-
Content Count
213,126 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sidee bay shahwadu u dhaqaaqdaa? Sidee bay u socdaan? Maxay shahwadu ka samaysan tahay? Muxuu ka leeyahay koodh jabiyaha dagaalkii labaad ee aduunka? BBC-du waxay kala furfurtay sababta aan wax yar uga ogaanay unuggaan dahsoon. Garaac walba oo wadnaha ah, ninku waxuu soo saari kara qiyaastii 1,000 xabbo oo mani ah inta lagu guda jiro galmada, in ka badan 50 milyan oo ka mid ah manidaas geesiyaasha ah ayaa u kicitima si ay u bacrimiyaan ugxan. Keliya tiro yar ayaa gaadha meesha loogu talagalay, ka hor inta aysan hal mani ka ah oo ku guleysata tartanka aysan dhex galin ugxanta. Laakiin wax badan oo ku saabsan safarkan dheer – iyo manida laftaheeda ee yaryar weli waa sir aan cilmiga sayniska si fiican loogu fahmin. “Sidee bay manidu u socotaa? Sidee bay ku heshaa ugxanta? Sidee bay u bacramisaa?” ayey is weydiinaysaa Sarah Martins da Silva, oo ah bare sare oo ku takhasustay cudurka macaanka, hormoonnada, iyo cilmi-nafsiga taranka oo ka howgasga jaamacadda Dundee ee UK. In ka badan 350 sano kadib markii la helay manida, su’aalo badan oo la xidhiidha arrimahan ayaa weli si la yaab leh u ah kuwo aan weli la isku raacsanayn. Iyagoo adeegsanaya farsamooyin cusub, saynisyahannadu waxay hadda si dhow ula soconayaan socdaalka manida; laga soo bilaabo markay ku samaysmaan xiniinyaha ragga ilaa marka ay ugxanta bacraniyaan gudaha jirka dumarka. Natiijooyinkuna waxay horseedayaan helitaanka waxyaabo cusub oo la yaab leh, laga bilaabo sida dhabta ah ee manidu u dhaqaaqdo ilaa isbeddellada waaweyn ee ku dhaca markay gaaraan jirka haweeneyda. Ma jiro unug kale oo jidhka ka mid ah oo u beddela qaab-dhismeedkiisa iyo samaysankiisa – sidaas jaadgooniga ah –adam Watkins “Manidu – ama spermatozoa – aad bay uga duwan yihiin dhammaan unugyada kale ee jirka bini’aadamka,” ayey leedahay Martins da Silva. “Ma laha hab tamar qaadasho oo la mid ah unugyada kale. Ma laha hab-dhismeedka tamar-dhallinta iyo habraacyada unugyada kale ee aan ka filan karno dhammaan unugyada kale ee jirka.” Sababo la xidhiidha shaqooyinka badan oo kala duwan oo laga rabo manida, waxay u baahan yihiin tamar ka badan tan unugyada kale. Intaas waxaa dheer, manidu waa inay noqdaan kuwo dabacsan, si ay uga falceliyaan deegaannada kala duwan iyo baahiyaha tamareed ee isbeddelaya inta lagu jiro biyo-baxa iyo safarka ay ku marayaan marin-haweeneedka ilaa ay ka bacramiyaan ugxanta. Martins da Silva waxay sidoo kale sheegtay in manidu ay tahay unugyada kaliya ee aadmiga leeyahay ee awooda inuu ka badbaado dibadda jirka. “Taasi darteed, aad bay u takhasus gaar ah u leeyihiin.” Si kastaba ha ahaatee, iyadoo ay aad u yar yihiin, unugyadan yaryar aad bay u adag tahay in la barto, ayey tidhi. “Wax badan ayaan ka ognahay taranka – laakiin weli waxaa jira waxyaabo aad u fara badan oo aanan fahamsanayn.” Su’aal aasaasi ah oo aan weli jawaab rasmi ah loo helin in ka badan 350 sano oo cilmi-baadhis ah kadib ayaa ah: Waa maxay manidu dhab ahaantii? “Manidu si cajiib ah ayaa loo xirxiray oo loo habeeyey,” ayuu yidhi Adam Watkins, borofisar ku xigeen ku takhasusay hab-dhiska taranka iyo korriimada jirka, jaamacadda Nottingham ee UK. “Caadiyan waxaan u aragnay manida in ay tahay bac hiddo-side oo daboleh. Laakiin hadda waxaan fahmaynaa in ay tahay unug aad u adag – waxaa ku jira xog badan oo hidde-sideed ah oo kale.” Cilmiga manidu wuxuu