-
Content Count
211,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dad badan oo ergo ah baa isoo wacay. Waa kuwo aan xurmo badan u hayo. Waxa aan ku idhi “Been iyo gef ma wado. Waan joojinayaa haddii aad qallooc ku aragtaan dhambaallada. Kolba inta aan doono cabbiraadda aragtidayda laga ergayn maayo, balln-qaadka waan fulinayaa”. Sidaas ayaan isku nabaadiinaynnay. Jaalleyaal badan oo mudan ah baa yidhi “Ramadaan haki”. Waxa aan u sheegay in runta la sheegi karo xilli walba. Waan ka xumahay in aan wacadkaasna ka baxo. Haddii lagu hanjabi lahaa in wax la iga qorayo: sida dhacday, waxa aan leeyahay “Nin durbaan qaatay, ilaaq dalbay”. Wallaaleyaal falcelintu waxa ay muujisaa, aan habkii quusinta u dhigo’e, in weedhaada ay u bogeen/dabbaal-degeen ciddii aad la rabtay iyo intii ku xeernayd. Waan la socdaa inaad u riyaaqdeen, oo aad igu hambalyayseen. Ummadduna waa ka marag, fasax buuxa ayaad u haysataan inaad i naqdidaan. Eegga sida Guddoomiye Faysal Cali Xuseen ayaan keli-telis ahay, waxa aan wada-tashi iyo wada-hadal adag ka gelayaa in uu soo baxo Diiwaanka Hagardaamo: huqda iyo hantaaqda Faysal Cali Xuseen iyo in kale. Kollay xaggayga waxa baajintiisa ku xidhan shuruudo adag… Nin xog, xoog iyo xeelad ku meel marin kara soo-saariddiisana waan ahay.. 12kan aan ballan-qaaday iska illaawa, waa inoo 10ka Juun kaddib marka aan gudbiyo aashayda/ujeeddayda. Astaantaas macangagnimada iyo dad-maqalka ka uu dhankayga ku suntan yahay ayaan qormadan ku faallaynayaa. Injineer Faysal isaga ayaa keligii jara talada xisbiga UCID. Ma rabo cid kale oo ku biirta. Sida uu Dr Cagaweyne ka warramay waxa 2003dii doonay in uu UCID ku biiro Dr Maxamed Cabdi Gabboose, oo watay shardi ah “Haddii aan madaxweyne kaa dhigo, ma igu wareejinaysaa UCID?”. Waxa uu yidhi “SAHAN oo bilaa Gabboose ah ii keena”. Ma oggola qof mansab iyo magac leh oo kala qaata hagista UCID. Haddii uu keli-telis jiro, kaalmaha ugu sarreeya ayuu ka gelayaa. Dad badan oo ay ka mid yihiin Cabdi Ismaaciil (Mingiste) Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed-Keyse) iyo Marwo Faadumo Siciid Ibraahin ayaa UCID uga tegay awood-maroorsiga, maqal-la’aanta iyo xuurtada Faysal ku hayo Xisbiga. Marka laga yimaaddo in uu dhegaha awdanayo, waxa uu sameeyaa falal masuuliyiinta UCID ku dirqiya inay ka baxaan oo caragsi, liidid iyo xurmo-darro ah. Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan waxa uu noqday Murashaxa Madaxweyne ku-xigeenka UCID 2012ka, waxa uu ahaa nin aqoon ahaan, bulsho ahaan, dhaqaale ahaan, sumcad ahaan iyo taageero ahaanba dhisay. Isaga ayaa bixin jiray wixii kharash ku baxaya ololaha UCID ee Awdal/Selel. Waxa uu ka tegay markii Faysal iska yidhi “Illaa hadda iyaga ayaa murashixiin ah. Haddii murashixiinta UCID ay noqon waayaan qaar ku habboon hoggaaminta dalka, uma codaynayo, annaga ayaa siinnay fursad ay ku hadlaan. Waxay ahayd inay xilliga ololaha uun hadlaan”. Jamaal Cali Xuseen ayaa kaga jawaabay “Faysal wuxuu la mid yahay diyaaraddii Hargeysa ka kacday ee Hargeysa duqeeyay. Lama arag Guddoomiye Xisbi oo yidhaahda u codayn maayo murashixiinta UCID” Doorka Cabdirashiid Xasan Mataan ee UCID waxa laga garan karaa taageeradii Xisbigu ka helay AwdaL/Selel 2012ka oo la barbarhigo intii uu ka helay 2002, 2003, 2010, 2005 iyo 2017. Markii uu Xisbiga ka baxay waxa uu Faysal yidhi “Salaatu-shugri ayaan tukaday” waayo isaga ayaa sabab u ahaa bixitaankiisa. Ma marka aad boqnaha is-goyso ayaad Ilaahay u mahadnaqdaa? Ma ninkii ka murugoon lahaa adhaxda uu is-jaray ayaaba sujuudaya? Ma xumaha aad samayso ayaa Eebbe loogu mahad-naqaa? Is-adkayntu waxa ay seejisaa dad badan oo Xisbiga fadhiidka sed iyo saami u kordhin lahaa. Dr Cagaweyne, Dr Ismaaciil Cali Aw Jaamac, Siyaasi Cabdillaahi Ismaaciil Cabdi (Cabdillaahi-Yare) iyo aqoonyahanno ka soo jeeda beesha Faysal Cali Xuseen ayaa mar ku wada biiray Xisbiga KULMIYE, waxaanay dhallinyaro deegaanka ah ku guubaabiyeen inay Xisbiga kula biiraan, waxa ka mid ahaa Mawliid Muuse Dacar Guddoomiye-ku-xigeenka WADDANI ee Maroodijeex. Barbaarti waxa ay ku yidhaahdeen “Miyaad ka mid noqotaan UCID. Kollayba siyaasad iyo xigaalnimo ma kala durkaan?”. Waxa ay yidhaahdeen “Faysal waanu u tagnay. Waxa aanu ku nidhi ‘Maxaad xisbiga nooga oggoshay?’. Waxa uu yidhi “Waxba idiinkama oggoli”. Waxa aanu u tagnay Siilaanyo oo aanu isagana intii ku nidhi Maxaad xisbiga nooga oggoshay?’. Waxa uu yidhi “idinkama lihi”. Markaas ma ninka sidaas leh ee aan cidba u baahnayn ayaan ku biirnaa?’. Qaar ka mid ah da’yarti way ku qanceen doodda odayaasha, waxaanay kula biireen KULMIYE. Injineer Faysal Cali-Waraabe waxa uu ka mid ahaa guddi ka-qayb gasha wadahallada Somaliland iyo Soomaaliya. Waxa se ergadaas laga reebay sannadkii 2013ka. Waa kaddib maalmihii uu sida gaarka ah ula kulmay Madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan. Waxa uu cambaarayn u jeediyay Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isaguna iska difaacay. Qof ahaantayda waxa aan Email kula xidhiidhay Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Danjire Kaysar Cabdillaahi Maxamed oo ahaa Safiirka Wareega ee Somaliland. Dulucdiisu waxa ay ahayd “Haddii ay Faysal isku dhaceen xukuumadda, keligii xisbiga UCID ma aha, maxaad ugu dari weydeen qof kale, si aan loo moodin in xukuumaddu wax qarsanayso oo ay mucaaridka uga dhuumanayso?”