-
Content Count
213,933 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Bandhigga Buugaagta Burco Waa Burjigii Hal-Abuurka Togdheer
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Waxaan dareemaya in hibbadu tusaale u tahay nolosha guud ahaan . Waxaan dareemaya in qorraalku iyo akhrisku yahay midka laga dheehdo nolosha iyo humaaga qarsoon ee guud ahaan Aadamigga. Bandhigga Buugaagta Burco(BBB2019) waxay ahayd rajadii jiilka maanta ku nool burco iyo bandhigista hibbadooda nolloleed. waa Caymis lagu wadaago Hal-Abuurnimo Qorraal iyo mid Sugaaneed. Shaqsiyan waxaan kala socday Barraha Bulshada iyo warbaahinta labadaba. Hadaba maxaa iiga baxay? Bal sawir maskaxeed aan ku xardho tusmada fahamkayga ee ku saabsan “BBB2019” Sawirka goobtu waa madal wayn oo qurux badan ardaaga Golis ama Barxada SOYVO oo lagu soo xidhay. waxa isoo jiitay dhigaalka quruxda badan ee Bandhigga buugaagta burco ee lagu dhex xardhay midb-ka qurxsan ee buluuga ah. Wuxuu u muqdaa bandhig si qorshaysan la agaasimay. Ka qaybgalayshuna darreen ahaan waxa isoo jiitay marka loo istaagay heesta Callanka ee dhulka hooyo “Samo ku waar, samo ku waar” oo ahayd dhaxalkii uu inooga tagey abwaan Xasan shiikh muumin AHUN. Runtii waxa goobta ka muuqday dhalinyarro leh hibo suggaaneed iyo hibo qorraal, kuwaas oo ka koobnaa hablo iyo wiilal aan is leeyahay gobollada kale waa ku dhif iyo naadir xaqiiqatan marka la fiiriyo hibada ay soo bandhigaan. Dhalinyarada burco waxa ku jirra wiilal iyo gaabdho sugaan-yahano ah iyo kuwo leh xirfad qorraal oo sare, oo aan dhawr jeer oo hore halacsaday dhigana-yaashooda sugaaneed iyo qorraalo kuwaas aan is idhi hadii xuquuqdooda loo qiri lahaa waxay noqon lahayeen xidigihii qarniga 21aad. Waxa iyaguna amaan muddan dhalinyarro ka shaqeeya arimaha bulshada burco oo mudan xusidood. Waxaan akhriyay maansooyin ay leeyihiin hablo iyo wiilal reer burco, habdhac eragyga iyo dhadhanka nuxurka iyo habraaca errayga waxan xusuusta abwaanadii dhexe sida hadraawi iyo gaariye ama kuwii bari-samaadkii Qamaan iyo salaan waa kuwa aan suggaantooda xiiseeyo ee, markaa burco waa meel murtidu taallo, laba kamid ah abwaanadan aan xusayna waa reer burco. Waxan runtii aad uga xumaaday markii aan arkay inaan dhalinyarradeenu helin dhiirigalintii madaxda gobolka iyo kuwa qarranka, Xataa walalaheen hal-abuurka may helin dhiiri-galinteenii bulsho ee reer burco ee ganacsato iyo nin gar-bood toonna. Burco waxaa la hadhay madaxdii xukunka u haysay, Bal fiiri bandhigii hargaysa waxa looga yimi dunida dacaldeeda. Cadaan iyo madoow xataa waxa goobta joogay madaxda ugu sarraysa dalkeena, waxaan is leeyahay waxa rumoobey habaarkii halgamagii Shiikh Bashiir AHUN. Bal fiiri boorama waxa looga yimi dacallada dunida . Bandhiga waxa dabada ka riixayey bulshada ree borama ganacsato iyo haayado wadani ah iyo haldoorka reer Borama. Yaa inala hadhay? burco waxa la hadhay madaxdii ay doorratay iyo haldoorkii,ganacsatadii, waxaan leeyahay madaxdyadii waxaad hagrateen ubaxii togdheer. Bal isoo fiiri”! Bal waxad qiimaysaa wiilka ama gabadha dhalinyarrada ah ee mudo dhawr sano ah qorraysay Buug sugaaneed ama buug qoraal ah oo maskax muruq iyo dhaqaale galiyay sidii uu hibadiisa usoo bandhigo lahaa, ee morraalku ka xumaaday markii uu waayo qof qiimo u yeella waxa uu qorey, kadib markii uu wayay dhiiri-galintii madaxda iyo tii bulshada gobolkiisa. Waa niyad jab wayn waxaanse hubaa in hal-abuurada qorraal iyo suganneed inay macnawiyan yihiin kuwii la rabey in xirfadooda Xiiso u yeelaan oo midowbaan horumarinta bandhigooda hibo. Sowkii Abwaankii murti dhaadhiga ahaa ee Xaaji aden Af-Qalooc lahaa AHUN “ilko wada jirkooday hilbaha adag ku goyaane,hadii inniba meel taagan tahay adhax ma feentee.” Waxaan arkay dad reer burco ah, oo baraha bulshada ku buunbuninaya Bandhigyadii hargaysa iyo borama , bandhiga burco ee buugaagtana liidaya. Awel soow Maahmaah somaliyeed ma ahayn “Hashii Awar-keeda ka Cararta ee awr kale u oloshaa way abaaho seegta”. Social media waa meesha macanaha loogu yeelo haldoorkaaga, ee dhalinyarada hibada leh yaan la hagran. Miyaan bandhiga burco u qalmin inaad u xusto sidaa aad u