Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,939
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdifitaax Ismaaciil Daahir oo ah Guddoomiyaha Guddiga Duulista Hawada, Gaadiidka, Waddooyinka, Dekedaha, iyo Tamarta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Siyaasada iyo Istiraatijiyada ee Xisbiga UPD, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ciqaab wadareed marsiineyso shacabka Jubaland. Xildhibaan Cabdifitaax ayaa sheegay in xayiraadda dhanka hawada ee dowladda federaalaka ay saaray duulimaadka Dowlad gobaleedka Jubbaland ee ay tahay arrin ay ka dhalan karto hoos u dhac dhaqaale iyo arrimo banii’aadamnimo oo soo wajaho shacabka ku dhaqan deegaanada Jubbaland. Xildhibaan Cabdifitaax oo ka hadlayo arrinta xiyiraadda duulimaadka lagu soo rogay Jubbaland ayaa yiri “go’aanka lagu xiyirayo duulimaadyada Kismayo ma aha mid wax yeelaya maamulka Jubaland balse waa mid ciqaab wadareed iyo dhibaato weyn ku ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda degaanadaas.” Waxa uu intaas ku daray “Sidoo kale waa go’aan astaan su’aaleed saaraya lasoo wareegida maamulka hawada Soomaaliya oo sharcigii sahli lahaa uu hadda horyaalo Golayaasha Baarlamaanka. Iyadoo la garan karo in ay adagtay in si xirfadnimo leh (professional) loola shaqeeyo xukuumadda hadda jirta, haddana waa in hoosta laga xariiqo muhimadda ay leedahay in aan Hay’adaha halbawlaha u ah bixinta adeegyada dawlada dhexe, sida hagida diyaaradaha, aan loo adeegsan ujeedooyin ama dano gaar ah oo ay leeyihiin shaqsiyaadka hadda talada hayaa. Waxaan Xukuumadda Federaalka” Halkaan ka Akhriso qoraalka xildhibaanka oo dhameys tiran
  2. Somali politicians have already started their political campaigns and by January 2020 it is certain that campaign activism will increase. In terms of channeling messaging, the politicians are spoilt for choice with the widest variety of media accessible to them now. Source: Hiiraan Online
  3. Cabdalla Xamdook, ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqay xukuumaddiisa cusub tan iyo markii lagu dhawaaqay xukuumadda kumeel gaarka ah ee dalkaasi maamuli doonta mudada saddexda sano ah. Wasiirada waxaa kamid ah Asma Cabdallah oo loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda dalka Suudaan, waxayna noqon doontaa haweeneydii ugu horeysey ee xilkaasi ka qabata Suudaan. Dhanka kalena, Jamaal Cumar oo janaraal ka tirsan ciidammada ayaa noqonayaa wasiirka gaashaandhigga halka El-Trafi Dafallah oo horey u ahaa sarkaal sare oo ka tirsan booliska ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha. Taliska milatariga dalka Suudaan iyo dhinacyadii shacabka ee xukunka ka tuuray Cumar Xasan Albashiir ayaa dhowaan ku heshiiyey dowlad wadaag ah oo Suudaan maamuli doonta muddo 3 sano ah. PUNTLANDPOST The post Ra’iisul wasaaraha wadanka Suudaan oo ku dhawaaqay xukuumad cusub. appeared first on Puntland Post.
  4. Madaxweynihii ugu xukunka dheeraa ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa u geeriyoodey xanuun uu muddooyinkii ugu dambeeyey la xanuunsanayey. Mugabe wuxuu ahaa 95 sano jir Wuxuu dhashay 21-kii February 1924, xilligaas oo Zimbabwe loo garanayay Rhodesia, waxaana uu xabsi ku jiray in ka badan 10 sano ka dib markii uu eedeeyay dowladdii Gumeystaha ee Rhodesia, sannadkii 1964-tii. Robert Mugabe ayaa in ka badan 30 Sanno Madaxweyne ka ahaa dalka Zimbabawe, iyadoona xilka looga qaaday afgembigii sanadkii 2017 ka dhacay wadankaasi. Halyeygaan sida weyn looga yaqaaney dunida ayaa sanadkii 1973 dii waxaa loo doortay madaxweynaha xisbiga Zanu ee Zimbabawe kaas oo uu ka mid ahaa aasaasayaashiisa. PUNTLANDPOST The post Madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe oo geeriyoodey. appeared first on Puntland Post.
