Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Sida ay qortay “The Daily Monitor” ee dalka Uganda, Cabdi Qaadir Maxamed Maxamuud Sandir oo horay loogu tuhunsanaa ka mid ahaanshiyaha Al-shabaab ayaa la sheegayaa inuu ka baxsaday xabsi ku yaalla magaalada. Ninkan oo ka tirsan hoggaamiyeyaasha kooxda ku sugan koonfurta Soomaaliya ayaa isaga iyo shan kale oo Soomaali ahaa waxaa lagu eedeeyey 2014-kii, in ay ku lug lahaayeen weeraro lala damacsanaa in lagu qaado xarunta baarlamaanka dalkaasi, Oasis Mall, Makerere University iyo meelo kale oo muhiim ah oo ku yaalo bartamaha Kampala. Sida ay sheegeen booliiska, Cabdi Qaadir Maxamed Maxamuud waxaa uu ka baxsaday goobtii uu ku xirnaa 10 maalmood ka hor. Booliiska ayaa ku xiray goob qarsoodi ah tan iyo markii dib loo qabtay 2018-kii, kadib markii maxkamadda sare ay isaga iyo dadkii la socday dambiyo ku weysay. Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in booliiska ay ku daba joogaan, iyaga oo bilaabay iney dadka qaar su’aalo weydiiyaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Wefdi uu hogaaminayo wasiirka beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Siciid Xusseen Ciid oo uu weheliyo Wasiirka wasaaradda Beeraha, Deegaanka iyo isbedelka cimilada Puntland Ismaaciil Diiriye Gamadiid ayaa booqday degaanno ka tirsan Puntland oo uu saamayn ku yeeshay Ayaxa. Weftigan ayaa waxaa sidoo kale kamid ah mas’uuliyiin ka socda hay’adda Beeraha Aduunka ee FAO oo ay hogaaminayeen Dominique Burgeon madaxa xaaladaha degdega ah iyo laqabsiga musiibooyinka ee hay’adda FAO iyo Keith cressman madaxa la dagaalanka iyo iskacaabinta u qaabilsan hay’adda FOA, xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, golaha wakiilada ee Puntland iyo madax kale waxaana ay soo indha indheeyey degaano ka tirsan gobolada Nugaal iyo Sool oo uu Ayaxu degey, kuwaas oo markii ay booqanayeen ay ka socotay howsha caabinta ayaxa. Wasiirka wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada, Ismaaciil Diiriye Gamadiid ayaa Puntland ku soo dhaweeyey weftigan oo ka kalayimid Muqdisho iyo Roma, waxaana uu sheegay in Ayaxu uu saamayn weyn ku yeelanayo Beeraha iyo dhuldaaqsimeedka Puntland, islamarkaasna uu weli dib ugu sii dhalayo gobolada Puntland, sidaasi darteedna ay tahay in wadajir ah loola dagaalamo Ayaxa. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Siciid Xusseen Ciid oo dhankiisa hadlay ayaa sheegay in Puntland ay tahay halka ugu badan ee Ayaxu uu Soomaaliya kasoo galo lagana dhagax dhigi doono xarunta Iskacaabinta iyo la tacaalida Ayaxa ee guud ahaan Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wasiir ka socda dowladda Soomaaliya oo booqday degaanno ka tirsan Puntland appeared first on Puntland Post.
  3. The Somali Federal Education Minister Godah Barre told BBC Somali TV that his government would not confer secondary school certificates on Puntland students if the Federal Member State does not oblige students to take the national secondary education examinations prepared and administered by the Federal Government. Ismail Mohamed Warsame, the Deputy Parliamentary Speaker of Puntland urged the Education Ministry to enable students to take the National Secondary School Examinations. “The dispute is not necessarily about examinations. It is about Puntland having a role in devising educational policies. Consensus and compromise from the Federal Government and Puntland State are what can lead to the necessary outcomes” Warsame said. The Deputy Speaker alluded to political differences between Federal Government and Puntland State in addition to the disagreement over the national educational policy. Prime Minister Kheire introducing a Social Studies textbook The Federal Government of Somalia introduced a national curriculum one year ago. The stick the Federal Government is using is its privilege to endorse certificates of scholarship applicants. To many this amounts politicising educational rights of Somali students in a country that has not fully recovered from state collapse. The conciliatory tone of Puntland Deputy Parliamentary Speaker serves to bridge the gap if the Federal Government adopts consultative approach to devising an educational policy which cannot succeed without consensus among political stakeholders. Meanwhile Puntland Education Minister, Professor Abdullahi Mohamed Hassan, shared with the local media copy of past agreements signed with the Federal Government in 2025 and 2017. The agreements entitle Puntland to administer examinations independently under the supervision of the Federal Ministry of Education. “The agreements stipulated the Federal Government will send certificates to students in Puntland in line with agreements” the Minister said © Puntland Post Monthly, 2020 Click here to download a full webzine The post Puntland and Federal Government Disagree Over Educational Policy appeared first on Puntland Post.