xusayasey ee laguugu waynaynayey bandhigyadii gobollada kale. hadii aan dhaho bugaagta burco lagu qorro ayaa ka nuxur badan kuwa kale sow sax maaha, ilaa burco waa meesha hibada u leh sugaanta Somaaliyeed e. Waxaan ku bogaadinyaa”BBB2019″ dadaalka wanaagsan ee ka sameyeen gobolka, waana abaal reer burco idiin hayso inta dhugashada lehi. Waxaan idiin rajaynyaa inaad dadaalka sii wadaan, si sahan-kiina Geeddigu ugu nagaado meel rays iyo ramaas qaboow leh oo aad ku furtaan bahda wax qorta. Wax qoristu waa dhaxal ka kaliya ee ummadi ka dhaxsho ummad. Taasi oo dhaxal u noqota jiilasha soo socda , inagu jilashii inaga horeeyay qoraal inoogma tagin ,waa sababta aan u garan laanahay halka aan ka nimi, si aan u fahano halka aan u socono, waad ogtahay halka qallinku diinta ka joogo. Sawkii Abwaanka wayne ee Hadraawi isagoo tilmamaya muhiimada qalinka lahaa “Muxuu qalinku sheekiyo, qubanah dharaartiyo hadba qodob la yaabiyo, ma hadhooyin qorayaa” Dhamaantiin guul ayaan iidn rajaynayaa insha allh hore u socda walalayaal. Alaah mahad-leh -Facebook. Mustafa Ahmed Geedi -WhatsApp0659555532 -Waxa Qorey. Mustafa Axmed M Geedi-Xaas Burco Somaliland Qaran News -
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar___Qubanaha-14092019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa amray in la soo xareeyo dhammaan ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ilaalada u ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Ciidankaan ayaa looga yeeray taliska Villa Baydhabo oo ay ku jiraan muddo ka badan 7 maalmood, sida ay noo xaqiijiyeen Xildhibaanadii laga ka xeestay ilaalada. Dhowr Xildhibaan oo aan la hadalnay ayaa noo xaqiijiyay in muddo todobaad ah ay yihiin ilaalo la’aan, islamarkaana maanta loo cadeeyay in aysan soo laaban doonin ciidankii ilaalada u ahaa. “Muddo dhowr maalmood ah wax ilaalo ah ma heysano, waxaana looga yeeray Villa Baydhabo ilaa haddana sooma laaban” ayey tiri Sen Nuure Jaamac oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. “Taliska Villa Baydhabo oo aan lahadalnay, waxay noo sheegeen in amar ka soo baxay Jeneral Odowaa lagu xareeyay dib dambane aysan usoo laaban doonin” ayuu yiri Xildhibaan Dalxa oo ka tirsan Golaha Shacabka oo aan la hadalnay. Xubnaha Ciidanka laga ka xeestay ee ilaalo la’aanta kuwaas oo katirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaraya ku dhowaad 100 Xildhibaan oo isugu jira labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanada laga xareeyay ilaalada waa kuwa markii hore ilaalada u aheyn ciidan ka tirsan Gaashaandhigga Soomaaliya, halka Xildhibaanada kale ee ilaalada u ahaayeen Ciidamada kale aysan waxba iska badalin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb-(Caasimada Online) – Guddiga midnimada beelaha Habar-gidir ee lagu soo doortay magaalada Hobyo oo uu hoggaaminayo guddoomiyahooda Prof. Shirwac ayaa galabta wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Sabriye kula kulmay magaalada Dhuusamareeb. Xubnaha guddiga ayaa wasiir Sabriye ka dalbaday in loo madax baneeyo in ay soo xulaan xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Galmudug kasoo galaya beesha Habar-gidir, oo ay guddi ahaan ku matalayaan. Wasiir arrimaha gudaha Cabdi Sabriye ayaa sida aan xogta ku heleyno ka cudur daartay dalabka guddigaan, isagoo ku war galiyay in madaxweyne Farmaajo uu maalmaha nasoo aadan soo gaarayo Dhuusamareeb arrinkaasna ay isaga kala hadlaan. Xubnaha guddiga oo dadaal badan ugu jira sidii ay madax banaani ugu heli lahaayeen soo xulidda Xildhibaanada ka imaanaya beeshooda ayaa caawa Dhuusamareeb kulan kula leh hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna Waljamaaca, waxeyna kala hadlayaan arrimo la xiriira dhismaha maamulka Galmudug. Xubno ka tirsan guddiga ayaa Caasimada Online u sheegay in Ahlu-Sunna ay kala hadlayaan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen in ay soo xulaan xildhibaanada Galmudug ee ka imaanaya beesha usoo xulatay in ay mideeyaan. Dalabka cusub ee guddigaan ayaa ku soo aadaya iyadoo uu Ra’iisul Wasaare Kheyre ku tala jiro sidii uu uga laaban lahaa heshiiskii ay xukuumaddiisu Ahlu-Sunna ugu ogolaatay 30-ka xildhibaan, kaddib markii ay ku dhalatay baqdin ah musharaxa ay codkooda siinayaan. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
