Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Saacadaha soo socda, waxaa lagu wadaaa in War-murtiyeed laga soo saaro Shir Caawa Magaalada Garoowe uga socda Madaxda Puntland iyo Jubbaland. Shirka Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, waxaa ka qayb-galaya xubno ka tirsan Golayaasha labada dhinac, oo ay weheliyaan Madaxweynayaashii hore ee Puntland iyo Senetor ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlaamanka Soomaaliya. Shirka waxa looga arrinsanaya mowqifka labada Maamul ee ku wajahan Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaanna Arrimaha Doorashada 2020/2021, oo aan weli heshiis midaysan laga gaarin Hannaanka ay u dhacayso. Xog hoose oo warbaahinta Puntland Post ka heshay Shirka Garoowe, waxay sheegaysaa in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay aqbaleen dadaal dhex-dhexaadin ah oo uu wado Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto. Xogtu waxay intaas ku daraysaa, in Deni iyo Axmed Madoobe ay maalmaha soo socda ka degi doonaan Magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kulan gaar ah kula yeelan doonaan Safiirka Maraykanka Donald Yamamoto oo dhex-dhexaadinaya iyaga iyo Villa Somalia. Sidoo kale, waxay la kulmi doonaan Madaxweyne Farmaajo, si loo dhammeeyo tabashada Puntland iyo Jubbaland ka qabaan Shirkii Dhuusamareeb 3, islamarkaana loogu ballamo shir kale oo lagu turxaan-bixiyo Heshiiskii Dhuusamareeb 3 ee Arrimaha Doorashada. PUNTLAND POST The post XOG: Deni iyo Axmed Madoobe oo ku wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  2. Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa ku howlan sameynta dhoolla-tus millateri, kadib markii ay dhawaan shaacisay in Badda (Mediterranean Sea) ay ka heshay Saliid iyo Gaas dabiici ah oo ay ka faa’iideysaneyso wax soo saarkiisa.. Dhoolla-tuskaasi ayaa kasii dari kara xiisada Turkiga kala dhaxeysa Giriiga, midaasi oo salka ku haysa xudduuda labada dhinaca, oo ay yihiin xad biyo wadaag ah. Waxaana isasoo taraya bandhigga hubka iyo maraakiibta casriga ah oo ay kala leeyihiin xukuumadaha Turkiga iyo Giriiga, taasi oo gaartay meeshii u sareysay, iyada oo dhinac walba uu doonayo inuu is muujiyo isaga oo liidaya dhanka kale. Xukuumaddaha Turkiga iyo Giriiga ayaa labaduba wacad ku maray inay dhoola-tus millateri ay ka sameyn doonaan maanta Jasiiradda Crete, taasi oo dab kusii qabaneysa xiisada labada dhinac oo laga cabsi qabo inay horseedo dagaal hor leh. Xiisada labada dowladooda ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii uu dhawaan Turkigu sheegay in Badda Mediterranean ay ka heshay Saliid iyo Gaas dabiici ah, isla markaana ay sii wadi doonaan baaritaanka saliidda ee uu ka wado baddaasi. Tallaabadaasi uu qaaday Turkigu ayaa waxa si weyn uga carooday Giriiga oo u arka in howl-galada baaritaan ee Ankara ay wado yihiin kuwo sharci darro ah. Muranka labada dhinac ayaa kasii daraya, xili uu dhinac walba uu wacad ku marayo inuu dhoola-tus millater ka sameyn doono baddaasi oo uu ku muujinayo awoodiisa, midaasi oo dhalin karta in ciidamada labada dowladood ee ka wada tirsan gaashan buurta NATO uu dhexmaro iska hor-imaad aan la mahdin. The post TURKIGA oo sameynaya dhoolla-tus militari xilli ay kasii dartay xiisadda Greece first appeared on Caasimada Online.
