-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Wakiilka Taiwan u fadhiya Sweden Mr. Vincent Yao, ayaa ka hadlay muhiimada xidhiidhka dalkiisu la yeeshay Jamhuuriyadda Somaliland. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay Wakiilka Taiwan u qaabilsan Sweden Mr. Vincent Yao, oo u sheegay idaacadda Radio Sweden in cilaaqaadka ay la yeesheen Jamhuuriyadda Somaliland ay ku doonayaan inay ku sii ballaadhiyaan joogitaankooda diblomaasiyadeed ee Afrika, waxaanu tilmaamay inay Somaliland ku taallo Bogcad muhiim ah. Danjire Vicent Yao waxa uu xusay inay Siddeed dal oo ka tirsan Midowga Yurub oo Sweden ka mid tahay ay Xafiiyo ku leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland. Diblomaasigaas reer Taiwan wuxuu intaas ku daray in dalalka Somaliland xafiisyada ku lihi ay gaadhayaan 22 Waddan.Waxaanu caddeeyey in Somaliland muhiim u tahay dalkiisa oo ay ka wada shaqeynayaan mashaariic ay ka mid yihiin Beeraha, Kalluumaysiga, Macdanta iyo Tamarta. Somaliland iyo Taiwan oo ah laba dal oo aan la aqoonsan ayaa lagu majeertaa horumarka ay ka gaadheen Dawladnimada, Nabadgelyada iyo Dimuqraadiyadda, waxana ka dhexeeya duruufo taariikheed oo iskaashigooda mataaneeyey. Source
-
“ILA QAAYO WEYN..” Gabbad: Asc. Waar Guun beryahaa waynu kala yar raagnaye bal warran. Guun: Warka anigu ma idaacad baan ahay dee orodoo BBC daa dhegeyso. Gabbad: BBC yaa? Waar taasi waa Radio Muqdisho eh noo warran jikaarka naga daayoo. Inaadeer horta sidaad yar tahay? Miyaa lagu maray dee? Guun: ‘aar warna ma haynee wax na weydii dee aanu kaaga jawaabnee. Waaxay iska warran uun? Gabbad: Waa hagaage ku weydiiyay eh Buurta kala-jeexan ka warran. Guun: Yaa? Maxaa baasee kala jeexan? Ma ma surwaalkaa iga jeexmay? Gabbad: waa markeenii! Wadhlo! Waar surwaal layne dad masaakiina baa la raray ma maqashay? Guun: Ma abaar baa ku heshay meesha? Sawtii lala lahaa sanadkan waa barwaaqo meel waliba. Gabbad:Hodhodho! “Shimbirtii Oodweynaay hodhodho.” Ayuumbaan maqli jiray. Kan anaaba maqal dhaama. Guun: Sucuudigii iyo Paskistan baa is haya miyaad maqashay adigu? Gabbad: Jaw! Waar bal Landta ku soo noqo oo ina wax hadal hayn ah Madaxweyne miyaad maqashay? Guun: Mayee ma maqal. Miyuu dhexdhexaadinayay? Gabbad: haddaa dad masaakiin ah oo dan yar ah miyaad maqashay? Ina ma kugu soo duuleen? Guun: Miyuu caawiyay? Gabbad: Aqallo la dumiyay ma maqashay haddaa? Guun: Haa. Falastiin baan ku maqlay. Gabbad: Dumar iyo carruur ooyaya oo dibadda loo qubay ma maqashay? Guun; Oo Falastiin ah? Haa dee baan ku idhi. Gabbad;Hargeisa ma ku maqashay? Guun: Waar anigu Madasha ma maqlo. Gabbad: eeg. eeg. Wuu is yeelyeelayaa wax walba wuu og yahaye. Guun: Ma anigu? Gabbad: Haddaba waa inagiiye oo cidi ina maqli maysee markaad aragto isagoo qalad ku jira oo duni qarribay ama cid dulmaya ama meel ku haysta ee adigoo ka xun haddana aad guulwadayso heestii aad qaadi jirtay maxay ahayd? Guun: hhhhhh. Adigu hoos u dhig dee. Waa ku sidee. Hayna qarribin dee. Gabbad: waayee maxay ahayd heestii. Guun: “ Weli aniga way ubax nuurayoo Ila qaayo weyn.” Heestii Maandeeq dee. Cid haw sheegin hadda arrintu waa beynii wa beynak. Gabbad: Oo adigu waad sii jeclaataaba miyaa? Oo maba nacdid? Source
-
Black Minnesotans are more than five times more likely than White Minnesotans to be infected with COVID-19, more than three times more likely to be hospitalized, and three or four times more likely to die Source: Hiiraan Online
-
