Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Duhur-1292020.mp3 View the full article
  2. Waa wax laga naxay Fal aad u xun oo ku dhacay Gabadh Soomalaiyeed ka dib markii ay Xoogeen Rag kuwaa oo markii ay Kufsadeena Dabaqa Lixqad ka soo Tuuray Gabadha la Dilay ayaa lagu magacabaa Xamadi waxay u dhimatay falka waxashnimada ah ee lagu sameeyey ka dibna laga Tuuray fooq Qaraabaada Xamdi ayaa Barta Facebuuga soo dhigeen in Gabadhtooda Cadaalad u Baahan tahay madaama si ka baxsan Bini aadanimada loo dilay Sida ay sheegeen Reerka Gabadha la Kufsaday ka dhalatay in uu Falka ka dhacay Hoteel ku yaalo Degmada Waabari lagana soo Tuuray 6 Dabaq Soomaaliya ayaa waxaa ku soo badanayo Kufsiga loo Geysanaayo Gabdhaha yar yar iyadoo ay geysanayaan kooxo isku xidhan oo wax ma garato ah Waaxaha Cadaalada ayaa laga Doonayaa in Cadaalada la Horkeeno dadkii ka danbeeyey falka waxashnimada ah ee lagu dilay Xamdi Maxamed Qaran News
  3. Ma jiro Wax Yurub la yidhaahdo,Halkani waa Cadaab Scotti Kele (dhexda) iyo qoyskiisa Scotti Kele waa mid ka mid ah dadka ugu nasiibka badan oo waxaa uu helay gaari gacan uu gabadhiisa 4 jirka ah ay ku fariisan karto si ay kuleylka qoraxda uga nasato. Waxay haystaan maryo wasaq badan oo ay waddooyiinka ka soo uruuriyeen, islamarkana ma haystan waxaan ka ahayn dharka ay xiran yihiin. Waxay daggan yihiin hoy ku yaalla waddada qarkeeda kana sameysan maryo la isku xirxiray. Waxaa uu ka mid yahay 13,000 oo qof oo ku jiray xerada ugu wayn Yurub ee dadka muhaajiriinta taasi oo uu Talaadadii dab qabsaday. “Gaajo ayaa halkan ugu dhimanaynaa, waxbo ma haysano,” ayuu yiri Scotti. “Markii aan joogay dalkeygii Congo islamarkana ay dadka ka hadlaan Yurub, waxaan ku fikiri jiray xuquuqda aadanaha, balse wixii aan halkan ku arkay uma maleynayo in ay Yurub jirto eeg xaaladda ay carurteena ku sugan yihiin, noolashani waa cadaab xuquuqda ,” ayuu intaa ku daray. Muhaajiriinta iyo qaxootiga ku sugan Moria ayaa waxay imika seexdan meel kasta oo ka tirsan jasiiradda Lesbos: Waxaa ka mid ah goobaha ay seexdaan xarumaha laga tukaamaysto, goobaha gawaarida la dhigto, goobaha shidaalka iyo xitaa qabuuraha agtooda. Qaar ka mid ah dadkan muhaajirinta ayaa socda iyaga oo caga cad oo aan kabo qabin gashana funaanado. Cunnada iyo biyaha loo qeybiyo ayaa ah kuwa gabaabsi ah, haba sheegin musqulo. Muhaajriin dibadbax ka dhigaya Jasiiradda Lesbos, 11 September 2020 Waxaa ay mararka qaar muhaajiriinta isku dhacaan booliiska oo u isticmaala suntan dadka ka ilmaysiisa. Qaar ka mid ah ayaa is abaabula iyaga oo dhigaya dibadbaxyo islamarkana sita boorar ay ku qoran yihiin “Moria way na dilaysaa” iyo “halkan naga qaada “. Caagadaha ay biyaha ka dhameystaan ayay ku garaacayaan laamiga taasi oo ah durbaan muujinaya sida ay u raja dhigeen. Balse dibadbaxooda ayaa markiiba dhamaada iyada oo ay ka xoog badinayso rejadooda. Gubashadii xeradii ay ku jireen ee Moria ayaa waxay sababtay in xaalad bina’aadannimo oo cusub ay ka dhalato. Ma aha oo kali ah in kumannaan qof ay hoy la’aan yihiin ee waxaa sidoo kale jira 35 qof oo xeradaasi ku jiray in laga helay feyriska Coronna islamarkana intooda badan lama oga goobta ay ku sugan yihiin. Xukuumadda