-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magaalada Qardho ka daah-furay Shirka dib u eegista adeeg bixinta baahsan ee degmooyinka, guulaha la gaaray iyo caqabadaha Jira. Shirkaan waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinayey , xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Agaasimayaasha guud, guddoomiyayaasha degmooyinka, howl wadeeno kale oo ka socday dowladda iyo marti sharaf kale. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa shirka khudbad uu ka jeediyay waxa uu ku dheeraaday muhiimadda shirkaan looga hadlayo horumarinta degmooyinka Puntland. “Waxaynu halkaan isugu nimid inaynu dib u milicsano howlihii sanadka 2018-2019 ee adeeg bixinta fidsan ee dowlaha hoose, wixii inoo qabsoomay, wixii inaka baaqday, Caqabadaha jira iyo xal u helliddooda iyo hiigsigeena Mustaqbalka”. Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed karaash. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay inay qabsoomeen howlihii adeeg bixinta ee tijaabada ahaa ee uu ka howlgalo mashruuca JPLG, kaas oo ay iska kaashadaan dowladda Puntland iyo hay’addaha Qaramda Midoobay, waxaana uu xusay in loo baahan yahay in dedaalka halkaasi laga sii badiyo. Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa kasoo qayb galayaasha ku booriyay inay shirkaan maanta kasoo saaraan Talooyin ku aadan sidii loo gaadhi lahaa adeeg bixin baahsan oo laga hirgaliyo dhammaan degmooyinka, taas oo ay taageerayso dawlada dhexe ee Puntland. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Furay Shir Dib Loogu Eegayo Mashruuca Horumarinta Degmooyinka Puntland Ee JPLG appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari ayaa maanta xorriyaddooda dib ugu celisay afar xubnood oo ka tirsan guddiga dib u-dhiska wadada bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Saddex xubnood oo guddiga ka tirsan ayaa Khamiistii hore xabsiga la dhigay kadib markii ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka guddoomeen lacag deeq ah oo aan soo marin nidaamka Maaliyadda Puntland taasi oo dowladda Federaalku ugu deeqday dib–dhiska wadada bartamaha Boosaaso. Sidoo kale guddoomiyaha guddiga dib-u-dhiska wadada bartamaha Boosaaso Sheikh Maxamed Macallin Axmed ayaa isna xabsiga la dhigay laba maalmood ka hor isagoo ka soo laabtay safar uu puntland uga maqnaa. Xubnaha la xiray oo dhammaantood duhurnimadii maanta la horgeeyay maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari ayaa xorriyadooda dib loogu celiyay kadib markii sida la sheegay wax dembiya lagu waayay. PUNTLAND POST The post Guddigii dhismaha wadada Boosaaso oo xabsiga laga sii daayay appeared first on Puntland Post.
-
Abdicasiis Diiriye Dahir Oo Shalay Lagu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa sheegtayna inuu yahay xildhibaan lagasoo doortay deegaanka Hylte ayaa laxaqiijiyay inay been tahay waxbana kajirin kadib markii dad deegaankaasi kunooli ka yaabeen sheegashadiisa. Kana waayeen magacaciisa sheegeen inuu isasoo sharaxay balse cidba u codayn kana mid ahayn golaha deegaankaasi. Fariin aanu u dirnay degmada uu sheeganayo Ee Hylte ayaa maamulkaasi laf ahaantiisa ku cadeeyeen inuu ka mid ahayn golaha deegaankaasi sheegashadiisuna been cad tahay. Cabdicasiis Dahir waxaa baraha bulshada loogu sheegay inuuna bilaabin wax kala dhex dhigaaya shiki iyo kala aaminaad ku abuura shacabka somliland iyo qurbajoogta waxaan loogu baaqay inay tahay dambi in qofku darajo uu gaadhin ka sheegto dhul uu isleeyahay lagu a zoo baadhi karo. Cabdicasiis Diiriye maaha xildhibaan warbaahintana ha usoo bandhigo goorta la doortay. Hoos ka akhriso maamulka golaha deegaanka uu sheegay Ee Hylte iyo dadka kusoo baxay doorashada. Xalkan ka eeg magacyada golaha deegaanka ee degmada uu sheegtay HALKAN GUJI SI AAD U AKHRISATID Qaran News
-
