Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garowe (PP Features) — The run-away inflation in Puntland was the subject the Friday sermon delivered in Garowe today by Sheikh Mukhtar Ahmed Farah. Sheikh Mukhtar deplored insouciance of Puntland State Government towards citizens weighed down by deteriorating living standard. “There is a marked disparity between the exchange rate in Puntland and other parts of Somalia. 41.50 thousand Somali shillings buys one US dollar in Puntland whereas in other parts of Somalia such as Galmudug, Mogadishu, Kismayo and Baidoa the selling rate of one dollar is 25,000 shillings” said Sheikh Mukhtar. “This exchange rate disparity is what drives up inflation in Puntland. If some people, who receive salaries in dollars, think higher exchage rate benefits them, they had better look at food prices. 1 kg of tomatoes that cost 20,000 shillings few weeks ago now costs 37, 000 shillings. The price of 500 grams of camel meat rose from 90,000 to 180,000 shillings. How can a labourer who earned daily wages of 300,000 shillings eke out a living if a half-kilogram of camel meat costs 180, 000 shilling?” asked Sheikh Mukhtar. Sheikh Mukhtar: Why are traditional leaders and politicians indifferent to the plight of citizens? The Sheikh related the story of distraught nomads at Garowe livestock market, who were not able to convert Somali shillings to dollars to buy food and sundries for their families due to the higher exchange rate. “Why are traditional leaders and politicians indifferent to the plight of citizens? Is it only when a person from a clan gets wounded or killed that traditional leaders and politicians intervene? Why do they turn a blind eye to the suffering of people? Does not the government have responsibility to deal with problems that impinge on social values?” said Sheikh Mukhtar. The sermon has generated discussions throughout Puntland. Sheikh Mukhtar emphasised rectification as the middle way between calling for total dissolution of “our institutions and indifference to mounting social and economic problems in Puntland”. © Puntland Post, 2020 The post Puntland Government Urged to Rein In Run-away Inflation appeared first on Puntland Post.
  2. In an exclusive interview with FRANCE 24 while on an official visit to France, Kenya’s President Uhuru Kenyatta discussed the main challenges facing him. Asked about the fight against terror, the Kenyan leader denied reports that the US military has sought authorisation to carry out drone strikes inside Kenya. He stressed that if such a request were made, he would refuse it. Kenyatta also addressed the Covid-19 pandemic, Kenya’s economic development, as well as a bid to dissolve parliament because of a lack of gender equality. In an exclusive interview with FRANCE 24, Kenyan President Uhuru Kenyatta warned that it was too early to say the worst was over regarding the Covid-19 pandemic. He said he had ordered a relaxation of restrictions in Kenya because the trend of infections was improving, but he said schools would remain closed for now and refused to give a date for their reopening. Kenyatta admitted the country’s economy had taken a hit, but said Kenya had fared better than many countries and added that he was optimistic for the future of the economy. He vowed to leave no stone unturned in the investigation into possible misuse of Covid-19 funds by the Kenya Medical Supplies Authority, stressing that investigations had been launched and would be pursued wherever they might lead. The president hailed the business deals signed in France for infrastructure projects in Kenya, stressing that they would be financed by the private sector and, as such, not add any more government debt. With regards to terrorism, Kenyatta said the threat to his country had sharply diminished but that Somalia’s Islamist group al Shabaab remained the main danger. He did not commit to a date for Kenyan troops to withdraw from Somalia. He strongly denied reports that the US military has sought authorisation to carry out drone strikes inside Kenya. He stressed that if such a request were made, he would refuse it. Asked about an advisory issued by the Chief Justice to dissolve parliament because gender equality measures had not been enacted, he said that the decision was now before the courts, adding that dissolving parliament was not his intention. Regarding his tense relation with Deputy President William Ruto, Kenyatta warned that now was not the time to campaign for the 2022 presidential election but instead to work to improve inclusiveness by reaching out to the opposition. He said such a move was not aimed at weakening his vice president. However, Kenyatta refused to commit to support him in 2022 like both men had agreed to do when they decided to run together on a joint ticket back in 2012. Finally, Kenyatta said he would not seek to change the constitution to seek a third presidential term and that he did not wish to remain in power, even if a position of prime minister was created for him through a constitutional reform currently under consideration. View the full article
