Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,964
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.

  1.   Soomaali lagu xidhay dalka Macedonia iyo waxa lagu haysto 
    macedonia.jpg

    Booliska Waqooyiga Macedonia ayaa gacanta ku dhigay 61 qof oo tahriibayaal ah iyo 5 ruux oo la rumeysan yahay iney yahiin mukhalasiin dadka ku haga tahriibka.

    Hawlgalka ayaa dhacay kadib markii taliska ciidamada loo gaadhsiiyay xog la hubo oo ku saabsan dadka, waxaana la amray ciidamada sida gaarka ah ugu tababaran hawshaan iney ku dhaqaaqaan.

    Sida lagu sheegay xog hordhac ah wadamada ay dadka kasoo kala jeedaan waxaa lagu sheegay saddex wadan oo ay wakhtigaan colaado ka jiraan waxaana ku jira Soomaaliya, labada wadan kale waxaa lagu sheegay Afghanistan iyo Suuriya.

    Sidoo kale xogo kale oo ay dusiyeen warbaahinta caalamka ayaa lagu sheegay in dadka la qabtay ay ku jiraan xubno u dhashay wadamada Pakistan iyo Bangladesh oo ah laba wadan oo ay xasilooni badan ka jirto marka loo barbardhigo saddexda wadan ee kale.

    Ciidamada Waqooyiga Macedonia waxey hore gacanta ugu dhigeen 28-ruux oo lagu haayay guri ku yaalla halkaas si loosii gudbiyo, waxaana wadamadooda lagu sheegay Afghanistan, Bangladesh iyo Pakistan.

    Dadkaan tahriibayaasha ah ayaa doonayay iney ka gudbaan xadka Serbia, si ay halkaas uga sii wataan safarkooda ay ku doonayaan iney ku tagaan wadamada kale ee yurub.

    Sida la fahamsan yahay tahriibayaashaan ayaa kasoo gudbay xadka Greece, waxeyna xukuumadda Macedonia ogtahay in tahriibayaal badan ay ku xayiran yahiin wadanka dariska la ah.

    Qaran News

  2. Philadelphia (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale xalay weerar ku qaaday Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, isaga oo adeegsanaya dhibaatada iyo dagaallada Soomaaliya.

    “Waxay noo sheegeysaa sida loo maamulo dalkeena. Maxaad ka sameysay dalkii aad ka timid. Waa side dalkaaga iminka. Waxay noo sheegeysa sida loo maamulo dalkeena,” ayey tiri.

    Trump ayaa sheegay in doorashada soo socota uu ku guuleysan doono gobolka Minnesota ee laga soo doorto Ilhaan, sababtuna ay tahay Ilhaan, oo sida uu sheegay gobolka laga nacay.

    Trump on Ilhan Omar: She’s telling us how to run our country. How did you do where you came from? pic.twitter.com/XLSRZd6yFf

    — Acyn Torabi (@Acyn) September 22, 2020

    Waa weerarkii labaad ee toddobaad gudihiis uu Trump ku qaado Ilhaan. Dhowr maalmood ka hor ayuu Trump ugu yeeray Ilhaan “inay tahay xagjir” dooneysa inay dalka Mareykanka keento qaxooti Soomaali iyo Yemeni ah.

    Trump ayaa dhanka kale ku faanay inuu Soomaaliya u celiyey “boqol dambniileyaaal ah”, isaga oo yiri “waxay ku laabteen dalkooda, oo wixii ay doonaan oo cabasho ah ay ka sameyn karaan.”

    Ilhaan Cumar ayaa ka jawaabtay weerarka cusub ee xalay uga yimid Trump.

    “Marka koowaad, kani waa dalkeyga, waxaana ka mid ah Aqalka Wakiilada ee adiga kugu qaaday dacwaddii xil ka xayuubinta,” ayey tiri Ilhaan Cumar oo qoraal soo dhigtay barta twitter-ka.

    “Marka labaad, waxaan kasoo qaxay dagaal sokeeye, aniga oo 8 sano jir ah. 8 sano jir ma maamulo waddan inkasta oo adiga aad dalkeena u maamusho sidaas oo kale.”

