-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Faduma Ali Adan, a 24-year-old mother of two, is a resilient and dedicated caretaker. Living in Mogadishu, Somalia's capital, Faduma's life was already fraught with challenges. Her eldest daughter fell ill and became paralyzed from a prolonged severe fever, and Faduma did everything in her power to seek help.
-
(Bloomberg) -- Egypt delivered arms to Somalia and will help train the country’s troops, a Somali official said, potentially intensifying tensions in the Horn of Africa nation that’s scrambling to impose control over a breakaway region.
-
Ethiopia has accused Somalia of “colluding with external actors” to destabilise the region, following Somalia’s refusal to include Ethiopian troops in the upcoming African Union Support Mission in Somalia (AUSSOM).
-
Sanca (Caasimada Online) – Howlgalka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacadi sheegay, in kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ogolaatay in doonyo iyo maraakiib gurmad ah ay gaaraan, markab wada saliid ceyriin oo ku gubanaya Badda Cas, kaddib marki ay malleeshiyo ka tirsan Xuutiyiinta weerareen todobaadki hore.
kabkan oo wata calanka Giriiga ayaa wada ilaa hal milyan oo barmiil oo saliid ceyriin ah. Saraakiisha markabka ayaa ka digay in saliidda ku daadaneysa badda ay keeni karto mid ka mid ah khataraha ugu weyn ee dhanka deegaanka ah ee soo marta caalamka.
Qoraal kasoo baxay xafiiska holgalka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegau, in iyada oo la tixgelinayo walaaca dhinacyada bani’aadannimada iyo deegaanka ay Ansarullah oo ay ula jeedaan Xuutiyiinta aqbashay bay tiraahdeen, in doonyo iyo maraakiib gudmad ah u tagaan markabka burburaya.
Afhayeenka Xuutiyiinta Yemen, Mohammed Abdulsalam ayaa Arabacadi u sheegay Reuters, in aysan jirin wax xabbad-joojin ah, balse ay kaliya kooxdu ogolaatay jiidista markabka shidaalka ee Sounion, ka dib markii dalal badan oo caalamka ah oo kooxda lasoo xiriiray ay taasi codsadeen.
The post Wararkii ugu dambeeyay markab ku gubanayo Badda Cas iyo Xuutiyiinta oo… appeared first on Caasimada Online. -
Gaza (Caasimada Online) – Taangiyada ciidamada Israa’iil ayaa gunta magaalada Khan Younis ee koofurta Gaza gaaray Arbacadi shalay, isla markaana duqeeyay qeybo badan oo ku yaalla Marinka Gaza, kaddib dagaallo qaraar oo ay dhexmaray iyaga iyo dagaalyahanno ka tirsan Xamaas.
Dadka deegaanka Khan Younis ayaa sheegay in taangiyada Israa’iil ay si lama filaan ah u soo galeen bartamaha magaalada Khan Younis, iyaga oo intaasi ku daray in ciidanka Isra’iil ay amreen in dadka ka baxaan bariga magaalada taas oo ku qasabtay qoysas badan in ay si dhaqso ah u cararaan, halka kuwo kale oo bandanna ay wali ku go’doonsanyihiin halkaasi.
Ilaha caafimaadka Gaza ayaa xaqiijiyay in duqeymihi shalay lagu dilay ugu yaraan 34 Falastiiniyiin ah. Duqeyn ka dhacday Khan Younis ayay saraakiishu sheegeen in lagu dilay 11 ruux.
Magaalada bartamaha ku taalla ee Deyral Balax, halkaas oo ugu yaraan hal milyan oo qof ay gabbaad ka dhiganayaan, ayay saraakiisha caafimaadka sheegeen, in duqeyn ay ciidanka Isra’il ku bartilmaameedsadeen guryo dad barakac ah ay daganaayeen lagu dilay 8 qof.
Xerada Nuseyraat ee bartamaha Marinka Gaza, saxafi lagu magacaabo Maxammed Cabid-Rabbo iyo babadh la dhalatay ayaa ka mid ahaa dad lagu dilay duqeyn lagu bartilmaameedsaday gurigooda,
Wasaaradda caafimaadka Gaza ayaa sheegtay, dilka wariye Cabd-Rabbu uu noqonayo kii 172-aad ee Gaza loogu geysanayo wariyaasha tan iyo 7-badi October ee sannadki hore.
