Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyey kiiska gabar shalay dil iyo kufsi loogu geystay gudaha degmada Waabari ee gobolka Banaadir. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in falkaasi loo xiray illaa afar qof oo la tuhmayo, kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Halkan hoose ka aqriso:- Shalay 11/Sep/2020, abaare 14:00pm duhurnimo ayaa Saldhiga Boliiska Degmada Waaberi, waxaa Soo gaaray warbixin ku saabsan meedka gabar la dilay, gudaha Degmadaas gaar ahaan guri dabaq ah oo ku yaala Waaxda #Maajo in laga Soo tuuray Marxumad #Xamdi #Maxamed Faarax ina Hooyo Nadar Caraale Culusow, 19 jir ah ku dhalatay #Ceelbur dagan Degmada #Deyniile, Marxuumada ayaa ka mid aheyd dhalinyaradii dhawaan gashay Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga Sarre ee sanadkaan kuna baastay. Meesha uu Kiisku marayo. Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, oo ka duulayo warbixintaas ayaa goobta tagay. Isla markaasna marsiiyay nadaamka lagu maamulo goob danbi ka dhacay, waxaan biloownay baarista, aruurinta cadeymaha iyo gacan ku dhigista eedeysanayaasha oo aan gacanta ku hayno ilaa 4 #Eedeysane, waxaa socota baaris qoto-dheer, waxaana si dhaw Ummadda ula wadaagidoonaa natiijada Baarista oo dhameystiran.” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay taliska guud ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray dhacdadii argagaxa laheyd ee kufsiga iyo dilka loogu geystay gabar dhawaan ka qalin jabisay marxaladda dugsiga sare. Sida wararka qaar ay sheegayaan gabadhaan ayaa kufsi wadareed loo geystay ka hor inta aan dabaq laga soo tuurin, waxaana ka hadlay afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed kaas oo sheegay iney baaritaano ku aadan falkaasi bilaabeen. Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in Ciidanka Booliska gacanta ku dhigeen afar qof oo lagu eedeeyay iney ka dambeeyeen falkaasi dhacay, isla markaana ay baaritaan ku socoto. Afhayeenka wuxuu sheegay in afar qofood ay u hayaan kufsiga iyo dilka gabadha loo geystay, isal markaana ay socoto baaritaanno ay rajeynayaan iney natiijo kasoo baxdo, si ay bulsahda ula wadaagaan wixii kasoo baxa. Gabadha dhibaatada loo geystay waxaa magaceeda lagu sheegay Xamdi Maxamed Faarax, waxeyna ku nooleed dagmada Dayniile gaar ahaan xaafada Raadeerka. Saakay ayaa lagu aasay magaalada Muqdisho, ehalada gabadhaan oo qaarkood la hadlay saxaafadda gudaha waxey dalbanayaan iney cadaalad u helaan. The post Ciidamada Booliska oo gacanta ku dhigay eedeysanayaal loo heysto kufsiga iyo dilkii Xamdi first appeared on Caasimada Online.
  3. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa aad u mashquul ahaa tan iyo markuu Muqdisho tagay, maalmahaanba waxaana sii kordhay Masuuliyiinta kusoo booqanaya Xarunta uu degan [...] The post Muqdisho oo Madxweyne Deni saf loogu jiro, Waare oo booqdey maanta appeared first on . Source
  4. Gaarisa (Caasimadda Online) – Booliska wadanka Kenya ayaa sheegay iney miino ku qaraxday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo wadada u dhaxeysa Faafa iyo Gaarisa ku aasayay waxyaabaha qarxa. Sida la sheegay qaraxaas waxey waxyeello kasoo gaartay 7 ruux, saddex ayaa dhimatay halka afar kalan ay dhaawacyo kasoo gaareen. Saraakiil ciidan ayaa tilmaam ka bixiyay nuuca gaariga ay wateen, waxaana lagu sheegay Toyota Hilux, sidoo kale saraakiil ciidan oo goobta booqday waxey kusoo arkeen saameynta uu qaraxa sameeyay. Dadka deegaanka oo u warramay warbaahinta gudaha waxey sheegeen iney maqleen jug xoogan ka hor inta aysan arkin uuro hawada qabsatay iyo baxsadka gaariga tilmaanta laga bixiyay oo xawaare sare ku socda. Dagaalyahanada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida waxey mar walba sameeyaan falal ka dhan ah ciidamada Kenya, waxaana la aaminsan yahay in ciidamada ay kasoo tallaabeen xadka Soomaaliya. Dowlada Kenya waxey geed dheer iyo geed gaaban u fuushay la dagaalanka kooxaha ay ugu yeeraan argagixisada, waxeyna ciidamo badan dhigeen xuduudka labada wadan taasoo ay rabaan iney kaga hortagaan weerarada Al-Shabaab. The post Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Al-Shabaab oo ay Miino la qaraxday first appeared on Caasimada Online.