. Si xalkasnimo leh ayay iigu soo warceliyeen. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu yidhi “Waxa aanu xubin xil sare ka haya Xisbiga ku nidhi ‘Ka soo qaado Faysal warqad oggolaansho inaad UCID metesho ah” waana loo diiday. Markaas Faysal wuu u diiday. Wuxuu u arkaa inay sax yihiin haddii uu ku jiro, qaladna ay tahay haddii uu ka maqan yahay. Hawsha qaranku qof uma joogsanayso”. Isla Faysal ayaan ku idhi “Miyaad cid kale hawshaas u xilsaartid, haddii aad xukuumadda isku dhacdeen… Kol uu aniga noqdana” kama soo war celin.. Waa kuma qofka ay xukuumaddu ku xidhay oggolaanshaha Faysal? Siyaasaddu way bac iyo shaki badan tahay, haddii aan magacaabo, waxa aan ka cabsi qabaa in uu Faysal ka shakiyo in aan xogtan siiyay, oo ay isku dhacaan.. Waan ka boodayaa. Xilliyadaas waxa uu ku hanjabay Faysal “in ay keligood (UCID) wada-hadal la geli doonaan Soomaaliya” waxaanu ahaa hadal ay madaxda Xisbigu isku maandhaaftay. Nin UCID ka mid ah oo reer Burco ah baa yidhi “Waxa aanu isku ogayn in aanu Togdheer isu raacno, waanu iga tegay. Mar uu Berbera marayo ayaan wacay. Wuxuu yidhi “Miyaanad nala socon, iska daa annaga ayaa soo dhammayn doonna hawsha”. Faysal Cali Xuseen cidi kama ab wacna, adduunna uma liiceene, arrin-xumada ayaa abaar ka daran. Waxa halkaas dhigay keli-telisnimo lafta iyo dhuuxa kaga jirta. Waa astaan dhadhisay in uu meel gaadho.. Siciid Maxamed Gahayr Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaramada Midoobey ayaa ku dhawaaqday inay mar kale dhimeyso Ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya, si loo gaarsiiyo 19,626 Askari inta aan la gaarin 28-ka Febaraayo sanadka soo socda ee 2020. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Jimcihii shalay isku raacay in 1,000 askari oo hor leh laga saaro dalka, iyadoo aanay si rasmi ah loo sheegin dalka uu noqonayo, hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in Kenya ama Burundi inay yihiin askarta laga saarayo. Qorshahan cusub waxaa golaha hor dhigtay dowladda Ingiriiska oo ka mid ah Wadamada bixiya Dhaqaalaha lagu socodsiiyo howlgalka AMISOM, waxaana dlakan sidoo kale uga sugan Saraakiil tababar siiya Ciidamada Soomaalida ee SNA iyo kuwa AMISOM. Marka talaabadaas la qaadayo waxaa iyana bar bar socda qorshe ah in la kordhiyo Booliska AMISOM, lana gaarsiiyo ilaa iyo 1040-askari oo Boolis ah. Qorshahaan ayaa qayb ka ah kii xaalada kala guurka ah ee lagu heshiiyay sanadkii 2017-kii iyadoona tan iyo waqtigaas si tartartiib ah loo dhimayay Ciidamada AMISOM. QM ayaa raadinaysa sidii ay xasilooni ugu soo dabaali lahaayeen Soomaaliya xilli dagaalamyaasha Al-Shabaab oo ku xiran urur waynaha Al-Qaacida uu u jeedkoodu yahay sidii ay meesha kaga saari lahaayeen dowladnimada Soomaaliya. Taliska AMISOM ayaa dhowr jeer oo hore ku cel celiyay in inta aaney dhamaan mudada dowladdan uu hoggaamiyo Madaxweyne Famaajo ay ammaanka dalka ku wareejinayaan Ciidamada Soomaaliya, iyadoo la dhimayo tirada Ciidamada ka jooga Soomaaliya ee gaaraya 22 kun askari, kuwaasoo ka kala socda dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya. Hawlgalka midowga afrika ee AMISOM ayaa la’asaasay sanadkii 2007-kii iyadoona dowladaha ay Ciidamadoodu qaybta ka yihiin hawlagalka AMISOM ay ka mid yihiin Brundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Uganda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
New York (SMN) – Golaha AmMaanka ee QM ayaa maalintii shalay u codeeyay qaraar cusub oo lagu dhimayo ciidamada Midowga Africa ee AMISOM, xilli ay Soomaaliya ku soo wajahan tahay doorasho sanadka 2020-KA. Qaraarkan oo ay soo gudbisay dowladda Ingiriiska ayaa waxay xubnaha Golaha AmMaanka ansixiyeen in 1,000 askari laga soo qaado Soomaaliya, iyadoo tirada Askarta AMISOM noqonayso sanadka soo socda 19,626. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorsho la dejiyay 2017 kaasoo loogu tala galay in ciidamada AMISOM ay Soomaaliya uga baxaan si aan hal mar ahayn, iyadoo mas’uuliyadda amniga lagu wareejinayo ciidamada xoogga dalka marka la gaaro 2021-KA. Waxaa sidoo kale dalka ku sugan Askar boolis ah oo gaaraya 1,040, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa. AMISOM oo 10 sano jirsatay ayaa ka gacan siisa DF in ay dib u hanato gacan ku haynta gobollada dalka, oo qeybo ka mid ah wali ay ku sugan yihiin xoogaga Al Shabaab. View the full article
-