    The post Trump oo Ilhaan Cumar ku yiri waa sidee dalkii aad ka timid?' iyo jawaabtii Ilhaan first appeared on Caasimada Online.

  3. .

    Ciidamada Mozambique ayaa ku guuldarraystay in ay dib u qabsadaan magaalo deked leh oo dalkaas ku taal oo ay haystaan maleeshiyo Islaamiyiin ah, dib u qabashada magaladaas ayaa muhiimad gooni ah u leh sidii loo hormarin lahaa mid ka mid ah kaydadka ugu waaweyn gaaska dabiiciga ah ee qaaradda Afrika.

    Madaxweyne Filipe Nyusi ayaa ugu dambayntii ku baraarugay xaqiiqada ah in nimcadii dalkiisa fadhiday ay nusqaan ku noqtay.

    Fallaagada ayaa askaraynaysa maleeshiyaad hor leh ayagoo ka faa’idaysanaya saboolnimada haysata dhalinyarada ku sugan Waqooyiga Mozambique, madaxweynaha ayaana arrintaa iftiimiyey mar uu khudbad ka jeediyey magaalada Pemba, oo xarun u ah gobolka Cabo Delgado.

    Madaxweynaha ayaa qiray in inkastoo saddexda gobol ee kala ah – Cabo Delgado, Niassa iyo Nampula – ay leeyihiin kheyraad dabiici ah oo fara-badan iyo dhul-beereed wanaagsan, haddana saboolnimada gobolladaas ka jirta ay gaarsiisan tahay heerkii ugu sarreeyey marka la barbar dhigo qeybaha kale ee dalka.

    Mocimboa da Praia ayaa tan iyo bartimihii Agust waxaa haysta Islaamiyiinta.

    15-kii sano ee la soo dhaafay, Koboca dhaqaale ee dalka Mozambique ayaa 6% korayey sannad walba, kobocaas oo ka dhashay wax soo saarka kala ah dhuxusha, titanium-ka, korontada biyaha laga dhaliyo iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah.

    Ilaa iyo hadda dadku kuma aanay badhaadhin; waxaana sii kordhay faqriga iyo caddaalad darrada.

    Rubbi iyo gaas fara badan ayaa sannadihii 2009 -2010 laga helay gobolka Cabo Delgado, dad badan ayaana ku rajo weynaa inay helayaan shaqooyin iyo nolol wanaagsan, balse rajooyinkaas ayaa noqday hal bacaad lagu lisay.

    Dad yar oo hal-door ah oo ka tirsan xisbiga Frelimo ayaa la sheegaa in ay sed-bursi sameeyeen, xisbigaas oo dalka Mozambique soo xukumayey tan iyo markii dalkaasi uu madax banaanida qaatay sannadkii 1975.

    Sababaha keenay in Islaamiyiintu ay soo ifbaxaan.

    Dagaalka ayaa bilowday 5-tii October 2017, kaddib markii kooxo fallaago ah ay muddo laba maalmood ah xoog ku haysteen magaalo deked leh oo la yiraahdo Mocimboa da Praia.

    Magaaladaas ayaa 60km Koonfurta ka xigta xarunta lagu hormariyo gaaska dabiiciga ah ee Palma, dekedda ayaana muhiim u ahayd mashruuca dhoofinta gaaska.

    Wixii intaas ka dambeeyey dagaalka ayaa si dhakhso ah u baahay, Waxaana ku dhintay ugu yaraan 1,500 oo qof ayadoo sidoo kalena dad lagu qiyaasay 250,000 oo qof ay guryahooda ka barakaceen.

    Kumanaan qof ayaa guryahoodii ka barrakacay sidoo kalena hanti beelay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

    Xukuumadda ayaa waxaa gacanteeda ka baxay saddex degmo oo xeebta ku teedsan.

