Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,417
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaac ayaa haatan kulan deg deg ah ku leh magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galaduud, kaas diirada lagu saarayo xaaladihii ugu dambeeyey ee maamulka Galmudug. Kulanka oo ah mid xasaasi ah, islamarkaana uu albaabada u xiran yahay ayaa ka socda xarunta Inji halkaas oo uu ku yaallo xafiiska madaxa xukumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Ilo ku dhow kulankaasi ayaa Caasimada Online u sheegay in looga hadlayo arrimo la xariira guddiga farsamada ee ay xalay magacawday dowladda Soomaaliya. Ahlu Sunna ayaa lagu soo warramayaa in aysan ku qanacsaneyn guddigaas oo ka kooban 13 xubnood, kana shaqeyn doono sidii loo heli lahaa Galmudug oo mid ah. Gabagabada kulanka ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aanno culus oo ku aadan dhaq dhaqaaqyada ka socda deegaanada maamulka Galmudug. Ahlu Sunna ayaa wajaheysaa loolan oo uga imaanaya Madaxweyne Xaaf iyo xukuumadda oo isku dhinac ah, lamana oga, sida ay wax noqon doonaan. Wixii soo kordha kala soco, caasimada.net Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  2. Nairobi (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa jawaab adag ka bixiyey dacwad ay dhowaan Soomaaliya u gudbisay hay’adda maamulka hawada ICAO ee hoostaga Qaramada Midoobay. Sarkaakiishan oo la hadlay wargeyskaa Daily Nation ayaa sheegay in aysan wax shaqo ah ku laheyn diyaaradii siday Madaxweyneyaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed ee dhowaan ka degtay garoonka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen in Kenya ay u hoggaamsameyso xeerarka caalami ah, islamarkaan aysan marnaba ku xadgubeyn hawada Soomaaliya. Ugu dambeyn waxa ay tilmaameen in dowladda federaalka ay xaq u laheyd inay qabato diyaaraddaasi, islamarkaana difaacato hawadeeda. Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan xayiraad saartay Kismaayo, balse waxaa jabisay diyaarad ka timid Nairobi, taas oo ay dowladdu ku dacweysay hay’adda hawada ICAO, si wax looga weydiiyo dalka ay ka timid oo ah Kenya. Arrintan ayaa soo xoojisay xiisada labada dal oo markii hore isku hayey arrimaha badda oo ahaatan dacwadeedu ay ku furan tahay Maxkamadda Cadaalada ee ICJ. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  3. Magaalada London waxaa ku nool 17 million oo ruux marka lagu daro dadka gobollada ka soo shaqa taga, Qaahira-na waxaa ku nool 10 million halka magaalada Nairobi lagu sheego 6 million marka lagu daro iyana dadka uga soo shaqo taga deegaanada ku xeeraan,waa magaalooyin waaweyn,dad tira badan baa ku nool wax walbaana sidii la rabay ayey u shaqaynayaan,matoorka dhaqaajiya ee wax socodsiinayaana waa ammaanka oo la sugay iyo nimaadka iyo kala danbaynta oo shaqaynaya!. Ammaankoodaa sugan, dhinacyada ayey isku hayaan, mana jiraan wax is diidan haddiise ay dhacdo in qalad yimaado,waxaa saxaya hay’adaha u xil saaran,laakiin rukunka ugu xoogga badan waa in la ilaaliyo ammaanka dalka iyo dadka,waxaana laga yabaa mararka qaar inaadba arki weydo cidda ammaanka sugaysa,cajiib malaayiin dad ah ayaa is dhex maraya haddana looma jeedo cidda ammaanka sugaysa!. Sadexdaan magaalo madax mid ka mid ah Soomaaliya ayey deris la tahay ,waxaana ku nool dad badan oo Soomaali ah ganacsiyo waaweyna ku leh, su’aasha mar walba soo noq noqonaysa ayaa waxay tahay maxaa Soomaalidu sida ay gacanacsiga ugu dhiiradaan goobaha halistaana uga