Laamiga dheer ee isku xira magaalooyinka waaaweyn ee Puntland ayaa ka go’ay tuulada Sinujiif oo 60 km dhanka bari ka xigta magaalada Garoowe kadib markii uu daadad xooggan ku celiyay roob mahiiggaan ah oo in ka badan 24-saac ka da’yay gobolka Nugaal. Isu-socodka gaadiidka ayaa tan iyo saaka hakad ku jira inta u dhexaysa Garoowe iyo Qardho maadaama uu laamiga ka go’ay tuulada Sinujiif. Mowjado daadad ah oo roobku soo celiyay ayaa bad u ekaysiiyay guud ahaan dooxooyinka “Ayax-geed-gaaban” oo dhaca bariga gobolka Nugaal halkaasi oo la soo sheegayo in ay buuxsameen tuulooyin badan. Maamulka gobolka Nugaal ayaa sheegaya in ay weli qiimaynayaan khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhashay daadadka ku soo rogmaday gobolka. Sawirada hoose waa halka laamiga ka go’ay PUNTLAND POST The post Sawirro: Roobabka gu’ga oo kala jaray laamiga hawlbowlaha ee gobollada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusomareeb (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay shil Gaari oo uu ka badbaaday Wasiirka Amniga Galmudug Saadaq Sheekh Cali oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulkaasi. Shilkan oo geystay khasaare kala duwan ayaa waxaa la sheegay in waxyeelo u badan dhaawac ay ka soo gaartay ilaalada Wasiirkaasi. Askarta dhaawacantay ayaa lagu soo warramayaa in loo soo qaaday magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Wasiir Saadaq Sheekh Cali ayaa xilliga uu shilku dhacayay ku guda jiray kormeerka xeryo Ciidamada Galmudug ay ku leeyihiin halkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta u safray dalka Qatar. Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa inta uu joogo Qatar waxa uu kulamo looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal la yeelan doonaa mas’uuliyiinta dalkaasi. Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa waxaa ka dhexeeya xariir qota dheer oo soo jireen ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-01062019-ok-ok.mp3 View the full article
-
Al-Shabaab has attacked several Somali military bases in Somalia amid ongoing operations against the militants in the country. The armed fighters raided Qansahdhere and Berdale towns in Bay region and engaged in a heavy gunfight with the Somali troops. There was no immediate report of casualty on both sides as neither side commented on the attack which comes amid tightened security in government-controlled areas. Somali and AU troops launched offensives targeting Al-Shabab-held towns in southern Somalia as part of a plan to regain control of the remaining areas. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta u safray dalka Qatar. Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa garooka waxaa ku sii sagootiyay xubno katirsadowlada . Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa inta uu joogo Qatar waxa uu kulamo looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal la yeelan doonaa mas’uuliyiinta dalkaasi. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isna ku maqan dalka Boqortooyada Sucuudiga. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ra’isil wasaare Kheyre oo u duulay dalka Qadar appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhoofay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Ra’isulwasaraha ayaa u dhoofay dalka Qatar oo lagu tiriyo inay Dowladda koowaad oo ay xiriir fiican la leedahay Soomaaliya. Ra’isulwasaare Kheyre ayaa la filayaa inuu dalka Qatar kulamo kula qaato madaxda ugu sareyso dalkaas oo uu ugu horeeyo Boqorka. Sida uu sheegay Xafiiska Ra’isulwasaaraha, safarka Kheyre ayaa ujeedkiisa lagu sheegay inuu yahay mid lagu xoojinayo xiriirka labada dal. “Ra’iisul Wasaare @HassanAKhaire ayaa saaka u ambabaxay dalka Qatar. Waxa uu kulamo looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal la yeelan doonaa mas’uuliyiinta dalkaasi,” ayaa yiri xafiiska. Wararka qaar ayaa sheegayo inuu Ra’isulwasaare Kheyre dowladda Qatar kala hadli doono inay siiso lacago deeqo ah maadaama Dowladda Soomaaliya ay muddooyinkii dambe ka cabaneysay lacag la’aan baahsan oo soo food saartay. Sidoo kale Ra’isulwasaaraha ayaa Madaxda dalka Qadar kala hadli doono sababta aysan weli u fulin mashaariic dhawr ah oo ay horey u ballan qaaday inay ka sameeneyso Soomaaliya. Safarka Ra’isulwasaaraha oo aan horey loo ogeyn ayaa kusoo aadayo xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku maqan yahay dalka Sacuudiga oo uu uga qeybgalay shir ay yeelanayeen Wadamada Carabta oo ka dhacay Magaalada Makka Al-Mukarama inkastoo la filayo inuu saacadaha soo socdo dalka dib ugu soo laabto. Sidoo kale safarka Ra’isulwasaaraha ayaa kusoo aadayo kadib wada hadalo dhanka Taleefoonka ah oo asbuucyo ka hor dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka dalka Qatar inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn waxyaabaha laga wada hadlay. Dowladda Qatar ayaa dhawaan dowladda Soomaaliya siisay 20 Malyan oo Dollar kadib markii Dowladda Soomaaliya ay Qatar garab ku siisay khilaafkii ka dhex dilaacay Dowladaha Carabta. Dowladda Qatar ayaa la aaminsan yahay inay qeyb ka heyd doorashadii sanadkii February 2017 ka dhacday Soomaaliya markaas oo ay lacago badan ku bixisay inuu madaxweyne noqdo Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Xidigaha xulka qaranka oo labadii bil ee lasoo dhaafay kulamo saaxiibtino la qaatay kooxaha kala gedisan ee ka ciyaara horyaalka Somalia Premier League ayaa inta badan gaaray guulo weyn,iyagoo xitaa 6-0 kaga adkaaday kooxda xafidanaysa horyaalka Somalia Premier League labadii xili ciayareed lasoo dhaafay ee Dekedda. 