A covert Kenyan paramilitary team armed and trained by the US and supported by UK intelligence is behind renditions and controversial killings of terror suspects in night-time raids, Declassified UK can reveal.
Siciid Cabdulaahi Deni Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo xalay ka qeyb-galay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa ka hadlay waayihiisii hore iyo Xamar.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu u hiloobay waqtiyadii quruxda badnaa ee uu ku soo qaatay Muqdisho, gaar ahaan segmaddii uu ku dhashay ee Howlwadaag.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu ka qeyb-qaadan dooni dib u dhiska degmadaasi iyo horumarinteeda.
Deni ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa caasimadda, isaga oo uga qeyb-galay shirkii wada-tashiga madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.
Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay xildhibaano iyo mas’uuliyiinta qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee kua sugan M/ Muqdisho.
Kulanka ayaa ku saabsanaa taageerida Ra’iisul Wasaaraha iyo sidii codka kalsoonida uga heli lahaa Baarlamaanka, iyadoo ay goobta joogeen ku dhawaad 50 Mudane oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa kulankan ka qeyb-galay Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle, Mudane Cali Guudlaawe.
Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa haatan dadaal ugu jira kasbashada xildhibaanada si ay u siiyaan codka kalsoonida.
Rooble ayaa tan iyo markii la magacabaay waxa uu kulamo kala duwan oo siyaasadeed ka waday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho
Malatariga Kenya ayaa shaaciyey inay dileen 5 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib weerar ka dhacay duleedka magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya ayaa sheegay in dagaalyahano ka mid ah Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen kolonyo ka tirsan malatariga dalkaasi, xilli au ku socdaalayeen deegaanka Lafey oo hoosta Mandera, kuna dhow xadka labada dal.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in duulaankaasi ay Al-Shabaab ku dileen askari ka mid ah ciidamada malatariga Kenya, islamarkaana ay ku dhaawaceen labo kale.
Xarakada Al-Shabaab ayaa weli wada weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, iyada oo inta badan bartilmaameedsata saldhigyada ciidamada Kenya ay ku leeyihiin dalkaasi.
Waxaa saaka deganaashiyo aan cago badan ku taagneyn laga dareemayaa deegaannaddii maalinimadii shalay ay ku dagaalameen ciidamada xoogga dalka iyo xulufadooda AMISOM iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Ciidamada isgarabsanayo ayaa dhaqdhaqaaqyo kawada deegaannaddii ay la wareegeen ee Ceel-bulacle, Miir-dugul iyo deegaanka Ceel Cali Mire, waxaana saacad kasta la filan karaa inuu dib u qarxo dagaal dhex mara labada dhinac, maadaama aysan gala fogeyn.
Wararka qaar ayaa sheegayaa in Ciidamada ay kaabiga ku hayaan deegaan ka Ceel garas oo ku dhowaad 10 sao ay maamulayeen Al-shabab, waxaana jiro deegaanno dhowr ah oo ayka maamulaan gobollada Mudug iyo Galgaduug ee maamula Galmudug.
Saraakiisha howlgalka hoggaaminaysa ee ka tirsan xoogga dalka qeybta 21-aad guutadiisa 15-aad ayaa horay u sheegay in ay howlgalka ay siiwadayaan, tan iyo inta ay ka gaarayaan deegaannada ka maqan gacanta maamulka Galmudug oo ay ka maamulaan gobolka Al-shabab.
Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, ayaa shalay kulan la qaatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo dhowaan loo wakiishay hogaaminta siyaasadda Mudullood.
Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Senator Qeybdiid uu Cali Mahdi u gudbiyay codsi ka yimid Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo ahaa in Mudullood siiyaan fursad oo aysan ka hor imaanin xukuumadda uu soo dhisi doono iyo guud ahaa hogaamintiisa.
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa noo sheegay in Qeybdiid uu sidoo kale Madaxweynaha u sheegay in Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda uu keeni doono ballan qaadayaan in aan la dhibaateynin Mudullood loona fududeeyo wax kasta oo ay xuquuq u leeyihiin islamarkaana ay awooda dowladda Soomaaliya.
