Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Garbahaarey (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xalay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

    Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo KA dhacay deegaanka Mekarebay oo hoostaga degmada Garbahaarey.

    Ku dhowaad 3 qof ayaa ku geeriyootay qaraxaas,halka ay ku dhaawameen 2 kale, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

    Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa jugtiisa laga maqlay meelo badan oo ka mid ah gobolka Gedo,balse lama oga halka uu ahaa bartilmaameedka, iyadoona gaariga uu qarxay xilli uu taagnaa deegaanka Mekarebay ee duleedka Garbahaarey.

    Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka oo ku aadan qaraxaasi.

    Gedo ayaa waxaa si wadajir ah uga howl-gala ciidamada dowladda, kuwa Jubbaland iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.


  2. Garowe (PP News Desk) — Details are emerging about a surprise attack launched by Al-shabaab on Shabeeley, a village under the jurisdiction of Southern Bacaadweyn in Mudug early in the morning. Firefight between locals and Al-shabaab fighters reportedly ensued.

    The Bacaadweyn district commissioner Ahmed Dahir Mo’allim affiliated with Galmudug State, who briefed the media said that Al-shabaab fighters kidnapped several people including an influential Sheikh from Shabeeley. Casualties on both sides have not been confirmed.

    shabaab.jpg?w=1000&ssl=1Al-shabaab fighters (file photo)

    Preliminary reports indicate four Al-shabaab fighters were killed by locals defending the village against the attack. The attack on Shabeeley reflects a change of tactics on the part of Al-shabaab to make its presence felt in villages far from well populated towns and districts in Mudug.

    Galmudug security forces in conjunction with contingents of the Somali Army conducted security operations in South Galka’yo nearly two months ago.

    Security experts in Mudug fear resource and planning constraints affect how Galmudug State can cope with intelligence-driven Al-shabaab operations.

    © Puntland Post, 2020

    The post Al-shabaab Launches a Surprise Attack on a Mudug Village appeared first on Puntland Post.


  3. Tababaraha Xulka Qaranka Da’yarta Soomaaliya Cabdixamiid Macallin Maxamed ayaa sheegay in aad ugu faraxsanyahay helitaanka garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho wuxuuna intaa ku daray in door wanaagsan ka qaadan karo kobaca iyo horomarka guulaha Xulka Da’yarta Qaranka.

    0T8A7324.00_00_00_08.Still001-780x405.jp

    “Shalay ma anan haysan garoonkan oo kale,balse wuxuu ka qeyb qaadanayaa horomarka guulaha Xulkada’yarta,dhallinyarada Xulka aad ayay ugu faraxsanyihiin helitaanka Stadium Muqdisho, waxayna aad u xiisanayaa maalin in ay ku dheelaan tuulada isboortiga Stadium Muqdisho ”ayuu Goobjoog Sports u sheegay Cabdixamiid Macallin Maxamed oo ah Macallinka Xulka Qaranka Da’yarta Soomaaliya.

    2Z2A9597.MOV.18_59_35_19.Still001.00_00_

    Halkan Ka Daawo Waraysi Uu Goobjoog Sports Siiyay Macallin Cabdixamiid Maxamed

    W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

    Source: goobjoog.com


  4. Incumbent Minnesota Congresswoman Ilhan Omar has won Minnesota’s 5th District Primary Tuesday evening.

    The race was hotly contested, as Omar faced four challengers from her own party, including heavily-funded Antone Melton-Meaux. His campaign spokesman told WCCO he conceded at 9 p.m. Tuesday.

    In Minnesota, we know that organized people will always beat organized money.

    Tonight, our movement didn’t just win. We earned a mandate for change. Despite outside efforts to defeat us, we once again broke turnout records.

    Despite the attacks, our support has only grown.

    — Ilhan Omar (@IlhanMN) August 12, 2020

    Tuesday’s election was also a test of Minnesota’s absentee-voting system, with unprecedented numbers voting by mail because of the COVID-19 pandemic. Election results were delayed because of the influx of absentee ballots which were sent in.

    Omar was first elected to the seat in 2018, becoming the first Somali American and one of the first two Muslim women elected to Congress. She won that crowded primary field by more than 18 percentage points, and has since made her mark as a progressive and outspoken critic of President Donald Trump. She was endorsed by the DFL and Sen. Bernie Sanders.