Raysal wasaaraha dalka Sudan Abdalla Hamdok ayaa sheegay in uu kala hadlay xogyahay arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo oo boqosho ku tagay dalkaas arrimo ay ka mid yihiin in Suudaan laga saaro liiska dalalka maalgaliya aragagxisada si looga qaado cunaqabateynta Dalka Sudan ayaa ku jiray liiska wadamada aragagxisada maalgaliyo laga soo bilaabo sannadkii 1990-yadii markii hogaamiyahii Al-Qaacida Osama Bin Laden uu halkaas ku noolaa, isagoo marti u ahaa xukuumadii Madaxweynihii Xukanka la xooga looga tuuray ee Cumar Al-Bashiir. Dalka Sudan ayaa ka mid ahaa dalalka uu Mareykanka ku daray liiska wadamada taageera argagixisada sida Kuuriyada Waqooyi, Iran iyo Suuriya. Hogaamiyayaasha Sudan ayaa si aad ah u ugu hamuun qaba in la soo afjjaro cunaqabataynta saaran iyo in liiska laga saaro si ay uga baxdo takoorka dhanka dhaqaalaha ee lagu hayo. Haddii Sudan laga saaro liiska islamarkana cunaqabataynta laga qaado ayaa waxay fursad u helaysaa inay la macaamisho hay’adaha caalamiga ah ee dhaqaalaha islamarkana ay soo jiidato maalgashi iyo inay deemo qaadato. Mid ka mid ah shuruudaha Mareykanka uu ku xiray si Sudan liiska looga saaro ayaa ah inay magdhaw siiso qoysaska 17 askari ee ku dhintay weerarkii ay Al-Qaacida ku qaadeen markabkii USS Cole ee ku sugnaa xeebaha dalka Yemen sanaddii 2000. Dowladda Sudan ayaa shuruudaasi aqbashay bishii February ee sanadkan. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa, Mr Pompeo ayaa ugu baaqay Sudan in ay dib u soo celiyaan xiriirkii kala dhaxeeyay Israa’iil. Mar sii horeysay, Mr Pompeo waxaa uu sheegay in uu Sudan ku yimid duulimaadkii tooska ahaa ee ugu horeeyay ee u kala goosha Tel Aviv iyo Khartuum, oo ku tilmaamay inay tahay “mid taariikhi ah “. Waxaa uu xoghayaha arrimaha dibadda isku dayayaa in hormar laga sameeyo oo ay xidhiidh dhaw yeeshaan Israa’iil iyo dalalka Carabta ee gobolka. Waxaa uu booqashadisa ku soo maray,Israel, Sudan, Bahreyn iyo dalka Imaaradka Carabta oo iyagu horey heshiis ula gaaray Israa’iil. Waxaa uu Pompeo ku baaqay dalalka Carabta inay la heshiiyaan Israa’iil. Mareykanka ayaa gar-wadeen ka ahaa heshiiskii dhexmaray Imaaraadka iyo Israa’iil, islamarkana uu madaxwayne Trump uu si wayn ugu faanay. “Waxaan aad ugu rejo weenahay in dalalka kale ee Carabta ay ku soo biraan arrintan “, ayuu yidhi. Waa booqashadii ugu horreysay oo muddo 15 sano ah uu ku tago dalka Sudan, islamarkana tan iyo xilligaasi ma wanaagsanayn xidhiidhka labada dhinac Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Subax-26082020.mp3 View the full article
-
(SLT-Riyadh)-Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman ayaa baajiyey safar la qorsheeyey inuu toddobaadka soo socdo ku tago magaalada Washington, si uu ula kulmo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, kadib markii uu ka baqay in warkaas la dusiyey, islamarkaana tegitaankiisa Washington uu noqon lahaa kadis, waxaa sidaas weriyey Middle East Eye. Go’aan lagama gaadhin in kulan uu noqon lahaa mid la duubo kadibna warbaahinta laga baahiyo, iyo inuu noqon lahaa mid toos ah oo warbaahinta ay goobjoog ay ka tahay. Kuwa dabada ka riixaya kulanka, oo ay ku jiraan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo wiilka uu sodogga u yahay ee Jared Kushne, ayaa u arkay is-gacan qaad dhexmara labada nin mid wanaajin kara magaca Bin Salman, kana dhigi karay in loo arko hoggaamiye carbeed oo ka shaqeynaya nabadda, ayna xoojin kartay taageerada heshiiskii dhex-maray Imaaraadka iyo Israa’iil. Kulanka ayaa kadib laga soo saari lahaa bayaan ay waxyar un ka dhiman tahay in Bin Salman uu aqoonsado Israel, hase yeeshee si xooggan u tusmeyn lahaa in boqortooyada ay ku taagan tahay waddadii ay xidhiidh kula yeelan lahayd Israa’iil. Taariikhda kulanka ayaa la isku raacay sidoo kalena kooxda baratakoolka qaabilsan ayaa