31-May 2019-Ciyaartooyda xulka oo kulan ciyaareed saaxiibtino garoonka Jaamacadaha kula dheelay dhigooda Muqdisho City Club ayaa labada dhinac soo bandhigay qaab ciyaareed aad u wanaagsan,inkastoo xidigaha dowladda hoose ee M.C.C looga adkaaday 2-0 oo ay guusha ku qaateen xidigaha xulka Ocean Stars waxaana goolasha u dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Cabdi Majiid iyo Maxamed oo Shiine oo ka tirsan L.L.P Jeenyo. “Waan ku faraxsanahay bandhiga sare ay soo bandhigeen ciyaartooyda iminka waxaa jira isku xir wanaagsan,balse waxaan ku da’daalaynaa in aan sii wadno bandhigeena ilaa aan ka teegsano tartamada aan Qeybta ka nahay si aan taageerayaasheena ugu keeno guulo lago faano”ayuu Goobjoog Sports u sheegay tababaraha reer Ghana Bashir Hayford ee hogaamiya xulka qaranka. 18-May 2019-Da’yarta kooxda Muqdisho City Club ayaa iyaga qudhooda ciyaar saaxiibtinimoo la qaatay dhigooda xulka qaranka waxaana ciyaartaas 2-0 guusha ku qaatay xidigaha dowladda hoose ee Muqdisho City “Guul darada waa qeyb ka mid ah kubbadda cagta,bandhiga ay soo bandhigeen xidigaheena waxa uu ahaa mid aad u sareeya,balse waxaa diirada saaraynaa in aan kaalin wanaagsan ka gaarno tartamada aan qeybta ka anahay ee kubbadda cagta dalka “waxaa Goobjoog Sports ugu waramay guddomiyaha naadiga Muqdisho City Club Abuukar Maxmed Sheekh. Wax ka ogow Liiska Xidigaha Muqdisho City Club ee Qeybta ka aha Safka xulka Axmed Cabdullahi Cabdi (Baanuu),Cali Cumar Cali (Cali Yare),Xasan Maxamed Aadan (Xasan Santos) Ciise Cabdiqaadir Ibraahim (Daafac) ,Abuukar Cabdulahi Siidow,Feysal Axmed Xasan . “Waxaan u rajaynayaa in ay Soomaaliya u keenaan sharaf iyo guul anagoo dhan ayaa ku kalsoon xirfadooda,taageerayaasha kooxda si wanaagsan ayay aqbaarka ula dhacsanyihiin” waxaa Goobjoog Sports sidaas u sheegay Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji (Dacar) oo ka mid ah maamulka kooxda Muqdisho City Club. Feysal Axmed Xasan oo wacdar kusoo bandhigay kulamadii uu ka hortagay Xulalka Jabuuti iyo Ethiopia kana ka tirsan kooxda Muqdisho City ayaa ku hami weyn in goolal badan ka dhalin karo xulalka uu ka hortagayo iyo in ay soo laabtay niyadiii taageerayaasha xulka,isagoo sheegay in xirfadyaasha xulka ay ka go’an tahay in Soomaaliya guul u soo hooyaan sidii dhacday sanadkii lasoo dhaafay 2018. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Nin Qorsheynayay dilka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Ninka la qabtay maanta oo sabti ah ayaa isku dayay in uu shalay galo Garoonka Narok, halkaas oo maanta lagu qabanayo xuska maalinta Madaraka Day. Saraakiisha Milatariga ayaa sheegay in Adan Galhai oo 22 jir ah ay shalay qabteen Milatariga Kenya hayeeshee uu ka baxsaday. Ninkan ma sheegin qorshahiisa hayeeshee Booliska ayaa sheegaya in uu damacsanaa dilka Madaxweynaha Kenya oo maanta khudbad ka jeedin doona Garoonka. Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay in Aadan uu sanadkii 2014kii ku biiray Islaamka sidoo kalena galay Xarakada AL-shabaab,waxaana uu ku noolaa xaafadda Islii ee Nairobi. Waxaa sidoo kale la socday Nin kale oo ay Ciidamada amaanka sheegeen in ay qabteen, qabashada Aadan ayaa ka dhalatay markii laga shakiyay lana baaray aqoonsiyada uu watay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
20ka Feberweri waxa Somaliland looga yaqaannaa maalinta dhallinyarada Somaliland waxaanay ka dhalatay xadhig, cadaadis iyo dil loo geystay macallimiin, aqoonyahanno iyo arday ka mudaharaadday xukun la saarayay dhallinyaro samafaleyaal ah. Waxa xadhigga raggaas kaalin ku lahaa Injineer Faysal Cali Waraabe, waxaanu qayb ka yahay murugada sannad walba laga xusayo halkii lagu dilay ardaygii diiddanaa in makamad la saaro macallimiintiisa oo Barre la odhan jiray. Waxa xuskan taallo looga sameeyay dhinaca Woqooyi ee Maxkamadda Gobolka Maroodijeex. Maadaama oo ay Somaliland cafis qaadatay, arrinkan maxkamad laguma saarin Faysal Cali Waraabe. Faysal waxa Muqdisho ugu xidhnaa xatooyo xoolo ummadeed, waxaana xeerku ahaa in la dilo qofkii lubsada 100,000 oo hantida ummadda ah. Waxa loo dilay Jibriil Aamiin oo ay ilmaabti ahaayeen Alxaaji Xasan Guuleed Abtidoon oo xitaa Muqdisho u yimi si uga ergeeyo dilka ilmaabtigii. Walaw uu Maxamed Siyaad Barre aqbalay, markii uu sidaas u laabtay Xasan Guuleed ayaa qudha laga jaray Jibriil Aamin. Faysalw axa taas ka badbaadiyay General Gaanni. Mujaahid Maxamed Baaruud Cali Guddoomiyaha Guddida Xuquuqda Aadamaha ee Somaliland oo ka mid ahaa dhallinyaradii ururkii Ufo ee sanadkii 1981kii uu xabsiga ku guray taliskii Siyaad Barre , ayaa soo bandhigay qaabkii loo qab-qabtay iyo doorkii uu kulaa Faysal Cali Waraabebe xadhiggii uu taliskii kacaanku kula kacay wakhtigaas dhallinyaradii UFO. Mujaahid Maxamed Baaruud Cali oo ka qayb-galay dood uu Tv-ga saab 20 bishii Feeberweri u qabtay xubno kamid ahaa ururkii Ufo, ayaa mar waxa laga weydiiyey qaabkii loo qabtay iyo cidii basaastay wakhtigasi wuxuu sheegay sidan:-“Qabashadayadii wuxuu warku ka baxay horena waan u sheegay oo in kastoo la igu qabsaday oo la yidhi dadku tuugtoodaba ma sheegaana adigu tuuggaaga maxaad u sheegaysaa, haddana waan u celinayaa. Ninka la yidhaahdo Faysal Cali waraabe ee Guddoomiyaha ka ah Xisbiga UCID, isagoo u xidhan lacag berigaa la isku dili jiray boqol kun oo halka Xisbiga ku xidhan Xamar, ayaa ninkii la odhan jiray Gaanni ee Siyaad barre adeerka u ahaa ayaa loo soo bedelayey Waqooyiga. Markaa Gaani ayaa doonay cid uu la kaashado oo barta dadkii Waqooyiga, markaa wuxuu