Cali Mahdi Maxamed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in uusan jirin wax dhibaato oo ay xukuumadda cusub kala kulmi doonto Mudullood balse waxa uu dalbaday in Ra’iisul wasaaraha ka fogaado wax kasta oo dhaawici kara ama ka fogeyn kara dadka uu matalo ee Mogadishu Clan.
Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid waxa uu hormuud ka yahay Xildhibaano iyo Senataro badan oo dalbanaya in lala shaqeeyo Maxamee Xuseen Rooble oo aan wali helin kalsoonida baarlamaanka waxaana muuqato abaabul xoog leh oo ka socda Muqdisho, kaas oo lagu raadinayo kalsoonid beelaha iyo siyaasiinta.
Cabdi Qeybdiid iyo Rooble ayaa kasoo wada jufada reer Hilowle ee beesha Sacad Habargidir.
(SLT-Dubai)-Dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta Mohamed Bin Zayed ayaa kala hadlaya wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka in saldhigga ciidamada cirka Mareykanka ee Incirlik laga soo raro Turkiga loona soo wareejiyo Imaaraadka, waxaa sidaas weriyey wargeyska The New Khaleej.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa wargeyska u sheegay in qorshaha uu yahay in lasii xoojiyey xidhiidhka qotada dheer ee Imaaraadka Carabta uu la leeyahay Mareykanka.
Abu Dhabi ayaa dhowaan xidhiidh rasmi ah la sameysatay Israa’iil kadib cadaadis xooggan oo kaga yimid dhanka Mareykanka.
The New Khaleej ayaa sheegay in ilo sirdoon ay u sheegeen in Bin Zayed uu rumeysan yahay in Abu Dhabi ay danaheed istaraatiijiga ah ka hormarineyso wax kasta, oo ay ku jirto xidhiidhka gaarka ah oo ay la leedahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump
Sida uu wargeyska sheegay, Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale Pentagon-ka Mareykanka iyo hay’ado maaliyadeed kala shaqeynaya mashruucyo millatari iyo kuwa dhaqaale.
Si kastaba, afhayeen u halday Pentagon-ka Mareykanka Colonel Thomas Campell ayaa wakaaladda wararka ee Anadolu u sheegay in Mareykanka uusan wax qorshe ah ka lahayn inuu ka guuro saldhigga Incirlik.
Xidhiidhka Turkiga iyo Mareykanka ayaa mugdi uu soo galay sanadihii tegay, hase yeeshee joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Turkiga ayaa lagu warramay in dan ka badan tan Turkiga ku qabaan Mareykanka.
(SLT-Tehran)-Dowladda Iran ayaa si kulul uga jawaabtay tallaabada uu Mareykanku ku doonayo in cunaqabateynta Qaramada Midoobey dib loogu soo rogo Iran, xili tallaabadaasi lagu macneeyay mid sharci-darro ah.
Madaxweynaha Iran, Xasan Ruuxaani ayaa ugu horreyntii sheegay in Mareykanku uu waajahayo Guul-darro weyn kadib markii ay wadamo badan oo reer Yurub ah ay ka hor-yimaadeen rabitaankaasi.
Wuxuuna ku hanjabay in Iran ay qaadi doonto jawaab si daran wax u burburin doonto, inkasta oo aanu carabaabin arrinta weyn ee ay kaga jawaabayaan rabitaanka Mareykanka.
“Iran ay jawaab wax burburin doonto ka bixin doonto hanjabaada Mareykanka” ayuu yidhi madaxweyne Ruuxaani.
Trump iyo maamulkiisa ayaa qaba in tallaabadaasi ka dhanka ah Iran ay ku cadahay ‘in la qaadi karo markale’ heshiiskii uu Mareykanku ka baxay laba sanno ka hor (2018) ee la xidhiidha Nukliyeerka.
Aragtidaasi mid ka duwan ayey qabaan dalalka UK, Faransiiska iyo Jarmalka, waxayna si wada-jir ah u sheegen in Mareykanku aanu awood buuxda u laheyn inuu qaado tallaabo noocaasi oo kale ah.
