-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dubai: Saudi Arabia’s head of Chamber of Commerce called today for a boycott of “everything Turkish” including imports, investment, and tourism, saying it is “the responsibility of every Saudi”, local media reported. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey munaasabadda Dhaqan-gelinta Heshiiska nabadeed ee u dhaxeeya Dowladda Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta dalkaas ayaa soo bandhigay garab-istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan xaqiijinta nabadda, xasilloonida iyo midnimada walaalahooda dalka Suudaan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay khibrad weyn u leeyihiin dhibaatada laga dhaxlo colaadaha sokeeye, waxa uuna ka warbixiyey murugada iyo dib u dhicii xanuunka badnaa ee dalkeenna ka soo gaaray dagaalkii sokeeye oo maanta shacabka Soomaaliyeed ay gacmaha is-heystaan sidii ay uga gudbi lahaayeen saameyntiisa. “Dabcan maanta ma ahan maalin u wanaagsan shacabka iyo dowladda Suudaan oo qura ee waa mid sidoo kale u wanaagsan dowladaha walaalaha ah ee dhiirrigeliyey heshiiskan, islamarkaasna taageeray nabadda iyo wadajirka sida dalkeyga oo kale. Haddii aanu nahay dowladaha xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD iyo Bahda Qaramada Adduunka, waxaa mas’uuliyad wadareed naga saaran in nabad lagu dhammeeyo dagaalkii ka jirey qeyb ka mid ah Suudaan”. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dul istaagay sida nabadda ay door weyn uga qaadan karto horumarka bulshada,koboca dhaqaale iyo xasillooni siyaasadeed oo dhab ah,taas oo dani ugu jirto Suudaan iyo guud ahaan gobolka. “Waxaa nasiib iyo sharaf weyn ii ah in aan goobjoog ka ahaado saxiixa heshiiskan nabadeed ee maanta dhacay. Waxaan u hambalyeynayaa dowladda iyo shacabka Suudaan iyo dhammaan dhinacyada garwadeenada ka ah in heshiisku dhoco. Waa guul taariikhi ah oo u soo hoyatay dadka reer Suudaan iyo guud ahaan kuwa gobolka.” Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay dhinacyada heshiiskan in si rasmi ah loo fuliyo heshiiska nabadeed ee Jubba, kaas oo yeelan doona saamayn mug leh oo lagu gaaro nabad waarta, xasillooni iyo rajo ay hesho Suudaan, isaga oo xusay marxaladihii iyo dadaalladii loo soo maray in la soo gaaro heshiiskan wadajirka ah. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Jubba (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada caasimadda u ah dalka Suudaanta Koonfureed ee Jubba ayaa halkaas ka jeediyay khudbad ku aadan dhaqan-gelinta heshiiska nabadeed ee u dhaxeeya dowladda Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee ka jira galbeedka iyo koonfurta dalkaas. Hoos ka aqriso khudbadiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey munaasabadda Dhaqan-gelinta Heshiiska nabadeed ee u dhaxeeya Dowladda Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta dalkaas ayaa soo bandhigay garab-istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan xaqiijinta nabadda, xasilloonida iyo midnimada walaalahooda dalka Suudaan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay khibrad weyn u leeyihiin dhibaatada laga dhaxlo colaadaha sokeeye, waxa uuna ka warbixiyey murugada iyo dib u dhicii xanuunka badnaa ee dalkeenna ka soo gaaray dagaalkii sokeeye oo maanta shacabka Soomaaliyeed ay gacmaha is-heystaan sidii ay uga gudbi lahaayeen saameyntiisa. “Dabcan maanta ma ahan maalin u wanaagsan shacabka iyo dowladda Suudaan oo qura ee waa mid sidoo kale u wanaagsan dowladaha walaalaha ah ee dhiirrigeliyey heshiiskan, islamarkaasna taageeray nabadda iyo wadajirka sida dalkeyga oo kale. Haddii aanu nahay dowladaha xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD iyo Bahda Qaramada Adduunka, waxaa mas’uuliyad wadareed naga saaran in nabad lagu dhammeeyo dagaalkii ka jirey qeyb ka mid ah Suudaan”. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dul istaagay sida nabadda ay door weyn uga qaadan karto horumarka bulshada,koboca dhaqaale iyo xasillooni siyaasadeed oo dhab ah,taas oo dani ugu jirto Suudaan iyo guud ahaan gobolka. “Waxaa nasiib iyo sharaf weyn ii ah in aan goobjoog ka ahaado saxiixa heshiiskan nabadeed ee maanta dhacay. Waxaan u hambalyeynayaa dowladda iyo shacabka Suudaan iyo dhammaan dhinacyada garwadeenada ka ah in heshiisku dhoco. Waa guul taariikhi ah oo u soo hoyatay dadka reer Suudaan iyo guud ahaan kuwa gobolka.” Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay dhinacyada heshiiskan in si rasmi ah loo fuliyo heshiiska nabadeed ee Jubba, kaas oo yeelan doona saamayn mug leh oo lagu gaaro nabad waarta, xasillooni iyo rajo ay hesho Suudaan, isaga oo xusay marxaladihii iyo dadaalladii loo soo maray in la soo gaaro heshiiskan wadajirka ah. DHAMMAAD The post Khudbad: Madaxweyne Farmaajo oo arrin ku dhacday Soomaaliya uga digay reer Sudan first appeared on Caasimada Online.
-
Maxmed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray faafinta iyo dhaqangalinta heshiiskii siyaasadeed ee doorashooyinka 2020/2021. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku dhawaaqay in dalku doorasho u dhaqaaqay, uuna hoggaamin doono geedi socodka doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ku dhaca si nabad ah, wuxuuna intaas ku daray in hal ku dhiga xukuumadiisu ay tahay “dooorasho ayaa loo dhaqaaqayaa”. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Beesha Caalamka ka codsaday inay taageeraan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021, si ayuu yiri doorashadu ugu dhacdo wakhtigeeda. Beesha Caalamka ayaa horey u sheegtay in hannaanka doorasho ee ku heshiiyeen madaxda Soomaaliya uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku dhawaaqay dhaqangalinta doorashooyinka 2020/2021, isaga oo aan weli soo magacaabin xukuumad cusub. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo codsi u diray Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Dhaqtarka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu “aad u wanaagsan yahay”, xilli la seexiyey isbital militari oo looga daweynayo cudurka Coronavirus. Dr. Sean Conley, oo sidoo kale ah taliye ka tirsan ciidamada badda, ayaa sheegay in Trump hadda ay ka degtay qandhadii, oo aan lagu arag saacadihii ugu dambeeyey. Inkasta oo Conley uu sheegay in madaxweynaha aanay hadda ku xirneyn mishiinka oksijiinka, haddana waxa uu diiday inuu sheegay in mashiinkaas mar un lagu xiray iyo in kale tan iyo markii isbitalka la seexay. Waxa uu sheegay in astaamaha cudurka ee lagu arkay ee Trump, oo ay ku jiraan qufac iyo sanka oo xirmay, ay iminka kasoo raynayaan. “Waxa uu ku sugan yahay niyad wanaag aan caadi aheyn,” ayuu yiri Sean Dooley oo ah dhaqtarka kale oo isna ka mid ah kuwa madaxweynaha. Bayaan xalay lasoo saaray kadib markii madaxweyne Trump la seexiyey isbitalka Walter Reed Military Hospital, ayuu Conley ku sheegay in Trump la siiyey dawada Remdesivir ee la dagaalanta fayruska, oo ah dawo weli tijaabo ku jirta. Madaxweynaha oo isbitalka la geeyey xalay kadib markii lagu arkay qandho iyo daal badan, ayaa weli ku sugan, xilli ay sii kordhayaan kiisaska xubnaha aqalka cad ee laga helayo cudurka Coronavirus. Trump ayaa Jimcihii laga helay cudurka Coronavrius kadib muddo bilooyin ah oo uu diidanaa inuu xirto maaskaro, isaga oo habeenkii Talaadada ee uu doodda la yeeshay Joe Biden, si aad ah ugu jees jeesay inuu xirnaa maaskaro. Trump ayaa ka mid ah dadka loo arko inay halis u yihiin in cudurka ay u dhintaan maadaama uu yahay 74 jir, ayada oo 80% dadka cudurka u dhintay ee Mareykanka ay ka weyn yihiin 65 jir. Trump ayaa sidoo kale qaba kolestarool sare, waxaana culeeskiisa lagu qiyaasaa 110 kg. The post War cusub oo laga soo saaray xaaladda Trump oo weli ku jira isbital first appeared on Caasimada Online.
