Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Muqdisho)-Guddoomiyaha Xisbiga WADA-JIR ee Dalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka warramay hababka Al-shabaab uga dhex shaqayso Dalka Soomaaliya. Wuxuu Sawir ka bixiyey sida ay dhaqaalaha uga hesho meelo ay Dawladdu gacanta ku hayso, sida Dekedda, Kaantaroollada Gaadiidka lagu Cashuuro, Cashuurro ay ka qaaddo Wax soo-saarka dalka dibeddiisa loo dhoofiyo, Siyaasigan oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa isagoo mid mid u sheegaya siyaalo uu sheegay inay Al-shabaab kaga dhex shaqaysato Dalka Soomaaliya wuxuu yidhi “Al-shabaab waxay cashuur ka urursataa qaybo kala duwan Ganacsiga Dadweynaha Soomaaliyeed iyo meelaha ay Dawladdu gacanta ku hayso oo ay Dekeddu ugu horrayso, waynu ognahay in Al-shabaab ay Cashuur ka qaadaan Koontaynar kasta oo Dekedda yimaadda, Xogtaanu helaynaa waxay sheegaysaa koontaynarka 40-ka Feet ah waxay ka qaadaan $ 140 Dollar, kii 20 feet ahna waxay ka qaadaan $ 100 dollar, waxa kale oo ay Al-shabaab heshaa xogta la xidhiidha dhaqdhaqaaqa Dekedda.” Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sheegay oo kale “Waxaanu la kulanay Ganacsato Soomaaliyeed oo markii la waydiiyey inay bixiyaan Cashuurta Al-shabaab la soo hor-dhigay oo la yidhi waxan iyo waxan baad Dekedda kala soo degteen (ee bixiya Cashuurta Al-shabaab)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Al-shabaab waxay maraysaa Tuulada la yidhaahdo Mubaarik Qof kasta oo Ganacsato ah oo Alaab la soo dega in Fayl loo furi, Lambarka diwaangelinta la siiyo. Waxa kale oo ay Al-shabaab qaaddaa Cashuurta wax soo-saarka beeraha ama Dalagga Beeraha, sida Liinta la dhoofiyo, xoolaha la dhoofiyo, waxa kale oo ay awood u yeesheen in heshiis ama Koontaraak kasta oo la galo inay boqolkiiba 5 ku yeelato Al-shabaab, ma jirto Nootaayo ku taalla Magaalada oo dhul kala wareejin karta iyadoon Al-shabaab laga siinin qaybtooda.” Guddoomiyaha WADA-JIR wuxuu sheegay “Waxay ku guulaysteen in Gaadiidka Dadweynaha ay ka soo leexiyaan Jidadka ay Dawladdu gacanta ku hayso, si marka ay waddooyinka ay Maamulaan soo maraan ay cashuur uga qaataan. waxaynu ognahay in Hawlaha ay qabanayaan NGO-yadu ay Al-shabaab ka qaaddo boqolkiiba 30..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Waxaynu ognahay in dhaqdhaqaaqyada baananka iyo Xawilaadaha ay Al-shabaab Gacanta ku haystaan…” Al-Shabaab waxay ku milmeen Hey’addaha Amniga dowladda iyo dakhliga magaalada, waxay canshuur ahaan u helaan 20 illaa 30 milyan, dadka ayay si toos ah ugu yeedhaan deegaanka Mubaarak, illaa iyo hadda waxaa is weydiin ah dowladda mala dagaalantay”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Source
  2. Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Cismaan Cali Yuusuf (Xoosh), ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya, in dowladda Puntland ay mamnuucday shirkadda DAALLO AIRLINE. “Wasaarada Duulista Hawadda iyo Garoomadda ee Dawladda Puntland, waxa ay cadaynaysaa in aan waxba ka jirin warbixinta lagu sheegay in Shirkadda DAALLO AIRLINE laga mabnuucay Garoomada Puntland” ayuu yiri Xoosh oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook. Sidoo kale, wuxuu sheegay in shirkaddu ay maantadan ka degtay Garoonka Diyaaradaha magaalada Boosaaso ” waliba waxaan dad waynaha reer Puntland iyo guud ahan kuwa Soomaaliyeedba usheegayna in duulimaadkii caadiga ahaa ee shirkada DAALLO AIRLINE ay ku imaan jirtay Puntland ay maanta kaga soo dagtay Garoonka Boosaaso”. Agaasimaha ayaa tilmaamay in shirkadda DAALLO AIRLINE ay maalmihii u dambeeyay Garoomada Garoowe iyo Boosaaso ka qaadaysay dadka sannadkan soo gudanaya waajibaadka Xajka “Waxaa sida oo kale shirkada DAALLO AIRLINE Garoomadda Boosaaso iyo Garoowe ay ka qaaday duulimaad yadii XAJKA ee ay xujayda ugu qadaysay Dalka Sucuudiga” ayuu sii raaciyay Xoosh. Agaasimaha ayaa ugu dambeyntii caddeeyay, in Garoomada Puntland ay u furan yihiin diyaarad kasta oo si sharciya ku imaanaysa ” Garoomadda Puntland waxaan kusoo dhawaynaynaa cidkasta ama diyaarad kasta oo si sharci ah ku imanaysa kagana duulaysa, anaga oo adeeg ay ku qancaana u diyaarinayna”. PUNTLAND POST The post Maxaa ka jira in shirkadda DAALLO AIRLINE laga mamnuucay Garoomada Puntland? appeared first on Puntland Post.
