Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Guddoomiyaha degmada Doolow ee gobolka Gedo, Iidle Xasan Cabdullaahi oo la hadlayey warbaahinta baaq u diray ciidanmada dowladda ee dhowaan la geeyey degmadaasi.

    Iidle oo ciidamada ku booqday xeyahooda ayaa ka dalbaday inay shacabka u naxariistaan, islamarkaana ay tusaan waxa ay tahay dowladnimada.

    Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Doolow inay wada shaqeyn dhow la yeeshaan ciidamada ammaanka ee magaaladaasi.

    Halkaan hoose ka dhageyso codka.

    https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Wiilo-1.mp3

    View the full article


  2. Dowladda dalka Greek ayaa ku dhawaaqday in ay bilaabeyso qorshe ay albaabada isugu dhufaneyso xeryo ku yaalla jasiiradaha Aegean ee dalkaasi oo ay dagan yihiin muhaajiriin u badan Afrikaan oo ay Soomaali ku jiraan.

    Qorshaha ay ku dhawaaqday dowlada Greek ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah oo xukuumaddu sheegtay in todobaad weliba ay gudaha Turkiga dib ugu soo celin doonaan 200 oo muhaajiriin ah,kuwaas sharci ka raadinaya gudaha dalka Greek.

    Wasiirka socdaalka iyo arrimaha qaxootiga wadankaasim, Notis Mitarachi ayaa sheegay in saddexdii bilood ee la soo dhaafay xeryaha ku yaalla jasiiradaha Aegean ee dalkaasi ay soo gaareen 20 kun oo muhaajiriin Afrikaan ah, kuwaas oo dhamaantood magangalyo doon ah.

    Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in qorshaha dib u celinta muhaajiriinta ay dhawaan ka bilaabi doonaan jasiiradaha Lesbos, Chios, Samos, Kos iyo  Leros ee dalkaasi Greek.

    Greek ayaa dhawaanahan noqday marin ay isticmaalaan muhaajiriinta Afrikaanka ah, kuwaas oo inta badan ka baxa dhinaca dalka Turkiga.

    View the full article


  3. Wakaaladda Wararka REUTERS, ayaa ku soo warrantay in tirada dadka u dhintay caabuqa  Coronavirus ee dalka Shiinaha, ay kor u dhaaftay 1000 qof.

    REUTERS, ayaa sheegaysa in Shirkadaha dalka Shiinaha qaarkood, aysan weli shaqada kusoo laaban, kadib markii ay fasax dheeri siiyeen shaqaalahooda sababa la xiriira Coronavirus, halka kuwa kalena ay dowladda weydiisteen balaayiin dollar oo deyn ah, si ay u sii shaqeeyaan.

    Shirkadaha qaarkood ayaa sidoo kale shaqada ka eryey dad badan, inkasta oo ay jirto in madaxweyne Xi Jinping uu shacabka u ballan-qaaday in aysan jiri doonin shaqo ka eryid badan.

    Dhinaca kale, la-taliyaha sare ee dowladda ee cudurkan, ayaa sheegay inuu rajeynayo in faafitaanka cudurkan uu dhammaado bishan February.

    Waxa uu sheegay in tirada kiisaska cusub ee cudurkan ay hoos u dhacday gobollada qaar.

    Guddiga Caafimaadka Qaranka ayaa dhinaca kale sheegay Talaadadii in 108 qof oo cusub ay u geeriyoodeen cudurka, taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 1016 qof.

    PUNTLAND POST

    The post Coronavirus oo in ka badan 1000 qof ku dilay dalka Shiinaha appeared first on Puntland Post.


  4. Sii hayaha xilka safaaradda Soomaaliya ee wadanka Burundi, Mudane Cabdi Maxamed Yuusuf (Liiq Liiqato) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo la xiriira dhul uu sheegay inay leeyihiin, islamarkaana ay ku heystaan saraakiil ka tirsan waaxda ilaalada deegaanka Ggobolka Banaadir.