  4. (SLT-Riyadh)-Jaaliyadaha shan dal ayaa dalka Sucuudiga waxaa uu ka cafiyay lacagtii lagaga qaadi jiray dal ku galka ama fisah dal ku jagalka kadib markii ay bixiin waayen iyadoo loo qabtay muddo 90 cisho ah in ay kaga baxaan dalka oo ka bilaabanaysa bisha February. Shanta dowladdood ee jaaliyadoodan laga cafiyay daymaha ayaa waxaa ka mid ah Somaaliya, Itoobiya, Ereteriya ,Naajeeriya iyo Jaad iyadoo qunsuliyadaha guud ee wadamadaasi u fadhiyay magaalada jiddah ay si wada jir ah ay kulan ulaa qaateen madaxa xarunta shimees ee maamulka ajaanibka usaama abu milxa iyo madaxa. Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka sacuudiga u qaabilsan xarunata shimess al sayid khaliil bin axmed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xaruntaasi ayaa islaa gorfeeyeen intii uu socday Sida loogu baahan yahay in looga faa’iideysto cafiska lacagaha ee ay ku yaboohaday dowladda Sucuudiga. Masuuliyiinta maamulka xarunta shimees ayaa sheegay in ay ahmiyada balaadhan ugu jirto dhammaan jaaliyadaha dalalka laga cafiyay lacagta loona baahan yahay in loo fududeyo safarka dadka dib ugu labanaya dalalkooda. Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa mamnuucay ka ganacsiga gaadiidka loo adeegsado bakhtiinta dabka, laga bilaabo afarta bisha afarraad ee sannadkan 2020. Go’aankaasi oo ka dhaqan-gelaya Dhammaan gobollada Dalka. Wareegto uu shalay soo saaray Wasiirka Gaadiidku oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Dawan, ayuu ku sheegay in qaraarkan uu soo saaray ka dib markii uu taliska ciidanka dab-demiska Somaliland soo jeediyey in ay fasax ka qaataan ciddii uu baahan in ay dalka keenaan gadiidka dabka bakhtiiya . Wareegtada Wasiirka waxa kale oo lagu xusay in muwaadiniinta doonaaya in ay dalka keenaan gadiidka dabka bakhtiiya ay ruqsada ka qaataan taliska Ciidanka dab-demiska Somaliland, wixii ka danbeeya afarta bisha afarraad ee sannadkan aynu ku jirno. Wareegtadaasi oo dhammaystiranina waxay u dhignayd sidan:- MARKAAN ARKAY: Qodobada 20aad iyo 42aad ee Xeerka Wadamarista Gaadiidka (Xeer L/r 56/2013); MARKAN ARKAY: Qodobka 25aad Faqradiisa 8aad ee Xeernidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hayadaha Xukuumada (Xeer L/r 01/2018) oo tilmaamaya Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku in ay maamusho adeegyada isu socodka dadka iyo alaabta, isla markaana xaqiijiso isku gudubka badeecadaha iyo adeeggyada xamuulka ee waddanka. MARKAN HLAY: talo soo jeedin Taliyaha Ciidanka Dab-Demiska Qaranka ee hakinta soo dejinta iyo ka ganacsiga Gaadiidka Dab-demiska ah ee dalka la keeno. WAXAN SOO SAARAY WAREETADAN 1) In Gaadiidka Dab-Demiska laga mamnuucay in laga ganacsado guud ahaan Dalka Jamhuuriyadda laga bilaabo afarta bisha April 2020, 2) Cid kasta oo u baahan soo dajinta Gaadiidka Dab-Demiska waa inay ogolaansho ka haystaan Taliska Guud ee Ciidanka Dab-damiska laga bilaabo taariikhda wareegtadan soo baxday.” Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad siday gaadiid dagaal iyo hub fara badan ayaa lagu soo warramayaa inay saaka ka degtay garoonka degmada Doolow ee gobolka Gedo. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in diyaaradaasi ay ka ambabaxday garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Sida ay ogaatay Caasimada Online gaadiidka iyo hubka faraha badan ee la geeyey halkaasi ayaa loogu tala galay ciidanka dowladda ee dhowaan gaaray gobolka Gedo, gaar ahaan kuwii xalay la wareegay Luuq iyo Beled-Xaawo. Dowladda federaalka ayaa todobaadyadii la soo dhaafay xoojisay dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Jubbaland ee ay ka wado koonfurta Soomaaliya. Xiisada u dhexeysa labada dhinac ayaa sii xoogasaneysa marba marka ka dambeysa, iyadoona Jubbaland ay ka digtay ciidamada lagu daabulayo degmooyinka gobolka Gedo. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhaq dhaqaaqyada ay wado dowladda oo sii xoojiyey khilaafka kala dhexeeya hoggaanka sare ee Jubbaland. Arrimahahan ayaa sidoo kale ku soo aadaya, iyadoo shalay wasiirka amniga maamulkaasi Cabdirashiid Janan oo baxsad ah uu gaaray degmada Beled-Xaawo, kaas oo markii dambe uga sii gudbay dhinaca magaalada Mandera oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.