  5. Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku gacan sayray inuu noqdo Raysal wasaare kadib falan uga yimid Madaxweyne Farmaajo. Guuleed ayaa lagasoo xigtay [...] The post CabdiXakiin Xuseen Guuleed oo sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo usoo bandhigay Raysal wasaaranimo appeared first on . Source
  6. Maxkamadda Derejada Kowaad ee Gobolka Nugaal, ayaa Maanta oo Sabtiya dhegaysatay Gar-maqalka dacwad ka dhan ah sagaal nin, oo ku eedaysan in ay dhac iyo xatooyo u gaysteen Shirkadda SAAFI Gaas ee Magaalada Garoowe. Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax, ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in sagaalka eedaysane iyo hal eedaysane oo maqan ay dhac iyo xatooyo u gaysteen qaar kamid ah Haamaha Cuntada lagu karsado ee Shirkadda SAAFI Gaas. Sagaalka eedaysane oo dhankooda ka hor-hadlay Maxkamadda, ayaa dhammaantood beeniyay in ay wax dhac iyo xatooyo ah u gaysteen Shirkadda SAAFI Gaas. Dhinaca kale, Wakiil ka socday Shirkadda oo lagu magacaabo Maxamuud Nuur Siciid ayaa isna halkaasi ka sheegay in eedaysanayaasha qaarkood ay hore hay’adaha Baarista ugu qirteen dambiga loo haysto. Ugu dambayntii, Maxkamadda Derejada Kowaad ee Gobolka Nugaal, ayaa dib u dhigtay ka go’aan gaarista kiiska loo haysto sagaalka eedaysane ee Maxkamadda la hor-keenay iyo hal eedaysane oo maqan. PUNTLAND POST The post Garoowe: Rag ku eedaysan in ay dhac u gaysteen Shirkad Ganacsi oo Maxkamad la soo taagay appeared first on Puntland Post.
  7. GAROWE (HOL) - A 16 year mentally unsound girl was gang raped and tortured in Garowe Friday. Source: Hiiraan Online
  8. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qaybgalay Aaska Alle ha u Naxariistee Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Shaafi Raabi Kaahin. Labada Madaxweyne ku xigeen Gudoonka Baarlamaanka iyo dadweyne kala duwan ayaa sidoo kale ka qaybgalay Aaska Marxuum Shaafi Raabi Kaahin. Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadlay goobta Aaska ayaa sheegay in dhagarta Argagixisada ay tahay mid mudan in laga wada qaybqaato sidii looga hortagi lahaa isagoo sheegay in qof masaajid ilahay kasoo baxay in la dilo ay tahay mid uu Ciqaabtiisa dhadhamin doono qofkii falkaas gaystey. Madaxweyne Axmed Madoobe wuxu intaas ku daray in Shacabka iyo masuuliyiinta ay u Siman yihiin Kooxda Al-Shabaab isagoo Tusaale usoo qaatay goob ay dadweyne ku shaahayeen Magaalada Muqdisho oo maalmo kahor uu isku qarxiyay naftii halige. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka qayb-galay Aaska marxuum Shaafi Raabi appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, ayaa magaalada Muqdishu kula kulmay Safiirka Soomaaliya u Fadhiya Dowladda Maraynkanka Danjire Donald Yamamoto. Labada masuul ayaa ka wada hadlay arrimaha Galmudug iyo xaaladda guud dalka ayagoo si gaar ahna uga wada hadlay Arrimo la xiriira Doorashooyinka 2020-2021 iyo Dhammeystirka heshiiskii Dhuusmareeb 3 . Safiirka Mareykanka ayaa ka mahadceliyay kulanka Madaxweynaha GM, asagoona ku ammaanay Galmudugta cusub waxyaabihii u qabsoomay muddadii koobneed iyo doorkii ay ka qaadatay taabagelinta shirarkii Dhusamareb 1,2 & 3. Ugu danbeyntii kulanka ayaa kusoo dhamaaday si guul ah ayadoona is afgarad laga gaaray dhamaan qodobadii laga wada hadlay. Kulankaan ayaa kusoo aadayo xilli uu Maanta baaqday kulankii ay ku ballansanaayeen Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe kaasoo looga arrinsan lahaa arrimaha doorashada 2020/2021. Shirkaan oo 2 jeer horay u baaqday ayey aheyd inuu furmo maanta si loo ambaqaado natiijadii shirkii Dhuusamareeb 3 iyo wax kabedelkiisa. The post Qoor Qoor iyo Yamamoto oo kulmay xilli uu Maanta baaqday Shirkii DF iyo Maamul Goboleedyada first appeared on Caasimada Online.