    Fallaagada ayaa laba goor oo kale waxay gacanta ku dhigeen magaalada Mocimboa da Praia, halkaas ayayna ku sugan yihiin wixii ka dambeeyey 12-kii August, waloow ciidamada dawladdu ay dagaal culus halkaas ku qaadeen haddana uma suurto gelin in ay fallaagada ka saaraan.

    Gobolka Cabo Delgado ayaa 30-kii sano ee la soo dhaafay ahaa xarun ay ku loollamaan kooxaha muslimiinta iyo masiixiyiinta xagjirka ah.

    .

    Gobolka Cabo Delgado ayaa waxaa u badan Muslimiinta ayadoo kooxo wadaaddo ah oo isugu jira kuwo ka yimid Bariga Afrika iyo kuwo u dhashay dalka Mozambicans ay halkaas ka dhisteen masaajidyo ayagoo sheegay in imaamyada deegaanka ay isbahaysi la leeyihiin xisbiga talada dalkaas haya ee Frelimo ee boobka ku haya hantida qaranka.

    Qaar ka mid ah masaajiddaas ayaana lacag ku caawiya dadka deegaanka si ay ganacsi iyo shaqooyin u abuurtaan – islaamiyiinta ayaana sheegay in bulshadu ay caddalad helayso marka Shareecada lagu maamulo.

    Qaran News

  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo magaaladda Muqdisho kaga qeyb-galay xaflad balaaran oo lagu soo dhoweynayo ayaa waxa uu kaga hadlay wel-welka iyo walaaca ay xildhibaanada qaar ka qabaan heshiiska ay dhawaan ku saxiixeen Villa Somalia.

    Munaasibadaasi ayaa waxaa ka qeyb-galaya Guddoomiye ku-xigeenka golaha shacabka, Mahad Cawad, Goleyaasha DFS, Maamulka gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho.

    Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi ayaa ugu horeyntii waxa sheegay in ‘meesha laga saaro wel-welka dadka qaar muujinayaa’, maadama uu heshiiska ay dhawaan gaareen uusan aheyn mid kaligood u gaar ah, balse ay ka qeyb-yihiin xildhibaanada labada gole.

    Wuxuuna carabka ku adkeeyay inay muhiim tahay in xildhibaanadu ay meel-mariyaan heshiiskaasi, xili xildhibaanadii ka qeyb-galay munaasibadaasi ay walaac iyo cabasho xoogan ka muujiyeen heshiiskaasi dhawaan lagu saxeexay Villa Somalia.

    Sidoo kale waxa uu dalbaday in la is-cafiyo oo si wada-jir ah looga wada-shaqeeyo arrimaha doorashooyinka, oo muddooyinkiid dambe jahwareer siyaasadeed oo hor leh ka abuurtay dalka.

    Deni ayaa ugu dambeyntiina waxa uu si cad u sheegay inuusan colaadsan doonin xildhibaanadii sida weyn u mucaaradi jirey sanadihii u dambeeyay, oo uusan lugta qaban doonin tartanka ay ku rabaan in dib ugu soo laabtan.

    Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka ayaa dhawaan heshiis kama dambeys ah ka gaaray khilaafkii ka dhashay doorashooyinka, kaasi oo la horgeyn doono golaha shacabka si ay u meel-mariyaan.

    The post Deni oo ka hadlay wel-welka laga qabo heshiiskii Villa Somalia, hal arrina dalbaday first appeared on Caasimada Online.

  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta hortagaya Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya halkaas oo uu khudbad uu ka jeedin doono.

    Kulanka ayaa lagu wadaa sidoo kale in  codka kalsoonida loo qaado Ra’iisul wasaaraha magacaban Maxamed Axmed Rooble, oo dhawaan loo igmaday xilkan.

    Sidoo kale qorshaha Golaha shacabka ayaa ah sidii ay u meel marin lahayeen heshiiska arrimaha Doorashooyinka ee Muqdisho ay ku gareen Madaweyne Maxamed Cabdullahi Faarmaajo, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, taasi oo la filayo inay noqoto Sabtida.