Turkey strongly condemned Monday’s terror attack in the Somali capital Mogadishu. “We strongly condemn the terrorist attack perpetrated this morning by a car bomb targeting a hotel in Mogadishu, causing death and injury of numerous people,” the Foreign Ministry said in a statement. The bombing killed at least 10 people and wounded several others. “We wish Allah’s mercy upon those who lost their lives, a speedy recovery to the wounded and convey our condolences to the friendly and brotherly Government and people of Somalia,” it added. Al-Shabaab has claimed responsibility for the attack. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa ku eedeeyay Dowladda Qatar in qaraxyada iyo dagaaladda ka dhaca Soomaaliya ay u adeegsato Al-Shabaab iyo Daacish. Xisiga oo soo xiganaya war uu qoray wargayska New York Tames ayaa ku eedeeyay dowlada Qatar in ay garab siido kooxaha argagixisada ah. Halkaan ka aqriso warka ka soo baxay xisbiga Wadajir.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo soo xiganaya warbixin lagu daabacay wargeyska New York Times ee ka soo baxa waddanka Maraykanka, ayaa Golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday in ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan, eedaymo ku xusan warbixintaasi oo sheegaya in dalka Qatar uu ku lug’lahaa qaraxyo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Madaxweynaha ayaa sheegay, in eedaymaha ku qoran warbixinta wargeyska New York Times ee dowladda Qatar la xiriirinaya, qaraxyo ka dhacay magaalada Boosaaso iyo dilkii loo geystay madaxii shirkadda P&O Ports ee hoostagta DP World Paul Anthony Formousa, ay yihiin kuwa sax ah, islamarkaana u baahan in baaritaan dhab ah lagu sameeyo, si xaqiiqadeeda u dambaysa loo gaaro. “waxaan qirayaa oo ku kalsoonahay in warkaa ay sheegtay uu yahay war xaqiiqo ah, waxaan ka codsanayaa Golayaasha Baarlamanka ee Aqalka sare iyo Aqalka hoose iyo xukuumadda Soomaaliya, in arrintaasi baaritaan dhab ah laga sameeyo. Ma oronaayo waa xaqiiqadii u dambaysay, laakiin waxay aburutay tuhun dadka qaarkiis ay qabeen” ayuu yiri madaxweyne Deni. Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa ku soo beegmay, maalin kadib markii wargeyska New York Times ee ka soo baxa waddanka Maraykanka, uu daabacay warbixin ka hadlaysa saamaynta loolllanka waddamada Khaliijka iyo dalka Qatar uu ku yeeshay gudaha Soomaaliya, gaar ahaanna dhinaca xasiloonida iyo amniga. Warbixinta ayaa lagu soo daray sheeko uu wargeysku dhegaystay oo dhexmaray safiirka Qatar u jooga Soomaaliya iyo ganacsade u dhashay isla dalkaasi oo ka sheekaysanaya qaraxyo iyo dilal ay Boosaaso ka geysteen kooxo fulinaya danaha waddanka Qatar, si Imaaraadku uga cararo halkaasi, balse dowladda Qatar ayaa beenisay eedaymahaasi ku xusan warbixinta. Halkaan hoose ka daawo hadalka madaxweyne Deni PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo dowladda Qatar ku eedeeyay qaraxyada ka dhaca magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya Gedo, Jubbaland ayaa sheegaya in qarax miino lala eegtay kolonyo Ciidamada Itoobiya oo ku safraayay Gobolkaasi. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay wadada xiriirisa Luuq iyo Yurkud, iyada oo la sheegayo iney jiraan khasaare badan. Gaari ka mid ah Kolonyadii ay wateen Ciidamada Itoobiya ayaa Qaraxaasi lala eegtay, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay arkayeen khasaaraha Ciidamada Itoobiya Qaraxaasi ka soo gaaray. Qaraxa kadib, wararku waxaa ay intaasi ku darayaan iney jirtay is rasaaseyn dhex martay labada dhinac, oo khasaarahaha uu intaasi ka badan yahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Boris Johnson won the race to become Britain's next prime minister on Tuesday, but will face a confrontation over Brexit with Brussels and members of his own party as well as a tense diplomatic standoff with Iran. Source: Hiiraan Online
-
