Itoobiya. Waxa kale oo u digniin u diray kooxihii horboodayay xasaradahaasi, isaga oo carabka ku dhuftay in xukuumaddiisa ay ka qaadi doonto tallaabo adag. Dhinaca kale war ka soo baxay xisbiga maamula gobolka Amxaarada ayaa dhacdadan ku eedeeyey taliyihii hore ee ammaanka, kaas oo Ra’iisul wasaaruhu xabsiga ka saadaayay, markuu xukunka qabtay. Xaaladda ayaa saaka dagan, hayeeshee waxaa heegan buuxa ku jira qeybaha kala duwan ciidamada federaalka ee Itoobiya. Abiy Axmed ayaa tan iyo markii 2018-kii loo doortay xilkan waxa uu isbedal weyn ku sameeyay siyaasadda Itoobiya, waxaana uu soo afmeeray cadaadisyo xoogan oo ka jiray dalkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  23. Tel Aviv (Caasimada Online) – Wargeyska Middle East Eye ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa qoray Maanta oo Sabti ah in Madaxa Sirdoonka Sacuudiga uu booqasho ku tagi doono Israa’iil dhammaadka asbucaan bilowga ah. Wargeyska ayaa sheegay in Mas’uulkaan uu asbuucaan dhamaadkiisa tagi doono Tel Aviv-si uu Maamulka Israa’iil ugala hadlo inay weerar duqeyn ah ku qaado Dalka Iiraan. Inkastoo uusan wargeyska Sheegin magaca Mas’uulkaan haddana shakhsigii ugu dambeeyey ee hoggaamiyaha u ahaa Sirdoonka Sacuudiga ayaa lagu magacaa Khalid AL-Xamiidaani. Wargeyskaan ayaa caddeeyey in booqashadaan ay kusoo aadeyso xilli Dowladda Sacuudiga ay laba jibaartay dadaalkeeda ku aadan inay xulafadeeda ku qanciso weerar lagu qaado Iiran kadib markii Washington ay sheegtay inay joojisay duqeyn ay rabtay in lagu qaado Iiraan. Wargeyskaan ayaa sidoo kale xusay in Madaxa Sirdoonka Sacuudiga oo uu la socday Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Caadil AL-Jubeyr ay booqdeyn Lodon iyagoo Ingiriiska ka codsaday in Iiraan la duqeeyo balse waxaa la xaqiijiyey inay Dowladda Ingriiiska diiday. Madaxweynaha Dalka Mareykanka Trump ayaa sheegay Shalay inuu joojiyey duqeyn ka dhan ah Iiraan wax yar kadib markii ay Diyaaradaha Mareykanka bilaabeyn inay fuliyaan amarkaan, isagoo sheegay inay duqeyntaas ugu yaraan ku dhiman lahaayeen 150 oo u dhashay Iiraan . Sanadkii 2018 ee lasoo dhaafay ayaa waxaa dhacay kulamo iyo booqasho badan oo dhex maray Israa’iil iyo Sacuudiga. Xiriirka Sacuudiga iyo Israa’iil ayaa ku jiro maalmihii ugu fiicnaa taariikhda, waxayna Israa’iil sheegtay inuu Sacuudiga kala dhaxeeyo xiriir fiican oo ku saleysan in la is dhaafsado macluumaadka Sirdoonka. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Jeddah caasimada@live.com
  24. WASHINGTON (AP) — The Trump administration on Saturday unveiled a $50 billion Palestinian investment and infrastructure proposal intended to be the economic engine to power its much-anticipated but still unreleased “deal of the century” Middle East peace plan. Source: Hiiraan Online