-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wararka laga helayo Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadaha soo socda ee maanta la filayo in Ra’iisul Wasaaraha cusub uu dalka dibaddiisa ugu amba-baxo safarkiisii ugu horreeyay, tan iyo markii loo magacaabay xilkan 17-kii Sebetmber. Ra’iisul wasaaraha ayaa ka qeyb gali doona tacsi dalka Kuwait maanta loogu sameynayo amiirkii dalkaas Sheekh Sabah Al-Ahmad Al-Sabah oo ku geeriyooday Mareykanka. Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in safarkan markiisii hore loo qorsheeyay madaxweyne Farmaajo, balse uu shalay u baxay dalka Suudaanta koonfureed. Safarka Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli uusan soo dhisin xukuumaddiisa oo ay hortaallo shaqo adag oo ay ugu muhiimsan tahay doorashada. View the full article
-
Madaxweynaha Waddanka Maraykanka Donald Trump, oo xalay ka hadlay xaaladdiisa caafimaad maalmo kadib markii laga helay xanuunka COVID-19, ayaa sheegay in uu soo fiicnaanayo. Muuqaal kooban oo laga soo duubay, ayuu ku sheegay in caafimaadkiisu uusan wanaagsanayn markii la geeyay isbitaalka Walter Reed, balse haatan uu soo fiicnaanayo, islamarkaana rajaynayo in uu dhakhso u bogsado. Madaxweyne Trump, oo codkiisa laga dareemayay xoogaa daal ah mudadii uu hadlayay, ayaa muujiyay niyad-wanaag ku aaddan in uu ka bogsan doono xanuunka. Sidoo kale, wuxu u mahad celiyay dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee isaga daweyntiisa ku howolan iyo hogaamiyeyaasha caalamka ee usoo diray farriimaha ay wanaagga iyo caafimaadka ugu rajeynayeen. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Trump oo ka hadlay xaaladdiisa Caafimaad appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Subax-04102020.mp3 View the full article
-
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta oo Axad ah safarkiisi u horreeyay tan iyo markii la magacaabay ugu baxaya dalka dibaddiisa. Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa safarkiisa ku tegaya waddanka Kuweyt, halkaas oo uu kaga qayb-gelayo tacsida Amiirkii dalkaas Sheikh Sabaax oo geeriyooday 29-kii bishii September ee la soo dhaafay. Sidoo kale, Ra’iisul wasaare Rooble waxa la filaya in mudada uu joogo Kuweyt uu la kulmi doono Amiirka cusub ee dalkaas iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Kuweyt, isagoo kala hadli doona xiriirka labada dal iyo iskaashigooda. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo Maanta u safraya dalka Kuweyt appeared first on Puntland Post.
-
Transitional gov’t and various rebel groups ink deal in Juba a year after peace talks began, but two key groups are not part of it. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Kheyre, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Danjire Francisco Madeira oo ah Wakiilka Gaarka ah Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka AMISOM Jeneraal Ndegeye. Labada dhinac ayaa kulanka xoogga ku saaray howlgalada ka dhanka maleeshiyada Al-Shabaab, laguna xaqiijinayo amniga degaannada Hirshabeelle. Sidoo kale, Wasiirka amniga Hirshabeelle, Danjire Francisco Caetano Madeira iyo General Ndegeye ayaa isla soo hadal qaaday amniga doorashooyinka Hirsahabeelle iyo sidii loo sugi lahaa. Maamulka Hirshabeelle, ayaa galaya marxalad doorasho, maadama mudda xilleedka dastuuriga ah ee maamulka uu dhammaadyahay. PUNTLAND POST The post Wasiirka Amniga Hirshabeelle oo la kulmay Madaxda Midowga Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Two Ugandan footballers Shafiq Avemah and Hamdan Nsubuga were signed by Somalia Premier League side Elman Sports Club. Source: Hiiraan Online
