-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo ka mid ah Mudaneayasha Golaha Wakiilada Somaliland ee ka soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa wax lala yaabo iyo sharci daro ku tilmaamay in Golaha uu ka tirsan yahay uu laalo saam-qaybsiga kuraasta Beelaha darafyada Somaliland, kootada haweenka iyo Beelaha laga tirada badan yahay. Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Somaliland beel qudhi ma degto ee beelo badan baa wada dega, Somaliland beel qudhi ma leh ee beelaha wada dega ayaa wada leh, laakiin go’aankii maalintii dhawayd Golaha ka dhacay ee lagu ansixiyey Xeerkii Doorashooyinka ee aan xaqiiqada ka turjumayn wuxuu daliil u yahay in beel qudhi ay Somaliland leedahay, beeshaas oo ah beesha dhexe, waa ayaan-daro in in Xeerka Doorashooyinka ay ka wada maqnadaan saam-qaybsiga, Kootada haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay, cidna looma tudhin, waxay ahayd in xal laga gaadho tabashada saami-qaybsiga oo aanu helno kuraasta aanu xaqa u lahayn, waxay ahayd in xal laga gaadho arinta is xambaarka, maxaa yeelay meelo badan oo Somaliland ka tirsan baan Doorasho laga qaban karin, waxay ahayd in xal laga gaadho oo la daayo Kootada haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay..” Mar uu ka hadlayey Dastuurka ayaa yidhi “Dastuurka Somaliland wuxuu u baahan yahay in wax ka beddel iyo kaabis lagu sameeyo, Dastuurku maaha Kitaab quraan ah oo aan la taaban karin ee dib ha loo furo, wax ka beddelna ha lagu sameeyo, si aynu wax u wada yeelano, oo xaq daro ma rabno ee waxaa qudha ee aan u rabnaa waa waxaanu xaq u leenahay” Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Subax-Sabti-Shabelle-3.10.20.20-ok.mp3 View the full article
-
Ayax fara ba’an ku haya degmada Xiingalool iyo nawaaxigeeda
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ayax diigaanyo ah, ayaa lagu soo warramayaa in uu ku habsaday degaanno badan oo ka tirsan degmada Xiingalool ee gobolka Haylaan, halkaas oo uu fara ba’an ku hayo daaqsinta Xoolaha. Mas’uuliyiinta Puntland u qaabilsan degmada Xiingalool, ayaa sheegay in Ayaxa uu ku habsaday degaannada ay kamid yihiin Qoyan, jiingadda, Damal-goray, Xaar-xaarshe iyo war-idaad oo dhammaantood ka tirsan Xiingalool. Sidoo kale, odayaasha iyo waxgaradka Xiingalool ayaa sheegay in Ayax uu xaalufin daran ku hayo degaanka, islamarkaana uu si ba’an u diirtay daaqsintii Xoolaha, welina dhul horleh ku sii faafayo. Odayaasha iyo mas’uuliyiinta Xiingalool, waxay xukuumadda Puntland gaar ahaanna wasaaradda degaanka ka codsadeen, in ay ka caawiso sidii Ayaxa looga kicin lahaa degmada Xiingalool iyo nawaaxigeeda. Sidoo kale, degaanno ka tirsan Karkaar iyo Nugaal ayaa soo sheegaya in Ayaxu ku habsaday, waxaana laga cabsi qabaa in uu meelo kale ku sii fido. PUNTLAND POST The post Ayax fara ba’an ku haya degmada Xiingalool iyo nawaaxigeeda appeared first on Puntland Post. -
Over the past five years Somali pirates took more than 3 600 people hostage in attacks on ships varying in size from tankers through to container transporters, dhows, fishing vessels and yachts. Source: Hiiraan Online
-
Aqalka Cad ee Maraykanka, ayaa shaaciyay in Madaxweyne Donald Trump loo qaaday isbitaalka Militari oo ku yaalla gobolka Maryland ee duleedka Washington, kadib markii uu shalay sheegay in laga helay xanuunka Covid-19. Xoghayaha Warbaahinta Aqalka Cad ee Maraykanka, Kayleigh McEnany, ayaa laga soo xigtay in Madaxweyne Trump loo qaaday isbitaalka Militariga ee Walter Reed, oo ku yaalla magaalada Bethesda ee Gobolka Maryland, si loola tacaalo xaaladdiisa Caafimaad. Madaxweyne Donald Trump, ayaa maalmaha soo socda joogi doono qeyb gaar ah oo ka tirsan isbitaalka, halkaas oo lagu daryeeli doono xaaladdiisa, sida ay sheegtay Xoghaye McEnany. Mr Trump, ayaa Jimcihii Shalay bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in xanuunka Covid-19 laga helay isaga iyo xaaskiisa Melania Trump, islamarkaana ay ku jiraan xaalad karantiil ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Trump oo loo qaaday Isbitaal Militari appeared first on Puntland Post.
