-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Burco)Xukuumadda Somaliland ayaa cadaadis ku saartay hay’adda GIZ in ay joojiso mashruuc lacag badani ku baxayso oo dawladda Jarmalku doonayso in ay dib u dhis iyo Qalabayn ugu samayso dugsiga Farsamada gacanta Burco. Xukuumadda ayaa hay’addaasi u soo jeedisay in mashruuca loo soo wareejiyo Hargeysa oo laga dhiso dugsi Farsamo Gacmeed oo casriya. guddi ay xubno ka yihiin Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Waxbarahada, Qorshaynta, shaqada iyo shaqaalaha iyo weliba siyaasiga Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa hay’adda kula teliyay qo’shahan. Afar goor ayaa wefdi ka socda Jarmalku booqdeen dugsiga Burco si loo dhiso. Xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo, ayaa Jarmalka ka codsatay dib u dhista dugsiga farsamada Gacanta Burco oo hore dawladda Jarmalku u dhistay horraantii Lixdameeyadii. Xukuumadda ayaa hay’adda GIZ kula talisay in dadka ugu badan Somaliland ku nool yihiin Hargeysa sidaadaraadeed Hargeysi mudan tahay. Ilaa hadda lama oga in hay’adda Jarmalku ku qanacday soo jeedinta Xukuumadda madaxweyne Biixi. Dugsiga farsamada gacanta Burco ayaa waxa ka soo baxay qaar badan oo ka mid ah Haldoorka Somaliland. Source
-
Public transport was on Sunday morning suspended in Mandera over what police termed as terror threat. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa safar shaqo oo gaaban ku gaaray magaalada Boosaaso, waxaana xarunta ganacsiga Puntland kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, Wasiirka Amniga dowladda Puntland iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Waftiga la socdey oo xilli habeenimo ah ka ambabaxay magaalada Garoowe ayaa sii maray degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolada Nugaal, Karkaar iyo Bari. Kusima Madaxweynaha dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo qasriga Madaxtooyada Boosaaso ku hadlay ayaa ugu horayn u mahadceliyey masuuliyiintii gobolka kusoo dhoweeyey. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay in safarkiisu uu ahaa safar shaqo oo gaaban, sidoo kale waxa uu xusay inuu ku faraxsan yahay safarka shaqo ee uu kusoo gaaray gobolka Bari, gaar ahaan magaalada Boosaaso oo nasiib u yeelatay inuu kusoo gaaro socdaalkiisii ugu horeeyey tan iyo doorashadii kadib. Madaxweyne Karaash waxaa uu tilmaamay in uu safaro shaqo oo kale ku imaandoono gobolka. Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa inta uu joogo gobolka Bari shaqooyin muhiima ka qabandoona gobolka, waxaana uu kulamo muhiima la qaadandoonaa laamaha ammaanka, waxgaradka iyo shacab weynaha gobolka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Safar Shaqo Ku Gaaray Magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Sheeko xajiin ah: Telefoonka lagala hadlayo dadkii dhintay’
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Click here Qaran News -
Doha (Caasimada Online) – Madaxii hore ee sirdoonka Saauudiga, Turki al-Faisal ayaa si ula kac ah bulshada uga marin habaabiyey xaqiiqda safarkii Osama Bin Laden uu sanadii 1996-kii uga tagay Sudan, kuna gaaray Pakistan. Al-Faisal ayaa wareysi uu siiyey taleefishinka Al-Arabiya ku sheegay in diyaaraddii sida Bin Laden ay caga dhigatay garoonka diyaaradaha Doha ee dalka Qatar, si ay halkaas shidaal uga qaadato, halka xaqiiqda ay tahay in diyaaraddaas ay sii martay Dubai. “Osama Bin Laden wuxuu ka tagay Sudan, waxaana diyaaradiisa ay shidaal kasii qaadatay Qatar. Inta aan ogahay lama uusan kulmin cid ka tirsan mas’uuliyiinta dowladda Qatar” ayuu Al-Faisal ku yiri