Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u gaaray Dalka South Sudan halkasoo uu uga qayb gali doono Munaasabada Nabadeynta Dalkaas. Warsaxaafadeed kasoo [...] The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Suudaanta Koonfureed appeared first on . Source
  2. Maanta oo kale 27 sano ka hor, ciidamo ka socday dalka Mareykanka oo Muqdisho, caasimadda Soomaaliya u joogay hawlgalka “rajo soo celin”-ta iyo caawinta dadka iyo dalka dhibaateysan ayaa isku dayey iney qabtaan hoggaamiyihii awoodda badnaa ee USC/SNA Gen. Maxamed Faarax Caydiid, tiiyoo keentay dhimashada 18 askari oo Mareykanka iyo kun Soomaali ah. Haddaba, Akhristeyasha Goobjoog News waxaan halkan ugu soo gudbin doonnaa xogo cusub oo maalintaasi Oktobar 3 la xiriirta oo aan ka helnay qaar ka tirsan guddigii fulinta ee USC/SNA ee goobjoogga ka ahaa wixii ka dhacay, waxaa lasoo sheekeystay qoraaga Cabdicaziz Axmed Gurbiye, Maxaa Dhacay October 3, 1993: Dagaal xoogan oo dad badani ku dhinteen ayaa dhacay kadib markii ciidamada Mareykanka la siiyey xog qaldan oo la xiriirtay inuu Gen. Maxamed Faarax Caydiid iyo guddiga fulinta ee ururkiisa ay ku shirayaan gurigiisa, xogtaas oo beenowday markii goobta la tagay. Waxaaa run ah in guriga Caydiid ay subaxdii ku shireen guddiga fulinta USC/SNA laakin waxaa ay ka tageen 2:00pm oo markii dambe waxaa furaha la siiyey oo galabtii ku shirayey, goobtana loogu tagay rag ka tirsan beesha Habargidir. Mareykanka ayaa xog ku helay inuu Caydiid ku jiray, laakin sax ma noqon, waxaana dadkii la qabtay ee guriga joogay ka mid ahaa Cumar Salaad Cilmi, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Cali Baar. Dhacdada “Black Hawk Down”: Goor galab ah abaaraha 3-da, isla October 3, 1993 waxaa xaafadda Bakaaraha, ee Howl-wadaag dhinac walba lagu arkay helicpters joog hoosa ku duulayay, oo aaryo furayey, oo askata saaran lugahoodu soo raaracaan, waxaa ay sidoo kale xabado nool ku fureen dadkii joogay agagaarka Hotel Olympic oo hadalfku ahaa, lana rumeysnaa inuu ku dhuumanayo Gen. Caydiid. Hotelka keliya kuma ekaane waxaa ay dad ku tooganayeen inta u dhaxeysa isgoysyada Baar ubax, Black sea iyo Barkaaraha ee degmada Hawlwadaag, halka dhanka kale Caydiid iyo guddiga fulinta ama xataa wax taageero ah looguma tagin Hotelka gudahiisa, waxaa ayna xogtii aheyd Caydiid iyo raggiisa ayaa goobta ku jira sidoo kale noqotay mid been ah. Galabtaasi, ciidamadaas sida gaarka u tabobaran ee Maraykanka ee loo yaqaano Rangers iyo Delta Force waxa ay dagaal la galeen dadka deegaanka oo u badnaa dalbey taageersanaa Gen. Caydiid. Mareykanka waxaa maalintaas laga dilay 18 askari iyo in ka badan 70 halkaas ayaa looga dhaawacay, Soomaalida waxaa la qiyaasaa in 500-1,000 ka dhinteen, halka 1,000 ka badana ka dhaawacmeen. Natiijada dagaalkaasi, Mareykanka ayaa ciidamadiisa kala baxay Soomaaliya 1994-kii, waxa kale oo uu Maraykanka dalka kala baxay safiirkii u fadhiyey Soomaaliya Robert Bigger Oakley. Rajo soo Celin isku Badashay Rajo Beel: Mareykanka ayaa markii hore waxaa uu hormuud ka ahaa barnaamijka Rajo soo celinta ee qaramada midoobey ee lagu soo farageliyey Soomaaliya si wax looga qabto dagaalkii cag-barar, laguna badbaadiyey maaliyiin Soomaali ah. Waxaa xusid mudan in madaxweynahii Mareykanka Bush uu yimid Soomaaliya December 31, 1992, isaga oo Baydhabo gaaray January 1, 1993-dii, muddada uu joogay wuxuu uu Muqdisho iyo Baydhaba ku booqday meelaha dhibaateysan, waxaa aad loogu xusuustaa inuu lahaa wax ka qabashada “cago-bararka”, taas oo dad badan dishay, howl-galkiisa waxaa lagu helay macaawino dadka iyo dalka wada gaartay. Markii uu Bush Soomaaliya yimid kadib 19 maalin, waxaa xilka kala wareegay Bill Clinton, waxaana aad u xumaaday xiriirka hoggaamiyihii SNA Gen. Maxamed Faarax Caydiid iyo Mareykanka, tii keentay inay isku dhacaan. Isku Dhaca Caydiid iyo Mareykanka: Xiriirka Gen. Maxamed Faarax Caydiid iyo Mareykanka marna ma fiicneyn, wax kalsoosnina iskuma qabin, oo Generaalka waxaa uu diidanaa faragelinta shisheeye gaar ahaan Mareykanka, oo xataa soo gelintaanka Qaramad Midoobey ee Muqdisho waa laga hoos bixiyey, oo Qaramad Midoobey waxaa ay la heshiisay beesha gacanta ku heysay garoonka diyaaradaha Muqdisho, taas ayaana qaramada midoobay u saamaxday inay ka soo dajiyaan 25-kii askari ee ugu horraysay. Arrintaas waxaa uu Caydiid u arkay in beeshaasi ay khayaantay, garabkiisana ka baxday, oo shisheeye u hiilisay, isaga oo xanaaq kula dul dhacay beeshii, Qaramada Midoobey, Mareykanka iyo cid walba. Markii dambe ee Mareykanka lagu wareejiyey hoggaanka, lana badalay hawlgalka, saraakiishii hoggaaminayey ciidamada Mareykanka waxaa ay arki waayey ninkan awoodda badan, iyaga oo ul ugu kutubaya ayaa waxaa ay talo faro ka baxday markii uu Gen. Caydiid dilay 24 askari oo baakistaaniyiin ahaa oo doonayey iney la wareegaan radio Muqdisho. Dhacdadaasi kadib waxaa uu dhahay Robert Bigger Oakley oo ahaa safiirkii Mareykanka ee Muqdosho ” Gorgorka baalashaan ka rifaynaa”, sidaasi ayaa labo jeer Caydiid gurigiisa lagu wareeray, 70 odey hal meel lagu dilay, markii dambana ku dhacay dagaalkii dhiig badan ku daaday oo hawlgalkana soo afjaray ee 3-dii Oktobar, dunidana looga yaqaan “Black Hawk Down”. W/D: Cabdi Caziz Gurbiye, Source: goobjoog.com