-
After the Covid-19 pandemic closed Kenya’s schools in March, Aden Jamal and his brother Abdullah Ahmed were excited to be home with their parents. They couldn’t have known a family friend, Juma Karim, had other plans for them. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Norway oo meesha ka saartay shuruud sharci aheyd Muddo ah oo ay dhibaato ku qabeen dumarka muslimiinta ah ee xijaaban Dowladda Norway ayaa meesha ka saartay shuruud sharci aheyd oo soo jirtay in muddo ah taas ay dhibaato ku qabeen dumarka muslimiinta ah ee xijaaban iyo dadka kale ee diimaha kale haysta sida Singaha. Sharcigan ayaa ahaa in uu dhagaha muujiyo ama soo saaro marka uu qofka xijaaban ama turban-ka xiran uu galayo sawirka loo adeegsanayo baasaboorka. Wasiirad Monica Mæland (H) oo arrintan ay hoos timaado ayaa warbaahinta u sheegtay in ay shacigan meesha ka saareen sanano la xiriira dad gaar ah oo uu aad u taabanayo, balse hadafkiisii hore ahaa in lagu xoojiyo amniga dokumintiga. Dadka arrintani khuseysay ayaa soo dhoweeyay go`aanka dowladda, waxaana ay muujiyeen in ay dhib ku qabeen shuruudaasi mudada soo jirtay. Qaran News
-
Badda siyaasadda Soomaaliya ayaa isbeddeshay wixii ka dambeyey June 6, 2020 “Kalfadhigii 7aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed (BFS),” waxaana soo baxay dhowr arrimood oo aan la filaneyn kuwaas oo saameyn toos ah amase tooxsan ku yeelan kara doorashada madaxwynaha Soomaaliya. Lama filanka kowaad waxuu ahaa in Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi uu ku baaqay in June 25, 2020 dawladda Federaalka iyo Maamul-goboleedyaduba isugu yimaaddaan wadatashi lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya darfaha si doorashada ka hor looga gudbo siyaasadda cakiran Durbadiiba halkaas waxaa ka dhashay walaac sharciyeed oo ku aaddan maqaamka uu Mudane Axmed Maxamed Islaam-Madoobe uga qaybgeli doono wada xaajoodka. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee DFS ayaa aqoonsan diidday doorashadiisii. Si la yaab leh, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa uga tanaasuslay mowqifkii xukuumadda una aqoonsday muddane Axmed Maboobe inuu yahay madaxa maamul-goboleedka Jubbaland muddo labo sanadood ah, kana bilaabatay dhammaadkii xilfadhigiisii hore. Filanwaaga labaad waxuu ahaa shirkii looga gudbi lahaa ismariwaa u dhexeeyey Soomaaliya iyo Somaliland ee lagu qabtay Jabuuti, taas oo dadka Soomaaliyeed gelisay hididiilo, balse noqon weyday waxii la mooday. Bisayl xumada siyaasadeed ee hoggaamineyaasha labada dhinac ayaa loo eedeynayaa. Dhacdadii saddexaad ee lama filaanka ahayd waxay ahayd in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo si hammi weyn leh ugu heellanaa doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka wada dhacdo kana qaybgalaan inta ugu badan codbixiyeyaasha, xitaa haddii ay taasi kallifayso in xilheynta hay’addaha dastuuriga la kordhiyo, ay si sahlan farahiisii ka siibatay. Aakhirkii, layaabka ku soo kordhay jahwareerka siyaasadeed ayaa ahaa in ku kala qaybsanaanta fikirka doorashada ee Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Khayre, ay ku dhammaatay in July 25, 2020 xukunka looga tuuray Ra’iisulwasaarihii ugu xilheynta dheeraa dalka “afgambi” aan waafaqsaneyn sharciga. Qaadista ficil abuuri kara buuq sanadka doorashad waxuu weligii dhaawaci jiray fursada dib u doorashada Madaxweynaha fadhiya [Farmaajo], waxuuna daliil u yahay in doorashadu ay gashay waji cusub oo ku dhaliyay hubaal la’aan xisaabtankii siyaasadeed ee “Nabad iyo Nolol.” Dhacdada afraad ma ahayn wax lala yaabo, balse saamaynteeda si buuxda looma saadaalin. Shirka 3aad ee wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee Dhuusamareeb ayaa qabsoomay iyadoo ay qaaddaceen madaxda maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland. Carqaladeeynta baadiggoobka nidaam doorasho oo shaqeynaya oo gaartay quus ayaa soo bandhigtay faham xumada nidaamka federaalka, taas oo dedejisay in Mareykanka qaswadayaal ugu yeero madaxdii danahooda ka hormariyay tii dalka. Ilaa hadda, dhammaan dhacdooyinkaas filawaaga ahaa ee la yaabka isdaba joogga ah ka soo burqaday, waxay u muuqdaan xisaab xumo siyaasadeed kaddib markii ay hakin waayeen in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu heshiiskii Muqdisho sidiisii u meelmariyo, taas oo dhalisay jahwareer hor leh. Darreenku waxuu yahay in doorashoda dadban aysan horseed u noqon karin hirgelinta dimuqraadiyad loo simaan yahay, wax badanna aysan ka duwaneen tii 2016kii, taas oo ku caan baxday fadeexada musuqmaasuq ee ugu weynnayd taariikhda Soomaaliya. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Lama filaanka kadiska ah ee cawaaqibka ku yeelan kara doorashada 2021 first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka qof si arxan darro ah loo dilay la soo dhigay qeybo ka mid ah wadada Sodonka, gaar ahaan inta u dhexeysa isgoysyadaa Baar-Ubax iyo Black Sea. Marxuumka oo si xun loo dilay ayaa waxaa jirkiisa ka muuqday dhaawacyo halis ah, iyadoona dilkiisa loo adeegsaday Toorey ama Mindi, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo saaka waabarigii hore meydka ku arkay isaga oo yaallo wadada dhinaceeda. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, gaar ahaan CID-DA ayaa sidoo kale gaaray meesha, kuwaas oo baakado dul-saaray meydka, islamarkaana xiray dhaq dhaqaaqa wadadaasi. “Qof la dilay oo aan garaneyn cidda dishay ayaa saakay ku aragnay laamiga soddonka gaar ahaan xaafadda Salaama, Ciidamada Booliiska Degmada Howlwadaag ayaa tagay oo dhinac kamid ah wadada xiray, waxaana yimid Askarta baarista ee xarunta C.I.D-da.” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka. Illaa iyo hadda lama aqoonsan wax uu ahaa ninka la dilay ee kadib meydkiisa la soo dhigay halkaasi. Sidoo kale lama garan kooxdii ka dambeysay falkaasi oo goobta isaga baxsatay dhacdada kadib. Meesha ay wax ka dhaceen oo ah xaafadda Salaama ayaa waxa todobaadkii la soo dhaafay ka dhacay qarax is-miidaamin ah oo ay fulisay haweeney, kaas oo lagu dilay taliyihii ciidaada dhar cadda degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir. Muddooyinkii u dambeeyey gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dhacayey falal ammaan dari oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba. The post Meydka qof si arxan darro ah loo dilay oo la soo dhigay wado ku taalla Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa diinta Islaamka ku qeexay “diin adduunka oo dhan ay dhibaato ka taagan tahay,” isaga oo shaaca ka qaaday qorshe lagula dagaalamyo wax uu ugu yeeray “xagjirnimada Islaamka” ee gudaha France. Macron ayaa sheegay in diinta Islaamka ay xasarad ku sugan tahay, sababtuna ay tahay mowqifyo xagjir ah oo kasii daraya. Madaxweynaha Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday in dowladda ay bisha December soo bandhigi doonto sharci looga gol leeyahay in sare loo qaado calmaaniyadda Faransiiska, kana dhan ah “gooni u goosadka Islaamiga ah.” “Islaamka waa diin dhibaato ay ka taagan tahay dunida oo dhan, ma ahan oo kaliya wax aan ku arkeyno France kaliya,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay in dowladda ay bisha December soo bandhigi doonto sharci lagu xoojinayo sharcigii laga soo saaray France 1905-tii, kaasi oo kala saaray diinta iyio dowladda. Tallaabooyinkan, ayuu Macron yiri in looga gol leeyahay in wax looga qabto dhibaatada xagjirnimada Islaamka ee kusii kordheysa France, loona horumariyo “awoodda aan u leenahay inaan wada noolaano.” “Calmaaniyadda waa waxa isku haya midowga Faransiiska,” ayuu yiri. Sharcigan, ayuu sheegay, inuu dadka u ogolaanayo inay doortaan diinta ay doonayaan, hase yeeshee uu mamnuucayo in iskuulada iyo goobaha dadweynaha lagu muujiyo diinta. Sanadihii tegay, Muslimiinta Faransiiska ayaa muujinayey diintooda, taasi oo dood badan ka dhalisay Faransiiska, gaar ahaan dumarka xirta xijaabka. Muslimiin badan waxay cabasho ka muujiyeen in la takoorayo islamarkaana la dhibaateynayo, taasi oo horseeday inay bulshada ka soocmaan, noqdaana bulsho gooni u nool oo badankoodna sabool ah. Macron waxa u uku dhowaaqay inuu isku dayi doono inuu Islaamka Faransiiska “ka xoreeyo” saameynta shisheeyaha, ayada oo sare loo qaadayo la socoshada lacagaha lagu maal-geliyo Masaajidada. Waxaa sare loo qaadi doonaa ka warqabka Iskuuullada, gaar ahaa kuwa diimeed ee bulshooyinka Islaamka. Waxyaabaha kale ee Macron uu shaaciyey waxaa ka mid ah in la xadidi doono caruurta guryaha wax lagu baro ee Muslimiinta ah, si looga hortago, buu yiri, in la maskax rogo. Sharciyadan cusub ee Macron qorsheynayo ayaa laga cabsi qabaa inay carro badan ka dhex abuuraan Muslimiinta, oo markii horeba dareemayey in la beegsanayo, taasi oo ahayd mid ka mid ah sababaha ay dhallinyaro badan ugu nuglaadeen inay ku biiraan kooxaha argagixisada. The post Macron oo weerar culus ku qaaday ISLAAMKA, kuna dhowaaqay go'aano adag first appeared on Caasimada Online.