raadiyaan oo weliba dad badani ku dhintaan ay ugu dhiiran waayeen ilaalinta sharciga iyo sugidda ammaanka dalkooda iyo magaalooyinkooda?. Muddo aad u dheer ayaa dadku sharci darro deris la ahaayeen,waxaana mararka qaarkood jebinta sharciga qayb ka ah masuuliyiinta loo igmaday ilaalinta sharciga iyo dhowrista ammaanka, ma oran karaa sharciga ayeysan aqoon, maya! marka ay ugu yaraadaan marka laga soo tago aqoontoodu inta ay le’egtahay waxaa ay si fiican uga dheregsan yihiin waxyaaha asaasiga ah, waxaa jirta hagar gundhigeedu yahay bur burka dalkeena iyo kan maskaxeed oo kaashanaya ilbaxnimo la,aan, waxaa jirta cid inaga oo dhan aan sugayno sharciga iyo kala danbayntana soo celin doonta, Goorma? Yeysa yihiin!?. Dhibta ugu weyn ee magaalooyinka Puntland soo food saartay ayaa noqotay baabuurta aan taarikada lahayn iyo kuwa bacaha madow lagu dahaaray,waxaana labaduba caqabad ku yihiin ammaanka dadka, dalka iyo weliba anshaxa dhallinta soo koraysa. Waxaa jira dhacdooyin yaab iyo xanuun badan oo inta badan ay gaystaan baabuurta aan taarikada lahayd iyo kuwa bacaha madow lagu dahaaray,iyadoo inta badan marka dhacdooyinku dhacaan si sahlan dadku uga sheekaystaan laakiin aysan jirin wax talaabo ah ama falcelin lagaga hor tegayo dhibaatooyinka baabuurtaan iyo dadka wataa gaystaan. Bartamihiin sanadkii aan soo dhaafnay ayey ahayd markii nin ka soo jeeda gobollada waqooyi galbeen Soomaaliya uu gaari kala soo degay dekada magaalada Boosaaso,waxaana shaqsigan oo ganacsade ahi uu safarkiisa ka soo bilaabay magaalada Boosaaso,waxaana uu ku tegay magaalada Gaalkacayo,bar kasta oo kantarool oo uu soo istaago waxaa laga qaadayey birta isaga oo salaan masuul la siinayey,ninkaan ayaa dib ugu soo laabtay magaalada xarunta ah ee Garoowe waxaana uu ganacsato saaxiibadiisa u sheegay sida wax u dhaceen waxaanu dhiiri geliyey in arintani ammaanka halis ku tahay lagana hor tago,dabcan lexejeclo ayaa deegaanka ka haysay walow uu u dhashay gobolada Waqooyi safarkiisuna waxaa uu ahaa mid tijaabo ah. Waxa iyana dhowaan ka dhacday sida la ii sheegay magaalada Gaalkacayo darawal wata baabuurta bacahu ku dahaaran yihiin taarikana aan lahayn ayaa jiiray ilmo yar waana ka cararay ilmaha yar oo dhaawac ah,aabaha dhalay ilmahan ayaa joojiyey gaari u eg kii wiilkiisa jiiray ee nooca Toyota Hilux loo yaqaan, inta badana ay wataan hay’adaha dawladu waxa uuna ka dejiyey darawalkii waday isagoo isticmaalayey qori caaraddii waxaanu ku xeraystay gurigiisa, muddo dheer ayuu gaariga gurigiisa ku haystay aakhirkiina wada hadal ka dib waxaa laga soo qaaday gaarigii waxaana la siiyey magdhowga ilmihii laga dhaawacay,haddii uu taariko lahaan lahaa ma carareen isla markiiba waa la garan lahaa aabaha ilmaha dhalay sharciga ma jebiyeen qorina ma isticmaaleen. Sidaasi si la mid bartamihii bishii hadda aan ka soo gudubnay magaalada Garoowe xarunta ah ayaa kaalin shidaal waxaa soo istaagay baabuur nooca aan taarikada lahayn ah,waxaa uu ka buuxsaday shidaal horay ayuuna uga xawaareeyey ganacsadihii shidaalka lahaa oo sii eegaya waxna aan qaban Karin,waxaa arrintaan shakigeedu soo galay nin dhalin yaro ah oo watay gaari aan taariko lahayd oo u eg kii cararay hase ahaatee dhaar ayuu ka maray,cajiib bal yaa celinaya taariko ma leh, kaamira qabataana meesha kuma taal. Waxaa iyana murugo iyo raad reeb xun leh in baabuurta bacaha madow loo isticmaalo waxyaabo dhaqanka iyo anshaxa wanaasan wax u dhimaya,waxaana la ii sheegay in rag dhalin yaro iyo