  3. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Qubanaha-shabelle-25082020.mp3 View the full article
  4. Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb ku qaabilay wafdi uu hoggaamiyey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta soo gaaray Dhuusamareeb. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebookga faahfaahin uga bixiyey waxyaabihii ay madaxweynaha uga wadahadleen kulankaas. “Waxaan kulan saacado badan qaatay aniga iyo wafdigayga la qaadanay Madaxweynaha Galmudug mudane Axmad Cabdi Kaariye. Kulanka ayaan diirada ku saarnay xaaladda Galmudug, tan Soomaaliya iyo guulihii shirarkii Dhuusmarreeb” ayuu qoraalkiisa ku yiri. Qoraalka Cabdiraxmaan ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan madaxweynaha isla garanay kaalinta Galmudug ee geedi socodka dhismaha nabadda iyo dawladnimada Soomaaljya.” Iyadoo dhawaan Dhuusamareeb lagu soo gaba-gabeeyay wajigii sedaxaad ee shirkii wadatashiga madaxda dowladda federaalka iyo kuwo dowlad goboleedyada dalka ayaa waxaa maanta soo gaaray wafdi uu hogaaminayo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Cabdiraxmaan oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isaga iyo wafdigiisa ay u sii gudbi doonaan magaalada Garowe oo ay kuwada suganyihiin madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland. Siyaasigan oo si weyn u dhaliila hab maamulka madaxda federaalka ayaa lagu wadaa in uu Garowe kulan kula qaato madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo iyagana ay aad siyaasada dalka isugu hayaan Villa Somalia. The post Sawirro: Maxay ka wadahadleen Qoor Qoor iyo CC Shakuur? first appeared on Caasimada Online.
  5. Baydhaba (Caasimada Online)-Duqeyn ka dhacday inta u dhaxeysa magaalooyinka Diinsoor iyo Baardheere ayaa lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab. Sarkaalkaas waxaa magaciisa lagu sheegay Cabduqaadir Cusmaan Yarow (Cabduqaadir Kumaandoos), waxuuna mar soo noqday madaxa Jabhadaha Al-Shabaab. Duqeynta lagu dilay Cabdulqaadir Kumaandoos ayaa maanta barqadii ka dhacday Tuulo lagu magacaabo Cadaad-Gari oo dhacda inta u dhaxeysa degmooyinka Diinsoor iyo Baardheere. Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in goorta la beegsaday sarkaalkaas uu tirsanayey xoolo nool oo qeyb ahaan ugu soo aaday. Xoolahaas ayaa la sheegay in dadka ku nool deegaanadaas ay Zeko ahaan uga soo uruursadeen Al-Shabaab, kadibna ay qeyb-sadeen. The post Madaxii Jabhadaha Al-Shabaab C/qaadir Kumaandoos oo la dilay first appeared on Caasimada Online.
  6. MOGADISHU (HOL) - One in five children under five in Somalia show signs of malnutrition, a new study has revealed warning good nutrition is still out of reach for millions of Somali children in the same age bracket. Source: Hiiraan Online
  7. Turkey and Libya on Thursday declared a recent agreement signed between Greece and Egypt on the delimitation of maritime jurisdictions in the Eastern Mediterranean “null and void," stressing that the deal usurped and ignored the rights and continental shelves of both Ankara and Tripoli. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Habeen-25082020.mp3 View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horreysay ka hadlay kulankii xalay magaalada Muqdisho ku dhexmaray isaga iyo Fahad Yaasiin, oo ah Taliyaha NISA. Xasan Sheekh ayaa kulankaasi ku sheegay mid ka marnaa arrimaha siyaasadda, wuxuuna ku macneeyay mid ‘booqasho ahaa’ oo aan laheyn ajende siyaasada, maadama kulankaasi lala xiriirinayay magacaabista ra’iisal wasaaraha cusub iyo arrimaha doorashooyinka dalka “Kulankii aniga iyo Fahad yasiin nagu dhaxmaray hooygeyga shalay ma ahayn kulan siyaasadeed” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Wuxuuna intaas sii raaciyey “Wax ajende siyaasadeed ah oo aan ka wada hadalnay ma jirin. Wuxuu ahaa booqasho salaan ah”. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in kaalinta uu kaga jiro talada dalka darteed uu Fahad ugu booqday gurigiisa, isla markaana ay ku koobneyd arrimo ka baxsan xaalka dalka. “Maadaam aan oday Soomaaliyeed ahayna qof kasta oo soo gasho gurigeyga waa la xusmeynaa mar kasta.” Marka laga soo tago hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, illo xog-ogaal ah ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey in laga wada hadlay qodobo badan oo la xiriiro xaaladda kala guurka uu dalka marayo iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka dhanka doorashada. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in arrimaha laga wada hadlay ay ku jirtay magacaabida Ra’iisul Wasaaraha oo Madaxweyne Farmaajo ku dheeraatay. Hadal heyn xoog leh ayaa soo xoogeysaneysay todobaadyadii u dambeeyay oo ahaa inay dhici karto in Mucaaradka lagula gorgortamo xilka Ra’iisul Wasaaraha ama Xukuumad qeyb ka yihiin mucaaradka. Qorshaha ka dambeeya arrintaas ayaana ah muddo kororsi, haddii ay dhacdo in Ra’iisul Wasaaraha lagula heshiiyo Mucaaradka, waxaana loo arkaa in Fahad Yaasiin yahay buundada isku xiri karta Mucaaradka iyo Farmaajo oo uu gacantiisa midig yahay. The post Madaxweyne Xasan oo faah-faahin ka bixiyey kulankii uu la yeeshay Fahad Yaasiin first appeared on Caasimada Online.