Rabitaanka Mareykanka ayaa sidoo kale waxa si adag uga hor-yimid dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, xilli lasoo warinayo in xukuumadda Washington ay maanta cunqabateyn kusoo rogi doono tiro dad ah oo lala xidhiidhiyay barnaamijka nukliyerka ee Iran, gantallada iyo hubkeeda.
‘I’m a woman, I’m black, I’m a refugee, an immigrant, a Muslim and I wear a hijab. And all of those are identities that have been vilified by the right,’ she tells Richard Hall
(SLT-Riyadh)-Laga bilaabo Sucuudiga illaa Imaaratka Carabta, culimada ku sugan halkaas waxay u muuqdaan kuwa ka hadlaya xidhiidhka Israa’iil iyo Carabta, waxayna u xayeysiinayaa si aad u sareysa, si ay u xoojiyaan saameynta ha’yadaha diinta ee dalalka Carabta.
Culimada waxayna ka mid yihiin ha’yadaha dowladda ee wax ka baddalaya fatwada iyo go’aanada arrimaha diinta ay soo saaraan, sida ay rumeysan yihiin dad badan oo dusha kala socda xaaladaha gobolka.
Sheekh Sudeys iyo Sheekh Wasiim Yuusuf Dhawaan ayay aheyd markii dadka isticmaala baraha bulshada ay si wayn uga hadlayeen khubaddii Sheekh Cabdiraxmaan Sudeys ee uu 4-tii bisha September uu ka jeediyay Xaramka Makah, taas oo uu kaga hadlay xidhiidhka nebi Maxamed NNKH uu la lahaa Yuhuudda. Dadka qaar waxay sheegayaan in khudbaddaas ay gogol dhac u aheyd xidhiidhka Israa’iil iyo Sacuudiga.
Dad ka soo horjeeda in dalalka Carabta ay xidhiidh la yeeshaan Israa’iil, waxay sheegayaan in khudbadda Sheekha ayna ka turjumeyn fikaraddiisa gaarka ah ama tan diinta, balse uu isaga matalayo dowladda jirta gaar ahaan marka la eego xidhiidhka ka dhexeeyo dowladda iyo ha’yadaha arrimaha diinta qaabilsan ee Sacuudi Carbiya. Dadka qaar waxay is wedinayaan, sidee dowladda wax uga baddali kartaa aragtida ha’yadaha diiniga ah?
Marka la eego dhinaca Imaaraatka Carabta oo ku dhawaaqay in xidhiidh uu la yeeshay Israa’iil, Sheekh Waasim Yuusuf oo xidhiidh dhaw la leh dowladda ayaa hadal heyn ka dhex dhaliyay baraha bulshada.
Sheekha waxay aragtidiisa tahay in xoojinta xidhiidhka Israa’iil ay tahay tallaabada ugu wanaagsan, sida uu ku qoray barta uu Twitter-ka ku leeyahay.
Weli sheekha wuxuu Twitter-ka soo dhigayay qoraallo dhowr ah oo ku saabsan arrintaas, wuxuu rumeysan yahay in xidhiidhka Israa’iil uu xal nabadeed u noqon karo qadiyadda Falastiin.
Sheekh Waasim Yuusuf wuxuu sidoo kale sheegay in Israa’iil aysan mas’uul ka aheyn dhibaatooyinka ka dhacay dalalka Carabta.
“Israa’iil ma ayna qarxin masaajid, ma ayna abuurin khilaafka ka dhex taagan Suniyiinta iyo Shiicada, ma ayna gubin kaniisadaha ku yaalla Carabta. Kuwa sameeyay dhibaatooyinkaas waa inaga.”
Waasim Yuusuf wuxuu bartiisa Twitter-ka ku weeraray kacdoonkii Carabta oo uu ku tilmaamay “Kacdoonkii waalnaa”, wuxuuna taageerayaasha Xisbullaah iyo Ikhwaanul Muslimiin ku eedeeyay in ay yihiin dadka colaadda ka dhex abuuray gobolka.
Sida culimada Sucuudiga, Sheekh Wasiim Yuusuf wuxuu baraha bulshada kala kulmay dhalleeceyn xooggan, maadama uu jeediyay hadallo is burinaya, horraan wuxuu taageeri jiray qadiyadda Falastiin wuxuuna inta badan ku adkeysan jiray in Qudus ay tahay caasimadda Falastiin.