    Liiq liiqato ayaa tilmaamay in dhulkaan oo ku yaallo degmada Cabdicasiis uu lahaa Aabahood Ganaraal Maxamed Yuusuf Axmed (Liiq liiqato) oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii milatariga ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre.

    Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta.

    https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Liiq-Liiqato.mp3

     

    View the full article


  5. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in ammaanka dalka uu meel xun marayo, isagoo xusay in dalka amnigiisa lagu soo duulay.

    Taliye Xijaar oo ka hadlayay kulan looga hadlayay isku xirka howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo maanta ka furmay Muqdisho ayaa ugu baaqay Hey’adda Socdaalka in ay koontaroosho dadka soo galaya.

    Amniga dalka meel xun buu marayaa, amniga waa lagu soo duulay, kaamirooyinkii lagu xiro waddooyinka in la qarxiyo ayaa la gaaray” ayuu warbaahinta u sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska.

    Dalka horumarkiisa ayaa la diidan yahay, Injineerada waddooyinka dhisaya ayaa la qarxiyaaa, waxaa la diidan yahay ummadda inay xasisho”ayuu hadalkiisa raaciyay Taliye Xijaar.

    Waxa uu sheegay in ay jiraan dad aan rabin in dalkaan horay u socdo isla markaana ka shaqaynaya in ay wax bur buriyaan sida uu hadalka u dhigay.

    Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay muhiim tahay wada shaqeynta Hey’adda Socdaalka iyo Booliska, isla markaana ka wada qeyb qaataan ilaalinta amniga iyo koontaroolka dadka dalka soo galaya.

    Halkaan hoose ka daawo hadalkiisa

    https://youtu.be/bbbSrO5G70M

    PUNTLAND POST

    The post Gen Xajaar: Amniga dalka meel xun buu marayaa appeared first on Puntland Post.


  6. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in ammaanka dalka uu meel xun marayo, isagoo xusay in dalka amnigiisa lagu soo duulay.

    Taliye Xijaar oo ka hadlayay kulan looga hadlayay isku xirka howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo maanta ka furmay Muqdisho ayaa ugu baaqay Hey’adda Socdaalka in ay koontaroosho dadka soo galaya.

    Amniga dalka meel xun buu marayaa, amniga waa lagu soo duulay, kaamirooyinkii lagu xiro waddooyinka in la qarxiyo ayaa la gaaray” ayuu warbaahinta u sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska.

    Dalka horumarkiisa ayaa la diidan yahay, Injineerada waddooyinka dhisaya ayaa la qarxiyaaa, waxaa la diidan yahay ummadda inay xasisho”ayuu hadalkiisa raaciyay Taliye Xijaar.

    Waxa uu sheegay in ay jiraan dad aan rabin in dalkaan horay u socdo isla markaana ka shaqaynaya in ay wax bur buriyaan sida uu hadalka u dhigay.

    Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay muhiim tahay wada shaqeynta Hey’adda Socdaalka iyo Booliska, isla markaana ka wada qeyb qaataan ilaalinta amniga iyo koontaroolka dadka dalka soo galaya.

    Halkaan ka daawo hadalkiisa

    PUNTLAND POST

    The post Taliye Xajaar: Amniga dalku meel xun buu marayaa appeared first on Puntland Post.


  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed(Xijaar) ayaa maanta si adag kaga hadlay xaaladda amaan ee dalka.

    Xijaar oo warbaahinta kula hadlayey Muqdisho ayaa sheegay in amniga dalka uu marayo meel xun, islamarkaana la diidan yahay in la ilaaliyo amniga dadka.

    Taliyaha ayaa carabka ku dhuftay in la qarxiyey Kaamirooyinkii lagu xiray jidadka muhiim ah ee lagula socon lahaa dhaq dhaqaaqa, sidoo kalena la dilayo Injineerada dhisaya ka jidka isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

    Sidoo kale taliyaha Booliska ayaa intaasi ku daraya in lagu soo duulay amniga dalka, islamarkaana laga soo galo xuduudaha iyo hawada, sida uu hadalka u dhigay.