  3. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la dhigay isbitalka Walter Reed National Military Medical Center, oo ku yaalla magaalada Bethesda ee gobolka Maryland ee ku dhow Washington, halkaasi oo uu dhowr maalmood ku sugnaan doono. Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Trump uu ku sugan yahay xaalad dhiiranaan ah, islamarkaana uu leeyahay astaamo aan xooganeyn oo ka mid ah kuwa cudurka Coronavirus. “Si loo muujiyo taxaddar dheeri ah, iyo soo jeedin ka timid dhaqtarkiisa iyo khubarada caafimaadka dartood, madaxweynaha waxa uu kasoo shqeyn doonaa xafiiskiisa Walter Reed maalmaha soo socda,” ayaa lagu yiri bayaanka Aqalka Cad. “Madaxweynaha waxa uu ka mahad-celinayaa taageerada aad u muujiseen isaga iyo marwada koowaad.” Ilo-wareed ku dhow madaxweynaha ayaa sheegay in tan iyo subaxnimadii Jimcaha lagu arkay qandho iyo qufac kooban, ayada oo qandhada ay tahay mid darran. Waxaa sidoo kale la sheegay inuu daal dareemayo. Madaxweynaha Mareykanka Donlad Trump ayaa subaxnimadii Jimcaha shaaca ka qaaday in isaga iyo marwada koowaad Melania Trump laga helay cudurka Coronavirus. Trump ayaa muddo saadaalinayey inuu cudurka Coronavirus “iskiis isaga tagi doono,” kuna adkeysanayey inay xakameeyeen. Trump ayaa muddo bilooyin ah diidanaa inuu xirto maaskaro, isaga oo habeenkii Talaadada ee uu doodda la yeeshay Joe Biden, si aad ah ugu jees jeesay inuu xirnaa maaskaro. Trump ayaa ka mid ah dadka loo arko inay halis u yihiin in cudurka ay u dhintaan maadaama uu yahay 74 jir, ayada oo 80% dadka cudurka u dhintay ee Mareykanka ay ka weyn yihiin 65 jir. Trump ayaa sidoo kale qaba kolestarool sare, waxaana culeeskiisa lagu qiyaasaa 110 kg. The post Trump oo isbital la dhigay iyo wararkii ugu dambeeyey xaaladdiisa first appeared on Caasimada Online.
  4. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta shaaca ka qaaday in isaga iyo marwada koowaad Melania Trump laga helay cudurka Coronavirus, ayna geli doonaan karantiil laba toddobaad ah. Haddaba, maxaa dastuurka Mareykanka uu ka leeyahay markii madaxweyne xilka haya uu xanuunsado, maxaase dhacaya haddii xanuunkaas uu u geeriyoodo ama si kale. Qodobka 25-aad ee dastuurka Mareykanka, farqadiisa 3-aad waxaa ku qoran, in haddii madaxweynaha uu xanuun la seexdo uu haysto ikhtiyaar uu si ku-meel gaar ah awoodda ugu wareejiyo madaxweyne ku-xigeenka, ooh adda ah Mike Pence, wuxuuna dib usoo ceshan karaa awooddiisa marka ay la noqoto inuu caafimaad ahaan awoodo inuu waajibaadkiisa guto. Tan iyo markii qodobkan lagu soo daray dastuurka 1967-kii, waxay madaxweynayaasha Mareykanka arrintan sameeyeen kaliya saddex goor. 1985-kii, madaxweyne Ronald Reagan ayaa si ku-meel gaar ah awoodda ugu wareejiyey ku-xigeenkiisa George H. Bush, ayada oo lagu sameynayey malawad-baaris (colonoscope) inkasta oo uusan si rasmi ah u shaacin. Madaxweyne George W. Bush ayaa isna qodobka 25-aad adeegsaday laba goor, isaga oo sanadihii 2002 iyo 2007 si ku-meel gaar ah xukunka ugu wareejiyey ku-xigeenkiisa Dick Cheney. Bush ayaa sidoo kale labada goorba lagu sameeyey malawad-baaris (colonoscope). Farqada 4-aad ee qodobka 25-aad ayaa waxaa ku qoran hab madaxweynaha looga wareejin karo xukunka, haddii uu awoodi waayo ama loo arko inuusan awoodi inuu dalka maamulo xanuun ama sabab kale darteed. Qodobkan ayaa golaha wasiirada siinaya awood ay inta ay codeeyaan ay tallaabadan ku qaadi karaan, ayaga oo xukunka ku wareejinaya madaxweyne ku-xigeenka. Qeybtan dastuurka marnaba lama adeegsan. Haddii madaxweyne ku-xigeenka uusan isna awoodin inuu xilka qabto, waxaa hoggaanka dalka la wareegaya afhayeenka Aqalka Wakiilada, oo hadda ah Nancy Pelosi. Haddii madaxweynaha uu geeriyoodo, waxaa xukunka la wareegaya madaxweyne ku xigeenka. Haddii madaxweynaha iyo ku-xigeenkaba ay geeriyoodaan waxaa xukunka la wareegaya afhayeenka Aqalka Wakiilada. Mareykanka ayaa leh taraiikh fog oo madaxweynayaal ay ku dhaceen xanuuno darran ayaga oo fadhiya xafiiska, oo qaarkood ay haleeleen cudurro saf-mareen ah. Madaxweynihii ugu horreeyey Mareykanka George Washington ayaa mar qarka u istaagay geeri, xilli Mareykanka uu ka socday hargab darran, intii lagu guda jiray muddo xileedkiisa labaad, halka Woodrow Wilson uu xanuunsaday intii ay socdeen wada-hadalladii nabadeed ee Paris kadib dagaalkii koowaad ee adduunka, kaasi oo sidoo kale uu haleelay hargab dunida dad badan ku laayey intii u dhaxeysay 1918-1920. Afar madaxweyne ayaa Mareykanka ugu geeriyodoay xaalado dabiici ah ayaga oo xukunka haya, kuwaas oo kala ah: William Henry Harrison, Zachary Taylor, Warren G. Harding iyo Franklin D. Roosevelt. Sidoo kale afar madaxweyne ayaa la dilay ayaga oo xukunka haya, kuwaas oo kala ah: Abraham Lincoln, James A. Garfield, William McKinley iyo John F. Kennedy. The post Dastuurka Mareykanka iyo xanuunka madaxweynaha - Sidee Trump xukunka looga qaadi karaa? first appeared on Caasimada Online.