  7. (SLT-Berbera)-Maamulka Cisbitaalka Berbera,ayaa waxba kama jiraan ku sheegay warar sheegayay in Cisbitaalka guud ee degmada Berbera in ay ka go,an tahay Ogsajiinta loogu adeego bukaanka xaaladda adag ku jira. Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Magaalada Berbera Caasha Aaden Guuleed iyo Isuduwaha Wasaaradda horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Saaxil Bashiir Diiriye Jaamac ayaa beeniyay in ogsajiin la, aan loogu dhintay Cisbitaalka Magaalada . Caasha Aaden Guuleed iyo Bashiir Diiriye Jaamac oo Shalay warbaahinta si wadajira ula hadlay warbaahinta ayaa been aan sal iyo raadtoona lahayn ku tilmaamay in Ogsojiin la aan ay ka jirto Cisbitaalka Magaalada Berbera. Agaasimaha Cisbitaalka ayaa tidhi. “Annaga Masuuliyadda na saarani waxa weeye in loo shaqeeyo oo la daryeelo marka la keeno Cisbitaalka Magaalada Berbera dadka Xanuunsanaya,waxaan Caddaynayaa Marxuum kaa dhintay in lagu rakibay Haamihii Ogsojiinta.Haantii saddexaad markii lagu rakibay ee la qaaday ee la saaray Ambalaaska Marxuumkaas ee lagu xidhay ogsojiintii saarnayd Ambalaaska ayuu ku dhex Geeriyooday marxuumka ALLE, ha, U naxariisto,”. Sidoo kale Isuduwaha Wasaarada horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Saaxil Dr. Bashiir Diiriye Jaamac ayaa sheegay in Sarciga ay u gudbin doonaan ciddii qortay in Ogsojiin la,aan ay ka jirto Cisbitaalka Magaalada Berbera.waxaanu yidhi“May ku dhicin Ogsojiin la,aan Marxuumkaa Dhintay waxaanu ka digaynaa oo bulshada ku Baraarujinaynaa in beenta la is ka daayo,cidda qoraalkaas qortay waxaanu u Gudbinaynaa sharciga in ay soo Caddeeyaan cidda Masuuliyiinta ah ee arimahaas qortayna Sharci ayaa ka yaalla qoraalkoodii waanu sawirnay waxaanan usoo gudbinaynaa oo aanu hor gaynaynaa sharciga.”. Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlayey Coronavirus iyo dhibaatada uu ku hayao gudaha wadanka Shiinaha ayaa sheegay in arday badan oo Soomaaliyeed ay haatan ku go’doonsan yihiin magaalada Wuhan oo ah halka uu ka soo bilowday cudurkaas oo ah mid aad halis u ah. Cabdiraxamaan Cabdishakuur ayaa tilmaamay in weli ardayda Soomaaliyeed aysan wax gurmad ah ka helin dowladda federaalka, islamarkaana ay wajahayaan xaalado adag. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in dowlado ka tabar yar mida Soomaaliya ay muwaadiniintooda u gurmadeen, kalana soo baxeen wadankaasi. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dowladda inay si deg deg ugu gurmato ardaydaasi, si looga badbaadiyo Coronavirus oo la sheego in maalintii uu ku dhoco 3895 qof. Halkaan hoose ka aqriso: Waxay ardayda Soomaaliyeed ee ku go’doonsan Gobollka Wuhan ee dalka Shiinaha ii sheegeen in aysan ilaa iyo haatan gurmad ka helin Dowladda Federaalka ah. Waxay kaloo ii sheegeen in Gobolku uu karantiil ku jiro oo si shakhsi ah looga bixi karin, in ay safaarada dalkaada kaa saarto mooye. Waxay ii sheegeen in dowladaha tabarta yar sida Falastiin Yaman iyo Ciraaq ay dowlado kale la kaashadeen oo ay dadkoodii la baxeen. Madaxda Dawladda Federaalka ah maadama ay magacii Qaranka maanta iyagu dowladda Soomaaliya ku metalayaan waajib ayaa ka saaran samata bixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Wuhan ku go’doonsan. Dadka gudaha dalka jooga ee dhibaatooyinka caynkaan ahi la soo derisaan, gurmad ayey walaalahooda kale ee Soomaaliyeed ka helaan, laakiin ardayda Gobolka Wuhan ku go’doonsan dowlad keli ah ayaa u gurman karta. Qaran aad magaciisa ku badbaadayso, haddii maalinta aad ugu baahi badan tahay gacan kuu fidin waayo, ma jirto sabab uu macno kuugu sameeyo. Waxaa la sheegay in Corona Virus ka uu maalintii 3895 ku dhaco. Dowladdu degdeg ha ugu gurmato ardaydaas Soomaaliyeed.