  3. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo shirarkii Muqdisho kadib u amba-baxay dalka Kenya ayaa kulamo siyaasadeed ka bilaabay gudaha magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi. Deni ayaa kulamo gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee uu fadhigooda yahay magaaladaasi, isaga oo kala hadlay arrimaha doorashada 2020/21. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland uu Nairobi kula shiray xubno ka socda sirdoonka Imaaraadka Carabta oo ay ka wada-hadleen arrimo muhiim ah. Dhanka kale wararka ayaa sheegaya in shirarkaas uu biiri doono madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ku sii jeeda dalka Kenya. Axmed Madoobe ayaa qorshuhu yahay inuu saacadaha soo socda ka dhoofo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Hoggaamiyeyaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo saaxibo ah ayaa u muuqda kuwa sii xoojinayo is-baheysiga ka dhexeeya, kadib shirarkii ka dhacay magaalada Muqdisho oo heshiis dhab ah looga gaaray arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa is-bedal deganaasho uu ku yimid wixii ka dambeeyey markii ay is-faham buuxa ay wada-gaareen madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo sidoo kale gobolka Banaadir. The post Deni oo kulamo xasaasi ka wada Nairobi iyo AXMED MADOOBE oo ku biiraya first appeared on Caasimada Online.
  4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galaya munaasabadda heshiiska nabadeed ee dalka Suudaan ayaa gaaray magaalada Jubba ee caasimadda dalka Suudaanta Koonfureed, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyey. Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ah Madaxweynayaasha markhaatiga ka ah heshiiskan nabadeed ee u dhaxeeya Dowladda aan walaalaha nahay ee Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta dalka Suudaan. Dowladda Suudaanta Koonfureed ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan munaasabaddan waxa ay u soo dirtay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo xuso doorka dibloomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku lahayd wada-xaajoodyadan nabadeed. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay hiigsaneysaa daris-wanaagga, iyada oo ka shaqeynaysa nabadeynta Gobolka Geeska Afrika, si loo xoojiyo iskaashiga, wax-wada-qabsiga iyo horumarka shucuubta walaalaha ah. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  5. Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa reer Awdal ka raaligaliyay hadal deel qaaf ah oo ay dhibsadeen kaasi oo ku saabsanaa saami qaybsiga kuraasta Golaha Wakiiladda Somaliland oo ay saluugsanaayeen. Wasiir Cabdilaahi Abokor ayaa dalabkan raaligalinta ah ka sheegtay madal qado ah oo uu shalay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Kulmiye ku maamuusay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil Saylici iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin, kulan oo ay ku sugnaayeen Siyaasiyiin door ah iyo waxgarad kale oo kasoo jeeda Gobolkaasi Awdal. Wasiirka ayaa sheegay in isagoo uga faa’iidaysanaya kulankaasi oo uu sheegay inay ku dhamayeen Labeentii Gobolka Awdal, inuu jeclaystay inuu cafis kaga dalbado hadal siyaasadeed uu Jul 19, 2020-kan, uu ka jeediyay Magaalada Burco kaasi oo uu kaga hadlay saluugga ay ka qabaan reer Awdal Saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiiladda, waxaanu shalay kulankaasi si gaar ah uga codsaday masuuliyiintii reer Awdal ee ku sugnaa in hadalkaasi laga cafiyo islamarkaana la iska ilaawo, isagoo ka cudur daartay, kuna tilmaamay hadalkaasi mid uu ka qoomamoonayo. Waxa uu yidhi Wasiir Cabdilaahi abokor“waxaan ka raali galinayaa reer Awdal, hadal ay dhibsadeen oo aan hore u idhi oo ku saabsanaa xagga saami qaybsiga, maadaama oo aad maanta dhan tihiin, waxaan idinka codsanayaa inaad iga cafisaan hadalkaasi” . Siyaasi Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo kasoo jeeda Gobolka Awdal, islamarkaana ka mid ahaa Siyaasiyiintii madashan ku sugnaa Shalay, oo aanu arintan wax ka waydiinay ayaa noo xaqiijiyay warkan, waxaana uu noo sheegay inay ka aqbaleen oo ay soo dhaweeyeen isaga iyo siyaasiyiintii kale, iyo wax garadkii kale ee madashaasi ku sugnaa ee Gobolka Awdal kasoo jeeday, cafiska uu Wasiir Cabdilaahi Abokor waydiistayna ay aqbaleen oo ay soo dhaweeyeen. Wasiir Cabdilaahi Abokor ayaa Jul 19, 2020-kan, ayaa waxa uu Magaalada Burco ka sheegay hadal aad uga cadhaysiiyay Reer Awdal kaasi oo uu kaga soo horjeestay Saluugga ay reer Awdal ka qabaan Kuraasta ay ku leeyihiin Golaha Wakiiladda Somaliland, waxa uu sheegay inaanay reer Awdal wax saami ahi ka maqnayn, halka uu sheegay in Gobolada Togdheer iyo Maroodi jeex ay wax ka maqan yihiin, hadalkaasi oo ah ka uu Shalay cafiska ku dalbaday, waxaana uu wakhtigaasi yidhi “Waxaan aaminsanahay in Gobolka Awdal uu sad saayid ah haysto oo aanay waxba ka maqnayn, cida ay wax ka maqan yihiin waa Gobolada Togdheer iyo Maroodi Jeex”. Source