wareysiga Al-Arabiya oo soconaya 22 daqiiqo. Hadalka cusub ee Al-Faisal ayaa ah isku day cusub oo Sacuudiga uu Qatar kula xiriirinayo kooxaha argagixisada, xilli dalkaas ay saaran tahay xayiraad ay kusoo rogeen Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Bahrain, kuwaas oo ku eedeeyey inay taageerto argagixisida. Wargeyska The Guardian ee London kasoo baxa ayaa bishii October 2001 qoray in diyaaradda Bin Laden ay caga dhigatay garoonka diyaaradaha Dubai, islamarkaana ay safarka ku wehliyeen ku xigeenkiisa Ayman al-Zawahiri iyo afar ka mid ah ilaaladiisa. Baaritaan uu sameeyey taleefisihinka Al-Jazeera ayaa sidoo kale xaqiijiyey in Dubai ay ahayd magaaladii uu sii maray Osama, markii uu sanadii 1996-kii ka tagay Sudan una socday Pakistan. “Diyaaraddii Bin Laden waxay ku hakatay Dubai, waxayna taasi ahayd fursad dahabi ah oo Mareykanka uu gacanta ugu dhigi karay Osama, xilli uu joogay dal saaxiib la ah Mareykanka” ayaa lagu yiri baaritaanka Al-Jazeera. Sacuudiga ayaa waxaa dalka Mareykanka uga furan dacwad la xiriirta kaalintii ay ku lahaayeen weerarkii September 11 lagu qaaday Mareykanka ee Al-Qacida ay ka dambeysay. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Rory Stewart oo ah Xoghayaha arrimaha horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska, ayaa Somaliland ku tilmaamay mucjiso ku dhex taala badweyn dhibaato badan. Stewart ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay dowladoodu ay taageeri doonto doorashooyinka kusoo fooda leh Somaliland. Rory Stewart ayaa waxa kale oo uu ka hadlay Wada-hadalada hakad-ku ku yimid ee Soomaaliya iyo Somaliland, isagoona ka jawaabay su’aalo ay weydiiyen xildhibaano u ololeeya qadiyada gooni goosadka Somaliland. “Marka hore aan uga mahad-celiyo APPG shaqada ay ka hayso Somaliland. Sida ay dhamaan xubnaha Golaha ka tirsani og-yihiin, Somaliland waa guul cajiib ah. Soomaaliya lafteedu waxaay soo martay xaalad aad u adag, Somaliland na waa mucjiso yar oo ku dhex taal bad dhib badan” ayuu yiri xildhibaan Stewart. Wuxuuna intaas kusii daray “Si dhow ayaanu Somaliland ugala shaqaynay doorashadii madaxwaynenimo ee u danbaysay, waanu taageeri doonaa doorashada baarlamaanka cusub. Booqashadii u danbaysay ee aan ku tegay Somaliland, waxan nasiib u helay inaan la kulmo mudanaha hadda ah madaxwaynaha”. “Waxa jira wax badan oo aanu qaban karo. Waxayna ii noqon doonta farxad hadaan la fadhiisto mudanaha si aan ugala hadlo arimahaas”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amardambe) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa furey xarun cusub oo loogu talaalay in lagu tababaro ciidanka. Munaasabadda Waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo Richard Moore oo dowladda Ingiriiska u qaabilsan xafiiska siyaasadda arrimaha Dibadda,waxaana maalgelinaya xaruntani dowladda Ingiriiska. Xaruntan tababarada ciidamada oo laga hirgeliyaya magaaladaasi baydhabo ayaa halkii mar lagu tababari karaa ilaa 120 askari,taasi oo kordhinaysa tayada tababarada ciidamada. Saraakiil Militari ee ka socota dalka Britain ayaa ka qeyb qaadanayay tababarada ciidanka Soomaaliyeed tan iyo ilaa 2017-dii,iyagoo bixinayay tababarro la xiriira dhinacyada caafimaadka,hoggaanka,ilaalinta agabka,farsamada iyo xuquuqda aadanaha. Danjiraha Dowladda Britain ee Soomaaliya Ben Fender oo munaasabadaasi furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in UK ay diyaar u tahay sidii ay u garab istaagi lahayd ciidanka Soomaaliyeed,isagoo xusay in ay kamid yihiin dowladaha ugu badan ee taageera Soomaaliya. Mudane Xasan Cali