-
The total number of confirmed COVID-19 positive cases in Africa reached 1,497,391 as of Saturday, Source: Hiiraan Online
-
UN Expert: Somalia Backtracking on Human Rights Commitments
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
GENEVA - A U.N. human rights investigator is expressing concern about possible regression by Somali authorities from their adherence to international human rights law. Source: Hiiraan Online -
M/weyne Geelle oo shaaciyey mawqifkiisa Heshiiska Carabta iyo Israel Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka horyimid xiriir diblumaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo dalalka Jaamacadda Carabta ay la yeeshaan Yuhuuda. Madaxweyne Geelle oo ka hadlayay xiriirka dalalka Imaaraadka, Baxreyn ay la gaareen Yuhuuda ayaa sheegay inuu u arko mid baal marsan heshiiskii 2002 ee Beirut oo dhigayay in heshiiskii nabadda laguna muujiyay in dalalka Carbeed ay soo celinayaan xiriirka Yuhuuda haddii ay ogolaadaan in Israa’iil iyo Falastiin noqonayaan laba dal oo jaar ah, gumeysigana ay joojinayaan. Mr. Geelle ayaa sheegay in ay weli ku taagan yihiin hindisihii ka yimid 2002 Boqor Cabdalla Sacuudiga ee geeriyooday, wax ka baxsana aysan hadda Jabuuti ahaan aqbaleyn. Wuxuu carabka ku adkeeyay in dalalka heshiiska iyo xiriirka la yeeshay Yuhuuda ay dantooda u arkeen heshiis ay la yeeshaan Yuhuuda. “Wadamo dantooda u arkay inay xiriir la yeeshaan Israa’iil ayaa jira, Dadka Falastiina wey jirayaan, hadafkoodana mar aun rey gaarayaan weyna xoroobayaan, annagana hadafkeenii hore ayaa weli ku taaganahay” ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti. Dalalka Isutaga Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa heshiis uu kasoo shaqeeyay Mareykanka la galeen Yuhuuda, waxaana heshiiskaasi inta badan cambaareeyay dalalka Islaamka. Qaran News
-
Dagaalka Ciidamada Dowladda Federaalka iyo koox ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa ka dhacay duleedka degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dableey ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Kolonyo ka tirsan Ciidamada Dowladda oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Awdheegle, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaal culus oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu dhex-maray Ciidamada dowladda iyo Ururka Al-Shabaab, isla markaana Ciidamada dowladda dagaalka, kadib ay sii wateen socdaalkooda. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, kaas oo ay khasaare ku gaarsiiyeen. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay weerarka ku dishay ilaa 9 Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda, sidoo kalena ay gaari ka gubeen. PUNTLAND POST The post Dagaal u dhexeeya Ciidamada dowlada iyo Al-shabaab oo ka dhacay Shabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.