  6. Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Barbaraawi) oo ka mid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland ayaa walaac weyn ka muujiyay umaddana uga digay dhibaatada ay leedahay marka dadka kuwooda hormuudka u ahi xumaan ugu noqdaan tusaale halkii ay ka ahayd in ay wanaagga tusaale ugu noqdaan taasina ay saamayn xun ku yeelanayso Bulshada dhaqankeeda iyo wanaaaggeeda. Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Barbaraawi) oo khudbaddii Jimcaha ee shalay kusoo qaatay xaaladda kudayashada iyo saamaynta ay ku leedahay tarbiyadda umadda ayaa waxa uu sheegay in ummad Wasiirradoodii, Agaasimayaashoodii, Madax-dhaqameedkii, Dhakhaatiirtii iyo waalidkii waaweynaaba xumaan samaynayaan oo qayilayaan in aanay ubadka iyo intii ku dayanaysay aan wax kale laga filayn, umadduna isku dayato iyada oo qofba wixii uu sameeyo lagaga dayanayo shar iyo khayr waxaanu si gaar ah uga digay dhaqamada xun ee loo baahan yahay in laga waantoobo sida qaadka iyo xumaanaha kale oo dhan. Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Barbaraawi) oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu Khudbaddiisa ku yidhi: “Waxaan leeyahay madaxdu dadka tusaale fiican ha ugu noqdaan. Runta tusaale fiican ha ugu noqdaan. Khayrka, wanaagga iyo cibaadada tusaale fiican ha ugu noqdaan oo akhlaaqda iyo dhaqanka wanaagsan tusaale fiican ha ugu noqdaan. Madax dhaqameedka salaadiinta, ugaasyada iyo boqorrada iyo cuqaashu tusaale fiican dadka ha u noqdaan. Umaddan ay u taliyaan way eeganayaan oo way ku dayanayaan. Wanaag ay kaga daydaan oo ay iyagu ku sifoobaan. Dhakhaatiirtu dadka tusaale fiican ha u noqdaan. Culimadu dadka tusaale fiican ha u noqdaan. Macallimiintu ardayda ay wax u dhigayaan tusaale fiican ha u noqdaan. Waalidku ubadkiisa iyo usradiisa iyo qoyskiisa tusaale fiican dhaqanka ha ugu noqdo. Qof walba oo umaddan ka mid ahi ha is dhigo goobta masuuliyadda. In uu masuul yahay oo ay masuliyadi saaran tahay naftiisa ha dareensiiyo oo wax kasta oo xun samaysteeda naftiisa ha uga tudho umaddiisana ha uga tudho oo tusaale yaanu ugu noqonin xumaanta” “Maanta innaga mashaakilka inna haysta waxa ka mid ah dadkii lagu dayan lahaa in badan oo ka mid ahi masuuliyadoodii way dayaceen waalidkii isaga ayaa sigaarka cabaya. Isaga ayaa qayilaya isaga ayaa caytamaya isaga ayaa xumaanta samaynaya ubadkiisii marka ay sameeyaanna wuu la yaabayaa. Ilmihii yaraa ee haashka qaatay ee la yidhi waa ish’e isga tuur waxa uu yidhi waa Ishtii aabbo. Waayo, waxa uu arkayay aabihii oo sita. Qaadku waa la mid. Caydu waa la mid. Macallinkii waxa laga yaabaa in uu ardaydii caayo ama uu hadallo xun ku yidhaahdo ama waxyaabo xun in uu hortooda ku sameeyo. Madax-dhaqameedkii iyo dhakhaatiirtii baa qayilaya. Dhakhaatiirtii ay ahayd in ay dadka ka waaniyaan dhibaatada qaadka oo ay dhibkiisa u sheegaan ayaa iyagu qayilaya oo marfashyo gaar ah leh. Sow umaddu ku dayan mayso?. Madax-dhaqameedkii baa qayilaya. Waliba marka baladkan si gaar ah loo eego. Niman odayaal ah oo madax dhaqameed ah oo ka yimid goboladaa kale ee soomaaliya halkan ayay yimaaddeen si ay ula kulmaan kuwa halkan jooga. Qolo kiiloo kiiloo qaad ahi mid walba hor yaallo ayay guri ugu galeen. Cabbaar markii ay aamusnaayeen ayay yidhaahdeen waar salaadiintii meeye?. Markaasaa la yidhi waa kuwan!. Iyagu waxa ay u haysteen in ay yihiin ******** ama dad kale oo shaqaale iyo wax ah oo madax dhaqameedka ilaalinaya. Illayn halkii ay ka yimaaddeen in uu qof sharaftiisa dhawranayaa ma qayilo. Wasiirkii baa qayilaya, oo Agaasimihii baa qayilaya oo waxyaabo aan wanaagsanayn samaynaya. Waar umadda dadka hormuudka iyo tusaalaha u ah ee ay eeganayaan ee ay higsanayaan haddii ay tusaale xun u noqdaan umaddaasi way baaba’aysaa” ayuu yidhi Sheekh Barbaraawi. Source
  7. Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi.con ka heshay Safarka Madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Puntland Daciid Cabdullaahi Deni ay ku aadeen Dalka [...] The post Xog — Safarka Madoobe iyo Deni ee Nairobi waa wadahadal Xiriirka labada Dal appeared first on . Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Beelaha Somaliland oo laga saaray ama aanay ku jirin liiskooda Beelaha Harti ee Gobollada Bari ee dalka dega ayaa waxa inta kale loo qoondeeyey in ay Kuraasta Baarlamanka gaar ahaan Golaha Shacabka ee dalka Soomaaliya ku yeeshaan qoondo dhan 46 Xildhibaan kuwaasi oo tartankooda ama doorashadooda lagu qaban doono Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya. Warar lagu kalsoonyahay oo laga helayo shirka Muqdisho uga socda madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee dalkaasi Soomaaliya ayaa sheegaya in isfaham hor dhac ah ay madaxdu ka gaareen asteynta kuraasta xildhibaanada golaha shacabka iyo deegaanada lagu soo dooranayo. Xogtu waxay sheegeysaa in madaxdu isku raaceen in dowlad goboleed kasta laga asteeyo labo deegaan doorasho oo caasimaduhu ku jiraan. Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in madaxda ku shirsan Muqdisho uu ka soo baxo war-saxaafadeed rasmi ah, balse xogo hor dhac ah oo Wargeyska Foore halayo ayaa tilmaamaya hanaanka loo asteeyay kuraasta golaha shacabka iyo goobaha lagu soo dooranayo. Somaliland oo aan iyadu qayb ka ahayn nidaamka waddanka Soomaaliya oo ah qaran madax bannaan oo xornimadiisa dib dalkaasi ugala soo noqday sannadkii 1991-kii ayay haddana maamulka dalkaasi ku soo darsadeen in ay qayb ka yihiin kuraasta Golaha Shacabkooda waxaanay doorashadoodu ka dhacaysaa Muqdisho. Beelaha Harti ee Somaliland waxa xildhibaannadoodii la raaciyay dhinaca maamulka Puntland halka Somaliland inteeda kale loo qoondeeyey 46 Xildhibaan oo ay beeluhu sidan u kala helayaan: Isaaq: 28 Xildhibaan Awdal Clan: 9 Xildhibaan Ciise: 8 Xildhibaan Muuse-dheriyo: 1 Xildhibaan Dhinaca kale haddii aan sii wadno sida guud ahaan dalkaasi loogu qaybiyay Maamulka Koonfur Galbeed deegaanadeeda waxaa lagu soo dooran doonaa kuraasta ugu badan ee xildhibaanada golaha shacabka, waxaana loo asteeyay in 69-kursi lagu soo doorto, Baydhaba ayaa loo asteeyay 44-kursi, halka caasimadda rasmiga ah ee Baraawe loo asteeyay in lagu soo doorto 25-kursi. Gobolka Banaadir waxaa loo asteeyay in lagu soo doorto 51-kursi oo kala metelaya beelaha Banaadiriga iyo beelaha gobollada Somaliland sidan aan kor ku soo sheegnayna waxa ay Somaliland yeelanaysaa 46 Xildhibaan halka shanta soo gadhay ay Banaadirigu qaadanayaan, beelaha Banaadiriga ayaa leh 5-kursi. Dawlad Goboleedka Jubbaland ayaa lagu soo dooranayaa 43-kursi. Caasimadda Kismaayo ayaa loo asteeyay 27-kursi, halka 16-ka kalena loo asteeyay in lagu soo doorto magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo. Puntland, 39-kursi ayaa lagu soo dooranayaa, waxaana caasimadda Garowe loo asteeyey in lagu soo doorto 24-kursi oo kala ah, kuraasta gobollada Nugaal, Sool iyo Mudug. Halka 15-ka kursi ee soo hartana lagu soo dooranayo magaalada Boosaaso, kuwaas oo kala ah kuraasta gobollada Bari iyo Sanaag. Hir-Shabelle waxaa lagu soo dooranayaa 37-kursi, caasimadda Jowhar ayaa loo asteeyay in lagu soo doorto 15-kursi. Halka magaalada Beledweyne loo asteeyay in lagu soo doorto 22-kursi. Galmudug ayaa lagu soo dooran doonaa 36-kursi. Caasimadda Dhuusamareeb ayaa loo asteeyay in lagu soo doorto 24-kursi, halka 12-ka kursi ee soo hartana loo asteeyey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Source
  9. (SLT-Addis Ababa)-Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa sheegaya in dowladda ay u furan tahay dhowr waddo oo lagula dhaqmayo dowlad gobolleedka Tigreyda haddii tan iyo Isniinta ay u hogaasami waayaan amarrada dowladda. Afhayeenka Aqalka Federation-ka Aadan Faarax ayaa la sheegay inuu yidhi: “Waxaa suurogal ah in lakala diro Baarlamaanka Gobolka Tigrayda amaba ciidammo loo diro gobolka. Itoobiya ayaa qalalaase waajahaysay tan iyo bishii la soo dhaafay ka dib markii gobolka Tigreeda ay doorasho u gaar ah qabsadeen. Xisbiga TPLF -oo gacanta ku hayay siyaasadda dalka Itoobiya muddo toboneeyo sanno ah ayaa waxay ku hanjabeen in dhibaatada ay sii baahi doonto haddii dowladda dhexe ay isku daydo inay hor istaagto doorashada. Raii’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa doorashadan ku tilmaamay mid sharci darro ah. Wuxuu sheegay in xisbiga TPLF ay haystaan wakhti ay xafiiska ku sii joogaan kaasi oo ah go’aan ay gaadheen aqalka sare ee baarlamaanka bishii June. Doorashada guud ee dalka Itoobiya ayaa dib loo dhigay sababo la xidhiidha feyriska Corona. Source
  10. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa saaka ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo iyo waftiga la socday ayaa u dhoofay Magaalada Jubba ee Caasimadda dalka Koonfurta Suudaan, waxaana safarka Madaxweynaha uu ahaa mid aan hore loo sii shaacin. Lama oga ujeedka safarkaan deg-dega ahaa ee Madaxweyne Farmaajo ugu ambabaxay Magaalada Jubba ee caasimadda dalka Koonfurta Suudaan. Sidoo weli ma jiro wax war ah oo ah kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo ku aadan socdaalka Madaxweyne Farmaajo iyo Ujeedka safarkiisa uu saaka ugu baxay Koonfurta Suudaan. La soco wixii kusoo kordha Warka Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo saaka amba-baxay garoonka Aadan Cadde ayaa gaaray magaalada Jubba ee caasimada dalka Suudaanta Koonfureed. U jeedka safarka madaxweyne ayaa la xiriiro ka qayb-galka munaasabadda heshiiska nabadeed ee dalka Suudaan, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey. War ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ay casuumad rasmi ah u soo dirtay dowladda Suudaanta Koonfureed, madaama uu markhaati ka ahaa heshiiska nabadeed ee u dhaxeeya Suudaan, kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta dalka Suudaan. “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay hiigsaneysaa daris-wanaagga, iyada oo ka shaqeynaysa nabadeynta Gobolka Geeska Afrika, si loo xoojiyo iskaashiga, wax-wada-qabsiga iyo horumarka shucuubta walaalaha ah.” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxaa la filayaa in madaxweynuhu kulamo duceedyo uu la yeesho madaxda kala duwan ee ka soo qeyb-galeysa munaasabadda, kuwaas oo u badan kuwa gobolka. Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyey xoojisay xiriirka wadamada Afrika, iyadoo isbaheysi gaar ah la yeelatay dalalka dhaca geeska Afrika, sida Itoobiya, Eritrea iyo Jabuuti. The post Sawirro: Farmaajo oo safar dibadeed u baxay + Ujeedka first appeared on Caasimada Online.
