-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Boosaaso (Caasimada Online)-Taliska ciidamada Booliska Puntland ayaa digniin u diray ganacsatada magaalada Boosaaso iyo dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Muxidiin Axmed Muuse oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in ganacsatada magaalada Boosaaso uu kaga digayo inay noqdaan kuwo qariya dadka dilalka ka geysanaya magaalada Boosaaso. Taliyaha ayaa sheegay in Ganacsiga Magaalada Boosaaso uu u kireysanyahay wax uu ku sheegay Burcad Diimeed dadka Masaajidda ku dhexdila, taasi oo niyad jab weyn ku noqoneyso ganacsatada magaalada Boosaaso. Ma uusan sheegay waxa u arintaasi kala jeedo iyo inuu si gaar ah ugu dan leeyahay qaar kamid ah ganacsatada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Puntland waxaa dhaqaalaha ugu badan uu kasoo galaa magaalada Boosaaso oo ah magaalada Ganacsiga ee Puntland. Dhinaca kale taliyaha ciidamada booliska Puntland ayaa digniin u jeediyay shacabka magaalada Boosaaso, isaga oo kaga digay inay qariyaan dadka uu sheegay inay dilalka ka geystaan magaalada Boosaaso. Jeneraalka ayaa sidoo kale ku hanjabay in dowlad Goboleedka Puntland ay la wareegi doonto guryaha lagu qabto koooxaha falalka amni darrada ah ka wada Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Puntland Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
(SLT-Ankara) Alle hawnaxariiste waxa Dalka Turkiga xalay ku geeriyooday Xildhibaan Cali Aareeye oo ka tirsanaa Golaha Wakiilada. Xildhibaan Aareeye oo laga soo doortay Gobolka Salal wuxuu kamid ah Siyaasiyiintii Somaliland dibu dhiskeda ka soo qayb qaatay, Xisbigii UDUB ayuu ka soo baxay muddooyinkii danbena wuxuu kamid aha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI. Alle marxuumka hawnaxariiso Eheladii iyo Qarabadii uu ka baxay iyo shacabka Somaliland na samir iyo iimaan haka siiyo . Amiin . Source
-
Gedo (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya xuduuda dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya ururka Al Shabaab iyo ciidamada Kenya, waxaana dagaalkaasi ku dhintay ugu yaraan hal askari oo Kenyan ah. Dagaalka ayaa ka dhacay meel ku dhow xuduuda labada dal, gaar ahaan meel 6KM u jirta dhanka xuduuda, waxaana dagaalka uu ka dambeeyay kadib markii Al Shabaab weerar ku qaadeen xarun ciidamada Kenya ku sugnaayeen. Al Shabaab ayaa la sheegay inay ka gudbeen dhanka xuduuda Soomaaliya, islamarkaana ay saldhig ka sameysteen deegaanka DAWAHUBA oo 6 KM u jirta xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, sida uu sheegay isu duwaha amniga Gobolka Somaalida ee Kenya. Dagaalka ayaa shalay ka dhacay meel ku dhow Tuulada Fiino lagu magacaabo oo kulaasha Soohdinta Kenya iyo Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha dhanka amaanka ee dalka Kenya. Maxamuud Biriq ayaa sheegay in Ciidamada dowladda oo ka warhelay saldhigga ay Al-shabaab ka sameysteen degaankaas ayaa weerar ku qaaday,waxaana ku dhintay mid ka mid ah Ciidamada Booliska keydka ee Kenya oo dagaalka ku jiray. Dowladda Kenya ayaa wali raadineysa labo dhaqtar oo udhashay Kenya kuwaas oo ay sheegtay in ay ku tabeyso AL-shabaab, waxaana Al Shabaab la sheegay inay dalbadeen lacag madaxa Furasho ah. Caasimada Online Xafiiska Gedo Caasimada@live.com
-
Tan iyo bilowgii sannadkan, waxaa soo batay wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Puntland oo bogag ka furanaya baraha bulshada, gaar ahaanna facebook ,si ay dadweynaha uga gudbiyaan shaqada ay hayaan iyo farriimaha muhiimka ah. Waxaa kale oo garab-socda, bogag iyo akoonno been-abuura oo lagu samaystay magaca hay’adaha kala duwan ee dowladda Puntland, islamarkaaana si joogtaa loogu daabaco qoraallo jaah-wareerina oo loo ekaysiiyo kuwa dowladdu soo saarto. Taasina, waxay keentay in la kala garan waayay mid saxan, maadaama bogagga baraha bulshada ee dowladda aysan lahayn calaamadda muujisa akoonnada rasmiga, waxaana gebi ahaanba luntay aaminaaddii iyo kalsoonidii dadweynuhu ku qabay, qoraallada ku daabacan bogaga baraha bulshada ee wata magaca wasaaradaha iyo xarumaha kale Puntland. Jimcihii la soo dhaafay, wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland, ayaa qoraal ay Facebook ku baahisay ka sii digtay, roobabkii daadadka dhaliyay ee ka