  10. Allaha u naxariistee Xamdi Maxamed Faarax oo aheyd 19 jir ayaa lagu kufsaday, kadibna lagu dilay degmada Waabari ee G/Banaadir, sida ay sheegeen ehelladeeda. Marxuumadda ayaa sidoo kale ka mid aheyd ardayda ka qalin-jibiyey dugsiyada sare ee magaalada Muqdisho, waxaana ay gashay imtixaanka dowladda ee 2019/2020. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ragga geystay falkaasi ay marxuumadda ka soo tuureen dhisme dabaq ah oo ku yaalla xaafadda Maaj ee degmada Waabari. Halkan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/War-Fartuun-Kufsi.mp3 View the full article
  11. TACSI MADAXWEYNE: 12/09/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, siyaasiyiinta dalka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 12/09/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi door muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadaynta shacbiga Somaliland, isagoo xilal muhiima oo kala duwan ka soo qabtay qaranka. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, siyaasiyiinta dalka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Qaran News
  12. Waddanka Jarmalka waa 16 Dowladgoboleed midwalba ismaamusha. Dowladgoboleed walba wuxuu leeyahay Baarlamaan u gooni ah iyo xukuumad u gooni iyo Wasiiro maamula Wasaaradahooda kala duwan. [...] The post 16 Shahaado oo Dugsiga Sare ah ayaa ka jira Waddanka Jarmalka appeared first on . Source
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhacdo argagax leh ayaa shalay ka dhacday magaalada Muqdisho kadib markii gabar kufsi loo geystay laga soo tuuray dabaq ku yaalla dagmada Waabari. Gabadhaan yar waxaa magaceeda lagu sheegay Xamdi Maxamed Faarax oo deegaankeedu ahaa dagmada Dayniile, gaar ahaan xaafada Raadeerka. Gabadhaan waxey ka mid aheyd ardaydii sanadkaan ka qalin-jabiyay dugsiga sare, balse wali laamaha amaanka Soomaaliya kama hadlin dhacdadaan, walow ay warbaahinta u xaqiijiyeen waalidiinteeda. Qaar ka mid ah ehelada gabadhaan oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa dalbaday in cadaaladda la horkeeno dadka geystay falkaan foosha xun, waxeyna warbaahinta u sheegeen in la xaqiijiyay kufsiga loo geystay gabadha yar ka hor inta aan dabaqa laga soo tuurin. Falalka kufsiga ah ee loo geysanayo gabdhaha da’da yar ayaa kusoo badanaya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, dhacdadaan ayaana ah midda ugu dambeysa ee la hadal haayo iyadoo la filayo in la amba-qaado xal ka gaarideeda. The post Gabar laga soo tuuray dabaq kadib markii kufsi loogu geystay magaalada Muqdisho. first appeared on Caasimada Online.
  14. Madaxweynaha Galmudug MD Axmed Cabdi Kaariye, ayaa magaalada Muqdishu kula kulmay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dowladda Maraynkanka Danjire Donald Yamamoto. Labada masuul ayaa ka wada hadlay arrimaha Galmudug iyo xaaladda guud dalka ayagoo si gaar ahna uga wada hadlay Arrimo la xiriira Doorashooyinka 2020-2021 iyo Dhammeystirka heshiiskii Dhuusmareeb[3]. Safiirka Mareykanka ayaa ka mahadceliyay kulanka Madaxweynaha GM, asagoona ku ammaanay Galmudugta cusub waxyaabihii u qabsoomay muddadii koobneed iyo doorkii ay ka qaadatay taabagelinta shirarkii Dhusamareb 1,2 & 3. Ugu danbeyntii kulanka ayaa ku soo dhamaaday si guul ah, iyadoona is afgarad laga gaaray dhamaan qodobadii laga wada-hadlay View the full article
  15. Waxaa markii saddexaad uu dib u dhac ku yimid shirka wada-tashiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho. Shirka ayaa waxa ay ballantu aheyd inuu maanta si rasmi u billowdo, balse waxaa dib u dhaca loo sababeeyey safarada ay u baxeen Qoor-Qoor Axmed Madoobe. Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku laabtay Kismaayo, kadib qarax ka dhacay magaaladaasi, halka hoggaamiyaha Galmudug uu safar deg-deg ah ugu baxay Kenya. Shirka wada-tashiga Muqdisho oo daba socda shirkii Dhuusamareeb 3 ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa dhameystirka heshiiskii lagu gaaray magaaladaasi. View the full article
  16. MOGADISHU (HOL) - The United States is set to deliver light combat vehicles to Somali National Army to bolster its war against Al-Shabaab in what sources also say is a move to counter Turkey’s influence in the Somali army. Source: Hiiraan Online