  3. Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo, ayaa faah faahin ka bixiyey halka ay marayso soo xulista Baarlamaanka cusub ee Jubbaland iyo qaabka ay u socoto soo xulista Odayaasha dhaqanka Jubbaland. Guddiga, oo inta uusan shirka jaraa’id qaban kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka ee soo xuli doona Xildhibaanada Jubbaland, ayaa ugu baaqay Odayaasha in ay soo xareeyaan foomamka iyo xogta xubnaha lasoo xulay. Guddiga ayaa Odayaasha ku booriyey in liiska ay soo gudbiyaan ay kusoo daraan xubno haween ah si loo ilaaliyo qoondada Dumarka. Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka oo hadlay ayaa sheegay in ay soo gudbiyeen liiska saddexda xubnood ee uu kasoo dhex baxayo qofka Xildhibaanka noqonaya. Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee guddiga doorashooyinka Axmad Cumar Maxamed, oo faah faahin ka bixiyey qaabka ay u socoto soo gudbinta liiska Xildhibaanada cusub, ayaa warbaahinta u sheegay in Maalinta berri ee Talaadada ah ay ku egtahay xilliga guddigu qabtay ee loo qorsheeyey in lagu soo gudbiyo liiska xubnaha Baarlamaanka. Musharixiinta u taagan qabashadda Madaxweynaha Jubaland ayaa ilaa hada is diiwaan galin waxa ayna sheegeen in Gudiga doorashooyinka Jubbaland ay hoos shaqeeyaan Axmed Madoobe oo doonaya dib u doorasho. Dhinaca kale, Kismaayo Waxaa wada hadalo maanta ugu socdaan Taliyaha Ciidanka AMISOM , Wakiilka gaar ah ee IGAD u qaabilsan arimaha Soomaaliya Maxamed Guunyo iyo Madaxweynaha Jubbalnd oo la xariir arimaha doorashadda Jubaland iyo tabashadda Musharixiinta Xildoonka ah. Doorashadda Jubbaland ayaa ah mid Dowladda Soomaaliya iyo beesho Caalamku isha ku hayaan sida wax u socdaan, waxaana Gudiga doorashooyinka Jubbaland ay sheegayaan in sidii loogu talagay u socoto doorashada Maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Prof. Cabdisalaan Yaasiin Oo Si Adag Uga Hadlay Hadallo Xajiin Iyo Xanaf Leh Oo Ka Soo Yeedhay Wasiirka Warfaafinta Xukumadda Madaxweyne Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Mac’hadka horumarinta cilmi baarista ee SIDRA ayaa soo gabagabeeyay dood ku saabsanayd daraasad horu dhac ah oo ka hadlaysay waxabarashadu kaalinta ay ku leedahay soo [...] Source
  6. (SLT-Riyadh)-Ciidammada Cirka ee Dawladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa Hawada ku burburiyey Diyaarado Drones ah oo Gantaal ahaan ay Xuutiyiintu ula beegsanayeen garoomo diyaaradeed oo ku yaalla Dalka Sucuudiga. Diyaarado Drones ah oo aan Magacyadooda la sheegin ayaa la burburiyey ka hor intii aanay soo gaadhin Yoolkooda, sida uu sheegay Colonel Turki Al Malki oo ah Afhayeenka Xulafada uu Sucuudigu hoggaamiyo ee dagaallada ka wada dalka Yemen, iyagoo taageeraya Dawladda Yemen ee Adduunku aqoonsan yahay, isla-markaana uu Madaxweynaha ka yahay Abdrabu Mansur Hadi. “Kooxda Mitidiinta ah ee Xuutiyiintu mar walba waxay isticmaalayaan Farsamooyinka Argagixisada..” ayuu yidhi, Colonel Turki Al Malki, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Sucuudiga, waxaanu intaa ku daray in Weerarrada Xuutiyiintu la beegsanayaan Meelaha Dadka Shacabka ahi ku sugan yihiin ay yihiin dambiyo Dagaal. Colonel Turki Al Malki ma sheegin Goobaha diyaaradaha Drones-ka ah ee Hawada lagu burburiyey ay beegsanayeen, balse Telefiishanka Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegay in Bar-tilmaameedka Diyaaradaha Drones-ku ahaayeen Madaarrada kala ah Abha, Najran iyo King Khaled airbase oo dhammaantood ku yaalla Koonfurta boqortooyada Sucuudiga oo u dhow xuduudka Yemen. Source
  7. Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo, ayaa ka warbixiyay shir ay maanta yeesheen madaxweynaha Jubbaland oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha Xukuumaddiisa iyo taliyaha Ciidamada AMISOM Tigabu Yilma. Madaxweyne ku xigeenk, ayaa sheegay in kulanka labada dhinac lagaga hadlay; sidii la iskaga kaashan lahaa ammaanka, isla markana si midaysan loogu qaadi lahaa howlgalo Cusub oo degaanada Jubbaland lagaga saari doono malayshiyaadka Al-shabaab, waxaa uu intaas ku daray, in la isku raacay si wadajir ah in looga hortago, wararka been abuurka ah ee lagu kicinayo Bulshada, kuwaas oo la xiriira Arimaha doorashada madaxtinimada Jubbaland. Madaxweyne ku xigeenku wuxuu tilmaamay, in AMISOM ay sheegtay inayna wax faragalin ah ku samayn doonin Arrimaha doorashada Jubbaland, loona baahan yahay in dadka wararkaas faafinaya si wadajir ah looga hortago, iyadoo aysan wax shaki ah ku jirin wada shaqaynta Jubbaland iyo AMISOM. Waxaa kale oo sida uu xusay la isku raacay in si wadajir ah Amniga uga wada shaqeeyaan inta lagu guda jiro doorashada Ciidamada Booliska Jubbaland iyo Ciidamada Booliska AMISOM. PUNTLAND POST The post Shirkii madaxweynaha Jubaland iyo taliyaha AMISOM oo war laga soo saaray appeared first on Puntland Post.