  5. War ay shaacisay Dowladda Zimbabwe ayaa sheegay in uu geeriyooday Madaxweynihii hore ee Dalkaasi, Mr; Robert Mugabe, kaasi oo in muddo ah xanuunsanayay,eheladiisa ayaa warbaahinta u xaqiijiyay. War qoraal ah oo bartiisa Twitterka uu soo dhigay Wasiirka Waxbarashada Zimbabwe, Fadzayi Mahere, ayuu kaga hadlay geerida Mugabe,isagoo yiri”nabad ku naso Robert Mugabe.” Madaxweynihii hore ee Zimbabwe oo geeriyooday Mr. Mogabe oo ahaa 95 Sano jir,wuxuu in muddo ah la jiifay xanuun hayay iyo sidoo kale gabow is biirsaday, waxaana lagu daweynayay isbitaal ku yaala Dalka Singapore, halkaasi oo uu ku geeriyooday, oo uu weligiisa caafimaad ahaan u aadi jiray. Muddo Sanado ka hor ayuu xilka ku wareejiyay, Emmirson Manangagwa, kadib markii Militariga Dalkaasi ay afgembi ku rideen maamulkiisa. Mr; Mugabe waxaa xilka looga qaaday afgembi Militari Bishii November ee Sanadkii 2017, taas oo soo afjartay xukunkiisii socday in ka badan 30 sano. Robert Mogabe, wuxuu dhashay 21-kii February 1924, xilligaas oo Zimbabwe loo garanayay Rhodesia, waana shaqsi Taariikh weyn ku leh Dunida, inta badana lagu yaqiinay hadallo cad cad oo aan lahayn cabsi,marka uu la hadlayo siyaasiinta reer Galbeedka ah. Mr; Mogaabe waxyaabaha uu soo maray noloshiisa waxaa qeyb ka ahayd in uu xabsi ku jiray in ka badan 10 Sano,ka dib markii uu eedeeyay dowladdii Gumeystaha ee Rhodesia, sannadkii 1964-tii,sidoo kale dowr weyn ayuu ka soo qaatay dhismaha Dowladnimada iyo hoggaaminta dalkaasi,balse wuxuu ahaa qof in muddo ah xilkaasi hayay,taasi oo keentay in ugu dambeyn xilka laga tuuro. Goobjoog News SHARE Source: goobjoog.com
  6. Hogaamiyihii Wakhtiga dheer hogaaminaya Dalka Zembabe Robert Mogabi ayaa ku geeriyooday isagoo kara 95 sanadood. Mogabi wuxuu Zambabwi ayaa Dalkiisa Madaxweyne ka ahaa in ka [...] Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa xalay kormeer ku sameeyey illaa afar degmo oo kala ah Shibis, Boondhere, Shangaani iyo Kaaraan ee gobolka Banaadir. Guddoomiyaha ayaa u kuur galayey xaaladaha dhanka amni isaga oo booqday saldhigyada Booliska ee degmooyinkaasi. Sidoo kale u jeedka ayaa ahaa mid uu Duqa magaalada Muqdisho ku qiimeynayey, sida ay maamullada degmooyinka iyo saraakiisha ciidamada Booliska ula falgalaan howlaha amniga. Guddoomiye Filish ayaa amray guddoomiyeyaasha degmooyinka inay xil iska saaraan sugida amniga degmooyinka ay maamulaan. Waxaa kale oo uu ugu baaqay inay wada shaqeyn la yeeshaan qeybaha kala duwan ee shacabka, si looga hortago falalka liddiga ku ah amniga. Ugu dambeyn ciidamada ammaanka ayuu uga mahadceliyay sida ay u sugayaan amniga magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Muqdisho (SMN) – Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu beeniyay in dowladda Itoobiya ay u kala dab-qaadeyso dowladda iyo Axmed Madoobe. Dhinaca kale, Mudanaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu shaaciyey in ay wadaan olale balaaran oo ka dhan ah ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM, kuwaasi oo sharci daro ku jooga waddanka. Mr Jeesow ayaa wuxuu ku nuux-nuux saday in Axmed Madoobe uu galay dambiyo kala duwan, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay xusul-duub ugu jirto sidii ay cadaaladda u soo taagi lahayd. Ugu dambeyntii, shacabka Soomaaliyeed ayuu ku tartarsiiyey in ay garab istaagaan dowladooda, isaga oo sheegay kalsooni weyn ka muujiyey in dhabaha uu haatan dalku ku socdo ay horseedi doonto horumar. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Qiimaha.mp3 View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Robert Mugabe ayaa dhintay isagoo ah 95 sano jir. Wuxuu Zimbabwe maamulayay in ka badan 30 sano. Wuxuuna xilka qabtay ka dib xurriyaddii dalkaas. Kadib markii uu dhaqaalaha Zimbabwe si weyn u burburay sannadihii lasoo dhaafay, dad badan ayaa sii saadaalinayay in Mugabe uu isna dhici doono, balse markasta taas waa uu ku beentaynayay illaa xilka laga tuuray sannadkii 2017kii, oo militariga ay si kooban ula wareegeen Zimbabwe. Xilligaas wuxuu la saftay xaaskiisa, waxaana looga shakiyay in uu taageeray in ay isaga badasho uu taas ku lumiyay taageeradii xisbigiisa iyo waliba ciidanka kuwaas oo xukunka ku hayay illaa iyo hadda. Ka hor doorashooyinkii 2008-dii, waxa laga soo xigtay in uu yiri “Haddii doorasho lagaaga reeyo, dadkuna ku nacaan waa in aad iska tagtaa”. Markii uu kaalinta labaad galay doorashada, wareeg labaadna loo gudbay waxa uu Mugabe sheegay in ‘Alle oo kaliya’ uu xilka ka qaadi karo. Si uu taageerayaashiisa u badbaadiyo, Morgan Tsvangirai ayaa ka baxay wareegii labaad ee doorashada kadib markii ciidammada ay bilaabeen in ay dhibaateeyaan mucaaradka, iyada oo markii dambe Mugabe lagu qasbay in uu awoodda la qeybsado Morgan oo laga dhigay Ra’isulwasaaraha Zimbabwe muddo afar sanno ah. Fikradda uu ka qabo mucaaradka waxa ay iska cadayd sannadihii 1980-aadkii xiligaas oo ciidammadiisii sida gaarka u tabobarnaa ay weerareen degmada Matebeleland halkaas oo lagu laayay kumanaan ka mid ah taageerayaasha Joshua Nkomo oo ahaa hoggaamiyihii mucaaradka. Sooyaalka Mugabe oo kooban 1924 ayuu Dhashay 1964: waxaa xabsi galiyay dowladdii gumeysiga ee Rhodesian 1980: Wuxuu ku guuleystay doorashooyinkii dhacay xornimada ka dib 1996: Wuxuu guursaday Grace Marufu 2000: Wuxuu ku guuldaraystay afti, kadib ciidamo taabacsan ayaa weeraray beeraha caddaanka. 2008: Kaalinta labaad ayuu galay doorashooyinkii guud ee dhacay 2017: Waxaa xilkii ka qaaday madaxweyne ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa iyo militariga Mar waxaa loo arkay in uu yahay halyeey dalkiisa iyo dadkiisa u halgamay, meeshana ka saaray xukunkii caddaanka tirada yar ee dalkaas majaraha u hayay, waana sababta hoggaamiyeyaal badan oo Afrikaan ah ay uga gaabsadaan in ay dhaleeceeyaan. Adduunka intiisa badan horey ayuu u socday, balse isaga halkiisii ayuu taaganyahay marka laga hadlayo fikradihiisa ku aadanaa dowladaha reer Galbeedka. Qof kasta oo dhaleeceyn u jeediyo gumeystaha waxaa loogu yeeri jiray “Qaa’inul waddan ama dabo dhilif”, kalmadahaas oo markii lagu guda jirey halganka hubeysan qofkii lagu dhoho ay ka dhigneyd xukun dil ah oo kale. Waxaa saarneyd cunnaqabateyn muddadii uu xilka hayay, taas oo ka dhalatay markii uu beeraha ka qaaday dadkii caddaanka ahaa ee Zimbabwe degganaa. Markasta wuxuu dhaqaale burburka Zimbabwe ku eedeyn jirey dalalka reer galbeedka oo ay hoggaaminayso Britain, wuxuuna sheegi jiray in ay doonayaan in ay xilka ka tuuraan, xoogna kula wareegaan dhulka beeraha ah ee Zimbabwe. Dadka isaga naqdiya ayaa ku eedeeyay in uusan fahamsanayn sida uu u shaqeeyo dhaqaalaha adduunka casriga ah. Wuxuu muddo badan ku mashquulsanaa sida loo qeybsanayo qeyraadka dalka halkii uu ku mashquuli lahaa sidii loo kordhin lahaa dhaqaalaha Zimbabwe. Mugabe ayaa mar yiri hadalkii caan baxay ee ahaa in dalkiisa uusan waligiis musalafi doonin, balse sannadkii 2008-dii Zimbabwe waxa ay ahayd markab sii quusaya oo kale, sicir bararkana wuxuu gaaray 231 milyan, boqolkiiba, waxayna u ekeyd in Mugabe uu doonayay in uu ka wardoono xeerada salkeeda. Prof Tony Hawkins oo ka tirsan jaamacadda Zimbabwe ayaa yiri “Markasta oo siyaasadda iyo dhaqaalaha is barbar qabtaan, siyaasadda ayaa guuleysan jirtay”. Sannadkii 2000 markii uu la kulmay mucaaradad adag, wuxuu markiiba buris u qaatay burburinta dhaqaalaha Zimbabwe oo ka mid ahaa kuwa ugu wanaagsan Afrika si uu ugu guuleysto hardankii siyaasadda. Wuxuu la wareegay beerihii ay lahaayeen dadka caddaanka kuwaas oo laf dhabar u ahaa dhaqaalaha Zimbabwe, waxaana meeshii ka cararay deeqbixiyeyaashii caalamka. Haddii si kale loo dhigo, Mugabe wuxuu ka reeyay mucaaradkiisa oo dhan, isaga oo xukunka kusii nagaaday. Kaartooyinkii uu isticmaalay isaga iyo tageerayaashiisa waxaa ka mid