da’ay gobollo kamid ah Puntland, iyadoo ku baaqday in laga baxo meelaha godan. Balse, digniinta wasaaradda oo aan loo adeegsan hay’adaha warbaahinta rasmiga ah, ayaan gaarin dadkii ay khusaysay sida reer guuraaga, beeraleyda, wadayaasha gaadiidka iyo bulshada ku nool tuulooyinka fog-fog ee warbaahinta dhegaysta. Halka inta Facebook-yada isticmaasha ee akhristayna u qaateen, qoraalladii been-abuurka ahaa ee baraha bulshada, waxaana sidaasi ku khasaartay digniintii wasaaradda oo aan dheg loo jalaq-siin. Maalin kadib digniintaasi, ayaa roobab mahiiggaana oo ka da’ay degaanno ka tirsan gobolka Nugaal, waxa ay mowjado daadad ah ku hafiyeen tuulooyin hoostaga degmooyinka Garoowe iyp Dangoroyo ee gobolka Nugaal, halkaasi oo ay ka geysteen khasaare baaxad weyn oo mood iyo noolba leh. Dadka dhibkaasi gaaray ayaa u badnaa, qoysaska reer miyiga ah oo sida la ogyahay aan isticmaalin baraha bulshada, laakiin wax dhegaysta oo laga yaabo, haddii warbaahinta lagala hadli lahaa in ay digniintaasi qaadan lahaayeen. PUNTLAND POST The post Facebook oo jaah-wareer ka abuuray Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Abaarso School, featured on 60 Minutes, in the New York Times and BBC World, is a non-profit boarding high school educating the best and the brightest Somali students in the Horn of Africa. The school prepares students to excel in higher education, while also focusing on extracurricular activities and community service. The school encourages morality and a strong sense of responsibility for improving the students’ community. While only founded in 2009, Abaarso School has achieved success not seen in the area for several decades. After four graduating classes, over 130 Abaarso students have earned full scholarships to continue their education abroad, including at Harvard, Yale, Columbia, Brown, MIT, Swarthmore, Amherst, Brandeis, and many more. The school won the 2018 International Somali Award for Outstanding Contribution to the Community, and is one of a handful of schools in sub-Saharn Africa to hold accreditation from the New England Association of Schools and Colleges (NEASC). Abaarso is looking for individuals interested in dedicating at least one year to training these top high school students. Teachers will join the school culture that puts the growth of the school and the students first, while finding a way around the challenges inherent in working in the developing world. Between the classroom, preparation, student groups, office hours, and other projects, teachers should expect approximately 70 hours of work each week. With successful performance, significant upward mobility is possible for staff members. The following qualifications and experiences are highly desired: prior teaching experience, altruistic work/volunteer experience, experiencing working with children, prior work or study experience in developing countries. Abaarso School is looking for teachers in various disciplines including English, computer science (computer literacy, networking, programming), math (up to Calculus), social studies, and the sciences (general science, physics, biology and chemistry). Abaarso School teaching positions are determined through a year-round rolling application process but we are currently accepting applications for teachers in various subjects for a start date in August 2019. To apply to teach at Abaarso, please submit an application through our website: http://www.abaarsoschool.org/apply/teaching, and then send a resume, cover letter and transcripts to teach@abaarsoschool.org Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qaramada Midoobay ayaa ka digtay xaaladda ay ku sugan yihiin kumanaan ruux oo Soomaali ah, kuwaasi oo la sheegay inay saameyn aan wanaagsaneyn ku yeelan doonto xaaladda abaaraha kasii daraya ee ka jira dalka Soomaaliya. Shan Milyan iyo Afar boqol oo Soomaali ah ayaa la sheegay inay saameyn ku yeelan doonto xaaladaha abaaraha ee ka jira dalka iyo deegaano dhowr ah oo ka tirsan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in abaaraha ay la xiriiraan dhinaca cimilada dalka iyo abaaro kusoo laalaabtay Soomaaliya, taasi oo saameyn kale ku yeelan doonto kumanaan ruux oo Soomaali ah. Qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay raad aan wanaagsaneyn ay ku reebtay abaartii sanadkii 2017 ka dhacday dalka, waxaana kumanaan ruux ay ku qasabtay inay ka cararaan guryahooda. Afhayeen u hadlay Hay’addani oo lagu Magacaabo Bieber Bloch ayaa sheegay in cunta yarida ay mar hore bilaabatay,isaga oo ka digay in waqtiga uu aad u yaryahay si loo gaaro dadka ay saameysay abaarta, waxaana uu intaasi raaciyay in Bisha soo socota ay xaalada aad uga sii dari karto. Sidoo kale waxa uu sheegay in xaalada (laba milyan iyo laba Boqol oo qof oo kun) oo Soomaali ah ay hadda la liitaan gaajo una baahan yihiin cunto iyo gargaarBani’aadanimo oo deg deg ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
PRESS RELEASE South Sudan: Government forces abusing civilians Rein in troops, ensure justice for abuse by all sides NAIROBI, Kenya, June 4, 2019/ — Government soldiers carried out extensive abuses against civilians during counter-insurgency operations in South Sudan between December 2018 and March 2019 in Yei River state, Human Rights Watch said today. The soldiers shot at civilians, looted extensively, burned homes and crops, and chased thousands of residents from their villages. Human Rights Watch also documented accounts of rape and sexual violence by soldiers. “Civilians are being targeted, killed, and raped, as government operations try to root out rebels in Yei River state,” said Jehanne Henry, associate Africa director at Human Rights Watch. “All parties need to put a stop to the crimes against civilians and ensure accountability, while the government should help people regain their homes and livelihoods.” Between March 14 and 21, Human Rights Watch interviewed 72 displaced people in Yei River state who witnessed the government operations in various locations in Mukaya and Otogo counties. Researchers also spoke with ceasefire monitors, aid workers, UN staff, and state government officials including the governor of Yei River State. South Sudan’s leaders signed a “revitalized” peace agreement in September based on a collapsed 2015 peace deal, but the conflict continued, primarily in Yei River state, where the National Salvation Front (NAS), an armed group formed in March 2017 by former Deputy Chief of Staff Thomas Cirillo, continues to fight the government forces. Parties to the peace deal were to form a Transitional Government of National Unity on May 12, but that has been postponed to November 12. While government soldiers were responsible for most of the abuses in the recent operations, rebel groups have over the past two years also attacked civilians and prevented aid workers from reaching civilians in need, Human Rights Watch found. Both National Salvation Front and the Sudan People’s Liberation Movement/Army in Opposition (SPLM/A-IO) under former Vice President Riek Machar abducted dozens of civilians in and around Yei in October and December, credible sources said. In response to NAS attacks on their positions, starting in December, government forces began operations against the groups in parts of Yei, Lujulo, Morobo, Mukaya, Otogo, and Mugwo counties. The operations caused approximately 9,000 people to flee to the town of Yei and another 5,000 to the Democratic Republic of Congo. In early March, operations displaced approximately 1,400 more people into Yei, according to officials of UNHCR, the United Nations refugee agency. In most cases, witnesses told Human Rights Watch, rebels had already left the areas before government forces arrived or tactically withdrew during the operations. They said that soldiers surrounded and entered villages in search of rebels, attacked civilians, detaining some, shot in the air or at animals, then proceeded to loot property, destroy and burn homes, and to force everyone to flee. “They were randomly shelling,” said a 60-year-old man from Morsak in Otego county. “It started on January 30 at 5 p.m. and the next morning they came into the villages with guns shooting at civilians. […] We have 120 households there and they were mostly looted and burned, even the food items.” A 50-year-old farmer, who witnessed an early March attack on another village in Otogo county, said that soldiers burned crops and looted clothes, bikes, and