sii tegay Washington. Bin Salman ayaa Washington iman lahaa 31-ka August kadib marka uu dhamaado kulanka xisbiga Jamhuuriga. Waxay noqon lahayd booqashadii ugu horreysay ee u uku tago Mareykanka tan iyo bishii March ee 2018. Isaga oo aan dooneyn inuu tago safaaradda Sacuudiga ama qasriga safiirka, si aan loogu dibad-bixin haddiiba laga war helo, Bin Salman ayaa sii iibsaday afar guri oo loogu talo-galay kaliya booqashadiisa, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Middle East Eye. Qorshahan ayaa burburay Sabtidii kadib markii Bin Salman uu helay warbixino sheegayey in safarkiisa la dusiyey. Shuruudda booqashadiisa ee uu Aqalka Cad la galay ayaa ahayd in kulanka uu ahaado mid 100% sir ah, islamarkaana la ogaado kaliya marka uu kasoo laabto caasimadda Mareykanka. La-taliyayaashiisa ayaa is-tusay in haddii safarka sir ahaado ayna xubnaha congress-ka ee mucaaradsan heli lahayn fursad ay ku diyaariyaan bayaan ay ku cambaareynayaan, sidoo kalena kuwa u ololeeya inuu caddaalad helo Jamaal Khaashuqji iyo qareenada matalaya Saad Al-Jabri aysan heli lahayn waqti ay ku diyaariyaan. Tallaabo sharci ah. Hase yeeshee maadaama hadda laga war helay kulanka Bin Salman ayaa ka cabsaday in loo soo diyaar garoobay ayna suurta-gal tahay inuu wajaho kiis maxkamadeed, oo uu awoodi waayo inuu kasoo baxo Mareykanka. Trump iyo Kushner ayaa si aad ah u doonayey booqashadan inay dhacdo, waxaana markii ay fashilantay ay si deg deg ah Bariga Dhexe ugu direen xoghayaha arrimaha dibedda Mike Pompeo si uu taageero ugu raadiyo xidhiidhka Israa’iil iyo Imaaraadka. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay in weerar dhinaca cirka ah shalay lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab. Taliska AFRICOM ayaa qoraal ku sheegay in duqeynta lagu dilay Sarkaalkaasi, ay ka dhacday agagaarka Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe. Warka laguma sheegin magaca Sarkaalkaasi iyo weliba xilka uu ka hayay Ururka Al Shabaab, balse waxay sheegeen in la sii wadi doono duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab. Wakaaladda Wararka SONNA ayaa xalay baahisay in weerar dhinaca cirka ahi lagu dilay Cabdulqaadir Cismaan Yarow (Cabdulqaadir Kumaandoos), oo hore u soo noqday Madaxii Jabhadaha ee Al Shabaab. Source
-
The Somali government has given Kenya five conditions ahead of lifting blockade of Miraa imports. Source: Hiiraan Online
-
DF oo faah faahisay duqeyn ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Howl-gal dhinaca cirka ah oo ka dhacay meel u dhaw degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa iska kaashaday dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaasi lagu khaarijiyey sarkaal ka tirsan Xarakada Al-Shabaab. Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka View the full article -
.Wefdi uu hoggaaminayo sii hayaha Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Kismaayo ka dajiyay agab lagula socdo cimilada iyo tilmaamayaasheeda. Wasiir Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in agabkan uu muhiim u yahay dowlad gobaleedyada si hey’addaha ay awood ugu helaan in ay sii ogaadaan halisyada ku soo fool leh. Wasiirka ayaa sheegay in iyada oo laga jawaabayo baahiyaha hadda taagan ay hadana muhiim tahay in laga fakero sidii loo xoojin lahaa dhismaha hey’addaha si ay u yaraato saameynta ay musiibooyinka mustaqbalka. Dhinaca kale masuuliyiinta wasaaradda qorsheynta dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay agabkan ay gaarsiisay wasaaradda. PUNTLAND POST The post Jubaland oo la gaarsiiyay agab loogu tala-galay la socodka Isbeddelka Cimilada appeared first on Puntland Post.
