Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Saraakiishii ka soo baxay Somaliland oo ka qeyb-gelaya shir weynaha Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, waxaa ka socda kulamo kala duwan oo looga diyaar garoobayo, shir weyne looga arrinsanayo fara-gelinta iyo dhul-ballaadhsiga uu maamulka Somaliland ku hayo gobolka Sanaag. Xubno ka tirsan golayaasha Baarlamanka iyo xukuumadda Puntland, siyaasiyiin, aqoonyahanno, saraakiil ciidan, cuqaal, nabaddoono, salaadiin, ganacsato iyo culimaa’uddiin isaga yimid degaannada kala geddisan ee gobolka Sanaag, ayaa kulamo kala duwan ku yeelanaya magaalada Badhan, iyagoo u sii diyaar garoobaya shir weynaha degmadaasi ka dhici doona maalmaha soo socda. Wasiirada Badhan ku sugan waxaa kamid ah: Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan, wasiiru-dowlaha Degaanka, Cabdirashiid Geelle, Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha,Maxamed Musaddiq, wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Cabdisalaan Siciid Faarax iyo wasiir ku xigeenka Duulista hawada iyo garoomada marwo Sucaad Saalax Nuur. Sidoo kale waxa magaalada ku sugan guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo, Xil. Cali Axmed Dhahar, Xil.Cabdiraxmaan Dhoorre, Xil. Axmed Cabdi Jaamac, saraakiil ka tirsan ciidamada kala duwan ee Puntland, ganacsato, xubnaha Qurba-joogta degaanka, siyaasiyiin hore, aqoonyahanno iyo hoggaanka dhaqanka oo isaga yimid magaalooyinka Damalla-xagarre, Xiingalool, Ceelbuh, Midigale, Buraan iyo Hadaaftimo. Waxa kale oo la filaa in maalmaha soo socda ay degmada Badhan yimaadaan waxgarad, ganacsato iyo salaadiinta dhaqanka oo ka kala imaanaya magaalooyinka Ceerigaabo, Yubbe, Laasqoray, Dhahar iyo degaaanno kale. Shirweynaha ka furmayaa magaalada Badhan, ayaan weli si rasmiya loo shaacin wakhtiga la qabanayo, balse haatan inta badan wufuuddii shirka ka qeyb-gelaysay ayaa ku wada-sugan gudaha Badhan, marka laga wufuud laga sugayo degmooyinka Ceerigaabo, Yubbe, Laasqoray, Dhahar iyo degaaanno kale. PUNTLAND POST The post Shir weyne ka dhan ah Somaliland oo ka furmaya magaalada Badhan appeared first on Puntland Post.
  2. Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in guddoomiyihii gobolka Mudug ee xil ka qaadista lagu sameeyay uu ka hor yimid wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweyne Xaaf. Kadib Shir jaraa’id oo uu magaalada Gaalkacyo ku qabtay guddoomiye Cabdi Rashiid Xaashi Cartan ayaa wuxuu ku sheegay inuusan aqbalsaneyn xil ka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf. Mr Cartan ayaa sheegay in wareegtada xilka looga qaaday aanan lagu wargelin, sidoo kale wuxuu sheegay inaan lagala tashan xil ka qaadistiisa, sida uu hadalka u dhigay. Baraha Bulshada ayuu sheegay inuu ka arkay warqada xilka looga qaaday, maadaama aan si toos ah loogu wargelin in xilka laga qaaday, sida uu hadalka u dhigay guddoomiyaha Mudug Mr Cartan. Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu wadatashiyo kala duwan uu la sameeyay waxgaradka iyo bulshada magaalada Gaalkacyo, islamarkaana aysan jirin xiligaan wax xil ka qaadis ah oo lagu sameeyay. Sidoo kale isaga oo ka hadlayay xiriirka dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug ayuu sheegay in Galmudug aysan xiriirka u jari Karin Dowladda Federaalka maadaama ay tahay Xubin ka mid ah dowladda. Hadalka Gudoomiyii xilka laga qaaday ee Gobolka Mudug ayaa kusoo aadaya xilli xiisad ka dhalatay xilka qaadistii Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ay weli ka taagan tahay Magalada Baladweyne,kadib markii uu diiday xilka qaadistaas. Caasimada Online Xafiiska Mudug Caasimada@live.com