bilaabmay sanadkii 1677, markaasoo saynisyahan Dutch ah oo lagu magacaabo Antoni van Leeuwenhoek uu eegay mid ka mid ah 500 mikroskoob oo uu gacantiisa ku sameeyey, wuxuuna arkay waxa uu ugu yeeray “xayawaanka shahwada ku jira”. Markii la gaaray 1685, wuxuu rumaystay in unug kasta oo manida ah uu xambaarsan yahay qof yar oo dhamaystiran, xitaa leh “nafsad nool oo u gaar ah.” Manidu weli ma noqon qaangaadh marka ay ka soo baxdo xiniinyaha – horumarkeedu weli wuu socdaa.” Isdhexgal adag oo muhiim ah ayaa dhex mara manida iyo marinnada taranka ee haweeneyda, ayuu yidhi. Xigashada Sawirka,Alamy Qoraalka sawirka,Saynisyahan Dutch ahaa oo noolaa qarnigii 17aad, laguna magacaabo Antoni van Leeuwenhoek, wuxuu aaminsanaa in ”bani’aadam yar oo dhameystiran” uu ku jiro gudaha unugga manida (spermatozoa “Hadda waqti badan ayaanu gelinaynaa barashada waxa aan ugu yeerno isbeddellada manida ku dhaca ka dib marka la biyobaxo, guud ahaan boqortooyada xayawaanka.” Inkasta oo saynisyahannadu ay si tartiib tartiib ah u furfuraan hababka faraha badan ee manidu u marto si ay u bacrimiso ugxanta, haddana cilmi-baaris kale ayaa muujinaysa walaac dhab ah oo la xidhiidha xaaladda manida bini’aadamka maanta. Raggu waxay inta ay nool yihiin soo saaraan ku dhowaad hal trillion (1,000,000,000,000) oo mani ah, sidaas darteed way adkaan kartaa in la qiyaaso in manidu ay dhibaato ku jirto. Laakiin cilmi-baaristu waxay muujinaysaa in tirada manida (tirada laga helo muunad shahwo ah) ay hoos u dhacayso guud ahaan dunida isla markaana hoos u dhacaasi uu si xawli ah u socdo. Sida lagu sheegay warbixin 2023 ah oo ay daabacday Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), ku dhawaad lixdii qof ee qaan-gaarka ah ee adduunka oo dhan mid ka mid ah ayaa la kulma dhalmo la’aan – dhalmo la’aanta ragga ayaana ah qiyaastii kala badh dhammaan kiisaska. (Waxaa sidoo kale xusid mudan in dad badan oo adduunka ah aysan dhalin caruur badan inta ay rabaan sababo kale sidoo kale, sida qiimaha mamnuuca ah ee waalidnimada, sida warbixintii Sanduuqa Dadweynaha ee Qaramada Midoobay ay dhawaan iftiimisay). Wasakhowga hawada, sigaarka, khamriga, cunto xumo, jimicsi la’aanta iyo walbahaarka ayaa dhamaantood loo maleynayaa inay saameeyaan dhalmo la’aanta ragga. Hase yeeshee badi ragga qaba dhibaatooyinka bacriminta, sababta ayaa ah mid aan la sharraxin. Bbcsomali Qaran News
-
WADAADDADA WAX KA SHEEGGOODU MA BANAANA EE HALLA DHAWRO. Waqtiyadan danbe dadkii sifaha nebimaxamad iyo asxaabta sitay waxbaa soo dhexgalay xoog ayaa loo dhaleecaynayaa waana arrin diinta ka baxsan wadaadada in la aflagaadeeyaa. Shiikh markay wax aad diiddaa kaaga yimaaddaan ka gaabso ilaahay u daa ciyaayir maaha ceebaynta wadaaddadu Waayo waxay sitaan Camalkii nebiga SCWS. Maalin kasta dad aynu jecelnay oo ay ka mid yihiin aabboyaal, hooyooyin iyo ubad aynu dhalay ayaynu aasnaan oo dhinaceena jiifa dhulka hoostiisa xabaalaha miyaanaydaan arkayn waxa innaga danbeeyaa waa godkaas madow ee dhibta ah maxaynu u ixtiraamiweynay ee aynu u cabsanweynay?. Waxaynu tacab gelinay dimuqraadiyad cid aan ilaahay ahayn wax lagaga doonayo, tii wax lagu helayay oo ah diinta nebi mohamedna waynu ka baydhnay oo waynakaas muraayadda isu soo fadhina. Dadyahow adduunyadu waa waaddo dhamaad leh MAWDKAA soo af jara ee xabaalaha iyo dadka ku jira waxa adduunka ka raacay oo aan ahayn CAMAL SAALAXA bal isweydiiya, aakhiro kulmiye, waddani, kaah iwm waa sanammo ilaahay markaad hor joogto dunuubtii aad ku gashay wuu kugu ciqaabayaa. Dadyahow dariiqii nebiga raaca oo is nabadgeliya ciqaabta ilaahay way culustee. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