  10. Maanta ayaa laga joogaa 30 maalin markii xilka laga qaaday ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali kheyrre waxaana la sugayay in Madaxweyne Farmaajo soo magacaabo ra’iisul wasaare soona dhisa xukuumad sii wadda hawlaha dowladda inta ka dhimman muddo-xileedka dowladda nabad iyo nolol. Daawo Warbixin Ku Saabsan Magacaabista Raiisulwasaaraha Sidoo Kale Aqriso Xogta Magacaabista Raiisulwasaaraha Oo Faah Faahsan Ma jiro Qodob Dastuuri ah oo Muddo u Cayimaya Soo Magacaabista Raiisulwasaaraha Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. (SLT-Khartoum)-Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi uu hogaaminaayay ayaa Maanta gaadhay Magaalada Khartuum ee Caasimadda dalka Suudaan. Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa Ra’iisul Wasaare Abiy kusoo dhaweeyay dhiggiisa Suudaan Cabdalla Xamduun iyo Madax kale oo ka tirsan dalkaas, waxaana loo gadbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyadda. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa kulan gaar ahaan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduun, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dhinac iyo Arrimo kale oo ku aadan xaaladda Gobolka. Sidoo kale laba Ra’iisul Wasaare ayaa ka hadlay muran u dhexeeya dowladaha Masar iyo Itoobiya, kaasi oo salka ku haaya biyo xireenka webiga Niil, waxaana RW Xamduun uu sheegay in la sii wadi doono wadahadalada ku saabsan biyo xidheenka webiga. Source
  12. Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee DFS Iyadoo la kaashaneysa hay’ada ay wada shaqeyaan ee Soomaaliya Gaara ahaan UNICEF-Somalia, Waxaa sharaf Weyn u ah in ay soo saarto manta natiijada Sahanka xogta nafaqada soomaaliya oo dhammeystiran (The Somalia Micronutrient Survey 2019 results), Waxaa Xusid mudan in Soo gabagabeenta iyo ka guulgaarista qabashada sahanka nafaqada ay tahay guul inoo soo wadahoyatay dhamaanteena. Sahankan Waxay ujeedadiisu ahayd in uu bixiyo sawir guud oo ku saabsan heerka nafaqada haweenka iyo caruurta Da’doodu kayar shanta sano. Waxaana sahankani lagu sameeyey 2,400 qooys oo ku kala nool; Somaliland, puntland, Jubaland, Galmudug, Hirshabele, koonfur-galbeed, Gobolka Benaadir iyo sidoo kale dadka barakacayaasha (IDPs) si loo ogaado heer kooda nafaqada. Uruurinta xogta sahanka nafaqada lagu aruuriyay waxaa ka mid ah; xogtaqoyska (House Hold Data), xogta cabirka koritaanka jirka caruurta (Child Growth Monitoring) iyo; tilmaamayaal badan oo ay ka midyihiin: dhiiga, kaadida iyo saamiyada biyaha iyo Cusbada. Natiijada sahanka nafaqada kasoo baxday waxaa lagu ogaaday: • In kabadan 40% oo haween iyo caruur ah ay qabeen dhiig yari (Aneamia) • 34% oo caruur ah ayaa qabay Vitamin A yari (Vitamin A deficiency) • 11% oo haween ah ayaa qabay vitamin A yari ( Vitamin A deficiency) Ayadoo laga Tixraacaayo natiijooyinka kasobaxay sahanka nafaqada ee soomaaliya 2019 Wasaarada caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Soomaaliya waxay horseed u noqon doontaa dejinta siyaasadda iyo istraatiijiyadaha lagu yareyn doono heerka nafaqo yarida (malnutrition) sidoo kalena waxay kor uqaadi doontaa heerka nafaqada haweenka iyo caruurta shanta sano kayar iyo guud ahaanba dadweeynaha soomaaliyeed. Ugudanbeyntii Wasaarad da caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee soomalaiya waxay ku boorineysaa dhamaan hay’adaha dowlada, Hay’adaaha UN ka, Kuwa Caalamiga ah, Ururada Maxaliaga ah, Ganacsadata, Shirkadaha gaarka