Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Taiwan ayaa maanta si rasmiya xafiiska Dublumaasiyadeed uga furatay Hargeysa. Munaasabadda waxa goob joog ka wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo marti kale. Sidoo kale wasiirka arrimaha Dibadda Taiwan ayaa dhinaca Online ka kaga qayb-galabta. Source
  2. Mogadishu (HOL) - The Puntland government has issued a statement on Monday explaining their absence from the third Dhusamareb as regional, and federal leaders converge to discuss the ongoing electoral crisis. Source: Hiiraan Online
  3. (SLT-Hargeysa)-Warsidaha South China Morning Post oo laga leeyahay Hong Kong, ayaa daabacday warbixin uu kaga hadlay Cilaaqaadka saaxiibtinimo ee dalalka Spmaliland iyo Taiwan, kaasi oo ciwaan uu uga dhigay “Sidee ayey Taiwan ku heshay saaxiibtinimada cusub ee Somaliland oo ku taal Afrika”. Wakaaladda Wararka ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixintaas oo lagu sheegay inay yihiin laba dawladood oo aan la aqoonsan, hase ahaatee dimuqraadi ah,kuwaasi oo hamigooda caalamiga ah isku garabsanaya. Warsiduhu wuxuu xusay in Somaliland iyo Taiwan ay bishii July kala saxeexdeen heshiis ay ku abuureen inay isdhaafsadaan laba safaaradood. Masuuliyiin ka tirsan Taiwan ayaa laga soo xigay inay tallaabo wax ku ool ah ku sifeeyeen iskaashiga ay la yeesheen Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kaloo warbixinta Warsidaha South China Morning Post tilmaantay in Taiwan ay 15 dal ku leedahay diblomaasiyiin, iyadoo muddooyinkan dambe ay isa soo taraysay in Maraykanku saacidayey isla markaana dabada ka riixayo in Taiwan iskaashi siyaasadeed la yeelato dalal badan oo caalamka. Alexander Huang Chieh-cheng, oo ah barre jaamacadeed xidhiidhka caalamiga ah ka dhiga jaamacada Taipei Tamkang University, ayaa sheegay in Wakiilka Taiwan ay ku yeelatay JSL uu xoojinayo joogitaankeeda Qaarada Afrika. Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Weli Warsame oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland, ayaa xukuumadda ku cannaantay goobaha adeeg bixinta caafimaadka gaarka loo leeyahay, baadhashada iyo furashada ay bulshada ku hayaan ee danyarta oo aan awoodeyn nin aragtidii kaga iibiyaan qiimahey doonaan intaan baadhis iyo daaweyn la gaadhin. Xildhibaan Maxamed Weli Warsame ayaa intaas ku daray in loo baahan yahay in dawladu wax ka qabbato sicirka aan xad laheyn ee qof ku araga ah ee goobaha caafimaadka gaarka loo leeyahay ay sharciyeysteen, waxaanu ku taliyay in qiimo go’an oo umaddan danyarta u badani qaadi karrto ay dawladu u goyso. Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas raaciyay in cisbitaalada gaarka loo leeyahay ay bulshada ku hayaan wax aanay waligood ika soo kabaneyn, taas oo uu tilmaamay in qof aan lacag heysan ay doonayaan in aragti uu 40-dollar ku ugu gallo Xildhibaan Maxamed Weli Warsame isaga oo arrimahaasi si dareen taabasho leh uga hadlaya waxaa uu yidhi “Cisbitaalada gaarka loo leeyahay waxaan waligeed umaddu ka soo kabaneyn ayay dadkii ku hayaan, waxaa ka mida nin aan lacag heysan ayaa gabigiisu 40-dollar ku galaya meel aragti ayuu 40-dollar ugu galayaa shilin uma hadhin waxaa u dheer baadhistii iyo waxyaabihii kale oo dhan” Sidoo kale xildhibaan Maxamed Weli waxaa uu xukuumadda ugu baaqay in sida sicirka cuntada ay u goyso in ay qiimo go’an u goyso “Waxaan ku talinayaa dawladu sida ay sicirka cuntada u goyso wax la kala iibsan maaye ninba nin arkaye inay sicir u goyso dhakhaatiirta isku mida dhinaca aragtida, bal daawada iyo qaliiinka kale wixii ay nagaga cunayaan ha nagaga cunaane haday doonto 10-kun