  3. “They’re so quick to address situations about vaping, skipping school and everything,” Eman, a 15-year-old Somali-American sophomore, said of school officials. “But when it comes to racism, they never want to address it.” Source: Hiiraan Online
  4. Magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan, waxaa 48-kii saac ee lasoo dhaafay aad loo hadalhayey xil ka qaadistii lagu sameeyey guddoomiye Yuusuf Dabageed, isaga oo iska diiday xil ka qaadistaasi. Waxgarad ku sugan magaalada B/weyne ayaa durba bilaabay dedaallo ay ku doonayaan in Yuusuf Dabageed wax looga dhaadhiciyo si looga baaqsado is qabqabsi dheeraad ah. Dabageed oo wata ciidamo aad u badan ayaa sheegay in waxa uu ku qanci karo ay tahay go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana reer Hiiraan aanay xilligan lasii shaqeyn karin Hirshabelle. Dhanka kale, waxaa socda qorshe ay magaalada B/weyne ku aadayaan xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo reer Hiiraan ah, ulajeedkuna wuxuu yahay sidii xaaladda loo dejin lahaa. Yuusuf Dabageed oo shalay warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in madaxda dowlad goboleedka Hirshabelle ay ammar ku bixiyeen in isaga xabsiga loo dhaadhiciyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa ballanqaaday inay sii-wadayaan hawlaha lagu xasilinayo dalka iyo dadaallada dib u soo kabashada ah ee lagu caawinayo Soomaaliya iyadoo la fulinayo mashaariic meelo badan laga hirgelinayo kuwaasoo ay ka mid yihiin ilaha dhaqaale ee aas-aasiga ah. Francisco Madeira, oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya iyo madaxa AMISOM ayaa sheegay in AMISOM ay ka fulineysay Soomaaliya qorsheyaal saameyn xooggan yeeshay tan iyo sannadkii 2018. “Mashaariicdaas waxaa ka mid ah, dib u soo nooleynta Iskuullada, Ceelal, Waddooyin iyo goobo caafimaad. Waxaan sidoo kale u abuurnay fursado shaqo dhallinyarada,” ayuu yiri Madeira xilli uu kulan la yeeshay guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal. Warar laga helayo Midowga Africa ayaa sheegaya in Madeira iyo Maxamed Mursal ay sidoo kale ka wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin hawlgalka Midowga Africa (AMISOM) iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo sidii loo sii dardargelin lahaa. Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Inj.Yarisow) ayaa xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay wakiilka cusub ee hay’adda UNDP u qaabilsan Somalia, Jocelyn Mason iyo xubno ka tirsan hawl-wadeenada xafiiskiisa. Inj. Yarisow ayaa ugu horeyn Jocelyn kusoo dhaweeyay Muqdisho, isagoo uga warbixiyay hawlaha ay isla wadaan maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adda UNDP. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in hay’adda UNDP ay ka fiiayaan mashaariic dhowr ah oo lagu horumarinayo Caasimadda in ay fuliyaan. Dhanka kale, Jocelyn Mason ka hadlay kulanka, isagoo sheegay inay sii wadi doonaan wada-shaqeynta kala dhaxeyso maamulka gobolka Banaadir, si loo gaaro halka la higsanayo oo ah in caasimadda ay horumar ballaaran gaarto. Kulankan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo warar ku aadan isbedel ballaaran lagu sameeyo maamulka gobolka Banaadir, gaar ahaan xagga hoggaanka, inkastoo aysan jirin wax hadal ah oo ay arrintaan kasoo saareen madaxda maamulka gobolka Banaadir. Ugu dambeyn, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay xoojinayso wada-shaqeynta kala dhexeysa dowladda federaalka Somalia, kaddib markii ergay cusub uu xoghayaha guud ee QM u soo magacaabay Somalia, kaaso horay u ahaa safiirka Mareykanka ee Somalia, inkastoo uu xilkaas si iskiis ah isaga casilay. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo kala hadlay QM Horumarinta Guud ee Caasimadda Dalka appeared first on Puntland Post.