-
Trump oo loola Cararay Cusbitaal . Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa cisbitaal oo qaaday wax ka yar 24 saacadood kadib markii laga helay cudurka coronavirus. Aqalka Cad ayaa sheegay in go’aanka loogu qaadayo Xarunta Caafimaadka Milatariga ee Walter Reed “laga qaatay” taxaddar fara badan “. Mr Trump – oo qandho qabay – ayaa sheegay subaxnimadii hore ee Jimcaha isaga iyo marwada koowaad Melania Trump in laga helay Covid-19. Aqalka Cad ayaa sheegay inuu dareemayo “daal laakiin niyaddiisu ay aad u sarrayso” uuna la kulmayo astaamo khafiif ah. Warkan ayaa imanaya bil uun ka hor doorashada madaxtinimada, halkaas oo uu ku wajihi doono Joe Biden oo ka tartamaya xisbiga Dimuqraadiga. Sidee u ekaa Madaxweynuhu? Isagoo xidhan maaskaraha wejiga iyo suud madaw ayuu, Mr Trump wuxuu socod ku maray barxadda Aqalka Cad galabnimadii Jimcaha xilli uu ku sii socday helikabtarta, Marine One, oo ugu qaadaysay safarka gaaban dhankaa iyo cisbitaalka. Wuxuu u gacan haadiyay wariyeyaasha laakiin waxba ma uu odhan inta aanu diyaaradda fuulin. Muuqaal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Mr Trump ku yidhi: “Waxaan rabaa inaan uga mahadceliyo qof walba taageerada weyn ee aad ii fidiseen. Waxaan aadayaa cisbitaalka Walter Reed. Waxaan u maleynayaa inaan aad u fiicanahay.” “Laakiin waxaan hubinaynaa inay wax hagaagaan. Marwada madaxweynaha aad ayay u fiican tahay. Markaa aad ayaad u mahadsan tihiin, waan idinku ku qanacsanahay, weligayna ma illaawi doono – waad mahadsan tihiin.” Carruurta madaxweynaha, Ivanka iyo Eric, ayaa dib u soo dhigay qoraalkiisa, iyagoo ku ammaanay inuu yahay “dagaalyahan”. Ms Trump ayaa raacisay: “Waan ku jeclahay aabbe.” pic.twitter.com/B4H105KVSs — Donald J. Trump (@realDonaldTrump) October 2, 2020 Markii uu yimid Walter Reed, madaxweynaha ma uusan aadin qolka gargaarka degdegga ah si loogu daweeyo, laakiin wuxuu toos u aaday qeybta madaxtooyada ee isbitaalka, sida ay sheegayaan warbaahinta la saaxiibka ah BBC ee Mareykanka, CBS News. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Aqoon-yahanka Soomaaliyeed ee ka faalooda siyaasadda Soomaaliya, Afyare Cabdi Cilmi ayaa ka hadlay go’aamadii kasoo baxay shirkii xarunta Villa Somalia uga socday madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, gaar ahaan shuruudaha lagu waajibiyey musharixiinta xildhibaanimada u tartameysa labada Aqal. Afyare ayaa dood ka qaba lacagta lagu waajibiyey inuu bixiyo musharax kasta oo u tartamaya labada aqal, taasi oo ah dhigeysa in musharixiinta Aqalka Sare