Waa aalad gacanta ugu jirta dowladda
Ha’yadaha diinta ee rasmiga ah ee ka qeyb qaadanaya xoojinta arrimaha xidhiidhka Sucuudiga iyo Imaaraadka, waxay muujineysa in culimada soo saaraya fatwada diinta islaamka ay saameynta ku leeyihiin arrimaha siyaasadda ee dalalka Carabta iyo sida hoggaamiyeyaasha ay u adeegsadaan diinta si danahooda ay ugu gudbistaan.
Sacuudiga iyo Imaaraatka kaliya kuma saabsano arrintan, balse waxaa jiro dalalka kale oo Carab ah oo hore u soo saaray fatwo ogolaaneyso in dalalka Khaliijka ay xidhiidh la yeelan karaan Israa’iil.
Muftigii guud ee Masar, sannadkii 1979-kii, Jaadal Xaq Calaa Jaadal Xaq, wuxuu soo saaray fatwo uu ku taageeray Masar markii ay xidhiidhka la yeelatay Israa’iil.
Sannadkii 1995-tii, Muftigii weynaa ee Sacuudiga, Cabdul Caziiz Bin Baaz, wuxuu soo saaray fatwo tan lamid ah ka dib markii Sacuudiga uu saxeexay heshiiskii Oslo.
Qorshaha lagu heshiiyay Sida ay sheegayaan dadka la socoda siyaasadda gobolka; waxa ka muuqda heshiiska waa arrin diini ah, gaar ahaan xidhiidhka Israa’iil iyo Imaaraadka, waxaana heshiiskaas loo xayeysiinayay isu soo dhawaansho u dhexeeyo Muslimiinta, Yuhuuda iyo Masiixiyiinta. Arrinta xiisaha leh waxay tahay in loo bixiyay ‘Heshiiskii Abraham’.
Warbixinno ay qoreen cilmi baarayaal u dhashay Israa’iil waxay ku sheegeen in Baadariga ugu weyn madhabta katoligga ee diinta masiixiyiinta, Pope Francis iyo muftiga Al Azhar ay ka qeyb qaateen xoojinta walaaltinimada, si loogu dadaalo nabadda iyo wada noolaanshaha aadanaha.
Waxay cilmi baadhayaasha intaas ku dareen, in marka la gaadho sannadka 2022-ka, qoyska Abraham ay xadhigga ka jari doonaan masaajid, kaniisad iyo macbad ay ku cibaadeysataan Yuhuudda kaas oo looga golleeyahay sare u qaadidda is-fahanka dhanka diimaha iyo xoojinta waxyaabaha laga mideysan yahay.
Baydhaba (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegaya in la badalay dhamaan ciidankii Asluubta ee ilaalin jiray xabsiga dhexe iyo kontaroolada laga soo galo xabsiga.
Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in ciidan cusub oo laga keenay Baydhabo, kuwaas oo muddo ku sugnaa Muqdisho, lagu badalay ciidankii hore u joogay Xabsiga iyo kontaroolada ku dhaw dhaw.
Ciidanka laga keenay Baydhabo oo in muddo ah ku sugnaa Muqdisho ayaa dhowaan si rasmi ah loogu daray ciidanka Asluubta, waxaana la sheegay in hore uu u diiday Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, isagoo sabab uga dhigay in loo baahan hubin badan iyo in la meeleeyo xuquuqdooda.
Qaar kamid ah saraakiisha ciidanka Asluubta ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidankan oo u badan qaraabada Taliyaha ciidanka Asluubta ay daganaayeen gudaha xabsiga dhexe tan iyo markii la magacaabay Gen Mahad Cabdiraxmaan Aadan, waqtiyo badana la isku dayay in loo dhiibo xabsiga iyo in laga mid dhigo ciidanka balse hada looga faa’iideestay weerarkii dhacay iyo Isbadalka Xukuumaddii dalka ka jirtay.
Xabsiga dhexe waxaa dhowaan ka dhacay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac badan kadib markii gudaha xabsiga ka dagaalameen koox ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ahaa maxaabiis meesha ku xiran.