War Saxaafadeed Sabti,14 ka September 2019 Maalinta caalamiga ah ee dimuqraadiyada 14 ka bisha Sagaalaad Mogadishu, September 14, 2019; Shan abwaanno dhalinyaro ah ayaa loo aqoonsaday sannadkan abaalmarintooda ay ku guuleysteen soo gudbinta gabayga iyagoo qayb ka ah tartanka Midowga Yurub ee ay maalgalisay silsiladda Nabadda. Ku dhawaaqida ayaa lagu sameeyay xafladda abaalmarinta Silsiladda Nabadda oo lagu qabtay Muqdisho. Waxaa ka soo qeybgalay wakiilo ka socda dowladda iyo Midowga Yurub iyo sidoo kale NGO-yo iyo bulshada caalamka. Kuwa helay abaalmarinnada iyo sidoo kale musharixiinta liiska ayaa soo bandhigay gabayadooda intii ay munaasabadu socotay. Nicolas Berlanga Martinez, danjiraha midowga yurub ee soomaaliya ayaa yiri waxaa sharaf ii ah inaan u dabaaldego gabayaaga dhallinyarada ah. Midowga Yurub wuxuu ku faraxsan yahay inuu martigeliyo kaqeybgalayaasha maanta Muqdisho.Maalinta barito ee Maalinta Caalamiga ah ee Dimuqraadiyadda, waxaan xasuustaa in dimoqraadiyadu ay ku saabsan tahay dadka oo ay ugu muhiimsan tahay dhalinyarada. Dimuqraadiyaddu waxay sidoo kale ku saabsan tahay kaqaybgalka taa soo aasaasi u ah nabadda, barwaaqada iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha. Tabarucayaasha gabayaaga dhallinyarada ahi waa sida gabal-yar oo sawir-qaade ah oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, mid walbana cabbirkiisa kala duwan; laakiin dhammaantood waxay ka buuxaan rajooyin nabad iyo dib u dhis Soomaaliya. Asalka Midowga Yurub wuxuu bilaabay tartankii gabayada Silsiladda Nabadda isagoo taageero ka helaya dhalinyarada Soomaaliyeed si dib loogu soo celiyo dhaqankii gabay ee silsilad ee soo jireenka ahaa. Ujeedada abaabulka dhalinyarada ayaa ahayd mid u furan dhamaan soomaalida daafaha aduunka ujeedkeeduna ahaa in la qabto wada hadalo bulshada dhex mara oo ku saabsan dhalinyarada soomaaliyeed fikradaha dimoqraadiyada iyo nabada. Tartanku wuxuu ka soo galay qaybo ka mid ah afarta gees ee adduunka oo dhan Melbourne, Bosaso, Stockholm, Hargeysa, New Delhi, Seattle, London, La, Baydhabo, Muqdisho iyo magaalooyin kale oo caalami ah iyo maxalli maxalli ah. Si aad uga ogaato wax badan oo ku saabsan tartanka oo aad aqriso waxyaabaha ka soo gala tartamayaasha, fadlan la xiriir xiriiriyaha bogga websaydhka Silsiladda Nabadda: https://silsiladdanabadda.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdi Cabdllaahi Axmed oo lagu naynaaso (Cabdi Dheere) ayaa maantay si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka Madaxwaynaha Galmudug 4ta sano ee soo socota, munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel Aljazeera. Waxaa munaasabada kasoo qayb-galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaannada Labada Gole, siyaasiyiin magac ku dhex-leh bulshada Soomaaliyeed, Sariikiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Odoyaal dhaqameed, waxgarad, haweenka iyo dhalinyarada kasoo jeeda deegaannada Galmudug. Munaasabada ayaa lagu soo bandhigay suugaan kale duwan oo isugu jirta heeso, gabayo, iyo murti taabatay dareenka kasoo qayb-galayaasha, waxaase dhammaan dadkii ka hadlay xaflada ay isla qireen in Musharax Cabdi Dheere yahay qofkii ugu mudnaa ee Galmudug midayn-lahaa. Gabagabadii xaflada ayaa waxaa soo xiray Musharax Cabdi C/llaahi Axmed (Cabdi Dheere) waxaana uu goobta ka jeediiyay khudbad uu kaga hadlay arrimo kale duwan, waxana isagoo sharaxaya ujeedada ku kaliftay tartanka ololaha Galmudug uu yiri “Waxaan ahay qof xog’ogaal u ah xaaladda ay Galmudug maantay ku sugan-tahay, uma tartamayo Galmudug in aan ka shaqaysto, ee waxaa iga go’an in aan Galmudug u shaqeeyo” Sidoo kale mar uu ka hadlayay arrinta dakada Hobyo ayuu wuxuu yiri “Waxaa laga yaabaa haddii siyaasigu uu ka hadlo arrimaha Galmudug oo uusan dakada Hobyo soo hadal-qaadin in loo qaato qof aan waxba sheegin, sidaas awgeed, waxaan aaminsanahay in Dakada Hobyo ay tahay Dakad Soomaaliyeed, Galmudug waxaa waajib ku ah in ay diyaariso jawi lagu dhisi-karo dakadaas, balse nafaceeda, faa’iidadeeda, iyo waxtarkeedaba waxaa iska leh ummadda Soomaaliyeed”