    Madaxda Maamul Goboleedyada oo Muqdisho ku sugan ayaa wada olole ay ku doonayaan in Golaha Shacabka uu meelmariyo Heshiiska Villa Somalia iyo Dowlad-goboleedyada iyo in codka kalsoonida ay siiyaan Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

    Todobaadkii hore Madaxweyne Farmaajo ayaa magacabay Ra’iisulwasaare cusub ka dib markii Golaha Shacabka ay eryeen Xasan Cali Khayre.

    The post Madaxweyne FARMAAJO oo maanta la hadlaya BF iyo Rooble oo loo codeyn doono first appeared on Caasimada Online.

  6. Finish.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho Kulan gaar ah kula yeeshay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

    War kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Guddoomiye Cumar Finish uu Madaxweyne Deni ku bogaadiyay doorkii muhimka ahaa ee uu ka qaatay in la go’aamiyo doorashada dalka.

    Guddoomiye Cumar Finish ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ku bogaadiyey doorkii muhimka ahaa ee uu ka qaatay in la go’aamiyo doorashada dalka.”

    Madaxweynaha Puntland  ayaa isna uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Dadweynaha Muqdisho soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wefdigiisa.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiye Cumar Finish appeared first on Puntland Post.

  7. Mudanayaasha Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah Codka kalsoonida u qaadaya Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

    Madaxweyne Farmaajo oo Golaha horgayn doona Ra’iisul wasaaraha Cusub ayaa halkaas ka jeedin doona Khudbad uu Xildhibaannada kaga codsanayo Ansixinta Ra’iisul wasaaraha magacaaban Mr Rooble.

    Ra’iisul wasaaraha magacaaban ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo xiriir ah ka waday gudaha Magaalada Muqdisho kuwaas oo uu xildhibaannada Baarlamanka ku weydiisanayay in ay Codka Kalsoonida siiyaan.

    Mudane Rooble oo uu Madaxweyne Farmaajo magacaabay 17-kii bishan September 2020 ayaa lagu wadaa in uu soo dhiso Xukuumad cusub haddii ay Codka Kalsoonida siiyaan Golaha Baarlamanka Soomaaliya.

    PUNTLAND POST

    The post Baarlamanka Soomaaliya oo Maanta Codka Kalsoonida u qaadaya Ra’iisul wasaaraha magacaaban appeared first on Puntland Post.

  8. Somaliland ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan oo horleh ka bilowday jiidda degaanka Tukaraq ee gobolka Sool halkaas oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Puntland iyo Somaliland.

    Degaanka Tukaraq waxa Shalay gaaray Abaan-duulaha Ciidamada Somaliland S/Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulllaale oo ay weheliyaan saraakiil Ciidan kuwaas oo kormeer ku sameeyay Taliska Somaliland ee Tukaraq.

    Wefdiga ayaa la kulmay Saraakiisha kala duwan ee ku sugan Taliska Ciidamada Somaliland ee jiidda Tukaraq halkaas oo todobaad ka hor dagaal ku dhexmaray jabhadda SSC iyo Ciidamada Somaliland.

    Sidoo kale Somaliland ayaa jiidda Tukaraq ku kordhisay tiro kamid ah gaadiidka uu saaranyahay hubka Taangiyada loo yaqaano.

    PUNTLAND POST

    The post Somaliland oo dhaqdhaqaaq ciidan ka bilowday Tukaraq appeared first on Puntland Post.

  9. Saraakiisha Ciidanka Booliiska Gobolka Karkaar ayaa sheegay in ay hawlgal qorshaysan ku soo qabteen laba gaari oo Khamri ah kuwaas oo la doonayay in la soo geliyo Magaalada Qardho.

    Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Karkaar G/sare Cabdi Casayr Yuusuf oo soo bandhigay gaadiidka Khamriga lagu qabtay ayaa sheegay in sharciga la hor-geyn doono gaadiidkaas iyo Khamriga saaran.

    Taliye Casayr ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay Raggii watay labada gaari midkood balse gaariga kale ay ka carareen kooxdii Khamriga ku waday islamarkaana dhowaan gacanta lagu soo dhigi doono.