The post ISRAEL oo weerar kale ku qaadday Khan Younis appeared first on Caasimada Online. -
-
Dowladda Ethiopia ayaa si adag uga hadashay xaaladda ammaanka ee gobolka Geeska Afrika, iyo weliba walaaca ay ka qabto xilliga kala guurka ee ciidamada Midawga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ee ATMIS, kuwaas oo lagu bedelayo hawlgal cusub.
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ethiopia ayaa lagu sheegay in ay ka walaacsan yihiin, halista ka iman karta, hannaanka ay haatan wax u socdaan, taasoo ay sheegeen in ay khatar amni ku keeni karto gobolka.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ethiopia ayaa sheegtay in baaqyo kala duwan oo ka soo baxay Ethiopia iyo dalalka ku deeqay ciidamada, inaan si dhab ah loo qaadanin.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay Ethiopia ayaa lagu sheegay inaanay Ethiopia daawade ka noqonaynin, xilli ay dhinacyada kale ku hawlan yihiin inay qaadaan tallaabooyin ay xasilooni darro kaga abuuryaaan gobolka Waxayna intaas ku dareen, inay si dhow ula soconayaan isbedellada ka socda gobolka ee taabanaya danohooda qaranka.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay soo baxayaan wararka sheegaya, inay dawladda Masar ay Soomaaliya u fidisay kaalmo milateri, taas oo noqonaysa, kaalmadii ugu horraysay ee noocan ah ee ay Soomaaliya siiyaan muddo afartan sannadood ka badan.
Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa isku maandhaafsan heshiiskii ay wada galeen Ethiopia iyo Somaliland ee ku aaddanaa in Ethiopia laga kireeyo marin biyood, sidoo kale Masar iyo Ethiopia ayuu ka dhexeeyaa loollan xooggan oo ku aaddan ka faa’iidaysiga biyaha webiga Niilka.
PUNTLAND POST
The post Dowladda Ethiopia oo walaac xooggan ka muujisay dhaq dhaqaaqyada Masar ka waddo Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta tegay xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho, halkaas oo tababar culus uu uga socdo ciidamo ay gacanta ku heyso oo tababarkooda ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta.
Wasiirka ayaa dowladda Imaaraadka uga mahadceliyey tababarrada ciidamada xoogga Soomaaliya iyo kaalmada kale ee dowladda Soomaaliya ay siiso.
Wasiir Jaamac ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka ay kaalin weyn ka geysatay dhismaha ciidamada Soomaaliya, waxyaabaha uu ku amaanay Imaaraadka waxaa kamid ah sida dowladda Soomaaliya ay uga gacan siisay in amni lagu soo dabaalo magaalada Muqdisho.
Imaaraadka ayaa Soomaaliya u tababaray ciidamada xasilinta caasimadda Muqdisho ee loo yaqaano Boolis Military iyo guutooyin kale oo ka tirsan xoogga dalka, kuwaas oo ku maqan furimaha dagaalka, kuna baacsada Khawaarijta Al-Shabaab.
Wasiirka ayaa sidoo kale u mahadceliyey dowladaha kale ee Soomaaliya ka gacan siiya dhismaha ciidanka oo dalkaan uu maahi weyn u qabo, isagoo ciidamadaan cusub kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan tababarka uguna adeegaan dalkooda.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa warbixin ka siiyey dhalinyaradaan halganka xoreynta dalka iyo halka uu marayo, isagoo ku war-geliyey in dadka Soomaaliyeed iyo saaxiibadooda kale ee ciidanka xoogga dalka ay ka sugayaan inay gacan ka geystaan sidii argagixisada dalka looga xoreyn lahaa.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay damaca Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, “Waxaad la socotiin in badeena iyo dalkeena la soo damaaciyey, idinka ayuu dalkaan difaac idinka sugayaa, dadka Soomaaliyeed mucaarad iyo muxaafid, masuul iyo shacab, waxay ka siman yihiin in taako ka mid ah dhulkooda aan la qaadan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Jaamac.