-
The President of the Somaliland Administration, Abdirahman Mohamed Abdullahi, who also serves as chairman of the Waddani Party, endorsed the indiscriminate shelling of Laascaanood in 2023. Garowe (PP Editorial) — The Information Minister of Sool, Sanaag, Cayn and Khatumo administration, Najib Barkhadle Warsame, has briefed the media on the legal process wherein the new Federal Member State will lawfully prosecute Somaliland Administration detainees in Laascaanood. On 25th August 2023, allied Harti forces overran a Somaliland Administration “army” battalions then based at Gojaade Barracks, on the outskirts of Lascanood. More than 350 Somaliland administration troops were captured along with their heavy and light weapons and supplies. Somaliland Administrator Forces began to shell Lascanood from 6 February 2023, when the formation of the SSCK Administration was declared. The secessionist administration falsely claimed that its forces were fighting Al-Shabaab. That claim is a lie. No Somaliland Administration political party rejected that blatant falsehood. The SSCK Administration released over twenty detainees from the Somaliland Administration on humanitarian grounds. The incumbent President of Somaliland Administration, Abdirahman Mohamed Abdullahi, who is the chairman of Waddani Party, supported the pretext that his predecessor, President Muse Bihi Abdi, used to authorise indiscriminate shelling of Laascaanood. This led to the death of more than 900 civilians and the destruction of houses, schools, health clinics and businesses in Laascaanood. The Somaliland political class supported the secessionist administration’s claim used by Bihi to justify continued shelling of Laascaanood. Bihi claimed that the city was not part of the Federal Republic of Somalia. What made the 2023 Lascanood conflict different from previous conflicts in Somalia was not only its duration (6 months and 19 days), but also the wilful reporting of atrocities by Somaliland Administration forces. The SSCK Interim Administration Minister said that Somaliland detainees fall into different categories. He noted that some soldiers had direct involvement in the shelling and obeyed orders to wage war against the people of Laascaanood, who have suffered untold and unprecedented hardship since the 1990s. SSCK leader Abdulqadir Aw Ali stated that his administration was open to mediation by the Federal Government of Somalia to help resolve the conflict in northern Somalia. The Somaliland administration rejected calls from the UN Security Council to withdraw its troops from the outskirts of Lascanood. In response, Harti clansmen mobilised forces, pushing them as far as Baargaal, Caluula, Bosaso, Galdogob and other districts in the Puntland State of Somalia. Earlier this year, Abdulqadir Aw Ali, leader of the SSCK Administration, suggested that his administration “welcomed mediation by the Federal Government of Somalia” to end the conflict in northern Somalia. The new Somaliland Administration turned a blind eye to the displacement of Somali citizens in Ceerigaabo, who are politically represented by SSCK Administration and Puntland State. Militias formed by the former