Baydhabo (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maanta gaaray magaalada Beydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa furay Madasha arrimaha bini’aadninimada dalka. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa furitaanka madasha ka sheegay in ay muhiim tahay in maskaxda ay shiilaan ka qayb galayaasha madasha, ayna fikirkooda isu geeyaan kana soo saaraan natiijo wax ku ool ah oo ka qayb qaadaneysa hagaajinta xaaladda bini’aadninimo ee dalka. Waraaradda arrimaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo agaasintay Madasha arrimaha bini’aadninimada dalka oo looga hadlayo xaaladda bini’aadninimo ee dalka iyo qorshaha lagu horumarinayo mashaariicda dhanka bini’aadninimada. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda furitaanka Madasha arrimaha bini’aadninimada dalka oo ay ka qayb gelayaan wasiirro ka tirsan xukuumadda, mas’uuliyiin ka socota dowlad gobaleedyada dalka iyo deeq bixiyaasha. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Golaha aqalka sare ayaa maanta Akhrinta Kuwaad Marsiiyay hindise sharciyeedka shirkadaha, kaasi oo ay soo gudbisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dalka. Sharcigaan Warshadaha haddii uu meeelmaro waxa uu sal dhig u noqon doonaa isku xerka ganacsiyada dalka iyo kuwa suuqyada Caalamka, fududeynta maamulada, diiwaangelinta shirkadaha ganacsiyaga iyo maalgashiga, waxaana kulanka maanta ay golaha aqalka sare ku yeesheen xarunta golaha akhrinta kuwaad ku marsiiyeen hindise sharciyeedka warshadaha dalka. Guddoomiyaha Golaha aqalksa sare ee BFSoomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa furay kulanka oo shir gudoominyay, waxaana uu akhiriyaya ajandaha laga doodayo maanta. Ahmiyada uu u leeyahay dalka ayuu ku ekaa maadaama uu xeer hooseedka uu yahay in ka doodista iyo su’aalo weydiinta ay tahay akhrinta 2-labaada, sidaa daraadeed eng.Cabdullaahi Cali Xasan Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha ayaa ka hor akhriyaya heerarka uu soo maray hindise sharciyeedkaan, waxaana uu sheegay in la soo geliyay latashiyo farabadan oo ka mid ah hay’adaha dalka. Kalfadhiga 5-Aad kulankiisa 12-aad ee golaha maanta waxaa soo xaadiray 29 xubnood, iyadoo uu shir gudoominayay Guddoomiyaha oo ay wehliyaan labadiisa ku-xigeeno waxaana soo xeray Gudoomiyaha golaha Aqalka sare mudane Cabdi xaashi Cabdullaahi. View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-23072019.mp3 View the full article
-
Boris Johnson ayaa noqonaya ra’isul wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska kadib markii loo doortay hoggaamiyaha xibsiga Conservative –ka, waxaa la sheegayaa in cod bixin dhacday uu uga adkaaday Jeremy Hunt Johnson ayaa xafiiska ra’isul wasaaraha la wareegi-doona galabta arbacada isaga oo badali-doona ra’isul wasaaraha is casishay ee Theresa May . Sida uu Borotokoolku yahay, Johnson waxaa uu marka hore tagi-doonaa qasriga boqortooyada ee Buckingham si loo aqbalo kadib ayuu aadi-doonaa daarta ra’isul wasaaraha ee No 10. Boris Johnson waxaa uu Soomaaliya yimid isaga oo ah wasiirka arrimaha dibadda bishii March 2017-kii, isaga oo la kulmay madaxda Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ka hadlay warbixin uu qoray wargeyska New York Times ee laga leeyahey dalka Mareykanka, oo shaacisay qarax ka dhan ahaa Imaaraadka Carabta oo ay ku lug lahayd Qatar. Siciid Deni oo daahfuray bandhigga buugaagata ee Garoowe ayaa ka hadlay warbixin uu wargeyska New York Times ka qortay qaraxyo Boosaaso ka dhacay ayuu Baarlamanka federaalka ka codsaday in baadhitaanno lagu sameeyo. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ka hadlay sababaha ay u diidaan taageerada DF ee Puntland ee muddooyinkan. Sida lagu sheegay warbixinta New York Times, cod uu helay wargeyska oo ah wada-sheekeysi taleefon, ayaa waxaa laga maqlay, Khalifa Kayed al-Muhanadi oo safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem ku dhahaya “waan ognahay cidda ka dambeysay qaraxyada iyo dilalka.” Al-Muhanadi ayaa sheegay in qaraxyada loo fuliyey “si loogu qasbso Imaaraadka Carabta inay ka cararaan Boosaaso.” “ha cayriyaan Imaaraadka, sidaas darteed ma cusbooneysiin doonaan qanadaraaska [DP World ee dekedda Boosaaso], waxaana qandaraaska keeni doonaa halkan Doxa” ayuu yiri Al-Muhanadi. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