-
Muqdisho (SMN) – Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed ku nool magaaladda Muqdisho ayaa waxay ka cabanayaan dhul boob lagu hayo guri ay lee yihiin. Guri la dhacayo ee ay lee yihiin muwaadiniintan ayaa waxay ku nool yihiin xaafada Waxar Cadde ee degmada Hiliwaa ee magaala madaxda dalka. Shaqsiyaadkan oo sheegtay in loogu awood sheeganayo shaarka dowladda ayaa xusay in guriga ay u cabirtay dowladii Siyaasad Barre sanadkii 1983-dii. Qoyskan oo sumada dhulkoodu tahay X iyo D ayaa dowladda ka codsaday in ay ku garab siiso difaacashadda dhulkooda. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Dhul-boob.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/WARKA-HABEEN-14092019-SAX.mp3 View the full article
-
Jilib (Caasimada Online) – Diyaarado dagaal oo la sheegay in ay wateen Ciidamo u dhashay dalka France ayaa markii 2-aad duqayn ka fuliyay degmooyinka Jilib iyo Bu’aale oo katirsan gobalka Jubada Dhexe sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya. Goob joogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in ay maqlayeen daryanka madaafiic culus iyo rasaas tiro badan oo muddo socotay. Sidoo kale, waxay sheegeen in ay arkeyn iftiin ballaaran oo qabsaday xaafadaha qaar ee Jilib iyo Bu’aale, iyadoo diyaarado dagaal ay dul wareegayeen gobalka Jubada Dhexe. Saraakiil sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya oo magacooda qariyey ayaa noo xaqiijiyey in howlgalkaasi ay iska kaashadeen ciidanka sida gaarka ah utababaran ee Soomaaliya iyo kuwa France ee ku sugan Soomaaliya. Duqeynta ka dhacdey degmada Jilib ayaa la sheegey in lagu lala eegtay Aamiirka Weerarada Kenya u qaabilsan Al-Shabaab oo dhalasha ahaan kasoo jeeda dalka Kenya islamarkaana magaciisa lagu sheegey Sheekh Cumar balse caan ku ah magaca Abuu Bakar iyo labadiisa istaaf oo markaasi lasocodey ayagoo ku sugnaa guri kuyaala duleedka degmada Jilib. Dhanka kale duqeyn kadhcedey degmada Bu’aale ayaa lasheegey in lagu bartilmaameedsaday amiirkii Cusbaa ee amniga u qaabilsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Yare afgarashadiisuna ay aheyd Abuu Cazaab iyo daraawalkiisa ayagoo lasheegey xiligaasi in ay ku guda jireen safar dhulka ah. Dhinaca kale, duqeymo diyaaradeed ayaa ka dhacey xaruun weyn oo lagu tababaro dagalamayaasha Al-Shabaab oo ku taala inta u dhaheysa Haaway iyo Araboow oo kwada ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay duqeyntaan ka dhacday Sh/Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Washington)-Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa Maanta oo Sabti ah sheegay in la dilay Wiil uu dhalay Hoggaamiyihii la dilay ee Al-Qaacidda Osama Bin laden. Mareykanka ayaa sheegay in Howlgal ka dhan ah Argagixisada lagu dilay Xamza bin Laden oo ah wiil uu dhalay Osama Bin Laden. Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa xusay in Xamza Bin Laden uu caan ka dhex ahaa Kooxda Al-Qaacidda oo uu laf dhabar u ahaa aabbihii. Warka kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in howlgalkaan uu ka dhacay dhul u dhaxeeya Xuduudda Wadamada Afghanistan iyo Pakistan. Warbixintaas kasoo baxday Mareykanka ayaa lagu sheegay in dhimashada Xamza Bin Laden ay saameyn ku yeelan doonto Xirfadaha Hoggaaminta ee Kooxda maadaama uu wiilkaan Aabihii ka dhaxlay xirfadda hoggaaminta iyo qaabka fulinta howlgalada ee kooxdaan . Osama Bin Laden ayaa lagu dilay Abbottabad oo ka tirsan dalka Pakistan 2 Bishi May Sannadkii 2011 kadib howlgal ay fuliyeen ciidammada gaarka ah ee Mareykanka. Sida laga arkay warqado laga helay dhismihii lagu dilay Osama bin Laden, ee magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan, Hamza ayaa waxaa illaa iyo yaraaantiisa loo diyaarinayey inuu mar uun hoggaanka Al-Qacida kala wareegay aabbihii. Source
-