  5. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo muddo bil ah Muqdisho u joogay geedi socodka doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta safar gaar ah ugu ambabaxay magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Madaxweyne Deni oo hadal kooban jeediyay inta uusan ka duulin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay inay soo idlaatay walwal badan oo laga qabay geedi socodka doorashooyinka dalka, gaar ahaan xiliga iyo qaabka ay u dhacayso. Madaxweyne Deni wuxuu tilmaamay inay guul ku soo dhamaadeen shirarkii uu Muqdisho kula yeeshay madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, maadaama lagu guuleystay in la go’aamiyo lana ansixiyo hannaanka doorashooyinka, ugu dambeyna xalay la dhameystiro soo gudbinta habka, guddiyadda, habraaca iyo jadwalka doorashadda. “Waxaan rajeynayaa walwal badan oo laga qabay dhinaca doorashada inay maanta soo idlaatay, waxaan rajeynayaa muddooyinka soo socda in dalku si nabad iyo xasilooni ah ku geli doono doorasho” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Madaxweynaha Puntland ayaa uga mahadceliyay madaxweyne Farmaajo iyo madaxda kale sidii ay isugu fahmeen hannaanka doorashada ee la qaatay. PUNTLAND POST The post Deni: Waxaa soo idlaatay walwal badan oo laga qabay doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
  6. The Ethiopian migrants were expelled by Yemeni rebels who forced them to the Saudi Arabia border Source: Hiiraan Online
  7. MOGADISHU, Oct 2 (Reuters) - Whistles screech on the sea breeze as three female Somali coaches inspect a line of women in black and blue headscarves dribbling basketballs. Source: Hiiraan Online
  8. Somalia has published its electoral calendar, setting the presidential election for next year. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-habeen-02102020.mp3 View the full article
  10. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) aya galabta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo kadib Safar shaqo la xiriira hirgalinta hanaanka Doorashada dalka oo uu mudo bil ah u joogay Magaalada Muqdisho. Labada Madaxweyne ku xigeen Gudoonka ⁸Baarlamaanka iyo Masuuliyiin kala duwan ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Magaalada Kismaayo. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sii-hayayaasha wasiirada xukuumadii dhacday ee Kheyre ayaa looga yeeray Villa Somalia iyadoo ay jirto guux ku saabsan in ra’isul wasaaraha cusub uu ku dhawaaqi doono golahiisa wasiirada. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa amarkan loogu yeeray, balse waxaa la fahamsan yahay in loogu yeeray arrimo ku saabsan soo xulista xubnaha cusub ee xukuumadda, ayada oo qaarkood lasoo celin doono qaar kalena, loo sheegi doono inaanay soo laaban doonin. Xubnaha soo laaban doonaa waxaa loo badinayaa inay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre iyo qaar kale oo hadda ka tirsan sii-hayeyaasha Golaha Wasiirada Soomaaiya. Wasiirada baxaya waxaa ka mid ah Wasiirka amniga Soomaaliya Xil. Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xildhibaan Xasan Cali Amardambe, wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Sabriye wasiir ku xigeenka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xidhibaan Cusmaan Daalo iyo qaar kale. U yeerista wasiirada ayaa kusoo aadeysaa xilli lasoo saaray hab raac rasmi ah oo ku saabsan doorashada soo socota, taasoo shaqadeeda la bilaabayo bartamaha bishaan, waxaana loo baahan yahay in xukuumadda cusub ay udub dhexaad noqoto howsha. The post Wasiirada xukuumadii R/W Kheyre oo loo yeeray - Maxaa socda? first appeared on Caasimada Online.