yidhi ‘Faysal Cali Waraabe yaa arkay oo Faysal oo odhan jiray anniga ayaa ka madax ah xaggaas oo wax-walba waan kula qabanayaa haddii Ilaahay waqooyi ku keeno” markaa waxa lagu yidhi wuu xidhan yahay Gaani ayaad adeerkii ku noqday, markaana waxa joogay odayaal badan oo uu Aabbihii kamid yahay Faysal oo Xamar joogay in badan oo arki kari waayey lix bilood oo dhow-dhow xitaa Siyaad Barre. Markaa Gaani ayaa adeerkii ku noqday oo wuxuu ku yidhi “ninkii ila shaqayn lahaa, meel adagna waad igeysay hawl adagna waad ii dhiibtay ninkii ila shaqayn lahaana jeelka ayuu ku jiraa”. ‘Kaxayso’ ayuu ku yidhi ninka intaas oo qof uu ka diiday oo lixdaa bilood sugayey, markaa wuu soo kaxeeyey,wakhtigaas oo annagu aanu ka shaqaynaynay dhakhtarka ayuu keenay “ayuu yidhi Maxamed Baaruud Cali Dhanka kalene waxa uu sheegay in Faysal Cali Waraabe markii uu Gaanni xabsiga ka soo daayey ee uu Hargeysa keenay inuu Faysal casuumay Maxamed Baaruud iyo rag kale oo ka mid ahaa Uffo, isla markaana uu ka dalbaday inay la shaqeeyeen Dowladdii Siyaad Barre, balse ay ka diideen, isagoo intaasi ka dib Faysal is baran Gaanni rag kale oo la qayili jiray dhalinta uffo, kuwaas soo xaday xogtii la doonayey “annaga wuuna casuumay Faysal Ramadaan ayey ahayd guriga Axmed Xuseen Caabbi meeshan shidhka la yidhaah-do ee Sheekh Bashiir agtiisa ahayd ayuu nagu casuumay. Wuxuuna yidhi “ninka caynkaasi (Gaanni) saaxiib ayaanu nahay Isaaqa cadow uma aha. Saaxiib muddo is-yaqaannay baanu nahay. Noloshayda ayuu badbaadiyay, haddii aad aqoon u leedihiin, waad qiri lahaydeen waxa aan sheegayo. Dowladdani ee waxay cadow u tahay majeerteenka, markaa waxaan doonayaa in aad la shaqaysaan. Horumar ayeynu gaadhaynnaa. Gaashaanbuur aynu ka dhiganno, yaynaan cadaw ka dhigan” Dadkayagii meesha joogay waxaanu isku raacnay intayadii meesha fadhiday, waxaanu ku nidhi “odayaasheenii waxay joogaan Hargeysa, Burco, Berbera iyo dhulkaas oo dhan ayey wada joogaan Waqooyi ayey wada joogaan siyaasiyiinteeniina waata Xamar joogta annagu rag cusub ayaanu nahay oo iminka uun waddanka yimi. Markaa annagu rag kaala xaali kara siyaasadda Waqooyiga ma nihin” Sidaa awgeed wuxuu is baray marka taa aanu ka diidnay rag kale ayuu Faysal isbaray Gaanni, rag nala qayili jiray ayaa loo diroo guri kamid ah gur-yahayadii ayey ka soo qadeen Joornaalkan, lacag yar oo markaa gaadhaysa maxakamaddii ayaa laga sheegee waxana laga bixiyey laba iyo afartan kun oo Soomaali ah, waxaanay noqotay afar kun oo dollar, afar kun oo dollar ayaannu ku dhimannay 28-kayagaa nin aanu ku dhiman gaadhnay giddigayo .” Ayuu yidhi Maxamed Baaruud. Faysal Cali Waraabe waxa uu ku laabtay Muqdisho, waxaanu Gaanni siiyay magacyada laba qof oo la shaqayn doona, sidoo kale wuxuu labadaas qof u sheegay General Maxamed Cali Samatar. Waxa magacyadaas loo soo gudbiyay Ibraahin Cid oo ahaa madaxii HANGASH ee Hargetsa, kaas oo maxkamaddii UFO ka sheegay in uu siiyay afartan kun oo lacagtii Soomaaliya ah una dhigmaysa $d4000. Waa kuwa ay HANGASH sheegeen in ay u keeneen warbixinta UFO ee lagu maxkamadeeyay 28ka dhallinyarada ah ee UFO. Xilliga ay maxkamaddu dhacayso, labada qof ee HANGASH sheegtay in ay soo gudbiyeen joornaalkii iyo xogta UFO, ma ay joogin gudaha. Waxaanay u tallaabeen halganka SNM. Waxa ay kala ahaayeen Marxuun Mujaahid Aadan Cali Guhaad oo ka mid ahaa raggii la shahiiday Maxamed Mooge Liibaan 6dii Juun 1984kii iyo Xaji Cabdi Aw Cadde (Cabdi-Laangadhe) oo ah madax-dhaqameed xurmo leh oo ku nool maanta Hargeysa. Xaaji Cabdi wuu nool yahay waanu iska difaaci karaa eeddaas ay HANGASH ka sheegtay Maxkamaddii Badbaadada. Faysal Cali Waraabe oo aan abtirsiinta adeer ugu ahay, waxa aan weydiin lahaa: Muxuu ahaa horumarka aad sheegaysay ee Gaanni inna gaadhsiin lahaa? Ma xasuuqa iyo xadhigga ayaa ahaa horu-socod? Ma in uu kaa badbaadiyay “xatooyo xoolo dadweyne” ayaad kaga abaal-celisay in gudaha la dhigo 28 aan waxba galabsan? Halkee ayaad joogtay 1988-1991 oo aanu annaga oo afarjir ah garaamkayagii qamaddida ahaa ugu deeqnay SNM? Halkeed ku sugnayd markii dalku la soo noqday madax-bannaanida 18kii Mey 1991? Haddii uu Gaanni sidan kuu badbaadiyay, waa maxay nacaybka aad Farmaajo iyo Maxamed Siyaad Barre u muujisaa? Ma u diyaar tahay madal furan oo aad kaga jawaabto doorkii aad ku lahayd xadhigga UFO? Xigasho: Buugga: The Mourning Tree (An Autobiography and a prison memoir) Author Mohamed Barud Ali, 2010 printed by Ponte Ivisible, Italy pages 34-35 2. W/Q Siciid Maxamuud Gahayr Source
-