Hoos ka daawo
The post Daawo: Wasiir Jaamac oo ka hadlay taageerada Imaaraadka iyo damaca Itoobiya appeared first on Caasimada Online. -
Booliska Soomaaliya ayaa xiray askari lagu eedeeyay inuu fal xadgudub ah u geystay dadweyne wadda marayay, islamarkaana uu sameeyay arrin anshaxa booliska iyo sharafta bulshadaba meel ka dhac weyn ku ah.
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga boliiska degmada Dharkeynley ayaa xiray askari ka tirsan Ciidanka Boliiska oo lagu eedeeyay inyy u gafay muwaadiniin Soomaaliyeed.
Askarigan ayaa baraha bulshada ka soo muuqday ayagoo qori ku cabsi gelinaya dadweyne wada marayay, islamarkaana falkaas xadgudub ka ah qaab kaftan u samaynaya, asagoo muuqaal ahaan isaga duubaya.
Ciidanka booliska ayaa waxay sheegeen inay eedeysanahan sharciga la tiigsan doonaan oo maxkamadda galdacwadeedkiisa awoodda u leh hoegeyn doonaan.
-
Mogadishu (HOL) — The Somali Ministry of Internal Affairs and Reconciliation issued a strong appeal on Wednesday for an immediate end to the ongoing clan conflict in the Erigavo district of the Sanag region.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maareeyaha Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyey awooda dowladda ee dhanka hawada iyo sababtii ka dambeysay amarro culus oo Hay’adda ka soo baxay maalmihii lasoo dhaafay.
Maareeyaha ee u waramay SNTV ayaa la weydiiyey sababta keentay Diyaaradaha Ethiopian Airlines iyo Flydubai lagu amro inay Hargeysa raaciyaan magaca Soomaaliya, halka markii hore ay raaci jireen magaca Somaliland.
Wuxuu sheegay in diyaaradahaas ay ka soo dacwoodeen dadka Soomaaliyeed oo Website-kooda ku arkay magaca Somaliland oo dal madax-banaan ay ka dhigayaan, kadibna wuxuu sheegay in talaabadaan ay ka dhalatay.
“Madaxda Diyaaradaha Ethiopian Airlines iyo Flydubai waxaan u cadeynay mowqifkeena cad iyo inay u hogaansamaan shuruucda dalka, waana u hoggaamsameen waan uga mahadcelineynaa,” ayuu yiri.
Maareeye Axmed Macalin Xasan ayaa ku faanay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u maamusho hawada dalka oo sida uu sheegay ka weyn dhulka.
“Hay’adda Duulista Soomaaliya, waxay gacanta ku heysaa 100% hawada u dhaxeysa Hindiya, Yemen, Ethopia, Kenya, Sishalis, xuduudkeena dhulka hawo ka badan ayaan si buuxda u maamulnaa, sababtoo ah dowladda Hindiya toos ayaan isugu wareejinaa hagitaanka diyaaradaha, maadaama ay dhanka hawada xuduud kala leenahay,” ayuu yiri Maareeye Axmed Macalin.
Sidoo kale Maareeyaha ayaa sheegay in hawada Soomaaliya ay 60% tahay bad, “40% kaliya ayaa dhul ah, intaas anaga ayaa maamulna waxaana ka soo saarnaa lacag, maadaama ay ka kireysan tahay diyaaradaha mara maalin kasta, hawada dalkeena,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.
Maareeyaha ayaa sheegay in diyaaradii wax u dhibeysa gobanimada ama jebisa shuruucda Soomaaliya ay ka celi karaan hawada dalkeena, iyadoo aan la adeegsaneyn hub iyo wax lamid ah oo la adeegsanayo shuruucda caalamka.
Hoos ka daawo
The post Daawo: DF oo xog cusub ka bixisay amarkii ay duldhigtay Ethiopian Airlines iyo Flydubai appeared first on Caasimada Online. -
Waxaa la wada ogyahay inay jirto baahi weyn oo bulshada reer Puntland u qabto cisbitaal guud (referral hospital) oo buuxin kara baahida ballaaran ee dalka ka jirta. Si haddaba loo hirgeliyo arrinkaa, waxaa loo baahan yahay cudud, maskax iyo aqoon midaysan oo wax socodsiin kara. Waxaa kaloo loo baahan yahay aragti iyo hadaf gaarsiisan meel durugsan oo ka sarreysa laab la kac iyo wax ka eegid meel dhow.