    “Dalkeena amnigiisa waa lagu soo duulay , xuduuda halaga soo galo ama Dayuurad ha lagu yimaado, dalkeena Amnigiisa meel xun buu marayaa, waxaa la diidan yahay dadka amnigiisa in la ilaaliyo Kaamirooyinkii wadooyinka lagu xiray in la qarxiyo baa la gaaray, wadaa la dhisayaa Injineeradii dhisayay baa la dilayaa oo la qarxinayaa, waxaa la diidan yahay Umadatan Soomaaliyeed iney xasisho oo luga heeda ku istaagto”. ayuu yiri Xijaar.

    Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in amniga uu qof walba mas’uul yahay, islamarkaana ay muhiim tahay in lala shaqeeyo Booliska Soomaaliyeed.

    Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay falal liddi ku ah nabad galyada ay ka dhacayeen magaalada Muqdisho, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan.


  8. (SLT-Beijing)-Tirada dadka ku dhintay cudurka Coronavirus ee dalka Shiinaha ayaa dhaaftay 1000 qof, waxaana sare usii kordhaya walaaca laga qabo heerka uu la eg yahay dhaawaca uu gaadhsiiyey dhaqaalaha dalka.

    FED1956B-44EA-4D01-8D6D-8765BC3FD9C2_w10

    Shirkadaha dalka Shiinaha qaarkood ayaan weli shaqada kusoo laaban kadib markii fasax dheeri ah ay siiyeen shaqaalahooda dabaa-deggii sannadka cusub kadib, halka kuwa kalena ay dowladda weydiisteen ballaayiin dollar oo deyn ah, si ay usii shaqaayaan.

    Shirkadaha qaarkood ayaa sidoo kale shaqada ka eryey dad badan, inkasta oo ay jirto in madaxweyne Xi Jinping uu shacabka u ballan-qaaday in ayna jiri doonin shaqo ka eryid badan.

    Dhinaca kale, la-taliyaha sare ee dowladda ee cudurkan, ayaa sheegay inuu rajeynayo in faafitaanka cudurkan uu dhammaado bishan February.

    “Xilliga uu joogsan lahaa fiditaanka cudurka waxaan filayaa inay noqoto bartamaha ama dhammaadka bishan,” ayuu yidhi Zhong.

    Waxa uu sheegay in tirada kiisaska cusub ee cudurkan ay hoos u dhacday gobollada qaar.

    Guddiga Caafimaadka Qaranka ayaa dhinaca kale sheegay salaasadii in 108 qof oo cusub ay u geeriyoodeen cudurka, taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 1016 qof.

    REUTERS

    Source


  9. Qiimeyn sanadle ah oo ay todobaadkan soo saartay Global Fire Power oo ah madal lagu qiimeeyo awoodda ciidamada dalalka ee tiro, saanad iyo saadba ayaa ciidanka xogga dalka Soomaaliyeed gelisay kaalin hoose oo aan u qalmin, taariikh,  magac iyo maamuus ahaanba.

    Qiimeyntan oo lagu sameeyey ilaa 138 dal oo caalamka ah, Soomaaliya waxaa ay gashay kaalinta 136-aad, waxaa ka hooseeya uun dalalka Liberia iyo boqortooyada yar ee Bhutan, labadan dal ee Soomaaliya ka hooseeya midka hore waxaa ku nool 4 Milyan, ciidankooda waa 2,000 oo qof halka Bhutan ay ka yartahay hal milyan qof, ciidamadooduna lagu qiyaasay dhowr kun.

    Qiimeyntan waxaa kaalimaha 10-ka ugu horeeya ay noqdeen sidan: (1). Mareykanka (2). Ruushka. (3). Shiinaha. (4). Hindiya (5). Japan. (6). Koonfurta Kuuriya. (7).  Faransiiska. (8). Ingiriiska. (9). Masar. (10). Brazil.

    Dalalka Afrika, bariga dhexe iyo carabta waxaa hoggaanka u haya dalka Masar, Dalalka kale waxaan ka xusi karnaa: Turkiga(11), Iran(14), Pakistan(15), Israel(18), waqooyiga Kuuriya(25), Ciraaq(50), Suuriya(55), Itoobiya(60), Suudaan(76), Kenya(84), Uganda(86), Qatar(90), Koonfurta Suudaan(117).