New York (Caasimada Online) – Ganacsade xiriir la leh amiirka Qatar ayaa safiirka Qatar ee Soomaaliya u sheegay in weerar ka dhan ah Imaaraadka Carabta bishii May laga fuliyey magaalada Boosaaso, ayada oo loogu daneynayo Qatar, waxaa sidaas weriyey wargeyska New York Times. Sida lagu sheegay warbixinta New York Times, cod uu helay wargeyska oo ah wada-sheekeysi taleefon, ayaa waxaa laga maqlay, Khalifa Kayed al-Muhanadi oo safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem ku dhahaya “waan ognahay cidda ka dambeysay qaraxyada iyo dilalka.” Al-Muhanadi ayaa sheegay in qaraxyada loo fuliyey “si loogu qasbso Imaaraadka Carabta inay ka cararaan Boosaaso.” “ha cayriyaan Imaaraadka, sidaas darteed ma cusbooneysiin doonaan qanadaraaska [DP World ee dekedda Boosaaso], waxaana qandaraaska keeni doonaa halkan Doxa” ayuu yiri Al-Muhanadi. Safiirka ayaa kadib u sheegay ganacsade Al-Muhanadi in weerarada loo fuliyey si Imaaraadka loogu qabso inay ka cararaan Soomaaliya.” “Saaxiibadeena ayaa ka dambeeyey weerarkii ugu dambeeyey” ayuu ku jawaabay Al-Muhanadi. Mar ay New York Times wax ka weydiisay codka la helay, Al-Muhanadi iyo dowladda Qatar midna ma beenin sax ahaanshaha wada-hadalka taleefon, oo ay si sir ah u duubeen sirdoonka dowlad kale. Inta uu socday wada-hadalka, ganacsadaha reer Qatar ayaa safiirka u sheegay inuu xiriir la leeyahay xubnaha ka tirsan qoyska madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo ka caawin doona in heshiiska dekekdda Boosaaso laga soo wareejiyo shikadda DP World ee Imaaraadka laguna beddelo shirkad Qatari ah. Safiirka Qatar ee Soomaaliya, Hassan bin Hamza Hashem oo ay xiriir la sameysay New York Times ayaa beeniyey inuu ganarayo Al-Muhanadi, wuxuuna damiyey taleefonka. “Waxaan ahay nin howl gab iyo ganacsade ah…mana ma talo dowlad” ayaa laga soo xigtay Al-Muhanadi. Dowladda Qatar ayaa sidoo kale sheegtay inaysan faro-gelin arrimaha dalalka madax banaan, islamarkaana cid kasta oo sidaas sameysay aysan ka wakiil ka ahayn dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Somali PM praised for his peace-building effort in Galmudug
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The representatives of the international community in Somalia have lauded the efforts by the premier in rebuilding government institutions, the integration of the local forces into the national army and the reconciliation in Galmudg state. Ambassadors from Turkey, Qatar, Norway, Ethiopia, Kenya, Italy and envoys representing UN, EU and IGAD were present during an official event to integrate local forces into the national army in Dhusamareb on Monday. Hassan Ali Khaire held talks with representatives of the international community in the country during the opening of training for recently integrated local forces into the national army. The Prime Minister also reiterated his calls for support to the international community officials during the meeting. Khaire was crisscrossing the state in past four weeks to build trust while paving way for a political solution ahead of the upcoming regional elections. One of the major gains during his visit is the deployment of federal government security agencies following an agreement with Sufi group Ahlu Suna Wal Jama. View the full article -