Soomaaliya waxay dhibane u yihiin argagaxiso gudaheeda ka jirto iyo beesha caalamka oo dhibaato joogto ah ku heyso hormarka nololeed ee dalkan taagta daran sameyn lahaa waxayna beesha caalamka Soomaaliya gudaheeda kaga dhawaaqeen dagaal argagaxisada loogu jiro laakiin shacabka dhibaatadiisa dib ugu soo laabaneyso. Dagaalka Argagaxisada ka dhanka ah ee beesha caalamka Soomaaliya ka wado wuxuu galaaftay nolosha Soomaali badan oo aan wax dambi ah galin. Argagaxisada waxay shacabka ka dhigtaan gabaad, wey dilaan sidoo kalena il dhaqaale ayay ka dhigtan si la mid ah beesha caalamka ee Dagaal Argagaxisada kula jirto dhibaatada ay shacabka Soomaalida ah u geestaan ma yaro ayagoo ujeedkooda yahay inay argagaxisada bartilmaamed ka dhigtaan ayay naf iyo maalba cagta mariyaan, cidna ma weydiiso waxayna u arkaan shacabkaas inay yihiin kuwo argagaxisada garab siiyaan. Sidaa darteed bulshada Soomaaliyeed waa dhari labada dhinac ka gubtay Argagaxisada uma axsaan falaan sidoo kalena kuwa dhahaan Argagaxisada ayaan dagaal kula jirnaa iyagana naftooda iyo maalkooda shacabka Soomaalida qiimo uma lahan waana sababta ugu weyn shacabka Soomaalida noloshooda u maareysan la’yihiin. Weerarkii 9/11 iyo Burburintii Al Barakaat: Shirkaddii xaawaladda ahayd Al Barakaat waxaa la sameeyay markii Dowladdii Dhexe burburtay sanadii 1991 kadib markii diyaasbaro dalka ka carartay walaac badan ka muujiyeen kuna adkaatay sidii eheladooda lacag ugu diri lahaayeen ee dalka ku sugnaa. Mudo labo bilood gudaheeda Al Barakaat waxaa u suura gashay in dhammaan Gobolada Koonfurta Soomaaliya xarumo ka sameysato si hufnaan ku dheehana qoysaska lacagta ay usoo diraan eheladooda dibada ku sugan ku helaan. Laakiin qaraxyadii 11 September 2001 dhaceyn wax walbo ayay badaleen waxayna madaxda Mareykanka la yaabeyn qoladii weerarka kusoo qaaday si ay dhaqaale ahaan isugu filnaayeen dhaq dhaqaaq kala duwana u sameeyeen xiligaas waxayna baadi goob u galeyn cid walbo oo Al-Qaacida dhaqaale ahaan si hoose iyo si sare u siisay. Qolooyinka baarista Mareykanka u qaabilsan oo horeyba ula dhacsaneyn hanaanka Al-Barakaat u shaqeyso oo lacagaha USA looga diro una gaarto UAE oo xaruntooda dhexe ku taalay ayaa baaritaanka sare usii qaadeyn. Cadaadis siyaasadeysan ee dhanka Aqalka cad kaga yimid qolyihii baarista wadeyn ayaa ku qasbay inay baarista soo idleeyaan kuna dhawaaqaan in Al Barakaat ay ahayd shirkad Al-Qaacidda dhaqaale ahaan taageerto sidoo kalena aas aasaha Al- Barakat lagu tilmaamo inuu Osama Bin Laden saaxiib la ahaa. Xafiiskii Al-Barakat waa lagu duulay waana la dhacay waxaana la fariisiyay ra’sumaalkii ay shirkadaan laheyd sidoo kalena aas aasaha shirkadda waxaa lagu daray liiska kuwa aan sameyn karin duulimaadyada caalamiga ah. Sanado kadib guddoonkii qaabilsanaa baaritaanka weerarkii 9/11 ayaa ku dhawaaqay in Al Barakaat aysan wax qalad ah galin sidoo kalena aysan wax xiriir ah Al-Qaacidda la laheyn. Laakiin nasiib daro ra’sumaalkii Al Barakat laga fariisiyay iyo dhacii loo geystay cidna si sharci ah ma aysan uga hadlin sidoo kalena aas aasaheeda ilaa sanadii 2016 looma ogoleyn inuu duulimaad caalami ah sameeyo. Al-Barakaat burburkii loo geystay ee marmarsiiyaha beenta ah hugsanaa wuxuu noqday hananaan ay Beesha Caalamka Arrimaha Soomaaliya u wajahaan: Qofkaan waa Dambiile sidii la rabo halaga yeelo ilaa laga cadeynayo inuusan wax Dambi ah galin! Qaladkii Laga Fahmay Maxkamadihii Iyo Soo Shaac Bixidii Al Shabaab: Mareykanka markii labaad oo ay Soomaaliya dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan aafeeyeen waxay dhacday sanadii 2006 kadib markii Midowgii Maxkamadihii Islaamiga ahaa Muqdisho ka xureeyeen hoggaamiyo kooxeedyadii gacanta ku heyn jiray, waxay Mareykanka la yaabeyn awoodda maxkamadaha iyo sida ay Koonfurta Soomaaliya u qabsadeyn ayadoo meesha ka saareen awoodii hoggaamiye kooxeedyadii. Sidaa darteed Mareykanka iyo Itoobiya waxay bilaabeyn inay adduunka ka gadaan in Maxkamadaha ay xiriir la leeyihiin Al-Qaacidda, waxaana dhacday in ciidamada Itoobiya gudaha usoo galeen Soomaaliya ayadoo Mareykanka dhaqaale ahaan iyo military ahaan taageerayo waxayna qabsadeyn Muqdisho sidoo kalena Maxkamidihii meesha ayaa laga saaray awoodii ay lahaayeen. Balse iska caabinta iyo madax adeegga ay la imaadeyn qaar ka mid ah dhalinyarada maxkamadihii waxay sababtay garab cusub inuu soo baxo oo ah Al-Shabaab kaasi oo qasaaro ku sababay Itoobiyaanka madaama dagaalka uu waji kale yeeshay. Waxaa dhacday in Mareykanka uu kala dilay maxkamadihii wuxuuna sameeyay in kuwa qunyar socodka ah ee midowgii maxaakiimta ka tirsanaa Muqdisho loogu yeeray ugu dambeyntiina dalka Madaxweyne waxaa ka noqday mid ka mid ah kuwii uu Mareykanka ugu yeeray Muslimiinta Qunyar socodka ah. Dhinaca kalena Mareykanka wuxuu Al-Shabaab ku daray liiska argagaxisada caalamiga ah kuna tilmaamay Muslimiin Xagjiriin ah oo aan wax wada hadal ah lala gali karin. Dhuun Qabashadii Xawaaladaha Iyo Halis hor Leh: Qeybta lacag bixinta Mareykanka ayaa gabi ahaanba dhuunta qabteyn Soomaalidii reer Ameerika ee shacabka Soomaaliyeed lacagaha xawaaladaha ugu soo diri jireyn. Kadib markii Al-Barakaat meesha ka baxday xawaaladaha shaqeynayeen waxaa la sheegay in $1.5 billion lacago ah gudaha Soomaaliya usoo direen. Xawaaladaha waxaa laga diiwaan galiyay bangiyada Mareykanka oo ay lacagta dhigtaan kadibna UAE ayaa loo soo diri jiray sidaas ayay gudaha Soomaaliya kusoo gaartaa. Laakiin dagaalka beesha caalamka ku heyso argagaxisada waxaa dhacday in qasnajiga Mareykanka ku wargaliyay bangiyada halista kaga imaan karto in la marsiiyo lacagaha Soomaaliya loo diraayo oo aan aqoonsi iyo dabagal laheyn. Sidaa darteed inta badan bangiyada gudaha Mareykanka ku yaalo waxay gabi ahaanba joojiyeen adeegii ay xawaaladaha u qaban jireen. Waxaana dhacday in xawaalado badan lacagahooda boorso ku qaadaan oo ay sidaas UAE ku geeyaan ayagoo halis aad u weyn la