motorbikes “[They] are now are selling some of our things in the market,” he said. Several older people and people with disabilities were not able to flee. Nicholas Taban Dario, chief of Pisak village in Otogo county, said that during attacks on the area in March, at least five older people and people with disabilities were left behind, including a blind woman in her 60s and a blind man in his 70s. Families were also separated during the skirmishes. “After I ran from the shelling, I went to look for my parents at home,” said a 14-year-old boy from Morsak. “Some soldiers were there, they found me and two of them started beating me with a stick on my back and shoulders. I ran away from them and they ran after me shooting at me.” He said he escaped to Yei on foot but did not know where his parents were. Many of those interviewed in Yei had been displaced by the fighting multiple times. During 2017, approximately 60 to 70 percent of the population in Yei town fled to refugee settlements in Uganda. Yei River state authorities have denied the scale of displacement. County commissions have pressed displaced people to return home immediately and discouraged aid agencies from providing services to them in town. However, thousands of people remain displaced in Yei, unwilling to risk moving back to their villages and face more fighting and abuse. Government officials also denied the extent of the violations or the need for justice. The Yei River state governor said that soldiers were “sometimes undisciplined” but that the crimes were not government policy. In late March, weeks after meeting with Human Rights Watch, the governor publicly called on the soldiers to stop harassing civilians. “I want good relationship with the civilians and the bad things done by you [soldiers] must come to an end,” he said. “I want protection and respect for the civilians.” The government of South Sudan has yet to address accountability, including by making progress in establishing an African Union hybrid court envisioned in the 2015 and 2018 “revitalized” peace deal. The hybrid court would be an important forum to provide justice for the most serious abuses committed in the conflict. South Sudanese authorities should immediately proceed with endorsing an outstanding memorandum of understanding on the court with the African Union Commission. The government’s inaction and long delays meanwhile provide ample grounds for the AU Commission to proceed unilaterally with establishing the court, Human Rights Watch said. Authorities should go a step further and ensure all displaced people in need have access to humanitarian aid, Human Rights Watch said. “While the situation now in Yei may be calm, abuses against civilians have not been addressed,” said Henry. “Authorities should acknowledge the scope of the abuses inflicted on civilians, enable justice for victims, and prioritize getting aid to those in need.” Distributed by APO Group on behalf of Human Rights Watch (HRW). SOURCE Human Rights Watch (HRW) Qaran News
-
Warqad Furan oo ku Socota Golaha Madasha ee Somaliland Ujeedo: Bushadda Rayidka (Civil society) Qof kasta oo muwaadin ah waxaa ku waajib ah inuu ka qayb qaato horumarka dalka, mid dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho. Bulshadda Rayidka (Civil society) ahi waa hormoodka wadan ku toosiya kolba wixii ka khaldama. Waxaa meesha ka muuqda in Bulshada Rayidka (Civil society) aysan ka qaadan doorkii ay lahaayeen sidii ay toosin lahaayeen xukumadda wadanka ka Talisa iyo wixii kale ee wadanka ka khaladanba. Xaqiiqaddu waxay tahay in ay gabeen doorkooddii. Marka, aan ka reebo Golaha Madash Wadatshigga. Golaha Madasha Wadatashiggu leeyahay waxa aad muujiseen: wadan jacayl, muwaadinnimo, lexjeclo aad wadanka ka qabtaan iyo xilkasnimo, waana aad ku amaaan tihiin mid hore iyo mid danbeba. Waxaan aaminsanahay in aad mudan tihiin Sharaf iyo karaamo. Bulshadda Rayidka (Civil society) waxaa inta badan uu Banka Addunku (World Bank) ku qeexa ama ku sheegaa sida, hay’adaha aan dawligga ahayn (Non-government organization), Ururdda shaqaalaha (Labor Union), Ururadda xirfadlayaasha (Professional association), Ururdda diinta (Faith organization or faith- based organizations), iwm. Waxaa