    Taliyaha ayaa digniin adag u jeediyay dadka caadaystay ka ganacsiga iyo isticmaalka Khamriga isagoo ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabto falkaas.

    PUNTLAND POST

    The post Booliiska Magaalada Qardho oo qabtay laba gaari oo Khamri ah appeared first on Puntland Post.

  10. Hargeisa (PP News Desk) — The Director General of Somaliland Ministry for Education and Science Mr Ahmed Abokor Ahmed has publicised the results of the secondary school leaving examinations in Somaliland.

    Mr Ahmed told a local TV network that state school students had scored high in the examinations. “We have done an analysis of results and found out that students from government-run schools scored high in examinations. Further analysis revealed students from rural, government-run schools gained highest marks” said Ahmed.

    PhotoCollage_20200922_234052831.png?resiAhmed: Somaliland Ministry of Education and Science plans to introduce mobile schools for nomadic communities.

    Statistics Department of Somaliland Ministry of Education and Science compared subject results of state schools in towns, rural areas and private schools. The improvement in the performance of state school pupils raises the profile of state schools in Somaliland whose students scored lower in past secondary school leaving examinations compared to independent school students in Somaliland.

    Ahmed said that there were plans to further improve the delivery of education for rural schools. “We aim to introduce mobile schools for nomadic communities and the distribution of tablets for rural pupils to ensure they receive education wherever they are.”

    © Puntland Post, 2020

    The post State School Pupils Score High in Secondary School Exams in Somaliland appeared first on Puntland Post.

  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta hadal ka jeediyey xaflad lagu soo dhaweynayey madaxda dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir oo beelaha Mogadishu Clan ay Muqdisho ku qabteen ayaa ka hadlay marxaladda ay haatan wajaheyso doorashada Soomaaliya.

    Xasan Sheekh ayaa sheegay in wadada maanta wax lagu wado ay tahay tii ay horay u furtay dowladii tan ka horeysay ee uu hoggaaminayey.

    “Doorashadii hore waxaa la-lahaa jiitamaad badan ayaa ku jira, laakiin jiitankaas wadada aad maanta ku raaxeysaneysaan ayuu falay, marka dhibka aan ka soo marnay taas waxaa ogaa akhyaartii ila soo shaqeysay xilligaas oo Axmed Madoobe uu ka joogo, marka ragga hadda shaqeynaya hambalyo ayaan leeyahay waad soo dadaasheen inta dhimana kalsooni badan ayaad abuurateen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

    Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa sheegay in hadda ayba ula muuqato in waqtigeeda laga soo hor mari karo doorashada, hadii caqli la isticmaalo.

    “Dhinicii siyaasadda waad soo dhameyseen, laakiin hadii caqlina la isticmaalo, dadka khibradda u leh oo doorashadii hore nagala shaqeeyeyna loo adeegsado, waxaana is leeyahay wixii shalay naga halaabay xataa wey garanayaan oo shaqo tii ka qurxoon ayey qaban karaan,” ayuu yiri .

    Ugu dambeyntii Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey shirkan oo beelaha Mogadishu Clan ay u qabteen madaxda dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir, isagoo tilmaamay in maalinba ay wax soo dhismayeen Soomaaliya, rajaduna ay fiicantahay hadda.

    Halkan hoose ka Daawo

    The post Daawo: Xasan Sheekh oo soo jeediyey qorshe doorashada waqtigeeda looga soo hor-marin karo first appeared on Caasimada Online.

  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta hadal ka jeediyey xaflad lagu soo dhaweynayey madaxda dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir oo beelaha Mogadishu Clan ay Muqdisho ku qabteen ayaa ka hadlay marxaladda ay haatan wajaheyso doorashada Soomaaliya.

    Xasan Sheekh ayaa sheegay in wadada maanta wax lagu wado ay tahay tii ay horay u furtay dowladii tan ka horeysay ee uu hoggaaminayey.