Giriiga ayaa sheegtay in dabkii ka kacay xeradasi ay ka dambeeyeen qaar ka mid ah muhaajiriinta oo dibadbax sameynayay. Balse dadka muhaajiriinta ayaa beeniyay eedeyntaasi, iyaga oo sheegay inay ka dambeyeen qaar ka mid ah dadka ka tirsan midigta fog kuwaasi oo ku sugan jasiiradda Lesbos,oo iyaga ka careysan muhaajiriinta Yurub ku soo qulqulaya. Shacabka jasaiiradaasi ku dhaqan ayaa waxay sanooyiinkii u dambeeyay ka careysnaayeen in jasiiradooda ay noqotay meel marin u ah dhibaatada muhaajiriinta u socda Yurub. “Waxay gubeen teendhooyiinkeena – waxayna dhaheen ma aanan gubin, balse run ma aha,” waxaa sidaasi tiri Nargis Amini oo ka soo jeedafrom Afghanistan. “Dadka Giriiga ma doonayaan in qaxootiga ay halkan joogaan, waa in aan ku cararno buuraleyda si aan nafteen u badbaadino, waxaa aan hadda ku nool nahay noolasha xayawaanka ku nool duurka, balse ma nihin xayawaan ee fadlan na caawiye,” ayay intaa ku dartay Waxaa loo qeybiyaan muhaajiriinta biyo iyo waxyaabo kale o ay cunaan Xiisadda ayaa halkan aad u sareysa islamarkana qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa xiraya waddooyiinka si ay u hor istaagaan in hay’adaha samafalka ay gargaar gaarsiiyaan muhaajiriinta. “Intaa dulqaad noogu filan,waa in ay ka tagaan Giriiga,” waxaa sidaasi yiri Rafail Tsolakis, oo ka mid ah dibadbaxayaasha ka soo horjeeda muhaajiriinta. “Ma wada joogi karno dadkan, haddii xero cusub la dhiso waxaa cad in mar kale ay dab qabadsiin doonaan.” Xerada Moria ayaa ahayd mid buux dhaaftay islamarkana mararka qaar dambiyo ay ka dhacaan ka dib khilaaf dhexmara muhaajiriinta ka soo kala jeeda dalalka kala duwan. Khariirad muujinaysa xerada Moria Balse wadamada midowga Yurub oo ay sii kordhayaan fikradaha looga soo horjeedo qaxootiga ayaan iyagu doonayn in albaabada u furan muhaajiriinta. Wadamada ay muhaajiriinta ka soo dhacaan sida taliyaaniga iyo Gariiga ayaa loogu baaqay inay halkaas ku hayaan. Qaran News
  4. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur Yare ayaa ka warbxiyey dil iyo dhaawac ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kaas oo uu geystay askari ka tirsan ciidamada ammaanka. Guddoomiye Cabdiladiif Muuse Nuur Yare oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in marka hore askariga uu toogtay nin ganacsade ah, kadibna rasaas uu furay isaga oo booliska ka cararayana ay ku dhinteen labo qof oo shacab ah iyo dhaawaca qof kale. Sidoo kale wuxuu magaca askarigaasi oo baxsaday ku sheegay Yaasiin Maxamed Maxamuud, kaas oo darajadiisa ciidan ay tahay kormeere saddexaad. Cabdiladiif ayaa sidoo kale intaasi ku daray inay haatan ciidamada ammaanku ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo lagu soo qabanayo askarigaasi. Wararka ayaa sheegaya in dilka koowaad ee loo geystay ganacsadaha uu salka ku hayo dilal la xiriiro aano Qabiil oo ka taagan qeybo ka mid ah gobolka Mudug. Magaalada Gaalkacyo oo ay ka howl-galaan ciidamo isku dhaf ah oo loogu tala-galay xasilinta amniga ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal iyo falal kale oo lidi ku ah nabad-gelyada. The post Askari ka tirsan ciidamada PUNTLAND oo dil iyo dhaawac ka geystay Gaalkacyo first appeared on Caasimada Online.