    Xaaladda Ciidanka Xoogga Dalka:

    Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isniintii ka hadlayey shir madaxeedka midowga Afrika ayaa sheegay in cunaqabateynta hubka ee dalka saaran ay keentay dhibaato xoog leh isaga oo sheegay in argigixisada kula dagaalaan hal gacan oo xiran. Farmaajo waxaa uu xusay in loo baahan yahay in qorshaha lagu dhimmayo AMISOM ay barbar socoto qorshe kale oo lagu dhisayo ciidanka xoogga dalka, oo la qalabeeyo.

    Maxaa Loo dhisi Waayey Ciidanka Qaran?

    Madaxweyne Farmaajo waxaa uu qeyb ka yahay guuldarrida  ah in aan weli la dhisin ciidamo qaran oo talo leh, marka la eego fulin la’aanta heshiiskii  “Sucurity Pact” ee lagu saxiixay London isaga oo 3 bil joogay iyada oo  lagu heshiiyay dhismaha ciidamada qalabka sida, bixitaanka AMISOM, maalgelinta ciidamada iyo kaalinta Soomaalida iyo beesha caalamka ee hirgelintiisa.

    Heshiiskan waxaa uu khuseeyey  4 meel: Tirada ciidamada, qeybinta ciidamada ee dowladda iyo maamul goboleedyada, taliska ciidamada iyo mas’uuliyadda dowladda iyo maamul goboleedyada.

    Beesha caalamka waxaa ay soo dhaweysay heshiiska siyaasadeed iyo heshiiska Qaabaynta Amniga Qaranka”, waxaana lagu taliyey in laga sii wada hadlo meelaha weli aan laga hadlin ee siyaasadda, waxaa ku jira maalgelinta ciidanka iyo sida ay tahay in lacagta ciidanka u qeysadaan Soomaalida iyo beesha caalamka.

    Taageerada Beesha Caalamka:  In Beesha caalamka ay taageero dhaqaale iyo mid qalab ah siiso Soomaaliya 4ta sano ee soo socota. In lala yimaado qorshe ciidanka lagu maalgeliyo(CAS) qorshahaas oo lagu yeero 4As oo kala ah( Affordable, acceptable, accountable and able) iyo in AMISOM lagu saleeyo baahida ay dadka Soomaalida ah qabaan.

    3 sano kadib arrimahaas waxbo lagama qaban, mana muuqato in 2020-ka la fulin karo taasi oo ku tusineysa in Soomaalida oo ay ugu horeyso dowladda federaalka ay mas’uulka ka tahay kaalinta iyo sharaf dhaca ciidamada xoogga dalka uu ka galay qiimeynta Global Fire Power.

    W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye,

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  10. FB_IMG_1581424692843.jpg?w=1000&ssl=1

    Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Eng. Cabdirashiid Maxamad Axmed oo booqasho 2 casho ah ku joogay caasimadda Dalka Suudaan ee Khartuum ayaa booqday xarumaha kala duwan ee lagu soo bandhigo wax soo saarka Dahabka ee Dalka Suudaan, waxaana uu Wasiirku kulamo la qaatay Madaxda Shirkadaha Macaadanta ee Dalkaasi Suudaan.

    Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federalka Soomaaliya Eng. Cabdirashiid Maxamad Axmed ayaa madaxda Shirkadaha Macaadinta Dalkaasi Suudaan uga warbixiyay sida Soomaaliya ay diyaar ugu tahay in ay ka faa’iideysato qeyraadka dalka gaar ahaan Bartoolka iyo Macaadinta.

    Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federalka Soomaaliya Eng.Cabdirashiid Maxamad Axmed ayaa heshiis is kaashi la saxiixday Wasiirka dhigiisa ee Dalkaasi Suudaan Caadil Cali Ibraahim waxaana heshiiska goob joog ka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalkaasi Suudaan, iyo Qunsulka Safaradda Soomaaliya Cismaan Axmed Maxamad, Madaxa Ganacsiga Dalka Suudaan Yuusuf Jeego.