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ka hadlayey munaasabad loo qabtay Madaxweynaha Puntland ayaa soo hadal qaaday arrimo ku aadan doorashada xildhibaada ee socota, siiba kuraasta xildhibaanada ee taalla dowlad goboleedyada.
Cawad ayaa sheegay in madax goboleedyada ay culeys saarayaan kuraasta xildhibaanada, gaar ahaan kuwa aan xiriirka wanaagsan la laheyn.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kursigiisii uu ka soo wareejistay Puntland, islamarkaana uu keensaday Galmudug, sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiye xigeenka labaad ee baarlamaanka oo sii hadlayey ayaa ku goodiyey, haddii xildhibaanada laga joojin waayo cadaadiskaas inay aysan ansixin doonin heshiiska ay Muqdisho ku gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.
“Haddii aad heshiiseen, annaga qayb ayaan ka nahay, kursigeyga waxa aan u wareejistay Galmudug ee Saaxiibada kale hakaa nabad galaan, Doorasho ayaan usoo soconaa ee ammaan hala idinka helo, haddii kale Sooma ahan, Wallaahi ma ansixineyso heshiiskaas.” ayuu yiri ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka.
Cawad ayaa deegaan doorashadiisu ay tahay degmada Towfiiq ee gobolka Mudug, gaar ahaan dhinaca Puntland, ayaa cabsi uu qabo darteed kursigaas u wareejistay Galmudug.
Dhankiisa oo Deni oo hadalka qaatay ayaa u jawaabay Cawad, wuxuuna yiri “Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad waxa aan leeyahay kursiga aad ka raratay Puntland waad kusoo ceshan kartaa, waxaana kuu damaanad qaadayaa haddii uu dib usoo ceshado in aan ku qabi doonin walwal, in aad garab naga heshaan mooyee, walwal kale hanaga rajeynina.”
Arrimahan oo horey looga digay ayaa ku soo aadaya, xilli aad loogu sii dhawaanayo doorashada xildhibaanada iyo tan Madaxweynaha ee 2020/2021-ka.
(SLT-Washington)-Hal qof ayaa loo qabtey kaas oo la aaminsan yahay in uu warqad sunta dilaaga ah ee Ricin u direy Madaxweynaha Maraykanka Donalad Trump, sidaas waxaa sheegay Booliska Federaalka ee Baadhitaanada Dembiyada (FBI)
Qofka ka dambeeyey warqadda sumysan ayaa lagu sheegay inay ahay haweeney u dhalatay dalka Kanada, sida ay qortey wakaalada wrarka ee Reuters.
Baakada wadatey sunta ayaa lagu qabtey barta kontoroolka boosatada ee Aqalka Cad, mana gaadhin Madaxweyne Trump.
Qofka ku eedeysan dembigan ayaa lagu qabtay xadka Mareykanka iyo Kanada ee magaalada Buffalo, New York, sida uu u sheegay AFP sarkaal ka tirsan booliska xuduudaha. Sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka, eedaysanaha ayaa haystey baastoolad xilliga la qabanaayey.
Xilli hore, laba kiis oo kala duwan, ayaa laba qof loogu xukumay xabsi ka dib markii ay u direen Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama waraaqo sunta ricin-ku la soo geliyey .
Sunta Ricin waxaa laga helaa abuurka geedka ay isku magaca yihiin ee Racin waana mid ka mid ah walxaha ugu sunta badan adduunka. Ricin-ka sunta ah wuxuu sababi karaa matag, dhiig bax gudaha ah, neefsashada oo dhib ku noqon karta una horseedi karta dhimasho.
Gaarisa (Caasimada Online) – Ciidamada booliska gobolka Garrisa ee Kenya ayaa gacanta ku dhigay dad Soomaali ah oo tiradooda lagu sheegay 12-qof.
Sida uu baahiyay Citizen Tv waxa shaqsiyaadkaasi lasoo qabtay kadib markii laga waayay dukumintiyo muujinaya jinsiyadahooda, xili ay saarnaayen gaari dowladeed.