-
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble ayaa beesha caalamka ka codsaday taageero si ay xukuumadiisa u qabato doorasho xor ah oo xalaal ah. Mudane Rooble oo arrinkaas ka hadlayey ayaa yiri“Waxaan beesha caalamka ka codsaneynaa iney taageeraan hannaanka doorashooyinka 2020/2021 si ay doorashooyinka ugu qabsoomaan waqtigooda si daahfuran oo nabad ah”. Waxaa uu Rooble sidoo kale hey’adaha dowladda ku wargeliyey diyaar garow “Xukuumadda federaalka ah iyada oo eegeysa in doorashooyin xalaal oo dhaahfuran ay dalka ka dhacaan waxay ku war gelineysaa dhammaan hey’adaha kala duwan ee qaranka eek u shaqada leh arrimaha doorashooyinka iney waajibaadkooda kaga aadan u gutaan si waafaqsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyey”. Ugu dambeyntii, waxaa ay isaga iyo xukuumadiisa balan qaadeen doorasho xor oo xalaal ah “Aniga iyo xikuumadeyda waxaa hoggaamin doonaa geedi u socodka doorashooyinka , xor iyo xalaal ah, daahfuran, kuna dhacda si nabad ah, halku dhegga xukuumadeyda ee xiliigan waa doorashada ayaa loo dhaqaaqayaa, waxaan shacabka Soomaaliyeed ku boorinayaa iney doorkooda ka qaataan habsami u socodka doorashooyinka”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Habeen-03102020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta soo saaray qoraalka faafinta iyo dhaqangalinta heshiiskii siyaasadeed ee la xiriiray doorashooyinka 2020/2021 oo ay 1-dii October gaareen madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, isaga oo amar siiyey hay’adaha dowladda. Hadal kooban oo uu jeediyay ayuu Ra’iisul Wasaara Rooble ku sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo eegaysa muhiimadda ay leedahay in doorashooyin xalaal ah oo daahfuran dalka ka dhacaan, ay ku wargalineyso dhammaan hay’adaha kala duwan ee qaranka ee ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka iney waajibaadka kaga aaddan u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashooyinka ee lagu heshiiyey. “Xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayada oo eegeyesa muhiimadda ay leedahay in doorasho xalaal ah oo daah furan ay dalka ka dhacaan, waxay ku war gelineysaa hay’ada dalka ee ku shaqada leh arrimaha doorashad ay waajibaadkooda u gutaan hab waafaqsan habraaca heshiiska doorashada,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble. “Aniga iyo xukuumaddeydu waxaan hoggaamin-doonaa geeddi-socod doorasho oo xor iyo xalaal ah, daahfuran, kuna dhacda si nabad ah.” Amarka kasoo baxay ra’iisul wasaare Rooble ayaan imanaya ayada oo weli uusan soo dhisi xukuumaddii qaban laheyd howlaha fulinta doorashooyinka, waxaana weli dalka ka shaqeysa xukuumad xil-gaarsiin ah. Hoos ka daawo muuqaalka Rooble The post Daawo: R/Wasaare Rooble oo soo saaray amar la xiriira doorashooyinka dalka first appeared on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta soo saaray qoraalka faafinta iyo dhaqangalinta heshiiskii siyaasadeed ee la xiriiray doorashooyinka 2020/2021 oo ay 1-dii October gaareen Madasha Qaranka. Hadal kooban oo uu jeediyay ayuu Ra’iisul Wasaara Rooble ku sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo eegaysa muhiimadda ay leedahay in doorashooyin xalaal ah oo daahfuran dalka ka dhacaan, ay ku wargalineyso dhammaan hay’adaha kala duwan ee qaranka ee ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka iney waajibaadka kaga aaddan u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashooyinka ee lagu heshiiyey. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay qorshe uu sheegay in xukuumadda hadda jirta ay damacsan tahay oo ku aadan xildhibaanada cusub ee loo soo xulayo baarlamanka cusub. Xasan Sheekh ayaa sheegay in madaxda hadda joogta ay doonayaan inay kuraasta baarlamaanka keenaan dad yar “oo askar camal ah,” oo iyaga u codeeya, hase yeeshee aysan middaasi socon doonin, tartankuna dhab noqon doono. “Waxay ku haminayaan in ay soo saari karayaan dad yar oo ugaardiya, si ay ugu codeeyaan laakiin waxaan dhihi lahaa taas hortaa jiraa waayey,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Digniinta Xasan Sheekh ayaa imaneysa ayada oo dowladda federaalka ay si dadban iyo si toos ah u maamuli doono doorashooyinka qaar ka mid ah xildhibaanada. Xildhibaanada beelaha Waqooyi iyo kuwa Banaadiriga ee Muqdisho lagu dooranayo waxaa maamuli doona dowladda dhexe. Waxay sidoo kale maamuli doono xildhibaanada kasoo galaya Jubaland ee lagu dooranayo Gedo. Dowladda ayaa dhanka kale ka xiriir wanaagsan la leh maamullada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, taasi oo ka saacidi karta inay si dadban ugu lug yeelato soo xulista xildhibaanada cusub. Xasan Sheekh ayaa markii uu madaxweynaha ka ahaa si qasab ah usoo saaray xildhibaano badan, hase yeeshee weli kama saacidin in mar kale dib loo soo doorto. The post Xasan Sheekh oo ka digay 'qorshe ay DF ka damacsan tahay' xildhibaanada cusub first appeared on Caasimada Online.
-
Nin Norweyjiyaana oo dilay taksiile Soomaali ah oo la soo taagay Maxkamad Maxkamada magaalada Trondheim ee dalka Norwey ayaa waxaa ka bilaabmatay dhageysiga dacwada maxkamadeynta nin 40- jir u dhashay dalkaas oo ku eedeysan inuu si kama’ ah baabuur u jiidhsiiyay una dilay taksiile Soomaali ah. Falkan ayaa bishii Disember ee sanadkii la soo dhaafay(2019) ka dhacay xaafada Ranheim ee degaan ahaan ka tirsan magaalada Trondheim. Waxaana wiilka taksiilaha Soomaaliga ee geeriyooday lagu magacaabi jiray Siidi Suudi Hassan oo 29 sano jir ahaa. Haweenay saarneyd taksiga Siidi Suudi ayaa Maxkamada ka hor cadeysay in baabuurka wiilka Soomaaliga ah ee geeriyooday ay qabsatay cilad dhanka taayirka (Shaaga), waxaana uu istaagay wadada isagaoo isku dayay inuu baabuurka ka baxo, si uu u hubiyo cilada qabsatay. Balse waxaa isla markiiba jiidhay oo dilay baabuur xamuul ah oo uu waday ninka maxkamada la soo taagay. Xeer ilaalinta dowlada ee kiiska ku soo oogaya ninka ku eedeysan danbiga dilka ah, ayaa sidoo kale keenay markhaati afaraad oo ahaa darawalka waday baabuurka daba-socday baabuurka dilay taksiilaha soomaaliga ah. Kaasoo maxkamada kahor cadeeyay inuu darawalka baabuurka wax jiiray waday uu heystay waqti ku filan oo ku fal-celin karay ama uu baabuurka uga leexin karay dhinaca uu taagnaa taksiilaha geeriyooday. Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ninka baabuurka wax jiidhay waday uu adeegsanayay mobilkiisa gacanta, xiliga uu falku dhacay. Taasoo ka mashquulisay inuu la socdo waxa ka dhacayo hareeraha wadada uu marayay. Qareenka u doodaya wiilka Soomaaliga ah ee geeriyooday ayaa dalbaday in qoyska uu ka tagay marxuumka la siiyo magdhow gaarayo 375.000 kr. Qaran News
-
Dowladda Sudan iyo dhowr jabhadood oo hubaysan ayaa maanta oo Sabti ah galay heshiis nabadeed oo lagu doonayo in lagu xalliyo tobanaan sano oo colaad ah oo ay malaayiin qof ku barakeceen, boqolaal kun oo qofna ay ku dhinteen. Saddex kooxood oo waaweyn ayaa bishii August kala saxiixday heshiis hordhac ah ka dib bilooyin wadahadallo nabadeed ah oo uu martigeliyey dalka deriska ah ee Koonfurta Sudan. Jabhad kale oo awood badan, oo lagu magacaabo the Sudan People’s Liberation Movement-North garabka uu hogaamiyo Abdelaziz al-Hilu, oo aan ka qayb-gelin wadaxaajoodyadii nabadeed ee ugu horreeyay, ayaa oggolaatay bishii hore in la qabto wadahadallo cusub oo ay martigeliso Koonfurta Suudaan. Hogaamiyeyaal ka socda Kenya, Ethiopia, Soomaaliya, Chad, Masar iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa sidoo kale ka qeyb galay munaasabadda. PUNTLAND POST The post Dowladda Suudaan oo Heshiis la gashay Jabhado hubaysan appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galaya munaasabadda heshiiska nabadeed ee dalka Suudaan ayaa gaaray magaalada Jubba ee caasimadda dalka Suudaanta Koonfureed, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyey. Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ah Madaxweynayaasha markhaatiga ka ah heshiiskan nabadeed ee u dhaxeeya Dowladda Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta dalka Suudaan. Dowladda Suudaanta Koonfureed ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan munaasabaddan waxa ay u soo dirtay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo xuso doorka dibloomaasiyadeed ee Soomaaliya ay ku lahayd wada-xaajoodyadan nabadeed. “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay hiigsaneysaa daris-wanaagga, iyada oo ka shaqeynaysa nabadeynta Gobolka Geeska Afrika, si loo xoojiyo iskaashiga, wax-wada-qabsiga iyo horumarka shucuubta walaalaha ah.” Ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Juba kaga qayb-galaya Munaasabada dhaqan-gelinta Heshiiska Nabada Sudan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Cabdullahi Maxamed Jimcaale ayaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble kula taliyey inuusan magacaabin wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka. Cabdullahi Maxamed Jimcaale, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in wasaaraddaas ay aheyd mid sharci-darro ah oo uu soo kordhiyey Kheyre, maadaama ay dalka ka jirto hay’adda maareynta musiibooyinka. Cabdullahi Maxamed Jimcaale ayaa ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Kheye ku eedeeyey xadgudub, dhaqan xumo dowladeed isaga oo ra’isul wasaare Rooble ka dalbaday wax ka qabasho. Cabdullahi Maxamed Jimcaale oo arrintaas ka hadalaya ayaa yiri “Arrinta koowaad oo ah shuruucdii dalka iyo dastuurka lagu tuntay, waxaa ka mid sharciga hey’adda maareynta musiibooyinka, oo ka mid shuruucda lagu qasban yahay, sharcigaas waxaa baa’biyey March 17, 2017 waxaa la magacaabay wasiirro iyo ku xigeenno oo wasaaradahaas ka mid ah wasaaradda maareynta iyo musiibada, wasaaraddaas aharci looma sameyn, awood la laheyn, oo heshiisyo geli karin oo howalo loo xilsaaray jiray ayaa lagu wareejiyey miisaaniyaddii hey’adda, shaqaalaheeda iyo shaqaalaheeda.” Hey’adda maareynta musiibooyinka ayaa ka sheeganeysa in aaney waxba qabin isla markaana awoodeeda iyo hawlaheeda shaqo lagu wareejiyey wasaaradda. Waxaa xusid mudan in isla wasaaradda sidaasi la leeyahay ay wasiirkeeda isku casishay sababo la xiriira in guddi kale oo gaar ah lagu wareejiyey shaqadeeda. November 15, 2017: Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa waxay iska casishay xilkaasi. Maryan Qaasim Axmed oo la hadashay idaacadda Goobjoog News ayaa xilligaas tiri “Waxaan xilkeyga uga tagay, waxaa igu adkaatay duruufta shaqo, aniga Institution si looga shaqeeyo ayaan aqaanna, department dhisan ama wasaarad ha ahaato waan ka shaqeyn karaa, laakin shaqada marka ay isbarbar yaac tahay, wax walba isku qasan yihiin, waxba kala baxsaneyn, micnaha confusion badan ayaa laga qaadayaa,.. dowladeyda mucaarad kuma ahi, laakin duruuftan isbarbar yaaca ah waxaa igu adkaatay in aan ku shaqeeeyo”. Hoos ka daawo Cabdullahi Maxamed Jimcaale. The post Dood ka taagan wasaarad ka mid ah xukuumaddii Kheyre iyo Rooble oo looga digay inuu dib u magacaabo first appeared on Caasimada Online.