ah tii barigii ay jabhadda ahaayeen. Markii uu dhadhamiyay guuldaradii koowaad ee doorashada, sannnadkii 2000 xiligaas oo uu ku guuldaraystay aftidii dadka laga qaaday, waxa uu hawlgaliyay maleeshiyaadkiisii oo wata magaca “halyeeyada dagaalka” kuwaas oo gacan ka helaya ciidammada amniga, waxayna bilaabeen in ay laayaan mucaaraadka, qaar la jir dilo, qaarna la cabsi galiyo. Siddeed sano ka dib iska arrintii oo kale ayaa dhacday ka dib markii Mugabe uu galay kaalinta labaad ee wareegii koowaad doorashada. Waxaana kaalinta koowaad ka galay hoggaamiyihii mucaaradka Morgan Tsvangirai. Marka loo baahdo, dhammaan qeybaha kala duwan ee dowladda sida ciidammada, shaqaalaha rayidka ah iyo waliba warbaahinta oo ay gacanta ku hayaan xubnaha xisbiga ZANU-PF ayaa la hawlgaliyaa si loogu adeego danaha xisbiga. Ninkii u dagaalamay in uu hirgaliyo nidaamka hal qof iyo hal cod, ayaa markii dambe soo rogay in qof kasta oo codka dhiibanaya uu cadeeyo halka uu degenyahay, islamarkaasina keeno waraaqaha uu ku bixiyay korontada iyo biyaha, taas oo aysan heli karin dad badan oo dhalinyaro ah oo fuqaro ah, una badnaa taageerayaasha mucaaradka. Fikradda uu ka qabo mucaaradka waxa ay iska cadayd sanadihii 1980-naadkii xiligaas oo ciidamadiisii sida gaarka u tabobarnaa ay weerareen degmada Matebeleland halkaas oo lagu laayay kumanaan ka mid ah taageerayaasha Joshua Nkomo oo ahaa hoggaamiyihii mucaaradka. Mr. Nkomo ayaa markii dambe aqbalay in uu awoodda la qeybsado Mugabe, si la mid ah sidii Tsvangirai uu u aqbalay kadib markii la laayay kumanaan qof oo taageersanaa. Waxyaabaha aan shakiga lahayn ee 33-dii sano ee uu xilka hayay u qabsoomay Mugabe waxaa ka mid ah waxbarashada oo 90% dadka reer Zimbabwe laga dhigay kuwa wax qora, waxna akhriya. Balse taas waxa ay horseeday in dadkii aqoonta yeeshay ay darsaan dhibaatada Zimbabwe, kadibna qaataan go’aano ay kaga soo horjeedaan isaga. Dhambaalo laga soo xigtay dowladda Maraykanka oo lagu soo daabacay bogga Wikileaks sanadkii 2011-kii ayaa lagu sheegay in Mugabe uu qabo kansar. Balse sidaas oo ay tahay wuxuu markasta sheegi jiray in uu xilka ka degayo marka uu guuleysto halganka uu ku jiro. Waxaase marar badan soo baxay warar suuqa ku jiray oo ahaa in xisbigiisa ZANU-PF ama dalalka dariska ay xukunka ka tuuri doonaan Mugabe. Waana isla taas middood waxa hadda dhacaya, inkasta oo aanan wali lagu kala bixin. Xigasho BBC. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Beledwayne (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa waxa uu soo dhaweeyay shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee ka furmay magaaladda Dhuusamareeb. Waare oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in kulanka uu rajeynayo in ay kasoo baxaan qodobo mirdhal oo dan u ah guud ahaan geyiga Soomaaliyeed iyo waliba gobolka Geeska Afrika. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku nuux-nuux saday in uu sidoo kale bogaadinayo dedaaladda xukuumadda federaalka ay ku dhiseyso Galmudug loo dhan yahay oo horumarka dalka qayb ka qaadata. Shirkan oo uu daah-furay ra’iisul wasaare Khayre ayaa waxaa uu socon doonaa maalmo ah, wuxuuna gogol xaar u yahay shir kale oo ay awoodaha ku qeybsan doonan guud ahaan beelaha dega maamulkan. View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Danjire Cali Fiqi oo wareysi siiyey goor dhow ayaa sheegay in Maxkamada ICJ ay dib u dhigtay mudo laba bilood ah dacwadda badda ee laga gudbiyey Kenya. Danjire Cali Fiqi ayaa sheegay in dacwada dhageysigeeda ay bilaaban doonto bisha November 04 teeda 2019 islamarkaana ay tahay waqti aad u yar. Safiirka ayaa muujiyey in Maxkamada ICJ ay ka xun tahay go’aankan balse ay ku gaartay codsi ka yimid Dowladda Kenya kaasi oo ay ku codsatay in dacwada dhageysigeeda dib loo dhigo mudo Sanad ah balse Maxkamadda aanay ka ogolaan. Go’aankan Maxkamadda ICJ kasoo baxay ayaa ka dhigan in