    PUNTLAND POST

    The post Wasiirada Batroolka Soomaaliya iyo Suudaan oo heshiis kala saxiixday appeared first on Puntland Post.


  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Macalinkii kooxda xulka qaranka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo, Ghanaian Bashir Hayford ayaa shaqada isaga tegay, 11 bilood kadib.

    Ninkaan oo u dhashay dalka Ghana ayaa sababta ku sheegay arrimo la xiriira amniga Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo uu muddadaasi ka howlgalayey.

    Hayford oo la hadlay shabakadda wararka Pulse.com.g, isagoo ku sugan dalkiisa ayaa wacad ku maray inuusan dib ugu laaban doonin gudaha Soomaaliya, islamarkaana uu shaqadiisa uga tegay amni darro awgeed, sida uu hadalka u dhigay.

    Macalin Ghanaian Bashir Hayford ayaa muddadii uu gacanta ku hayey xulka qaranka dalkeena ka shaqeeyey dib u hagaajinta ciyaartoyda, wuxuuna markii uu qabtay kooxda sanadkii hore 2019-kii uu gaarsiiyey heer wanaagsan.

    Sidoo kale Hayford guulaha muhiimka ah ee uu la gaaray xiddiga Badweynta (Ocean Stars) ayaa waxaa ka mid ah, kadib markii ay garaaceen xulka qaranka Zimbabwe lugtii hore ee is reeb-reebka koobka Adduunka ee 2022-ka lagu qabanayo dalka Qatar.

    Hoggaanka xulka qaranka Soomaaliyeed ayaa haatan ka baaraan degaya macalinka bedalaya booska uu baneeyay, macalin Ghanaian Bashir Hayford, kadib 11 bilood.


  12. Madaxa Machadka SIPAM oo ka hadla arrimaha Dowliga horeyna u soo noqday Wasiirkii Batroolka Soomaaliya Maxamed Mukhtaar oo wareysi gaara siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in dastuurkii ku meel gaarka ahaa ee la qaatay sanadkii 2012-kii uu dhigayay in arrimaha Shidaalka iyo keyraadka sida loo maamulayo laga wada hadlayo, waxa uuna xusay in uu is khilaafsanaa dastuurka iyo sharciga shidaalka.

    “Sidaad la socoto 2012-kii dastuurkii Soomaaliya ee ku meel gaarka ahaa ayaa la qaatay kaa waxaa ku jray qodobka 44-aad oo dhahaya arrimha shidaalka ama kheyraadka sida loo maamulayo waa laga wada hadlayaa maadaama la gaaray heer ah in federal la fuliyo, marka waxaa is khilaafsanaa dastuurkii iyo sharcigii shidaalka, taa ayaa keentay in wada hadallo la galo oo waqti dheer qaatay” ayuu yiri wasiirkii hore ee Batroolka.

    Mar wasiirka aan weydiinay su’aal ahayd sharciga uu saxiixay madaxweynaha waxa ka qaldan ayaa waxa uu sheegay in howlkaste oo la qabto ay leedahay gaabis oo uu ula jeeday in laga gaabiyay sharciga batroolka ee la saxiixay.

    Wasiir Maxamed Mukhtaar oo arrintaas ka jawaabaya ayaa yiri “Sharci kasta oo bani’aadam sameeyo waa laga yaabaa in uu gaabis ka jiro, laakiin laba arrin ayaa muhiim nagu ah Beydhabo waxaa lagu soo heshiiyay dhawr arrin ay ku jirto arrimaha kheyraadka marka arrimaha nuucaana oo kale ay jiraan waxaa loo baahanyahay in xal siyaasadeed laga gaaro, waxa qaldan kaliya ma ahan sharciga ee waxa la isku hayo waa siyaasad”

    Dhinaca kale wasiirka ayaan wax ka weydiinay dooda ka taagan sharciga batroolka oo ay ugu horeeyaan maamul goboleedyada qaar ee dalka waxa uuna sheegay in xilligan aaan la isku haysan sharci batrool balse la isku hayo siyaasad u dhaxeysa dowladda dhexe iyo kuwa xubnaha ka ah.