-
khasaaraha ka dhashay dagaalkii faraha looga gubtay ee Azerbaijan iyo Armenia Kooxaha gooni u goosatada ah ee gobolka Nagorno-Karabakh ayaa ciidmaada Azerbaijan ku eedeeyey in ay weerar culus oo gantaalo ay u adeegsadeen ay Sabtidii ku soo qaadeen magaalada madaxda gobolkaas. Afhayeen u hadlay ciidamada Karabakh ayaa sheegay in Azerbaijan ay dagaalkaas u adeegsatay diyaaradaha dagaalka, kuwa aan duuliyaha lahayn iyo taangiyo balse ay iska caabbin kala kulmeen dagaal-yahannada gooni u goosatada ah. Weerarka ayaa yimid toddobaad kaddib markii dhinacyada uu khilaafku ka dhexeeyo ay hubka cul-culus is waydaarsadeen. Dagaalkaan ayaa ah kii ugu xumaa ee dhex mara labada dal tan iyo sagaashameeyadii, arrintaas oo kordhin karta khatar ah in dagaallo kale ay gobolkaas ka qarxaan. Waxaana jira walaac isa soo taraya kaddib markii dalalka Ruushka iyo Turkiga ay ku lug yeesheen dagaalka ka socda Koonfurta Qooqaas oo ay dhex maraan dhuumaha shidaalka iyo gaaska ee aada suuqyada caalamiga ah. Inta la xaqiijiey waxaa dagaalka oo Axaddii hore bilowday ku dhintay 200 oo qof oo 30 ka mid ah ay rayid yihiin. Wadahadalo ku saabsan xiisadda siyaasadeed ee Armenia oo ka dhacaya caasimada dalkaasi Wadahadalo ku saabsan xiisadda siyaasadeed ee Armenia oo ka dhacaya caasimada dalkaasi Wadahadalo ku saabsan xasaradaha siyaasadeed ee ka alloosan dalka Armenia ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inay ka qabsoomaan caasimmadda dalkaasi ee Yerevan. Dalka oo dhaca xadka qaaradaha Aasiyo iyo Yurub, horayna uga tirsanaa midowgii Soviet-ka ayaa hogaamiyaha mucaaradka ee dalkaasi Nikol Pashinyan oo isagu horkacayay dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda wadankaasi ayaa sheegay in waxa keliya ee ay ka wadahadlayaan ay tahay iscasilaada raysal wasaaraha dalkaasi Serzh Sargsyan, iyo sidii uu xilka u wareejin lahaa. Mr Pashinyan ayaa kumanaan qof oo dibadbaxayay u sheegay in raysal wasaare Sargsyan uusan fahansaneyn waaqica jira, balse Sargsyan ayaa dhankiisa sheegay in sababta uu ugu baaqay wadahadalka ay tahay in laga hortago dhibaatooyin aan laga soo waaqsan Karin. Dadka dibadbaxa dhigaya ee dalkaasi ayaa ka carooday wax ka bedel lagu sameeyay dastuurka dalkaasi, taasi oo keentay in awooda laga wareejiyo madaxweynaha dalka, loona weeciyo raysal wasaaraha. Wax ka bedelkaasi lagu sameeyay dastuurka Armenia ayaa waxaa ansixiyay raysal wasaaraha imika lagu dheganyahy. Qaran News
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo duubay muuqaal uu uga hadlayo xaaladdiisa caafimaad isaga oo ku jira isbitaalka Walter Reed oo la seexiyey kadib markii laga helay cudurka Coronavirus. Trump ayaa shacabka Mareykanka u xaqiijiyey inuu kasoo raynayo tan iyo markii isbitaalka la siixiyey, uuna dhowaan kusoo laaban doono ololaha doorashada. “Waxaan imid halkan ayada oo xaalkeyga uusan fiicneyn. Hadda waxaan dareemayaa inaan kasoo raayey. Waxaa aad looga shaqeynayaa inaan sideeda kusoo laabto. Waxaan ku qasbanahay inaan soo laabto, sababtoo ah waxaan weli u baahanahay inaan America ka dhigno mid weyn,” ayuu yiri Trump oo muuqaal soo duubay. Trump ayaa wejigiisa laga dareemayey isbeddel, inkasta oo isu muujiyey inuu weli xooggan yahay. Trump ayaa sidoo kale ka hadlay go’aanka lagu seexiyey isbitaalka, oo warar is khilaafsan ay kasoo baxayaan. “Ma laheyn wax ikhtiyaar ah sababtoo ah ma dooneyn inaan joogo Aqalka Cad. Waa la i siiyey doorashadaas. Joog Aqalka Cad, oo isku xir, hana ka tegin waligaa,” ayuu yiri Trump. Hase yeeshee Trump ayaa inuu doortay isbitaalka ku macneeyey mid muujineyso awooddiisa. “Waa inaan joogaa furinta hore, tani waa America. Tani waa dalka ugu weyn adduunka. Tani waa dalka ugu awoodda badan dunida. Iskuma xiri karo qol,” ayuu yiri Trump. Trump ayaa sheegay in loo qabto 48-ka saac ee soo socda, taasi oo xaaladdiisa caafimaad kala caddeyn doonto. Haddii aanay kasii darin waxay u badan tahay inuu cudurka ka kaco, hase yeeshee haddii ay ka darto wuxuu wajihi doonaan xaalad halis. Hoos ka daawo muuqaalka. The post Daawo: Trump oo muuqaal kasoo duubay isbitaalka la jiifiyey loona qabtay 48 saac first appeared on Caasimada Online.