  12. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha wadanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markii ugu horreysay ka jawaabay sida ay uga falceliyeen dalab kaga yimid dowladda Mareykanka kuna saabsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab. Kenyatta oo wareysi siinayay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday ineysan marnaba ogolaan doonin in ciidamada Mareykanka ay gudaha wadankooda ku duqeeyaan Al-Shabaab oo la aaminsan yahay iney halis ku tahay wadamada Bariga Afrika. Kenyatta wuxuu sheegay in wararka sida xanta ah u baahinaya in ciidamada Mareykanka ay doonayaan iney duqeymo cirka ah ka geystaan gudaha wadankooda iyagoo beegsanaya Al-Shabaab aysan marnaba ogolaan doonin hadii dalabkaas la horkeeno, waxaana hadalkiisa ka muuqaneysa ineysan wali jirin dalab rasmi ah oo kaga yimid xukuumadda Washington. Sidoo kale warbixinta uu baahiyay Tv-ga laga leeyahay wadanka Faransiiska ayaa qireysa ineysan dowladda Kenya wali go’aan ka gaarin wakhtiga ay ciidamadooda ka saarayaan gudaha Soomaaliya. Si kastaba wargeys laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa si xan ah usoo dusiyay dhawaan damaca ku jira dowladda Mareykanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, balse ma jirto warbixin rasmi ah. Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida waxey ku xoogan yahiin Koonfurta Soomaaliya, waxeyna sidoo kale dhibaatooyin ka geystaan wadamada Dariska gaar ahaan Kenya. The post Go'aanka Kenya ee qorshaha cusub ee Mareykanka ee la xiriira kooxda Al-Shabaab first appeared on Caasimada Online.
  13. Markab Cunto dhacday Sida oo Hayada WFP u dirtay Soomaaliya,kuna sii jeeda Dekedaha Muqdisho & Berbera Sida ilo xogogaal ahi Warbaahnta u xaqiijiyeen Markab kuwa shixnadaha qaada oo sida ilaa dhawr kun oo metric ton oo Cunto Deeq ah hase yeeshee waqtigeedii dhacay balse Hayada WFP u qoondeysay inay u qaybiso goobaha baahidu ka jirto ee Soomaaliya ayaa dhawaan ka soo anbabaxay dekedda Mombasa ee dalka Kenya. Waxaana Ilaha aanu xogta ka helay intaas ku dareen ama noo xaqiijiyeenba in Markabkaasi ku soo jeedo Dekedaha Muqdisho & Boosaaso, inkastoo warar kalena tibaxayaan inu Berbera ku danbeyn doono. Cuntada Markabkani sido oo dhacday “Xumaatey” ayaa la ogaaday inay WFP ugu talogashay inay ku gargaarto ilaa sodomeeyo kun oo qof oo Soomaali ah oo ku kala filiqsan Kaamam Barakacayaal oo ku yaala dalka Gudihiisa oo ay soo wajahaday Cunto yaraan iyo Nafaqodaro. Cuntadan Markabkani sido ayaa la sheegay in hore loogu diray Dhawr Dal oo kale oo Afrikaana oo xaalad cunto yaraan ahi soo waajahday, hase yeeshee ay diideen in laga dejiyo Markabka kadib markii ay ka war heleen in cuntadan waqtigii la cuni lahaa la dhaafay oo ay keenayso halis caafimaad oo balaadhan. Cuntadaas oo muddo badan hay’adda ay dhibaato ka haysatay meeshii ay geyn lahayd ayaa ugu danbayntii Saraakiisha Hayada WFP ku taliyeen in loo diro Cuntadan Dhacday Soomaaliya, maadaba aaney waxba diidin, islamarkaana aaney halkaa ka jirin Hay’ado ilaaliya Tayada Cuntada waddanka soo gasha. Geesta kalena waxay xoggaha Warbaahintu loo soo dusiyey intaas ku darayaan in Markabka Cuntada WPF Sida saaran yihin koox Caafimaad oo ku takhasusay buufinta cuntada Dhacday si aanay ugu dhalan Cayayaan & Xansharaad Mudada ay cuntadu markabka Dulsaaran tahay, maadaba ay dhacday, taas oo kelifaysay in maalin walba Cuntada qayb kamid ah la buufiyo Guntii iyo Gunaanadkii sida Warbaahintu ogaatey Hay’ada WFP waxaa u qorsheysan ama ka go’an inay cuntada dhacday ee markabka saaran kuna soo jeeda Soomaaliya ka dejiso Goobo (Dekedo ) aan lahayn Hay’ado baadha Tayada Cuntada oo aan fashilin inay cuntada dhacday. Cuntadan dhacday ee loosoo diray Soomaaliya ayaa latuhunsan yahay inaysan ahayn markii ugu horeeyay maadaama muddo dheer aanay waddanka ka jirin hay’ado dawladeed oo waxtar leh oo ilaaliya tayada cuntooyinka waddanka soo gelaya. Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa howl-gal qorsheysan oo maanta ay ka fuliyeen deegaanka Bariire ku dilay Madaxii hoobiyeyaasha ee kooxda Al-Shabaab, sida ay baahisay Idaacada ciidamada qalabka sida. Howl-galkaasi ayaa sidoo kale lagu dilay 17-xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyada oo dhulka lala simay oo ay ciidamadu bur-buriyeen xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxdaasi. Taliyaha ururka 143 ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo la hadlay Idaacada ciidamada qalabka sida, ayaa waxa uu sheegay in howl-galkii maanta lagu dilay Abuu Nuur Mukhtaar, oo ahaa madaxii hoobiyeyaasha Shabaab. Abuu Nuur Mukhtaar oo ku magac dheer Gaabshe, ayaa Al-shabaab u qaabilsanaa haynta iyo tuurista hoobiyaayaasha, sida uu sheegay Taliyuhu. Taliye Axmed ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday inuu bixiyo faah-faahin intaasi ka badan oo ku saabsan weerarkii maanta ay ka fuliyeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose. Howl-galkan ayaa imanaya xili ay dhawaan kooxda Al-Shabaab ay weeraro ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin deegaankaasi. Kooxda Al-Shabaab ayaa marar badan weeraro qorsheysan ka fulisa deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, taasi oo keentay in ciidamada dowladdu ay kordhiyaan howl-galada ay ku beegsanayaan maleeshiyadooda. The post Ciidamada DF oo howl-gal ku dilay Abuu Nuur Mukhtaar first appeared on Caasimada Online.
  15. Shuruurdo adag iyo lacag aad u badan oo lagu xidhay Murashaxiinta u Loolalamaya Kuraasta labada Aqal ee Somalia Shirkii xarunta Villa Somalia uga socday madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ayaa lagu go’aamiyey shuruudaha laga rabo musharaxiinta xildhibaanimada u tartameysa labada Aqal. Sidoo kale waxa shirkaasi lagu soo saaray shuruudaha laga rabo ergooyinka soo dooraneysa xildhibaanadaasi, kuwaasi oo ka kooban siddeed shuruud. Shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartameysa labada aqal ayaa waxa kamid ah in xildhibaanada Aqalka Sare laga rabo lacag dhan 20-kun oo dollar oo diiwaan gelin ah, halka kuwa Aqalka golaha shacabka laga rabo 10-kun. Hoos ka akhriso shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartameysa labada Aqal ee baarlamaanka Somalia In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Dhimirkiisu u dhan yahay Da’diisu ka yarayn 25 sano Aan xuquuuqdiisa muwaadinimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay. Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta. In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah In uu haysto waraaqda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) ee dalka. Musharax kasta oo u tartamaya golaha shacabka ama Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (labaatan kun oo dollar) musharax kasta. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Golaha Shacabka waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) musharax kasta. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma celinayo. Sidoo kale hoos ka aqriso shuruudaha ergada soo dooranayso xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliyeed: 1- In uu yahay Soomaali, kana tirsan yahay beesha kursiga ku heshay nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5. 2 – In da’adiisu uusan ka yareyn 18 sano 3 – In miyirkiisu caafimaad qabo, uuna awood u leeyahay in uu codayn karo 4 – In uu fahansan yahay mas’uuliyadda doorashada 5 – In uusan musharax u ahayn Labada Aqal midkoodna 6 – In aysan maxkamadi ku ridin xukun kama danbeys ah ee fal dembiyeed lagu muteysanayo xabsi shanti sano ee ugu dambeysay. 7 – In uusan hayn xil siyaasadeed waqtiga doorashada 8 – In uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii xarunta Villa Somalia uga socday madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ayaa lagu go’aamiyey shuruudaha laga rabo musharaxiinta xildhibaanimada u tartameysa labada Aqal. Sidoo kale waxa shirkaasi lagu soo saaray shuruudaha laga rabo ergooyinka soo dooraneysa xildhibaanadaasi, kuwaasi oo ka kooban siddeed shuruud. Shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartameysa labada aqal ayaa waxa kamid ah in xildhibaanada Aqalka Sare laga rabo lacag dhan 20-kun oo dollar oo diiwaan gelin ah, halka kuwa Aqalka golaha shacabka laga rabo 10-kun. Hoos ka akhriso shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartameysa labada Aqal ee baarlamaanka federaalka: In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Dhimirkiisu u dhan yahay Da’diisu ka yarayn 25 sano Aan xuquuuqdiisa muwaadinimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay. Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta. In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah In uu haysto waraaqda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) ee dalka. Musharax kasta oo u tartamaya golaha shacabka ama Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (labaatan kun oo dollar) musharax kasta. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Golaha Shacabka waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) musharax kasta. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma celinayo. Sidoo kale hoos ka aqriso shuruudaha ergada soo dooranayso xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliyeed: 1- In uu yahay Soomaali, kana tirsan yahay beesha kursiga ku heshay nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5. 2 – In da’adiisu uusan ka yareyn 18 sano 3 – In miyirkiisu caafimaad qabo, uuna awood u leeyahay in uu codayn karo 4 – In uu fahansan yahay mas’uuliyadda doorashada 5 – In uusan musharax u ahayn Labada Aqal midkoodna 6 – In aysan maxkamadi ku ridin xukun kama danbeys ah ee fal dembiyeed lagu muteysanayo xabsi shanti sano ee ugu dambeysay. 7 – In uusan hayn xil siyaasadeed waqtiga doorashada 8 – In uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada The post Shuruurdo adag iyo lacag aad u badan oo lagu xiray musharaxiinta labada Aqal first appeared on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida lagu shaaciyay war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska warbaahinta maamulka Puntland. Madaxweyne Deni ayaa muddo bil ah ku sugnaa magaalada Muqdisho, halkaas oo ay dowlada dhexe iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada ku gaareen heshiis ku aadan doorashooyinka kusoo foolka leh dalka, wuxuuna shaaciyay iney guul kusoo dhamaadeen wax walba oo loo yimid caasimadda. Sidoo kale isbadalka yar ee ku yimid doorashadaan oo waxyar ka duwan middii la qabtay 2016 ayuu ku sheegay iney yahiin duruufo laga fursan waayay. Waxaa la qeexay hab walba oo ay noqon laheyd doorashada soo aadan, qaabka loo soo dooran doono xildhibaanada labada aqal, guddoonka Baarlamaanka iyo madaxweynahaba, waxa dheeriga ah waa in 101 ergo ay dooranayaan xildhibaanada iyo labada goobood ee la dhigayo kuraasta. 15-k Octoober ayey bilaaban doonaan doorashooyinka iyadoo aqalka sare laga bilaabi doono, waxaana lasoo afjari doonaa horaanta February 2021 markaas oo madaxweynaha afarta sano ee soo socota hogaamin doona dalka la dooran doono. Faah-faahin dheeri ah lagama bixin sababta dhabta ah uu u aadayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyadooba ay jirto waxyaabo mad-madow ah oo u dhaxeeya labada dal, waxeyna Kenya sugeysaa isbadalka ka dhaca dalka. The post Saciid Deni oo safar ku deg deg ah ugu baxay NAIROBI kadib heshiiskii Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
  18. Trump & Xaaskiisa oo laga helay fayraska korona Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in isaga iyo Marwada Koobaad Melania Trump laga helay fayraska korona haatanna ay iskarantiileen. Madaxweynaha waa 74-jir sidaasi daraadeedna waxa uu ka mid yahay dadka halista wayn uu ku keeni karo cudurkan, ayaa warka ah inuu xanuunku haleelay waxa uu ku shaaciyay bartiisa Twitterka. “Si wadajir ah ayeynu kaga soo wadakabsan doonnaa,” ayuu soo qoray. Arrintan ayaa imanaysa kaddib markii mid ka mid ah lataliyaashiisa aadka ugu dhaw, waa Hope Hicks ee, laga helay cudurka Covid-19. Hope Hicks, waa 31-jir latalisa madaxweynaha, waana qofkii ugu dhawaa ee ka mid ah lataliyayaasha soke ee Mr Trump ee illaa hadda cudurka laga helo. Tonight, @FLOTUS and I tested positive for COVID-19. We will begin our quarantine and recovery process immediately. We will get through this TOGETHER! — Donald J. Trump (@realDonaldTrump) October 2, 2020 Waxa ay madaxweynaha kula safartay diyaaradda Air Force One markii uu ka qeybgalayay dooddii taleefishinka ee horraantii todobaadkan lagu qabtay Ohio. Dhakhtarka madaxweyne Trump Sean Conley ayaa waxa uu shaaciyay bayaan uu ku sheegayo in madaxweynaha iyo marwada koobaad “ay waqtigan la joogo xaaladoodu wanaagsan tahay, ayna