  8. (SLT-Hargeysa)-Beel Diiday Xubno Maamulaya Cisbitaalka Laascaanood, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Guddoomiye Mursal iyo wefdigiisa oo gaaray Johannesburg Guddoomiyaha Aqalka hoose Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika. Wefdiga guddoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalka Koonfur Afrika kaga qeyb geli doono shirka Sanadlaha ah ee guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Afrika oo todobaadkan halkaasi ka furmi doona. Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika Jamaal Maxamed Barrow ayaa magaalada Johannesburg ee dalkaasi ku soo dhoweeyay guddoomiyaha iyo wefdigiisa. Guddoomiye Mursal ayaa uga mahad celiyay safiirka iyo shaqaalaha kale ee Safaaradda soo dhoweyntooda waxaana uu sheegay in ujeedka ay u soo gaareen Koonfur Afrika ay tahay iney ka qeyb galaan shirka guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Afrika. Shirka guddoomiyaasha Baarlamaanada Afrika ayaa mudada uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa arrimaha Qaxootiga Afrika. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo shir uga qayb-gelaya dalka Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
  10. Hobyo (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta mar kale dib furmay shirkii Magaalada Hobyo ee Beelaha Habargidir kaasoo looga tashanayo aayaha Maamulka Galmudug. Magaalada Hobyo waxaa Shalay gaaray Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa kasoo jeedo Beelaha Habargidir. Sidoo kale waxaa shirka gaaray maalmihii ugu dambeeyey ergooyin tiro badan oo ka kala socdo Beelaha Habargidir ee halkaas dago. Xildhibaanada Shirka ka qeybgalayo waxaa kamid ah Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, Warsame Joodax, Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Xildhibaano kale. Xildhibaanada qaar oo shirka ka hadlayey ayaa sheegay in shirka looga hadlayo Nabadda iyo sidii loo diyaarin lahaa Shirka Dib u heshiisiinta Beelaha dago Deegaanada Galmudug. Waxyaabaha kale ee shirka looga hadli doono ayaa waxaa kamid ah sidii Deegaanada Galmudug ay uga dhici laheyd doorasho xalaal ah oo ka maran faragelinta Dowladda Soomaaliya si dad Galmudug ay u doortaan hoggaamiyaha ay u arkaan inuu yahay midka ka bixin karo xaaladda uu hadda ku jiro Maamulkaas. Xildhibaanada ayaa sheegay in Shirkaas uu taageersan yahay in laga qeybgalo shirka dib u heshiisiinta Galmudug, oo la filayo in Dhuusamareeb lagu qabto 17-ka bishan. Maalmihii dambe waxaa soo baxay inuu shirka Hobyo caqabad ku yahay Shirka ay dowladda Iclaamisay ee lagu qabanayo Magaalada Dhuusamareeb balse qaar ka tirsan Odayaasha iyo Xildhibaanada qeybta ka ah Shirka Hobyo waxay sheegeen inaysan caqabad ku aheyn shirkaas. Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa muddo 45 Cisho ah ku bixiyey Deegaanada Galmudug, wuxuuna sheegay inay dowladda dhisi doonto Galmudug loo dhan yahay inkastoo ay Beelaha qaar qabaan tabasho iyo inay jirto eexasho ay waddo Dowladda. Shirka Hobyo ayaa waxaa abaabulkiisa lahaa Siyaasiyiinta Beelaha Habargidir kuwaas oo diidan inay meesha ka baxdo awoodooda siyaasadeed. Caasimada Online Xafiiska Hobyo caasimada@live.com
  11. Kulan ay magaalada Laascaanood ku yeesheen waxgaradka iyo isimada beesha Ugaadh-yahan ayaa waxa ay kaga arrinsadeen aaya ka talinta gobolka Sool iyagoona shaaca ka qaaday [...] Source
  12. Johannesburg (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika,halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay. Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalka Koonfur Afrika kaga qeyb geli doono shirka Sanadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Afrika oo todobaadkan halkaasi ka furmi doona. Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika Amb: Jamaal Maxamed Barrow oo soo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in dalka Koonfur Afrika uu yahay dal muhiim u ah Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shekh C/raxmaan ayaa uga mahad celiyay safiirka iyo shaqaalaha kale ee Safaaradda soo dhoweyntooda diiran,isagoona dhanka kale sheegay in ujeedka ay u soo gaareen Koonfur Afrika ay tahay iney ka qeyb galaan shirka guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Afrika oo ka dhici doona dalkaasi,socon doonna 6 ilaa iyo todobada bishan. Shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanada Afrika ayaa mudada uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa arrimaha Qaxootiga Afrika. View the full article