  9. Jaaliyadaha shan waddan oo ku nool Sucuudiga, ayaa laga cafiyay lacagtii looga qaadi jiray da fisah dal ku jagalka kadib markii ay iska bixiin waayen. Shanta dowladdood ee jaaliyadoodan laga cafiyay daymaha ayaa waxaa ka mid ah Somaaliya,Itoobiya, Ereteriya ,Naajeeriya iyo Jaad iyadoo qunsuliyadaha guud ee wadamadaasi u fadhiyay magaalada jiddah ay si wada jir ah ay kulan ulaa qaateen madaxa xarunta shimees ee maamulka ajaanibka usaama abu milxa iyo madaxa. Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka sacuudiga u qaabilsan xarunata shimess al sayid khaliil bin axmed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xaruntaasi ayaa islaa gorfeeyeen intii uu socday Sida loogu baahan yahay in looga faa’iideysto cafiska lacagaha ee ay ku yaboohaday dowladda Sucuudiga Masuuliyiinta maamulka xarunta shimees ayaa sheegay in ay ahmiyada balaaran ugu jirto dhamaan jaaliyadaha dalalka laga cafiyay lacagta loona baahan yahay in loo fududeyo safarka dadka dib ugu labanaya dalalkooda. PUNTLAND POST The post Sacuudiga oo Deyntii ka cafiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkiisa appeared first on Puntland Post.
  10. (SLT-Wajaale)-Ciidanka Dab-demiska Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan xarunta Wajaale ayaa shalay u gurmaday dab qabsaday laba qol oo ka mida guryaha shaqaalaha ee baanka Itoobiya ay ku leedahay degmadaasi. Ciidanka ayaa dabkaas ku hakiyay halkii uu ka bilaabmay, iyadoo ciidanka dab-demiska Somaliland ee Tog-wajaale ay badbaadiyeen dhammaan hantidii taallay Bankaas, iyadoo ay nabadgaleen dhammaan qaybihii kala duwaanaa ee baanka, waxaanay ciidanku sheegeen in la baadhaayo sababta dabkan dhalisay. Todobaadkii hore ayey ciidanka dab-demiska Somaliland damiyeen dab weyn oo ka kacay suuqa Itoobiya ee daanta galbeed ee Wajaale, daminta dabkaas iyo xakamayntiisa ayaa ciidanku ku guuleystay inay dabkaas bakhtiiyaan. Ciidaanka deb-demiska Somaliland ayey shacabka Somaliland ku bogaadiyeen dadaalka ay ugu jiraan badbaadinta naf iyo maal ee deegaanada Somaliland iyaga oo hadda bilaabay in ay u gurmadaan waddamada deriska. Source
  11. Eng Mamaxed Salaad oo mar soo noqday xildhibaan ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland islamarkaana la hadlay Goobjoog News kana hadlayay dagaal beeleedka ka socda duleedka magaalaad Kismaayo ayaa sheegay in dagaalkaasi ay hurinayaan siyaasiyiin ka tirsan maamulka jubbaland kuwaas oo sida uu sheegay baadi goob ugu jira deegaano cusub. “Dad siyaasiyiin ah oo iyagu dana gaara leh ama deegaano cusub raadinaaya ayaa dadkaan oo xoolo dhaqato ah waxaa ka faa’iideystay siyaasiyiin ka tirsan maamulka haatan talada haya” ayuu yiri Eng Maxamed Sidoo kale xildhibaankan oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in dadkan aysan waligood dhul daaqsin isku qabsan, waxa uuna ka dhawaajiyay in siyaasiyiin ka tirsan Jubbaland ay dadkaasi u kala adeegeen. “Dadkaas waligood daaqsin iskuma qabsan, deegaan iskuma qabsan waa wiil iyo abtigii laakiin waa loo kala adeegay dad baa u kala adeegay maamulka talada haya ee Kismaayo jooga ayaa u kala adeegay oo xilal sheeganaya” ayuu yiri xildhibaan Eng Maxamed Salaad. Dhinaca kale Eng Maxamed ayaa ka haday sababta ay dowladda federaalka uga aamusantahay dagaal beeleedkaas waxa uuna ku sababeeyay in dowladdu aysan aqoonsanayn maamulka Jubbaland. Isagoo arrintaas ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “Maadaama dowladda aysan aqoonsanayn maamulka haatan jira iyada waxaa laga rabaa in ay isticmaasho awoodaha ay leedahay ee uu u fasaxayo dastuurka” Ma jirto wali wax wara oo ka soo baxay dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland oo looga hadlayo dagaal beeleedkan ka soconaya duleedka Kismaayo oo la soo warinayo in dad kor u dhaafaya 