  5. Askari ka tirsan ciidanka ammaanka Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ku dilay saddex qof oo shacab ah kadibna baxsaday, sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur Yare. Askariga oo magaciisa lagu sheegay Yaasiin Maxamed Maxamuud ayna darajadiisa ciidan ay tahay kormeere saddexaad, ayaa marka hore dilay nin ganacsade ah, kadibna rasaas uu furay isagoo booliska ka cararay ayaa waxaa ku dhintay labo qof oo shacab ah iyo dhaawaca qof kale. Labadan qof ee dhintay iyo qofka dhaawaca ah ayay rasaastu ugu tagtay iyagoo la socday gaadiidka dadweynaha. Ugu dambeyn gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa sheegay in ay ciidamo u direen si ay usoo qabtaan gacan ku dhiiglaha, si cadaalada loo horkeeno. View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka waxa uu horey ugu aqonsanaa kooxda Taliban koox argagixiso, dagaal ayuuna kula jiray in ka badan 17 sano. Balse waxaa muuqata in mareykanka iyo dowladda Afqanistaan imika ay isku dayayaan in qaab wadaxaajood ah uu u maro xal u helidda dhibaatada afqanistaan. Soomaaliya waxaa dolwadda dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab oo marka la eego farsamooyiinka ay adeegsadaan dhanka dagaalka ay isaga mid yihiin kooxda Taliban. Dadka lafagura arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa ay farta ku fiiqayaan in ay haboon tahay in dowladda Soomaaliya ay wadahadalo la furto kooxda Al Shabab. Dr Axmed Sheekh Maxamed (Axmed Tiir)oo u kuurgala arrimaha Soomaaliya ayaa rumaysan in madaxda Soomaalida looga baahan yahay inay wax ka bartaan wadahadallada Mareykanka iyo Taliban. “Waxaanu ka baran karnaa in wadahadal aan ugu yeerno oo dowladda ku dhawaaqdo iyo dadka imika gacanta ku haya Soomaaliya ay diyaar u yihiin in ay la hadlaan Al-Shabaab, lana waydiiyo horta waxa ay rabaan, ” ayuu yiri Axmed Tiir. Waxyaabaha loo baahan yahay si wadahadal loola furo Al-Shabaab ayaa waxaa ka mid ah in la helo dowlad saddexaad oo arrintaasi fududeyso, “In la raadiyo dowlad saddexaad oo ay xafiis ka furan karaan, hadda Taliban waxa lagula hadlayaa Dooxa waayo marnaba kuma aaminayaan wadanka gudihiisa ” ayuu yiri Dr Tiir. Maxay ku kala duwan yihiin Taliban iyo Al-Shabab? Sida uu rumaysan Dr Axmed Tiir kooxaha Talibaan iyo Al-Shabaab ayaa inkastoo ay ka siman yihiin weerarada ay dadka rayidka ku dhintaan ayaa haddana waxaa jira waxyaabo ay ku kala duwan yihiin. “Inkastoo ay ka midaysan yihiin Taliban iyo xarakada Shabab dhanka is qarxinta haddana waxay ku kala duwan yihiin fahamka guud, dowladnimada iyo sida loo dabaqayo shariicada islamka ” .ayuu yiri Dr Axmed Tiir. Dr Axmed ayaa intaa ku daray in Talibaan aysan lahayn hogaamiyayaal ajnabi ah islamarkana u jeedadooda ay tahay mid siyaasadeed. “Waxay leeyihiin(Taliban) arrin ku dhamaanaysa siyaasadda, marka nimankaas wax badan ayaa lagala xaaltami karaa, oo waa niman lala hadli karo, laakiin nimankan Al-Shabaab waxay u muuqdaan in aanay lahayn dano siyaasadda ku dhamaanaya ” ayuu yiri. Isha BBC. The post Maxay Soomaaliya ka baran kartaa wada-xaajoodka Taliban? first appeared on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shalay dib ugu laabtay Kismaayo ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha amniga ee maamulkaasi. Axmed Madoobe ayaa amar deg-deg ah siiyey hay’adaha amaanka ee maamulka Jubbaland, isagoo faray inay keenaan baaritaanada dhacdooyinka dhinaca amniga ah oo uu ugu dambeeyey qaraxii shalay ka dhacay Kismaayo. Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale amray saraakiisha ciidamada nabad sugida iyo kuwa booliiska Kismaayo inay xoojiyaan howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga. Sidoo kale wuxuu saraakiisha hay’adaha ammaanka ka dhageystay warixino la xiriira howlgallada ka socda wadada xiriira magaalooyinka Kismaayo iyo iyo Af-madow. Waxaa kale oo uu ku ammaanay ciidamada huwanta dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab looga saarayo gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. Kismaayo oo daganeyd maalmihii u dambeeyey ayaa shalay gashay xaalad adag, kadib qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay gudaha magaaladaasi, waxaana dadka ku dhintay ka mid ahaa Allaha u naxariistee gudoomiyihii rugta ganacsiga Jubaland Marxuum Shaafi Raabbi Kaahin. The post Sawirro: Axmed Madoobe oo amar deg-deg ah bixiyey, kadib qaraxii Kismaayo first appeared on Caasimada Online.
  8. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa ka hadlay hankiisa musharraxnimo, rejada uu ka qabo tartan uu ugu jiro Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbul-xaakimka Kulmiye. Wasiir Saajin wuxuu sheegay inuu sheegay inuu buuxiyey Shuruudihii looga baahnaa Musharrax u ordaya kuraasta Hoggaanka Xisbiga Kulmiye, sidaasi darteed uu u rejo ka qabo inuu ku guulaysto xilka Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbiga Kulmiye oo uu hadda ku fadhiyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaa Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici). Wasiir Maxamed Xasan Sacad (Saajin) oo Shalay u warrmay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horrayn beeniyey hadal uu Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi ku sheegay inaan Wasiir Saajin Kulmiye ka mid ahayn muddo gaadhaysa 5 sanadood, sidaasi darteedna aanu xaq u lahayn inuu u tartamo Hoggaanka Xisbiga Kulmiye “Anigu Maxamuud Xaashi Xisbiga ima soo galin, markii ay Abu Dubai yimaaddeena waan ku jiray Xisbiga, oo Madaxweynaha Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ogaa inaan Xisbiga ku jiray, ololaha oo qudhana Xisbi laguma soo galo ee hore ayaan uga tirsanaa, markii dambana waan ololeeyey, sidaas darteed Maxamuud Xaashi waxaan waxba ka jirin ayuu sheegay ee ha ka fiirsado waxyaabaha uu ku hadlayo.” Wasiir Saajin wuxuu sheegay haddii aanu Xisbiga ka mid ahayn muddo dheer uu ku hadhi lahaa shuruuddii loo dhigay Musharraxiinta u tartamaya Hoggaanka Xisbiga, laakiin maaddaama oo uu muddo dheer ku jiray uu xaq u yeeshay uu tartamayaasha ka mid noqdo “Xisbiga Kulmiye wuxuu leeyahay Xeerar, shuruuc iyo sharci la raaco, haddii aanan buuxin lahayna Xeerka Xisbiga ayaaba i reebi lahaa, sidaas oo ay tahay waan buuxiyey Shuruudihii la igu xidhay”. Wasiirka oo Wargeyska Afrika waydiiyey rejada uu ka qabo inuu ku guulaysto Kursiga Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbiga Kulmiye oo uu hadda ku fadhiyo Madaxweyne ku-xigeenku ayaa ku jawaabay “Wax walba gacanta ILLAAHAY ayay ku jiraan, wixii soo socdana ILLAAHAY ayaa og, laakiin rejo aad u fiican baan qabaa, insha allaahna waan guulaysan doonaa”.ayuu yidhi. Source