-
In the Swedish parliament building, i had met with Hon Margareta Cederfelt-MP, OSSE – delegation, Vice chair Committee on Foreign Affairs, member OSCE PA, Vice president: PGA, President and Hon Amir Adam from conservative party. pic.twitter.com/uxMpRVc4s1 — Cabdiraxmaan Cirro (@CirroSL) October 3, 2020 Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada Kismaayo oo xarun u ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa yimid, ka gadaal markii rag hubeysan ay bam-gacmeed ku tuureen maqaaxi ay dad badan ku sugnaayeen oo ku taal magaaladaasi. Ugu yaraan illaa shan qof oo dhammaan ah dad shacaba ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale waxaa weerarka kadib goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska Jubbaland oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn maqaaxida la weeraray. Ciidamada ayaa sidoo kale xalay ilaa saaka howl-gallo baaritaano ah ka sameeyey gudaha magaallo xeebeedka Kismaay, iyaga oo gacanta ku dhigay tiro dad ah. Muddooyinkii u dambeeyey magaalada Kismaayo waxaa ka dhacayey falal ammaan darri, sida dilal qorsheysan iyo qaraxyo, waxaana midkii u dambeeyey oo is-miidaamin ahaa lagu dilay guddoomiyihii rugta ganacsiga ee dowlad goboleedka Jubbaland, Shaafi Raabi Kaahin. The post Weerar qorsheysan oo ka dhacay magaalada Kismaayo iyo khasaare ka dhashay first appeared on Caasimada Online.
-
Khartoum (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka horyimid xiriir diblumaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo dalalka Jaamacadda Carabta ay la yeeshaan Yuhuuda. Madaxweyne Geelle oo ka hadlayay xiriirka dalalka Imaaraadka, Baxreyn ay la gaareen Yuhuuda ayaa sheegay inuu u arko mid baal marsan heshiiskii 2002 ee Beirut oo dhigayay in heshiiskii nabadda laguna muujiyay in dalalka Carbeed ay soo celinayaan xiriirka Yuhuuda haddii ay ogolaadaan in Israa’iil iyo Falastiin noqonayaan laba dal oo jaar ah, gumeysigana ay joojinayaan. Mr. Geelle ayaa sheegay in ay weli ku taagan yihiin hindisihii ka yimid 2002 Boqor Cabdalla Sacuudiga ee geeriyooday, wax ka baxsana aysan hadda Jabuuti ahaan aqbaleyn. Wuxuu carabka ku adkeeyay in dalalka heshiiska iyo xiriirka la yeeshay Yuhuuda ay dantooda u arkeen heshiis ay la yeeshaan Yuhuuda. “Wadamo dantooda u arkay inay xiriir la yeeshaan Israa’iil ayaa jira, Dadka Falastiina wey jirayaan, hadafkoodana mar aun rey gaarayaan weyna xoroobayaan, annagana hadafkeenii hore ayaa weli ku taaganahay” ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti. Dalalka Isutaga Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa heshiis uu kasoo shaqeeyay Mareykanka la galeen Yuhuuda, waxaana heshiiskaasi inta badan cambaareeyay dalalka Islaamka. The post Ismaaciil Cumar Geelle oo caddeeyey mowqifkiisa xiriirka Carabta iyo Israel first appeared on Caasimada Online.