  13. Beledweyne (SMN) – Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Mudane Cali Muxumad Caraale ayaa maanta magaalada Baladweyne ee xaruna gobolkaasi shir looga hadlayey amniga kula qaatay saraakiisha ammaanka ee ciidamada dowlad goboleedka HirShabelle. Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada inay ka qeyb qaataan sugida nabad gelyada, si loogu hortago falalka liddiga ku ah amniga. Sidoo kale wuxuu sheegay inay muhiim tahay in la xoojiyo wada shaqeynta ka dhexeysa ciidamada ammaanka iyo shacabka ku dhaqan gudaha magaaladaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/COD-ANISO-HIIRAAN.mp3 View the full article
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday heerka ay gaarsiisan tahay awoodda Al-Shabaab ee Muqdisho iyo sida ay u dhex-galeen dowladda. Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku milmeen Hey’addaha amniga dowladda, isagoo xusay in xilligan Shabaab ay sida ay rabaan Muqdisho ka sameeyaan, illaa heer ay Canshuur ka qaadaan Dekeda Muqdisho iyo alaabaha ka soo dega. Waxaa uu ku eedeeyay dowladda Federaalka in aanay la imaan siyaasad cad oo ay kula dagaalanto, taas bedelkeed ay xoojisay dagaalka siyaasiyiinta mucaaradka, burburinta maamul goboleedyada iyo kala qeybinta Baarlamaanka. “Al-Shabaab waxay hadda marayaan in Tuulada Mubaarak feyl looga furo ganacsatada, lana siiyo lambar diiwaangelin ah, waa arrin aad looga naxo… waxay marayaan inay qaadaan canshuurta gudaha, sida xoolaha iyo wax soo saarka la dhoofiyo, waxayna awood u yeesheen in qandaraas kasta oo la galo ay saartaan 5% ka qaataan. Ma jirto Nootaayo magaalada ku taalla oo kala wareejin karta dhul iyadoo Al-Shabaab Canshuur laga siin, Waxay baabuurta aada Gobollada ku guuleysteen inay la leexiyaan wadooyinka ay joogaan ciidamada dowladda.. Waxay kaloo 30% ka qaataan hay’adaha NGO-yada…” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo warbixintan naxdinta leh ka jeediyey xaflad uu xisbigiisa Wadajir ugu soo qabanqaabiyey xisbigiisa. Wuxuu soo qaatay qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir oo dhaawac kasoo gaaray uu u geeriyooday Guddoomiyihii G/banaadir C/raxmaan Yariisow, taasoo caddeyn u ah in meeshii ugu danbeysay ay beegsadeen Alshabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Kismaayo (SMN) – Taliyaha guud ee ciidamada AMISOM iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa maanta tegay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ticabu Yilma oo u dhashay dalka Itoobiya iyo ciidamo uu wato ayaa ka dagay barqanimadii maanta garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Ugu horreyn taliyaha ayaa salaan sharafeed ka qaatay ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Itoobiya ee ku sugan halkaasi, iyadoona kadib loo galbiyey gudaha degmadaasi. Taliyaha AMISOM iyo madaxweynaha Jubbalad Axmed Madoobe ayaa haatan kulan gaar ah waxa uu uga socdaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulkaasi. Kulankan oo ay warbaahintu dibad joog ka tahay ayaa lagu soo warramayaa in looga hadlayo arrimaha doorashada, gaar ahaan sidii ay amniga ula wareegi laheyd AMISOM. Sidoo kale taliyaha iyo wafdigiisa ayaa kulamo kale la qaadan doono guddiga doorashooyinka Jubbaland iyo musharraxiinta u taagan hoggaanka maamulkaasi. Shirarkan is daba jooga ah ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan ayaa la filayo in la qabto doorashada madaxweynaha iyo mida baarlamaanka ee maamulka Jubbaland View the full article
  16. Laascaanood (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada maamulka Somaliland iyo Jabhad hubeysan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii Jabhaddan oo diidan joogitaanka Ciidanka Somaliland ay weerar ku qaaday xero ay ku leeyihiin buurta Sayidka ee magaaladaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaal fooka fool ah oo saacado badan qaatay uu ka dhacay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Dhinaca kale saraakiisha ciidamada maamulka Somaliland ayaa si kulul uga hadlay dagaalkaasi Taliyaha qeybta gobolka Sool Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdullaahi Ducaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen ciidamadooda rag lagu tuhmayo inay ka dambeeyeeen weerarkaasi iyo saddex qoray oo AK47 ah. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ku raad joogaan rag kale, islamarkaana ay haatan baaritaano ka wadaan agagaarka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Milatariga ee maamulka Somaliland. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-05082019.mp3 View the full article