looleeyahay, Iyo Kuwa Cilmibaarista, in ay u isticmaalaan natiijada sahanka nafaqada soomaaliya 2019 dhamaan barnaamijyada Hurmarinta nafaqada ee guuudahaan dalka . Halkan Ka Daawo Xogta Ka Soo Baxday Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Turkey has delivered 12 off-road vehicles to Somalia as part of bilateral military and financial cooperation agreements, the National Defense Ministry said on Monday. In a statement, it said the vehicles, which are meant for use over rough terrain, were supplied for the Somali 3rd (Eagle) Infantry Battalion. They were handed over to Somalia’s chief of defense force on Aug 22. The two countries are longstanding partners, engaging in close cooperation in different fields. View the full article
  14. The United Nations (UN) and its partners have raised concerns about gaps in geographic coverage of testing of COVID-19 cases in Somalia amid daily declines in the number of confirmed cases in August. The UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said in its latest COVID-19 Update released on Monday that despite the progress which has been made by the government, there are some districts with no confirmed cases due to lack of testing capacity. “In Jubaland (southern region), partners report lack of enough ventilators and oxygen machines, lack of a regional laboratory as well as inadequate funding to support Ceel Waaq and Dhobley isolation centers,” said the UN humanitarian agency. It said around 200 out of 838 schools need support to implement protocols and measures to mitigate the pandemic risk in Somaliland. According to OCHA, in Puntland State of northern Somalia, partners are concerned that the public has largely relaxed adherence to COVID-19 protocols and safety measures, despite cases reaching 400 in the state. View the full article
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa goor dhow soo dhammaaday kulan xasaasi ah oo u dhaxeeyey Beesha Caalamka iyo Madasha Xisbiyada Qaran kaasoo looga hadlayey heshiiskii ay Dhuusamareeb 3 ku kala saxiixdeen Dowladda Dhexe iyo qaar ka tirsan Madaxda Maamul Goboleedyada. Kulanka u dhaxeeyey Beesha Caalamka iyo madasha xisbiyada Qaran ayaa wuxuu ka dhacay gudaha Xarunta Xalane ee Muqdisho, waxaana ka qeyb galay hoggaamiyaasha ugu sarreeyo madasha. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Beesha Caalamka la wadaagtay walaac ku saabsan heshiiskii Dhuusamareeb lagu gaaray ee ku saabsanaa doorashada , waxayna Beesha Caalamka ka codsatay in heshiiskaas laga qeyb geliyo dhammaan saamileyda siyaasadda si uu u noqdo mid dhameystiran. Beesha Caalamka iyo Madasha ayaa sidoo kale isla gartay inay lagama maarmaan tahay in heshiiska Dhuusamareeb 3 lagu caddeeyo waqtiga ay sida rasmiga ah u dhaceyso doorashada. Sidoo kale waxay Beesha Caalamka iyo Madasha isla garteen in xal deg deg ah loo helo khilaafka waqtiga dheer soo jiitamayey ee u dhaxeeyo baarlamaanka Labadiisa Gole si loo ansixiyo heshiiska Dhuusamareeb 3. Kulanka Beesha Caalamka iyo Madasha xisbiyada Qaran ayaa kusoo aadayo xilli la hadal hayo in Beesha Caalamka ay Madaxweyne Farmaajo ku cadaadineyso in mar kale ay kulmaan dhammaan madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka si loo dhameystiro heshiiska Dhuusamareeb 3 oo ay ka maqnaayeen madaxweynayaasha Jubbaland iyo Punland. The post Maxaa kasoo baxay kulankii dhex maray Beesha Caalamka iyo madasha Xisbiyada Qaran? first appeared on Caasimada Online.