-
Kuwait (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in Axadda uu dibedda ugu baxo safarkiisii ugu horreeyey tan iyo markii xilkaas loo magacaabay. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sida aan xogta ku helnay ka qeyb gali doona tacsi magaalada Kuwait ee dalka Kuwait loogu qabanayo amiirkii geeriyooday ee dalkaas Sheikh Sabah Al Ahmad Al Sabah. Sheikh Sabah ayaa geeriyooday 29-kii September, kadib muddo uu xanuunsanaa waxaana dalkaas lagu aasay isla maalinkii xigay ee 30-kii September. Waxaa uu ahaa 91 jir. Si kastaba, Sheikh Sabah ayaa la filayaa in Kuwait loogu qabto munaasabad tacsi, baroordiiq iyo duco ah, oo ay ka qeyb gali doonaan inta badan hogaamiyeyaasha Carabta iyo Islaamka. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in safarkan uu marka hore qorshaha ahaa inuu ka qeyb-galo madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee uu taas beddelkeed shalay aaday dalka Sudan, halkaasi oo uu kaga qeyb galay munaasabad ay heshiis siyaasadeed ku kala saxiixdeen dolwadda iyo mucaaradka dalkaas. Safarka ra’iisul wasaare Rooble ee Kuwait ayaa imanaya ayada oo weli uusan soo dhisin xukuumad cusub, taasi oo la filayo inuu ku dhowaaqo marka uu dalka kusoo laabto toddobaadkan. The post Xog: R/W Rooble oo Axadda u baxaya safarkiisii ugu horreeyey ee dibedda first appeared on Caasimada Online.
-
Somalis are not known as great keepers of national archives or for this matter as collectors and keepers of state documents. Of course, apart from great ulumas or religious scholars with their tradition of maintaining and preserving books of Islamic studies, such as the holy Quran, Islamic philosophy and jurisprudence and then passing them on from generations to generations. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka billawday olole xoog leh oo lagu wajahayo doorashada Soomaaliya, waxaana halkaas ku sugan siyaasiyiin miisaan leh oo u hanqal taagaya hoggaanka dalka. Saacado un kadib markii la soo saaray jadwalka doorashada Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa Jimcihii shalay gaaray magaaladaas, waxaana ka bilaaday kulamo siyaasadeed oo lagu gorfeynayo arrimaha doorashada. Deni ayaa halkaas kula kulmay siyaasiyiin Soomaaliyeed iyo xubno ka socda beesha caalamka, waxayna wararku sheegayaan inuu Nairobi ka bilaabay xulufaysi siyaasadeed oo ku wajahan doorashada Soomaaliya ee 2020/2021-ka. Deni ayaa la rumeysan yahay inuu halkaasi u tegay hirgelinta xulufaysi siyaasadeed oo ku aaddan arrimaha Doorashada Soomaaliya, maalin kadib markii la soo saaray habraaca iyo jadwalka doorashadaas. Wararku waxay sheegayaan, in Madaxweyne Deni uu magaalada Nairobi kulamo kala duwan kula yeelan doono, siyaasiyiin miisaan leh oo damac kaga jiro doorashada soo socota iyo sidoo kale wakiilo ka socda dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya. Kulamada badankooda waxa la filayaa in ay noqdaan kuwa qarsoon oo aan la shaacin, inkastoo laga yaabo in qaarkood la shaaciyo. Sidoo kale, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa isna lagu wadaa in uu maalmaha soo socda gaaro magaalada Nairobi, islamarkaana ku biiro kulamada siyaasadeed ee uu halkaasi ka wado Madaxweyne Deni. Nairobi ayaa caan ku ah in siyaasiyiinta Soomaalidu ay ololahooda ka soo bilaabaan xilli doorasho kasta oo ay Soomaaliya aadeyso, waxaana lagu xasuustaa in doorashadii u dambeysay ee 2016-kii ay ololahooda ka soo bilaabeen musharaxiin badan oo uu ku jiray Madaxweynaha haatan Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inay Nairobi gaaraan siyaasiyiinta badan oo ay ku jiraan qaar ka mid madaxda dowlad goboleedyada dalka, sida Axmed Madoobe. Waxaa halkaas lagu lafa-gurayaa sidii siyaasiyiintaasi ay is bedel uga sameyn lahaayeen siyaasadda Soomaaliya, xilli