  12. (SLT-Hargeysa)-Wargeyska caalamiga ah ee The Economist ayaa shalay qormo ka qoray xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan. Wargeyska, ayaa wuxuu warbixintiisa ku soo daray wasiir ka tirsan xukuumadda Somaliland oo aanu magacaabin oo u qirtay inuu safarada ku galo baasaaboorkiisa labaad oo ah dalka Ingiriiska. Warbixinta The economist oo uu wargeysku soo turjumay ayaa u qornayd sidan: “Midkood waa mid yar, oo si cajiib ah u guulaysty oo ah dal dimoqraadi ah kaas oo uu u cago-jugleeyo deris ka wayn oo keligiitalis ah oo u haysta inay ka mid tahay geyigooda. Ka kale waa Taiwan. 9kii September Somaliland oo ah jamhuriyad gooni u taagan oo dhacda woqooyiga Somaliya, ayaa ka furatay “xafiis wakiil” Taipei, caasimadda Taiwan. Waxa ay daba socotay Taiwan oo bishii August si la mid ah uga furatay xafiisa Hargeysa, caasimadda Somaliland. Is-waydaarsiga xidhiidhada diblomaasiyadeed waa u af-genbi Somaliland oo ku dhawaaqday madax-banani sanadkii 1991, kadib markii uu dhacy keligiitaliyihii u danbeeyey ee Somaliya, Siyaad Barre. Si la mid ah Taiwan, magaca mooyee waa dal buuxa. Waxa ay leedahay dawlad, ciidan iyo xuduudo. Waxa ay qabataa doorashooyin oo si ka duwan Somaliya waxa inta badan 30 kii sanadood ee u danbeeyey ay ahayd mid nabad ah. Waxa ay leedahay baasaboorro. Sidaas oo ay tahay, hadana Somaliland halgan ayay u gashay inay aqoonsi hesho. Wax ku dhow laba iyo toban dal ayaa aqoonsan basaboorkeeda (wasiir dawladda ka tirsan oo haysta jinsiyadda Ingiriiska [iyo ta Somaliland] ayaa qirtay inaanu isticmaallin baasaboorka Somaliland; waa ka fudud tahay marka uu isticmaalo baasaboorka uu siiyay Xafiiska Baasaboorada ee Boqortooyada). Ma jirto cid u aqoonsan inay tahay dal madax-banaan, islamarkaana kursi kuma laha Qaramada Midoobay. Muqdisho, caasimadda qaraxyada ee Somaliya, diblomaasiyiinta joogaa si joogta ah ayay iskaga indho tiraan jiritaanka Somaliland si aanay uga xanaajin siyaasiyiinta maxalliga ah ee muranka badan ee u haysta inay ka mid tahay [Somaliland] dalkooda. Sida uu sheegay Liibaaan Yuusuf Cismaan, wasiir ku-xigeenka arimaha dibadda ee Somaliland, Taiwan waxa ay u noqon karta dalkiisa is-bahaysi qiimo badan, “Taiwan…waxa ay gaadhay horumar dhaqaale oo aanu ka faa’iidaysan karno,” ayuu yidhi. Waxa uu tilmaamay in dhakhaatiirta Somaliland mudo toban sanadood ka badan lagu tabobarayay Taiwan, iyaga oo ku socdaala baasabooradooda Somaliland. Waxa uu ku rajo wayn yahay in xidhiidhada rasmiga ahi ay keeni karaan faa’iidooyin dheeraad ah. Berbera, magaalada boodhka badan ee ah magaaalada labaad ee Somaliland oo dhacda Gacanka Cadan, shirkadda reer Imaaraad ee DP World ayaa ka dhisaysa dekad aad u wayn oo cusub. Mr Cismaan wuxuu rajo ku qabaa in shirkadaha Taiwan inay halkaas [xafiisyo] ka furtaan sidoo kale, si ay u horumariyaan shidaalka iyo macdan qodista. Haseyeesheee, waa siyaasadda juquraafiyadeed ta dabada ka riixaysa xidhiidhka ee maaha dhaqaalaha. Tobonaan sanadood ka hor, Taiwan waxa ay la lahayd xidhiidho diblomaasiyadeed xoogaa dalal ah oo ka tirsan qaaradda oo ay ka mid ahaayeen Koonfur Afrika, markii [dawlada] midab takoorka ah ka jirtay. Deymo iyo mashaariic caawimo ah ayaa ka gacan siiyay Taiwan inay xidhiidh la yeelato dalalka faqiirka ah ee sida Niger, Burkina Faso iyo Gambia. Balse Shiinuhu wuxuu ku adkaystay in dalalku kala doortaan inay xidhiidh la yeeshaan Bejing ama Taipei, midkood. Markii dhaqaalihiisu koray, dalalkaasi waxa ay u wareegeen inay aqoonsadaan Shiinaha. Tan iyo sanadkii 2018, Eswatini (oo ah boqortooyo aad u yar oo berigii hore loo yiqiinay Swaziland) ayaa ahayd dalka keliya ee Afrika saaxiib kala sii ah Taiwan. Hada waxa ay hasataa laba.” Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan labo baabuur oo ah kuwa xamuulka ayaa xalay lagu gubay gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii ay wadada u galeen kooxo hubeysan. Gawaarida la gubay ayaa waxaa lagu soo warramayaa in mid ka mid ah uu waday dhuxul, halka kan kale uu faaruuq ahaa, sida ay innoo sheegeen ilo dad deegaanka ah. oo ku sugan duleedka deegaanka Yaaq-bariweyne oo uu falkaasi ka dhacay. Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale jirdil xoogan loo geystay darawalladii la socday gawaarida dabka la qabadsiiyey. Sidoo kale waxa ay wararku intaasi ku darayaan in ragga ka dambeeyey dhacdadaasi ay ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo weeraro ka fulisa halkaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan falkaasi. Si kastaba ha’ahaatee ma’an markii ugu horreysay oo gaadiid dhuxul sida lagu gubo gobolka Shabeelaha Hoose oo ay si aad ugu xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab. The post Kooxo hubeysan oo gaadiid xamuul ah ku gubay gobolka Sh/Hoose first appeared on Caasimada Online.