qorshaynayaan in gurigooda Aqalka Cad ku sugnaadaan mudada soo kabshada ee loo baahanyahay.” “Kooxda caafimaadka ee Aqalka Cad iyo aniga ayaa si dhaw ula socon doona xaaladda. “Wax walwal ah ma jiro, waxaanan filayaa in madaxweynaha uu howshiisa hakad la’aan ku sii wadan doono mudada uu xanuunkaasi ka soo kabsanaya, marwalba wixii soo kordha waan idinla socodsiin doonnaa,” ayuu ku sheegay bayaanka. Aroortii Khamiista ayu Mr Trump sheegay in isaga iyo xaaskiisa, oo 50-jir ah, inay karantiil galayaan kaddib markii Ms Hicks laga helay cudurka Covid-19. Waxa uu bartiisa twitterka soo dhigay: “Hope Hicks, oo howl adag haysay oo weliba aanan fasax badan qaadan, ayaa waxaa laga helay Covid-19. Waa wax aad looga xumaado! “Marwada Koobaad iyo aniga waxaynu sugaynaa natiijada baaritaankii nalaga qaaday. Sidaas oo ay tahayse, waxaynu bilaabi doonnaa hannaankii aynu isku karantiilaynay!” Ma ay cadda sida cudurkan laga helay Mr Trump ay u saamayn doonto qabanqaabada doodda madaxtinimada ee labaad, taas oo la qorsheyay in Miami, Florida, lagu qabto 15-ka bishan Oktoobar. Qaran News
  19. Howlgal ka dhacay duleedka degaanka Bariire ee gobolka Shabelaha Hoose ayaa waxaa la sheegay in Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku dileen madaxii hoobiyeyaasha Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka iyo xubno kale oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab. Taliyaha Ururka 143 ee Ciidanka Xoogga dalka, Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana lagu dilay 17 dagaalyahano iyo madaxii hoobiyeyaasha ee Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Taliye Axmed ayaa magaca sarkaalka la dilay ku sheegay, Abuu Nuur Mukhtaar oo ku magac dheer (Gaabshe). Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  20. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donlad Trump ayaa maanta shaaca ka qaaday in isaga iyo marwada koowaad Melania Trump laga helay cudurka Coronavirus. Trump ayaa cudurka laga helay saacado kadib markii gabar ku dhow, oo kaaliye u ah Hope Hicks. la ogaaday inay cudurka qaaday, waxaana la rumeysan yahay inay ayada u gudbisay. Warkan ayaa hoggaanka Mareykanka ku tuuraya xalaad hubanti la’aan ah, wuxuuna kasii darayaa xaaladda cudurka Coronavirus ee Mareykanka, oo illaa iyo hadda ay ugu dhinteen 207,000 oo qof. Qaadista Trumop ee cudurka Coronavirus ayaa caqabad deg deg ah kusoo rogeysa ololihiisa doorashada ee ka dhanka ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden, ayada oo kaliya hal bil ay ka hartay xilliga cod-bixinta madaxweynaha. Xitaa haddii Trump, oo 74 jir ah, aan laga helin astaamaha cudurka, waxa uu lumin doonaa waqti badan oo uu ugu baahnaan lahaa ololihiisa, maadaama la karantiilayo laba toddobaad. Haddii astaamaha lagu arko, oo uu xanuunsadana, waxay su’aalo gelin doontaa badqabkiisa uu dalka ku hoggaamin karo. Arrinta kale ee jirta ayaa ah, in haddii xitaa Trump uusan la dhicin cudurka, tani waxay u keeni doontaa guul-darro siyaasadeed oo weyn, sababtoo ah muddo bilooyin ah ayuu hoos u dhigayey halista cudurkan oo maalin kasta gudaha Mareykanka ku dilaya in ka badan kun qof. Waxa uu muddo saadaalinayey inuu cudurka “iskiis isaga tagi doono,” kuna adkeysanayey inay xakameeyeen. Trump waxa uu sidoo kale muddo bilooyin ah diidanaa inuu xirto maaskaro, isaga oo habeenkii Talaadada ee uu doodda la yeeshay Joe Biden, si aad ah ugu jees jeesay inuu xirnaa maaskaro. Waxaan sidoo kale caddeyn, in habeenkii doodda uu Trump qabay cudurka iyo in kale, inkasta oo isaga iyo Biden ay kala fogaayeen. In cudurka laga helay Trump waxay sidoo kale meesha ka saareysa inuu mowduuca ololaha doorashada ka beddelo ka hadalka cudurka, oo dadka Mareykanka ay badankiis rumeysan yihiin inuu si aan wanaagsaneyn ula macaamilay. Trump ayaa doonayey inuu dareenka cod-bixiyayaasha u jeediyo dhanka ansixinta garsooaraha 9-aad ee uu dhowaan u magacaabay maxkamadda sare ee Mareykanka, taasi oo u baahan in Aqalka Senate-ka uu meel-mariyo. Trump ayaa ka mid ah dadka loo arko inay halis u yihiin in cudurka ay u dhintaan maadaama uu yahay 74 jir, ayada oo 80% dadka cudurka u dhintay ee Mareykanka ay ka weyn yihiin 65 jir. Trump ayaa sidoo kale qaba kolestarool sare, waxaana culeeskiisa lagu qiyaasaa 110 kg. The post Maxay in Trump laga helay Coronavirus uga dhigan tahay rajadiisa dib u doorasho? first appeared on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Duhur-2-10-2020-ok.mp3 View the full article