oo Somaliland shilin ah ha noqoto ama 20-kun oo Somaliland shilin ah ha noqote, ama toban dollare in aan la dhaafin” Dhanka kale Xildhibaanku waxaa uu ididiilo wanaagsan ka muujiyay adeeg bixinta cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, oo uu tilmaamay in isku si loo daweeyo bukaanka lacagta heysta iyo ka kale. “Cisbitaalka guud waxaa uu cisbitaalada gaarka loo leeyahay uu dheer yahay hadii ay lacagtu ka go’do oo aanad bila kharash tahay, adeeg bixin caafimaad oo bilaasha ayaa lagu siinayaa agaasimaha uunba warqad loo qorayaa qofkaasi wax ma heysto daawadiina waa ka go’day” Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Itoobiya ayaa soo ambabixisay wakiilkeeda cusub ee u fadhiyi doona magaalada Hargeysa oo dhawaan xilkaas loo magacaabay. Danjiraha cusub Dr Siciid Maxamed Jibriil ayaa bedelaya wakiilkii hore Amb Shamsudiin oo muddo dheer xilkaasi ka sii maqnaa. Magacaabista Dr Siciid oo hore u ahaa guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Hargeysa ayaa imanaysa xilli la rumaysan yahay in aanu fiicnayn xidhiidhka Hargeysa iyo Addis Ababa kadib Dr Abiy oo saaxiib dhaw ka dhigtay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo. Source
  6. (SLT-Garoowe)-Maamul goboleedka Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka fashilinta natiijooyinkii ka soo baxay shirarkii Dhuusamareeb 1 iyo 2, waxaana ay ugu baaqday Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu soo magacaabo ra’iisal wasaare qeyb ka noqda fulinta heshiisyada laga gaadho qabsoomidda doorashada dalka ee 2020/2021. Madaxweyne Farmaajo, madaxda saddex maamul goboleed iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa hadda ku sugan magaalada Dhuusamareeb si ay uga qeybgalaan shirka 3-aad ee lagaga arinsanayo doorashada soo socota. “Madaxweynuhu waxa uu si farsamo ah u habsaamiyay magacaabista ra’iisal wasaaraha cusub si anu u hirgelin is-afgaradkii Dhuusamareeb 2 iyo qabsoomidda Dhuusamareeb 3,” ayaa lagu sheegay war saxaafadeed xalay ay soo saartay madaxtooyada Garowe. Puntland ayaa soo jeedisay in ka hor qabsoomidda shirka Dhuusamareeb 3 heshiis siyaasadeed la gaadho, kadibna ay shirkaasi ka qeybagalaan dhammaan madaxda federaalka, maamul goboleedyada iyo diblomaasiyiinta shisheeye ee daneeya arimaha Soomaaliya “si ay u damaanad qaadaan hirgelinta natiijada shirka”. Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa ka maqan madasha Dhuusamareeb. Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni ayaa shalay ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka Jabuuti, halka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu ku sugan yahay Nairobi oo uu ku galay qalliin fudud. Source
  7. Israa’iil iyo Iisutagga Imaaraadka Carabta ayaa daahfuray xidhiidhka taleefannada tooska ah ee labada dal dhexmaraya kaddib marki ay toddobaadki hore ay gaadheen heshiis ay dib ugu soo celinayaan xidhiidhkooda. Wasiirrada arrimaha dibadda labada dal ayaa si toos ah taleefan marki ugu horreysay ugu wadahadlay “iyaga oo isdhaafsaday farriimo salaan ah oo taariikhda gashay”, ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ay soo saareen. Mr Kushner wuxuu CBS u sheegay isaga iyo madaxweyne Trump iney ka shaqeynayeen heshiiska dhexmaray Israa’iil iyo Iisutagga Imaaraadka Carabta tani iyo marka uu madaxweyne Trump xilka madaxweynanimada Mareykanka uu qabtay. Waxaana heshiiska nabadeed ee Israa’iil iyo Isutagga Imaaraadka dhexmaray si rasmi ah loogagu dhawaaqay Khamiisti aan ka soo gudubnay. Wuxuuna Trump heshiiskani nabadeed uu ku tilmaamay inuu yahay midkii seddexaad ee Bariga dhexe ku dhexmaro Israa’iil iyo carabta, waddamada khaliijkana uu ka yahay kii ugu horreeyey. Beesha caalamka ayaa si weyn u bogaadisay heshiiskaasi iyaga oo ku tilmaamay billow wanaagsan, halka ay Falastiin, Turkiga iyo Iiraan ay ku gacanseydheen. Source