waayeelba leh ay baabuurta bacda madow ku dahaaran tahay ku ugaartaan lana istaagaan iskoolada hortooda iyagoo xoogaa sunuud ah isticmaalaya si ay u marin habaabiyaan uga qaraabtaan gabdhaha yar yar ee iskoollada ay u soo dirsadeen hooyo iyo aabe jecel kuna han weyn, malaha kuwani gabdho ma dhalin lamana dhalan. Sidoo kale waxay istaagaan guryahaya hortooda waxaana laga yaabaa aabe ama hooyo shaqo ka timid gaariga horteeda taagan ay ku jirto gabadhooda oo shaydaan bacaha u soo madoobaystay taarikadana u soo furtay. Mid ka mid ah madaxdii wasaarada warfaafinta ee xukuumaddii C/weli Gaas ayaa noo sheegay mar ay waraysi ugu tageen taliska Ciidamada booliiska Puntland waxna ka weydiinayeen arinta taariga la’aanta uu soo arkay gawaarida masuuliyiin booliiska taargadooda oo dhex daadsan xafiiska taliska ciidamada Booliiska malaha hay’adaha kalena waa la mid, laakiin booliisku waa sharcigii oo sharciga ku tuntay. Ilaa hadda ma cadda sababta dhabta ee sharci darada intaas le’eg loo jideeyey waxaase masuulyiinta qaarkood ku doodaan inay arintaan ugu talaabsadeen arrimo iyaga ammaankooda quseeya, aysanna doonayn in la ogaado taarikada baabuurka ay wataan su’aasha is weydiin leh ayaa waxay tahay intee baabuur ayaa taarikadu ka furantahay ama bacahu ku dahaaran yihiin marka lagu daro kuwa musuuliyiintu wataan ee ay sharciga u jebiyeen?. Fili mayo in masuuliyiintani baqdin sharciga u jebiyeen maxaa yeelay kaneecaba si sahlan ayey u dili kartaa. Marka laga soo tago ciidamada booliiska iyo kuwa waddooyinka waxaa jira ciidamo qarsoon oo sugga ammaanka waana kuwa inta badan saldhiga u ah nabad gelyada dal Qaran jira leh, hase ahaatee in kastoo aynaan lahayn haddiiba ay jiri laayeen maxaa laga qaban karaa haddii la sharciyeeyey sharci la,aantii dadkiina ayan ka hadlayn dhibaatan ammaankooda halista ku ah. Kolka aad tagto gobolada waqooyin ee dalka Soomaaliya ayaadan marnaba arkay baabuur aan taariko lahayn,waxaa iyana sidaas oo kale la ii sheegay inaan magaalada Muqdisho lagaba aqoon,maxay ku dhacday in Puntland sharci daradda saldhig u noqoto?.Golaha wasiirada ayaa inta badan afka ka sheega inaan baabuur taariko la’aan ah la wadan karin hase ahaatee waa hadal afka laga yiri oo maysan qaadin talaabo la taaban karo laguna joojinayo arrintaan. Dhowaan ayey kolkii la soo saaray waraaq dadka loogu sharciyeynayo baabuurta bacaha madow ku dahaaran yihiin qofkii doonayaana uu iska bixi karo $50 dolar, waxayna u egtahay inaan si qoto dheer arrintaan looga baaraan degin. Markii ay soo baxday warqada lagu sharciyeynayo ku dahaarida baabuurta bacaha madow ayaan arintaan wax ka weydiinay mid ah madaxda sar sare ee ciidanka Booliiska Puntland waxaana uu noo sheegay in arrintaasi ay golaha wasiirada ka timid iyaga ka booliis ahaana aysan shaqo ku lahayn, waxaase ka muuqatay inuu ka xumaa warqada soo baxday,masuulkaan oo diiday in magiciisa la shaaciyo ayaa hadalkiisa raaciyey arrintaas ay tahay mid aan sharciga waafaqsanayn. Waa xilkasnimo la’aan in dadka ku dhaqan Puntland markhaanti ka ahaadaan sharci daraddii oo sharci laga dhigay, waxaa muhiim ah inay arintaan diidaan kana hor yimaadaan, iyagoo ku xisaabtamaya arrintani raadka ay ka tegayso una danaynaya deganaashaha ay haystaan iyo mustaqbalka da’yarta soo kacaysa. Xilkasnimo la’aantaada la soco qaybta 4aad. Abdirazak Yassin Caanogeel PUNTLAND POST The post Xlkasnimo la’aantaada: Puntland, sharci la’aanta oo sharci noqotay! (Q3) appeared first on Puntland Post.