Maxkamaddu aysan fulin dalabkii Dowladda Kenya ee Baddeena nagu heysata maadaama ayagu ay codsadeen in mudo Sanad ah dib loo dhigo oo kaliya Laba bilood dib loo dhigay. View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ambassador Cali Siciid (Faqi) oo ah danjiraha Soomaaliya ee Ururka Midowga Yurub ayaa ka hadlay go’aankii ka soo baxay maxkamadda cadaalada adduunka ICJ ee dib loogu dhigay muddo labo bilood ah kiiska Badda ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Safiirka ayaa sheegay in ICJ go’aankaasi ay qaadatay,kadib markii ay tixgelisay codsigii ka yimid dhanka Kenya iyo sidoo kale jawaabtii ay ka bixisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Fiqi ayaa xusay in aysan wax dhibaato ah u arkin go’aankan, islamarkaana uunu aheyn mid dhibaato ku ah Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay soo dhaweynayaan taallabadani, islamarkaana ay ku faraxsan yihiin. ‘’Annaga waxaan u aragnaa go’aan runtii fiican oo ma aragtay laba bilood hadda bisha October kaliya ayaa naga xigta, marka annaga waxaan u aragnaa go’aan aan dhibaato nagu aheyn.’’ ayuu yiri Fiqi. ICJ ayaa xalay ku dhawaaqday in dib loo dhigay dhageysiga dacwadda labada dal, waxaana la dhageysan doonaan 4-ta November ee soo socota, iyadoo doodu ay ku horreyn doonto Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/Danjire-Fiqi-Cod.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga furay shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ay ka qayb gelayaan ergo meteleysa dhammaan reer Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha oo wasaaradda arrimaha gudaha iyo guddiga qaban-qaabada shir-weynaha uga mahad celiyay dadaalkii dheeraa ee ay u galeen isu keenidda bulshada Galmudug, ayaa sheegay in shirkaani uu gogol xaar u yahay dhismaha Galmudug loo dhanyahay oo ka shaqeynsa danaha reer Galmudug kana qayb qaadata horumarka guud ahaan dalka. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale u mahad celiyay Madaxweynaha Galmudug, Ahlu Sunna, dhammaan bulshada reer Galmudug, ciidamada amniga sugaya iyo dhammaan intii gacan ka geysatay in geeddi socodaka dhismaha Galmdug dhammeys ah lasoo gaarsiiyo heerka uu maanta marayo, waxa uuna shirka u rajeeyay in uu guul ku dhammaado. “Shirkaan caawa aan daah fureyno waa albaabkii laga gelaayay dowladnimada Galmudug…. Si loo hehiisyo oo maamul la wada leeyahay loo dhiso waa in danta gaarka ah meel la dhigo oo dan guud laga shaqeeyo….Waa in aan ka guurno fikirka khilaafka ku dhisan, dhaqanka colaadda ku dhisan iyo maslaxadda qabyaaladda ku dhisan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Shir-weynaha ayaa inta uu socdo waxa ay reer Galmudug uga tashanayaan dhismaha dowad gobaleedka Galmudug iyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah oo horseedda in maamulka ay dhisanayan uu noqdo maamul ku hoggaamiya wadada horumarka, xariir wannaagsanna la leh dowladda federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa bishii June ee sannadkaan waxa uu deegaannada Galmudug ka bilaabay dadaal gundhiggiisu ahaa ka guul gaaridda geeddi sococdka qorshaha reer Galmudug ay ku dhisanayaan dowlad gobaleed dhammeys ah oo loo simanyahay, wanaana dadaalladaas soo dhaweeyeeyay beesha Caalamka, reer Galmudug iyo bulshada Soomaaliyeed oo dhan. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-06092019.mp3 View the full article
  15. JOHANNESBURG, South Africa – Zimbabwe’s founding leader Robert Mugabe has died in Singapore aged 95, two sources in touch with his family told ZimLive on Friday. Source: Hiiraan Online
  16. The once feared paramilitary force in eastern Ethiopia, Liyu Police, is undergoing reform process, its new commander, Gen Mohamed Ahmed Mohamud, has told the BBC Somali service. Source: Hiiraan Online
  17. Somali life in Minnesota got a national audience Thursday when the NPR program 1A highlighted the community and its stories. Source: Hiiraan Online