  14. Waxaa lagu daah furay magaalada Hyderabad ee dalka India, barnaamijak INDSOM CHAMBER OF COMMERCE oo noqon doono platform kii ugu horeeye ee ka shaqeyn doona isku xirka iyo iskaashiga ganacsi ee Somalia iyo India. Platform ka ayaa waxaa aas-aasay dhallinyaro ganacsato ah oo isugu jira Soomaali iyo Hindi. Mudane Dr lion kiron oo ah masuulka ugu sarreeya iskaashigan IndSom ayaa xaflada daahfurka kuso dhaweeye madaxda kasoo qeyb gashay iyo marti sharaftii kale. Cabdifitaax Maxamuud Maxamed oo ah masuulka ugu sarreeya Barnaamijkan ah iskaashiga ganacsi ee dhanka Soomaaliya ayaa sheegay in India iyo Soomaaliya ay yihiin bulshooyin wadaaga ganacsi taasina ay qasabtay iney Chamber kan la daah furo. Waxaa xafladda kaga qeyb galay si fogaan arag ah madax Soomaaliyeed oo uu kamid yahay Xil. Abdiweli Mohamed Qanyare iyo amb Mohamed Ali America. Waxaa sidoo kale xaflada goob joog ka ahaa agaasimaha wasarada ganacsiga iyo warshadaha Hindiya Mudane Jayesh Ranjan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa maalinta berri axadda ah waxa Hargeysa uga furmaya shirweynihiisii afraad ee uu qabsado tan iyo markii la aasaasay sannadkii 2002-dii. Shirweynaha oo muddooyinkii u dambeeyey qaban qaabadiisu socotay, ayaa waxa dhinac socday caqabado horyaalay iyo qorsheyaal la dejiyey oo la doonayey in dibedda lagu sii dhammeeyo ka hor shirweynaha berri. Shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo qodobbada ugu waaweyn ee lagu go’aamin doono ay ka mid noqon doonaan doorashada hoggaanka sarre ee Xisbiga Kulmiye sida Guddoomiyaha Xisbiga, kuxigeenka koowaad illaa kuxigeenka afraad, ayaa waxa la filayaa in hoggaanka wakhtigan jooga in hal xubin is beddelo dhammaan inta kalena soo noqoto, iyada oo xubinta is beddeli doontaa ay noqonayso jagada Guddoomiye kuxigeenka Afraad oo wakhtigan Saylici hayo, balse uu beddeli doono Maxamed Xasan Sacad (Saajin) Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga ee Somaliland, kaas oo maalintii khamiistii si rasmi ah u xaqiiqsaday inuu keligii booskaas looga hadhay, ka dib markii Madaxweyne kuxigeenka oo ay maalmihii u dambeeyey ku loollamayeen uu ka hadhay tartankaasi, sheegayna inuu tanaasulay. Saylici iyo Saajin oo muddo laba bilood ku dhow hirdan dibedda ah iyo mid beelahooda dhexdooda dhex marayey, ayaa waxa aakhirkii Saylici sheegay inuu tanaasulay, taas oo dariiqa u xaadhay qorshihii Madaxweynaha Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi in jagada Guddoomiye kuxigeenka Afraad laga dhigo Maxamed Xasan Saajin oo ah nin saameyn siyaasaddeed ku dhex leh Gobolka Awdal, isla markaana uu Muuse Biixi u arkayey inuu noqon karo Murrashax jagada Madaxweyne kuxigeenka ee Xisbiga Kulmiye ee doorashada Madaxtooyada ee dambe. Qorshaha Madaxweyne Biixi oo uu si xeeladaysan in muddo ah uga shaqaynayey, isla markaana uu in badan isku dayey in aanu loollanka Saylici iyo Saajin saameyn ku yeelan Shirweynaha Afraad ee Kulmiye, ayaa waxa uu qorshahaasi guuleystay khamiistii markii madal ay joogeen Hoggaanka Kulmiye Saylici iyo Saajin iyo Wasiirro reer Awdal ah uu kaga dhawaaqay halkaasi Mdaxweyne kuxigeenku inuu tanaasulay. Qorshahan Madaxweyne Muuse Biixi ee guuleystay, ayaa waxa ka mid ahaa helo xidig cusub oo leh saameyn siyaasaddeed oo u babac dhigi kara duruufaha siyaasaddeed ee ka alloosan gobolka Awdal oo ay ugub horreyso saami qaybsiga kuraasta Wakiillada, taas oo intii ay taagnayd uu xal u raadinteeda door muhiim ah ka qaatay Wasiirka Ganacsiga Maxamed Xasan Saajin, oo kulamo kala duwan la qaatay Salaadiinta Deegaankiisa, kuwaas oo uu ku guuleystay in ay taageeraan qorshaha Madaxweyne Biixi ee ah in doorashada Wakiillada lagu galo qaabkii hore. Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sababaha uu isu dhiibay amma uu u tanaasulay, waxa uu ku sheegay inuu u tudhayo danta qaranka iyo wada jirka Xisbiga Kulmiye oo uu xusay inuu ka mid ahaa dadkii muddada dheer ku soo jiray ee tacabka soo geliyey. Tanaasulka lama filaanka ah ee Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland uu kaga tanaasulay Jagada Guddoomiye kuxigeenka Afraad ee Kulmiye, ayaa waxa ay u quus goysay Siyaasiyiin badan oo uu ka mid yahay Maxamuud Xaashi Cabdi oo aan la dhacsanayn qaabka loo abaabulayo qabashada Shirweynaha Kulmiye, kuwaas oo u arkayey Saylici nin wax ka tari kara dooddooda ay kaga soo horjeedaan shirweynaha oo ay afduub ku tilmaameen, balse is dhiibista Saylici, ayaa daaqada ka saartay quudareyntii Maxamuud Xaashi ee ahayd in khilaaf culus ka dhalan karo damacii Saajin oo taageero ka helaya Madxweyne Muuse Biixi iyo Saylici oo muujiyey ka hor intii aanu tanaasulin mitidnimo ah in aanu si fudud uga tanaasulay kursiga Guddoomiye kuxigeenka Afraad. Shirweynaha Afraad ee Kulmiye ee la filayo in berri uu ka qabsoomo Hargeysa, ayaa sida muuqata aanay muuqan wax caqabad ah oo ka hor iman karta qabsoomidiisa, iyada oo la saadaalinayo in Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye uu sii ahaan doono Madaxweyne Biixi, halka Wasiirkiisa Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed loo caleema saari doono Jagada uu imika ku fadhiyo ee Guddoomiye kuxigeenka koowaad, Axmed Cabdi Dheer oo ah Guddoomiye kuxigeenka labaad ayaa isaguna la filayaa in xilkaasi loo dooran doono mar kale. Guddoomiye kuxigeenka Saddexaad ayaa la filayaa in loo doorto Xuseen Aadan-cadde iyo Guddoomiye kuxigeenka Afraad oo ah jagada keliya ee cusub ee la dooran doono oo uu ku fadhiisan doono booskii Saylici, Wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamed Xasan Sacad (Saajin). Source