kulmi kareen dhanka amaan ahaan. Waa gardaro lagu qaaday xawaaladaha Soomaalida ee gudaha Soomaaliya lacago usoo diraan ayadoon wax caddeyn ah loo heynin inay argagaxisada xiriir la leeyihiin. Curyaaminta Shirkadaha madaxa soo qaadayo ee gudaha soomaaliya ka hawl galaan: Dhibaatada lagu hayo dadka Soomaaliyeed inay nolol maalmeedkooda hormariyaan dibadaha kaliya kuma ekeyn ee xitaa waa la cuuryaamiyaa shirkadaha u istaagaan caawinta dadkooda ee gudaha Soomaaliya ka hawl galaan. Hagar daamintaan waxaa ku xeel dheer Kooxda dabagalka Soomaaliya iyo Eriteria qaabilsan ee UN-ka hoos imaado Monitoring Group for Somalia and Eritrea (SEMG). Hay’adan waxay marar badan soo saartay warbixino ay ku dhaawaceyso kuna cuna qabateeneyso shaqsiyaad iyo shirkado Soomaali ah. Tusaale ahaan SEMG waxay soo saareen 2006 in Maxkamadihii Islaamiga ah gudaha Lubnan u direyn ciidan Xisbulaah ka garab dagaalamo waxayna ahayd warbixin been ah oo aan waxba ka jirin. Sidoo kale SEMG waxay eedeyn usoo jeedisay sidoo kalena ay hay’adaha Qaramada mIdoobey ku dacweysay shacqsiyaad iyo shirkado Soomaali ganacsado ah oo diideyn inay warbixin ka siiyaan qandaraasyada UN-ka siiyaan, waxayna SEMG soo saartay warbixin been ah in raashiinka ay WFP deeq ahaan Soomaaliya u keento suuqa maddow lagu kala iibsado waxayna midaas sababtay in WFP qandaraasyada kala laabato ganacsatadii Soomaalida ahayd ayadoo warbixin been ah la adeegsanayo. SEMG kaliya Soomaaliya dhibaato kuma heyso sidoo kale labo la taliye oo Bangiga Aduunka ka tirsan ayaa soo saareyn warbixin ah in Soomaaliya halis dhaqaale oo weyn ku jirto adeegsiga dhanka lacagaha mashiinka la isugu diro ama hawo ahaan la isugu diro sidoo kalena macaamiil badan hantidooda halis ku jirto halka xaqiiqada ay tahay shirkadaha adeega lacagaha hawada loo adeegsado hayaan kaash ku filan oo magdhow ahaan 100% macaamiisha Soomaaliyeed u balan qaadayo in hantidooda marnaba lumeyn. Ugu dambeyntii SEMG iyo hay’adaha kale ee Soomaaliya dhibaatada ku hayaan waxay u badaleyn dhibaatada mid siyaasadeysan waxaana midaas caddeyn u ah ciidamada Kenya inay bur buriyeen sidoo kalena rakaateeyaan qaar ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ugu weyn Koonfurta Soomaaliya. Kenya arinkaan wey beenisay, laakiin shaqaalahooda dhanka ammaanka ayaa xaqiijiyeen bur burka ay u geysteen shirkadaha isgaarsiinta. Kenya si awood ku dheyhan waxay ku bur buriyeen 11 xarumood ama Tower sanadii 2011 marka ay Soomaaliya ciidankooda xoog kusoo galeyn. Sidoo kalena 7 xarumood ayay bur buriyeen 2018 halka labo xarumo is gaarsiin ay bur buriyeen 2019. Si kasto ay Kenya u beeniso burburinta ay isgaariinta Soomaaliya ku heyso haddana waxaa la yaab ah in saraakiisha dhanka ammaanka Kenya qaabilsan ay xaqiiyeen inay burburiyeen xarumaha shirkadda Hormuud iyo qalabkooda ayagoo uga fal celinayaan aar gudasho ahaan in Al-Shabaab ay burburisay xarumo ay leedahay SAFARICOM oo ah shirkad isgaarsiin oo Kenya gudaheeda ka shaqeyso. Markii saraakiisha Kenya la weydiiyay waxa iska galay weerarka Al Shabaab gudaha Kenya ka geysatay iyo burburinta xarumaha Hormuud waxay madaxda Kenya ku jawaabeyn “Dhamaantood waa Soomaali isku mid ayey noo yihiin!” Soomaaliya waa diidan tahay inay is dhiibto dhibaato walbo oo lagu haayo: 20-sano ka hor dadka aqoonyahanada Soomaalida ah waxay Soomaaliya u heysteen dal dadkiisa aysan hooy heysan madaama ay u nugul yihiin dhibaato walbo dowlad la’aanta dhacday awgeed. Dhibaato kasto oo lasoo arkay Soomaaliya uma hakaneyso waxayna la imaadeyn hal abuur ganacsi iyo aragti dhaqaale oo ka dhigay kuwa ku adkeysan karo dhibaato walba. Midda ugu cajiibka badan ee ah tusaale iftiimayo ayaa ah sida Soomaaliya dhanka Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada hormartay kaga gaartay guul ayadoo Afrika badankeeda shirkado ajaanib ah dhanka isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada u maamulaan. Bal qiyaas Soomaaliya ganacsi ahaan iyo hormarka isgaarsiinta/tiknoolajiyada ka gaari laheyd haddii aysan jiri laheyn dhibaatada joogtada ah ee ku saleysan Argagaxisada gudaha ka jirto, fashilka dhanka hoggaanka dalka iyo Reer Galbeedka dagaalka ay argagaxisada kula jiraan oo ay shacabka Soomaalida naftooda iyo maalkooda ku aafeeyaan. Akhriso: Qoraalka rasmiga ah Waxaa Tarjumay: Cabaas Cali Xasan Filimside@gmail.com Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan Si, Goobjoog News u soo daabacdo qoraalkaaga…..fadlan ku soo dir; info@goobjoog.com Source: goobjoog.com
-