Somaliland Administration President following the Gojaade defeat seized properties in Ceerigaabo that belonged to Sool clan and East Sanaag Clan residents. The planned prosecution of Somaliland Administration detainees in Lascanood marks a new chapter in holding perpetrators of political violence and forced displacement accountable for war crimes. The SSCK Administration should ensure that detainees put on trial receive legal representation. The oversight of the Federal judiciary in this prosecution is crucial. SSCK Administration has been commended for releasing over twenty Somaliland detainees on humanitarian grounds. © Puntland Post, 2025 … The post SSCK Information Minister Outlines Legal Framework for Prosecuting Somaliland Administration Detainees in Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Jubaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere) ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi oo maalmahii u danbeeyay xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayay. Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuum Lugadheere, wuxuuna magacaabay guddi qabanqaabiya aaskiisa oo ka dhici doona magaalada Kismaayo. Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa ka tacsiyeeyay geerida madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Jubaland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Jubaland oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
Allaha u naxariistee waxaa la xaqiijiyay geerida Cabdulqaadir Xaaji Maxamed oo ahaa madaxweyne ku xegeenkii labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, kaas oo goor dhoweyd ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Lugaha Dheere muddooyinkii dambe xaalad caafimaadka oo adag ku jiray ayaa ugu dambeyn saacado ka hor dhintay, sida laga soo xigtay xubno ka tirsan maamulka Jubbaland iyo qoyskiisa. Siyaasigan oo muddo dheer ka tirsanaa masuuliyiin sare ee maamulka Jubbaland ayaa xilka Madaxweyne ku xigeenka hayay taniyo sanadkii 2013-kii, asagoo dhowr mar dib loo magacaabay. Lugaha Dheere dadka yaqaani waxay ku tilmaameen masuul af gaaban, balse waxqabad fircoon ku suntanaa, waxaana lagu xasuustaa kaalintii uu ka soo qaatay dhismaha Jubbaland, dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab, iyo xasilinta amniga deegaannadaas. Si kastaba ha ahaatee Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud Luga Dheere wuxuu ahaahogaamiye caan ku ah dagaalka argagixisada, waxaana loo arkaa masuuliyiin kaalin firfircoon ku lahaa dhismihii maamulka Jubbaland iyo sugidda ammaanka deegaannadaas. Source: goobjoog.com
-
Somaliland President Hon. Abdirahman Mohamed Abdilahi Irro on Saturday travelled to Qatar on an official working visit after he received a formal invitation from the State of Qatar. The visit that Somaliland President embarked to Doha is expected to take a couple of days. It is the first time that a President from Somaliland travelled to Qatar since the inception of Somaliland. The President boarded a special plane. Somaliland Head of State is accompanied by the ministers of foreign affairs, interior and national security, presidency, religious and endowment, the adviser on economy and the Chief of Staff. During his stay in Doha, the President and his delegation will hold high level meetings with senior officials of the State of Qatar. Thy will discuss the mutual interests between the two sides particularly in the areas of security, stability in the Red Sea, the Gulf of Aden, Horn of Africa, investment, mutual cooperation, development of infrastructure and social affairs. The visit that Somaliland President embarked to Qatar represents the commitment of Somaliland President to expedite and enhance the quality of Somaliland’s foreign policy and the active relations that Somaliland has with the int’l community. Somaliland standar Qaran News