    “Doorashadii hore waxaa la-lahaa jiitamaad badan ayaa ku jira, laakiin jiitankaas wadada aad maanta ku raaxeysaneysaan ayuu falay, marka dhibka aan ka soo marnay taas waxaa ogaa akhyaartii ila soo shaqeysay xilligaas oo Axmed Madoobe uu ka joogo, marka ragga hadda shaqeynaya hambalyo ayaan leeyahay waad soo dadaasheen inta dhimana kalsooni badan ayaad abuurateen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

    Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa sheegay in hadda ayba ula muuqato in waqtigeeda laga soo hor mari karo doorashada, hadii caqli la isticmaalo.

    “Dhinicii siyaasadda waad soo dhameyseen, laakiin hadii caqlina la isticmaalo, dadka khibradda u leh oo doorashadii hore nagala shaqeeyeyna loo adeegsado, waxaana is leeyahay wixii shalay naga halaabay xataa wey garanayaan oo shaqo tii ka qurxoon ayey qaban karaan,” ayuu yiri .

    Ugu dambeyntii Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey shirkan oo beelaha Mogadishu Clan ay u qabteen madaxda dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir, isagoo tilmaamay in maalinba ay wax soo dhismayeen Soomaaliya, rajaduna ay fiicantahay hadda.

    Halkan hoose ka Daawo

    The post Daawo: Xasan Sheekh oo soo jeediyey qorshe doorashada waqtigeeda looga soo hor-marin karo first appeared on Caasimada Online.

  13. Xildhibaanadda golaha shacabka ee baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maalinta berri ah kulan ku yeelanaya xaruntooda ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa, kaddib fariinta guddoonka golaha.

    Ajendaha kulanka ayaa ah hadal jeedinta madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeedin doona fadhiga golaha Shacabka.

    Sidoo kale waxay u codeyn doonaan kalsooni siinta Ra”iisul-wasaaraha cusub ee xukummadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, si uu u guto waajibaadka qaran ee loo igmaday.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa 17 bishaan u magacaabay xilka Ra”iisulwasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

    View the full article

  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo hadal kooban ka jeediyey xaflad soo dhaweyn ah oo maanta beelaha Mogadishu Clan ay Muqdisho ugu sameeyeen madaxda dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa soo jeediyey in la qabto shir-weyne qaran.

    Cali Mahdi ayaa ugu horeyn madaxweyne Farmaajo ku amaanay badbaadinta qaranimada Soomaaliyeed ee xilligan, maadaama sida uu sheegay hadii uusan tanaasuli laheyn dowladnimada curdunka ah ee Soomaaliya ay khatar ugu jirtay inay burburto.

    “Madaxweynaha waan uga mahad celinayaa, waana ku bogaadinayaa, markii uu arkay hadii saan loo kala taagnaado in qaranimada Soomaaliya ay burbureyso tanaasulka uu muujiyey, runtii waan ku amaaneynaa go’aankaas uu qaatay,” ayuu yiri.

    Cali Mahdi ayaa ka dhawaajiyey in Soomaaliya ay dhibaato daran ku soo jirtay 30-kii sano ee lasoo dhaafay, maantana aysan u baahneyn khilaaf dambe, “Soomaalidu waxay u baahantahay inay is walaashato maanta,” ayuu yiri.

    Mahadweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi ayaa madaxda dowlad goboleedyada oo dhamaantood ku sugnaa xafladan ka dalbaday inay qabtaan shir-weyne Qaran oo la isugu keenayo dadka Soomaaliyeed ee ku kala irdhoobay colaadihii sokeeye ee dalka ka dhacay.

    “Soomaaliya dhibaataa kala gaartay waa is dishay, waa kala guurtay, waliba qof kasta waxa uu ku noqday tuuladii uu lahaa, hadda kor waa la iska fiirsanayaa oo waal la isku jeedaa, laakiin la isu imaan maayo,” ayuu yiri.

    Waxa uu sheegay in cudurka ka dhashay colaadihii dalka ka dhacay uu sii jiraayo illaa dadka Soomaaliyeed la isugu keenaayo shir  weyne ay isku saamaxaan.