  7. C/rashiid Xaashi Cartan, guddoomiyahii gobolka Mudug ee xilka looga qaaday wareegtadii kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug ayaa iska diiday xil ka qaadistaasi lagu sameeyey. Cartan ayaa sheegay in shacabka iyo waxgaradka oo wadatashaday kadib kusoo wargeliyeen in uu meeshiisa sii joogo, islamarkaana aanay waxbo ka jirin xilkan laga qaaday. Wuxuu tilmaamay guddoomiye Cartan in xilkan uu hayey tan iyo sanadkii 2015, isagoo sheegay inuu ka shaqeeyey arrimo u badan dib u heshiisiinta. “Sidaad la socotaan Galmudug waayahan dambe waxaa isaga badnaa khilaafaadka iyo waxyaabaha siyaasadeed ee soo noqnoqonaya, xil ka qaadisteydii baraha bulshada baan ku arkay, waxaa dhacday in arrintaasi noqoto mid ugub ku ah gobolka Mudug, waxaan tan iyo 2015-kii kasoo shaqeynayey gobolka, shacabka iyo Odoyaasha dhaqanka ayaa wadatashi ay u fariisteen waxay sheegeen in arrintan aan midnaba la qaadan karin iyo arrintan oo ku timid wax aan la garan, iyadoo xilligan lagu jiro uu madaxweyne Xaaf ku jiro xaalad siyaasadeed oo adag” ayuu yiri Cartan. Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa habeen ka hor wareegto uu soo saaray wuxuu xilkii kaga qaaday guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulkiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmamaantay si adagna uga hadashay hadalo ka soo kala yeedhay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya Axmed Cawad oo sheegay inay Soomaaliya u ogolaatay dawladda Kenya inay xafiis ka furato Hargeysa. Warbixin uu dhawaan qoray Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa wuxuu Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ku sheegay inay dawladda Soomaaliya u ogolaatay dawladda Kenya inay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. “Waa dawladda Soomaaliya cidda Kenya siisay ogolaanshaha inay qunsuliyad ka furato Hargeysa, Kenyana waxay annagana noo ogolaatay inaanu qunsuliyad ka furano Mombasa haddii aanu doonayno.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya. Hase yeeshee Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sheegay inay dawladda Soomaaliya isku dayday inay hor istaagto xafiiska ay Kenya ka furanayso Somaliland balse ay u suurtogeli wayday. Wasiir Faratoon ayaa yidhi “Soomaaliya waa u cadaw Somaliland, Xafiiska Kenya ay ka furanayso Somaliland-na aad bay uga cadhootay, marar badana waxay isku dayeen inay hor istaagan, taasina way suurtagali wayday, xiitaa horumar kasta oo Somaliland u soo kordha aad bay uga xumaadan, markaas Somaliya qaab ay kula heshiiso ayey garan weyday Kenya, waxayna qiil ka dhigatay Xafiiskan oo aanay shaqo ku lahayn fududayntiisa” “Somaliland wadamada iyo cid kasta oo ay la macaamilayso uma sii marto Somaliya, wakiilna inagama aha Somaliya, laakiin Maamulka Muqdisho waxay ka xumaadeen xidhiidhka Somaliland iyo Kenya, iyo khilaafka soo kala dhex galay Kenya, markaas haddii Maamulka Muqdisho uu garan waayeen qaab ay kula heshiiyaan Kenya, maaha inay Somaliland qiil ka dhigtaan”. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  9. A new one-off prostate cancer test at the age of 55 promises to give men “peace of mind” that they will never develop the disease, scientists have revealed. Source: Hiiraan Online
  10. Islamic Republic’s defense minister says the Khordad 15 can trace targets 150 km away, intercept them at a range of 120 km and can destroy six objects at once Source: Hiiraan Online
  11. The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia and Head of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), Ambassador Francisco Madeira on Sunday met with the President of the Federal Republic of Somalia, Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo, and discussed the role that AMISOM has to play in the stabilisation of Somalia under its recently adopted new mandate. Source: Hiiraan Online