  8. Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa weli ka socda kulamo horudhac u ah wejiga saddexaad ee shirka madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka. Kulamadii u dambeeyey oo xalay dhacay ayaa waxa wada yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho. Waxaa intooda badan kulamadan diirada lagu saaray hannaanka geeddi socodka doorashooyinka dalka, xaaladda siyaasadeed iyo mida amni. Sidoo kale waxay madaxdu si wadajir u cambaareeyey weerarkii ay shalay kooxda Al-Shabaab ka fulisay hotelka Elite ee magaalada Muqdisho, iyaga oo u tacsiyeeyey qoysaska, ehelada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Weli ma cadda xilliga rasmiga ah ee uu furmayo shirka wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb 3 oo lagu soo aadiyey xilli xasaasi ah oo lagu jiro marxalad kala guur ah, waxaana madasha ka maqan Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland View the full article
  9. Jihadist group Al-Shabaab has claimed responsibility for a hours-long siege that occurred Sunday evening at Elite Hotel, a beachside facility located along Mogadishu’s popular Lido beach. Source: Hiiraan Online
  10. Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in saaka dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qarax is-miidaamin ah ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah gobolka Baay. Saldhigga la weeraray oo ku yaalla deegaanka Goofgaduud Buurey ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haatan ka socda dagaal u dhexeeya labada dhinac. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay weerarkaas iyo dagaalka xigay, balse ma cadda inta uu la’egyahay. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana war ka soo baxay Al-Shabaab ay ku sheegatay inay la wareegtay sladhigga deegaanka Goofgaduud Buurey ee G/Baay. View the full article
  11. Malashiyaadka Al-shabaab ayaa Saaka oo Isniin ah weerar culus ku qaaday Degaanka Goof-gaduud Buurey oo qiyaastii 30KM u jira Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa Al-shabaab la beegsatay Saldhig ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa koonfur Galbeed ku leeyihiin Degaanka Goof-gaduud Buurey waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan. Warar hordhac ah oo ka soo baxaya Dagaalkaas ayaa sheegaya in Al-shabaab ay gacanta ku dhigeen Saldhiga Ciidamada ee Goof-gaduud Buurey islamarkaana ay halkaasi askar badan ku laayeen inkastoo aysan jirin cid si rasmiya u xaqiijisay. Sidoo kale warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegtay in Malayshiyaadkoodu ay cagta mariyeen Saldhiga Goof-gaduud haatana ay si buuxda gacanta ugu hayaan Saldhigaas kadib markii Ciidamada dowladda laga ceyrsaday. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday Degaan kaabiga ku haya Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  12. Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay weerarkii shalay gelinkii dambe Al-Shabaab ay ku qaadeen hotelka Elite ee magaalada Muqdisho. Sadiiq Aadan Cali ayaa shaaciyey in weerarkaasi ay ku dhinteen illaa 16-ruux oo 5 ka mid ah ay yihiin raggii weerarka fuliyey, halka ay dhaawacmeen tiro intaa ka badan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada ammaanka ay soo bad-baadiyeen dad kale oo ku sugnaa dhismaha hotelka xilliga uu dhacayey weerarkaasi oo qarax ku bilowday. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxaana ay shaacisay in xilliga ay hotelka weerarayeen ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya. View the full article