    “Waxaan inka codsanayaa in la qabto shirweyne Soomaaliyeed oo dib u heshiisiin dhaba la sameeyo, hadeysan dhicin taas oo aan shirkaas la qaban, Soomaali colaadu waa jireysaa, waxayna ku daawoobi karaan in la isu keeno, maanta idinkaa masuul ka ah dalka ee shirweyne Qaran hala qabto,” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey Cali Mahdi Maxamed.

    Halkan hoos ka Daawo

    The post Muxuu yahay shir-weynaha cusub ee uu Cali Mahdi ku baaqay maanta? + Video first appeared on Caasimada Online.

  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo hadal kooban ka jeediyey xaflad soo dhaweyn ah oo maanta beelaha Mogadishu Clan ay Muqdisho ugu sameeyeen madaxda dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa soo jeediyey in la qabto shir-weyne qaran.

    Cali Mahdi ayaa ugu horeyn madaxweyne Farmaajo ku amaanay badbaadinta qaranimada Soomaaliyeed ee xilligan, maadaama sida uu sheegay hadii uusan tanaasuli laheyn dowladnimada curdunka ah ee Soomaaliya ay khatar ugu jirtay inay burburto.

    “Madaxweynaha waan uga mahad celinayaa, waana ku bogaadinayaa, markii uu arkay hadii saan loo kala taagnaado in qaranimada Soomaaliya ay burbureyso tanaasulka uu muujiyey, runtii waan ku amaaneynaa go’aankaas uu qaatay,” ayuu yiri.

    Cali Mahdi ayaa ka dhawaajiyey in Soomaaliya ay dhibaato daran ku soo jirtay 30-kii sano ee lasoo dhaafay, maantana aysan u baahneyn khilaaf dambe, “Soomaalidu waxay u baahantahay inay is walaashato maanta,” ayuu yiri.

    Mahadweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi ayaa madaxda dowlad goboleedyada oo dhamaantood ku sugnaa xafladan ka dalbaday inay qabtaan shir-weyne Qaran oo la isugu keenayo dadka Soomaaliyeed ee ku kala irdhoobay colaadihii sokeeye ee dalka ka dhacay.

    “Soomaaliya dhibaataa kala gaartay waa is dishay, waa kala guurtay, waliba qof kasta waxa uu ku noqday tuuladii uu lahaa, hadda kor waa la iska fiirsanayaa oo waal la isku jeedaa, laakiin la isu imaan maayo,” ayuu yiri.

    Waxa uu sheegay in cudurka ka dhashay colaadihii dalka ka dhacay uu sii jiraayo illaa dadka Soomaaliyeed la isugu keenaayo shir  weyne ay isku saamaxaan.

    “Waxaan inka codsanayaa in la qabto shirweyne Soomaaliyeed oo dib u heshiisiin dhaba la sameeyo, hadeysan dhicin taas oo aan shirkaas la qaban, Soomaali colaadu waa jireysaa, waxayna ku daawoobi karaan in la isu keeno, maanta idinkaa masuul ka ah dalka ee shirweyne Qaran hala qabto,” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey Cali Mahdi Maxamed.

    Halkan hoos ka Daawo

    The post Muxuu yahay shir-weynaha cusub ee uu Cali Mahdi ku baaqay maanta? + Video first appeared on Caasimada Online.

  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa khudbaddii uu ka jeediyay gogoshii ay maanta beesha Mogadishu Clan u dhigtay wuxuu sidoo kale kusoo hadal qaaday maqaamka magaalada Muqdisho.

    Hogaamiyaha Jubbaland wuxuu bogaadiyay sida ay isku badashay magaalada Muqdisho, isla markaana waxa dhibka ugu weyn dadka ku haya ay tahay kooxda Al-Shabaab ee aysan jirin cid iska xigsaneysa iyo dad aan kala fikir duwaneyn.

    Axmed oo hadal ku tuuraya beesha Mogadishu Clan oo ay marti u ahaayeen wuxuu yiri: “Soomaalida markey is xamaneyso waxey oran jirtay dowladnimada Mogadishu Clan ugu daran, oo laguma xaman jirin in dowladnimada looga fiican yahay.”