-
𝗧𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗖𝗶𝗶𝗱𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗕𝗼𝗼𝗹𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗝𝗦𝗟 , 𝗦𝗮𝗿𝗿𝗲𝗲𝘆𝗲 𝗚𝘂𝘂𝘁𝗼 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗿𝗮𝘅𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗹𝗮𝗮𝗵𝗶 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻, 𝗶𝘆𝗼 𝗠𝗿. 𝗦𝘂𝗻𝗶𝗹 𝗞𝘂𝗺𝗮𝗿, 𝗫𝗼𝗴𝗵𝗮𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗠𝗶𝗱𝗼𝘄𝗴𝗮 𝗜𝘀𝗯𝗼𝗼𝗿𝘁𝗶𝗴𝗮 𝗕𝗼𝗼𝗹𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗲𝗲 𝗖𝗼𝗺𝗺𝗼𝗻 𝘄𝗲𝗮𝗹𝘁𝗵 𝗣𝗼𝗹𝗶𝗰𝗲 𝗦𝗽𝗼𝗿𝘁𝘀 𝗨𝗻𝗶𝗼𝗻 (𝗖𝗣𝗦𝗨), 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗺𝗮𝗮𝗻𝘁𝗮 𝘀𝗶 𝗿𝗮𝘀𝗺𝗶 𝗮𝗵 𝗵𝗲𝘀𝗵𝗶𝗶𝘀 𝘂𝗴𝘂 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗮𝘅𝗲𝗲𝘅𝗱𝗮𝘆 𝘅𝗮𝗿𝘂𝗻𝘁𝗮 𝗧𝗮𝗹𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗱 𝗲𝗲 𝗖𝗶𝗶𝗱𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗕𝗼𝗼𝗹𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗝𝗦𝗟 𝗲𝗲 𝗺𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗛𝗮𝗿𝗴𝗲𝘆𝘀𝗮 Heshiiskan ayaa dhigaya in Ciidanka Booliska JSL uu si rasmi ah uga mid noqdo 40 dal oo ku bahoobay CPSU , Somaliland noqotay dalka 41aad , midowgaan oo ah hay’ad isboorti oo heer caalami ah oo kor u qaadda iskaashiga, is-dhaafsiga waayo-aragnimada, iyo horumarinta ciyaaraha Booliska ee waddamada xubnaha ka ah. Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Danjire Xasan Daa’uud , saraakiil sare oo ka tirsan Taliska Booliska JSL iyo wefti sare oo ka socday Common wealth Police Sports Union. Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, ayaa sheegay in ku biirista CPSU ay horseedi doonto fursado badan oo dhanka isboortiga, tababarrada, iyo iskaashiga caalamiga ah ee ciidanka Booliska. Dhankiisa, Mr. Sunil Kumar iyo , ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in ay Somaliland ka mid noqoto xubnaha CPSU dalka 41aad , isagoo ku tilmaamay inay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu kobcinayo xidhiidhka ka iyo wada-shaqeynta Booliska caalamka. Qaran News
-
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐝𝐚𝐫 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta safar shaqo ugu baxay dalka Qatar, kaddib markii uu Marti-qaad rasmi ah ka heley Dawladda Dalka Qatar. Safarka Madaxweynuhu waxa uu qaadan doonaa muddo dhawr cisho ah, Idamka Allah. Waa markii ugu horraysay ee Madaxweyne ka socda Jamhuuriyadda Somaliland uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Qatar. Madaxweynaha iyo wefgigiisu waxa ay ku safreen Diyaarad khaas ah. Madaxweynaha waxa safarkiisa ku wehelinaya Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Diinta ito Awqaafta, La-Taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha iyo Madaxa Xafiiska Madaxweynaha (Chief of Staff-ka). Muddada ay Madaxweynaha iyo wefgigiisu ku sugan yihiin magaalada Dooxa, Caasimadda dalka Qatar, waxa ay kulamo la yeelan doonaan Madaxda iyo Mas’uuliyiinta sarsare ee Dawladda Qatar, iyaga oo ka wada hadli doona danaha u dhexeeya labada dhinac; gaar