Washington (Caasimadda Online) – Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa Maanta oo Sabti ah sheegay in la dilay Wiil uu dhalay Hoggaamiyihii la dilay ee Al-Qaacidda Osama Bin laden. Mareykanka ayaa sheegay in Howlgal ka dhan ah Argagixisada lagu dilay Xamza bin Laden oo ah wiil uu Dhalay Osama Bin Laden. Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa xusay in Xamza Bin Laden uu caan ka dhex ahaa Kooxda Al-Qaacidda oo uu laf dhabar u ahaa aabihiis. Warka kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in howlgalkaan uu ka dhacay dhul u dhaxeeyo Xuduudda Wadamada Afghanistan iyo Pakistan. Warbixintaas kasoo baxday Mareykanka ayaa lagu sheegay in dhimashada Xamza Bin Laden ay saameyn ku yeelan doonto Xirfadaha Hoggaaminta ee Kooxda maadaama uu wiilkaan Aabihiis ka dhaxlay xirfadda hoggaaminta iyo qaabka fulinta howlgalada aee kooxdaan . Osama Bin Laden ayaa lagu dilay Abbottabad oo ka tirsan Dalka Pakistan 2 Bishi May Sanadkii 2011 kadib howlgal ay fuliyeen ciidamda gaarka ah ee Mareykanka. Sida laga arkay warqado laga helay dhismihii lagu dilay Osama bin Laden, ee magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan, Hamza, ayaa waxaa illaa iyo yaraaantiisa loo diyaarinayey inuu mar un hoggaanka Al-Qacida kala wareegay aabihiis. Caasimada Online Xafiiska Washington caasimada@live.com
-
Marka (SMN) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed, wasiirro, xildhibaanno, mas’uuliyiinta gobalka Shabeellada Hoose iyo dadweyne kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, iyo wafdi uu hoggaaminayo, si heer sare ah ugu soo dhaweeyay magaala xeebeedka Marka ee xarunta gobalka Shabeellada Hoose. Magaalada Marko ee xarunta ganacsiga Koonfur Galbeed oo qeyb ka ah deegaannada ay dowladda Federaalka ka sameysay dib-u-heshiisiinta, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu kula hadlay dadweyne isugu soo baxay soo dhaweyntiisa, waxa uuna uga mahad celiyay sida sharafta badan ee dowladnima jaceylku ku dheehanyahay ee ay u soo dhaweeyeen. Mudane Xasan Cali Khayre oo Marka ku tagay lugtii ugu dambeysay ee socdaalka shaqo ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in dowladda oo kaashaneysa madaxda dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ay ka shaqeyneyso horumarka iyo daboolidda baahiyaha bulshada ee wax ka qabashada u baahan, waxa uuna ugu baaqay bulshada in magaalada ay ka dhigaan magaalo ganacsiga ku horumarsan oo soo jiidata indhaha maal gashadayaasha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshad Marko ku nool ku ammaanay dhaqan-gelinta dib-u-heshiisiintii dowladdu ka hir gelisay, midnimada, iyo sida ay sugidda amniga uga wada qeyb qaateen, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan dadaallada wadajirka, isku-kalsoonaanta iyo si-jaceylka si ay u wada gaaraan horumar iyo barwaaqo. View the full article
-
Marka (Caasimada Online) – Bam gacmeed ayaa maanta lagu tuuray barxadda xarunta degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasi oo uu khudbad ka jeedinayey ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga magaalada. Bamka oo qofkii soo tuuray uu baxsaday islamarkaana aan la garaneyn ayaa la sheegay inuu ku qarxay meel waxyar u jirta halkii uu Kheyre ka waday hadal-jeedinta, sida ay goob-joogeyaal u xaqiijiyeyn Caasimada Online. Qaraxa bamka ayaa la sheegay in dhaawacyo fudud uu kasoo gaaray qaar ka mid ah ilaalada ra’iisul wasaaraha. Ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay inaan marnaba halis gelin, qaraxana uu ka yara fogaa, balse uu naxay oo uu joojiyey khudbaddii. Dadkii meesha joogay ayaa kala cararay, waxaana kadib dhacay rasaas xooggan oo ay fureen ciidamada Amisom iyo kuwa ilaalada u ah Kheyre, oo garan waayey halka looga yimid. Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ku qasbanaatay inuu soo geba gebooyo khudbaddiisa islamarkaana goobta qaraxa ay kala cararaan ciidamadiisa iyo kuwa Amisom. Illaa iyo hadda lama yaqaan cidda qaraxa ka dambeysay iyo sida ay ugu suurta-gashay inuu bam kula soo dhowaado halka uu Kheyre ka hadlayey. Weli ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska Kheyre oo ku aadan dhacdadan. Dhanka kale, wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre markii ay gudaha u galeen Marka waxaa magaalada qeybo ka mid ah lagu garaacay madaafiic, inkastoo aan weli la xaqiijin khasaaraha ka dhashay. Ra’iisul wasaaraha ayaa maalmahan booqasho ku marayey qaar ka