Maxamed Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyay dowladda Ingiriiska isgarab taageeda Soomaaliya,wuxuuna xusay in amniga uu yahay mid muhiim ah,isagoo soo hadal qaaday gulufka lagula jiro maleeshiyada Alshabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maalintii dhawayd ee uu Boqor Osman Buurmadow,ka hadlaayay in shaqaaqadii Ceelafweyn ay ka dhamaan la’adahay xaga xukuumadda aad iimay gelin,balse sida ay xukuumadda iyo siyaasiyiinta xisbigeeda ka tirsan ugu difaacayaan shirka Burco waxa aan garawsanayaa in xabadii Ceelafweyn ka jirtaybaa ay ahayd mid ka mid ah kaarto SNMtii. ALLE ha u naxariistee waxyaabaha lagu xasuusan karo Madaxweyne Cigaal waxa ka mid ah in uu meesha ka saaray dhaqan siyaasadeedkii kooxihii kala fadhiyay ee SNMta ay dalka la soo galeen ee ahaa “kaadh ka gubid iyo ku jiqsiinta “, taasi oo ahayd waxyaabihii ugu weynaa ee ay xukuumaddii Tuur ku duntay, tii Cigaalna ay ka dhaqaaqi weyday. Farsamooyinka noocaasi ah oo aakhirkiina keenay in xukuumaddii UDUB laysku nacsiiyo iyada iyo reer Gabiley, kadib markii ay dhamaan waayeen shaqaaqooyin la dhex dhigay deegaanka Ceel Bardaale, taasi oo lagu daadiyay dhiig badan. Waxaan kaloo yaqiinsanayaa in shaqaaqadan Ceelafweyn ee xidhmi la’ayd ay ka mid tahay farsamooyinkii kooxdii calancasta ee kaadh ka gubida ahayd, taasi oo mar walba lagaga ilaalinaayay in dadka deegaankaa Ceel Afweyn ilaa Burco wada yaal aanay isu aaminin marnaba, taasi oo ay rag waaweyn oo deegaamada bariga ka ololeynaayay ay shacabka u sheegayeen in weli aan la heshiin. Arrintan hadda waxa cadayn ugu filan inta saaxiibul caqliga ah in xukuumaddii dhamayd ee ay saarayd nabadayntii cid walba oo ay shaqaaqo dhex marto in ay arrinta Ceelafweyn ee gebagebada ku dhawba ay ku eedeynaayaan boqorka dhiigiisu daadanaayo maalin walba ee shacabkiisii is dilayaan in uu gudan waayay waajibkiisii nabadeyn, iyadoo la doonayo in lagaga hortago in dadka ood iyo dhiig wadaagta ah ee Burco iyo barigeedu ay iska laab xaadhaan wixii is fahan la’aan ahaa ee dhexyaal, islamarkaana ay uga gudbaan la shaqaynta horumarintooda. Waxaa nasiibdaro ah in xubnihii ku hadlaayay afka xukuumadda iyo xisbigeeda in ay ku doodo in shirka Burco aan loo baahnayn ee Boqorka looga fadhiyo xalinta arrinta Ceelafweyn, waxaanu lee nahay rabshadaha dalka ka jira ee shaqaaqo colaadeed iyo mid nololeed waa masuuliyada laydiin doortay. Dhinaca kalena iyadoo ay noo cadayd in Ina Biixi iyo Ina Kaahin ay dhameyn karayeen arrinta Ceelafweyn haddii ay daacad ka yihiin aanu leenahay “waar Boqorku wax noo sheeg “, bari waa lagu heshiin, iyadoo aan beelo kalena loo heshiinayn, shirkanina wuxu la mid noqon doonaa kii soo maray Gaashaamo, Baalidhaye iyo Beer ee dadka deegaankaasi ay ku soo afjareen colaadii 1994kii ee ka dhalatay dagaaladii sokeeye ee ay kooxahano hogaaminayeen. Mustafe Ciise (Mustafe Shiine) Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) ayaa Dawladaha hoose ee Dalka ku canaantay qashinka Magaalooyinka dhex daadsan, kaasi oo si weyn u muuqda xilliyada Roobabku da’aan. Wasiir Saajin oo Maanta Hadal ka jeediyey Munaasibad ku saabsanayd Deegaanka oo lagu qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in Qashinku uu Magaalooyinka fasahaadiyey, laakiin nasiib-darradu tahay inaan Dawladaha hoose rumaysnayn inay waajibaadkooda tahay inay hagaajiyaan. Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Meelaha Qashinku aadka u yaallaa waa Magaalooyinka, waa masuuliyaddii Dawladaha hoose ee aynu ku garab gallo, laakiin inay masuuliyaddoodii tahayba uma haystaan, Magaalooyinkii way dhinteen.” Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Dadku daadiyaan waxyaabaha ay isticmaalaan marka ay hawlahooda ka dhamaystaan “Wax Alaale iyo wixii aynu isticmaalnay waalla daadiyey, Magaalooyinka way dhinteen ee hala sifeeyo.” ayuu yidhim, waxaanu intaa ku daray “Cid kastaa Masuuliyaddeeda ka qaadato, Dawladdu Masuuliyaddeeda ha qaadato, Dadkuna Masuuliyaddooda ha qaato Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ehellada Marxuum Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed oo ku dhex geeriyooday xerada taliska ciidanka daraawiishta ee sheelare jimcihii lasoo dhaafay kaas oo geeridiisa warar kala duwan ay horay uga soo baxeen ayaa waxa ay sheegeen in sargaalka ay shirqooleen saraakiil kale sidaasina lagu dilay. Waxa ay sheegeen in ay dileen taliyeyaal ay magacyadooda shaaciyeen kuwaas oo markii ugu war dambeysay ay iyaga u yeereen balse waxii markaasi ka dambeeyayna warka ay maqleen uu ahaa geeridiisa. Sidoo kale waxa ay tilmaameen in sargaalka geeriyooday uu horay u sheegay in ay dili rabaan taliyaha ciidanka daraawiishta iyo kan xerada darawiishta ee meydkiiska lagu dhex arkay. Waxa ay sheegeen in baaritaan dhab ah aanan lagu sameeynin falkaasi madaama ay tilmaameen in aanan la xirin askartii heeganka ku qorneyd xiligii la dilaayay sargaalka. Madaxda Dowladda Soomaaliya ayay ugu baaqeen in falkaan si caddaalad ah baaritaan loogu sameeyo . Daawo Shir jaraa’id oo ay Xamar ku qabteen
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta xasbiga weyn ee magaalada Hargeysa ku booqada Guddoomiyihii dhalinyarada ee Waddani, Maxamed Sadiiq Dhame iyo Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon. Mas’uuliyiintan oo kala ahaa Xoghayaha Guud ee xisbiga Khadar Xuseen Cabdi, Xoghayaha garabka dhalinyarada Aftax Jaambiir iyo Xoghayaha duulista Nuuradiin Diini, ayaa dhamaantood waxay xariga Dhame iyo Coldoon ku tilmaamen sharci daro. Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani, Khadar Xuseen oo warbaahinta la hadlay, ayaa waxa uu sheegay inay nasiib xumo tahay in Somaliland uu xarigu ka noqday wax fudud, wuxuuna yiri “Waxaa ayaan daro ah in Maxamed Sadiiq Dhame oo ah gudoomiyihii dhalinyarada ee Xisbiga Waddani uu uxidhan yahay arin siyaasi ah muddo gaadhaysa afartan maalmood, afartankaa maalmoodna ilaa hada maxkamad lama keenin, waana ayaan darooyinka waddankeena ka taagan in xadhigii iska fududaaday”. “Waxaa meesha ku xiran dad badan inta la arkaayo ee muuqatana waxaa ka badan intaan loo hadlayn ee iyaguna sidaasi oo kale dulmiga ugu xidhan, dulmiguna meel ma fadhiisto ee ummadaha wuu burburiyaa”. Wuxuuna intaas kusii daray “Markaa in aynaan isdulmin ayaa wanaagsan, xukuumadana waxaan usheegayaa in dariiqaa aynu haynaa in la yaqaan halka uu ku dambeeyo, Waxaasi oo dhamina waxay ina tusayaan sharci jabin badheedh ah oo indha la'”. Ugu dambeyntiina waxa ay Mas’uuliyiintan xabsiga ku booqataya Guddoomiye Dhame iyo Wariye Coldoon uga mahad-celiyeen Ciidamada asluubta ee ilaalada ka ah xasbiga weyn ee Hargeysa, qaabka wanaagsan ee ay ula dhaqmaan maxaabiista ku xiran. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Qaran News
-