  13. Baydhabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar ku bilowday qaraxyo oo saaka Al-Shabaab ay ku qaadeen salldhig ku yaalla deegaanka Goofgaduud Buurey oo 30 KM bari ka xiga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Saldhigga la weeraray ayaa waxaa si wadajir ah u degan ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in haatan dagaal u dhexeeya labada dhinac uu ka socda halkaasi, kaas oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan. Sidoo kale wararku waxay intaasi ku darayaan inuu jiro khasaare dhamasho dhaawacba lae, balse ma cadda illaa iyo hadda inta uu gaarsiisan yahay. Dhinaca kale Al-Shabaab oo war ka soo saartay weerarkan ayaa bahaisay inay la wareegtay saldhigga deegaanka Goofgaduud Buurey ee gobolka Baay. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli socda dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.
  14. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Subax-17082020.mp3 View the full article
  15. Somaliland joined the rest of the world in expressing their support for the historic normalization of relations between the United Arab Emirates and Israel on Thursday. Source: Hiiraan Online
  16. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaaXalay kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Dhuusamareeb waxa uu la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia, ayaa lagu sheegay in Madaxdu ay iska xog wareysteen hannaanka geeddi socodka doorashooyinka dalka, xaaladda siyaasadeed iyo amni islamarkaana si wadajir ah u cambaareeyeen weerarkii ay Al-shabaab ka fulisay mid ka mid ah hoteellada magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Qoraalka waxaa lagu xusay in sidoo kale Madaxdu adkeeyeen muhiimadda ay midnimada iyo wadajirku u leeyihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambayntiin. Qoraalka ayaa lagu xusay in Madaxweyne Farmaajo uu bogaadin u jeediyay Madaxweyneyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir sida ay uga go’an tahay in la sii ambaqaado wadahadallada muddaysanaa ee heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, taas oo lagaga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Kulan la qaatay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada isaga taageersan appeared first on Puntland Post.
  17. Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland ee Denmark Abshir Sheikhdoon isagoo ku hadlaya Magaca Xubnaha Jaaliyada wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan ilma Aaden Maxamed Geerida ku [...] The post Tacsi— Marxuumad Jamila Aaden Maxamed oo Dalka Norway ku geeriyootay appeared first on . Source
  18. Mogadishu (HOL) - The death toll has risen to 20 in Somalia after Al-Shabaab militants stormed a trendy beach-side hotel in the nation's capital on Sunday, according to the BBC and local journalists. Source: Hiiraan Online
  19. Mogadishu (HOL) - The death toll has risen to 20 in Somalia after Al-Shabaab militants stormed a trendy beach-side hotel in the nation's capital on Sunday, according to the BBC and local journalists. Source: Hiiraan Online
  20. Mudo ku dhow 6 saacadood ayuu socdey weerar ay Al-Shabaab ku qabsadeen Hotel Elit ee ku yaala Xeebta Magaalada Muqdisho, Inkastoo aakhirkii ay nafbaxeen Shantii [...] The post Khasaaraha rasmiga ah ee Weerarkii Elit Hotel appeared first on . Source