  16. Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah, kana tirsan golaha aqalka Congress-ka Mareynka, islamarkaana ay si weyn isku hayaan madaxweynah dalkaasi ayaa eedeyn halis ah u jeedisay Donald Trump xilli loola cararay isbitaal milatari ka gadaal markii isaga iyo xaaskiisa laga helay cudurka faafa ee Coronavirus. Ilhaan ayaa sheegtay in Trump & Jamhuuriyiinta Minnesota ay si firfircoon u faafinayaan xanuunka safmareenka ah ee Covid 19, sida ay hadalka u dhigtay. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inuu halis ku yahay caafimaadka bulshada iyada soo dooratay iyo guud ahaan dalka, xilli madaxweynaha laga helay feyraska Corona. Waxaa kale oo ay carabka ku dhufatay in Trump uu horseeday boqolaal xaaladdood oo kor u kaca kiisaska Covid-19 ah. “Markii uu sidaas samaynayay, wuxuu horseeday boqolaal xaaladdood ah oo kor u kaca kiisaska Covdi19 ah. Madaxweynaha Mareykanka iyo Jamhuuriyiinta Minnesota waxay si firfircoon u faafinayaan fayras dilaa ah. Waxay khatar ku yihiin caafimaadka bulshada isoo dooratay iyo dalkeenna.” ayay tiri Ilhaan oo dagaal siyaasadeed kula jirta Trump. Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiqday in maamulka madaxweyne Trump uu masuul ka yahay geerida in ka badan 200,000 oo u dhimatay cudurka Coronavirus. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan lala tacaalayo xaaladda madaxweynaha dalka Mareykanka oo uu soo ritay cudurka Covid-19, waxaana la dhigay isbitalka Walter Reed National Military Medical Center oo ku yaalla magaalada Bethesda ee gobolka Maryland ee ku dhow Washington, halkaasi oo uu dhowr maalmood ku sugnaan doono. The post Ilhaan Cumar oo arrin halis ah ku eedeysay TRUMP oo isbitaal ku jira first appeared on Caasimada Online.
  17. Raysal wasaare Maxamed Xasan Rooble oo ah Raysal wasaarihii ugu wakhti-Xiloodka yaraa Aduunka ayaa soo wada Xukuumad 3 bilood Xilka hayn doonta. Dad badan ayaa [...] The post Raysal wasaaraha 4 -tá bilood oo soo wada Xukuumada 3-bilood oo dhismeheed appeared first on . Source
  18. Wararka laga helayo Gedo ayaa sheegaya in xalay saqdhe dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howl-galka nabad ilaalinta Midowga Africa ay ku leeyihiin deegmada Baardheere ee gobolkaasi. Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen dhawaaqa rasaasta ay is-weydaarsanayeen labada dhinac, waxaana dagaalka xoogiisa uu ka dhacay garoonka diyaaradaha Baardheere oo ay saldhig weyn ku leeyihiin ciidamada milatariga Itoobiya. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac ka soo kala gaaray dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu diriray howl-gallo ka bilaabay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee ku sugan halkaasi. View the full article
  19. Madaxweynaha Mareykanka Donald John Trump oo 74 jir ah ayaa saacadihii tagay la dhigay isbitaal kadib markii isaga iyo xaaskiisa laga helay Covid 19. Xanuunka dilaaga ee uu ka cabanayo Madaxweynaha ayaa waxaa uu saameyn ku yeelan doonaan doorashada oo 32 maalin uun ka dhiman tahay, marka laga reebo 15 maalin uu karantiil ah waxa haraya ayaa ah wax yar, waaba haddii uu fiicnaado e. Dhanka kale, wararka waxaa ay sheegayaan in saameyn ku yeeshay dhaqaalaha dunida waxaa sare u kac laga dareemayaa qiimo badan oo shidaalka ku jiro, waxaa hoos u dhacay seyladaha, lamana oga waxa dhici doona haddii uu sii darsado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Ciidamada Amniga Galmudug oo isugu jira Daraawiish, NISA iyo Boliiska ayaa tagey deegaanno hareeraha Hobyo ku yaalla oo maalmihii la soo dhaafay shaqaaqooyin dhul la xiriira uu ka taagnaa. Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Guddoomiyaha degmada Hobyo iyo ku xigeenkiisa, iyo Xildhibaanno baarlamaanka Galmudug ka tirsan ayaa gaaray goobtaas, ayagoo u kuurgalay sidii wax u dhaceen, sidoo kale ciidamada amniga ayaa halwgalladoodii magaalada Hobyo uu weli meeshiisii ka sii socdo. Dadweynaha Hobyo ayaa soo dhoweeyey mas’uuliyiinta iyo ciidamada Amniga ee hawlgallada Hobyo ka wada, ee lagu qabqabtay kooxo amni-darro waday iyo kuwa kale oo ka ganacsada maandooriyaha. Degmada Hobyo ayaa laga dareemayaa isbedel weyn iyo xasilooni ka dib markii la qabtay toboneeyo ka mid ah kuwii amniga magaaladaas dhibka ku hayey, qaar kalena lagu soo warramayo In halkaas ka soo carareen. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xarunta Villa Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska ra’iisul wasaaraha ka socda qorshihii u dambeeyey ee ku dhawaaqista golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya, sida ay sheegayaan warar hoose oo soo baxaya. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu soo warramayaa in uu soo gaba-gabeeyey wada-tashiyadii uu waday ee ku aadanaa dhismaha xukuumaddiisa. Sida ogaatay Caasimada Online qorshaha ayaa ah in Rooble uu magacaabo golihiisa wasiirada 48-ka saac ee soo socda, si uu horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in liiska golaha wasiirada ay ka soo muuqan doonaan qaar kamid ah wasiirada xukuumaddii Khayre iyo kuwa cusub. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in isla todobaadkan gudihiisa uu Ra’iisul wasaaraha cusub xukuumaddiisu horgeyn doono baarlamaanka Soomaaliya. Si kastabaha ha’ahaatee xukuumadda Soomaliya oo heysata muddo aad u kooban ayaa haddii la meel-mariyo waxaa horyaallo shaqooyin adag oo ay ugu horreyso ka shaqeynta arrimaha doorashada 2020 illaa 2021-ka ee la soo saara jadwalkeeda, si loo dhaqan-geliyo. The post Wararkii u dambeeyey ee ku dhawaaqista golaha wasiirada first appeared on Caasimada Online.