-
Preventable deaths from diseases like malaria could claim more lives than coronavirus: International Committee of Red Cross Source: Hiiraan Online
-
Lionel Messi has told Barcelona that he wants to leave the club this summer, sources have confirmed to ESPN. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman ayaa baajiyey safar la qorsheeyey inuu toddobaadka soo socdo ku tago magaalada Washington, si uu ula kulmo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, kadib markii uu ka cabsaday in warkaas la dusiyey, islamarkaana tegitaankiisa Washington uu noqon lahaa “qarow”, waxaa sidaas weriyey Middle East Eye. Go’aan lagama gaarin in kulan uu noqon lahaa mid la duubo kadibna warbaahinta laga baahiyo, iyo inuu noqon lahaa mid toos ah oo warbaahinta ay goobjoog ay ka tahay. Kuwa gadaal ka riixaya kulanka, oo ay ku jiraan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo wiilka uu sodogga u yahay ee Jared Kushne,r ayaa u arkay is-gacan qaad dhexmara labada nin mid wanaajin kara magaca Bin Salman, kana dhigi karay in loo arko hoggaamiye carbeed oo ka shaqeynaya nabadda, ayna xoojin kartay taageerada heshiiskii dhex-maray Imaaraadka iyo Israel. Kulanka ayaa kadib laga soo saari lahaa bayaan ay waxyar un ka dhiman tahay in Bin Salman uu aqoonsado Israel, hase yeeshee si xooggan u tusmeyn lahaa in boqortooyada ay ku taagan tahay waddadii ay xiriir kula yeelan lahayd Israel. Taariikhda kulanka ayaa la isku raacay sidoo kalena kooxda baratakoolka qaabilsan ayaa sii tegay Washington. Bin Salman ayaa Washington iman lahaa 31-ka August kadib marka uu dhamaado kulanka xisbiga Jamhuuriga. Waxay noqon lahayd booqashadii ugu horreysay ee u uku tago Mareykanka tan iyo bishii March ee 2018. Isaga oo aan dooneyn inuu tago safaaradda Sacuudiga ama qasriga safiirka, si aan loogu dibad-bixin haddiiba laga war helo, Bin Salman ayaa sii iibsaday afar guri oo loogu talo-galay kaliya booqashadiisa, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Middle East Eye. Qorshahan ayaa burburay Sabtidii kadib markii Bin Salman uu helay warbixino sheegayey in safarkiisa la dusiyey. Shuruudda booqashadiisa ee uu Aqalka Cad la galay ayaa ahayd in kulanka uu ahaado mid 100% sir ah, islamarkaana la ogaado kaliya marka uu kasoo laabto caasimadda Mareykanka. La-taliyayaashiisa ayaa is-tusay in haddii safarka sir ahaado aysan xubnaha congress-ka ee mucaaradsan heli lahayn fursad ay ku diyaariyaan bayaan ay ku cambaareynayaan, sidoo kalena kuwa u ololeeya inuu caddaalad helo Jamaal Khaashuqji iyo qareenada matalaya Saad Al-Jabri aysan heli lahayn waqti ay ku diyaariyaan. Tallaabo sharci ah. Hase yeeshee maadaama hadda laga war helay kulanka Bin Salman ayaa ka cabsaday in loo soo diyaar garoobay ayna suurta-gal tahay inuu wajaho kiis maxkamadeed, oo uu awoodi waayo inuu kasoo baxo Mareykanka. Trump iyo Kushner ayaa si aad ah u doonayey booqashadan inay dhacdo, waxaana markii ay fashilantay ay si deg deg ah Bariga Dhexe ugu direen xoghayaha arrimaha dibedda Mike Pompeo si uu taageero ugu raadiyo xiriirka Israel iyo Imaaraadka. The post Maxamed Bin Salmaan oo si deg deg ah u joojiyey kulan uu la yeelan lahaa Netanyahu kadib arrin soo shaac baxday first appeared on Caasimada Online.