  18. Titled Building Education to Boost Human Capital, the report notes that an estimated three million Somali children remain excluded from schooling opportunities, largely affecting 6-18-year-olds who make up 40 percent of the Somali population. Source: Hiiraan Online
  19. There was relative calm on the streets here in South Africa's largest city Wednesday after days of looting and burning of foreign-owned businesses. Source: Hiiraan Online
  20. Warsheikh, 5 September, 2019 – After exercising control and managing peace and security in the area for five years, the African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Monday handed over Warsheikh Forward Operating Base to the Somali Security Forces, as dictated by the Somali Transition Plan. Source: Hiiraan Online
  21. Dhegeysiga dacwada badda waxuu ka bilaabanaya Maxkamada ICJ September 9, 2019 haddii uusan jadwalka isbedelin. Dowladda Soomaaliya ayaa horgeysay Maxkamada ICJ, dacwad ka dhan ah dowladda Kenya August 28, 2014. Maalintaas wixii ka dambeeyey, xiriirka Muqdisho iyo Nairobi, aad ayuu u sii xumaanaayey. Ka dib markii wadahadalo xaldoon ah, oo soo jiitamayey muddo shan sanadood ah ay miro dhallinwaayeen, ayaa dowladda Soomaaliya maxkamada ka codsatay inay go’aan ka gaarto sohdinta badda ee labada dal, ayadoo la raacayo qaanuunta baddaha caalamiga. Halkii Kenya laga sugayey ka soo warcelinta (muddaca) dacwada, ayay Oktoobar 7, 2015 soo gudbisay diidmo hor u dhac ah. Hase yeeshee, Maxkamadda ICJ ayaa Febraayo 2, 2017 gaashaanka ku dhufatay, doodii marmarsiyada ahayd ee Kenya (preliminary objections). Qaraarku wuxuu caddeyay, inkastoo uu heshiis hore jirey, haddana maxkamada kama horistaagayo gudagashadda waajibkeeda dacwadda hortaal. Soomaaliya iyo Kenya waxay ku kala aragti duwan yihiin jihaynta soohdinta marta xeebta ay waddaagaan. Soomaaliya waxay aaminsan tahay in xuduudeeda badda ay si toos ah ula socoto midda dulka, taasoo ah xariiqda toosan ee loo yaqaan (median line or equidistance line). Aragtida Soomaalia waa tan caalamka guud ahaan isku raacsan yahay. Kenya waxay ku adkeysaneysaa in sohdin-baddeedka ay la wadaagto Soomaaliya ay tahay barbar dhac (parallel) ka soo burqata xariiqda toosan ee labada dal wadaagaan. Sheegashadaas, waxay Kenya ku heleeysaa dhul-badeed Soomaaliyeed oo baaxadiisa lagu qiyaasay 100,000 Sq Km, lana mid ah qiyaas dhuleed (bedka) gobolka Jubaland. Ismandhaafka wuxuu sii xoogeystey, kadib markii ay dowladda Kenya ku xadgudubtey ujeeddada heshiiskii is-afgaradka ee lagu gaarey Nairobi, 2009kii. Kaas oo xusayaa inuusan xallineyn wixii muran ahaa ee labada dal horey ugu socdey ee ku saabsanaa sohdinta kala qaybisa xeebahooda. 2012kii Kenya iyadoo hab qaldan u isticmaalaysa heshiiskii, ayey shirkadaha shidaalka baara ka xaraashtay 8 waxaad oo 7 ka mid ah ku yaalaan aaga Jamhuuriyadda Soomaaliya. Falkaas sharci darrada ah wuxuu xadgudub bareer ah ku yahay, xuquuqda sahaminta iyo uruurinta dakhliga ay ka qaadatay, (The East African – August 25, 2012). Xaraashka Kenya ee badda Soomaaliyeed waxay daba socotey markii hab qadarin la’aan ah oo ay isla weyni ku dheehan tahay, ay gacan dhaaf ku sameysay madaxbannaanida iyo qaranimadda Soomaaliya. Oktoobar 2011, Kenya waxay si ulakac ah ugu xadgudubtay xuduuda Soomaaliya ayadoo ujeeddadeedu ahayd inay hesho maamul goboleed Soomaaliyeed oo hoostaga “buffer state.” Kenya marnaba kuma xisaabtamin inay Soomaaliya ay kala kulmi karaan awood amase hoggaan ka horyimaada hanqaltaageeda ay ku sheeganeyso badda Soomaaliyeed. Taariikhdu markay ahayd Juunyo 2013 ayaa Golaha Wasiiradda iyo Baarlamaanka Federalkaba Soomaaliya, dib u ansixineen go’aankii Agoosto 1, 2009 kaasoo laallay heshiiskii is-afgaradka Soomaliya iyo Kenya, kuna tilmaammey wax kuma oolan (null and void). Tan iyo markii ay ku guuldareysata