  16. Magaalada Garoowe waxa ka soconaya kulan u dhaxeeya Madaxwaynayaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland kuwaas oo aan ka qayb galin shirkii Dhuusmareb-3. Ujeedka kulankan ayaa ah sidii labada Madaxweyne ay uga hadli lahayeen arrimo la xiriira doorashooyinka dalka 2021- oo shirkii Dhuusmareeb -3 laga soo saaray degaan doorasho. Waxa la filayaa in kulanka labada dhinac marka uu soo dhamaado ay ka soo saaraan go’aankooda ku saabsan qodobadii ka soo baxay shirka Dhuusmareeb -3 oo ay diideen masuuliyiintan. Qaar ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa ka kala duwan ka bixiyay socdaalka madaxweynaha Maamulka Axmed Maxamed Islaaam iyo kalamada Garoowe labada dhinac ugu socda,waxayna dadka guul iyo horomar ka rajeeyeen in ay ka soo baxaan arimo muhiim u ah danaha dalka. Halkan Ka Daawo Aaragtida Qaar Ka Mid Ah Shacabka Muqdisho Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Nin ka dheereeya mishiinka wax lagu xisaabo Waxaad Neelakantha Bhanu Prakash ku tilmaami kartaa Usain Bolt-ha xisaabta. Waxa uu jiraa 20 sanno, wuxuuna ku guleystay billad dahab ah mar uu ka qeyb galay tartanka xisaabaadka maskaxda. Wuxuu sheegayaa in tartaankaasi uu yahay ciyaaraha maskaxda kaasi oo meessha ka saarayo xabsida laga qabo xisaabta. Bhanu wuxuu sheegayaa in “Markasta uu ka fakaro tirada” haddana uu yahay qofka ugu dhakhsiyaha badan dunida oo dhan marka ay timaaddo xallinta xisaabta, gaar ahaan xisaabta kor laga sheego adigoon qalin ama meshiinta xisaabta qaadan. Wuxuu isbar-bardhigay dadka leh hibada xisaabta iyo dadka kale ee u tartama cayaraha kala duwan, waxa uu tilmaamay in aan inta badan dirradda la saarin dadka leh hibooyinka gaarka ah. “Waxaan u dabaal-degeynaa dadka sida Usain Bolt marka uu 100 mitir ku jaro 9.8 ilbiriqsi.” Waxa uu sidaasi u sheegay BBC-Radio 1 Newsbeat. “Waxba looma sameeyo dadka kale si loogu dhiirageliyo waxa wanaagsan ee ay sameeynayaan, marka waxaa loo baahan yahay in dadka kale ee leh hibada gaarka ah loo sameeya dhiiragelin”. ‘Waxay maskaxdaada u horseedeysaa iney shaqeyso’ Waad ku fakari kartaa Bhanu inuu u dhashay hibada uu leeyahay ee xisaabta balse sidaasi ma ahan. Waxaa hibadaan u horseedday, markii uu jiray 5 sanno wuxuu galay shil kaddibna mudda sannad ah oo uu sariir saarnaa ayuu waqti u helay xisaabta. “Waalidiinteyda waxaa loo sheegay in aan maska ahaan liito, marka sidaa darteed waxaan bilaabay in aan xifdiyo xisaabta si aan maskaxdeyda uga shaqeysiiyo.” Waxa uu sheegaya inuu ka soo jeedo qoys dabaqadda dhexe ah, muhiimaddiisuna ay tahay inuu helo shaqo fiican ama uu furto ganacsi u gaar ah. ‘Maskax ballaaran oo ciyaare ah’ Sida dadka kale ee tarmada, Bhanu waxa uu guushiisa ku saleynayaa diyaarinta xisaabta. “Xifdinta xisaabta ma ahan in aad kursi fariisato oo barato, ee waa in aad masxkada si dhab ah uga shaqeysiiso”. “Iskumaan diyaarin in aan noqdo xisaabiye si deg-deg ah uga shaqeeya xisaabta, balse waxaan isu diyaariyay in aan si dhakhsiya u fakaro.” Bhanu markii uu yaraa wuxuu xisaabta sameyn jiray lix ilaa 7 saacadood maalin-walba marka uu iskuulka ka soo baxo. Balse tan iyo markii uu ku guulestay billada xisaabta, sidii hore ugama shaqeeyo xisaata, wuxuu taa ku badalay in uu ku tiirsanaado Ka shaqeynta xisaabta xilli aan go’nayn. “Waxaan markasta ka fakaraa tirooyinka,” ayuu yiri. “Waxaan xisaabta sameeyaa iyadoo miyuusig cod dheer daaran yahay, anigoo ciyaarayo kiriket-ka, sababtoo waa