  4. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu kaga hadlay guddiga wasaaradda arrimaha gudaha DFS u magacawday Galmudug. Xaaf ayaa sheegay in ay kala shaqeeyeen wasaaradda arrimaha gudaha magacaabista guddiga farsamada maamul u dhisidda Galmudug. Wuxuu sheegay in guddigan muhiim yahay, islamarkaana laga doonayo iney ka fogaadaan eex iyo wax walbo oo shaki gelinaya shaqadooda. Halkaan hoose ka akhriso:- Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Garoowe (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan xasaasi oo u dhexeeyey Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni) iyo wasiiro uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad oo xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Shirka oo natiijo la’aan ku soo dhamaaday ayaa waxaa diirada lagu saaray khilaafka Puntland kala dhexeeya dowladda iyo arrimo ku aadan caleema saarka Axmed Madoobe. Madaxweyne Deni ayaa ogolaaday in wadahadal uu la galo dowladda federaalka, si loo dhameeyo khilaafka labada dhinac. Warar kale oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in wasiirada ka socday xukuumadda Xasan Cali Khayre ay Deni ka dalbadeen inuusan ka qeyb galin xafladda Caleema Saarka ee Madaxweynne Axmed Madoobe, taasina uu ka biyo diiday. Wasiirada la kulmay Madaxweynaha Puntland, oo kala ah wasiirka arrimaha dibadda, Axmed Ciise Cawad, wasiirka Qorsheynta, Jamaal Maxamed Xasan, wasiirka kalluumeysiga, Cabdullaahi Bidhaan, wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Cabdi Canshuur Xasan ayaa ku guuldareystay qorshaha ay u socdeen, waxaana la filayaa in ay maanta dib ugu soo laabtaan gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Arrintan ayaa sare u sii qaadeysa xiisada haatan u dhexeysa dowladda federaalka Puntland, mana muuqato wax isku soo dhawaansho oo labada dhinac ah. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  6. Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa magacawday guddiga farsamada maamul dhisidda dowlad goboleedka Galmudug. Guddigan la magacaabay ayaa ka kooban 13 xubnood, waxaana ay iska soo dooran doonaan guddoon, waxayna shaqadoodu tahay ka shaqeynta dhismaha Galmudug. Isaaq Maxamed Maxamuud, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha oo warbaahinta u akhiriyey wareegtada lagu soo magacaabay guddigan ayaa tilmaamay in magacaabista guddiga uu salka ku hayo go’aankii kasoo baxay shirkii dib u heshiisiinta Galmudug. Hoos ka akhriso magacyada guddiga: Source: goobjoog.com
  7. Shir ay isugu imaadeen in ka badan 80 Wadan oo ay Soomaliya qayb ka tahay ayaa ka furmay Wadan ka Swezerland gaar ahaan Magaalada Geneva. Goobta uu Shirka ka furmay ayaa waxaa ku sugnaa Wasiir Ku Xigeen ka Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta ee DFS Maxamud Cabdiqaadir Hilaal Iyo Safiir ka U fadhiya Soomaaliya Geneva Ebyan Ladane iyo xubna kale ka qayb galay Shirka. Wasiir kuxigeenka ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in shirkan inta uu socdo diiradda lagu saari doono arrimaha Macdanta Caalamka gaar ahaan In la soo bandhigo Warbixin sanadeed ku aadan Saamaynta dhaqan dhaqaale, deegaan iyo cimila ahaan ku yeelatay shaqada Macdanta Wadamada ay ka hawl galaan shirkadaha ka ganacsado Macdanta iyo In kor loo qaado dowrka kobaca dhaqaale ee uu wadan kasta ku leedahay Macaadanta iyo sida uu uga faa’iidan karo. In La dhiiri galiyo Shirkadaha ganacsada Macdanta heerar kooda kala duwan gaar ahaan ku yar yar iyo in Dowladaha ay u fududeeyaan imkaaniyaadka ay u baahanyihiin si wax soo saarka Macdanta caalamka kor ugu kaco. Sidoo kale shirkaasi waxaa lagu lafa guray in Dowladaha Macdanta leh ama soo saaro ay Siyaasad cad u sameeyaan wada shaqaynta Shirkadaha Macanta ka shaqaysta iyo Shacabka degan deegaanada ay ka hawlgalaan,si wada jir ahna loo ilaaliyo bad qabka Bay’ada deegaankaas. Source: goobjoog.com