    “Marka aad dhageysato doodda arrimaha la isku hayo ma ahan shidaal ee waxa la isku hayo ayaa waxa ay tahay federaalka nuuca uu noqon lahaa ma dowladda dhexe ayaa awooddii yeelanayso oo gacanta ku haynaysa mise dowlad goboleedyada, marka waxaa loo baahanyahay in arrintaasi wada hadal laga galo Soomaalina ay ku heshiiso nuuca federal ee aan rabno” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirkii hore ee batroolka Soomaaliya Maxamed Mukhtaar.

    Sharciga uu 8-dii bishan saxiixay madaxweynaha ee batroolka ayaa waxaa ka taagan dood badan iyada oo dowlad goboleedyada qaar ee dalka ay arrinkaasi ka horyimaadeen.

    Goobjoog News

     

    Source: goobjoog.com


  13. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha Booliska degmada Matabaan, Dhame Cabdifitaax Maxamed Jaamac oo loo yaqaano (Fooneeye) ayaa ka warbixiyey howlgallo ciidamada ammaanku ay ka sameeyeen degmadaasi oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

    Taliyaha ayaa sheegaya in gacanta laga soo dhigay labo nin oo baxsad ahaa, kuwaas oo xalay labo qof ku soo dilay deegaanka Habar-Cirir ee gobolka Galgaduud.

    Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay haatan ku raad joogaan labo kale oo la sheegay inay ku lug lahaayeen dilalkaasi.

    Dhame Cabdifitaax Maxamed Jaamac (Fooneeye) ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in raggaasi la horgeeni doono cadaaladda, islamarkaana laga qaado doono tallaabo adag.

    Inta badan dilalka ka dhaca xadka gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa salka ku haya arrimo la xariira aanooyon Qabiil oo ka taagan halkaasi.

    Dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo shalay heeshiis nabadeed la dhex dhigay labo beelood oo muddo ku dagaalamayey degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.


  14. Taliyaha ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM, General Yilma Tigabu ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

    General Yilma Tigabu ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan howgalka AMISOM, kuwaas oo ka howgala gobolkaasi.

    Sidoo kale taliyaha ayaa la sheegay in muddo laba maalmood ah uu joogi doono magaalada Baydhabo isaga oo la kulmi doono ciidanka AMISOM ee jooga halkaasi.

    Sidoo kale taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM General Yilma Tigabu ayaa booqan doono xeryaha ciidamada AMISOM ee ku yaalla gobolka Baay, isagoo si gaar ah u  kormeeri doono howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyada ka soconaya guud ahaan gobolkaasi.

    AMISOM ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada gobollada dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyada oo kaashaneysa ciidanka Xoogga dalka.

    View the full article


  15. Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa Magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan waxa ay ku kala saxiixdeen heshiis ku saabsan iskaashiga labada dowladood.

    Wasiirka Batroolka iyo macdanta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng Cabdirashiid Maxamed Axmed oo ku sugan magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ayaa dhigiisa dalkaasi caadil Cali Ibraahim waxa uu la saxiixday heshiis iskaashi iyaga oo isku raacay in labada dhinac ay xoogga saaraan sidii loo xoojin lahaa iskaahiga labada dowladood.

    Sidoo kale wasiirka Batroolka Soomaaliya ayaa inta uu ku sugnaa dalkaasi waxa uu booqday xarumha  kala duwan ee lagu soo bandhigo wax soo saarka macdanta dahabka isaga oo dhinaca kale kulamo la qaatay shirkadaha soo saara macdanta dalka Suudaan.

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa 8-dii bishan waxa uu saxiixay sharciga batroolka dalka oo muddo 33-maalmood ah horyaalay xafiiskiisa.