  17. Waxaa goordhow furmay kulanka 25-aad kalfadhiga 7-aad ee golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxaana shir guddoominaya guddoomiyaha golaha mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Ajendaha kulan maanta ayaa ah akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda,iyadoo ay kulan soo xaadireen 147 mudane. Kulanak ayaa waxaa goobjoog ka ah guddoomiye ku xigeennada koowaad iyo labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey iyo Mudane Mahad Cabdalle Cawad. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  18. The governing party in Ethiopia's northern Tigray region has won all contested seats in elections that have further affected an already hostile relationship with the federal government. Source: Hiiraan Online
  19. Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay kulan ballaaran oo ay ka qeyb-galayaan xubno ka socda dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kaas oo looga hadlayo ka hortagga tacaddiyada loo geysto dumarka Soomaaliyeed. Xeer ilaaliyaha oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in laga wada-hadli doono sharciga ka hortagga tacaddiyada jinsiga ee dumar loo geysto, siiba warqada caafimaad ee loogu tala-galay in loo adeegsado baarista tacadiyada, si ay cadaalad u helaan dhibanayaasha. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in la’iska kaashado ka hortagga dhibaatooyinka loo geysto dadka nugul, gaar ahaan dumarka. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe ay dalka soo badanayeen tacaddiyada ay la kulmaan haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan falalka Kusfiga. View the full article
  20. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qaybgalay Aaska Alle ha u Naxariistee Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin. Labada Madaxweyne ku xigeen, Gudoonka Baarlamaanka iyo dadweyne kala duwan ayaa sidoo kale ka qaybgalay Aaska Marxuum Shaafi Raabi Kaahin. Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadlay goobta Aaska ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga wada qayb-qaato sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab, isagoo sheegay in qof masaajid ilahay ka soo baxay in la dilo ay tahay mid uu Ciqaabtiisa dhadhamin doono qofkii falkaas gaystey. Sidoo kale wuxuu Madaxweynahu intaas ku daray in shacabka iyo masuuliyiinta ay u Siman yihiin Al-Shabaab isagoo Tusaale usoo qaatay goob ay dadweyne ku shaahayeen Magaalada Muqdisho oo maalmo kahor uu isku qarxiyay naftii halige ah. Ugu dambeyn Axmed Madoobe ayaa shacabka reer Jubaland iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo dagaalka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  21. Madaxweynayaasha Hirshabeele iyo Galmudug ayaa Cadaadis Siyaasadeed iyo mid Beeleedka kala kulmay Beeshooda Mogadishu Clan, Waxayna si toosa ugu sheegeen iney wax ka badalaan Mowqifkooda Siyaasadeed [...] The post Beesha Mogadishu Clan oo cadaadis saartay Waare iyo Qoorqoor appeared first on . Source
  22. A day before being killed in August last year, 45-year-old motorcycle taxi driver, Mohamed ‘Modi’ Mwatsumiro was heard arguing with his wife at their tin roof dwelling in the small town of Ngombeni, on the south coast of Kenya. Source: Hiiraan Online
  23. Hargeysa (Caasimadda Online) – Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa xaqiijiyay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay u gudbeen gobollada Somaliland. Laamaha amniga waxey sheegeen in saraakiishaas ay ku sugnaayeen dhulka buuraleyda ee Gal-gala, walina ma aysan xaqiijin tirada rasmiga ah ee saraakiisha ay sheegeen iney dhankaas u gudbeen. Maamulka Somaliland ayaa la sheegay in mudooyinkii dambe ay amaanka magaalooyinka qaar aad u adkeeyeen, waxaana dadka qaar ay sheegayaan in wadooyinka magaalooyinka qaar ay xiran yahiin. Sababta ay halkaas ugu boqooleen xubnaha Al-Shabaab lama oga, kaliya waxaa la hayaa xaqiijin ku saabsan iney deegaankaas u gudbeen. Somaliland waxey ka mid tahay deegaanada ugu amniga wanaagsan Soomaalida, waxaana ka jirtay sanadahii ugu dambeeyay xasilooni la isku haleyn karo. Kooxaha Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida waxey hawlgallo ka sameeyaan inta ugu badan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxeyna dagaal kula jiraan ciidamada Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo taliska mareykanka ee Africa. The post Saraakiil ciidan oo sheegay in xubno Al-Shabaab ah ay u gudbeen Somaliland. first appeared on Caasimada Online.