addunyaddu u aqoonsatahay Bulshadda Rayidka inuu yahay dhaqdhaqaaq aan dawligga ahayn (Non-state movement) Ujeedda qoraalku waa laba qodob midka koowaad wuxuu yahay haddii aad tihiin Golaha Madasha Wadatshiggu in aad ku dhiirataan in Bulshadda Rayidka ah abaabushan oo horeseed u noqotan, oo aad wadtashi la samaysaan sida, ururdda xirfadlayaasha (Professional association) sida dhakhaatiirta, Maclimiinta Jamacadda iyo Dugsiyadda Sare, iwm. Waxaa kale loo baahan yahay in aad dhiirigelisaan in ay ka qabqaatan toosinta iyo sixitaanka saxaan hay’addaha dawligga ah (Public institutions), waxaan ka warqabnaa in Somaliland ay baahan tahay in wax-weyne laga bedelo, oo ay ugu horeyso qabsoomida doorashooyinku. Haddii aysan Bulshadda Rayidka (Civil society) culays saarin arrinta waxaa xaqiiq ah in aysan qabsoomayn doorashooyinkaasi. Qodobka labaad waa dhaliilaha aad u soo jeediseen xukummada maanta wadanka ka talisa. Dhaliilaha aad soo qaadateen waa mid jira oo aan cidna dafiri karin ama inkri karin. Waxaase dhaliilaha u muuqdeen mid aydinaan ku midaysnayn ee qofkastaa oo idinka mid ahi si gaar aha u cabiraayey aragtiddiisa ama dhaliisha ku aadan xukmadda iyo golayaasha Waxaa idin soo jeedin lahaa in aad qoraal ku soo saarataan dhaliilaha aad soo jeedisaan, idinka oo qodobeeyey. Ma aha inaad saxaaafadduun la hadashaan ee waa in dhaliisha aad qoraal ahaan u gaadhsiisan ama ka dalbataan fadhi. Saxaafadduna waa in ay qoraal ahaan ku heshaa, isla markaan, aad si toos ah uga hadashaan. Mar labaad waxaan idinku amaanayaa xilka aad isa saarteen idinka oo aan wax dheef ah ku qabin, dhaliil iyo af-xume mooye, laakin inta wax-garadka ahi waa idin ogyihiin abaalka. Allah Mahad leh Osman Awad Qaran News
-
The battle for Sudan’s future reached a critical point with the brutal crackdown on a protest camp in Khartoum. Much of it depends on how the ambitions of interim vice president and ex-Janjaweed chief, Mohamed Hamdan "Hemedti" Dagalo, are handled. Source: Hiiraan Online
-
Former Nigerian dictator's £210m seized from Jersey account
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
More than $267m (£210m) belonging to a former Nigerian dictator has been seized from a Jersey bank account. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Milateriga Soomaaliya gaar ahaan ciidanka ilaalada Madaxtooyada ayaa gacanta ku dhigay dagaalame ka tirsan Al-Shabaab oo hubeysan kaas oo xoog ku soo galay dhismaha guriga Hooyooyinka ee ku yaalla degmada Xamar-wayne. Subaxdii Axadda ee todobaadkaan islamarkaana ay saacadda ku beegneed 5:30 am (Shanta iyo barka sabaxnimo) ayaa nin ku hubeysan Bastoolad waxa uu ka soo gudbay barta Kontaroolka ee taalada Xaawo Taako isagoo ka soo cararay Askari halkaasi ilaalo ka ahaa. Ninkaan ayaa laga shakiyay waxaana lagu amray in uu dhigo Bastoolad uu watay markii uu dhigay ayuu cararay waxa uuna galay dhismaha guriga Hooyooyinka. Waxa uu ka soo gudbay ciidamo Booliis ah oo fadhiyay Albaabka dhismaha Hooyooyinka, waxaana ceersanayay Askar ka tirsan ciidamada ilaalada Madaxtooyada. Ninkaan Al-Shabaabka ah oo ka fakaday ciidamada ilaalada Madaxtooyada sidoo kalane ka soo gudbay ciidamada Booliiska ee ilaaliya guriga Hooyooyinka ayaa waxaa markii dambe celiyay difaacyo ka sameysan carro tuurro iyo silig la isku xir xiray. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in nin ninkaan markiisii hore ka tirsanaa ciidmada ilaalada Madaxtooyad,a waxaana la waayay muddo sanad ka hor ah isaga iyo Askari kale. Markaas waxaa soo baxayay warar sheegaya in ay u galeen Al-Shabaab ama Daacish. Hadda waxa uu maalmo ka hor soo dagay guri u dhow Maktabadii hore ee Qaranka, waxaana soo damiintay qof mas’uul sare ah oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya sida uu sheegay Askari kale oo la daganaa qolka ninkaan Al-Shabaabka ah ee la qabtay. Askarigaan xogta dhiibay ayaa la qabtay isagana kadib markii uu soo daba-kacay ninka la qabtay islamarkaana sheegay in uu ka soo qaatay Bastoolad isagoo hurdaya maadaama ay hal qol wada-daganaayeen. Labadaan nin oo looga shakisan yahay Al-Shabaab midkoodna hadda ka tirsan yahay ciidamada Dowladda ayaa waxaa lagu xiray Xabsi ku yaala Madaxtooyada Soomaaliya mana jirto cid faah faahin ka bixisay howlgaalkaan