  18. (SLT-Tehran)-Iran hadda kadib iskama indha tiri doonto dambiyada badda ee ka dhacaya Gacanka, waxaa sidaas maanta sheegay wasiirka arrimaha dibedda dalkaas, maalin kadib marki Tehran ay qabatay markab laga leeyahay Iraq, oo ay ku eedeysay inuu gudbinayey shidaal sharci-darro ah. Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Iran ayaa markabaas iyo toddobo shaqaale ah oo saarnaa ka qabsaday Jasiidda Farsi ee Iran, ee ku taalla waqooyiga Marinka Hormuz, sida ay sheegeen warbaahinta dowladda. Tallaabadaas ayaa loo arkay mid Iran ay ku muujineyso awooddeeda, xilli ay xiisad xooggan kala dhaxeyso Reer Galbeedka, taasi oo wasiirkeeda arrimaha dibedda Mohamed Javad Zarif uu ku eedeeyey inay hurinayaan mas’uuiliyiinta Mareykanka. “Iran way cafin jirtay qaar ka mid ah dambiyada badeed ee ka dhacaya Gacanka, hase yeeshee mar dambe indhaha kama xidhan doonto” ayuu Zarif ku sheegay shir jaraa’id Waxa uu cambaareeyey cunaqabateynta ay Mareykanka arbacadii kusoo rogeen isaga, isaga oo sheegay in Washington ay xidhatay albaabkii diblomaasiyadda ee heshiiskii Nuclear ee la gaadhay sanaddii 2015, kaasi oo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka baxay sanadkii tagay. “Inaad xayiraad saarto wasiir arrimo dibadeed waxay ka dhigan tahay wada-hadallada oo fashilmay” ayuu yidhi. Source
  19. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in hoos loo dhigo calanka Maraykanka muddo shan maalmood ah. Ujeedada tallaabadan ayaa ah si loogu tacsiyeeyo dadkii ku dhintay laba toogasho oo ka kala dhacay gobollada Texas iyo Ohio, mudd 13 sacadood gudahood ah. Toogashooyinkan ayaa waxaa ku dhintay 29 qof, ayada oo in ka badan 50 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen. Saraakiisha ammaanka gobolka Texas ayaa sheegay in ay dalban doonaan in xukun dil ah lagu fuliyo ninkii weerarka ka gaystay magaalada El Paso ee gobolkaasi. Madaxweynaha Maraykanka ayaa lagu wadaa inuu maanta oo isniin ah uu si ballaadhan uga hadlo falalkan, inkasta oo mar shalay su’aal laga weydiiyay uu ku sheegay dadka weerarka fuliyay dad maskaxda ka jirran. Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo Ka Tirsan Golaha Wakiillada ayaa Si Adag Uga Hadlay Cashuur Cusub Lagu Soo Rogay Shacabka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Dawladnimo marka laga hadlayo micne ahaan si guud erayga waxa weeye in wadan uu leeyahay dad loo igmaday inay hogaamiyaan wadankaas si ay ugu adeegaan dadweynaha una ilaaliyaan madax banaanida dalka iwm. Haddaan eegno dalka Soomaaliya waxaa moodaa dadka badankiis inay u fahansan yihiin dawladnimada eray ahaan oo keliya oo aad maqlaysid meelo badan in lagaga dhawaaqo waxaan leenahay dawlad, khaasatan sida hada wadankeenu u dhisan yahay ee ah maamul goboleedyada iyo dawladda dhexe ee federaalka Soomaaliya. Hadaba marka laga soo tago eray ahaan micnaha dhabta ah ee dawladnimo waa maxay? Dawladnimo akhristow kuma xirna tirada dadka wadanka degan iyo cabirka dhulka uu leeyahay ama haysto, sababtoo ah wadamada caalamka maanta marka aad eegto waxaa jira kuwa ka kooban hal magaalo oo keliya ama dhul aad u yar haddana magac dawladnimo leh meel sarena ka jooga nidaamka dawladnimada iyo qarannimada. Tusaale wadanka Singapor, waa dal aad u yar oo ka kooban hal magaalo, masaaxada dhulkeeda lagu qiyaaso 721m2 (Todoba boqol iyo labaatan iyo kow mitir 2-ba jibaaran) hadana dhinaca kale waa dawlad qani ah oo siweyn caalamka oo dhan loo ixtiraamo xag maamul, xag maaliyadeed iyo xag tayo aqooneed intaba. Tirada dadka Singapore waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 5,000,000 (Shan milyan iyo wax la jira) kana kooban qowmiyaddo iyo diimo kala duwan. Soomaaliya dhulkeeda waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 637,655 km² (lix boqol sodon iyo todoba kun, lix boqol konton iyo shan mitir laba jibaaran). Isu bar bar dhig baaxada dhulka Soomaaliya iyo kan Singapore ee aan kor ku xusnay iyo heerka tayo iyo horumar ee labada dal kala joogaan. Tirada dadka Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa in ku dhow 15,000,000 (shan iyo toban milyan). Xornimadda Singpore waxay ka qaadatay dalka Malaysia sanadku markuu ahaa 1965 halka dalka Soomaaliya xornimada qaatay 