xilliyada maskaxdaada aad tababari karto marka aad waxyaabo badan sameyneyso. “Waxaan isku dari karaa tirada lambar kasta ee i dhaafa. Haddii aan qof la hadlaayo, waxaan xisaabin karaa inta goor ee qofkaasi uu ilbiriqsado,” ayuu yiri Bhanu. ‘Waxa ay soo jiidan kartaa dadka’ Muhiimadda Bhanu ma ahan oo kaliya inuu rekoor cusub dhigo, inkastoo u jecelyahay. Balse muhiimaddiisu ugu weyn waa inuu “ciribtiro cabsida laga qabo xisaabta”, Sababtoo dad badan waxay ka baqaan tirada. for India at Mental Calculation World Championship, MSO 4 World Records – Fastest Human Calculator These are just titles. My vision is to eradicate math phobia in and with @expinfi I reached to over a 2L students this lockdown though a project. There's a long way to go pic.twitter.com/DVJSrUFoIN — Neelakantha Bhanu Prakash J (@bhanuprakashjn) August 24, 2020 Waxa uu jabiyay afar rikoor, waalidiintiisuna aad ayay ugu faraxsan yihiin. Wuxuu qoyskiisa uga mahacelinayaa dhiragelinta ay siiyeen. “Ka dib markii aan ku guuleystay billadeydii ugu horreysay oo caalami ahayd, adeerkey wuxuu igu dhirageliyay in aan isku dayo inaan sii siyaadiyo dadaalkeyga ku aaddan xisaabta si aan u noqdo qofka keliya ee dunida ku nool ee khabiir ku ah dhanka tirada.” “Weligeey kumaan fikirin in aan noqon doono bin’aadamka u dhaksiyaha badan marka laga hadlayo xisaabta.” Qaran News
  18. Garowe (PP News Desk) — Puntland Ministry of Health has intervened to reduce the Covid-19 testing fees. Last week Puntland Post reported that the Ministry of Health charges $68 for Covid-19 test per person. The receipt issued to one person travelling from Garowe bears the logo of neither Puntland Health Ministry nor the company allegedly using the Ministry’s Covid-19 testing equipment. The Health Ministry of Puntland State posted a statement in the Facebook page of the Health Ministry to state the “Covid-19 test for people travelling costs $50 per person. The fee covers running costs of the laboratory.” The climb-down of Puntland Health Ministry indicates the dubious nature of the contract awarded to a private company administering Covid-19 tests and using the Ministry of Health Covid-19 equipment donated to Puntland State by the World Health Organisation (WHO). In May U.S. Mission to Somalia donated equipments to Puntland-based Covid-19 public labs. The Health Ministry of Puntland State did not investigate overcharging for Covid-19 tests for travellers nor has it clarified who uses the equipment at the premises owned by the Health Ministry. Tendering procedures oblige the Health Ministry to publish tendering information if the Ministry decides to outsource a service. In May the US Mission to Somalia donated “IT equipment and furniture to COVID-19 testing labs and isolation centers in Garowe and Bosaaso. The provision of the equipment will ensure samples are not damaged while being processed for testing, and enhance the operational efficiency and effectiveness of the testing labs.” Puntland Health Ministry climb-down: The fee covers the running costs of the laboratory. The receipt issued to one person for a Covid-19 test shows a fee of $68 but does not bear the logo of either the Puntland Ministry of Health or the private company allegedly providing Covid-19 tests for people travelling from Puntland State. © Puntland Post, 2020 The post A Company Uses Puntland Health Ministry Covid-19 Testing Equipment appeared first on Puntland Post.