Heavy fighting reported between Somali troops backed by Djibouti peacekeepers and Al-Shabaab in Hiran region of central Somalia on Tuesday, residents, and officials said. The battle erupted after the militants ambushed a military camp outside Bulo-Burde airstrip which is protected by Djibouti soldiers serving under AU mission in Somalia [AMISOM]. Al-Shabaab, the Al-Qaeda-linked militant group has claimed responsibility for the military base attack, saying it killed two government soldiers during the clash. The allied troops have launched operations against Al-Shabaab militants in southern Somalia, in an attempt to drive out the group from the entire regions of the country. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa markii ugu horreysay shaaciyey sababta ka dambeysa dib u dhaca ku yimid doorashada Galmudug. Sabriye oo Wareysi siiyey Bbc-da ayaa waxa keenay dib u dhaca doorshada ku sheegay in xukuumadda Soomaaliya muddo bil ah ay ka shaqeyneysay isu keenida beelaha Galmudug iyo dhammeynta khilaafka ka dhex jira madaxda maamulkaasi. Wuxuu tilmaamay in haatan qaban qabaada doorashada ay mareyso meel wanaagsan, islamarkaana dhawaan ay qabsoomi doonto doorasho xalaal ah. Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa ka warbixiyey safarka uu weli Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ku joogo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dadaal badan uu sameeyey Ra’iisul wasaaruhu, islamarkaana isu keenay dhaqanka iyo culimada, isaga oo sidoo kale tegay degmo iyo tuulo intaba. “Ra’iisul Wasaaraha muddo ayuu joogaa, dadaal badan waa sameeyay, wuxuu arkay dhaqankii, dadkii iyo culimadii, meel walbana waa tagay degmo iyo tuulo, waxaa uu ku guuleystay in deegaanka iyo maamulka la isku soo dhoweeyo, horayna loo socdo.”ayuu yiri wasiir Cabdi Maxamed Sabriye. Doorashada Galmudug ayaa la filayey in la qabto afarta bishan July, balse ma aysan suuragelin, iyadoona weli caqabado ka taagan yihiin arrimaha doorashada iyo shirka dib u heshiisinta oo labaduba lagu wado inay ka dhacaan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlad goboleedka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Maamulka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, ayaa faah faahin ka bixiyey sababta loo xirey xubnaha guddiga dhismaha wadada bartamaha ee magaalada Boosaaso. C/salaan Bashir, guddoomiyaha magaalada Boosaaso ayaa sheegay in sababta loo xiray ay tahay arrimo ku aaddan lacago uga yimid dhanka dowladda federaalka ah. Wuxuu sheegay in dowladda lacago aan soo marin nidaamka maamulka Puntland ay si toos ah ugu soo dhacday xiisaabaadka guddiga. Guddoomiyaha ayaa sheegay iney xiriir la sameeyeen guddigii shaqada gacanta ku hayey oo ay ka codsadeen in lacagtaasi aan la isticmaalin oo si qaldan ku timid, islamarkaana dib loo celiyo, balse ay ka dhego adeegeen. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/Guddoomiyaha-degmada-Boosaaso.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Kulan wadajir oo xalay magaaladda Muqdisho ay ku yeesheen guddiyadda joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si wadajir ah u shir Guddoomiyaha Guddoomiyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. Kulanka oo ay Sidoo kale ku sugnaayeen guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdi wali Sheekh Ibraahim “Muudey” iyo Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed “Abshir Bukhaari” waxa uu ahaa kulan lagusii amba qaadayay dar dar gelinta wada shaqeynta Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in la xaliyay kala aragti duwanaansho yar oo labada Aqal dhexdooda ka jirtay ,islamarkaana Guddiyada isku shaqada ah ee Baarlamaanka wada shaqeyntooda ay sii xoojin doonaan. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay labada aqal ay hal baarlamaan isku yihiin wada Shaqeyn joogta ahna ay ka dhaxeyso,sidoo kalena gudiyada joogtada ah loogu baahanyahay in ay sii xoojiyaan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article