30 qof ay ku geeriyoodeen halka qaar kalane ay ku dhaawacmeen oo waliba qaarkood la soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho. Dagaal beeleedyada ka qarxa deegaanada iyo degmooyinka qaar ee dalka ayaa intooda badan waxa ay salka ku hayaan dhul daaqsin iyo aanooyin qabiil iyada oo aysan jirin wali wax xala oo loo helay dagaal beeleedyada ku soo noqnoqda dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Qoraal ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in Mareykanka oo kaashanaya dowladda federaalka Soomaaliya uu duqeyn dhinaca cirka ah ka geytay gobalka Jubbada hoose. Duqeynta oo la sheegay in lala beegsaday xubno ka tirsan Al shaab ayaa waxa ay sigaara uga dhacday deegaanka Beerxaani oo qiyaastii 50km dhanka galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose. AFRICOM waxa ay sheegeen in duqeyntaasi ay ku dileen xubin ka tirsanaa Al shabaab. Taliska Mareykanka ee Africa ayaa dhinaca kale sheegay in aysan jirin waxyeelo soo gaartay dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanka Beerxani ee gobalka Jubbada hoose. Sidoo kale Mareykanku waxa uu ka dhawaajiyay in uu sii wadi doono duqeymaha uu la beegsanayo Al shabaab. Waa Duqeyntii 5-aad ee Mareykanku uu sanadkaan cusub ee 2020 ka geysto gudaha Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. (SLT-Washington)-Xayiraada dhanka socdaalka oo Mareykanka ku soo rogay diyaaradaha ka yimaada dalka Shiinaha ayaa saameyn ku yeeshay dhaqaalaha Mareykanka. Iyadoo laga cabsi qabo caabuqa Corona ee ka dilaacay gobolka Wahun bishii December, ayaa xukuumada Washington waxay xayirtay dalxiisayaasha Shiinaha. Meelaha sida goonida ah looga dareemayo oo ay tagi jireen dalxiisayaasha Shiinaha ayaa waxaa ka mid ah gobolada California, Buffalo New York iyo magaalada Niagara. Diyaarada Mareykanka ayaa hakisay duulimaadyadii Shiinaha iyadoo madaxweyne Donald Trump uu soo saaray in Mareykanka ayna gudaha u gali karin dadka labadii toddobaad ugu danmbeysay ku sugnaa Shiinaha. Mareykanka ayaa lacag dhan 2.8 milyan oo doollar sannadkii 2019-ka uga soo xarootay dalxiisayaasha Shiinaha, sida ay xaqiijisay jaamacada Oxford qeybteeda ka faaloota Dhaqaalaha. Caabuqa Corona ee ka dilaacay shiinaha ayaa waxaa ku dhintay dad gaadhay 400 boqol waxaana uu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii Shiinaha iyo dalalka kale ee Caalamka. Source
  14. Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Jubbaland, Cabdi Xuseen Sheekh Axmed oo u warramay warbaahinta ayaa si kulul uga hadlay dhaq dhaqaaqyada ay dowladda federaalka Soomaaliya ka wado gobolka Gedo ee hoostaga maamulkaasi. Wasiirka ayaa ugu horreyn soo hadal qaaday qabsashada degmooyinka Beled-Xaawo iyo Luuq oo ay saacadiihii la soo dhaafay ay la wareegeen ciidanka dowladda, wuxuunta tilmaamay in magaalooyinkaasi ay hadda ka baxeen gacanta maamulka Jubbaland. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey dowladda dhexe inay isku ballaarineyso gobolka Gedo, iyada oo ka leh dano siyaasadeed oo ka dhan ah maamulkaasi, siduu hadalka u dhigay. Cabdi Xuseen Sheekh Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale sheegay in Jubbaland aysan dooneyn gacan ka hadal iyo in dagaal uu ka dhaco gobolkaasi, isaga oo ka digay dhaq dhaqaaqyada ciidamada dowladda ee haatan ka socda gobolkaasi Gedo. Wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladdu aysan dooneyn inay la dagaalanto Al-Shabaab, balse ay rabto kaliya inay burburiso Jubbaland. Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo u dhexeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ay ka socdeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Shalay ayey sidoo kale aheyd markii wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo baxsad ka ah dowladda uu gaaray degmada Beled-Xaawo, kaas oo markii dambe uga sii gudbay dhinaca magaalada Mandeera oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