  21. Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay soo afjaray dagaal ka dhex socday hotelka Elite oo dacalka ku haayo xeebta Liido, kadib markii weerarka lagu qaaday, waxaana lasoo ogaaday khasaaraha ka dhashay qaraxa. Afkaheenka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo warbaahinta la hadalay waxaa uu sheegay in weerarka ay ku geeriyoodeen 11 ruux, kuwaas oo 5 kamid ah ay yihiin qolyihii hubeysnaa ee galay gudaha hotelka sida uu yiri. Waxaa sidoo kale uu sheegay in weerarkaas ay ku dhaawacmeen 13 ruux oo ruux kamid uu aad u da, yar yahay, kuwaas oo la geeyey goobaha caafimaadka, waaxaana uu intaas raaciyey in ciidamadu ku guuleysteen soo afjaridda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho ( Caasimadda Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa jawaab deg deg ah ka bixisay hadalkii kasoo yeeray Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa shalay ku eedeeyey Madaxweyne Farmaajo inuu ku tuntay Sharciga islamarkaasna uu in kiray doorka ay aqalka sare ku leeyihiin dalka, oo uu ku xadgudbay Dastuurka, isagoo soo qaatay qodobo dhowr ah oo dastuurka ka mid ah. “Hadal jeedinta Madaxweynaha ee Golaha Shacabka wuxuu ku sheegay waajibaadka saaran kan ugu muhiimsan inuu yahay ilaalinta dastuurka dalka, Madaxweynuhu wuxuu si layaab leh ugu xadgudubay dastuurka dalka, hadaba hadaljeedintiisa waxaa ka soo qaatay dhowr weerood gaf ku ah sharciga,” ayuu yiri Cabdi Xaashi. Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa sheegay in haddii Golaha Aqalka Sare uu si dhab ah u matalo Dowlad Goboleedyada ay aheyd inay aqbalaan shurucuuda uu aqalka Sare meel mariyey. Sidoo kale Agaasime Cabdinuur ayaa sheegay inay qalad tahay in Maamul Goboleedyada ay miiska soo fadhiistaan mar kale iyagoo dood ka qabo shaqadii ay usoo wakiisheen Aqalka Sare haddii uu Maamul Goboleedyada si dhab ah u matalo. “Haddii Golaha Aqalka Sare uu si dhab ah u matalo Dowlad Goboleedyada, waxay si buuxda u aqbali lahaayeen shuruucdii uu Aqalku meel mariyay, loomana baahdeen in DG-yada ay markale miiska soo fariistaan iyaga oo dood ka qaba shaqadii ay usoo wakiisheen Aqalka iyaga matala,” ayuu yiri agaasime Cabdinuur.
  23. The East African country is a former German colony and lived under Belgian rule until gaining independence almost 60 years ago. A report says its leaders plan to ask the two ex-rulers to pay damages — and not just cash. Source: Hiiraan Online
  24. Taliska Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay Khasaaraha ka dhashay weerarkii lagu qaaday Hoteelka Elite oo ku yaalla Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho. Afhayeenka Ciidanka Booliska Sidiiq Aadan Cali oo warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee Hotelka ayaa sheegay in weerarka uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo Mas’uuliyiin. Af-hayeenka aya atilmaamay in weerarka ay ku dhinteen 16 ruux oo 5 ka mid ah ay yihiin kooxdii weerarka soo qaadday halka ay ku dhaawacmeen 13 ruux oo kale islamarkaana Booliisku soo badbaadiyay 300 oo qof kuwaas oo ku go’doonsanaa Hoteelka. Dadka ku dhintay weerarkaas waxaa kamid ah Agaasimihii xiriirka Gobolada ee Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdi. PUNTLAND POST The post Booliiska Soomaaliya oo shaaciyay Khasaaraha Weerarkii Hotel Elite appeared first on Puntland Post.
  25. OTTAWA -- The Canada Revenue Agency has temporarily suspended its online services after two cyberattacks in which hackers used thousands of stolen usernames and passwords to fraudulently obtain government services and compromise Canadians' personal information. Source: Hiiraan Online