1 Luulyo, 1960 kii. Waxaa sidoo kale tusaale aan u soo qaadan karnaa wadanka Qatar oo ah wadan muslim ah habka xukun kooduna ku salaysan yahay boqortooyo iyo xukun iska dhaxlid. Cadadka dhulkooda waxaa lagu qiyaasaa 11,437 km2 (Kow iyo toban kun, afar boqol sodon iyo todoba mitir jibaaran), waxayna ka mid tahay wadamada aduunka ugu qanisan saameyn weynna ku leh caalamka marka loo eego tirada dadkeeda iyo dhul ahaan. Tiradda dadka Qatar waxaa lagu sheegaa in ka badan 2,000,000 (laba milyan wax kor u dhaafsan). Hadaba burburkii dalkeena ka dib, hadaan Soomaali nahay maxaan ugu gaabsanay in dawladnimadeenu noqoto magac afka laga sheegto oo aynaan u fahamsanayn waxa dawladnimada dhabta ahi tahay. Inta aanan u gelin qoraalka intiisa kale, waxaan tusaale u soo qadanayaa dalka Ingiriiska oo aan muddo ku noolaa anigu; waxaan halkaas ku soo arkay nidaam ku salaysan dawladnimo rasmi ah ,taas oo ah in adeegyada kala duwan ee dadweynuhu u baahan yahay loo qabto, loona geeyo oo loo dhoweeyo sidaas awgeedna aan waxba looga baahnayn madaxda sare ee dalka hadey tahay Boqorad, Raysal wasaare, Wasiir, Xildhibaan iwm. Waxkasta oo qof ku noloshiisha u baahan yahay ahna waajibaad dawladeed wuxuu ka doonanayaa ama ka helayaa xafiiska dawladda hoose ee degmadda uu degan yahay iyo goobo kale oo cayiman. Kumana xirna qofku meesha uu degan yahay si uu u helo adeegga guud ee waajibaadka dawliga ah. Magaalo yar iyo mid waynba waa la geeyey waana laga helaa adeeg kasta. Adeegyada kala duwan ee qof ku ka helayo goobta ugu dhow ee uu degan yahay waxaa ka mid ah; xarumaha caafimaadka, goobaha waxbarashada, daryeelka nadaafada iyo fayo dhowrka, siduu shaqo ku heli lahaa, taakuleynta dhaqaale ee qofka ama qoyska, meeshii uu u caban lahaa haduu waayo adeeggii uu rabay, maxkamad, booliis iwm. Wax siyaasi ahna uma baahanayo qofku waxyaalaha khuseeya nolol maal meed kiisa oo dhan. Dhamaan adeegyadaas uma baahanaysid inaad qof ka xaysato si uu kaala hadlo ama inaad laaluush bixiso iwm. Tusaalahaas kore kadib, hadaan eegno dawladnimadda Soomaaliya khaasatan maamul goboleedyada oo sida la sheego loo sameeyey in dadweynaha ay metaal adeegyada muhiimka ah gaarsiiyaan sida caafimaadka, waxbarashada, nadaafada iyo fayo dhawrka, suggidda amniga, biyo nadiif ah, koronto joogto ah iwm waxay ku soo ururtay af keliya, dawlad baan nahay iwm. Hadii wax uun adeeg ahna la helo waxay ku baxdaa iyada oo la isticmaalayo eex, musuq maasuq iwm. Waxaan oran karnaa maamuladda hada dalka ka jira waxaa hareeyay tayo xumo, cadaalad daro, amni xumo, kala danbayn la’aan iwm. Hurumar wuxuu ka bilowdaa ka hortaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa, ilaalinta sharciga, baabi’inta eexda iyo qof jeclaysiga, isla xisaabtan dhab ah iwm. Hadaadan intaa midna hayn, dawladnimo kaa fog kaana dheer. Adeegyada kala ah Cadaaladda, Caafimaadka, Waxbarashada iwm xagee ka joognaa? Cadaaladda. Cadaalad sideedaba waxay ku soo ururtaa in sharciga loo sinaado, aysanna jirin cid sharciga ka weyn ama ka saraysa. Qof kasta waa inuu adeecaa sharciga dalka isla markaasna sharcigu yahay mid siman oo ka fog waxyaalaha jebiya cadaalada sida eexda, qabyaalada, musuq maasuqa iwm. Lama heli karo cadaalad hadii kii cadaalada laga filayey uu yahay kan asagu aabaha iyo hooyada ka ah wax isdaba marinta, musuq maasuqa, eexda, qabyaalada, sharci jebinta iyo caburinta cid kasta oo tilmaanta waxa khaldan iyo cadaalad darada markaas jirta. Cadaaladdu waa inay tahay mid baahsan oo gaar siisan magaalo iyo miyi, waana in qof walba dareemaa cadaalad iyo sinaan, cadaaladna kuma timaado af laga sheegto ee waxay ku timaadaa in la arko iyada oo shaqeynaysa dadweynuhuna ku qancaan cida sharciga fulinaysa inay cadaalad ku dhaqmayso kuna hogaaminayso. Akhristow waxaa jira dad iyagu u bartay cadaalad darada lana qabsaday isla markaasna laga yaabo inay moodaan habka ay ku dhex nool yihiin ama dawladda ay ka tirsan yihiin inay cadaalad fasho. Waayo, waxaad arkaysaa iyada oo cadaalad daro baahsani jirto dad difaacaya cadaalad darada oo leh waa dawlad-deeni, yaan wax laga sheegin, yaan la dumin iwm. Dadkani waxay la qabsadeen ama xoogaa ka helaan habka cadaalad darada ku dhisan ee ay ku dhex noolyihiin sidaa awgeed waxay moodayaan hadii cadaalad timaado in iyaga wax ka dhumayaan ama ka ba’ayaan, taasna waa fikir khaldan oo inta badan kuwa xukunka dulmiga haya ay ka faa;iideystaan si ay u sii wadaan dulmigooda iyo musuq