  9. Galka’yo (PP News Desk) — Mudug Governor Abdiladif Musse Nur sent a message of condolences to families of two persons and a soldier who died during an operation to arrest a policeman accused of committing a murder. Yasin Mohamed Mohamud, a policeman in North Galka’yo, yesterday killed Abdullahi Dahir Aden, a businessman, in his business premises in North Galka’yo. Abdiladif: The suspect will be taken into custody “The policeman’s brother was killed by a man belonging to the same subclan as the businessman’s despite the two subclans resolving the murder case amicably” said Abdiladif. “Policemen attempting to arrest the policeman exchanged fire with the suspect. Two civilians and one policeman died in the encounter, one civilian was wounded, based on preliminary reports from the Galka’yo police station” added Mudug Governor. The Governor described the suspect’s motive as a desire to rekindle intra-clan feuding, and deplored that the policeman at large committed murder while wearing police uniform. Abdiladif said the suspect “will be taken into custody by soldiers pursuing him.” © Puntland Post, 2020 The post Puntland Policeman Kills a Businessman in Galka’yo appeared first on Puntland Post.
  10. Madaxweynaha dawlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulan la qaatay sarakiisha Hay’adaha Amniga ee Jubba-land,iyadoo uu Madaxweynahu faray inay keenan baaritaannada dhacdooyinka dhinaca amniga ah oo ay ugu dambaysay qaraxii shalay Al-Shabaab ay ka geysteen magaalada Kismaayo. Madaxweynaha ayaa sidoo kale faray ciidamada nabad sugidda iyo booliska inay dardar galiyaan hawlgallada sugidda nabadgalyada muwaadiniinta, isagoo xusay in loo baahan yahay feejignaan dheeri ah. Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa dhanka kale sarakiisha ciidanka Darawiishta ka dhagaystay natiijada howlgalka ka socda wadada xiriirisa degmooyinka Kismaayo iyo Af-madow, isagoo amaanay ciidamada ammaanka howl-galladaasi milatari. Qaraxii shalay oo dadkii ku dhintay uu ka mid ahaa Gudoomiyihii rugta ganacsiga Jubaland Shaafi Raabbi Kaahin ayaa haatan waxaa Kismaayo ka socda qabanqaabada aaskiisa. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  11. (SLT-Taipei)-Arbacadii la soo dhaafay waxa Magaalada Taipei ee Caasimadda Taiwan xafiis Wakiileed ka furtay Dawladda Somaliland. Xafiiskan oo uu ku shaqayn doono Wakiilka Somaliland ee dalka Taiwan Amb. Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa waxa furitaankiisii indhaha ku hayey Warbaahinta Caalamiga ah, taasi oo si weyn wax uga qortay. Warbaahinta Caalamiga ahi waxay dhinacyo badan ka istaageen furitaanka Xafiiska Somaliland ee Taiwan, kaasi oo daba socday ay Xafiis bishii hore Taiwan ka furatay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Telefiishanka France24 oo ka mid ah Warbaahinta Caalamiga ah ee wax ka qortay Xafiiska Somaliland ee Taiwan ayaa sheegay inay tani ku timid xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan oo soo kobcayey illaa sannadkii hore ee 2019. Telefiishanka ayaa sheegay in Wakiilka Somaliland ee Taiwan Maxamed Hagi uu Warbaahinta u sheegay in Somaliland ay Xafiiskeeda Taipei u furtay inay Taiwan la samayso xidhiidh si ay dhaqaalaheeda u dhisto “Waanu ku faraxsanahay inaanu xidhiidh la samayno Taiwan iyo Dalalka kaleba, si aanu u dhisno xidhiidh Dhaqaale..