  8. Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa soo dhoweeyey guddiga farsamada ee ay xalay magacawday wasaaradda arrimaha gudaha Somalia. Xaaf ayaa sheegay inuu la shaqeyn doono guddigaasi oo ka kooban 13 xubnood, si loo helo Galmudug oo mid ah. Halkan hoose ka Akhriso: View the full article
  9. Shir ay isugu imaadeen in ka badan 80 Wadan oo ay Soomaliya qayb ka tahay ayaa maanta ka furmay Wadan ka Swezerland gaar ahaan Magaalada Geneva. Goobta uu Shirka ka furmay ayaa waxaa ku sugnaa Wasiir Ku Xigeen ka Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta ee DFS Maxamud Cabdiqaadir Hilaal Iyo Safiir ka U fadhiya Soomaaliya Geneva Ebyan Ladane iyo xubna kale ka qayb galay Shirka. Sida uu Wakaaladda(SONNA) uu u sheegay Wasiir kuxigeenka,Shirkan inta uu socdo ayaa diiradda lagu saari doono arrimaha Macdanta Caalam ka gaar ahaan In la soo bandhigo Warbixin sanadeed ku aadan Saamaynta dhaqan dhaqaale, deegaan iyo cimila ahaan ku yeelatay shaqada Macdanta Wadamada ay ka hawl galaan shirkadaha ka ganacsado Macdanta iyo In kor loo qaado dowrka kobaca dhaqaale ee uu wadan kasta ku leedahay Macaadanta iyo sida uu uga faa’iidan karo. In La dhiiri galiyo Shirkadaha ganacsada Macdanta heerar kooda kala duwan gaar ahaan ku yar yar iyo in Dowladaha ay u fududeeyaan imkaaniyaadka ay u baahanyihiin si wax soo saarka Macdanta caalamka kor ugu kaco. Sidoo kale shirkaasi waxaa lagu lafa guray in Dowladaha Macdanta leh ama soo saaro ay Siyaasad cad u sameeyaan wada shaqaynta Shirkadaha Macanta ka shaqaysta iyo Shacabka degan deegaanada ay ka hawlgalaan,si wada jir ahna loo ilaaliyo bad qabka Bay’ada deegaankaas. View the full article
  10. Madaxweynaha Soomaaliya,Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Saaka lagu wadaa inuu furo Kalfadhiga lixaad labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia Xafladda furitaanka ee labada Gole ayaa ka dhaceysa xarunta Ciidanka Booliska Janaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho. Ammaanka sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona ay munaasabadda ka qeyb galayaan marti sharaf kala duwan oo uu ka mid yahay guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la la filayaa inuu khudbad dheere ka jeediyo halkaasi, taas oo uu kaga hadli doono xaaladda guud ee dalka. Labada Gole ee baarlamaanka ayaa labadii bil ee la soo dhaafay ku maqnaa fasax, waxaana horyaalla shaqooyin kala duwan oo muhiim u ah dalka. View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa ka hadlay guddiga farsamada maamul dhisida Galmudug ee ay xalay ku dhawaaqday wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya. Ugu horreyn Xaaf ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo guddigaasi oo ka kooban illaa 13 xubnood oo matalaya beelaha maamulkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu la shaqeyn doono guddiga farsamada, si loo dhiso Galmudug oo loo dhan yahay. Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka in ay la shaqeeyeen guddiga, si looga mira dhaliyo dadaallada lagu doonayo Galmudug oo mid ah. Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday xubnaha guddiga ee la magacaabay inay si hufan u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.