    Melton-Meaux, on the other hand, is an attorney who runs his own mediation law firm in Minneapolis. He has called Omar “divisive” and “focused on her celebrity.” He was endorsed by former president of the Minneapolis NAACP Nekima Levy-Armstrong, Golden Valley Mayor Shep Harris, and civil rights activist Josie Johnson.

    Les Lester, John Mason, and Daniel McCarthy also ran to represent the 5th District.

    Omar will face GOP candidate Lacy Johnson in November.

    Source: WCCO

    The post Rep. Ilhan Omar Defeats Antone Melton-Meaux, 3 Other Challengers In Primary Election appeared first on Puntland Post.


  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada ammaanka Somaliland ay howl-gallo ballaaran ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi oo dhaca waqooyiga Soomaaliya.

    Howl-gallada ayaa waxaa lagu soo qabtay hub iyo waxybaabaha maanka dooriya, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha Booliska gobolka Sool, Gaashaanle Dhexe Maxamed Saleebaan Gooni.

    Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in howl-gallada ay ka dambeeyeen, kadib cabasho ka timid dadka shacabka ah.

    Hubka lagu soo qabtay howl-galladan ayuu sidoo kale tilmaamay inay yihiin kuwa sharci darro ah oo dadka lagu dhibaateyn jiray.

    Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay la shaqeeyaan ciidamada Booliska, si looga hortago falalka liddiga ku ah ammaanka ee mararka qaar ka dhacay gobolkaasi Sool.

    Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Somaliland ayaa kordhiyey howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya

     


  6. Marwo Ilhaan Cumar oo Minnesota ku matasha congress-ka Mareykanka ayaa talaadadii guul weyn ka gaartay tartanka isreebreebka xisbigeeda ee degmada shannaad.

    Ilhaan ayaa abuukaataha lacagta lagu harqiyey ee Antone Melton-Meaux ku dhigtay cashar aanu iloobin, waxayna kala heleen gabadha Soomaalida ah oo heshay 57.4% iyo Antone Melton-Meaux oo helay  39.2 %.

    Ilhaan Cumar tan iyo markii ay congress-ka  gashay 2018, waxaa lagu bartay iney difaacdo xuquuqda dadka dulman gaar ahaan madow, fuqarada, ardeyda iyada oo cod u noqotay kuwa doonaya deynta ama caafimaad loo simman yahay, waxay dagaal la gashay kuwa danaha gaarka ku sameeya dhaqaalaha, kana macaasha  Washington.

    “Gudaha Minnesota, waxaan naqaan sida dadka abaabulan ay uga adkaadaan lacag lasoo abaabulay” waxaa Twitterkeeda ku qortay Cumar.

    Ilhaan Cumar ayaa adkaatay iyada oo ay ka soo horjeedeen,  bal ay lacag ku afar jibbaaranta ay siinayeen Mr. Melton-Meaux dadka taageersan Yuhuudda, waxaa kale oo ninka la tartamayey taageeray Star Tribune oo gobolkeeda caan ka ah, laakin intaba waa ka adkaatay.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  7. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararkaka imaanaya degmamada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in diyaar garowgii ugu dambeeyey wejiga saddexaad ee shirka madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada laga dareemayo gudaha magaaladaasi.

    Dhaq-dhaqaaqyo ciidan ayaa ka jira magaalada, waxaana sidoo kale tiro joob lagu bilaabay ciidamada jooga qeybaha kala duwan ee Dhuusamareeb, si loola socda xogtooda oo dhameystiran.

    Ujeedka ayaa ah sidii looga hortagi lahaa isku dhacyo ama kala shaki soo kala dhexg-ala ciidamada, inta uu socda shirka Dhuusamareeb oo sidoo kale ay ka qeyb gali doonaan saamileyda siyaasadeed ee dalka oo ay ugu horreyaan xisbiyada mucaaradka.

    Sidoo kale ciidamada dowladda iyo kuwa Galmdug ayaa lagu soo warramayaa inay howl-gallo ka bilaabeen gudaha magaaladaasi, iyaga oo guri guri u baarayaha xaafadaha degmadaasi.

    Ciidamada ayaa sidoo kale baaraya gaadiidka kala duwan ee isaga kala goosha waddooyinka kala duwan ee caasimadda Galmudug.

    Dhuusamareeb ayaa saddex maalin kadin marti gelineysa shir ballaaran oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka lagu muransan yahay ee 2020/2021.