Dhallinyaro aanu deris ama isku xaafad nahay ayaa beri la qabsaday nin barbaarta ka mid ah oo runtu ku yarayd. Waa ay ka rasayn jireen, isaguna waa uu joojin waayay. Markii dambe kolka ay arkaan ama uu hadalka bilaabo ayay odhan jireen “Annagu macaamiishii baanu nahay, kuwaas kale u sheeg”. Weedhihii lagaga dareen-celin jiray warka aan sugayn waxa ka mid ahaa “yaad u waddaa?” inta la sii jeesto ayaa la dhaqaaqi jiray. Wasiir Saleebaan Cali Koore waxa aad sheegtay in ay reer Taleex iyo reer Sallaxley meelo iska shabbahaan, isla markaana uu reer Sool wakiil uga ahaa Ingiriiska Caaqil Jaambiir Kaahin, waa run oo dhaqanka, duubka, hal-abuurka iyo meelo kaleba waa la isaga eg yahay. Imaka idinka yaa wakiil nooga ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waayo halka wasiir ee golaha noogu jira waxa keenay ama soo xulay Wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon). Mar kale laba mashruuc oo la keenay deegaanka Sallaxley 2018 iyo 2019 labadaba adiga ayaa hormood ka ahaa. Midkood waxa uu ahaa Biyo-xidheen laga dhisayay Kalagooye oo aad sheegtay in uu idinku amray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. 5tii Mey 2018ka ayay ahayd. Waxa laga joogaa sannad iyo dheeraad. Mar haddii ay hawshaasi biyo ahayd, adiga ayaa imaka iyo markaasba ahaa Wasiirka Biyaha oo guul iyo guul-darraba madaxa ku qaadaya. Walaw aad sheegtay in uu dhagax-dhigi doono Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, far dambe lama dhaqaajin. Muuqaallo (sawirro) fiican baad ku gasheen, hadallo fiicanna waad jeediseen, dabadeedna laba Cali dib isuma weydiin. Sidii buu dhagaxi meeshii u yaallaa! Sannad, bil iyo afar cisho kaddib oo shalay ah, 8dii Juun 2019ka, ayaad mar kale dhagax-dhigteen biyo-xidheen isla degmada Sallaxley ah. Sidii aad caanka ku ahaydeen ayaad barwaaqo, badhaadhe, bal, beero iyo balaayiin lacag ah oo ku baxaya sheegteen. Ma garan karo waxa uu ballan-qaadkani kaga duwan yahay kii hore. Kollayba dad harraaddani biyo ayay ugu jecel yihiin, labada jeerba way idin dhegaysteen. Qaar idin horboodaya ayaan arkayay. Horta kii hore halkee ayuu ku dambeeyay? Maasno ayaa ahayd “Ma taqaannid beentee Runta barashadeedaa Belo kaa hor joogtaa” Anigu biyaha la sheego ee dawladi gacanta ku hayso, imaka waan dhibsadaa axdigooda. Saw ma aad caddayn in uu fashilmay mashruucii biyo-ballaadhinta Hargeysa ee ay malaayiintu ku baxeen? Annaga oo deggan faras-magaalaha Hargeysa booyad ayaa noo dhaamisa. 500 tallaabo ayaanu u jirnaa Tiyaatarka Hargeysa, xarunta Dawladda Hoosena 800 mitir baanu xagga Bari ka xignaa. Waxa aan ku kalsoonahay booyadaha, Ilaahay ha barakeeyo booyadaha. Marka ay dhakhsanayaan waa Mujaahidiin badbaadinaya nafo oon u dhiman lahaa oo ku nool caasimadda Hargeysa. Haddii ay wadeyaasha booyaduhu ku dhintaan shil, iigama duwana shahiid dar Alle u xijaabtay. Magaalada oo dhamina waa ka siman tahay taas, malaha 20% ayaa cabba biyaha wakaaladda Hargeysa. Waa se la is tuhmaa, waxaana la yidhi “Caano Jiilaal canba can dareen”. Galbeed iyo Koonfurina waa tabtaas, aniga oo Bariga ahina ka darni. Woqooyigana dhul aan biyo-gelin lahayn baa ah. Wasiir, berigaas aanu Ingiriiska idiinka wakiilka ahayn, ma filayo in aanu been iyo lug-gooyo idiinka soo qaadi jirnay. Waayo ma aan arkin idinka oo ka cabanaya Chief Caaqil Jaambiir Kaahin oo xidhiidhka laf-dhabar u ahaa. Waan ka xumahay in iyada oo hadimo hore jirtay aad hees-walwaaleed kale noo qaaddo. Fadlan iska hubi mashruuca aad deegaankaas geynayso. Mar haddii aanu fulin kii hore, waxa ballan ah in aan wanjal labaadna raacin. Waxa loo baahan yahay samafaleyaal basriya dhagaxa shalay baradaas la dhigay, in lagu kufo mooyaane, kaalin kale ma buuxinayo. Dhagaxaas aad dhigteen gacanta ayaa loola tegi doonaa. Ummadaasna wuxuu Ilaahay u barakayn doonaa balliyada, baraagaha, waraha, dhijaamaha iyo bacaha biyaha kaydiya. Haddii aanu adhigu ka ilbixin shugux shugux, eegga looma sacab tumi sabaaladii carruurta Isla maansadaa ayaa lagu yidhi “Mana tihid bakhaylkii Biyo quudhi waayee Waxaad bixin lahayd baad Adiguba u baahnayd” Ugu dambayntii waxa aan Wasiir Saleebaan Cali Koorow ku leeyahay “Annagu macaamiishii ayaanu nahay. Yaad u waddaa?”. Siciid Maxamed Gahayr Qaran News