  12. Last week’s Women Deliver conference in Vancouver announced boosts to Canadian foreign aid for maternal and child health, but the news was bittersweet for the many invitees from African countries, Source: Hiiraan Online
  13. Minister appears to accept that row between the two is fuelling other disputes in Middle East Source: Hiiraan Online
  14. Somalia will kick off a countrywide polio campaign of two rounds of immunisation to deliver monovalent oral vaccine type 2. Source: Hiiraan Online
  15. Dowladda Soomaaliya waxay marar badan cambaarayn iyo dhaleeceyn dusha uga tuurtay dalal iyo kooxo ay Sucuudiga is hayaan iyadoo la safatay dowladda Sucuudiga, waxaa ugu dameeyey taageerada ay Soomaaliya siisay Sucuudiga markii uu ku gudajiray fadeexaddii Khaashuqji oo ay difaacday Sucuudiga kuna tilmaantay mid ceeb ka saliima, sidoo kale shirkii uga dameeyey eeka dhacay Maka Al Mukarrama oo lagu cambeereeyey duulaanka Sucuudiga ee xuutiyiinta kaas oo Somalia qayb ka ahayd sidoo kale na aysoo saartay bayaan ay ku cambaaraynayso, Taas badalkeeda Sucuudiga waligood ma garab istaagin Soomaaliya kumana taageerin mararka ay xaaladaha adag gasho iyadoo hadda muran badeedkii ugu waynaa iyo xiisaddii ugu kululayd Somaliya kala dhaxayso dalka Kenya ayna Soomaaliya u baahantahay taageero diblumaasiyadeed bacdamaa aan nahay dowlad an awood badan lahayn Sucuudigu wuxuu ciyaarayaa dowrka dhexdhexaadnimada wax dan ahna kama leh xitaa hadii Kenya nagusoo duusho oo Itoobiya soo raacdo isagu xitaa ma cambaarayn doono, sidoo markii Somalia ay xiisada kala dhaxaysay Emirates ka dowladda Soomaaliya waxay dhowrjeer ku dacweysay Sucuudiga isagoo an dhag jalaq usiin kuna taageerayay emirates kai nay cadaadiska inagu sii wadaan, Sucuudigu wuxuu xiray xoolaha Soomaaliya isagoo heshiis xoolo dhoofsi oo wayn la galay dowladda Itoobiya taas oo curyaamin dhaqaale oo toos ah ku ah Soomaaliya iyadoo xoolaheediina laga faaidaysanayo oo Itoobiya laga daldalanayo, ma aqoonsana baasaboorkeenna mana lagu gali karo dalkiisa iyadoo uu ixtiraamo kan dalal aan dariska nahay ee xifaaltanku inagala dhexeeyo walow ayba Sucuudiga inoo dhaamaan oo dhanka amniga inaga caawiyaan dadkeenana martigaliyeen xilligii dhibaatada baasaboorkeenana aqoonsan yihiin. Waxaas oo dhami waxay Soomaaliya tusaysaa in aan nahay aalad uu Sucuudigu ku adeegto oo xitaa uuna dayac tirin marka aaladaasi ciladowdo, sababtoo ah hadii uu xitaa wax inoola harayo meel un buu inoo badbaadin lahaa, sababta aan aalad (equipment) Soomaaliya ugu tilmamayna waa inaan la yaabay sababta aysan marna maya u dhihin ee aysan xitaa u dhihi Karin war anigaba markayga ii hiili sida aan kuu hiiliyo markaad dhib gasho, ama inagu kala kaxay anagu xuutigaan baa ka amaan helnaa isagaa u xaq leh inaan taageerno eh. Ugu dambayn Dowladda Soomaaliya waxaan usoo jeedinayaa inay dhexdhexaad ka noqoto dhamaan colaadah bariga dhexe ama cidda ay la safanaysaa noqoto saaxiib rasmi ah oo la isku hallayn karo xilli walba iyo xaalad walba. W/Q: Abdullahi Nur (Falanqeeye arrimaha Siyaasada iyo Dhaqaalaha) Email: Mrabdullahi.nur@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  16. Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira. Guddoomiyaha iyo wakiilka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta labada dhinac, howlgalada wadajir ah ee AMISOM iyo ciidanka xoogga dalka ee lagu xasilinayo dalka. Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sharciga doorashooyinka ee horyaalla golaha shacabka. Wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira ayaa guddoomiye Mursal la wadaagay howlgalada ay wadaan ciidanka AMISOM, waxyaabaha ay u baahan yihiin ciidanka AMISOM iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya si loo soo afjaro dagaalka lagula jira Argagixisada. “Waxaan qiraya in ciidanka AMISOM ay dadaal ku bixinayaan xasilinta iyo nabadeynta guud ahaan dalka iyo sidii Argagixisada loogu guuleysan lahaa, golaha shacabka waxa uu diyaar u yahay inuu idiinku garab istaago shaqooyinka adag ee aad heysaan” ayuu yiri guddoomiye Mursal. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha guud ee golaha shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi “Buux”. Source: goobjoog.com