-
Sawirradii ugu quruxda badnaa toddobaadkan ee caalamka Sawirrada xul-ka ah ee toddobaadkan laga soo qaaday qeybaha kala duwan ee caalamka. Waa koox gabdho reer Induniisiya ah oo sameeynaya tabarka qoob ka cayaarka. Madaxweyne Trump iyo musharaxaha xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden oo markii ugu horreeysay dood fool-ka fool ah ay dhexmartay. Askarta Shiinaha oo waardiyeynaysa dalxiiseyaasha soo booqday Darbiga Great Wall. Raysal Wasaare Boris Johnson oo la tusayo sida loo sameeyo bulukeetiga iyo sida guryaha loou dhiso xilli uuu booqday Machadka Exeter ee Devon. Waa shaqaalaha waaxda maddadaalada oo dhigayay mudaaharaad aan shanqar lahayn xilli ay ku sugnaayeen fagaaraha baarlamaanka ee London. Waa koox gabdho reer Induniisiya ah oo sameeynaya tabarka qoob ka cayaarka. Ardayda magaalada Ouagadougou, ee dalkaasi Burkina Faso oo sugaysa furitaanka iskuulkooda maalintii ugu horreysay. Waa sawir la qaaday xilli lagu jiray dabaal-degga maalinta dalxiiska, goobtuna waa kanaal ku yaal magaalada St Petersburg ee Ruushka. Waa laba eey oo laga jarayo dhogorta kaddib markii magaalada Melbourne ee Australia, laga khafiifiyay xaddidaadihii fayraska corona. Qaran News
-
Macron oo weerar culus oo Afka ah ku qaaday Islaamka,Shaaciyeyna Go’aano ad-adag & Shuruuc uu sheegay in lagu dabraayo Muslinka Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa diinta Islaamka ku qeexay “diin adduunka oo dhan ay dhibaato ka taagan tahay,” isaga oo shaaca ka qaaday qorshe lagula dagaalamyo wax uu ugu yeeray “xagjirnimada Islaamka” ee gudaha France. Macron ayaa sheegay in diinta Islaamka ay xasarad ku sugan tahay, sababtuna ay tahay mowqifyo xagjir ah oo kasii daraya. Madaxweynaha Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday in dowladda ay bisha December soo bandhigi doonto sharci looga gol leeyahay in sare loo qaado calmaaniyadda Faransiiska, kana dhan ah “gooni u goosadka Islaamiga ah.” “Islaamka waa diin dhibaato ay ka taagan tahay dunida oo dhan, ma ahan oo kaliya wax aan ku arkeyno France kaliya,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay in dowladda ay bisha December soo bandhigi doonto sharci lagu xoojinayo sharcigii laga soo saaray France 1905-tii, kaasi oo kala saaray diinta iyio dowladda. Tallaabooyinkan, ayuu Macron yiri in looga gol leeyahay in wax looga qabto dhibaatada xagjirnimada Islaamka ee kusii kordheysa France, loona horumariyo “awoodda aan u leenahay inaan wada noolaano.” “Calmaaniyadda waa waxa isku haya midowga Faransiiska,” ayuu yiri. Sharcigan, ayuu sheegay, inuu dadka u ogolaanayo inay doortaan diinta ay doonayaan, hase yeeshee uu mamnuucayo in iskuulada iyo goobaha dadweynaha lagu muujiyo diinta. Sanadihii tegay, Muslimiinta Faransiiska ayaa muujinayey diintooda, taasi oo dood badan ka dhalisay Faransiiska, gaar ahaan dumarka xirta xijaabka. Muslimiin badan waxay cabasho ka muujiyeen in la takoorayo islamarkaana la dhibaateynayo, taasi oo horseeday inay