Mashruuca “Healthcare-Focused Referral Hospital in Puntland (HFRHP)” waa mashruuc muddo soo socdey oo hadafkiisu yahay hirgelinta cisbitaal wax ka beddeli doona baarista iyo daweynta cudurrada, kaasoo markuu hirgalo wada shaqayn la yeelan doona cisbitaallo iyo jaamacado ku yaal Sweden iyo dalal kale oo aan annagu hore uga soo shaqaynay. Waxaanu ka kooban nahay dhakhaatiir, professoro iyo xirfad-yaqaano kale oo caafimaad oo muddo ka badan 20 sano ka shaqeynayey dalalka Yurub iyo Ameerika. Waxaa kale oo naga mid ah aadna u taageersan mashruucaan dad kale oo aqoon iyo xirfado kale leh oo ay ka mid yihiin ganacsato kana soo jeeda degaannada Puntland.
Saddex sano ka hor waxaanu bilawnay daraasad-cilmiyeed soo dhammaatay sannadkan bilawgiisii, taasoo lagu soo ururiyey xogta baahida caafimaad ee dalka ka jirta, cisbitaalka loo baahan yahay noociisa, qaybihiisa, shaqaalaha uu u baahan yahay iyo caqabadaha ka hor iman kara. Waxaannu samaynay naqshaddii cisbitaalka oo hadda diyaarsan.
Bishii Luuliyo 25-keedii waxaan la kulannay madaxweynaha Puntland, mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo aannu u soo bandhignay mashruuca Cisbitaalka. Waxaan kaloo la kulanay wasiirro ka mid ah dowladda Puntland, xildhibaanno, ganacsato iyo waxgarad.
Haddaba waxaa habboon in wixii la qabanayo iyo dadaallada socdaa ay noqdaan kuwo la isku biiriyo oo is-kaashada si aynu u gaarno horumar dhab ah. In kasta oo aannaan arrintan horay saxaafadda ula wadaagin si loola wada socdo.
Waxaan ku talin lahayn in wixii horay loo qabtay la aqoonsado, la tixgeliyo iyo in la mideeyo maskaxda iyo dhaqaalaha si aynnu u gaarno hadafka aynnu leennahay ee ah in la helo cisbitaal casri ah oo laga hirgeliyo Puntland. Kaas oo soo kordhin kara isbeddel dhab ah oo ka duwan wixii hore dalka uga jirey iyo in looga kaaftoomo in dadku caafimaad u raadsadaan dalal kale, sida India, oo ay kala kulmaan culays dhaqaale oo ballaaran iyo dayac caafimaad intaba.
Professor Abdimajid Nur Osman, PhD, medical genetics Project leader majidosm@gmail.com Dr. Mohamed Abdullahi Omar Specialist family medicine Project leader The post Isbitaal guud oo laga dhisayo Puntland (Warsaxaafadeed) appeared first on Puntland Post.
-
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa galabta hanjabaad u diray Afhayeenka Khawaarijta Al-Shabaab Cali Dheere iyo xubnaha kale ee ku jira kooxdaas, kuwaas oo dadka Soomaaliyeed ku laaya dhalinyaro ay qaldeen.
Taliyaha ayaa Cali Dheexe ugu baaqay in jihaadka uu carruurta ku qasbayo uu soo galo, maadaama uu dhalinyarada ugu sheekeeyey inay jano gelayaan, wuxuu isaga ka dalbaday inuu qarax isku soo xiro oo janada soo doonto.
“Sheydaan Cali Dheeroow hadii jihaadku dhab kaayahay kasoo baxa keymaha oo qaraxa ugu horeeya isku soo xir dhalinyarada ha khaldine,” ayuu yiri Taliye Dayax Cabdi Cabdulle.
Taliyaha ayaa hadalkaan ka sheegay goob ay Hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku midoobay daladda “Hooyo u hiili qarankaaga” ay sahay ciidanka loogu tala galay ku wareejinayeen.
“Dadka Soomaaliyeed iyo bulshada Gobolka Banaadir waa fahmeen dhagartii Khawaarijta cabsi gelina waxaba waa uga qaadi weyseen, waa kuwaas hooyooyinkii na garab taagan, waa aamusin weydeen, waa kuwaan maanta na garab taagan, cid Khawaarij ka cabsaneysa iyo cid garab taagan midna ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku soo daray.