-
Turkey delivers 12 off-road vehicles to Somalia Vehicles sent by National Defense Ministry as part of military and financial cooperation agreements Turkey has delivered 12 off-road vehicles to Somalia as part of bilateral military and financial cooperation agreements, the National Defense Ministry said on Monday. In a statement, it said the vehicles, which are meant for use over rough terrain, were supplied for the Somali 3rd (Eagle) Infantry Battalion. They were handed over to Somalia’s chief of defense force on Aug 22. The two countries are longstanding partners, engaging in close cooperation in different fields. *Writing by Fahri Aksut Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Shariif Xasan Sheekh Aadan, sidoo kalane ahaa Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, ayaa lagu wadaa in maalinta Khamiista ah dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho. Qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si hoose uga socoto magaalada Muqdisho, sida ay noo sheegeen siyaasiin iyo xubno kale oo muhiim ah. Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dalka ka baxay bartamihii sanadkii 2018 kadib markii uu iska casilay xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana markaas saarnaa cadaadis xoog leh oo ay u geesteen mas’uuliyinta dowladda Soomaaliya. Mudada ku dhaw saddexda sano ee Shariif Xasan Sheekh Aadan dalka ka maqnaa waxa uu ku sugnaa Nairobi iyo meelo kale oo ay qeyb ka tahay dalka Turkiga waxa uuna ahaa siyaasi afgaaban oo aan ka soo muuqan Warbaahinta. Shariif Xasan, ayaa ka tirsan hogaamiyaasha Xisbiyada dalka waxa uuna saaxiib dhaw la yahay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Si rasmi ah looma oga socdaalkiisa hase yeeshee waxaa la aamimsan yahay in ay la xariirto arrimaha doorashada iyo waqtiga kala guurka ah ee uu dalka galay. The post Xog: Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sanado kadib kusoo wajahan Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
Arrimaha doorashooyinka waxaa heshiis siyaasadeed ka gaaray madaxda saddex Maamul Goboleed, ee kala ah Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Sidoo kale, waxaa heshiiska qayb ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaase shirka ka baaqday madaxda Maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Waxay dhinacyadan ku heshiiyeen 15 qodob, oo ay u arkeen inay xal u noqon karto ismarin-waagii ka taagnaa doorashada heer federal. Heshiiska kaddib, waxaa soo baxay falcelino ka kala imaanaya dhamaan qaybaha bulshada oo ay ku jiraan siyaasiyiin, madaxda Puntland iyo Jubbaland. Madaxda xisbiyada ayaa si taxadar leh u soo dhaweeyey heshiiska Dhuusomareeb seddax, kuna taliyey in dhinacyada ka maqan laga qayb geliyo si loo helo heshiis dhamaystiran. Halka ay Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland soo saareen bayaan lagu soo koobi karo nuxurkiisa labo qodob: (1) Inaysan qayb ka ahayn heshiiska ay dhinacyadu gaareen; iyo (2) Inay diyaar u yihiin in la dhagaysto aragtidooda. Dad badan waxaa dhabana-heys ku noqotay adeegsiga hadalada asluubaysan ee aan horey looga baran mucaaradka si ay u cabiraan aragtidooda ku abaaran go’aamaddii laga soo saaray Dhuusamareeb Saddex. Falanqeeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa rumaysan in adeegsiga erayga “qaswade – spoiler” uu noqday daawo xumaddii (qandho) haysay