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray Amb. Hagi in aanay wax cabsi ah ka qabin Shiinaha “Ma jirto wax khatar ah oo xidhiidhkaanu la yeelanay Taiwan ku keenayso Shiinaha..” Laakiin, France24 oo soo xiganaya ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Shiinaha oo aamisnan in Taiwan ka mid tahay dhulkiisu uu sheegay inuu Maalin uu qabsan doono Taiwan, haddii loo baahdana uu xoog ku muquunin doono. Taiwan ayaa waxa Aqoonsi diblumaasiyadeed siiyey illaa 15 Dawladood oo caalamka ah, laakiin Taipei waxa xafiisyo ku leh Waddamo boqol ka badan, Xafiisyadaasi ayaa u badan kuwo Ganacsi. Sidoo kale, Warbaahinta South China Morning Post oo ka mid Warbaahinta caalamka ee wax ka qoray Xafiiska Somaliland ka furtay Taipei ayaa sheegay in Xafiisku kor u sii qaadayo Xidhiidhka koraya ee Somaliland iyo Taiwan. Sidaasi oo kale, Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegtay in Shiinuhu ka cadhooday xidhiidhka Taiwan ay la yeelanayso dalalka Caalamka, sida Somaliland, taasina keentay in Shiinuhu ku fikiro inuu xoog ku qabsado Taiwan oo uu aamisan yahay inay dhulkiisa ka mid tahay. Xiisadda u dhaxaysa Shiinaha iyo Taiwan ayaa sii laba-kaclaysay markii Taiwan ay xafiis ka furtay Somaliland, Somaliland ay xafiis ka furatay Taipei oo ah Caasimadda Taiwan. Source
  12. Waxaa maanta lagu balansanaa in Muqdisho lagu qabto shirkii looga arrinsan lahaa arrimaha doorashada 2020/2021 ee dhexmari lahaa dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. Shirkan oo 2 jeer horay u baaqday ayey aheyd inuu furmo si loo ambaqaado natiijadii shirkii Dhuusamareeb 3 iyo wax kabedelkiisa. Wararka ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ay safar aadeen madaxweyneyaasha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Jubbaland Axmed Madoobe, taasi oo shaki gelin karta furitaanka shirka. Qoorqoor ayaa shirar kala duwan saacadihii tagay ku lahaa magaalada Nairobi, lamana oga xilliga uu soo laaban doono, waxaa kale oo Kismaayo dib ugu laabtay Axmed Madoobe si uu ula socdo qaraxii Jimcaha iyo arrimo kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa xalay hoyga uu ka dagan yahay Muqdisho si gaar gaar ah ugula kulmay madaxda HirShabelle & Puntland. Kulamada oo saacado badan qaatay ayaa waxaa intooda badan diirada lagu saaray xaaladda siyaaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka 2020/21. Sidoo kale hoggaamiyeyaasha maamullada Koonfur Galbeed, HirShabelle, Puntland iyo Jubbaland ayaa isla soo qaaday caqabadaha hortaagan shirka wada-tashiga Muqdisho. Madaxda ayaa sidoo kale iska xog-wareystay xaaladaha ammaan ee dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka socdauy kulamo siyaasadeed oo looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka. Si kastaba ha’ahaatee is mari-waa ayaa wuxuu weli wuxuu ka taagan yahay arrimaha doorashada 2020/2021, kaas oo sii xoogeystay kadib heshiiskii Dhuusamareeb 3. The post Sawirro: Lafta Gareen, Waare iyo Deni oo kulamo xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