  17. Riyadh (Caasimada Online) – Wax ka yar toddobaad kadib markii Sacuudiga ay xireen 60 qof oo isugu jira Sacuudiyaan iyo Falastiiniyiin taageera kooxda Xamas, ayaa iminka waxay xayiraad dhaqaale saareen magaalada Gaza. Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa iminka xanibay lacagtii laga diri jiray Sacuudiga ee qoysaska Falastiiniyiinta ah ay ku caawin jireen ehelladooda ku nool Marinka Gaza. Waxaa sidoo kale la joojiyey tii ka iman jirtay Gaza. Xayiraaddan ayaa waxaa ku jira lacagta rasmiga iyo tan aan rasmiga ahayn ee loo diri jiray Gaza, waxaana toddobaadkii tagay aad hoos ugu dhacay lacagtii Sacuudiga ka bixi jirtay ee tagi jirtay Gaza, xilli lagu guda jiray ciidul fitriga oo dad badan ay u baahnaayeen caawimaadda ehalladooda. Tallaabada Sacuudiga ayaa si xooggan u saameysay dadka saboolka ah ee deggan Gaza. Dhammaan bankiyadii lacagaha xawili jiray ayaa hakad la geliyey toddobaadkii tagay. Waxaa jira hab aan rasmi ahayn oo si dhuumaaleysi ah ay weli dadka qaar ee ku sugan Sacuudiga lacag ugu dirayaan Falastiin, hase yeeshee waxay qaadaneysaa waqti dheer oo mararka qaar maalmo badan ah, halka markii hore lacagta lagu xawili jiray saacado. Falastiiniyiinta ayaa tallaabadan ku macneeyey olole cusub oo ka dhan bulshada Falastiin ee Gaza iyo sidoo kale kuwa ku nool Sacuudiga, ayada oo qaar badan oo ka mid ah dadkaas degan Sacuudiga ay yihiin arday ay lacag uga timaado dibedda. Labadii sano ee ugu dambeysay, mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa xiray in ka badan 100 qof oo Falastiiniyiin ah, oo badankood lagu eedeeyey inay taageeraan kooxda Xamas ee dagaalka gobanimodoonka ah kula jirta Yahuudda. Arrintan ayaa imanaysa ayada oo sanidhii dhowaa ay aad ay isugu soo dhowaadeen dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo maamulka Yahuudda. Bishii April, Maxamed Bin Salmaan ayaa madaxweynaha Falastiin Maxmuud Cabaas u yaboohay 10 bilyan oo dollar, si uu u aqbalo ‘heshiiska qarniga’ ee Mareykanka uu wado, kaasi oo magaalada Qudus ku wareejinaya Yahuudda. Cabas ayaa diiday yaboohaas. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Jeddah caasimada@live.com
  18. Soomaaliya waxaa xilligan la joogo ka hawlgala Hay’addo iyo Shirkado farabadan oo Ajanabi ah kuwaas oo qaarkood ku hawlgala Ujeedooyin Samafal iyo Ganacsi intaba. Hay’adahan iyo Shirkadahan waxaa u shaqeeya shaqaale Ajaaniib u badan oo si joogta ah ugu xilsaaran mashaariicda gudaha wadanka ka socda iyagoo si joogta ah ugu takrifala Awoodaha shaqo, Shuruucda wadankana ku tunta. Hadaba waxaa muhim iila muuqatay in aan bulshada Soomaaliyeed iyo Mamullada wadanka la wadaago qodobadan hoose si mustaqbalka dhaw wax looga qabto. Shaqaalahan Ajaaniibta ah kama diiwaangashana dalka, mana haystaan documentiga ogolaanshiyaha in ay wadanka ka shaqeeyaan (WORK PERMIT) oo ay bixiso Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha, mana rajaynayaan in ay isdiiwaangaliyaan ama sharciyadaasi qaataan. Taas badelkeeda Wadanka waxay ku joogaan DAL-KU-GAL hal mar ah (SINGLE ENTRY VISA) inta badanna ma cusboonaysiistaan. Qaarkoodna wax documenti ahba maba soo qaataan markay wadanka imaanayaan oo waxay aiportyada ku soo maraan laaluush iyo Farsamooyin hoose oo ay dad Soomaali ah kala shaqaynayaan. Jagooyinka ay hayaan waxay u badan yihiin kuwo ay qaban karaan muwaadiniinta soomaaliyeed sida Cleaner, Assistant, Officer, Coordinator, Manager IWM. Waxay qaataan Mushaaraad farabadan oo u dhexeeya $5,000 ilaa 10,000 iyo wixii ka badan bishii, mana bixiyaan habayaraatee wax canshuur ah, halka dawladu ay canshuurto musharaadka shaqaalaha muwaadiniinta Soomaliyeed oo aad iyo aad uga yar Mushaaraadka Ajaaniibta wadanka ka shaqaysa ay qaataan. Waxaa jira dhalinyaro farabadan oo wax ku soo bartay Jaamacadaha