ahaan xagga amniga iyo xasilloonida Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika, iskaashiga iyo wax wada qabsiga, maalgashiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Booqashada uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu ku tagay dalka Qatar waxa ay ka turjumayaa sida ay Madaxweynaha Somaliland uga go’an tahay dardargelinta iyo tayeynta Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo xidhiidhka firfircoon ee ay Somaliland la leedahay Beesha Caalamka iyo muhiimadda ay Somaliland u leedahay guud iyo danaheeda ay u marayso dariiq kasta oo suurto gal ah. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
Haweenka danyarta ah ee ganacsiga yar yar ku haysta suuqa magaalada Gaalkacyo oo maanta bannaanbax sameeyay ayaa cabasho ka muujiyay dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo oo ay sheegeen in ay ka rartay goobihii ay ku ganacsan jireen. Haweenkan bannaan-baxa ka sameeyay Gaalkacyo oo xirtay laamiga weyn ee bartamaha magaalada ayaa joojiyay isu socodkii gaadiidka, waxaana ay sheegeen in ay ka gadoodsan yihiin, islamarkaana cabasho ka muujinayaan dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo oo ay sheegeen in ay ka rartay goobihii ay ku ganacsan jireen. Intaasi kaddib, ciidamo ka tirsan dowladda hoose ee Gaalkacyo oo goobta tegey ayaa rasaas ku furay haweenkii bannaanbaxa sameeyay ee cabashada ka muujinayay dowladda hoose inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay rasaastaasi, haddana waxaa joogsaday bannaan-bixii. PUNTLAND POST The post Haweenka ganacsiga yar yar ku haysta suuqa Gaalkacyo oo cabasho ka muujiyay dowladda hoose appeared first on Puntland Post.
-
UK MP Launches Somaliland Recognition Report A British Member of Parliament, Sir Gavin Williamson, has announced the release of a new report titled Roadmap to Recognition, which urges the United Kingdom to formally recognize Somaliland as an independent state. The report was launched under the auspices of the UK Parliament’s All-Party Parliamentary Group (APPG) on Somaliland, which Williamson chairs. Speaking during the launch event, Sir Gavin emphasized that Somaliland has met the criteria of statehood under international law and that recognition by the UK would support stability, democracy, and development in the Horn of Africa. “The Roadmap to Recognition lays out a clear, evidence-based path for the UK Government to lead the way in recognizing Somaliland’s right to self-determination,” said Williamson. “Somaliland has shown remarkable resilience and democratic progress in a challenging region, and now it is time for the international community—starting with Britain—to acknowledge that reality,” he added. The report outlines legal, political, and strategic arguments for recognition, including Somaliland’s sustained governance structures, peaceful elections, and cooperation with international partners. It also includes recommendations for bilateral engagement and suggests a phased approach toward full recognition. The move is likely to stir debate within UK foreign policy circles, as the British government has historically maintained support for Somalia’s territorial integrity. However, the APPG’s initiative reflects growing parliamentary interest in reevaluating that stance, especially given Somaliland’s relative stability compared to the rest of Somalia. Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has not been recognized by any sovereign state. The region has since developed its own political institutions, currency, and security apparatus. So far, the UK Foreign, Commonwealth & Development Office has not issued an official response to the report. However, analysts expect the Roadmap to Recognition to influence future parliamentary debates and international diplomacy regarding Somaliland’s status Qaran News