  12. Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqday liiska xubnaha guddiga farsamada maamul dhisida ee dowlad goboleedka Galmudug. Guddiga oo kooban illaa 13 xubnood ayaa matalaya dhammaan beelaha daga deegaanada maamulkaaasi. Sidoo kale xubnaha guddiga ayaa iska dhex dooran doono guddoomiye, kadibna waxa ay guda geli doonaan howlaha shaqo ee loo igmaday. Halkan hoose ka akhriso liiska: View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/WWW.mp3 View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya,Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta lagu wadaa in daah-furo Kalfadhiga lixaad labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Munaasabadda furitaanka labada Gole ayaa ka dhaceysa xarunta Booliska Janaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho, iyadoona aad loo adkeeyey amniga xaruntaasi. Sidoo kale waxaa munaasabadda ka qeyb galaya marti sharaf kala duwan oo uu ka mid yahay guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti, Mudane Maxamed Cali Xumad. Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu khudbad xasaasi ah ka jeediyo madasha, taas oo uu kaga hadli doono xaaladda guud ee dalka. Ilo ku dhow Madaxtooyada Qaranka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Madaxweynuhu khudbadiisa uu ku soo qaadi doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka dowladdiisa kala dhexeeya dowlad goboleedka Jubbaland. Furitaanka labada Gole ee Baarlamaanka ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dhowaan la dhameeyey khilaafkii ka dhexeeyey labadaasi Aqal. Kalfadhiyadii 5-aad iyo 4-aad ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa si gaar gaar ah u kala dhacay, sababo la xariira khilaaf markaas soo kala dhex galay labada Gole. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqday guddiga farsamada maamul dhisida Galmudug, kaas oo ka shaqeyn doona arrimaha maamulkaasi oo dhowaan doorasho galaya. Guddiga ayaa ka kooban illaa 13 xubnood oo matalaya beelaha Soomaaliyeed ee daga deegaanada maamulka Galmudug. Sidoo kale waxa uu guddigu iska dhex dooran doonaa guddoomiye, kadibna waxa uu guda geli doonaan howlaha shaqo ee loo igmaday. Wareegto ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya waxaa warbaahinta u aqriyey ku simaha wasiirka, Mudane Isaaq Maxamed Maxamuud, kaas oo ka dalbaday reer Galmudug in lala shaqeeyo xubnaha guddigaasi. Dowladda federaalka ayaa garwadeen ka ah dhismaha Galmudug oo mid ah, iyadoona dhowaan la guda geli doono arrimaha doorashooyinka ee maamulkaasi.
  16. Waxaa soo baxday in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay dhex fadhido fadeexad kunsaabsan Milyanis Dollar oo la musuq maasuqay, iyo Malaayiin Dollar oo lawaysan yahay meelay [...] Source
  17. The US has said it will impose visa restrictions on Chinese officials accused of involvement in repression of Muslim populations. Source: Hiiraan Online
  18. Amid an escalating impeachment inquiry, President Donald Trump has found a new target to zero in on — the Democratic mayor of Minneapolis. Source: Hiiraan Online
  19. ADEN (Reuters) - The United Arab Emirates pulled some of its forces from Yemen’s southern port of Aden on Tuesday, officials and witnesses said, as a Saudi-led military coalition works to end a power struggle between the Yemeni government and separatists in the city. Source: Hiiraan Online
  20. UNITED NATIONS (Reuters) - The United Nations may not have enough money for staff salaries next month if member states don’t pay what they owe, U.N. Secretary-General Antonio Guterres warned on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  21. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sida qorshaysan maanta oo Arbaco ah u safraya magaalada Kismaayo halkaasi oo uu kaga qeyb-galayo caleema-saarka madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam. Xubno ku sugan madaxtooyada Boosaaso ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in madaxweyne Deni uu maanta u dhoofi doono magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubaland si uu uga qeyb-galo munaasabadda Caleema-saarka Axmed Madoobe oo la filayo in la qabto maalmaha soo socda. Xafiiska madaxweyne Deni ayaa ka gaabsaday in ay faahfaahin ka bixiyaan sida uu ku tegi doono magaalada Kismaayo xilli ay Jubaland saarantahay xayiraad dhanka socdaalka ah oo ay ku soo rogtay xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale safarkiisa ayaa ku soo beegmay iyadoo uu xalay natiijo la’aan ku dhammaaday kulan dhexmaray madaxweyne deni iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo ka dalbaday in uu ka baaqdo caleema-saarka Axmed Madoobe islamarkaana la dhammeeyo khilaafka Puntland iyo Villa Somalia. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo maanta ku wajahan Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  22. Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ee Galmudug, Axmed Geelle Ducaale Xaaf, ayaa soo saaray Gudiga farsamada Maamul dhisida Dowlad goboleedka Galmudug waxa uuna ka koobanyahay guddigaasi 12 xubnood. Madaxweyne Xaaf oo dhawaan ka carooday tilaaboyinka dowladda federalka, ayaa mar kale lagu qanciyay inuu dowladda federalka kala shaqeeyo dhameystirka dhismaha Galmudug midaysan. Guddigaan ayaa horey madaxweyne Xaaf diiday u diiday inay soo magacowdo dowladda federalka, waxaana Puntland Post ogaatay in wasaaradda arrimaha guduhu soo xushay guddigaan intiisa badan. Halkaan hoose ka eeg The post Madaxweyne Xaaf oo magacaabay guddiga farsamada dhismaha Galmudug appeared first on Puntland Post.