ay bixiyaan 20-kun, halka 10-kun laga rabo kuwa Aqalka golaha shacabka. Shuruuddan adag ee lacagta ayaa meesha ka saareysa hami siyaasadeedka dad badan oo doonayey inay xilal u tartamaan, waxayna fursadda ku koobeysa kaliya inta yar ee lacagta haysata ama qurbo-joogta. Prof. Afyare wuxuu lacagahaasi ku tilmaamay kuwo sharci darro ah oo cadaaladda ka fog, maadama ay liiska tartamayaasha ka reebayso muwaadiniin badan oo xaq u lahaa inay doorasho galaan. Sidoo kale waxa uu isbar-bar dhig ku sameeyay xadiga lacagta laga rabo musharaxiinta iyo midka ay mushahar ahaan u qaatan xildhibaanadu, kaasi oo qiyaasitii ay ka badan tahay afar jibaar mida hadda lagu diiwaan-galinayo. “Sida lasoo sheegayo, rag yar ayaa go’aansaday in musharixiinta Labada Aqal ee Soomaaliya ay bixiyaan khidmadda xareynta oo ah $10,000 & $ 20,000 siday u kala horreeyaan” ayuu ku yiri qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay. Wuxuuna sii raaciyey “Go’aankaan cadaalad darada ah ayaa ka hor istaagaya inta badan Soomaalida inay ka qeyb galaan. Si la yaab leh, mushaharka jagooyinka waa qiyaastii $ 3,700. Taasina waxay dhiiri-gelin doontaa musuq-maasuqa”. Ugu dambeyntiina waxa uu tallaabadaasi lacagaha badan loogu soo rogay musharaxiinta ku macneeyay mid horseedi karta musuq-maasuq baahsan. The post Go'aanka shirkii Villa Somalia oo daaqada ka tuuray hami siyaasadeedkii dad badan first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid C/laahi Deni ayaa ka hadlay hehsiiska laga gaaray arrimaha doorashooyinka & jadwalka ay sida wada-jirka ah u soo saareen, kaasi oo cadeynaya xilliga ay dhacayaan doorashooyinka baarlamaanka labada Aqal, guddoonka baarlamaanka iyo midda Madaxweynaha. Madaxweyne Deni ayaa markii u horeysay shaaciyey inuu meesha ka baxay wal-wal badan oo ay ka qabeen arrimaha doorashooyinka, kaasi oo ku qotomay in doorashadu ay xiligeeda daba marto. Deni ayaa sheegay in doorashadu ay xiligeeda ku qabsoomeyso, isla markaana ay dhinacooda ka shaqeynayaan, sidii ay si nabad ah oo xasilooni ah loogu dareeri lahaa doorashada 2020/21. Wuxuuna shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay inay degenaanta iyo nabada ay ku naaloonayaan ay ku faro adeygaan, xili uu maanta safar uga amba-baxayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Ugu dambeyntiin waxa uu madaxweynuhu soo jeediyay in la ilaashado dowladnimada Soomaaliya, iyada oo laga wada shaqeynayo amniga iyo xasiloonida dalka. The post 'Arrin uu walaac ka qabay Deni oo meesha ka baxay' first appeared on Caasimada Online.