  14. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa ka hadashay Dhakhaatiirta Ajaanibka ah ee dalka ka hawl-gasha, doorka ay Wasaarad ahaan ka qaateen xakamaynta xanuunka Covid 19 iyo abaalmarin lagu maamusay. Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay abaalmarin Wasaaradooda lagu maamusay ayaa yidhi “Wasaarad Caafimaad ahaan dedaalka aanu samaynay, nidaamka iyo qorshaha fiican ee aanu hormoodka ugu noqonay Xisaab celinta, Cashuuraha iyo qorshaha xeesha dheer ee aanu la nimid ayaa keentay in aanu kaalinta koowaad u galno Wasaaradaha oo waliba abaalmarin la nagu maamuso, waxaana abaalmarintan oo ah Shahaado sharaf ka turjumaysa wax qabadkayaga na gudoonsiiyey Wasaaradda Maaliyadda, markaas dedaalka halkaas ayaanu ka sii wadaynaa, waxaana kale oo Wasaaradaha kala iyo Hay’addaha dawliga ah ee kaleba kula talinayaa inay qaadaan talaabooyinka aanu qaadnay”. Mar uu ka hadlayey Dhakhaatiirta ajaanibka ah ee dalka ku sugan ayaa yidhi “Dhakhtaro badan oo ajaanib ah ayaa dalkan ku sugan oo ka shaqeeya, Dhakhtaartii waanu eegnay Shahaadooyinkooda iyo aqoontoodaba, markaas Dhakhtar ajaanib ah oo aanan ka war hayn oo dalka ku sugan umaddana u shaqeeyaa ma jiro oo Dhakhtar walba aqoontiisa waanu ka war haynaa, iskaba daa Dhakhtar aan dalka u dhalan, ee xittaa Dhakhtarada dalka u dhashay ayaanu aqoontooda ka war haynaa”. Mar uu ka hadlayey Xanuunka Covid_19 ayaa yidhi “Xanuunka Koronaha waa Xanuun halis ah oo dad badan oo daafaha dunida ku kala noolaa sababtiisa u dhinteen, laakiin dadkeena waxaan uga mahadnaqayaa qaabka ay u qaateen Wacyigelintiii aanu sida joogta ah ahayd ugu sii deyn jirnay, Dawlad ahaana si fiican ayeynu u xakaymaynay, laakiin waxaan dadka ku dhiirigelinayaa inay aad isku ilaaliyaan, taxadir aad u badana muujiyaan” Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Gabadh dhimirka ka xanuunsanaysa oo 16 jir ah ayaa kufsi wadareed loogu gaystay magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland, sida ay sheegtay hooyada dhashay oo saxaafadda la hadashay. Gabadhan oo ay qoyskeeda waayeen in muddo saacaddo ah ayaa waxaa kufsi iyo jidh-dil u geystay laba nin oo la sheegay inay walaalo ahaayeen oo mid kamid ah gacanta lagu dhigay. Labada nin ee falkaan geystay ayay hooyada dhashay dhibbanaha sheegtay in ay deris la ahaayeen qoyskooda, iyadoo tilmaamtay markii ay gabadhu gurigeeda ka baxday inay cidlo ka heleen kadibna ay kufsadeen. Deeqo Maxamed Cabdi waxay codsatay in cadaalada loo horkeeno dambiilayaasha falkaan ka dambeeyay. Puntland kiisaska kufsiga ayaa aad ugusoo badanaya, waxaana sannadkan iyo sannadki hore ka dhacay kiisas isugu jira kufsi iyo dil. Source
  16. Warar hoose oo soo baxay, ayaa xaqiijinaya in xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda Galgala ay todobaadkii hore u gudbeen dhinaca Somaliland. Xubnaha Al-shabaab, oo ay ku jiraan saraakiil, balse aan tiradooda rasmiga ah la xaqiijin, ayaa si gaar-gaar ah todobaadkii hore ugu gudbay dhinaca Somaliland, iyagoo aan hubaysnayn, islamarkaana dhar shacab xiran, sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen ilo dhanka Amniga ah. Waxaase adag in xog sugan laga helo ujeedka xubnaha Al-shabaab iyo halka ay u socdeen, marka laga reebo wararka xaqiijinaya in ay galeen dhinaca Somaliland. Warkan ayaa ku soo beegmay, xilli Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ee ku sugan buuraleyda Gobolka Bari, ay todobaadyadii u dambeeyay culays xooggan kala kulmeen hawlgallada Ciidamada Difaaca Puntland ay ka wadaan Gobolkaasi. PUNTLAND POST The post Xubno ka tirsan Al-shabaab ku sugan Galgala oo u gudbay dhinaca Somaliland appeared first on Puntland Post.