maasuqa. “Anaa iri ee hala yeelo iyo cadaalad isku meel ma galaan”. Caafimaadka Waxaan ognahay in caafimaadku yahay shay muhiim u ah nidaamka dawladnimo iyo bad baadada ummadda Soomaaliyeed iyo horumarkooda. Dawlad waxay mas’uul ka tahay bad baadada dadka iyo dalka, waxaana waajib ku ah inay ilaaliso caafimaadka dadweynaha kana ilaaliso cid kasta oo dhib u geysanaysa. Waxaa waajib ku ah dawladda inay maamul tayeysan u samayso kuwa ku hawlan hawlaha caafimaadka hadiiba uu yahay caafimaadku mid ku salaysan khaas (private health service) ama mid guudba (government provided health service). Wadamada caalamku way ku kala duwan yihiin sida caafimaadka noocyadiisa kala duwan loo hirgeliyo. Waxaa jira wadamo caafimaadku guud ahaan bilaash yahay sida dalka Ingiriiska, Faransiiska, Germany, Canada, Talyaaniga, Singapore, Kuuba, halka wadamada qaarkood uu yahay lacag ama habka caamiska ku salaysan sida Maraykanka iwm. Dalkeena Soomaaliya wuxuu caan ku ahaa in magaalo walba iyo degmo walba ay lahayd xarumo caafimaad ayna ka hawl geli jireen dhakhaatiir iyo shaqaale caafimaad oo tababaran dadweynahana lagu siin jiray lacag la’aan. Dhamaan adeeggii caafimaadka ee bilaashka ahaa wuxuu la burburay dawladdii Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1991. Wixii intaa ka danbeeyey waxay noqotay Soomaaliya guud ahaan goob ninkii doona uu yiraahdo dhakhtar baan ahay uuna furto goobo uu ku sheego xarumo caafimaad dadkana lacagta kaga gurto iyada oo aan cidna hubin adeegga ay bixinayso inuu yahay mid waa faqsan nidaamka caalamiga ah ee bixinta caafimaadka iyo daweynta dadka. Waxaan qirayaa in dad badan ay fureen xarumo caafimaad oo tayo leh burburkii ka dib balse ay dhinac socdeen kuwa kale oo farabadan oo dad aan xirfad caafimaad lahayn ay furteen dadkana lagu dhibaateeyey ilaa hadana jira. Balse waxaa guud ahaan meesha ka maqan sharciyeynta iyo ilaalinta bixinta adeegga caafimaadka iyo cidda bixinaysa, baarista iyo dhawrista tayada daawada dalka soo gasha taas oo ah shaqada dawlad mas’uuliyaddeeda gudanaysa ee aan ahayn magac u yaal keliya. Maxaa hor taagan akhristow, in maamuladda dalka ka jira ay hirgeliyaan nidaam caafimaad oo tayo leh maadaama ay iyagu yihiin kuwa mas’uulka ka ah dhawrista xaalada caafimaad ee dadka ay dawladda u yihiin ama ay metalaan. “War dhafoor buu ku yaal ” xaalada caafimaad iyo caafimaad bixinta ee dalkeena waan wada aragnaa waana wada ognahay.. Waxbarashada Sida caafimaadku u ahaa bilaash dalka Soomaaliya oo dhan xiligii ay jirtay dawladdii burburka ka hor ayaa waxbarashaduna u ahayd bilaash. Magaalo iyo deegaan kasta oo Soomaaliyeed wuxuu lahaa ama lahayd iskuulo iyo xarumo waxbarasho oo tayo leh kuwaas oo dadweynaha dhamaan kawada faa’iideysan jireen (universal education system) si bilaash ah, mana jirin cid ka qaday ee waa loo wadasinaa. Wixii burburka ka danbeeyey waxay noqotay jaantaa rogan iyo in dad ganacsi u furtaan iskuulo iyo jaamacado waxbarasho oo heerar kala duwan leh. In yar ayaa awood u leh inay waxbarashada noocaas ah ka faa’iideysato dadka Soomaalida, intaa yarina waxaa hubaal ah inaysan helin waxbarasho tayo leh lana socon karta caalamka intiisa kale. Waxaa caalamka oo dhan laysku raacay in waxbarashadu tahay sheyga keliya ee dad iyo dal ku hor maraan kagana hor maraan asaagood. Waxaa sidoo kale laysku raacay inay lagama maarmaan tahay ugu yaraan in waxbarashada asaasiga bilaash noqoto si markaas dhalaanka oo dhan u helaan waxbarashada asaasiga ah kana soo bilaabata galaaska 1aad ilaa 12aad iwm. Akhristow Soomaaliya matahay dal arinkaa u qumay una fududeeyey dhalaankeeda inay waxbarashada asaasiga helaan iyada oo bilaash ah goob kasta iyo meel kasta sida caalamka kaleba ka jirta ama dalku ahaan jiray ka hor burburkii nagu dhacay? Jawaabtu waa maya. Nidaamka dawligu wuxuu sidoo kale farayaa in la ilaalsho tayada waxbarashada dalka iyo dadka Soomaaliyeed mana aha inay noqoto meel laga dukaamaysto waayo waxabarashadu waa meesha soo saarta mustaqbalka dadka iyo dalka, sidaa awgeed waa inay jiraan hay’addo dawli oo ilaasha ama kontoroola tayada waxbarashada guud ahaan iyo gaar ahaan macalimiinta wax dhigaysa, goobta wax lagu baranayo, nidaamka iskuulka ka jira, anshaxa iskuulka , iwm. Cabashooyinka ugu badan ee ka jira goobaha waxbarashada dalka Soomaaliya waxa weeye xaga tayada iyo iyada oo qaali ah marka loo eego dadweynaha Soomaaliyeed oo ah badankood sabool ah . Ilaalinta tayada