siyaasiyiinta Soomaaliyeed lagaga jabiyey! Hay’adaha sharciga Soomaaliya waa kuwo tabar daran, awoodna uma laheyn joojinta erayada kicinta iyo hurinta colaada ee ka soo yeeraye qaar ka mid ah jilayaasha siyaasadda! Inkastoo aan la ogayn in Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) wada meel marin doono qodobada ka soo baxay Dhuusamareeb Saddex, maadaama ay xildhibaanadu leeyihiin go’aan ka gaarida arrimaha doorashooyinka, misna qodobada ay dhinacyada isku afgarteen waxaa ku jira qodobo lagag fogaanayo in doorashada la musuq-maasuqo. Sida qodobka 9aad oo awood fulinta, agaasimka iyo maamulka doorashada siinayaa Guddiga Madaxabanaan ee Doorashada Qaranka (GMDQ), iyo qodobka 6aad oo dhigaya in hal maalin ay ka wada dhacdo doorashada dalka oo dhan. Waxaa ku jira heshiiska qodobo ka horstaagan madaxda Maamul Goboleedyadda inay galaangal ku yeeshaan doorashada xildhibaanada, sida qodobka 7aad oo siinay GMDQ inay kuraasta ku asteesan deegaanada amni darrada ka jirto u wareejin karaan goobo ammaan ah. Sidoo kale, waxaa ku jira qodobo si gaara u dabraya hoggaanka Puntland, kaas oo ah qodobka 8aad oo ku talinaya in kuraasta Somaliland lagu doorto doorasho dadban, taas oo ka dhigan in Sool iyo Sanaag Bari la xeer yihiin Awdal, Togdheer, iyo W/Galbeed, madaama inta badan deeganadan ay gacanta ugu jiraan maamulka Somaliland, ama ay keeni karto colaad haddii doorashada lagu qabto goobaha siyaasadoodu xasiloonayn. Waxaa xiiso gaar ah leh, qodobka 1aad, oo dhigaya in doorashada 2020/21 noqoto mid deegaan doorasho, iyo qodobka 10aad oo ku talinaya in doorashada lagu galo hanaanka xisbiyada badan. Labadan qodob waxay doorashada u ekaysiinayaan mid qof iyo cod, balse qodobka 3aad ayaa xadidaya tirada codeen karta, kaas oo ah kursigiiba 301, ama ugu badnaan in kursi walba dooranayaan 1505 codbixiye, sida uu dhigayo qodobka 5aad. Haddii uu Barlamaanka gudoonsado in lagu dul shaqeyo tallooyinka siyaasadeed ee ka soo baxay Dhuusamareeb Saddex, waxaa haboon in si gundheer looga doodo, wax ka bedal lagu sameeyo qodobada qaar, kuwo cusubna lagu kordhiyo. Maadaama tirada codbixiyaasha la xadiday oo tirada guud ee u codaynaysa Aqalka Hoose tahay 82,775 codbixiye, waxaa haboon in codbixiyaasha la diiwaangeliyo “biometric”. Tani waxay sahlaysaa in maalin keliya dhacdo doorashada, islamarkaasna waxaa meesha ka baxaya codka oo la musuqo, waana wax sahlan, oo xitaa lagu dabaqi karo kuraasta Somaliland, si hanaanka doorashada u wada noqoto mid iskuwada mid ah. Qodobka 11aad ee qeexaya hanaanka doorasho Aqalka Sare, waa in wax ka beddal lagu sameeyo, si han aan keliya wax loogu doorto, taasoo sharciyad wanaagsan siinaysa xildhibaanada cusub, islamarkaasna hoos u dhigi karta wax isdaba-marinta. Si looga fogaado khilaaf cusub oo dhexmara Aqallada Barlamaanka, waa inay si wadajir ah u meel mariyaan sharciyada la xariira doorashada heer federal. Islamarkaasna dhinacyada ka maqnaa Dhuusamareeb Saddex, waa inay u soo gudbiyaan aragtidooda wax dhisaysa gudoonka Aqallada Barlamaanka, maadaama ay xildhibaanadda leeyihiin go’aan ka gaarida arrimaha doorashooyinka heer federal. Ugu danbeen, GMDQ waa inay dalbadaan kor-joogto caalamiya si kalsooni ay u helaan dhinacyada oo dhan. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Go’aamada Dhuusamareeb saddex yey libinta siisay? first appeared on Caasimada Online.