  22. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa safar ugu ambabaxay magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Madaxweynaha ayaa muddo bil ah u joogay Muqdisho jiheynta Dalka marxaladda kala guurka ah iyo sidii ay wakhtigeeda ugu dhici laheyd doorasho la isla ogolyahay, taasi oo lagu guuleystay in la go’aamiyo lana ansixiyo iyadoo xalayna lasoo dhameystiray soo gudbinta habka, guddiyadda, habraaca iyo jadwalka doorashadda. Puntland ayaa marwalba dadaal joogto ah ku bixisa dhismaha Dowladdnimada Soomaaliya iyo ka gudbinta dalka marxaladdaha kala duwan, Safarkii Madaxweynaha ee Muqdisho iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu halkan ka qabtayna waxay qeyb ka tahay sida Puntland ay masuuliyadd isaga saartay masiirka dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid ayaa Caasimada Online u sheegay in muddo dhan Saddex bilood ay xiran tahay xarunta degmada, sababo la xiriira lacag lagu leeyahay. Xarunta degmada oo dhismaheedu xarigga laga jaray Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya oo ku aadanaa bishii July ee sanadkaan ayaa la xiray isla bishaas, waxaana ilaa hadda xiran xarumaha degmada. Dadka aan la hadalnay ayaa noo sheegay in dhamaan albaabada xarumaha degmada ay ku dheggan yihiin quful, islamarkaana dadka lagu qaabilo geedaha hoostooda iyo gaadiidka dhaxdiisa. Lacagta lagu leeyahay degmada ayaa gaareysa saddex boqol iyo toddoba iyo toban kun oo dollar ($317,000), waxaana la sheegayaa in aysan ilaa hadda maamulka degmada bixin lacagtaas. “Ilaa hadda laguma shaqeeyo xaruntii degmada sababtoo ah waxaa lagu leeyahay lacag kumanaan kun oo doolar ah, ma jirto qof isku dayay in ay bixiyaan ilaa hadda lacagtaas,” ayuu yiri xubin ka tirsan maamulka degmada oo la hadalay Caasimada Online. Ma cadda sababta maamulka degmada ay xarunta ugu dhiseen lacag intaas la eg, haddii aysan awoodin inay iska bixiyaan. Maamulka gobolka Banaadir ayaan sidoo kale wax caawimaad ah ka geysaneyn sidi arrintan loo xalin lahaa. The post Dhismaha xarunta degmada Yaaqshiid oo saddex bilood u xiran lacag 7,000 ah first appeared on Caasimada Online.
  24. Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaaadir ayaa soo saaray jadwalka iyo habraaca doorashoyinka Soomaaliya iyo waliba shurudaha laga doonayo musharixiinta Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo ergooyinka soo dooranayso. Halkan hoose ka aqriso:- Shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartamaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka: In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Dhimirkiisu u dhan yahay Da’diisu ka yarayn 25 sano Aan xuquuuqdiisa muwaadinimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay. Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta. In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah. uu haysto waraaqda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) ee dalka. Musharax kasta oo u tartamaya Galaha Shacabka ama Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (labaatan kun oo dollar) musharax kasta. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Golaha Shacabka waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) musharax kasta. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma celinayo. Sidoo kale waxaa la soo saaray shuruudaha ergada soo dooranayso xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliyeed. 1- In uu yahay Soomaali, kana tirsan yahay beesha kursiga ku heshay nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5. 2- In da’adiisu uusan ka yareyn 18 sano 3- In miyirkiisu caafimaad qabo, uuna awood u leeyahay in uu codayn karo 4- In uu fahansan yahay mas’uuliyadda doorashada 5- In uusan musharax u ahayn Labada Aqal midkoodna 6- In aysan maxkamadi ku ridin xukun kama danbeys ah ee fal dembiyeed lagu muteysanayo xabsi shanti sano ee ugu dambeysay. 7- In uusan hayn xil siyaasadeed waqtiga doorashada 8- In uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada View the full article