  15. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sadiq Xirsi Warfa ayaa ka qeybgalay shir weynaha mustaqbalka shaqada oo ka furmay magaalada Paris ee dalka Faransiiska. Wakaaladda Wararka SONNa ayaa ku warrantay in Wasiirku uu shirkaasi ku soo bandhigay dadaallada xukuumadda Soomaaliya ee xal u helida shaqo la’aanta ka jirtay dalka . “Wasaaradda aan hoggaamiyo wax ay dadal muuqda ku bixisay sannadkii tagay sidii loo heli lahaa fursado shaqo iyadoo aan ka duuleyno tirada ugu badan oo dadkeena ah dhallinyaro si ay u helan fursado shaqo oo ay kagag marmaan shaqo la’aanta soo wajahaday .” ayaa SONNA ka soo xigatay Wasiirka. Shir weynaha ayaa intii u socday waxaa diiradda lagu saaray sidii ay wadda shaqayn dhawo u yeellan lahayeen shaqaalaha iyo maamulka ay hoostag si ay u yaraato ka war qab la’aanta xaaladda dadka ka shaqeeya xaruumaha dowladda. Dhinaca kale, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Sadiq Warfa ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha dalka Sweden, Stefan Lofven oo uu u gudbiyay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay wada-hadallada bulshada iyo xal u helida shaqada,iyadoo wadajir loo shaqeynayo. Wasiirka ayaa sidoo kale dowladda Sweden uga mahadceliyay taageerada ay siiso Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wasiir Sadiq Warfa oo Paris uga qeybgalay shir weynaha Mustaqbalka Shaqada appeared first on Puntland Post.
  16. Wararka saaka oo Arvbaci ah ka imaanaya Gobolka Gedo waxay sheegayaan in Deegaano ka tirsan Gobolka ayna socdaan howlgalo ay wadaan ciidamo ka yimid Muqdisho [...] Source
  17. (SLT-Khartoum)-Dalalka Suudan iyo Israa’iil ayaa isku raacay inay yeeshaan markii ugu horreysay xidhiidh diblumaasi kadib markii labada hogaamiye ee dalalkaas ay ku kulmeen dalka Uganda. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa kula kulmay magaalada Entebbe Madaxa Golaha Maamulka Sudan abdel Fattah al-Burhan. War ka soo baxay Xukuumada Israa’iil ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay isla oggolaadeen inay yeeshaan iskaashi lagu hagaajinayo xidhiidhka labada dal. “Waxa aanu isku raacnay in aan bilowno iskaashi horseedaya sidii caadi looga dhigi lahaa xidhiidhka labada dal.”ayuu ku soo qoray bartiisa Twitterka Netanyahu. Hase yeeshee wasiirka arrimaha dibadda Sudan Asmaa Mohamed ayaa sheegtay inay warbaahinta ay ka ogaatay wararka la sheegayo balse ma bixin faahfaahino dheeraad ah. Sidoo kale wasiirka warfaafinta Sudan iyo afhayeenka dowlada ayaa waxaa ay sidoo kale sheegeen in ayna warba u hayn heshiiska Uganda ayna golaha wasiirada ka sugayaan kala cadeyn marka uu soo laabtao Burhan. Sarkaal sare oo u hadlay Falastiin ayaa cambaareeyay kulanka waxana uu ku tilmaamay midi dhabarka loogaga dhiftay shacabka Falastiin. Heshiiskan ayaa waxa uu dhabar jab ku yahay wadamada carabta oo sanadkii 1967dii ka soo saaray wax loo yaqaan “Saddexda Mayada ah” oo kala in aan la aqoonsan Israa’iil, in aan nabad lala wadaagin iyo inaan wadahadal lala yeelan. Source
  18. (SLT-Tehran)-Amir Rahimpour oo dowladda Iiran ay ku soo eedaysay inuu u jaajuusayay hay’ada sirdoonka maraykanka ee CIA, islamarkaana isku dayay inuu u gudbiyo Maraykanka xog la xidhiidha barnaamijka Nukliyeerka Iiran ayaa Dil lagu fulinayaa sida ay baahisay Wakaalada wararka Iiraan ee Fars. Laba sarkaal oo kale oo u shaqaynayay hay’adda gargaar ayaa lagu xukumayay xabsi u dhexeeya 5 sanno ilaa 10 sanno iyagoo lagu eedeeyay jaajuusnimo iyo inay khatar ku yihiin amniga qaranka Iiraan. Amir Rahimpour wuxuu ka tirsanaa unug jaajuus oo u shaqeeya hay’adda CIA kuwaasoo doonayay inay gudbiyaan xogta barnaamijka