-
(SLT-Jigjiga)-Golaha federaalka Itoobiya ayaa ansixiyey xeer qabyo ahaa oo hor yaallay gohala. Waxaanu yahay xeerkaa goluhu ansixiyey xeerka qaybisga khayraadka dabiiciga ah ee dalka Itoobiya, waxaana sidaa ku warramay telefishanka ETV. Xeerka goluhu ansixiyey wuxu dhigayaa in gobolkii laga helo wax khayraad dabiici ahi ku leeyahay 50 %, Dawladda Federaalkuna ay leedahay 25% iyada oo weliba deegaankaasi boqolkiiba shan iyo labaatankaa ay Dawladda Federaalku heshay wax ku leeyahay. Inta soo hadhay oo ah 25% si gaarna loogu qoondeeyey deegaannada dalka oo dhan. Hadaba sida xeerkaa la ansixiyey wax u qoondeeyey waxa ay ka dhigantahay in Dawlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya oo dhawaan laga helay gaaska dabiiciga ah iyo shidaalba uu qayb libaax ka helayo qaybsiga khayraadkaa laga helay gobolka Soomaalida. Marka la sii balballaadhiyo ee lagu saleeyo xeerkaa la ansixiyey waxa gobolka Soomaalidu ka helayaa shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee laga helay deegaannadiisa in ka badan kala badh dakhliga ka soo xaroon doona shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ba. Taas macnaheedu waxa weeyi in gobolka Soomaalida dalka Itoobiya xaq u yeelanayo in uu helo 50% u gaar ah iyo weliba saami kale oo uu ka helayo badhka kale ee Dawladda Federaalka ah iyo gobollada kale ee dalku qaybsanayaan. Xildhibaannada golaha federaalka ugu jira Dawlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya iyo masuuliyiinteeda kaleba waxay ku doodeen in xeerkaa la ansixiyey uu dhaqan galo oo lagu saleeyo miisaaniyadda sannadka soo socda ee 2012-ka ee tirsiga Itoobiya. Hase yeeshee waxa la isku raacay in xeerkaa la ansixiyey si buuxda loo dhaqan geliyo sannadka ka dambeeya ee 2013-ka ee tirsiga Itoobiya. Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee dalka Itoobiya ayaa dhawaan shaacisay in shirkad ka shaqaysa wax soo saarka tamarta oo laga leeyahay Ingiriiska oo la yidhaa New Age African Global Energy Ltd ay deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ka heshay gaaska dabiiciga ah oo xaddigiisu gaadhayo 1.6 Trillion Cubic Feet. Waxaanu wasiiru dawlaha macdanta iyo shidaalka Itoobiya, Guang Tulam, oo waraysi siiyey wargeys dalkaa ka soo baxaa yidhi “Hadda waxaan ka shaqayneynaa sidii gaaskaa dalku uga faa’ideysan lahaa iyo siyaabaha ugu habboon ee lagu suuq geyn karo.” Go’aankaa ay xukuumadda federaalka ah ee Itoobiya ku gaadhay in shidaalka laga soo saaro deegaanka Soomaalida ayaa waagaa, waa intii aan xeerkan cusub ee haatan la ansixiyey soo bixine, waxaa dhaliilay ururka ONLF oo sheegay in marka hore ay ma huraan tahay in la xalliyo khilaafaadka jira. Af-hayeenka ONLF, Caddaani Hiirmooge, oo mar waraysi siiyey laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa yidhi “Iyada oo aan la xallin is afgaranwaaga muddada dheer soo taagnaa iyo arrinta siyaasiga ah ee dhex taalla Soomaalida Ogaadeenya ku nool iyo Itoobiya in hantidoodii loo gacan dhaafo oo lagu quudiyo dad kale oo Itoobiyaan ah waa gacan dhaaf waanan diidannahay.” Si kastaba ha ahaatee, xeerkan cusub ee la ansixiyey ee qaybsiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka, ayaa sida uu u qaybiyey khayraadku ka duwan tahay sidii markii hore dadku u haysteen oo ahayd in aan Dawlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya wax buuran ka heli doonin khayraadka gobolka Soomaalida laga helay. Source