Taliyaha ciidanka dhulka ayaa Cali Dheere iyo kooxdiisa ugu baaqay in carruurta ay qaldeen aysan ku halaagin dadkooda ee hadii uu jihaadka ay sheegayaan uu dhab ka yahay ay dagaalka soo galaan oo is qarxiyaan, hadii ay jano ku helayaan.
“Geedaha iyo godadka ka soo baxa hadii jihaadku dhab idinka yahay, Cali Dheere isku soo xir gaariga ugu horeeya ee qaraxa ah, dadka Soomaaliyeed waa kugu fahmeen in carruurtaadii ay Jaamacado dhiganayaan, wiilashada yaryarna aad soo qaldeysid, si dadkooda ay u halaagaan,” ayuu yiri.
Jeneraal Dayax ayaa farriin u diray dhalinyarada la qalday, “isaga taga argagixisada, kusoo laabta dadkiina, ka towbad keena wixii aad qaribteen, dowladda waxaa ka go’an inay soo dhaweyso qof kasta oo muwaadin ah oo aan gacan ku dhiigle aheyn,” ayuu yiri Taliye Dayax.
Hoos ka daawo
The post Daawo: DF oo farriin yaab leh u dirtay Cali Dheere Afhayeenka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online. -
Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag waxaa saacadihii la soo dhaafay ka socday shaqaaqooyin ay ku dhowaad 10 qof ku dhinteen, waxaana soo baxayay baaqyo kala duwan oo lagu dalbanayo in xaaladda lagu dejiyo.
Guddiga nabad-gelyada magaalada ayaa ayaguna ku dhawaaqay in bandow socanaya tobanka habeennimo ilaa todobaa aroornimo halkaas lagu soo rogay, kaas oo looga golleeyay in lagu xakameeyo xiisadda sii kordhaysa ee u dhexaysa dadka kala taageersan Soomaaliland iyo SSC-KHAATUMO.
Mid kamida dadka ku nool magaalada Ceerigaabo oo u waramay goobjoog news ayaa sheegay in hadda xaaladdu ay degantahay, islamarkaana ay socdaan dadaallo nabad-gelyada lagu xoojinayo.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhaqdhaqaaqa dhinaca koonfureed ee magaalada oo dad SSC-KHAATUMO taarsani ay deganyihiini uu aad u koonyahay, islamarkaana ganacsiyada intooda badani ay xiranyihiin.
Rabshadaha magaalada ayaa ku soo beegmay wax yar ka dib markii uu Madaxweynaha Soomaaliland halkaas booqday, islamarkaana uu jeediyay khodbad ku saabsan xaaladda Soomaaliland iyo SSC-KHAATUMO.
-
A man has been charged in the shooting of an elder outside a north Minneapolis mosque, an incident which left the Muslim community “shaken.”
-
Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ku guuleystay tijaabada nooc cusub oo bariis ah, kaas oo lagu beeray degaanka beer-caano ee dhuleed magaalada Godey, waxaana munaasabad halkaas lagu qabtay lagu soo bandhigey wax soo saarka dalaggan aan ku badnayn beeraha dhulka Soomaalida.
Bariiskaan oo laga tacbay mashruuca waraabka ee ka socda galbeedka magaalada Godey ee gobolka Shabeelle, ayaa munaasabadda lagu soo bandhigayay waxaa ka qeyb-galay madaxda ka socatay dowladda federaalka Itoobiya oo uu hormuud u ahaa ra’isulwasaare ku xigeenka dalkaas iyo madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida Mudane mustafe Cagjar.
Wasiirka Xaafiiska beeraha deegaanka Soomaalida mudane Cabdulqadir Iimaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay tabcidda bariiskan billaabeen bishii 5-aad ee sanadkan, islamarkaana ay doonayaan in mustaqbalka dhow uu deegaanku soo saarto dalag bariis oo baahidiisa ku filan.Sidoo kale wuxuu tilmaamay in mashruucan mid lamida ay horay uga hirgeliyeen gobolka Siti ee deegaanka Soomaalida, islamarkaana uu mira-dhal noqday oo hadda wax soo saarkiisu uu meel feecan marayo.