  23. Turkiga oo jawaab kulul ka bixiyay hanjabaad uga timi Donald Trump Madaxweyne Trump ayaa Isniintii ku gooddiyay inuu burburin doono dhaqaalaha Turkiga Ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka dalka Turkiga ayaa ka falceliyay hanjabaaddii uu madaxweynaha Mareykanka u jeediyay waddankaas ee ku aaddaneyd howlgallada uu turkiga qorsheynayo inuu ka fuliyo Suuriya, sida ay qortay Wakaaladda wararka ee Anadolu. “Waddankeennu ma aha dal ay edeb bari karaan talisyo shisheeye mana aha waddan jilbaha u dhiganaya waddan kale”, sidaas waxaa yiri Levent Gok, oo la hadlayay xildhibaannada baarlamaanka Turkiga. Isagoo hoosta ka xarriiqay in Turkiga uu yahay waddan madax bannaan, ayuu Gok sheegay in dalkiisu “uu xal u heli karo dhibaatooyinkiisa gaarka ah”. “Mareykanka iyo dalalka kaleba waa inay ogaadaan in Turkiga uu wali heysto qalabka iyo dadnimada uu isagoo xorriyaddiisa raadinaya kula dagaallamay boqortooyooyinkii hore”. Madaxweyne Donald Trump ayaa Isniintii ku gooddiyay inuu burburin doono dhaqaalaha Turkiga, haddii ay xukuumadda Ankara tallaabo uu ku tilmaamay “inay ku xadgudubto Suuriya”, xilli uu jiro qorshe ay Turkiga ugu diyaar garoobayaan howlgal ay ka fulinayaan waqooyiga Suuriga. Dad badan ayaa ku barakacay dagaalka Suuriya Ankara ayaa dooneysa inay halkaas ka abuurto khad ka caaggan dagaallada oo loogu talagalay in hoy looga dhigo dadka qaxootiga ah. “Sida aan horayba si adag ugu sheegay, haddana aan ku celinayo, haddii Turkigu ay sameeyaan wax kasta oo aniga, caqligeyga weyn aan ugu arko inuu xad gudub yahay, waxaan si buuxda u burburin doonaa dhulkana la simi doonaa dhaqaalaha Turkiga(sidaasna horay waan u sameeyay)”, ayuu yri Trump oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Suuriga Arrintan ayaa kusoo aadday xilli uu dhawaan madaxweyne Trump ku dhawaaqay in ciidamada Mareykanka ee Suuriga ku sugan laga soo saari doono. Go’aanka uu Trump ciidammadiisa kula soo baxay waxaa xitaa si weyn u cambaareeyay masuliyiinta xisbiga Jamhuuriga oo uu Trump ka tirsan yahay. Kurdiyiinta ayaa bixitaanka ciidammada Mareykanka ku tilmaamay inay tahay “waran dhabarka uga dhacay” Dadka dhaliila siyaasadda Trump ayaa ku doodaya in bixitanaka ciidammada Mareykanka ay ka dhigtay Kurdiyiinta kuwa u nugul weerar uga yimaada Turkiga oo kooxdan u arka inay tahay argagixiso. Wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa sheegay in “la dhameystiray diyaargarowga howlgallada xasilinta gobolka oo muhiim u ah nabadda Suuriya iyo deriskeeda” Balse Mr Trump ayaa uga digay Turkiga inaysan ka faa’iideysan go’aankiisa ku aaddan la bixitaanka ciidamada Suuriya ka jooga. Turkiga iyo Mareykanka oo ka wada tirsan isbahaysiga NATO ayuu dhawaanahan xiriirkooda soo xumaanayay. Qaran News