  8. Cutubyo ka tirsan Ciidamada Miletariga Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Koonfurta Gobolka Mudug ayaa lagu soo warramayaa in ay ku baxeen Degaanka Shabeellow oo qiyaastii 20KM dhanka bari kaga beegan Degmada Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.

    Degaanka Shabeellow waxaa saaka ka dhacay Dagaal culus oo dhexmaray Al-shabaab iyo Dadka Degaanka  kadib markii Malayshiyaadka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Shabeellow inkastoo aan weli la xaqiijin Khasaara rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalka.

    Guddoomiyaha Maamulka Galmudug u qaabilsan degmada Bacaadweyn Axmed Daahir Macallin oo ka warbixiyay Dagaalka ayaa laga soo xigtay in AL-shabaab ay af-duubteen qaar kamid ah dadka Degaanka Shabeellow oo uu ku jiro wadaad caan ka ahaa Degaankaas.

    Dhinaca kale Qoraal ka soo baxay Al-shabaab ayay ku sheegeen in ay la wareegeen Degaanka Shabeellow kadib markii ay Dagaal kaga qabsadeen Ciidamo ka tirsan Galmudug kuwaas oo ay ka dileen ilaa 9 askari sida ay warka u dhigeen.

    PUNTLAND POST

    The post Ciidamada Miletariga Soomaaliya oo ku wajahan Degaanka Shabeellow appeared first on Puntland Post.


  9. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo iskaashanayo ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinaayo waxaa ay ka wadaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka goboleedka Galmudug.

    Howlgalladaan ayaa socday labadii habeen ee lasoo dhaafay, ciidamada ayaana guryaha magaalada iyo gaadiidkaba baaritaanno ku wada, waxaana socdo tiro koob lagu wado ciidamada ku sugan magaalada qeybahooda kala duwan.

    Magaalada Dhuusaamareb ayaa lagu wadaa in sedex maalin kadib ay marti geliso shirka ka tashiga doorashooyinka dalka ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, uu madaxweyne Qooqoor uu shaaciyey in waqigiisa lagu qaban doono, waxaana lafilayaa in madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada ay u gaaraan magaalada dhuusamareeb 3.

    Goobjoog News

     

    Source: goobjoog.com


  10. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug, Mudane Cabidkariin Xuseen Guuleed ayaa dalka Turkiga kula kulmay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

    Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda dalka, xaaladda Galmudug iyo shirka Dhuusamareeb-3.

    Cabdikariin Guuleed oo qoraal soo saaray ayaa ka warbixiyey kulankaasi, wuxuuna tilmaamay inay iska xog wareysteen xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo arrimaha hortabinta leh.

    Sidoo kale wuxuu Madaxweyne Qoor-Qoor ku boggaadiyey dadaalladii iyo howlihii wanaagsanaa ee uu qabtay muddada yar ee uu hoggaanka u hayo dowlad goboleedka Galmudug.

    “Waxaan magaaladda Istanbul ee wadanka Turkiga ku kullanay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxaana ka wadahadalnay xaaladdihii ugu dambeeyay ee dalka iyo arrimaha hortabinta leh. Sidoo kale madaxweyne Qoor Qoor waxaan ku boggaadiyay howlihii wanaagsanaa ee uu muddada kooban ka qabtay deegaannada Galmudug, anigoo ku dhiiri-galiyay in lasii labo jibaaro.” ayuu yiri Cabdikariin Xuuseen Guleed.

    Waxaa kale oo uu intaasi ku daray inay ka wada-hadleen arrimo ku aadan shirka Dhuusamareen-3, isaga oo shaaciyey inay ku ballameen in shirkaasi lagu qabto waqtigiisa, si looga arrinsado xaaladda dalka, gaar ahaan qabsoomida doorashada 2020/2021.

    “Galmudug waxey hadda udub dhexaad u tahay siyaasadda kala guurka ah ee Soomaaliya, waxaana isha lagu wada hayaa shirka Dhuusamareeb 3. Madaxweyne Qoor Qoor waxaan isla soo qaadnay inuu shirkaasi xilligiisa ku qabsoomo iyo inuu dhexda u xirto iney kasoo baxaan go,aamo Soomaalidu raali ka wada tahay oo jidka u xaara iney doorashadu noqoto mid lagu wada qanacsan yahay oo xiligeeddana ku dhacda” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mr Guuleed.

    Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo 15-ka bishan August qurshuhu yahay inay markale Dhuusamareeb isugu tagaan madaxda dowladda, kuwa dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka, si loogu heshiiyo doorashada 2020/2021.


  11. Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa dagaal xooggan subaxnimadii hore ee saaka dhexmaray malayshiyaadka Al-shabaab iyo dadka degaanka Shabeellow oo hoostaga degmada Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.

    Wararka halkaasi laga helayo waxay sheegayaan in malayshiyaadka Al-shabaab ay waaberkii hore ee saaka weerar ku qaadeen degaanka Shabeellow kadibna dagaal culus dhexmaray iyaga iyo dadka degaankaas.

    Guddoomiyaha Maamulka Galmudug u qaabilsan degmada Bacaadweyn Axmed Daahir Macallin oo ka warbixiyay dagaalka ayaa laga soo xigtay in AL-shabaab ay af-duubteen qaar kamid ah dadka degaanka Shabeellow oo uu ku jiro wadaad caan ka ahaa degaankaas.

    Dagaalka waxaa la soo werinayaa in uu ka dhashay khasaare kala duwan oo aan weli  si rasmiya loo xaqiijin waxaase jira warar hordhac ah oo tibaaxaya in Al-shabaab laga dilay ilaa 4 xubnood.

    PUNTLAND POST

    The post Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday degaanka Shabeellow oo ka tirsan gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.


  12. New York (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka wadanka Mareykanka ayaa gaartay guul aad u weyn, kadib markii ay markale ku guuleysatay kursiga xisbigeeda ee Aqalka Wakiilada dalkaasi.

    Ilhaan ayaa kursigan tartan adag kula gashay illaa afar musharrax oo uu ka mid ahaa Antone Melton-Meaux, kuwaas oo dhamaantood u hanqal taagayay inay iyada meesha ka saaraan.

    Taageerayaasha Ilhaan Cumar ayaa markale xushay, kadib doorasho ay ka gashay xibigeeda dhexdiisa, waxaana ay difaacatay kursigeeda degmada 5-aad ee Minnesota, marka la gaaro doorashada Mareykanka ka dhaceysa bisha November.

    Guusheeda kadib Ilhaan Cumar ayaa dabaal degtay, waxaana barteeda Twitterka ay ku shaacisay in iyada iyo taageerayaasheeduba ay ka guuleysteen lacag ay sheegtay in la abaabulay, si meesha looga saaro.

    “Gudaha Minnesota, mar kasta waxaan ognahay in dadka is abaabulay ay ka adkaanayaan lacagta la abaabulay. Caawana, dhaqdhaqaaqeennu guul kaliya ma uusan soo hoyinin. Waxaan kasbannay maamul isbaddal keenaya. Iyadoo ay jireen dadaallo ay dad gobolka ka baxsan ugu jireen inay guul darro nagu dhacdo, mar kale ayaan taariikh dhignay. Iyadoo ay jireen weerarro nagu socday, taageeradeennu wey sii korodhay.” ayey tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar.

    Afartii sano ee la soo dhaafay waxay Ilhaan si weyn uga dhex muuqatay siyaasadda Mareykanka, iyadoo codkeeda ku muujineysay sida ay uga soo horjeeddo siyaasadaha Trump.


  13. Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdi-kariim Xuseen Guleed ayaa ka warbixiyey kulan uu wadanka Turkiga kula qaatay maadaxweynaha cusub Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, oo ku sugan dalka Turkiga.

    Cabdi-kariim ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ay kawada hadleen xalaadihii ugu dambeeyey ee Galmudug iyo howlaha horyaalla hadda  madaxweyne, waxaana uu sheegay Galmudug in hadda ay udub dhexaad ay u tahay siyaasadda guud ee dalka, waxaana uu ku yioiri qoraal uu ku soo daabaxay bartiisa Cabdikariim Xuseen Guuleed

    “Waxaan magaaladda Istanbul ee wadanka Turkiga ku kullanay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor,  Galmudug waxey hadda udub dhexaad u tahay siyaasadda kala guurka ah ee Soomaaliya, waxaana isha lagu wada hayaa shirka Dhuusamareeb 3”.