doorashada 2020/2021-ka, waxaana la sheegay inuu horay u jiray xiriir iyo is-xulufeysi ka dhaxeeyay madaxda qaar. Nairobi ayaa ka mid aheyd magaalooyinka caalamka ee uu dhaq-dhaqaaqeeda saameeyay Coronavirus, balse siyaasiyiinta uu ka dhaxeeyay is-xulufeysigan ku wajahan doorashada ayaa ololahooda ugu weyn waxa uu ka socday qadadka Internet-ka. The post WARARKII ugu dambeeyey ee kulamada siyaasiyiinta Soomaalida ee ka socda Nairobi iyo xulufo la dhisayo first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Qubnaha-Shabelle-03102020.mp3 View the full article
-
1. Fish Oily or fatty fish like salmon, tuna and mackerel contain more vitamin D than less oily fish. 2. Egg Yolks The yellow part of eggs you might have been throwing away is actually a good source of vitamin D. 3. Mushrooms This healthy vegetable is rich in vitamin D and can be used in a number of ways to make healthy and tasty meals. 4. Whole Grains Whole wheat, ragi, barley, oats – all whole grains provide vitamin D in abundance. 5. Dairy Products Keep the content of milk, cheese, yogurt and other dairy products high in your diet. 6. Soy Milk And Almond Milk Alternate between your regular milk and soy milk and almond milk to get your vitamin D fix. Qaran News
-
The Ethiopian Prime Minister came to power on the crest of Oromo demonstrations. That is one lesson to be drawn from the wedge his authoritarian agenda has driven between him and his stronghold, Oromia. He was a leading member of Oromia region leadership when the opportunity to appoint a new Prime Minister from Oromia emerged. Given how Abiy Ahmed responded to challenges from the Oromo political leaders not associated with his party, Prosperity, it is clear to many people that the Ethiopian Prime Minister misunderstands the goals of the peaceful political change in Ethiopia. For two years (2016-2018) Oromo demonstrators did not risk their lives to replace a pro-federalism but mildly authoritarian government with a dictatorship led by one of their sons who feigned support for political change while harbouring ambitions to return Ethiopia to political dictatorship. Abiy Ahmed discussed his Oromo roots twice to dispel allegations that he does not belong to the tradition of the Gadaa, “ an egalitarian and democratic socio-political and cultural system of governance.” PM Abiy Ahmed could benefit from a tutorial on the Gadaa system with Dr Asmerom Legesse In the Gadaa system the eight-year period in government and how the Kulu gets elected can shed light on the democratic features of the system. Gadaa system abhors communal violence and refers cases to adjudication. Gadaa is against the very idea of one all-powerful leader in power for a very long time. Perhaps this aspect of the Gadaa system unsettles Prime Minister Abiy Ahmed. Dr Asmerom Legesse, who wrote a seminal book on the Gadaa system defines it as “a system of generation segments or gada classes that succeeded each other every eight years in assuming political, military, ju- dicial, legislative and ritual responsibilities.” Zelalem T. Sirna studied the compatibility of the Gadaa with modern institutions of governance. ” The Gadaa System in its social organisation, political systems and legal institutions resembles to democratic governance systems. That is why most scholars argue that the Gadaa System is a genuinely African governance system that can be a solution for some of the political challenges African states face today” he argued. The principle of single term office in the Gadaa system gives the elected leader an eight year mandate. His mandate is reviewed midterm by the Gadaa Council. The irony is that Abiy Ahmed, who claims attachment to the Gadaa system, is making wrong political choices by directing