-
Beryahan waxaan ku mashquulsannaa, oo aan baaraayay dowrka IMF iyo World Bank ee ku aaddan deyn cafinta Somalia. Intii aan ku gudajiray akhriska qoraallada IMF ay ka soosaartay barnaamijka deyn cafiska (SMPs), waxaan isweyddiinaayey saddexdan su’aallood: Halkee ayuu marayaa hannaanka deyn cafinta Somalia? Maxay tahay shuruudaha ku xiran? Waqti intee la eg ayuu qaadan karaa deyn cafiska? Weyddiimooyinkaasi waa kuwa muhiim u ah qofka raba in uu wax badan kala socdo qorshaha deyn cafinta Somalia. Arrinka deyn cafinta waa mid dib ugu laabanaysa sanadkii 2013, markii maraykanku uu aqoonsaday dowladnimada Somalia. Isla sanadkaas, IMF iyo World Bank waxay dibu-sooceliyeen xiriirka shaqo ee Somalia, waana bar bilowga qorshaha deyn cafinta. Barnaamijka deyn cafinta IMF ay ugu talaggashay in Somalia fuliso si ay u soo gaarto bar dhammaadka (point of completion), taas oo ugu dambayn u suurtagalinaysa in ay ka mid noqon karto waddamada faqriga ah ee aan iska bixin karin deymaha (HIPC Initiative). Laakiin waxaa ka horreeya in Somalia ay isbeddel weyn ka samayso dhaqaalaha, maaliyadda, maamulka iyo bulshada. Maqaalkan kooban waxaan diiradda ku saarayaa hab-u-socodka deyn cafinta Somalia: BARNAAMIJKA (SMPs) Barnaamijkan wuxuu soo bilowday bisha May 2016, wuuna soconayaa ilaa inta laga gaarayo Julaay 2020, oo ku eg soo gebagebaynta wejigiisa afaraad. Wuxuu barnaamijkani dhiirrigelinayaa in isbeddello lagu sameeyo baanka dhexe ee Somalia, maamulidda iyo la socodka lacagaha moobilka la iskugu diro, ka hortagga lacagaha faalsada iyo fangareenta Alshabaab. Intaas waxaa u sii dheer, in Somalia ay ka kaalmeyso joogteynta xasilinta iyo dibu-dhiska hay’adaha dhaqaalaha. Somalia ilaa iyo hadda waxay ku guulaysatay in ay ka soo gudubto dibu-hubinta IMF, ee ku aaddan barnaamijka deyn cafinta heerkiisa koowaad, labaad iyo saddexaad; waxaana hadda u socda hirgelinta heerka afaraad oo ah kan ugu dambeeya. Laakiin tani macnaheedu kama dhigna in Somalia laga cafiyey deyntii, waana arrin laga rabo in dowladda Somalia ay si fiican ugu bayaaniso dadkeeda in deyn cafintu waqti qaadanayso, ayna ka horreeyaan isbeddello xanuun badan oo gilgili doona dhaqaalaha iyo maamulka dowladnimo iyada oo loo marayo hirgelinta barnaamijyada deyn cafinta IMF (sida SMPs, UPT iyo PRSP). Hirgelinta barnaamijka deyn cafinta waxaa ku xiran 18 shuruudood oo looga fadhiyo in dowladda Somalia ay tixgeliso, waxaa ka mida: In mushaharka ciidanka qaranka akoon lagu bixiyo, in la dejiyo qorshaha yareenta saboolnimada (Poverty Reduction Strategy Paper-PRSP), in dakhliga gudaha la kordhiyo iyo in la wada qaybsado khayraadka dalka. Marka la eego warbixinada IMF ay ka qortay barnaamijka deyn cafinta gaar ahaan wejigiisa koowaad, labaad iyo saddexaad; Somalia waxay muujisay sarre u kac dhanka dakhliga gudaha ah, oo sanadkii 2018 gaaray 161 milyan oo doollar. Sidoo kale, dhaqaalaha dalka wuxuu kobcay boqolkiiba 3.1. Iyada oo guulahaasi jiraan, haddana Somalia maanta awood uma laha in ay iska bixiso 4.6 bilyan oo deyn dibadda ah oo dusha u saaran. Deyntaas bilyanka doollar ah waxaa ku leh 27 isugu jira dalal iyo hay’ado, laakiin deynta ugu badan waxaa amaahiyay kooxda Paris club iyo Maraykanka, wadarta deymahooda wuxuu gaarayaa 3.5 bilyan oo doollar. Deyn cafinta Somalia ma dhowa, waayo marka IMF ay ka hubiso dowladda Somalia in si sax ah ay u hirgelisay barnaamijka deyn cafinta gaar ahaan wejigiisa afaraad iyo 18-kii shuruudood, Somalia waxay u gudbi doontaa marxaladda labaad oo looga fadhiyo in