mid ah magaalooyinka dalka, isaga oo wada dadaallo u eg olole doorasho, xilli uu qorsheynayo inuu madaxweyne isku sharxo 2021. Caasimada Online Xafiiska Marka caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabele Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdullaahi Shitaawe, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan iyo Ciidamadii la socday, kuwaas oo ay miino dhulka lagu aasay kula qaraxday inta u dhexeysa Wadada Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, anigoo ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda Hirshabelle iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoysaskii, ehelladii, Guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed Gaar ahaan Reer Hirshabelle ay ka geeriyoodeen Mas’uuliyiintaasi iyo Ciidamada geesiyaasha ee iyagana shahiiday” ayuu yiri Madaxweyne Waare. “Labada Mas’uul, Samafalaha, iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen soo celinta nabadgelyada dalkooda, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Hirshabelle u horumari laheyd” sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Hirshabeelle”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dadka oo dhabarkooda isticmaala marka uu go’o laamigu Wadada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa sii dabar go’aysa. Wadada Boosaaso tan iyo Gaalkacyo oo dhererkeedu yahay 700-KM ayaa ah halbowlaha dhaqaale ee Puntland waxayna isku xirtaa isu socodka gaadiidka gobolada Puntland, gobolada dhexe iyo Itoobiya. Garowe iyo Boosaaso Wadada isku xirta magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso waxay ka mid ahayd kaabayaashii dhaqaale ee laga dhaxlay dowladii kacaanka ee hogaaminayay AUN. Maxamed Siyaad Barre, xili ay la mid ahayd qorax casar joogta, waxaana siddeetamaadkii lagu dhisay mashruuc ay maalgalisay dowladda Talyaaniga. Wadadan waxay martaa dhul u badan dooxooyin, togog iyo buuraley, roobabka ayaa khasaaraha ugu badan gaarsiiya, tan iyo intii la dhisay ma helin wax dayactir iyo ilaalin ah, waxayna taasi sababtay in maalinta qeybi soo ruqdo. Wadadan ayaa ka rifantay hareeraha, laamiga ayaana isugu soo haray liidka dhexe, taas oo sababtay in Puntland maalinba maalinta ka dambeysa ay bataan shilalka gaadiidka. Sanadkii 2013 ayaa la dareemay dhibaatada wadadan, markii roobab gooyeen buundada Midigar oo u dhow tuulada Sin-ujiif ee gobolka Nugaal, isu socodka gaadiidka ayaa hakad galay, isku tashi deg-deg ah oo xiligaas shacab iyo dowlad-ba sameeyeen waxaa lagu guuleystay in la dhiso, balse waxaan la xasuusan in laga gaashaanto dhibaato midaas oo kale ah oo timaada. Buundada Midigar ee isku tashiga lagu dhisay Mar kale 2019 daadad ka dhashay roobab mahiigaana oo gu’gii dhaweyd ka da’ay deegaanada Puntland ayaa burbur xooggan u geystay wadada, waxaana meelaha waxyeelada weyn gaartay ka mid ah meel u dhow tuulada Sin-ujiif, oo laamiga saddex buundo go’day, halka dhowr kiilo-mitirna uu seed dhan go’ay, waxaana mar kale muddo dhowr maalmood istaagay isu socodka gaadiidka Puntland. Aaga Sinujiif: mid ka mid buundooyinkii go’ay Roobabkii gu’gii dhaweyd ayaa sidoo kale meelaha ay wxyeelada weyn laamiga gaarsiiyeen waxaa ka mid ah Xaajikhayr, Carta, Juurile, Sanjilbo iyo Yalho, waxaana meelaha qaar hadda gaadiidku uga leexdaan wado raf ah oo ay fasheen. Aaga Xaajikheyre oo laamigu ka go’an yahay Ma jirto cid ilaa iyo hadda u dhaqaaqday meelaha wadadu ka go’an tahay, sidaas oo ay tahay ayaa hadana laga cabsi qabaa in roobabka dambe ay khasaare aan laga soo waaqsan karin u geystaan, iyada oo waliba la galay xili roobaadkii dayrta oo ka curtay deegaano ka mid ah Puntland. Gaalkacyo iyo Garowe Wadada isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe waxaa la dhisay todobaatamaadkii, waxayna ka mid ahayd mashruuc uu bixiyay China oo lagu dhisay laamiga isku xira Beledweyne ilaa Burco. Wadada isku xirta Garowe iyo Gaalkacyo Wadadan waxaa burbur ku bilaamay markii ay meesha ka baxday dowladda dhexe ee dalka 1991, mana helin wax dayactir iyo ilaalin ah tan iyo xiligaas, hadda in ka badan 80% (boqolkiiba sideetan) waa baaba’day, mana laha kakab iyo karkartoona. Midowga