Dhulka Soomaalida ayaa intii hadan ah carro hodan ah oo wax walba lagu beeran karo, balse raashinka iyo waxyaabaha kale ee dadka Soomaalidu ay sida maalinlaha ah u isticmaalaan intooda badan dibedda ayaa laga soo dhoofiyaa, ayadoo aan cidina waqti iyo tacab badan galinayn sidii wax soo saarka gudaha loo xoojin lahaa.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa markale ka dilaacday gudaha Somaliland jabhad cusub, taasi oo saldhigatay goob aan masaafo ahaan kasii fogeyn magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.
Jabhaddan ayaa hadda saldhig ku leh degmada Balligubadle ee gobolka Hawd ee Somaliland oo qiyaastii magaalada Hargaysa 65KM koofurta kaga beegan, una dhow xuduudda Itoobiya.
Haddaba maxay tahay jabhaddan iyo ujeedka ka dambeeya?
Jabhaddan ayaa ka dhalatay cadaalad darro ay Somaliland ka tirsanayaan shacabka deegaanka Balligubadle, gaar ahaan saami-qeybsiga maamulka, sida uu sheegay Iid Jiciir Aw-Axmed oo deegaanka ka soo jeeda, kana mid ahaa xubnihii SNM.
Ninkan oo xog ogaalna u ah sidii ay jabhaddan ku bilaabatay oo la hadlay BBC ayaa waxa uu yiri “Balse waa mid ku timid rabitaanka shacabka deegaanka Balligubadle oo tirsanayey cadaalad darro dhanka baarlamaanka iyo doorashooyinka a.”
Waxa uu intaas kusii daray “Markii la dhagaysan waayey ayaa rag dhallinyaro ah oo deegaanka ka soo jeeda ay hubka qaadeen, ayagoo diiddanaa sida wax loo wado.”
Qiyaasta tirada raggaas ayuu sheegay inuusan ogeyn, balse ay u badan yihiin rag ka soo jeeda beesha degta Balligubadle, isagoo markaa iska ilaalinayey in uu tiro khaldan bixiyo, wuxuuse intaa ku daray in jabhaddu ay samaysantay muddo qiyaastii aan bil iyo bar ka badnayn.
Iid oo ka mid ah dadka deegaan ahaan loo tiriyo jabhadaas laakiinse aan xubin ka ahayn wuxuu BBC u xaqiijiyey xog markii horeba soo gaartay oo ah in jabhadaas ay diiddan tahay doorashooyinka isku sidkan ee lagu wado inay dhacaan bisha Nofembar.
“Tabasho iyo cadaalad darro weli halkeedii taagan oo aan la xallin ayey jabhaddu ka aasaasantay, taasoo ah mid ay qabaan reerka reer Balligubadle. Somaliland waxay ku aasaantay saami qaybsiga beelaha, markii loo gudbay dimoqaraadiyadda waxaa yimid xeerar wada qabyo ah oo kan baarlamaanku ka mid yahay oo dadku aysan kuraasta isku si ugu soo baxayn,” ayuu yiri.
Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Bil matal, waxaa jira laba xildhibaan oo midna uu ku dhacayo 5,500 oo cod, midna uu ku soo baxayo 800 oo cod, waana wax qof u fiirsaday mooyee uusan qof kale garan karin, waxayna arrimahaas ka mid yihiin arrimaha tabashada ee beeshan ay qabto.”
Dhinaca kale, Suldaan Abshir Cabdi Boodhle oo kamid yahay odayaasha dhaqanka ee deegaankaas ayaa isna meel fagaare ah ka taageeray Jabhaddan, isaggoo yiri “Reerkii aan wax u doonnay ee aan wax ugu maqnayn halkaasey maanta ku dhan yihiin, waxaannu qaadannay wax allaale wixii ay qaateen, sababtoo ah wax noo hooseeya ma jiro.”
Si dhab ah looma oga halka uu ku dambeyn doono jiritaanka jabhadda, ayada oo horey Somaliland uga sameysmeen jabhaddo badan, kuwaas oo markii dambe arrintooda lagu dhameeyay waan-waan iyo heshiis ay la gashay xukuumadda.
The post Maxaan ka naqaan Jabhadda cusub ee ka dilaacday duleedka Hargeysa appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Maraakiib dagaal oo ka socda Turkiga ayaa ku soo wajahan biyaha Soomaaliya, tan oo qeyb ka ah heshiiskii difaac ee labada dal ay qalinka ku duugeen.