    “Waxaa hadda muuqata cidda dowladnimada ugu dhaw, ee raadineysa, ee war dowladnimo, war Soomaali, war hala isku yimaado, war shir nabadeed oraneysa iney Mogadishu Clan yahiin waan idinkaga mahad celinayaa,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

    Dhinaca kale Axmed Madoobe wuxuu madasha uga mahad celiyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida uu u dhaqmay intii lagu jiray shirkii ay Muqdisho ku yeesheen wuxuuna yiri:

    “Waxaan uga mahad celinayaa madaxweynaha jamhuuriyadda inuu yiri – anigu xitaa dhan farsamo ma rabo ee waxaan rabaa sida ugu dhaqsiyaha badan ee ugu dhaw ee dadka loogu qabto doorasho, una arko iney xasiloonida intaas ku jirto.”

    Ugu dambeyntii Axmed Madoobe wuxuu ka hadlay waxa ay u qalanto magaalada Muqdisho iyo hadii beelweynta Mogadishu Clan ay ka xigaan Soomaalida kale.

    “Waxaan rabaa inaan ka hadlo magaalada Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya, Hawiyow aad u dhageysta, caasimaddan Mogadishu Clan dadka kama xigo, waa magaaladaan kusoo koray waxna ku bartay, caasimadda Muqdisho waa iney yeelato maqaam sharci ah oo ay leedahay oo ay matalaad ku leedahay, caasimadda uma baahna gudoomiye loo soo magacaabo, uma baahna nin mar walba la badalo, waxey u baahan tahay gole deegaan, maamul iyo dhaqaale dadka wax loogu qabto, biyo macaan ay helaan, koronto lacag la’aan ah iyo dhaqaalahooda oo dib loogu celiyo.”

    “Xiligii horana waan ka hadalnay howshaas, maanta hadii Baarlamaanka go’aankaas gaari waayo, waxyaabaha aan rabno raadka in laga tiro waxaa ka mid ah, doorashada soo socota inaan lagu murmin, maqaamka caasimadda iyo matalaadeeda inaan lagu murmin oo la qeexo, wax walba wax cad oo la isku ogyahay iney noqoto ayaan rabnaa.”

    “Howsha aan sidaas u wada qaadano, yaanan isku dhaga-hadlin, anaa ugu jecel Muqdisho iney maqaam iyo matalaad yeelato, qof iga xigana ma jiro, waxaan idinka sugeynaa inaan sameyno fulinta waxyaabaha aan heshiiska ku gaarnay, ayna soo baxdo in loo dareeri karo doorashada”

    The post Axmed Madoobe: Hawiyow magaalada Muqdisho dadka kama xigtaan + Video first appeared on Caasimada Online.

  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa khudbaddii uu ka jeediyay gogoshii ay maanta beesha Mogadishu Clan u dhigtay wuxuu sidoo kale kusoo hadal qaaday maqaamka magaalada Muqdisho.

  18. International partners* take note of the agreement announced by the Federal Government of Somalia (FGS) President and the five Federal Member State (FMS) Presidents regarding the 2020/21 electoral process.

    They acknowledge that this agreement resulted from a Somali-led and Somali-owned dialogue among FGS and FMS leaders, and understand that some details of the agreed process are still to be clarified and additional stakeholders may be consulted.

    The partners observe with regret that the announced model falls short of the longstanding Somali goal of direct voting for members of parliament in this electoral cycle. The partners urge that the 2020/21 electoral process be free, fair, transparent and inclusive.

    Looking to the future, international partners encourage rapid progress to establish other Somali democratic institutions, including the judicial services commission and the human rights commission, along with efforts to advance the review of the Provisional Federal Constitution and ensure respect for international commitments on human rights.

    Partners would also welcome a roadmap with clear milestones, agreed among Somali political leaders, to ensure decisive democratic progress going forward. International partners appeal to the FGS and FMS leaders to continue meeting regularly in a spirit of dialogue and compromise to address urgent national priorities, including security and economic reform as well as inclusive politics.

    View the full article