dalka iyo dibada oo shaqo la’aan ah, taasina waxaa sabab u ah Shaqaalaha Ajaaniibta ah oo ku shaqeeya jagooyinkii ay qaban lahaayeen muwaadiniinta Soomaaliyeed, taas oo sababtay in dhalinyaro farabadan ay wadanka ka tahriibaan ama ay ku biiraan ururada xag-jirka ah ee wadanka ka dagaalama. Hadaba, waxaa lagama maarmaan ah in dawlada Soomaaliyeed iyo Maamulada dalka ay u toog hayaan arrintan waxna ka qabtaan si fursad loo siiyo muwaadiinta Soomaaliyeed ee wadanka wax u soo bartay. Dhalinyarada Soomaaliyeedna waxaa la gudboon in aysan aqbalin in arrintu sidaas ku sii socoto oo si joogta ah ula shaqeeyaan dawlada si wax looga qabto, isbadelna loo sameeyo. F.G: Hadii alle idmo waxaan sidoo kale maalmaha soo socda idiin soo gudbin doonaa xog intaas dheer oo arrintan la xiriira, si qoto dheerna uga hadlaysa Hay’adaha ay u shaqeeyaan Tirada ugu badan ee shaqaale Ajaaniib ah guud ahaan Somaliya gaar ahaanna Maamul-gobolleedyada inta ay noo suurtagasho, Hay’addaha sida joogtada ah u baalmara Shuruucda wadanka iyo cidda ku garabsiiya, Sababaha horseeda fashilka mashaariicda laga fuliyo wadanka iyo sii jiritaan la’aantooda taas oo horseeda in uusan wadnku marna ka bixin xaalad deg deg ah, Canshuuraha, Ganaaxyada iyo dhaqaalaha kale ee wadanku lahaa ee ku baaqda shaqaalaha ajaaniibta ah , Xafiisyada dawladeed ee ka gaabiyay fulitaan la’aanta waajika sharci ee ka unkamaya arriman aan kor ku soo xusnay. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah Hadaba la soco qaybaha dambe ee xogtan W/Q: Mustafa Hassan
  19. Sanca (Caasimada Online) – Ciidamada Xuutiyiinta Yemen ayaa weerar ay u adeegsadeen diyaarad Drone ah ku qaaday garoonka diyaaradaha gobolka Jizan ee dalka Sacuudiga. Taleefishinka Al-Masirah ayaa weriyey in diyaarad dagaal oo nooca Qasif-2K ay beegsatay dhufaysyo ku yaalla garoonka diyaaradaha Jizan, kadib markii ay Xuutiyiinta warbixin sirdoon kasoo ururiyeen halkaas. Ilo-wareedyo milatari ayaa sheegay in Sacuudiga ay garoonka diyaaradaha u beddeleen saldhig milatari oo laga weeraro Yemen. Toddobaadyadii dhowaa, ciidamada Xuutiyiinta ayaa kordhiyey weerarada loo adeegsanayo diyaaradaha drone-ka ee laga fulinayo gudaha dalka Sacuudiga, gaar ahaan garoomada diyaaradaha ee gobollada Jiza iyo Najran, ee ku dhow Yemen, ayaga oo ka aarugdanayo dagaalka Sacuudiga uu ka wado Yemen. Bishii tagtay, diyaarado ayaa sidoo kale beegsaday goobaha saliidda laga soo saaro ee magaalada caasimadda u ah Sacuudiga ee Riyadh, taasi oo hakad gelisay wax soo saarkii saliidda Sacuudiga. Illaa iyo hadda lama yaqaan khasaaraha ka dhashay weerarkii ugu dambeeyey ee lagu qaaday Jizan. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Jeddah caasimada@live.com
  20. Hargeysa (Caasimada Online) ― Hay’adda shaqaalaha Dowladda Somaliland ayaa maanta ka hadashay eedeymo musuq-maasuq oo loo soo jeediyey, kuwaasi oo salka ku hayey Mashruuca tayeynta shaqaalaha Somaliland ee uu maalgaliyey Baanka Adduunku. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland, Farxaan Aadan Haybe oo ay wehlineyso Marwo Hinda Jaamac Gaani oo ah Wasiirka shaqo gelinta Somaliland, ayaa maanta si wada jira ula hadlay warbaahinta, iyagoona ka warbixiyey qaabka uu ushaqeeyo Mashruuca dibu-habeynta shaqaalahu. Guddoomiye Farxaan Haybe ayaa ugu horeyntii ka hadlay waxyaabaha ka jira eedeymahaasi, isagoona ka dhawaajiyey inaysan jirin lacag la-lunsaday, wuxuuna yiri “Baanka adduunku websityadiisa ayuu ku baahiya talaabo kasta oo uu lacag ku bixiyo, macnaheedu waxa weeyi inaysan waxba qarsoomeyn, xogta la soo dhigeyna waa xog laga soo qaatay Website-ka World Bank, waxa uu soo galiyo website-kiisana suurto-gal maaha in wax la qalday ama la khiyaameyay uu soo galiyo”. Wuxuuna intaas kusii daray “Shaqada la qabtay ee aan xafiiska ugu imid baa tilmaameysa wixii dadaal ah ee la qabtay in aan jawaab ka bixiyo, si aan u ilaaliyo qiimaha iyo milgaha shaqada aanu hayno iyo sharafta Xafiiskan aan joogo, oo dhirbaaxada u weyn ee la bixinayo ku dhacayso”. Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani, ayaa faah-faahin ka bixisay qaabka ay u baxaan lacagaha Mashruuca tayeynta shaqaalaha ee uu Baanka Aduunku ka taageero Somaliland “Lacagtaasi 10-milyan waxa loogu tala-galay labada sanadood hore inay noqoto sanadkii walba (2017-2018) Labo milyan iyo shan boqol calaa sanad, labada sano ee ka dambeeyana midkiiba labo milyan, sanadka ugu dambeeya halka uu ka noqonayo hal milyan” ayey tiri Marwo Hinda Gaani. Waxayna intaas kusii dartay “Waxa tagay waa labo sanno waxana ku jirna 2019-kii lacagteedina wey noo taala, lacagtuna waxay ku wareegta akoomada uu Baanka Adduunka uu leeyahay iyo Wasaarada maaliyada dhexdeeda, waxaana loo dalbaa foojar maalinta miisaaniyada loo qorsheeyay”. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  21. Burao Is For All Burao is the second capital as well as the second biggest city. It is inhabited by many Somaliland tribes. The announced conference by Osman Buurmadow invites only Habar-Jeclo and Habaryoonis. It seems politically suspicious. If all tribes of Togdheer Region are invited for the development of the region, it should be welcome by all. If not, it looks subversive conference and should be stopped. Somaliland needs more unity today than ever. SOMALILAND UNITY FIRST Somaliland is surrounded by sworn enemies who want to bring it down politically or militarily. Traditional peacemaking tribal conferences are welcome but political divisive subversive tribal conferences must be stopped. Government injustice is changed through elections not through violence. Somaliland is Democratic country, not dictatorship. Ibrahim Hassan Gagale May 10, 2019 Qaran News
  22. Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood, Hargeisa Somaliland Republic. Labadda Beelood Ee West Burco Clan Iyo East Burco Clan Waa Labadda Beelood Ee Ugu Badan, Uguna Dhulka Balaadhan Dhulwaynaha Somaliland Iyo Itoobiya, Shirar Colaado Dhexmaray Oo Ay Ku Heshiiyeen Mooyaanee, Weligood Taariikhda Inta Lagu Hayo Shirwayne Ay Iclaamiyaan Beelaha East Burco Clan Iyo West Burco Clan Waa Kii Ugu Horeeyey Abid Ee Haddii Uu Qabsoomo Taariikhda Baal Dahab Ah Ka Gelaya Insha Allaah, Labadan Beelood Waa Laba Beelood Oo 85% Ay Wadaagaan Diin, Dhalasho, Dhiig, Xidid, Iyo Deegaan, Waa Nimcooyinka Aanay Inta Badan Aanay Wadaagin Beelaha Kale Ee Somaliland, Oo Aan Laga Helayn Laba Beelood Oo Boqolaal Sano Dagaalo Dhexmaray Haddana Haddii Cadoow Soo Weeraro Beel Ahaan Meel Looga Soo Wada Jeedanayo, Oo Aanay Noqon Laba Beelood Oo Deegaamada Ku Kala Guuro, Oo Aanay Ka Dhaxaynayn Diin, Dhalasho, Dhiig, Xidid Iyo Deegaan. Shirka Uu Ku Dhawaaqay Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Ee Dhexmari Doona Beelaha West Burco Clan Iyo East Burco Clan Insha Allaah Waxaan Aad Iyo Aad Ula Yaabay Saskan Wayn Ee Ay Ka Qabaan Shaqsiyaad Aad U Tiro Yari Inaanu Shirkaasi Munaasib Ahayn, Ama Ay U Jeedaan West Burco Clan Waa Cadoowgayaga Koowaad, Ama Ay ILaashanayaan Masaaliix Ama Dano U Gaara, Ama Wax Loogu Yeedho Jeegaan!!!!!!. Shaqsiyaadka Shirka Uga Qayliyay Sida Fiinta Waxaad Moodaa In Uurkii Hooyadood Lagu Gumaysan Jiray Ama Awoowyaashood La Gumaysan Jiray. Shirka Labadda Beelood Ee Lagu Rajo Wayn Yahay Inuu Qabsoomo Allaah(Swt) Waxaan Ka Baryayaa Inaanu Shirkaasi Noqon Mid La Xagal Daaciyo, Ama Kabo Caaglayaal Lagu Soo Darin, Ama Aanu Noqon Shir Fashilmay Oo Arrinkiisu Ahaa Laab La Kac, Ama Hunguri, Ama Dano Beel Gooni Leedahay Uu Ku Kooban Yahay. Beelaha Walaalaha Ah Waxaan Kula Talinayaa Inaad Ka Duushaan Oo Aad Dhaqan Gelisaan Qodoban Soo Socda Insha Allaah. 1. Deegaamada Labadda Beelood Inaan La Kala Lahayn Dhul Daaqsimeedka Iyo Biyaha. 2. Deegaamada Labaad Beelood In Laga Hir Geliyo Nabad Buuxda Oo Laysu Hoyan Karo, Lays Dhexmari Karo. 3. Labadda Beelood Inay Iska Kaashadaan Wixii Wanaaga, Wixii Colaado Hurinayana Meel Looga Soo Wada Jeesto Insha Allaah. 