  22. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xulufaysi siyaasadeed oo ku wajahan Doorashada 2020/2021, wuxu ka bilaabay Magaalada Nairobi ee xarunta Waddanka Kenya. Warbaahinta Puntland Post, ayaa ogaatay in Madaxweyne Deni uu halkaasi u tegay hirgelinta xulufaysi siyaasadeed oo ku aaddan Arrimaha Doorashada Soomaaliya, maalmo kadib markii la soo saaray Habraaca iyo Jadwalka Doorashadaas. Wararku waxay sheegayaan, in Madaxweyne Deni uu Magaalada Nairobi kulamo kala duwan kula yeelan doono, siyaasiyiin miisaanleh oo damac kaga jiro Doorashada soo socota iyo sidoo kale wakiilo ka socda dalalka daneeya Arrimaha Soomaaliya. Kulamada badankooda waxa la filaya in ay noqdaan kuwa qarsoon oo aan la shaacin, inkastoo laga yaabo in qaarkood la shaaciyo. Sidoo kale, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa isna lagu wadaa in uu maalmaha soo socda gaaro Magaalada Nairobi, islamarkaana ku biiro kulamada siyaasadeed ee uu halkaasi ka wado Madaxweyne Deni. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo xulufaysi siyaasadeed ka bilaabay Nairobi appeared first on Puntland Post.
  23. Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qof si xun loo dilay oo meydkiisa la soo dhigay xaafadda Salaama oo ka tirsan degmada Howlwadaag ee G/Banaadir. Meydka ayaa waxaa aroortii hore ay dadka deegaanku ku arkeyn wadada dhinaceeda, gaar ahaan inta u dhexeysa Baar-Ubax iyo Black Sea ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo xiray meesha la soo dhigay meydka, kadibna sameeyey baaritaano kooban. Lama oga illaa iyo hadda sababta loo dilay ninkaasi oo aan weli la aqoonsan iyo sidoo kale ciddii ka dambeysay intaba. Todobaadkii hore ayey aheyd markii isla xaafaddan uu ka dhacay qarax is-miidaamin ah oo lala beegsaday ciidaN ku sugnaa halkaas, kaas oo geystay khasaare kala duwan. View the full article
  24. Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in 48-ka saac ee soo socda uu ku dhawaaqo golihiisa wasiirada. Rooble ayaa haatan soo gaba-gabeeyey kulamadii wada-tashiyada ahaa ee uu maalmihii la soo dhaafay ka waday gudaha magaalada Muqdisho. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in liiska golaha wasiirada ay ka soo muuqan doonaan qaar kamid ah wasiirada xukuumaddii Xasan Cali Khayre iyo kuwa cusub. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in isla todobaadkan uu Ra’iisul wasaare Rooble xukuumaddiisu horgeyn doono baarlamaanka Soomaaliya, si loo ansixiyo. Xukuumadda federaalka ayaa waxaa horyaallo shaqooyin adag oo ay ugu horreyso doorashada 2020/21 oo la soo saaray jadwalkeeda. View the full article
  25. Roobab ka da’ay degaanka Dal-yare ee gobolka Sool ayaa khasaare soo gaadhsiiyey ceelashii iyo beerihii degaankaasi ku yaalley. Degaankan oo ah dhul beero lay ah ayaa khasaaraha ugu badani kasoo gaadhey waxyaalihii ay beeran jireen iyo ceelashii degaankaasi, iyada oo ay gebi ahaanba dumeen ceelashii laga waraabin jiray beerahaasi, waxa sidoo kale waxa go’ay wadooyinkii geli jiray beeraha oo dooxyo ka dilaaceen. Beeralayda iyo dadka degaankaas oo warbaahinta la hadlay ayaa ku baaqay in gurmad deg deg ah lala soo gaadho, si looga caawiyo beeraha iyo ceelasha ay waxyeelooyinku kasoo gaadheen roobabkan iyo daadadkan kasoo rogmaday. Waxay sidoo kale dadka degaankani sheegeen in degaanka Dal-yare ay labada dhinac ka maraan goobo biyo mareen ah, kuwaas oo khatar ku ah degaanka iyo dadka ku noolba, waxaanay codsadeen in loo baneeyo wadooyinka xidhmay, isla markaana loo sameeyo goobo ay ka talaabi karaan. Dadka degaankan ayaa sheegay in dooxyadda hareeraha ka maraa ay dhibaato ku hayaan isu socodka dadka degaanka, isla markaana ay gaadhaan in ay labada dhinac ee dooxyadda u hoydaan marka uu roobku da’o. Source