ay ka guul gaarto barnaamijka “Upper Credit Tranche” (UCT). Barnaamijkani wuxuu dowladda Somalia ka caawinayaa in deyn cusub ay ka amaahan karto IMF, laakiin waxaa shardi ah in kis kis (in yar in yar) loo siiyo deynta. Iskusoowadadduub, hannaanka deyn cafiska Somalia waxaa loo marayaa hirgelinta afarta barnaamij deyn cafin oo loo yaqaano “SMPs,” oo lagu daray barnaamijka UCT iyo kulanka gebagebaynta, kaas oo isugu imaan doona madaxda IMF, dalalka iyo hay’adaha deymaha ku leh Somalia. Go’aankii ka soo baxaa ayay ku xiran tahay deyn cafinta Somalia. Markaad akhriso barnaamijyada deyn cafiska IMF waxaa kaaga soo bixi doona in Somalia ay waqti dheer ku qaadanayso kasbashada deyn cafinta. Hassan Mudane; Lafogure Arrimaha Afrika Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya qaban qaabada munaasabadda xuska todobaadka xoriyadda Soomaaliya. Guddigan uu magacaabay ra’iiusul wasaaraha Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan qaban qaabada,sanadguuradii 59,aad ee ka soo wareegatay xorriyadda,midnimada iyo dhalashada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed,kaasi oo ka kooban 9 xubnood. halkan hoose ka akhriso magacyada guddiga: 1: Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,Wasiirka Warfaafinta Guddoomiye. 2: C/raxmaan ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xubin 3: Xasan Cali Maxamed,Wasiirka Gaashaandhigga xubin. 4: Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha Xubin. 5: Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha xubin. 6: Deeqa Yaasiin Xaji Yuusuf wasiirka haweenka iyo xuquuqulinsaanka xubin. 7: Sadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada xubin. 8-Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xubin 9-Bashiir Axmed Cusmaan Agaasimaha Golaha Wasiirada iyo xiriirka Baarlamaanka Xubin Shaqada ay qabanayaan ayaa ah:- 1: In ay qaban-qaabiyaan xuska munaasabadda xoriyadda 26 June iyo 1 Luuliyo. 2: In ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha qeybta ku leh qaban-qaabada maalmaha xorriyyadda. 3: in ay jaan-gooyaan kharashaadka ku baxaya xuska maalmaha xorriyadda. 4: In ay magacaabaan guddi hoosaad farsamo ee abaabulka maalmaha xorriyadda. 5: In ay sugaan amniga goobaha kala duwan ee lagu qabanayo munaasabadaha 26 June iyo 1-da Luulyo 2019. 6:In ay kormeeraan sida ay u socdaan howlaha guddi hoosaadka farsamo ee abaabulka munaasabadaha Qaran. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha XFS oo magacaabay guddiga Qaban qaabada Xuska Maalmaha Xorriyadda appeared first on Puntland Post.
-
Boosaaso (Caasimada Online) -Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa ku warramaya in Ciidamada Puntland ay weerar ku yihiin deegaanka Af Urur ee gobolkaasi oo saacadihii la soo dhaafay ay qabsadeen dagaalyahanno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab. Ciidanka Puntland ayaa haatan isku urursanaya degmada Carmo, waxaana la sheegay in ay dib ugu laabanayaan deegaankaasi oo ay shalay soo baneeyeen. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhankooda Al-Shabaab ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ay doonayaan in ay kaga hortagaan Ciidamadaasi. Xaaladda ayaa kacsan, waxaana dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi. Af Urur oo ah deegaan istaraatiji ah ayaa ku yaalla Buuraha Golis, waxuuna in ka yar 70 KM u jiraa magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. Kooxda Al Shabaab ayaa marar badan weeraro ka fulisay deegaankan, kuwaas oo waxyeelo xoogan ay ka soo gaartay Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com