    Madaxweynihii ee Galmudug ayaa sidoo kale hadalkiisa ku yiri “Madaxweyne Qoor Qoor waxaan isla soo qaadnay inuu shirkaasi xilligiisa ku qabsoomo iyo inuu dhexda u xirto iney kasoo baxaan go,aamo Soomaalidu raali ka wada tahay oo jidka u xaara iney doorashadu noqoto mid lagu wada qanacsan yahay oo xiligeeddana ku dhacda” ayuu yiri Cabdikariim Guuleed”.

    Goobjoog News

     

     

    Source: goobjoog.com


  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Axmed Cadow oo ah diblomaasi iyo siyaasi hore oo rugcaddaa ah ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marxaladda kala guurka ee xilligan adag lagu jiro, kadib wareysi uu siiyey, TV-ga Shabelle.

    Cadow ayaa marka hore xoojiyey in la adkeeyo nabadda iyo deganaasha dalka, si looga baaqsado in markale uu dalku kalo fowdo iyo dagaal sokeeye.

    Sidoo kale wuxuu wareysigaan ku soo hadal qaaday xaaladda uu haatan ku jiro wadanka, sida doorashada 2020/2021, magacaabida ra’iisul wasaaraha cusub iyo arrimo kale.

    Cabdullaahi Axmed Cadow ayaa shaaciyey inay muhiim tahay in heshiis rasmi ah ay gaaraan dowladda iyo mucaaradka, iyada oo la’eegayao danaha guud ee Qaranka.

    Waxa kale oo uu carabka ku goday in xilligan laga haboon yahay  magacaabida ra’iisul wasaare, isaga oo ku taliyey in Mahadi Guuleed oo ah ku sime iyo golaha wasiirada loo daayo maamulka, inta laga gaarayo doorasho heshiis lagu yahay.

    “Prime-minister wuu joogaa waa Caretaker weeye, (ku sime) baarlamaankii wuu joggaa inta Caretaker-ku jiro maamulku wuu soconayaa nabaddii waa jirtaa, ha la gaaro in la heshiiyo iyo habkii ay doorashada u dhici laheyd.” ayuu yiri Cadow.

    Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Aniga maamul waa ku soo jiray wax dhibaato ah ma’arko nin Prime-minister ah oo KMG ah ayaa la magacaabay oo ahaa ra’iisul wasaare ku xigeen, golaha wasiirada Khamiistii dhoweyd wey fariisteen, tii ka horreysay waa fariisteen wax dhibaato ah ma jiraan marka.”

    Ugu dambeyn wuxuu madaxweynaha Soomaaliya kula taliyey, haddii uu ra’iisul wasaare cusub magacaacabayo inuu sameeyo la tashiyo fara badan, balse isagu wuxuu soo jeediyey in ku simaha loo daayo inta laga gaarayo doorashada soo socota ee 2020/2021.

    “Anigu waxaa qabaa inuu madaxweynuhu sameeyo la tashi fara badan asaa laga rabaa Dastuuriyan magacaabida isagaa ayaa iska leh Prime-minister-ka asay u taallaa haddii uu kan sii heysanayana ay wanaagsan tahay inta laga aadayo doorasho” ayuu sii raaciyey.

    Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan dalka  uu ku jiro xaalad siyaasadeed oo cakiran oo ka dhalatay arrimaha doorashada oo ay isku hayaan madaxda dowladda, kuwa dowlad goboleedyada iyo mucaaradka oo dhinac ah, balse lama oga sida ay wax noqon doonaan, iyadoona markale 15-ka bishan lagu ballansan yahay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug si looga wada-hadlo arrimaha doorashooyinka ee 20/21.


  15. Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah la filayaa in ay dood saddexaad ka yeeshaan Hinddise Sharciyeedka Qareennada Soomaaliyeed oo weli horyaalla Baarlamanka.

    Fariin xalay loo diray Mudanayaasha Baarlamanka ayaa loogu sheegay in ay soo xaadiraan Kulanka Golaha  oo Ajandihiisu yahay Akhrinta saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Qareennada Soomaaliyeed kaas oo Xildhibaannadu ay mar kale dood ka yeelanayaan.

    Sidoo kale Ajandaha waxaa kamid ah Akhrinta Warbixinta Guddiga Dastuurka Baarlamanka taas oo Xildhibaannadu ka doodi doonaan kadib markii ay soo akhristaan.

    PUNTLAND POST

    The post Golaha Shacabka oo Maanta ka doodaya Sharciga Qareennada Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.