4. Labadda Beelood Inay Samaystaan Min Konton Inan Oo Hubaysan Oo Ehlu Cibaado Ah, Oo Aan Balwad Lahayn Oo Ka Shaqeeya Gacan Ku Dhiiglihii Kibir Wax Ku Dila Sidii Gacan Loogu Soo Dhigi Lahaa Oo Aan Loo Gacan Gelin Xukuumadda, Beesha Qofka Laga Dilayna, Beesha Kale U Soo Gacan Geliso Oo Ay Qisaasaan Kontonka Inan Ee Hubaysan Ee Ka Soo Jeeda Beesha Wax Laga Dilay. 5. Labadda Beelood Inay Awood U Leeyihiin Haddii Cadoow Soo Weeraro Inay Dhinac Uga Soo Wada Jeestaan. 6. Labadda Inay Sii Xoojiyaan Walaaltinimadda, Tolnimadda Iyo Wada Jirka Labadda Shacabwayne. 7. Labadda Beelood Inay Iska Kaashadaan Horumarka Deegaamadooda Haddii Ay Noqoto Dhinaca Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashadda, Laydhka, Isgaadhsiinta, Xoolaha, Beeraha, Beenyadda, Kaluumaysiga, Dhaamamka ,Wadooyinka, Shaqo Abuurka Dhalinyaradda, Qandaraasyada, Saamiga Xukuumadda Iyo Hay’adaha Ajaanibka. 8. Labadda Beelood Yagoo Wada Jira Inay Shir Balaadhan Kula Midoobaan Beelaha Sool clan, East Sanaag Clan Oo La Dhaqan Geliyo Todobaas Qodob Ee Aan Kor Ku Xusay Ama Aan Ku Sheegay Insha Allaah. 9. Beelaha Kale Ee Galbeedka Somaliland Waa In Yagana Lala Midoobo Oo Ay Dhaqan Galaan Todobadaas Qodob Ee Aan Kor Ku Sheegay Insha Allaah. 10. Beelaha West Burco Clan, East Burco Clan Iyo Beelaha Kale Ee Somaliland Inay Xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi Ku Cadaadiyaan Gacan Ku Dhiiglayaasha Xabsiyada Buux Dhaafiyay Sidii Qisaas Loogu Fulin Lahaa, Qofkii Qof Kibir Ku Dilana Ee Xukuumaddu Gacanta Ku Dhigto In La Qisaaso Intaan Marxuumka Ama Marxuumadda La Dilay La Aasin Ama Uu Ka Dambeeyo Ugu Badnaan Todobaad Insha Allaah. Wabillaahi Towfiiq. Somaliland Guul Iyo Gobonimo. ahmedsakatouri@hotmail.com Source
  23. Wuxuu yidhi “dadku wada Dhakool maaha”! sawaaxiliga waxaan ka maqli jirey “micne gaanni” oo ah maxaad ka waddaa? Sideedaba dulmigu midab ma leh, gobol ma leh, sokeeye ma leh waa dulmi. Shalay wadaadkani wuxuu ku shimbiro waaqlaynayey Dhakool inuu qaran dumis yahay, in uu denbiile yahay, in xabsiga lagu sii giijiyo iwm. Odaygu wuxuu is lahaa adigu reer Sheekh Isaxaaq baad tahayoo waxaad doontaa laguu ogol yahay! Wuxuu aamminsanaa maaddaama Dhakool yahay “beelaha darafyada” (sida Hargeysa imminka looga yaqaan dadka reer waqooyi qaar). Waxase caddaatay 1) Haddii dulmi la bannaysato oo la taageero inaanu xuduud lahayn dulmigu, kii u ololaynayeyna inuu sugayo. 2) Inaan kelmeddan darafyadu iyada lafteedu xuduud lahayn, oo Balligubadle, Sallaxley iyo Oodweyne markii loo baahdo ay darafyada noqonayaan. Reer Xamarku waxay yidhaahdaan “ka xaaxaabi hee” iyo “macay kugu tahay”. Waxaanse isweydiiyey weligay Nacnac ka hor taariikhna kuma maqal mana arag qof dhankaa Balligubadle ka soo jeeda oo dadka reer Sool xasaradaynaya, iyo qof reer Sool ah oo reer Balligubadle inay madaxa ka dhunkadaan mooyee wax xun u quudhaya. Odaygani bal hanalaga hubiyo awoowayaal. Mohamoud Ibrahim (Xaaji) dalmarbilaal@gmail.com dalmarbilaal@gmail.com Source
  24. (SLT-Prtugal) Xulka qaranka Portugal ayaa ku guuleystay koobka UEFA Nations League, wuxuuna noqday xulkii ugu horeeyay ee ku guuleysta koobkan, kaddib markii ay 1-0 kaga adkaadeen dhigooda Netherlands. Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 0-0 ah. Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada xul qaran ee Portugal iyo Netherlands ayaa waxay halkooda ka sii wadeen sameynta fursadaha ay ku doonayeen inay goolal ku dhaliyaan. Daqiiqadii 60-aad xiddiga lagu magacaabo Goncalo Guedes ayaa hogaanka u dhiibay xulkiisa qaranka Portugal kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis Bernardo Silva, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0. Ugu dambeyntii marti galiyaasha tartankan ee xulka qaranka Portugal ayaa guul kaga gaaray dhigooda Netherlands 1-0, waxayna gacanta ku dhigeen koobka UEFA Nations League, iyagoo noqday xulkii ugu horeeyay ee ku guuleysta koobkan oo markii ugu horeysay la bilaabay sanadkan. Source