-
Madaxweynaha Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa ku sii jeeda dalka Qatar, ayadoo la filayo inay la kulmi doonaan masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo ganacsato u dhashay dalkaas. Dalka Qatar oo ka tirsan kwa ugu dhaqaalaha fiicacan Khaliijka Carabta ayaa muddooyinkii dambe si xowli ah u kordhiyay xiriirka diblomaasiyadeed iyo saamaynta ay ku leedahay gobolka geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, ayadoo ku hoos gambanaysa maalgashi, iyo taageero siyaasadeed. Xariirka Qatar iyo Soomaaliya ayaa aad u xoogaystay wixii ka dambeeyay doorashadii madaxweyne Farmaajo ee sanadkii 2017-kii ka dhacday Soomaaliya, iyadoo madaxda Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah kuwa dowlad-goboleedyadu si isdaba joog ah u booqdeen dalkaas. Madaxda Dowlad-Goboleedyada Soomaaliyeed ee Booqday Qatar: Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) – Jubbaland: Waxaa la xaqiijiyay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu dhowr jeer booqday Qatar, ayadoo Socdaalladiisa la sheegay in ay la xiriireen taageero siyaasadeed, dhaqaale iyo iskaashi amni, waxayna xogaha qaarkood tilmaamayaan in Qatar ay Jubbaland ugu deeqday mashaariic horumarineed iyo gargaar bini’aadannimo Sidoo kale madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, iyo madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa la sheegay inay xilliyo kala duwan dalkaas booqdeen, sidoo kalena ay Muqdisho kula kulmeen saraakiil iyo dublamaasiyiin u dhashay Qatar. Inkastoo Xariirka ay Qatar la leedahay dowlad goboleedyadu aanu u muuqan sida Imaaraadka haddana Dooxa sanadihii dambe waxay dadaal xooggan gelinaysay sidii ay iskaashi ula yeelan lahayd maamullada Qaarkood, iyadoo sidoo kale taageero xooggan siisa dowladda dhexe. Si kastaba ha ahaatee Qatar iyo Imaaraadka ayaa u muuqda inay si weyn ugu hardamayaan gudaha Soomaaliya, ayagoo xariirro toos ah la yeelanaya dowladda federaalka, maamullada, iyo xittaa kooxaha dowladnimada diiddan ama dalalka deriska ah ee Soomaaliya sida joogtada ah u farageliya. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Eritrea ayaa si kulul u cambaareysay Dowladda Federaalka Itoobiya, iyada oo ku eedeysay inay wado olole diblomaasiyadeed oo loogu talagalay in lagu muujiyo Eritrea inay khatar ku tahay Itoobiya, isla markaana ay ku xad-gudubtay dhulkeeda iyo madaxbannaanideeda. War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Eritrea ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay fariimo dirayso Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha caalamka, kuwaas oo lagu sheegayo in Eritrea ay ku kacayso dhibaatooyin soo noqnoqda iyo faragelin gudaha Itoobiya ah. Eritrea waxay sheegtay in farriimahaasi yihiin kuwo ku saleysan been-abuur iyo khiyaali siyaasadeed, iyadoo lagu tilmaamay inay yihiin “qorshe cad oo Itoobiya ku dooneyso hurinta dagaal” iyo inay si khaldan uga dhaadhiciso beesha caalamka in ay halis kaga imanayso dhanka Eritrea. Warsaxaafadeedka