bulshada ka soocmaan, noqdaana bulsho gooni u nool oo badankoodna sabool ah. Macron waxa u uku dhowaaqay inuu isku dayi doono inuu Islaamka Faransiiska “ka xoreeyo” saameynta shisheeyaha, ayada oo sare loo qaadayo la socoshada lacagaha lagu maal-geliyo Masaajidada. Waxaa sare loo qaadi doonaa ka warqabka Iskuuullada, gaar ahaa kuwa diimeed ee bulshooyinka Islaamka. Waxyaabaha kale ee Macron uu shaaciyey waxaa ka mid ah in la xadidi doono caruurta guryaha wax lagu baro ee Muslimiinta ah, si looga hortago, buu yiri, in la maskax rogo. Sharciyadan cusub ee Macron qorsheynayo ayaa laga cabsi qabaa inay carro badan ka dhex abuuraan Muslimiinta, oo markii horeba dareemayey in la beegsanayo, taasi oo ahayd mid ka mid ah sababaha ay dhallinyaro badan ugu nuglaadeen inay ku biiraan kooxaha argagixisada Qaran News
-
Ciidamo isugu jira Daraawiishta Galmudug, NISA iyo Booliiska ayaa tagey deegaanno hareeraha ka ah degmada Hobyo oo maalmihii la soo dhaafay ay ka jirtay shaqaaqada dhul ay isku haysteen dadka deegaanka. Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye, Guddoomiyaha degmada Hobyo Cabdulaahi Maxamed Cali (Faat) iyo ku xigeenkiisa, iyo Xildhibaanno baarlamaanka Galmudug ka tirsan ayaa gaaray goobtaas, ayagoo u kuurgalay sidii wax u dhaceen, sidoo kale ciidamada amniga ayaa halwgalladoodii magaalada Hobyo uu weli meeshiisii ka sii socdo. Dadweynaha Hobyo ayaa soo dhoweeyey mas’uuliyiinta iyo ciidamada Amniga ee hawlgallada Hobyo ka wada, ee lagu qabqabtay kooxo amni-darro waday iyo kuwa kale oo ka ganacsada maandooriyaha. Ciidamada ayaa xiray ilaa 5-qof oo lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen falalka xirmaysiga dhulka ee abuuray xiisadda dagaal iyo kuwa kale oo loo haysto inay Khamri ku iibinayeen magaalada, sida uu SONNA u sheegay qof goob-jooge ah. Tallaabada ay ciidamadu ka qaadeen dadkaasi ayey xaaladda magaaladu isku badashay jawi nabadeed, waxaana bulshadu ka mahadcelisay sida deg degga ah ee ciidamadu uga hawlgaleen arrintan, ka hor inta aysan dhicin wax qasaaro ah. View the full article
-
Hay’adda xaquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in qaar ka mid ah xaaladda xerooyinka la geeyo dadka muhaajiriinta ay yihiin kuwa aad u liita, iyadoo dadka aysan helin waxyaabaha aas aasiga u ah nolosha Koox ka socotay QM ayaa dhawaan booqday jasiiraddaasi iyagoo la kulmay 76 lix ruux oo ka mid ah muhaajiriinta oo ka soo jeeda 25 dal oo ay Soomaaliya ku jirto. Dadkaasi ayaa waxaa ay sheegeen in bilooyin ka hor la soo qabtay iyagoo xusay in aysan helin qareeno u dooda iyo wEliba adeegyo muhiim u ah noloosha. Qof ka mid ah dadkaasi ayaa waxaa uu sheegay in xabsi ay ku jireen markii ay joogeen Liibiya, balse markii ay soo galeen Yurub ay galeen xabsi kale. Ugu dambeyn QM ayaa ku baaqday in tallaabo wax laga qabto dhibaatooyinka ay dadka muhaajiriinta ah ay kala kulmaan Liibiya, safarada Badda iyo marka ay tegaan Malta. View the full article
-