“Markii Wasiirka Arrimaha Gudahu Ila Soo Hadlay Ee Aan U Sheegay Inaanay Lacagtii Isoo Gaadhin Ayaa Badhasaabkii Oo Xanaaqsani Ila Soo Hadlay Oo Igu Yidhi; ‘Waan Ku Eryayaa!’ Wuxu Iigu Hanjabay Awood Aanu Lahayn” Cabdiraxmaan Nuur Sugaal, Badhasaab ku-xigeenka gobolka Awdal (SLT-Hargeysa)- Badhasaab ku-xigeenka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Nuur Sugaal ayaa guddoomiyaha goblkaasi ku eedeeyay inuu Hargeysa la fadhiistay lacagtii kharashaadka xuska 18-may ee loogu dhiibay golka Awdal. Cabdiraxmaan Nuur Sugaal oo shalay warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan magaalada Boorama ayaa sheegay in isaga iyo badhasaabka gobolku uu ka dhexeeyo khilaaf uu sheegay inuu ka dhashay kharashaadkii loogu talo galay xuska munaasibadda 18-may ee gobolka Awdal. “Arrintan maalmahan dambe taagan ee laygu dhaleecaynayay, waxay nagga dhaxaysaa aniga iyo maamulka gobolka, halkaas ayuu arrinkayagu ka bilaabmay. Badhasaabku wuxu sheegay inuu lacag ii soo diray oo maayirka aanu isku dirno, aniguna waxan idhi, lacagta aniga ayaa ka masuul ah oo ah maamulkii gobolka ee ii soo dir. Wasiirka arrimaha gudaha ayaan u sheegay, waxay ahayd maalin khamiis ah oo jimce uuni u dhexeeyay maalinta xuska 18-may, wuxu wasiirku Igu yidhi; lacagtii miyaanay ku soo gaadhin? Waxaxan ugu jawaabay, maya ima soo gaadhin, markaas buu igu yidhi, imika ayay kusoo gaadhaysaa oo uu la hadlay. Kadib, badhasaabkii oo xanaaqsan ayaa ila soo hadlay oo iigu hanjabay inuu I eryayo, halkuu awoodaa ku leeyahay isagaa sheegi doonee, waan ku eryayaa, waxaad igu ashkataysay wasiirka arrimaha gudaha, intaas kadib, waxan la hadlay madaxweyne lu-xigeenka waxan u sheegay lacagtii 18-may inaanay isoo gaadhin, kadib madaxweyne ku-xigeenku wuxu la hadlay badhasaabkii, wuxu ku yidhi dir lacagta, lacagtiina way isoo gaadhay. Hawshii ugu quruxda badnayd iyo sidii ugu quruxda badnayd ayayna noogu qabsoontay munaasibadda xuska.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Nuur Sugaal Waxa uu u mahadnaqay isu duweyaasha gobolka iyo sidoo kale golaa deegaanka degmada Boorama Source
-
Mowjado daadad ah oo ku rogmaday tuulada Sinujiif oo qiyaastii 60 km dhanka bari ka xigta magaalada Garoowe ayaa laamiga ka gooyay meel u dhexaysa buundada weyn ee Middigar iyo tuulada Sinujiif. Guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal Cali Salaad Diiriye Faarax ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in gebi ahaanba laamiga xiriiraya Garoowe iyo Qardho uu ka go’ay tuulada Sinujiif ee gobolka Nugaal. Balse guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay in aysan go’in buundada Middigar oo hore si isku tashiya loo dhisay kadib markii ay daadad gooyeen 11-kii November sannadkii 2013. Dhinaca kale wararka laga helayo tuulada Xaaji Khayr ee isla gobolka Nugaal ayaa sheegaya in 3 carruur ah lagu la’yahay daadad xooggan oo ku rogmaday tuulada halka 5 carruur ah oo kalena laga soo badbaadiyay daadadka iyagoo loola cararay isbitaalka magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Roobab mahiiggaan ah oo weli ka da’aya degaanno ka tirsan bariga gobolka Nugaal ayaa daadad xooggan ku celiyay tuulooyin badan oo hoostaga degmada Dangoroyo iyo caasimadda Puntland ee Garoowe. PUNTLAND POST The post Khasaare ka dhashay daadad ku rogmaday degaanno ka tirsan gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Beijing)-Puntland ayaa heshiis lagu dhisayo deked cusub oo laga hirgelinayo degmada Eyl la saxeexatay shirkadda China Civil Engineering Construction Corporation Ltd (CCECC). Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland, Faarax Cawaash iyo madaxa shirkadda CCECC ayaa kala sixeexday dhismo deked kalluumaysi oo casri ah oo shirkaddu ka hirgalinayso degmo Eyl ee gobolka Nugaal. Dhismaha dekedda ayaa lagu sheegay inay horumarinayso ka faa’iidaysiga khayaraadda badda, korna u qaadaysa shaqa abuurka iyo dhaqaalaha dalka, iyadoo saxiixa heshiiskan uu goobjoog ka ahaa madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo booqasho ku jooga caasimada dalka Shiinaha ee Beijing. Shirkada CCECC oo hirgelinaysa dhismaha dekeda Eyl ayaa waxaa xarunteeda weyn ay ku taalla magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxayna hore u dhistay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, haddana waxa ay Puntland ka waddaa mashariic horumarineed oo ay ugu horreeyaan garoonka diyaaradaha Gaalkacayo iyo wadada Eyl-Dangorayo ee gobolka Nugaal. Source
-
Afgooye (Caasimada Online) – Kooxo Bistoolado ku hubeysnaa ayaa xalay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose ku dishay nin lagu magacaabi jiray Qaasim Xaaji oo kamid ahaa dadka degmada isla markaana si weyn looga yaqaano. Xiligii la dilayay waxa uu ku sugnaa Xaafadda Sagaalaad ee Degmada Afgooye, waxaana dilka kadib baxsatay kooxdii ka dambeysay. Ciidamada ammaanka Dowladda oo goobta tagay waxa ay sameeyeen howlgalo ay ku raadinayaan dadka ay ku tuhmayaan ama ay la xiriirinayaan kiiskan, mana jiro war kasoo baxay Maamulka Degmada Afgooye Dilalka qorsheysan ayaa dhowr jeer oo hore sidan oo kale uga dhacay magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lala beegsadaa odayaasha lala xiriiriyo soo xulista xildhibaanada Koonfur Galbeed. Al-Shabaab ayaa shalay Muqdisho ku dilay saddex qof oo ay sheegeen inay ka mid ahaayeen dadkii soo xulay xildhibaanada Koonfur Galbeed, kuwaas oo kala ah. War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Maxamed Sheekh Maxamed lagu dilay degmada Dharkeynleey, halka sidoo kale rag hubeysan ay Cabdalla Maxamed Maax ay ku dileen xaafadda KPP ee degmada Hodon. Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa sheegtay inay degmada Madiina ku dileen Nuur Isxaaq Ileey oo isna ka mid ahaa sida ay sheegeen Ergadii ka qeyb galay shirarkii xildhibaannada lagusoo xulayay ee ka dhacay magaalada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com