-
Turkey has delivered 12 off-road vehicles to Somalia as part of bilateral military and financial cooperation agreements, the National Defense Ministry said on Monday. In a statement, it said the vehicles, which are meant for use over rough terrain, were supplied for the Somali 3rd (Eagle) Infantry Battalion. They were handed over to Somalia’s chief of defense force on Aug 22. The two countries are longstanding partners, engaging in close cooperation in different fields. The post Turkey delivers 12 off-road vehicles to Somalia first appeared on Caasimada Online.
-
London (PP) — Bannaanbaxayaal Itoobiyaan ah ayaa ku hor bannaanbaxay Safaaradda Itoobiya ku leedahay London. Bannaanbaxayaashu waxay dalbanayeen sii daynta siyaasiyiinta Oromada uu ka mid yahay Jawaar Maxamed oo uu taliska Abiy Axmed xabsiga u taxaabay si aysan ula loollamin xisbiga uu camcamay oo la yiraahdo Xisbiga Badhaadhaha. Safaaradda Itoobiya ee London: Wiil Oromo ah oo calanka Itoobiya siibaya. Mid ka mid ah bannaanbaxayaasha ayaa koray daarta safaaraddu ku taallo oo soo furay calanka Itoobiyo si uu ugu beddelo calanka qowmiyadda Oromada oo hadda colaad siyaasadeed oo ba’an kala kulantay Abiy Ahmed oo magaca Oromada ku noqday Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya. Safaaradaha Itoobiya ku leedahay reer Galbeedka ayaa kala kulmay jaalliyadaha Itoobiya cadaadisyo siyaasadeed qalalaasaha ka aloosan Itoobiya awgiis. Itoobiya xaalladdeeda siyaasadeed waxay maraysaa marxalad adag oo qowmiyaduhu kala sii aammin-baxeen. Gobolka Tigray ayaa bisha soo socota qaban doona doorashooyin welwel badan ku abuuray kelitaliska cusub uu Abiy Axmed horwadeenka ka yahay. © Puntland Post, 2020 The post Bannaanbaxayaal Itoobiyaan ah oo Siibay Calanka Safaaradda Itoobiya ee London appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garowe ee xarunta gobalka Nugaal waxaa ku shirsan Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo safar ku tagay magaaladaas. Labadaan Madaxweyne ayaa qaadacay natiijada Shirkii Dhuusamareeb 3 waxaana socda kulamo ay uga tashanayaan khilaafka ka dhashay arimaha doorashada iyo waqtiga kala guurka ah. Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa diidan afar qodob oo ku jira shirkii Dhuusamareeb waxaana qodobadaasi ay kala yihiin. 1) – In laga saaro qodobka sheegaya in doorashada lagu galo cisbi, lagana dhigo ergo kaliya. 2) – In guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka meesha laga saaro lana magacaabo guddi doorasho oo heer maamul goboleed iyo heer federaal, laakiin lagu heshiiyo. 3) – In ergada laga dhigo 101 qof, soona xulaan odayaasha dhaqanka oo keliya, lana baabi’iyo kuraasta la israacinayo. 4) – In magaalooyinka ay doorashada ka dhacayso ay go’aamiyaan maamul gobaleedyada, laguna faro-galinin. Dhinaca kale, waxaa socda dedaalo lagula hadlayo madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland waxaana dadaalkaas wada xubnaha beesha caalamka. Wararka aan helnay ayaa sheegayaa in madaxda dowladda lagu cadaadinayo in ay dhageestaan tabashada maamulada Jubaland iyo Puntland waxna laga qabto. The post Afar qodob ee ku jira heshiiska Dhuusamareeb 3 oo ay diidan yihiin Axmed Madoobe iyo Deni first appeared on Caasimada Online.