Nukliyeerka Iiran” Sidaas waxaa yidhi Gholamhossein Esmaili oo ah afhayeenka wasaarada cadaalada Iiran. Bishii Julay ee Sanadkii hore, dowladda Iran waxay sheegtay inay burburisay Unug jaajuus oo u shaqaynaysa hay’adda Sirdoonka ee CIA, waxayna xidhxidhay 17 qof. Hay’adda CIA weli kama Ay hadlin dilka lagu fulinayo Sarkaalka lagu eedeeyay inuu u jaajuusayay hase yeeshee madaxweynaha Marayknka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigtay bartiisa Twitterka wuxuu been abuur ku sheegay in Iiran ay qabatay oo xukuntay Sarkaal CIA-da u shaqaynayay. Source
  19. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sadiq Xirsi Warfa ayaa ka qeybgalay shir weynaha mustaqbalka shaqada oo ka furmay magaalada Paris ee dalka Faransiiska. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa shirka ku soo bandhigaya dadaallada xukuumadda Soomaaliya ee xal u helida shaqo la’aanta ka jirtay dalka . “Wasaaradda aan hoggaamiyo wax ay dadal muuqda ku bixisay sannadkii tagay sidii loo heli lahaa fursado shaqo iyadoo aan ka duuleyno tirada ugu badan oo dadkeena ah dhallinyaro si ay u helan fursado shaqo oo ay kagag marmaan shaqo la’aanta soo wajahaday .” ayuu yiri Wasiir Sadiq. Shir weynaha ayaa intii u socday waxaa diiradda lagu saaray sidii ay wadda shaqayn dhawo u yeellan lahayeen shaqaalaha iyo maamulka ay hoostag si ay u yaraato ka war qab la’aanta xaaladda dadka ka shaqeeya xaruumaha dowladda. dhanka kale Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Sadiq Warfa ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha dalka Sweden, Stefan Lofven oo uu u gudbiyay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay wada-hadallada bulshada iyo xal u helida shaqada,iyadoo wadajir loo shaqeynayo. Wasiirka ayaa sidoo kale dowladda Sweden uga mahadceliyay taageerada ay siiso Soomaaliya. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  20. Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa ka warbixiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo diyaaradahooda dagaal ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska Africom ayaa lagu sheegay in howgal ay iska kaashanyeen ciidamada dowladda fedraalka ee sida gaarka ah u tababaran iyo diyaarado dagaal laga fuliyey gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Warka qoraalka ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in howgalka ciidamada huwanta ah oo ka dhacay deegaanka Beerxaani oo hoostaga magaalada Kismaayo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa dagaalyahannada Al-Shabaab ,kaas oo lagu duqeeyey saldhig uu ku sugnaa. Sidoo kale taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay inuu baarayo, haddii ay jiraan khasaare soo gaaray dadka rayidka ah. Ugu dambeyn wuxuu talisku tilmaamay inay sii wadi doonaan duqeymaha iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  21. Wararka naga soo gaaraya Boosaaso ayaa sheegaya in saaka howlgallo ay ka wadaan ciidamada ammaanka ee magaaladaasi. Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa ka socda xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Saraakiisha hoggaamineysa baaritaanadaasi ayaa Shabelle u sheegay in u jeedka uu yahay, sidii loo xaqiijin lahaa amniga degmadaas oo ka tirsan gobolka Bari. Sidoo kale waxa saraakiishu intaasi ku dareen in gacanta lagu soo dhigay tiro dad ah oo la tuhmayo, kuwaas oo ay hadda ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Shalay ayey aheyd markii askar ka tirsanaa ciidanka amniga Puntland lagu dilay toogasho ay fuliyeen kooxo hubeysan oo ka dhacday bartamaha magaaladaasi. View the full article