ayaa intaa ku daray in Itoobiya ay qaaday tallaabooyin ay kamid yihiin: Iibsiga hub tiro badan, Abaabulka hawlo lagu khalkhal gelinayo xasilloonida gobolka, Hanjabaado cad-cad oo ka dhan ah madaxbannaanida Eritrea. Dowladda Eritrea waxay sheegtay inay muujisay dulqaad “xad-dhaaf ah”, iyadoo ay weli ku dadaalayso inaysan gudo galin fal-celin militari ah. Waxay sidoo kale sheegtay inay ogtahay ajandaha Itoobiya ee ah “in la abuuro iska horimaad dagaal ah oo muddo laga shaqeynayay.” Source: goobjoog.com
-
Wasiirka warfaafinta SSC-Khaatumo, Najiib Barkhadle Warsame ayaa sheegay in dhawaan maxkamad la soo taagi doono qaar ka mid ah maxaabiista Somaliland ee lagu qabtay dagaalkii Goojacade. “Maxaabiistan waxay isugu jirtaa labo nooc, saraakiishii hoggaaminta la ahayd iyo ciidankii askarta ahaa. Saraakiisha oo ay ku jiraan ragii madaafiicdii Laascaanood hagayay waxay mari doonaan maxkamad. Askarta oo ku dhow hal guuto waa la sii daynayaa, haddii madaxda cusub ee maamulka Somaliland ka laabtaan mabda’ii hore ee Somaliland” ayuu yiri wasiir Najiib Barkhadle oo wareysi bixiyay. SSC-Khaatumo ayaa bishii April ee sanadkan siidaysay dhowr iyo labaatan ka mid ah maxaabiista Somaliland, kuwaas oo qabay duruufo gaar ah, waxaana siidayntooda ka qaybqaatay Ra’iisul Wasaare Xamse. Dhanka kale maamulka Somaliland ayaa gacanta ku haya maxaabiis ka soo jeeda deegaannada SSC-Khaatumo, halka uu siidaayay kuwii ka soo jeeday deegaannada Puntland. PUNTLAND POST The post SSC-Khtaatumo: Maxkamad ayaa la soo taagi doono maxaabiista Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Trump ayaa xalay sheegay in xabbad-joojin laga gaaro dagaalka Qasa ay suurtagal tahay toddobaad gudihiis. Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan wax wada-hadallo rasmi ah oo socda, taasoo muujineysa in hadalku ku imaan dadaal nabadeed oo dhab ah, balse ay tahay go’aan siyaasad oo ku wajahan cadaadis uu Trump ku kordhinayo Netanyahu , oo dhawaan booqanaya Aqalka Cad. Xaaladda Qasa waxay u muuqataa mid uu Netanyahu ka dhigtay kaar siyaasadeed, isagoo ku ilaashanaya kursigiisa , xilli uu cadaadis badan kala kulmayo gudaha. Maxkamadda Isr4l ayaa ka diiday in dib loo dhigo dacwadda musuqmaasuq ee loo heysto , kaddib codsi uu u gudbiyay Netanyahu, taasoo halis gelin karta mustaqbalkiisa siyaasadeed. Sidaa darteed, Trump wuxuu qorsheynayaa in markuu Netanyahu soo gaaro Aqalka Cad, uu ku cadaadiyo heshiis nabadeed – isagoo ka dhigayaa isku beddel: nabad Qasa → aqoonsi cusub iyo xiriir diblomaasiyadeed oo ay Isr4l la yeelanayso dalal Carbeed oo Suuriya ugu horreyso. Laakiin Trump kuma ekaan doono bariga dhexe. Isagoo eegaya jihada kale, wuxuu u jeesanayaa Badda Koonfureed ee Aasiya, halkaas oo uu isku diyaarinayo cadaadis millatari iyo istiraatiiji ah oo ka dhan ah Shiinaha. Tani waxay qeyb ka tahay qorshihiisa weyn ee ah in la xakameeyo is-ballaarinta Shiinaha, islamarkaana Mareykanka dib loogu muquuniyo inuu sii heysto boosta hoggaaminta caalamka. Trump wuxuu ku socdaa xeelad laba waji ah qaboojinta xaaladda Bariga Dhexe si kumeelgaar ah, iyo diyaar-garow dagaal istiraatiiji ah oo ka dhan ah Shiinaha. Waxaa suuragal ah in kahor dhammaadka sannadkan la arko tijaabooyin siyaasadeed iyo millatari oo Mareykanku ku cabbirayo sida uu Shiinaha uga hortagi karo. PUNTLAND POST The post Trump oo sheegay in ay suurta-gal tahay xabbad-joojin laga gaaro Qasa appeared first on Puntland Post.