  19. Awdheegle (Caasimadda Online) – Ciidamada Danab ee Dowladda Soomaaliya ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Daarusalaam ee hoos tagto Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Taliska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal qorsheysan lagu qaaday Daarulsalaam sidaasna ay ciidamada ugu suurtagashay inay gacanta ku dhigaan deegaankaas oo muhiim u ah Shabeelaha Hoose. Taliska Ciidamada ayaa sheegay in intii uu socday howlgalkaas lagu dilay xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab oo horey gacanta ugu heysay Daarusalaam. Dadka degan Daarusalaam ayaa Caasimadda Online u sheegay in ka hor inta aysan ciidamada Dowladda soo gelin deegaanka ay maqlayeen dagaal culus oo u dhaxeeyey labada dhinac markii dambana ay Ciidamada Dowladda u suurtagashay in ay la wareegaan deegaanka Daarusalaam. Wararka ayaa intaas ku sii daraya in Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliya ay wadaan howlgal miino baaris ah, Saraakiisha Ciidamada ayaa la filayaa in faah faahin ay ka bixiyaan howlgalka dhacay. Kooxda Al-Shabaab weli kama aysan hadlin dagaalkii looga qabsaday deegaanka Daarusalaam, sidoo kalana illaa hadda ma cadda khasaaraha kala gaaray labada dhinac. Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waday howlgalo qorsheysan oo Al-Shabaab looga saarayo deegaanada hoos tago Gobolka Shabeelaha Hoose. The post Ciidanka Danab oo Al-Shabaab kala wareegay deegaan muhiim ah oo dhaca Shabeelaha Hoose first appeared on Caasimada Online.
  20. Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ciidamada sida gaarka ah u tababaran ay gudaha galeen deegaanka Daaru-Salaam, xilli uu shir uga socday halkaasi saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan. Taliyaha guutada 16-aad ee ciidamada Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaalkaasi ay dileen illaa 10 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena ay ku dhaawaceen tiro intaasi ka badan. Maalin ayaa intaasi ku daray in haatan ay ku sugan yihiin gudaha Daaru-Salaam, islamarkaana ay saaareen dagaalyahanada Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
  21. Qaramada Midoobay ayaa muujisay walwal ay ka qabto kiisaska Cudurka Covid-19 ee Soomaaliya, oo lagu helay xaalado cusub baaristii ugu dambeeyay, waxaana sidaas ku sii kordhay diiwaangelinta maalinlaha inta lagu guda jiro Agoosto. Xafiiska Isu dawidda Arrimaha Bani aadamnimada Qaramada Midoobay ee (OCHA) ayaa walaac ka muujiyay warbixinnadii ugu dambeeyay ee la diiwaangeliyay Isniinta oo shalay ahayd, dadaalka Dowladda iyo sida degmooyinka qaar wali cudurka uu dadka jirkooda ku jiro. “Gudaha Jubbaland (Gobolka Koofureed), ma yaalaan qalab dadka ku filan, sida Hawo siiye iyo qalabka qofka siiya Neefta loo yaqaan Oxygen, Shaybaarka lagu baaro dadka iyo xarumaha dadka lagu karaantiilo ee Shaybaarka oo aan laga helin Degmooyinka go’oonka ku jira ee Ceelwaaq iyo Dhoobley” ayaa lagu yiri Warka Qaramada Midoobay. Ugu dmabeyn OCHA ayaa soo jeedisay in wax laga badalo sida ay wax u socdaan, maadaama Puntland laga diiwaangeliyay in ka badan 400-ruux, halka ay dhinteen dad la diiwaangeliyay, waxaana ka badan shaqsiyaadka dhintay iyaga oo aan Baaris lagu sameyn ama lagu arkin calaamadaha cudurka. View the full article
  22. Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb oo si aad ah loogu soo dhoweeyey. Xildhibaano, wasiiro iyo dadweyne ayaa ku soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaaladaasi. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa inta uu joogo Dhuusamareeb la kulmi doono madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah. Socdaalkiisa ayaa ku soo aadaya, kadib markii todobaadkii la soo dhaafay magaaladaas lagu soo gabagabeeyey wejiga saddexaad ee shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  23. Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dowladda Turkiga kala wareegtay gaadiid dagaal oo loogu tala-galay inay ku howl-galaan ciidanka xoogga dalka Soomaliya. Gaadiidkan oo gaaray illaa 12 baabuur ayaa waxaa loogu tala-galay inay isticmaalaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor gaar ahaan guutada saddexaad, sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda difaaca ee xukuumadda Ankara. Qoraalkan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in gaadiidkaasi loo lagu wareejiyay taliyaha ciidanka Xoogga dalka, General Odowaa Yuusuf Raage. Baabuurtan ayaa ah kuwa loo adeegsado dhulka aad u adag, waxaana loo adeegsan doonaa howl-gallada Milatari ee ka dhanka ah maleeyshiyada Al-Shabaab. Turkiga ayaa Soomaaliya kaa caawiya dhinacyo dhowr ah oo ay ugu horreyso dhismaa ciidamada, waxaana saldhig weyn uu ku lee yahay magaalada Muqdisho. View the full article