resources to suppression of his fellow Ethiopian compatriots who do not share his view of the federal system. A tutorial on the Gadaa System could help the Ethiopian Nobel Laureate gain insights into the potential of the Gadaa to contribute to reconciliation and transition to genuine democracy in Ethiopia. Medemer, the book Abiy Ahmed Ahmed wrote to usher a new era of democracy in Ethiopia, had turned out to be an exercise in renaming an authoritarian leadership style. It has totally disappeared from Ethiopian political discourse. Happy Irreecha. © Puntland Post, 2020 The post Abiy Ahmed Needs a Tutorial on the Gadaa System appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhammaadka sanadkan ay qaban doonto tartanka kubbadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo dhowr sano aan la qaban. War ka soo baxay siiyahaya wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa lagu sheegay in bisha December ee dhammaadka sanadkan 2020 la qaban doono tartanka kubbadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Wasiir Khadiijo ayaa tilmaantay in qabashada tartankan uu mas’uul ka yahay Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya, ayna fududaynayso wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha. Tartanka kubbadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banadiir ayaa markii ugu dambeysay ee la qabto waxay ahayd 2017, markaas oo ku guuleystay xulkii matalayay Jubbaland. Xiliga la sheegay in la qabanayo tartankan ayaa ah xili lagu mashquulsan yahay doorashada xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Maxaa la isugu beegay qabashada tartanka kubbadda cagta DG iyo G/Banaadir iyo doorashada 2020/2021? appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda dhaqan-gelinta heshiiska nabadeed ee u dhaxeeya dowladda Suudaan iyo kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta dalkaas ayaa soo bandhigay garab-istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan xaqiijinta nabadda, xasilloonida iyo midnimada walaalahooda dalka Suudaan. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay khibrad weyn u leeyihiin dhibaatada laga dhaxlo colaadaha sokeeye, wuxuuna ka warbixiyey murugada iyo dib u dhicii xanuunka badnaa ee Soomaaliya ka soo gaaray dagaalkii sokeeye. “Dabcan maanta ma ahan maalin u wanaagsan shacabka iyo dowladda Suudaan oo qura ee waa mid sidoo kale u wanaagsan dowladaha walaalaha ah ee dhiirrigeliyey heshiiskan, islamarkaasna taageeray nabadda iyo wadajirka sida dalkeyga oo kale. Haddii aanu nahay dowladaha xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD iyo bahda Qaramada Adduunka, waxaa mas’uuliyad wadareed naga saaran in nabad lagu dhammeeyo dagaalkii ka jirey qeyb ka mid ah Suudaan” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dul istaagay sida nabadda ay door weyn uga qaadan karto horumarka bulshada, koboca dhaqaale iyo xasillooni siyaasadeed oo dhab ah,taas oo dani ugu jirto Suudaan iyo guud ahaan gobolka. “Waxaa nasiib iyo sharaf weyn ii ah in aan goobjoog ka ahaado saxiixa heshiiskan nabadeed ee maanta dhacay. Waxaan u hambalyeynayaa dowladda iyo shacabka Suudaan iyo dhammaan dhinacyada garwadeenada ka ah in heshiisku dhoco. Waa guul taariikhi ah oo u soo hoyatay dadka reer Suudaan iyo guud ahaan kuwa gobolka.” ayuu mar kale yiri madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay dhinacyada heshiiska gaaray in si rasmi ah loo fuliyo heshiiska nabadeed ee Jubba, kaas oo yeelan doona saamayn mug leh oo lagu gaaro nabad waarta, xasillooni iyo rajo ay hesho Suudaan, isaga oo xusay marxaladihii iyo dadaalladii loo soo maray in la soo gaaro heshiiska wadajirka ah. PUNTLAND POST The post Nuxurka khudbadii Farmaajo ka jeediyay heshiiskii Suudaan appeared first on Puntland Post.