Maraakiibta dagaal ayaa biyaha Soomaaliya ka ilaalin doonaan cadowga ku soo xad-gudba xeebaha, kalluumaysiga sharci-daradda, sunta lagu soo shubo iyo wixii la mid ah. Sidoo kale Turkiga ayaa ciidamo badeed u dhisaya dowladda Soomaaliya, sida uu qabo heshiiska iskaashiga difaaca badda iyo dhaqaalaha.
Sidoo kale, waxaa la filayaa in dhamaadka bisha September ama bilowga October uu Turkiga usoo diro xeebaha Soomaaliya markab kale oo shidaal baaraya oo saddex balook oo badda dhexdeeda ah loo malaynayaa in gaas iyo saliid ay dhex ceegaagaan.
Shaqadan ayaa waxaa loo xil-saarya shirkad dowladda Turkiga leedahay ee TPAO, taas oo qabaneysa baarista iyo soo saarka shidaalka Soomaaliya, iyadoo taasi muujineyso sida Turkiga uga go’an tahay inuu Soomaaliya kaalmo waaweyn ka qaato siiba dhinacyada dhaqaale kabis, dhisid ciidan oo cudud xooggan leh iyo abuurid ilo dhaqaale oo cusub.
Waxaa kale oo xusid mudan in Turkiga shirkado laga leeyahay ay haatanba maamulaan garoonka diyaaradaha Adan Cadde iyo dekedda oo ah illaha dhaqaalaha ugu weyn dalka, iyadoo dhanka militeriga ay dowladda Turkiga tababarto ciidamo booliska iyo militeriga ka tirsan iyo kuwa cirka, taasi oo qeyb uga qaadaneyso dib u dhiska ciidanka qaranka oo lagu wado inay mas’uuliyadda amniga kala wareegaan ATMIS marka la gaaro bisha December ee sanadkan.
Dabayaaqada sanadkaan ayaa lagu wadaa in la soo saaro shidaalkii ugu horreeyay ee laga qodo gudaha Soomaaliya, kaasi oo la filayo in uu noqdo maaddada ceeriinka ah, kadibna loo diri doono tijaabo baaritaan, sida uu kal hore sheegay wasiirka batroolka iyo macdanta ee Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale rajeynaysa in shidaal qodista la bilaabo horraanta sanadka 2025-ka, sida uu sheegay wasiirka batroolka, iyada oo dowladda federaalka ay tallaabooyin dhowr ah u qaaday in laga faa’iideysto khayraadka shidaalka, waxayna heshiis arrinkaas ku saabsan la gashay dowladda Turkiga.
The post XOGTA maraakiib dagaal oo kusoo wajahan SOOMAALIYA appeared first on Caasimada Online. -
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland sareeyo guuto Muumin Cabdi Shire ayaa shir gudoomiyey shirka saraakiisha booliska Gobolka Mudug oo looga hadlayey hormarinta amniga Gobolka iyo dardargalinta shaqooyinka horyaala.
Shirka waxaa ka qayb-galay Taliyaha qaybta Booliska gobolka mudug G/sare Maxamud Cabdixakiin Yusuf,taliyaha kuxigeenka hogaanka ilaalada canshuuraha G/Sare Ciise Axmed Maxamud,taliyaasha laamaha Gobalka,taliyaasha saldhigyada magaalada Galkacyo iyo saraakiisha Amniga booliska Gobalka.
Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug G/sare Maxamud Abdixakiin Yusuf ayaa warbixin guud kasiiyey ,taliyaha ciidanka booliska dowlada Puntland sareeyo guuto Muumin Abdi Shire shaqada Amniga gobalka iyo xaaladihii amni ee u danbeeyey,iyadoo hormar fiican laga sameeyey dhanka amniga iyo wadashaqaynta bulshada iyo booliska Gobalka.
Taliyaha Ciidanka booliska dowlada Puntland sareeyo guuto Muumin Abdi Shire ayaa ugu horeyn warbixin guud kasiiyey saraakiisha booliska Gobalka mudug qorshaha hormarineed,dhisme iyo tayeyneed ee lagu wado ciidanka booliska dowladda Puntland,taas oo ay muhiim tahay in ciidanka boolisku noqdo mid kuqalabaysan aqoon iyo xirfad.