lagu soo qabtay ragaan Al-shabaabka ah. Dad ku sugnaa dhismaha Hooyooyinka ayaa Caasimada Online u sheegay “waxay aheyd Aroor hore waxaan maqalnay qeylida nin dhahaya “ha idilina ha idilina” markii aan so baxnay waxaan aragnay nin la jiidaya oo dhahaya “halkaan igu dila yaan ley-geynin CID iyo su’aalo kale.” “Ninka kale ee la qabtay waxa uu sheegay in uu daba joogay Bastooladiisa oo laga soo xaday waxa uu dalbanayey in CID iyo meel kasta la geeyo nin dhiiran ayuu ahaa cabsi ma qabin sida kale “ ayuu yiri qof la hadlay Caasimada Online oo ku sugnaa dhismaha Hooyooyinka markii la qabanayey ragaan hubeysan. Sarkaal sare oo ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay “baaritaanada hor dhaca ah ee la helay waxay sheegayaan in ninkaan hubeysan uu damacsanaa in uu toogasho ka fuliyo agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya inta ay dadka hurdayaan.” Al-Shabaab ayaa la sheegay in laba jeer oo hore ay isku dayeen in ay weeraro ka fuliyaan dhismaha guriga Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho. Tan iyo markaas waxaa jiray walaac amni oo ka taagnaa gurigaasi iyadoo inta badan shaqaalihii ay mid mid uga tageen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(CNN)At least 60 people are dead and over 300 injured after troops stormed the main camp of pro-democracy protesters in Sudan's capital Monday, according to the Central Committee of Sudan Doctors (CCSD). Source: Hiiraan Online
-
Police are searching for two men who were seen running away from the scene of a fatal stabbing. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xafiiska diblomaasiyeed ee Kenya ay ka furaneyso magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyey wargeyska The Standard ee Nairobi, ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay wararka sheegaya in Kenya ay xulufo ka dhiganeyso maamul goboleedyada Soomaaliya, gaar ahaa maamulka Somaliland. “Dowladda Soomaaliya ayaa ah tan Kenya u fasaxday inay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo tix-raacaya xafiiska la qorsheeyey in Kenya ay ku yeelato Hargeysa. Dhinaca kale, Cawad ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay sidoo kale Soomaaliya u ogolaatay inay qunsuliyad ka furato magaalada Mombasa ee dalka Kenya, haddii ay sidaas dooneyso. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya aysan dooneyn inay Kenya la gashay dagaal, oo ay ka aarugudato tallaabo kasta oo ay qaado, wuxuuna sheegay inay doonayaan deris wanaag. Kenya ayaa dhowaanahan sii kordhisay tallaabooyinka Soomaaliya ka dhanka ah ee ay qaadeyso, ayada oo ay soo dhowaatay waqtiga la filayo in maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ ay ku dhowaaqdo go’aanka kiiska badda ee ka dhaxeeya labada dal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Abu Dubai (Caasimaddda Online) – Sida ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ay xaqiijiyeen, dhaxal-sugaha dalka Imaaraadka Carabta Maxamed Bin Zayed ayaa bilaabay dagaal culus oo uu la galayo Dhaxal Sugaha Dalka Sacuudiga Maxamed Bin Salman kadib markii uu Riyadh u arkay inay caqabad ku tahay saameynta wadankiisa ee Gobolka. Arrintaan ayaa waxaa soo shaac bixiyey Wargeyska New York Times oo sheegay in labada wadan sidoo kale uu ka dhaxeeyo Khilaaf dhanka Xuduuda ah oo keenay inay Imaaraadka dagaal dadban ku bilowdo Sacuudiga. Wargeyska ayaa sheegay in Maxamed Bin Zayed uu Mareykanka la sameesanayo xiriir guud isagoo taas u marayo muuqaal xumeynta Maxamed Bil Salman illaa uu ka gaarsiiyo inuusan si rasmi ah ugu fadhiisan kursiga Boqortooyada Sacuudiga. Ilo diblomaasiyadeed oo aad ugu dhow Maxamed Bin Zayed ayaa New York Times u sheegay inuu aad u dhibsanayey Sacuudiga tan iyo markii ay xiriir dhow la sameysteen Wakaaladda Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da. Sidoo kale Bin Zayed ayaa la sheegay inuu Mareykanka u gudbiyey xog ku aadan in Maxamed Bin Salman uu ahaa ninkii amray dilka Warihii Sacuudiga ee Jamal kaasoo lagu dhex gowracay Safaaradda Sacuudiga ee Istanbul. Sirtaan uu faafiyey wargeyskaan ayaa laga yaabaa inay xiisad ka dhex dhaliso Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ku mideysan hal xulufo balse ay hadda soo baxeyso inay jirto cadowtooyo qarsoon oo aan la isku sheegeen. Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa iska kaashaday dhawr xasarad oo ka dhex dhacday Carabta dhexdeeda oo ay ugu waaweyneyd go’doomintii lagu sameeyey dalka Qatar iyo Dagaalkii tooska ahaa ee lagu qaaday Wadanka Yeman. Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa lagu eedeeyaa inay dabadhilif u yihiin Dowladda Mareykanka isla markaasna ay sameeyaan wax kasta oo uu Mareykanka doonayo. Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa horey ugu jees jeesay Dowladda Sacuudiga isagoo sheegay inuu isaga ilaaliyo Boqortooyada la’aantiisna aysan hal asbuuc jiri karin taas badalkeedana laga rabo inay lacago siiso Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Abu Dubai caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa waxa uu ka jawaabey eedeymo maamulkiisa dhowaanahaan uga imaanayey qaar kamida murashaxiinta doorashada fooda nagu soo haysa. Eedeymahaasi oo uu Axmed Madoobe ku tilmaamay “waxba kama jiraan” ayaa ahaa in Guddiga doorashadda uu isaga u xag-linayaa iyo in uu afduubanayo nidaamka soo xulista Xildhibaanadda cusub. “Murashaxiinta waxaa lagu yaqiinay in ay dhaliilaa maamulka, laakiin haddda iyagaa dhibaato abuuraya oo ay laamihii amniga ka cararayaan,” ayuu ku yiri khudbadiisa munaasabadda Ciidul Fidriga. Madaxtooyada ayaa ku eedeysan in ay maal-gelineyso olale daaqada looga saarayo Axmed Madoobe xili wasaarada arrimaha gudaha federaalka dhowaan soo saartay Habraac loo marayo doorashooyinka maamulada. Hogaamiyaha maamulka Kismaayo ee xafiiska jooga tan iyo 2013-kii oo si adag ka fal-celiyey gacma-gacmeynta xukuumada iyo bayaanka wasaaradda ayaa wuxuu si weyn uga digay in ay ka dhalato gacan ka hadal. Habraaca wasaaradda ayuu tibaaxay in loo baahnaa in la sameeyo kahor aas-aaskii dowlad goboleedyadda shanta ah ee waqti xaadirkaan waddanka ka jira. “Marka hore waxaa la lahaa muddo kororsi buu doonayaa oo dacayaad aheyd, haddana waxay leeyihiin guddiga baa si wax ka yihin. Doorashada nidaamka saxda ah iyo sida uu qabo dastuurka Jubbaland ay ku dhaceysaa. Guddi ayaa jira oo iyaga iyo aniga u dhaxeeya. Cid farogelin kartaa ma jirto, sidey shalay u soo qab-sadeenn reer Jubbaland ayey maantana u qabsanayaa,” ayuu xusay. – Weerarka madaxda dowladda federaalka – Mr Axmed Madoobe oo Kismaayo ka xoreeyay Al-Shabaab isaga oo garab ka helaya Kenya ayaa waxa uu mar kale doonayaa in dib loo doorto hasayeeshee waxaa ka biyo diidan madaxda dowlada oo murashax gaar ah wata. “Waxaan isku deynay in aan isku keeno oo wax badan la isla qaato. Macal-asaf-Shadiid! Hogaanka dowladda ee maanta jira waxaa uu madow kaga jiraa waxa waddankan kasoo dhacay iyo waxa loosoo maray,” ayuu shaaciyey Axmed Madoobe. Isaga oo hadalkiisa sii wata oo ku dhaleeceeyay madaxda ugu sareysa dowladda federaalka “falal aan ku jirin” Axdiga Qaran ee qabyadda ayaa waxaa uu ka digay in la isku dayo awood-adeegsasho. “Dowladda waxaan oran lahaa ha ilaaliso waxa heshiiska lagu yahay. Dastuurbaa lagu heshiiyey. Isagagaasi lagu kala aran-yahay. Madaxweynaha, Afhayeenka iyo Ra’iisul Wasaaraha isagey ku yimaadeen. Hadii kaasi la waayo Soomaaliya way is-garatay, nin-nin ka xoog badan ma jiro. Hadii dastuurka lagu dhaqmi waayo oo loo hogaan-sami waayo waxa dadka ka dhaxeeya, cidna-cid kale ma qasbi karto, ma xoog karto, Soomaaliduna dhaqankii xumaanta ayey ku noqoneysaa, taasina xal maaha, waa in Dastuurka lagu dhaqmo, loona hogaan-samo isagaasi,” ayuu hoosta ka xariiqay, isaga oo ay caro badan ka muuqato. – ‘Qaacidada Annaa Iri ee Villa Soomaaliya ma aqbalayo’ – Madaxweynaha Jubbaland oo sii hadlaya ayaa wuxuu ku eedeeyay madaxda dowlada federaalka “federaal diidnimo iyo kali-talisnimo” taasi oo uu si cad daaha uga rogay in uusan marnaba aqbali doonin. “Waxaan leeyahay madaxda dowladda dhexe, waddankaan boogog buu leeyahay ma bog-sanin, isku wadda buu u baahan yahay, sharci buu u baahan yahay, oo lagu ilaalin karaa ee laguma wada joogi karo ‘Anna iri”.. Qaacidada aan shalay Shabaabka ku diiday in maanta Villa Soomaaliya laga soo yeeriyo ma aqbalayo. Ha-qaateen sharciga ay meesha ku joogaan, hadey ku joogi waayaan sharciga, qof walba irid buu leeyahay isagaa loo baneynayaa oo maraya, aan ilaalino sharcigaan ku heshiinay ee yaalla,” ayuu ku