Guddoomiyaha hey’adda maareynta musiibooyinka Cabdullahi Maxamed Jimcaale ayaa ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Kheye ku eedeeyey xadgudub, dhaqan xumo dowladeed isaga oo ra’isul wasaare Rooble ka dalbaday wax ka qabasho. Cabdullahi Maxamed Jimcaale oo arrintaas ka hadalaya ayaa yiri”Arrinta koowaad oo ah shuruucdii dalka iyo dastuurka lagu tuntay, waxaa ka mid sharciga hey’adda maareynta musiibooyinka, oo ka mid shuruucda lagu qasban yahay, sharcigaas waxaa baa’biyey March 17, 2017 waxaa la magacaabay wasiirro iyo ku xigeenno oo wasaaradahaas ka mid ah wasaaradda maareynta iyo musiibada, wasaaraddaas aharci looma sameyn, awood la laheyn, oo heshiisyo geli karin oo howalo loo xilsaaray jiray ayaa lagu wareejiyey miisaaniyaddii hey’adda, shaqaalaheeda iyo shaqaalaheeda”. Hey’adda maareynta musiibooyinka ayaa ka sheeganeysa in aaney waxba qabin isla markaana awoodeeda iyo hawlaheeda shaqo lagu wareejiyey wasaarad. Waxaa xusid mudan in isla wasaaradda sidaasi la leeyahay ay wasiirkeeda isku casishay sababo la xiriira in guddi kale oo gaar ah lagu wareejiyey shaqadeeda. November 15, 2017: Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa waxay iska casishay xilkaasi. Maryan Qaasim Axmed oo la hadashay Goobjoog News ayaa tiri “Waxaan xilkeyga uga tagay, waxaa igu adkaatay duruufta shaqo, aniga Institution si looga shaqeeyo Ayaan aqaanna, department dhisan ama wasaarad ha ahaato waan ka shaqeyn karaa, laakin shaqada marka ay isbarbar yaac tahay, wax walba isku qasan yihiin, waxba kala baxsaneyn, micnaha confusion badan ayaa laga qaadayaa,.. dowladeyda mucaarad kuma ahi, laakin duruuftan isbarbar yaaca ah waxaa igu adkaatay in aan ku shaqeeeyo”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya Gedo ayaa sheegaya in markale saacadihii la soo dhaafay ciidamada Kenya ay dad shacab ah ka afduubteen duleedka degmada Ceelwaaq. Dadka ay kaxeysteen ciidamada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay yihiin reer mii ku sugnaa agagaarka magaaladaasi. Lama oga halka ay la aadeen ciidamada Kenya dadkaasi, iyadoona arrintan walaac hor leh ay ku abuurtay dadka deegaanka. Dhinaca kale waxaa maanta gudaha degmada Ceelwaaq ka dhacay dibad-bax looga soo horjeedo Jubbaland, gaar ahaan guddiga ay u saartay dhacdadii degmadaasi. Dibad-baxayaasha oo isugu soo baxay bartamaha magaalada ayaa sidoo kale ku qeylinayey erayo ka dhan ah ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Gedo. Muddooyinkii dambe xaaladda gobolka Gedo ayaa aheyd mid kacsan, kadib markii ay dhowaan dil iyo dhaawac dad shacab ah ugu geysteen qeybo ka mid ah gobolkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-duhur-03102020.mp3 View the full article
-
MOGADISHU (HOL) - President Mohamed Farmaajo has arrived in Juba the capital of South Sudan to joint other heads of states and governments in the region in witnessing the signing of a historic peace deal between the Sudanese Government and two rebel groups. Source: Hiiraan Online