  22. Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in xalay ay la wareegeen gacan ku heynta degmooyinka Beledxaawo iyo Luuq ee gobolka Gedo. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaan oo wata gaadiidka dagaalka ay qabsadeen xarumaha maamulka ee degmooyinkaasi oo ay horay u joogeen ciidanka Jubbaland. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in saaka dhaq dhaqaaqyo cusub iyo howlgallo ballaaran ay ka wadaan halkaasi. Sida aan xogta ku helnay ciidamada la wareegay Beledxaawo iyo Luuq ayaa ah kuwii ay dhowaan dowladda Soomaaliya geysay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo shalay Beledxaawo uu gaaray wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo baxsad ka ah dowladda federaalka, kaas oo markii dambe u gudbay dhanka magaalada Mandera, gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. View the full article
  23. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-05022020.mp3 View the full article
  24. Kismaayo (Caasimada Online) – Taliska Africom ayaa faah faahin ka bixiyey duqeyn diyaaradaha Mareykanka shalay ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Warsaxaafadeedka Africom ayaa lagu sheegay in duqeyntu ay ka dhacday deegaanka Beerxaani oo ku yaalla galbeedka ka xiga magaalada Kismaayo. Sidoo kale Africom ayaa sheegtay in weerarkaan lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab oo ku xoogan halkaasi. Africom ayaa sidoo kale xaqiijisay in duqeyntaasi dhanka cirka ah lagu dilay sarkaal ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-Shababaab, kaas oo ku sugnaa deegaanka Beerxaani. Qoraalka ka soo baxay Africom ayaa ugu dambeyn lagu sheegay in howlgalkaani ay gacan ka geysteen ciidamada Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin khasaare soo gaaray rayidka ku dhaqan deegaanka la duqeeyey, sida ay hadalka u dhigtay. Dhinaca kale saraakiil ka tirsan ciidanka Danab oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa magaca sarkaalka la khaarijiyey ku sheegay, Maxamed Xuseen (Abuu Muxsin), kaas oo ay sheegeen inuu kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka diyaarinta qaraxyada. Dhowaan ayey aheyd markii duqeyn tan la mid ah uu Mareykanka ka fuliyey Jubbooyinka, taas oo lagu khaariyey xubin ka tirsaneyd Shabaab. Tan iyo markii la guda galay sanadkaan 2020-ka diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa sare u qaaday duqeymaha ay ka fuliyaan gobollada dhacan koonfurta Soomaaliya.
  25. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, ayaa xalay xarunta madaxtooyada Villa Somalia CASHA SHARAF ugu sameeyay, xubno ka tirsan Hoggaanka Dhaqanka Puntland iyo Dowlad Degaanka Soomaalida oo maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha, waxa kulanka uu Isimada la qaatay ku weheliyay wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa, Xildhibaanno, Saraakiil Ciidan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir. Isimada Puntland iyo Dowlad Degaanka Soomaalida ee uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha, ayaa maalmahan Muqdisho u joogay Hawla la xiriira dhammaystirka Heshiisiinta laba beelood oo horay ugu dagaallamay degaanka Dhummay ee koonfurta Gobolka Sool. Balse, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaan faahfaahin ka bixin Arrimaha looga wada-hadlay kulanka dhexmaray Mudane Khayre iyo Isimada Dhaqanka ee Puntland iyo Dowlad Degaanka Soomaalida, marka laga reebo qoraal kooban oo lagu sheegay in Ra’iisul Wasaarugu CASHA SHARAF u sameeyay Isimadaasi. “ Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre oo caawa casho sharaf u sameeyay Isimmada dowlad gobaleedka Puntiland iyo dowlad deegaanka Soomaalida ee maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho, ayaa bogaadiyay dowrka dhqanka ee horumarka bulshada” ayaa lagu yiri Qoraalka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo qaabilay xubno ka tirsan Isimada Dhaqanka Puntland appeared first on Puntland Post.