waxbarashada waxaa mas’uul ka ah maamulka markaas ka jira magaalada ama deegaanka amase maamul goboleedka sida hada dalkeenu u dhisan yahayna iyaga ayaa laga rabaa inay ilaaliyaan tayada waxbarasho iyo in ay meel mariyaan in wiil iyo gabar kasta oo Soomaaliyeed ay hesho fursad waxbarasho oo bilaash ah. Ugu danbayn akhristow bal qodobada asaasiga ah ee aan kor ku xusnay sidee ayey uga jiraan maamulada kala duwan ee dalka Soomaaliya ka jira sida Puntland, Galmudug, Jubaland, Hirshabeele, Koonfur galbeed iyo Somaliland. Bal adigu qiimee dhinacyada cadaalada, waxbarashada, caafimaadka iyo guud ahaan nidaamka ka jira goobahaas ahna guud ahaan Soomaaliya. Dawladda Federaalka iyada waxaa laga doonayaa hab siyaasadeedka arimahaas balse fulinta iyo dhaqan gelinta inta badan waxaa arimahaas aan ka hadalnay laga doonayaa maamul goboleedyada dalka ka jira inay meel mariyaan oo fuliyaan. Maxaynu ka haynaa hab dawladeedka marka laga tago afka iyo waxaan nahay dawlad inaan dhahno mooyee?.. Dawladnimo afka lagama noqdo ee waa dhaqan gelin, maamulid iyo adeeg bixin joogta ah dhinac kastana taabanaysa. Qayb ta 2aad la soco: Qore: Siyaad Cali Yuusuf Garoowe, Puntland, Soomaaliya. The post Dawladnimadu ma af keliya ayey ku soo hartay? appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Bangiga Daryeel ayaa maanta daahfuray laanta Tre Piano ee magaalada Muqdisho, iyada oo munaasabadda daahfurka ay ka qaybgaleen wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno , mas’uuliyiin ka socday bangiga dhexe,ururka bangiyada, rugta ganacsiga iyo xubno ka socday qaybaha bulshada. Maamullaha xarunta bangiga Daryeel ee Tre Piano ,Cabdullaahi Axmed Nuur oo ugu horrayn xafladda ka hadlay ayaa sheegay aasaaska bangiga inuu ku yimid baahida loo qabo adeegyo casri ah, wuxuuna inta ku daray bangiga inuu diiradda saarayo sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeegyo bangi oo la isku haleyn karo, kuna xiraya hannaanka caalamiga ah ee ay ku shaqeeyaan bangiyada caalamiga ah,isagoo marka ku soo dhaweeyay bulshada Soomaaliyeed ee dalka iyo qurba-joogta adeegyada uu bangiga bixinayo. Guddoomiyaha guud ee Ifitin Group , Aadan Cabdullaahi Axmed Ilka-case ayaa dhankiisa sheegay in bangiga Daryeel uu qayb ka yahay Ifitin Group, wuxuuna caddeeyay bangiga inuu ugu adeegayo bulshada Soomaaliyeed si daahfuran, ammaano ah oo deg deg leh. Guuleed Cismaan, guddoomiyaha ururka bangiyada dalka oo ka mid ahaa dadkii ka qaybgalay daahfurka bangiga Daryeel , ayaa soo dhaweeyay, wuxuuna sheegay in bangigan uu ka mid yahay bangiyada dalka ee sida casriga ah u shaqeyn doona,waxaa kalo uu tilmaamay ururka inuu isku xiro bangiyada gaarka loo leeyahay iyo bulshada. Rugta ganacsatada, ayaa dhankooda soo dhaweeyay, waxaana ay ballanqaadeen inay si dhow ula shaqeyn doonaan Daryeel Bank, sida uu munaasabadda ka sheegay guddoomiye ku-xigeenka rugta ganacsatada. Cawil Aadan oo ah agaasimaha maamulka lacagta ee bandhiga dhexe , ayaa boggaadiyay bangiga Daryeel oo uu sheegay ka sakow adeegyada uu bixinayo, inuu dalka ku soo kordhin doono shaqo abuur. Xildhibaan Maxamuud Siraaji oo ah guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaan Cabdi Cali oo isna ah guddoomiyaha guddiga midowga Baarlamaannada bariga Afrika ee la-dagaallanka gaajadda ayaa soo dhaweeyay daahfurka bangiga iyo adeegyada fudud ee uu bangiga bixinayo, iyaga oo ku booriyay inay si furan ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed. Wasiir ku-xigeenka wasaarada maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Prof. Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow oo munaasabadda daahfurka bangiga Daryeel soo xiray , ayaa ku ammaanay adeegyada sahlan ee uu bangiga usoo bandhigay bulshada Soomaaliyeed, arrintaa oo uu ku sheegay inay tusaale u tahay horumarka iyo horusocodka dalka, waxaa kalo uu ganacsatada Soomaaliyeed ku ammaanay dhabar adeyga ay u muujiyeen marxaladihii adkaa ee uu dalku soo maray, ganacsatada ayuu si gaar ah ugu baaqay inay xoogga saaran dhiirrigalinta adeegyada ganacsi iyo sida lagu gaari lahaa isku filnaasho buuxda. Ugu dambeyn, ka qaybgalayaasha daahfurka bangiga Daryeel ee magaalada Muqdisho ayaa ku ammaanay mas’uuliyiinta bangiga adeegyada u sahlaya bulshada in iyaga oo jooga gurigooda ama goobahooda inay qaab internet ah ku heli karaan dhammaan adeegyada bangi ee lacag diris, soo diris iyo dhigashaba leh, iyada oo aan la tageyn xarumaha bangiga.