-
I had a fruitful meeting and discussion with the ministry of foreign affairs of Sweden regarding the support of the Swedish Govt of Somaliland forthcoming parliamentary & local govt elections in May 2021. The discussion also included women and minority participation. #SLElections pic.twitter.com/C6hQLFqIlB — Cabdiraxmaan Cirro (@CirroSL) October 2, 2020 Qaran News
-
Dableey hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab, ayaa xalay saqdii dhexe weerar culus ku qaaday saldhiga Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin garoonka diyaaradaha magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo. Goob-joogayaal ku sugan Baardheere, ayaa laga soo xigtay in daryanka hubka noocyadiisa kala duwan xalay laga maqlayay saldhiga ku yaalla garoonka diyaaradaha Baardheere, halkaas oo ay deggan yihiin Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya. Al-shabaab ayaa la soo weriyay in ay hoobiyaal ku garaacday saldhiga, kadibna Ciidamadii halkaasi joogay ay jawaab-celin ka bixiyeen weerarka, inkastoo aan faahfaahin laga helin Khasaaraha kala gaaray labada dhinac. Al-shabaab ayaa muddooyinkii dambe sare u qaadday weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, xillli sidoo kale ay socdaan hawlgallo lagu baacsanayo Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo weerar culus la beegsaday Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baardheere appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka oo ujeedkeedu yahay iney sii xoojiso la dagaalankooda kooxda Al-Shabaab ayaa gaadiid siisay dowladaha Soomaaliya dariska la ah ee Itoobiya iyo Kenya. Warbixin kasoo baxday safaaradda Mareykanka ee wadanka Itoobiya ayaa lagu sheegay in la siiyay ciidamada Itoobiya sahay lagu qiimeeyay ku dhawaad saddex malyan oo doolar si ay u xoojiyaan la dagaalankooda Al-Shabaab. 29-kii September ayey aheyd markii la helay xogtaas, waxaana la siiyay gaadiid xamuul ah, booyado, gaadiidka shidaalka, gawaarida gurmaka iyo qalab kale oo ay ku jiraan kombiyuutaro la adeegsado habeenki. Bartamahii bishaan ayey aheyd markii gawaari 20 kor u dhaafey oo qaarkood ay yahiin kuwa aysan xabaddu karin la siiyay ciidamada Kenya, waxaana lagu gudoomay xaflad ka dhacday magaalada Nairobi. Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida waa halista ugu weyn ee gobolka, waxeyna ku xoogan yahiin Soomaaliya, walow ay sidoo kale weeraro ku qaadaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ee jooga Soomaaliya. Al-Shabaab waxey sidoo kale mudooyinkii dambe ku dhiiradeen iney weeraro ka fuliyaan gudaha Kenya iyagoo xadka ka tallaaba. The post Dalalka dariska ee Kenya iyo Itoobiya oo laga caawinayo ka hortagga Al-Shabaab first appeared on Caasimada Online.