  17. Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa xalay hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ku marti-qaaday madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo HirShabelle. Kulankan saddex geesoodka ah oo saacado badan qaatay ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021. Sidoo kale madaxda ayaa isla soo qaaday arrimo ku aadan shirka wada-tashiga Muqdisho oo markale dib u dhacay iyo qodobo kale. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socda kulamo siyaasadeed oo gaar gaar ah, kuwaas oo looga arrinsano marxalada kala guurka ah ee uu dalku ku jiro. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa sii cakirantay wixii ka dambeeyey markii la riday Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Xasan Cali Khayre. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  18. Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in saddex dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab ay dhinteen, halka afar kalena ay dhaawacmeen, kadib markii ay la qaraxday miino ay ku aasayeen wado aada magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi Bari ee wadankaasi. Rono Bunei oo ah taliyaha ciidamada Booliiska ee gobolka Waqooyi Bari ayaa xusay in miinada ay raggaasi kula qaraxday deegaanka Fafi xilli ay doonayeen inay weerar miino fuliyaan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamo ka tirsan Booliiska Kenya ay gaareen goobta, islamarkaana ay soo arkeen halka uu ka dhacay qarax ay ku waxyeeloobeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigaye Xarakada Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro xoogan ka fulisa gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. View the full article
  19. TORONTO (Reuters) - Canada reported zero COVID-19 deaths in the past 24 hours for the first time since March 15, according to public health agency data released late on Friday. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka wada-tashiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo saaka lagu waday inuu ka furmo magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa markale dib u dhacay, sida ay sheegayaan wararka soo baxaya. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ballantu aheyd inuu furmo Khamiistii la soo dhaafay, balse uu baaqay kadib waxaa Villa Soomaaliya ay shaacisay inuu bilaaban doono shirka 12-ka bisha Septemeber oo maanta ku beegan, hadane uu dib uga dhacay. Wararka ayaa sheegaya in dib dhacan uu sababay safarada deg-dega ah ee ay galeen Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo shalay si deg-deg ah uga amba-baxay magaalada Muqdisho. Axmed Madoobe ayaa u duulay Kismaayo, kadib qarax ka dhacay magaaladaasi, halka Qoor Qoor uu u dhoofay dalka Kenya, isaga oo kula kulmay saraakiil Imaaraati ah. Caqabadaha hor-gudban shirka ayaa muddooyinkii dambe sii xoogeysanayey, waxaana wei is mari-waa uu u dhexeeyaa dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland. Shirweynahan oo daba socda shirkii Dhuusamareeb 3 ayaa waxaa diirada lagu saari doonaan dhameystirka heshiiskii lagu gaaray magaaladaasi iyo arrimaha doorashada. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah weli mid cakiran, waxaana haatan socda kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan dhinacyada siyaasadda, kuwaas oo ka socda Muqdisho. The post Maxay tahay caqabada markale dib u dhigtay shirka wada-tashiga Muqdisho? first appeared on Caasimada Online.
  21. Bahrain’s closeness to Saudi rulers makes it unthinkable the change in diplomatic ties happened without approval. But Saudi Arabia itself may not be in a rush to normalize relations with Israel. Source: Hiiraan Online
  22. Greece and Turkey are on the brink of war once again – the trigger this time being access to rich reserves of natural gas under the Eastern Mediterranean. Source: Hiiraan Online