nuux-nuuxsaday. Hogaamiyaha Jubbaland oo sii hadlaya ayaa waxaa uu “waxba kama jiraan iyo dhar la isku soo cabiray ku sifeeyay” dhamaan sharciyadda ay diyaarisay xukuumadda sida kan doorashooyinka iyo kheyraadka. “Boogagta wali ay bisil-yihiin. Waxaana dooneynaa in la bogsiiyo. Kaliya ma ahan Kismaayo oo tusaale idin kugu fulin tahay meelaha kale oo idil way kala siman yihiin,” ayuu raaciyey. Amniga oo uu ka digay in la siyaasadeedyo lana abuuro xasilooni daro baahsan ayuu carabka ku adkeeyay in uusan marnaba indhaha ka fiirsan doonin, wallow uusan shaacin talaabada uu qaadayo. “Murashaxiinta iyo ragga kale ee halkaan imaan doona wixii olale ah guddiga ayay u taalaan, waxa kalena waa laga gorgortami karaa, laakiin mas-aladda amniga gorgortan ma gelayso. Amniga waa dhaxalka aan ka tagayo. Dad wada nool oo walalo ah oo qof kasta sharciga la marsiiyo ayaan rabaa in aan ka tago. Kuwii shalay dhibta lagula gaarsiiyey ee dhabarkooda la saarnaa baa haatan socda, dowlada dhexe dhibaa naga soo gaarey, in aan ka gaabsanay oo heerkan ka keentay. Reer Jubbalanow nabad baa wax idin ah. Odayaasha iyaga ayay koreysaa mas’uuliyadda ugu badan isu imaada oo heshiiya,” ayuu kusoo xiray hadalkiisa madaxweyne Axmed Madoobe. Hadaladaan fariimaha culus xambaarsan ee kasoo yeeray hogaamiyaha Jubbaland ayaa imaanaya iyadda oo dowladda federaalka ah ay wado dedaaladii ugu dambeeyay ee ay ugu dhaqaalo uruur-saneyso in ay ka taqalusto Axmed Madoobe iyo Xaafka Galmudug. Hoos ka daawo Axmed Madoobe Xigasho: Garowe Online
-
Dowladda Puntland ayaa nawaaxiga tuulada Sinujiif ee gobolka Nugaal ka bilowday dadaal dib loogu furayo isu’socodka gaadiidka magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso oo hakad ku jiray tan iyo markii ay go’day wadadaasi. Hawlaha dib u furista wadada ayaa xalay ka bilowday dooxada Midigar ee degaanka Sinujiif halkaasi oo uu ka go’ay laamiga kadib daadad xooggan oo ay ku fataheen roobab mahiiggaana oo gobolka ka da’ay maalmihii la soo dhaafay. Qorshan ayaa sida la sheegay lagu doonayaa in lagu furo isu’socodka gaadiidka laamiga dheer ee magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso oo mudda xanniban ka hor la bilaabin dib u-hagaajinta iyo dhismaha wadada oo halbowle u ah isku’ xirka degaannada Puntland iyo guud ahaan dalka. PUNTLAND POST The post Dadaal dib loogu furayo isu’socodka wadada laamiga oo ka bilowday degaanka Sinujiif appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa xayiraadda ka qaaday taageeradii uu siin jiray maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, islamarkaana ogolaaday in dib loo billaabo. Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa taageerada laga joojiyey bishii December ee sanadkii tagay kadib rabshado ka dhacay magaalada Baydhaba intii lagu guda jiray doorashada maamulkaas, taasi oo ka dambeysay markii la xiray Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo ka mid ahaa murashaxiinta. Booliska Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu eedeeyey waqtigaas inay ka qeyb galeen rabshadaha oo ay ku dhinteen dad badan oo u badnaa taageerayaasha Roobow. Warqad kasoo baxday Midowga Yurub oo ku taariikheysan 31-ka May oo ay heshay Caasimada Online ayaa lagu sheegay in go’aanka xayiraadda looga qaaday Koonfur Galbeed ay ka dambeysay ballan-qaadyo ay sameeyeen maamulka iyo dowladda federaalka oo Midowga Yurub warqad u qortay bishii Febraayo. Lama sheegin waxa ay yihiin balla-qaadyadaas. Warqadda kasoo baxday Midowga Yurub ayaa waxaa ku saxiixnaa wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo safiirada dalalka Jarmalka iyo UK ee Soomaaliya. Hoos ka aqriso warqadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ciid Mubaarak Dhamaan Madaxda Shirkadaha TransferGalaxy , waxay hambalyo iyo bogadin u dirayaan dhammaanba ummadaha Islaamk iyo dhamaan macaamiisha qaaliga ah ee ku xidhan shirkadda, bahda saxaafadda iyo dhammaanba umada somaliyeed meelkasta oo ay jogaan waxaanu leenahy ciid wanaagsan Insha Allahu in Ciidan Ciideeda ku gaadhan barwaaqo, nabad-gelyo, caafimaad qab iyo cibaado suuban. Ilaahayna (SWT) ha innaga aqbalo Acmaashii Saalixa ahayd ee aan soo gudanay Bisha Barakaysan ee Ramadaan. Aamin aamin amin Best Regards, Mustafa Ibrahim CCO Qaran News
-
Qaran News