  16. Wararka saaka laga helaayo Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal xooggan uu ka socdo duleedka deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

    Dagaalka ayaa waxaa uu dhaxeeyaa ciidamada xoogga dalka 21-aad iyo Al-shabab oo saaka weerarro ku soo qaaday saldhig ciidamada ay ku leeyihiin duleedka degmada.

    Waxaan si dhaba loo ogeyn khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray dadka shacabka ah iyo dhinacyada dagaalamay madaama dagaalka uu yahay mid weli socda.

    Goobjoog News

     

    Source: goobjoog.com


  17. ilhaan-Cumar.jpg?w=1000&ssl=1

    IlhanCumar, oo kasoo jeedda jaaliyadda Soomaalida ee dalka Mareykanka ayaa ku guuleysatay doorasho ay xibigeeda dhexdiisa ka gashay, taasoo loogu tartamayay matalaadda kursiga xildhibaannimada Aqalka Wakiillada ee degmo ka mid ah gobolka Minnesota.

    Waxay loollan adag kula jirtay siyaasiga lagu magacaabo Antone Melton-Meaux iyo saddex musharrax oo kale, kuwaasoo dhammaantood u hanqal taagayay inay iyada meesha ka saaraan.

    Dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay ayey Ilhaan la kulmeysay cadaadis xooggan iyo dhaleeceyn inteeda badan loogu jeedinayay baraha bulshada.

    Laakiin taageerayaasha xisbiga ayaa mar kale Ilhaan u xushay inay sii difaacato kursigeeda degmada 5-aad ee Minnesota, marka la gaadho doorashada Mareykanka ka dhaceysa bisha November.

    Ilhaan ayaa guusheeda kaddib waxa ay boggeeda Twitterka kusoo qortay:

    Gudaha Minnesota, mar kasta waxaan ognahay in dadka is abaabulay ay ka adkaanayaan lacagta la abaabulay. Caawana, dhaqdhaqaaqeennu guul kaliya ma uusan soo hoyinin. Waxaan kasbannay maamul isbaddal keenaya. Iyadoo ay jireen dadaallo ay dad gobolka ka baxsan ugu jireen inay guul darro nagu dhacdo, mar kale ayaan taariikh dhignay. Iyadoo ay jireen weerarro nagu socday, taageeradeennu wey sii korodhay”.

    Antone Melton-Meaux, oo ah ninka sida weyn ugu xusul duubayay inuu Ilhaan kursiga ka faromaroojisto, ayaa la sheegay inuu isticmaalayay lacago aad u badan.

    Lacagta badan ee uu u aruursaday ol’olihiisa doorashada awgeed ayaa ninkan loogu saadaalinayay inuu ka guuleysan doono Ilhaan.

    Wuxuu iibsaday inta badan xayeysiimaha warbaahinta gobolka Minnesota, taasoo cabsi galisay taageerayaasha Ilhaan Cumar. Musharraxiintii kale ayaan helin cidad sidaas usii badan.

    Afartii sano ee lasoo dhaafay waxay Ilhaan si weyn uga dhex muuqatay siyaasadda Mareykanka, iyadoo codkeeda ku muujineysay sida ay uga soo horjeeddo siyaasadaha maamulka madaxweyne Donald Trump.

    Waxay noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliya kasoo jeedda ee heerkaas gaadha, sidoo kalena waxay ka mid tahay haweenka muslimiinta ah ee markii ugu horreysay ku biiray Congress-ka Marerykanka.

    Ilhaan oo kursigeeda difaacaneysay ayaa ku guuleysatay codad ka badan kuwii ay u baahneyd inay kusoo baxdo. Sidaas waxay ku noqotay musharraxa xisbiga Dimuqraaddiga ee doorashada uga qeyb gali doona bisha November.

    Waxay doorashadaas ku wajihi doontaa musharraxa kasoo jeeda dhinaca xisbiga Jamhuuriga. Xisbiga Dimuqraaddiga ayaan wax walwal ah ka qabin natiijada doorashada November ay ka fileyso Ilhaan.

    40-kii sano ee ugu dambeysay ayuu xisbigan ku xoogganaa gobolkaas.

    Xigasho: BBC Somali

    PUNTLAND POST

    The post Ilhaan Cumar oo mar kale ku guuleysatay kursiga xisbigeeda ee Aqalka Wakiillada appeared first on Puntland Post.