Ugu danbayn Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa saraakiisha Ciidan booliska Gobalka Mudug kubogaadiyey shaqada ay u hayaan bulshadda sidoo kalana faray iney labo jibaaraan shaqada ay u hayaan dalka,dadka iyo diintooda,lagana hortago kuwa cadowga ku ah nolasha dadka reer Puntland.
PUNTLAND POST
The post Saraakiisha Booliska Puntland oo shir ka yeeshay Amniga magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
The United Nations security council unanimously voted on 15 August 2024 to extend the mandate of the 12,626 men and women of the African Union Transition Mission in Somalia (Atmis).
-
Kulan ay maanta isugu yimaadeen hogaanka dhaqanka ee beelaha West Burco Clan,ganacsatada, xildhibaano culimo awdiin iyo aqoonyahano ayaa waxa ay ka soo saareen baaq nabadeed oo ku saabsan colaada gobolka Sanaag in lagu soo af jaro nabad
Waxa ay ku baaqeen in colaadaasi si deg deg ah loo joojiyo colaada
Waxa ay labada beelood ee walaalaha ah ugu baaqeen nabad
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidmada qalabka sida ayaa maanta go’aan ka soo saartay kiiska Dable Nisa Mahad Cali Cabdi (Madaxeey) iyo Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed oo ka wada howl-galayay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla isgoyska Taleex ee degmadda Hodan.
Labada sarkaal ayaa ku eedeysan dil ka dhashay is qab-qabsi ka bilowday deysmada mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha oo ay la socotay haweeney iyo cidda iska leh ka gudashada waajibka hubinta iyo amarka fasaxida.
Arrintaan ayaa markii dambe isku beddeshay in hub la isku adeegsado, waxaana 27 bisha 6 ee sanadkaan is rasaaseen xaafadda Taleex ee Degmadda Hodon ku dhex-martay Dable Nisa Mahad Cali Cabdi “Madaxeey” iyo Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed.
Rasaasta ayaa waxaa ku dhintay Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse oo ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhex jiray labadooda.
Baaris dheer kadib xafiiska xeer ilaalinta ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday toban iyo todobadii bishaan.
Garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Mahad Cali Cabdi (Madaxeey) dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse, halka Cadnaan Muuse Maxamed uu Garsoorku amray in Xoriyadiisa la siiyo.
Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamadda qalabka sida.
The post Xukunka dil ka dhashay haweeney mareysay bar kontorool oo ku taal Muqdisho appeared first on Caasimada Online. -
Beelaha wada dega gobolka Sanaag ayaa si deg deg ah waxa ay u abaabuleen in colaada Goof ka bilaabmatay ay si dhekhso ah u xaliyaan oo u soo af jaraan.
Sida ay xaqiijiyeen ilo mihiim ahi waxa meel fiican maraysa oo bilow ah in labada beelood ee isku dilay Goof la dhex dhigo nabad waarta.
Beelaha Warsangali, East Burco Clan iyo Gahayle ee wada dega gobolka ayaa arinkaasi u guntaday waxan la rajaynayaa in colaadaasi lagu soo dabaalo nabad galyo waarta beelahani ay colaadu dhex martay ayaa ah kuwo aan sinaba u kala maari karin iyaga oo ah dad walaalo ah oo ah wiil iyo abtigii isla markaasina dad wada dega oo noloshoodu isku xidhantahay.
Hore waxa u soo baxay baaqyo nabadeed oo beelahaasi ay u direen higaamiyo dhaqameedyo xisbiga mucaaridka ah ee Waddani iyo xukuumadda Somaliland.
Magaaladda Ceerigaabo ayaa maamulka degmada iyo ka gobolkuba ay ku soo rogeen bandoo iyada oo magaaladaasi laga mamnuucay in aan qof shicib ahi Magaaladda la soo gali karin wax hub ah ama aan la ogolayn qof qof kale wax u gaysan kara.
Waxa aad loo adkeeyay amniga Magaaladda waxana aad loo ilaalinayaa amniga Magaaladda oo hada aad u sugan
Somalia to strengthen communication in East Africa
in News - Wararka
Posted
The government of Somalia now seeks strengthen and enhance its communication in East Africa.
Source: Hiiraan Online