Yurub ayaa mar ugu deeqay malaayiin doolar oo dib loogu dhiso wadadaas, waxaana loo soo mariyay hay’adda Jarmalka ee GIZ, balse nasiib xumo maamul xumo awgeed ayuu u fishilmay mashruucaas, xiligii dowladda Cabdiwali Gaas, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Midowga Yurub uu masharuucaas Puntland ugu badalay mashruuc deegaanka ah. Mashruucii fashilmay Fashilka mashruucan ayaa Puntland u geystay dhaawac, wuxuuna ku noqday tusaale xun oo ay dhici karta in mashaariicda noocaan oo kale ah aan lagu aaminin, hadii aysan dib isu sixin. Hay’ad magac u yaal ah Hay’adda wadooyinka Puntland (PHA) oo markii hore la oran jiray NESHA, waxaa la aas-aasay xiligii dowladii AUN Cabdulllaahi Yusuf, waxayna u jeedadu ahayd in ay dayactir iyo ilaalin ku sameyso wadooyinka muhiimka ah ee Puntland. Xarunta PHA, Garowe Hay’adda PHA intii ay jirtay waxaa dhaqaale uga go’ayay wax walba oo qalab gaadiid ah oo soo gala Puntland, balse ma jirto shaqo ay qabatay tan iyo intii la yagleelay, waxaana dad badan isweydiinayaan waxa ay hay’addan dhaqaalaha badan hesha qabato iyo meesha dhaqaalaheedu ku baxo, maadaama sida la arkay yihiin wadooyinkii halbowlaha Puntland. Sida muuqata waa hay’ad magac u yaal ah oo shakhsiyaad gaar ah ay ku urur sadaan dhaqaalaha dadka masaakiinta ah laga qaado. Gaariwaa Oraahda Gaariwaa ayaa baxday xiligii uusan jirin laamiga dheer ee isku xira Garowe iyo Boosaaso, waxaana gaadiidku mari jiray wado raf ah oo rafaad badan, iyadoo ay adkayd in la gaaro gobolka Bari. Hadda waxaa muuqata in haddii aan si deg deg ah wax looga qaban wadada halbowlaha Puntland ay mustaqbal dhow qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn noqdaan “Gaariwaa” iyo sidii xaal ahaan jiray laamiga ka hor. Hadii shalay safar raaxo leh iyo amin yar lagu mushaaxi jiray inta u dhaxaysa Boosaaso iyo Gaalkacyo, maanta waa safar dheer oo rafaad iyo boor badan oo gaadiidlayda iyo dadka safarka ahba ay ku qabaan dhibaato aan la soo koobi karin. Ma dhihi karno 21 sano ee Puntland jirtay waxay tabar u weyday dayactirka wadada halbowlaha, balse waxaan dhihi karnaa dan ayay san ka la hayn hantida dadweynaha ee dayacan. Haddii aan dowlad iyo dadweynaba u guntan dayctirka wadadan, waxaa hubaal ah in waxa la dhowraa ay tahay Gaariwaa iyo go’doon dhaqaale oo ku habsada Puntland. © PUNTLAND POST 2019 The post Puntland: Hantida dadweynaha dayacan ee aan danta laga la heyn! appeared first on Puntland Post.
-
At least five people — including a deputy governor and a former minister — were killed and several others wounded in a roadside blast targeting their vehicle in the Middle Shabelle region of Somalia on Sunday, police said. Mahamud Dhuhlow, a police officer in the region, told Anadolu Agency over the phone the incident took place near the town of Bal’ad, located 40 kilometers (24 miles) northeast of Somali capital Mogadishu. Hirshabelle State President Mohamed Abdi Ware confirmed the attack and the deaths of Deputy Governor of Middle Shabelle region Abdullahi Sitawe and former Hirshabelle’s Business Minister Sabriye Osman. Soldiers from Hirshabelle are also among the dead, according to local media. Somali-based al-Qaeda affiliated group al-Shabaab claimed responsibility for the attack. Source: Anadolu
-
(SLT-Berbera)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray mashaariic horumarineed oo laga wado gudaha dekedda weyn ee magaalada Berbera, ceel biyo macaan leh oo laga hirgeliyey deegaanka Kal-gumarre ee duleedka Koonfureed ee magaalada Berbera, isaga oo dhagax-dhigay mashaariic isugu jira ceel-biyoodyo, dhismeyaal cusub oo loo dhisi doono Shaybaadhka qaranka iyo haamo cusub oo ay yeelan doonaan keydka haamaha shidaalka ee magaalada Berbera. Madaxweynaha iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera, islamarkaana ay wehelinayaan maamulka heer gobol iyo heer degmo ee magaalada Berbera, ayaa ugu horrayn kormeeray dekedda weyn ee magaalada Berbera, waxana uu madaxweynuhu indho indheeyey mashaariic waaweyn oo ay shirkadda dekedda gacanta ku haysa ee DP World ka hirgelisay gudaha dekedda iyo agab casri ah oo ay keentay, waxana uu warbixin ka