doodii hor u dhaca ahayd, Kenya waxay ololayneysaa in gogosha garta lagu fiddiyo meel ka baxsan Maxkamadda ICJ. Kenya waxay ku baraarugsan tahay, in xaqiiqda dhabta ah ee sohdin-badeedka ay ku doodeyso uusan salka ku heyn sharuucda caalamka ee xuduudaha baddaha. Intaa ka dib, Kenya waxay bilowday inay isticmaasho xeelad canaad iyo sasabasho iskugu dhafan. Taariidhdu markay ahayd Siteembar 2016, waxay ka qaaday Soomaaliya xayiraaddii safarka dalku galka waddankeeda oo tan iyo 2006kii taagneyd. Daajinta ay Kenya ku kasbanayso Soomaaliya intaa kuma ekaan. Taariikhdu markay ahayd Maarso 2017kii, Kenya waxay u ballan qaaday Soomaaliya, in saraakiisha dowladda ee ku safraya baasaboorada shaqadda rasmiga ah iyo midka diblomaasiga inay dalka Kenya ku geli karaa fasax dal ku gal la’aan. Waxaa dadaalkaas daba jooga, hagardaamo dadban. Taariikhdu markay ahayd Nofeember 2018kii, ayaa Wasaaradda Difaaca Kenya damacday in Soomaaliya ku soo jiido, ka mid noqoshadda Heshiiska Amniga Badweynta Hindiya (Indian Ocean Security Deal), iyadoo farta ugu fiiqeysa in ay dan ugu jirto. Kenya waxey markale weji gabax kala kulantey hankaaggeeddii, kadib markii ay dowladda Soomaaliya ku gacan sayrtay. Haddii uu shiqoolkaas uu u suurogeli lahaa, gacan ku haynta badda (maamulka), waxay u gacan geli lahayd ciidamadda “Kenya Coast Guard,” (Allafricanews – 29/11/2018). Daandaansiga iyo dhagarta Kenya waa arrin la yaab leh. Dowladda Soomaaliya ayaa London ku soo bandhigtay macluumaadka sahminta soosaarista khayraadkeeda, taariikhdu markay ahayd Febaraayo 7, 2019 (seismic data 2014-2016). Islamarkiiba, Kenya waxay jeebka gashatey wanaagii yaraa, inkastoo dowladda Soomaaliya iyo shirkadda Spectrum ay u xaqiijiyeen, in aysan qaadin tallaabo wax u dhimmi kara dacwadda Maxkamada ICJ. Kenya kuma qancin shaki bixintaas, oo waxay durbadiiba ka soo saartey bayaan xanaf leh taariikhdu markay ahayd Febaraayo 16, 2019, kaas oo ay ku soo cayrisayay danjire Moxamuud Axmed Nuur – Tarzan, isla markaasna dib ugu yeeratay mid keedii – danjire Lucas Tumbo. Falkaas oo ka baxsan hab maamuuska iyo xurmada deriswanaaga. Maarso 2019kii, gulufkii boolaxoofteynta waxaa cagta u dhigay, dadaaladii gobolka oo Kenya kaga digayay colaadinta Soomaaliya iyo carqaladeynta nabadda GeeskaAfrika. Islamarkaas, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo wuxuu ugu tagay Madaxweyne Uhuru Kenyatta fadhigiisa, ayadoo shacabka Soomaaliyeed carro ka muujiyeen kulankaas. Kenya waxay dib boorka ugu jaftey siyaasadeedii cunnoqabateynta Soomaaliya. Maajo 2019kii, waxay xayiraad dal ku gal ku soo rogtay ergadii dowladda Soomaalida uga qayb geli lahaa shir looga arrinsanayay iskaashiga xuduudaha Geeska Afrika, oo ay EUda iyo UNka soo qaban qaabiyeen, laguna qabanayey Nayroobi. Hagardaamadaas waxaa ka dhalatay natiijo ka duwan middii ay ka filaysay. Kenya malaha waxay maleenaysay in Soomaalida oo qabyaalad boqongoysay, aysan ku heshiin karin maareynta khayraadkooda. Waxaase mala’awaalkeedii dhabar jabiyey in baarlamaanka Soomaaliyeed, si sahlan ku ansixiyay sharcigii shidaalka. Kenya markii ay ku waabariisatey, in maamulka Farmaajo-Kheyre aysan dhag jalaq u siinayn daandaangiseeda, ayay cunnoqabateyn hor leh ku dhaqaaqdey. Waxay joojisay duulimaadyaddii tooska ahaa (Nairobi – Muqdisho), mamnuucday rarka aan rakaab la socon ee diyaaraddaha ka soo qaadaan Muqdisho, si ay shacabka ugu kiciso dowladda. Caqabaddaha Kenya ay culays ku saartay dowladda Soomaaliya waxaa kaloo ka mid ahaa, in Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, oo la kulmay wafdi ka socday Hargeysa, ayaadoo uu ula dan lahaa qaran jibinta midnimada Soomaaliya. Waxay dhammaan diyaaradaha ka yimaada Muqdisho ku soo rogtay inay ku hakaddaan Wajeer, ka hor inta aysan u gudbin Nairobi. Halka, kuwa ka soo duula Jubaland amase Somaliland, si toos ah ay ugu fasaxan yihiin ka degidda