    Booqashada wasiirka Batroolka Soomaaliya ee dalka Suudaan gaar ahaan goobaha lagu soo bandhigo macdanta ayaa ku soo aadaysa xilli Shirkado caalami ah ay horay sahmin uga sameeyeen macdanta ku jirta gudaha Soomaaliya.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  16. Boosaaso (Caasimada Online) – Aabe Ilyaas Aadan oo dhalay, marxuumad Caa’isho ayaa ka hadlay xukunkii dilka toogashada ahaa ee lagu fuliyey labo ka mid ah ragii loo xukumay kiiskaasi, kuwaas oo saaka lagu dilay fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso.

    Aabe Ilyaas ayaa soo dhoweeyay toogashada lagu fuliyey, Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame & Cabdishakuur Maxamed Dige, isagoo sheegay inuu faraxsan yahay.

    Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xukunka la fuliyey uu daawo u noqon doono gabar kasta oo Soomaliyeed, gaar ahaan inaan dumarka lagula kicin kufsi iyo dil.

    “Maanta waxaan qisaasanay nimankii dilka iyo kufsiga u gaystay gabadhaydii Caaisho, waana dul-tegay meydkooda oo waan hubiyay inay dhinteen labada ruux ee la toogtay, waana ku faraxsanahay in xukunkii la fuliyey” ayuu yiri Aabe Ilyaas Aadan.

    Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday sababta Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame oo ah xukunsanaha saddexaad looga reebay toogashada.

    Ilyaas Aadan ayaa carabka ku dhuftay inay isku afgrteen isaga iyo qoyskiisa in dib loo dhigo muddo 10 cisho ah, si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

    Wararka qaar ayaa sheegaya inaan weli Cabdisalaan lagu helin caddeymo rasmi ah oo muujinayo inuu qeyb ka ahaa falkaasi, inkastoo lagu xukumay dil toogasho ah.

    Kiiska Caaisho Yar ayaa muddo dheer soo jiitamayey wuxuuna soo maray marxalado kala duwan iyo maxkamado dhowr ah oo ku yaalla deegaanada maamulka Puntland.


  17. Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa magaalada Addis Ababab kulan gaar ah kula qaatay madaxweynaha Golaha Midowga Yurub, Mudane Charles MICHEL.

    Kulankaan ayaa waxaa intiisa badan looga hadlay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dib u habeynta hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha, xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika iyo taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya.

    Sidoo kale madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Golaha Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo muhiim u ah dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

    Charles MICHEL ayaa dhankiisa dowladda Soomaaliya ku ammaanay horumarka ay ka sameysay horumarinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta hay’addaha dowliga ah.

    Madaxweynaha Soomaaliya oo Addis Ababa uga qeyb galay meertada 33-aad ee shirka Midowga Afrika ayaa kulan duceedyo magaaladaasi kula yeeshay mas’uuliyiin kala duwan oo shirkaasi ka qeyb galay, sida ra’iisul Wasaarayaasha Canada iyo Norway.

    2-22.jpg 3-10.jpgkkk.jpg


  18. Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo kula yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL ayaa iska wareystay horumarka ay Dowladda Soomaaliya ka sameysay dib u habeynta hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha, xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika iyo taageerada Midowga Yurub ee dowlad-dhisidda Soomaaliya.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya taas oo muhiim u ah dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

    Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL ayaa dowladda Soomaaliya ku ammaanay horumarka ay ka sameysay horumarinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta hay’addaha dowliga ah

    View the full article


  19. Waxaa sii kordhaya baaqyada nabadeed ee loo dirayo ciidamada dowladda ee dhowaan la geeyey gobolka Gedo iyo ciidanka Jubbaland ay ku sugan gobolkaasi.

    Nabadoon Idiris Xasan Nuur oo ka mid ah waxgaradka Beledxaawo ayaa ugu baaqay madaxda dowladda dhexe iyo kuwa  Jubbaland in la qaboojiyo xiisada labada dhinac.

    Sidoo kale wuxuu dalbaday in laga wada shaqeeyo xasilinooda deegaanka iyo badbaadada dadka shacabka ah.

    Halkaan hoose ka dhageyso codka

    https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Turki-1.mp3

    View the full article