dhegaystay maareeyaha dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi oo ku dheeraaday horumarka ay dekeddu ku tallaabsatay. Maareeyaha Haamaha keydka shidaalka Berbera, Mudane Xasan Axmed Embasi oo ka hadlay dhagax-dhig uu madaxweynuhu u sameeyey laba Haamood oo cusub oo kala ah Naafto iyo Baatrool, kuwaas oo midkiiba qaadayo 10,000 (toban kun oo mitir Kuyuubik), ayaa hoosta ka xarriiqay inay haamaha ka dhigeen kuwa isku filan, islamarkaan awood u leh inay buuxiyaan baahida shidaal ee qaar kamid ah dalalka deriska, xaddiga haamahana kor loo qaadayo. Maareeyaha wakaaladda Biyaha Berbera, Mudane Saleebaan Cabdiraxmaan Xuseen iyo wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka hadlay kormeerka uu madaxweynuhu ku tegay Ceel-biyood biyo macaan leh oo laga hirgeliyey deegaanka Kal-gumarre, ayaa si waafi ah uga warbixiyey dedaallada ay ugu jiraan sidii ay magaalada Berbera u heli lahayd biyo ku filan. Madaxweynuhu waxa uu dhagax-dhigay mashruuc cusub oo Ceel-biyood loogu hirgelinayo dadka ku dhaqan dhinaca barri ee magaalada Berbera, isaga oo masuuliyiinta qaranka u qaabilsan biyaha ku adkeeyey inay xil weyn iska saaraan sidii shacabka ku dhaqan Berbera ay biyaha uga haqab beeli lahaayeen, maadaama oo jawiga magaaladu yahay mid kulul. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maamulka degmada Berbera iyo odayaasha reer Berbera-ba ku bogaadiyey sida ay xilka iskaga saaraan ilaalinta nabadda iyo joogtaynta horumarka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Horumarku waxa uu ku yimaaddaa nabadda, intaynnu nabadda xoojinno ee khilaafaadka yaraynno ayuu horumarkeennuna kordhayaa, meel la isku khilaafsan yahayna horumar laguma gaadho, maamulka Berbera iyo odayaashiisaba waxan ku bogaadinayaa inay nabadda aad u xoojiyeen beryahan dambe, waana tusaale wanaagsan.” Wa-bilaahi Tawfiiq Source
-
Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Filish, ayaa waxa uu soo bandhigay in qaraxyadda laga soo abaabulo meelo ku dhow magaala madaxda waddanka. Mr Filish oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in maamulkiisa uu ka shaqeyn doono sidii looga tabategi lahaa meelaha lagu soo diyaariyo weerarada caasimadda ka dhaca. Dhanka kale, Cumar Filish oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in maamulkiisu ka go’an tahay dib u furitaanka wadooyinka xiran ee Muqdisho, isaga oo shacabka ka codsadey in ay ka shaqeeyaana amniga. Dhowaan ayey ahayd markii maamulka gobolka Banaadir uu guddi u magacaabay dib u furitaanka wadooyinka caasimadda, waxaana guddigaasi uu haatan ku howlan yahay kasoo talo bixinta arrintaasi. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Cumar-Filish.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markii u horeysay si dad-ban shaaca uga qaaday inay xukuumadiisa ka laabatay saldhigii millateri ee magaalada Berbera ka siisay dowlada Imaaraadka Carabta. Muuse Biixi ayaa ku micneeyay talaabadan ay kaga laabteen heshiiskii ay dowlada Imaaraadka saldhig ku siinayeen, mid timid wada-tashi dheer kadib markii xukuumadiisa ka yeelatay. Madaxweynaha Somaliland ayaa hadalkaasi sheegay xili uu maanta ku sugnaa Garoonka magaalada Berbera, isagoona ka dhawaajiyey in garoonka berbera laga dhisi doono uu kamid noqon doono garoomada ugu waaweyn dunida. “Garoonkii Berbera ee in badan laga murmayey ee Imaaraadku dhisayeen ee la-lahaa waa ciidan iyo ciidankani muxuu yahay, Ciidankii waan ka wareejiyey oo waa Shibil maanta, wuxuu noqonaya habka ugu weyn” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi. Wuxuuna intaas kusiid aray “Horumarku waxa uu ku yimaaddaa nabadda, intaynnu nabadda xoojinno ee khilaafaadka yaraynno ayuu horumarkeennuna kordhayaa, meel la isku khilaafsan yahayna horumar laguma gaadho, maamulka Berbera iyo odayaashiisaba waxan ku bogaadinayaa inay nabadda aad u xoojiyeen beryahan dambe, waana tusaale wanaagsan”. Hadalkan madaxweynaha Somaliland ee ku aadan ka noqoshada saldhigii Millateri ayaa ku soo aadaya xili uu muran baahsan ka taagna Saldhiga xukuumada Kulmiye ay Berbera ka siisay dowlada Imaaraadka Carabta. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