garoonka Nairobi. Intaba markii Muqdisho ay ka danqaweyday, ayay Kenya bilowdey weerar ay ku marmarsiyooneyso la dagaalanka argagaxisada, kuna ololeyneyso qaraarka 1267 oo ku saabsan, in Shabaab loo aqoonsado urur argagixiso caalami ah. Golaha Ammanka QM ayaa diiday August 28, 2019. Weliba, taa bedelkeeda Goluhu wuxuu ku boorriyay dowladda Kenya, inay meelmariso qaraarraka 751 ee lala beegsanayo Shabaab, oo ay ka mid tahay mamnuucida ganacsiga dhuxusha dekedda Kismaayo ka baxda, iyadoo dhaliilo hore ka taaganaayeen mucaamilka ciidamadda Kenya ee maamula dekadda la leeyihiin Shabaab. Soomaaliya waxay markasta iyo meelwalba madaxbanaanideeda ku ilaalsaneysaa, si nabad iyo asluub diblomaasiyad leh, oo ay daris wanaag ku dheehan tahay. Waana tan keentay inay dacwad ka gudbiso Kenya. Sidoo kale, Soomaaliya waxay ka feejigan tahay dhagarta Kenya, ayadoo iska ilaalineysa fal kasta ee laga yaabo inay wax u dhimmi karaan deris wanaaga, ilaa maxkamadda ka soo saarto qaraarkeeda kama dambeys ah. Isku daygii ugu dambeye ee Kenya ku hor istaagayso inay dhacdo dhagaysiga dacwada badda ee hor taalla Maxkamda ICJ, ayaa ah inay codsatay in dib loo dhigo xilligii lagu madlanaa oo ahayd September 9, 2019. Kenya waxay ku marmarsiyooneysaa inay eriday lix qareen oo ku matalayey dhagaysiga dacwada badda, ayna doonayso in waqti loo siiyo si ay u qoroto qareeno cusub. Ilaa hadda Kenya waxaa difaaca uga baxay kharash kor u dhaafaya ilaa 3 malyan doollar, haddana waxaan sir ahayn, in ay u muuqato in fursada guul darrada dacwada ka badan tahay tan midda guusha. Haddaba, uurkummaanle Macharia Kamau waxuu u baahan yahay inuu kala garto waxa la yiraah bisayl iyo bisayl la’aan diblomaasiyadeed, inta uusan ka qoomamayn daris xumidda uu unkay. W/Q: CabdulQadir Cariif Qassim Jamhuriyada.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga furay shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ay ka qayb gelayaan ergo meteleysa dhammaan reer Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha oo wasaaradda arrimaha gudaha iyo guddiga qaban-qaabada shir-weynaha uga mahad celiyay dadaalkii dheeraa ee ay u galeen isu keenidda bulshada Galmudug, ayaa sheegay in shirkaani uu gogol xaar u yahay dhismaha Galmudug loo dhanyahay oo ka shaqeynsa danaha reer Galmudug kana qayb qaadata horumarka guud ahaan dalka. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale u mahad celiyay Madaxweynaha Galmudug, Ahlu Sunna, dhammaan bulshada reer Galmudug, ciidamada amniga sugaya iyo dhammaan intii gacan ka geysatay in geeddi socodaka dhismaha Galmdug dhammeys ah lasoo gaarsiiyo heerka uu maanta marayo, waxa uuna shirka u rajeeyay in uu guul ku dhammaado. “Shirkaan caawa aan daah fureyno waa albaabkii laga gelaayay dowladnimada Galmudug…. Si loo hehiisyo oo maamul la wada leeyahay loo dhiso waa in danta gaarka ah meel la dhigo oo dan guud laga shaqeeyo….Waa in aan ka guurno fikirka khilaafka ku dhisan, dhaqanka colaadda ku dhisan iyo maslaxadda qabyaaladda ku dhisan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Shir-weynaha ayaa inta uu socdo waxa ay reer Galmudug uga tashanayaan dhismaha dowad gobaleedka Galmudug iyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah oo horseedda in maamulka ay dhisanayan uu noqdo maamul ku hoggaamiya wadada horumarka, xariir wannaagsanna la leh dowladda federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa bishii June ee sannadkaan waxa uu deegaannada Galmudug ka bilaabay dadaal gundhiggiisu ahaa ka guul gaaridda geeddi sococdka qorshaha reer Galmudug ay ku dhisanayaan dowlad gobaleed dhammeys ah oo loo simanyahay, wanaana dadaalladaas soo dhaweeyeeyay beesha Caalamka, reer Galmudug iyo bulshada Soomaaliyeed oo dhan.
  23. THE HAGUE (HOL) - International Court of Justice (ICJ) has postponed the hearing of Somalia-Kenya Maritime border dispute case. Source: Hiiraan Online