Telefishanka oo soo xiganaya laamaha amniga ayaa sheegay in ciidamada amnigu ay shaqsiyaadkaasi ka dalbadeen hubinta howlaha ay wadaan, iyaga oo maraya buundada Garissa-Tana, kadibna ay cadaatay inay watan dukuminta aan sax aheyn.
Eedeysanayaashan ayaa waxa loo haysta inaysan sax aheyn aqoonsiga gaariga ay wataan, kaasi oo ay ciidamadu xaqiijiyeen inuu ka diiwaan-gashan yahay wasaaradda horumarinta magaalada Garissa.
“Saraakiishu waxay ogaadeen in aqoonsiga la siiyey uu ka duwan yahay midka gaariga dhabta ah, waxay kaloo ogaadeen in gaariga uu ka diiwaan-gashan yahay wasaaradda horumarinta magaalooyinka Garissa” ayey yiraahdeen illo wareedyo dhanka laamaha amnigu.
Arrintan ayaa imaneysa xili uu tuhun badan ka jiro dalka Kenya, kaasi oo la xiriira ka ganacsiga dhoofinta dadka, maadama marar hore dad badan lagu dhoofiyey gawaari aan wadan sharciyo sax ah.
Dabayaaqada isbuuci hore unbey aheyd markii ciidamada Kenya ay fashiliyeen kooxo ku howlanaa dhoofinta dadka, isla markaana ay xireen raggii ku howlanaa falkaasi iyo saddex gaari oo ay wateen.
A man walk past portraits of former United Nations Secretary-Generals, Monday, Sept. 21, 2020 at United Nations headquarters. In 2020, which marks the 75th anniversary of the United Nations, the annual high-level meeting of world leaders around the U.N. General Assembly will be very different from years past because of the coronavirus pandemic. Leaders will not be traveling to the United Nations in New York for their addresses, which will be prerecorded. Most events related to the gathering will be held virtually. No access to world leaders on the U.N. grounds will be possible, therefore, and access to most anything will be extremely curtailed. (AP Photo/Mary Altaffer)
Shirkaan ka qabsoomay xerada Xalane ayaa diirada lagu saaray qaabkii ay dhinacyada ku shaqada leh isaga kaashan lahaayeen sugidda amniga doorashooyinka soo aadan ee la filayo iney dhacaan 2020 ilaa 2021.
Barta twitter-ka hawlgalka qaramada midoobe ee soomaaliya ayaa lagu soo qoray qiraal ku saabsan kulanka labada dhinac, sidoo waxaa lagu faah-faahiyay qodobada kale ee lagu jeex-jeexay.
“Wakiilka qaramada midoobe wuxuu maanta la kulmay taliyaha ciidanka booliska. Gen. Abdi Hassan Mohamed, si uu ugala hadlo mowduucyo ay ka mid yahiin wada-shaqeynta hay’addaha amaanka Soomaaliya, iskaashiga daneeyayaasha iyo qorsheynta amaanka doorashooyinka nagu soo fool leh” ayaa lagu yiri qoraalka la daabacay.
Talisk Booliska Soomaaliyeed waxey sheegeen in kulankii dhacay uu ahaa mid muhiim ah isla markaana lagu qorsheeyay hanaankii loo sugi lahaa goobaha ay ka dhaceyso doorashada soo aadan.
Waxaa jira cabsi laga qabo weerarada kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida kuwaas oo kordhiyay mudooyinkii dambe weerarada ay la beegsanayaan xubnaha dowladda iyo xarumahoodaba.
Wararka ka imaanaya Degaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Kumaandooska Dowladda Soomaaliya ee DANAB ay halkaasi ku laayeen dad Rayid ah kadib markii ay ku qaldeen Al-shabaab.
Hawlgal qorshaysan oo habeen hore Ciidanka DANAB ay ka fuliyeen Tuulada Mooyilow oo ka tirsan Degaanka Tooratoorow ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dileen 8 ruux oo shacab ah kuwaas oo hurday masjid ku yaal Tuuladaas.
Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in dadka masaajidka lagu laayay ay ahaayeen kuwa socoto ah oo Tuulada ka waayay meel ay seexdan sidaasna masaajidka ku seexday balse Ciidanku ay ku qaldeen Saraakiil Al-shabaab ah.
Taliska DANAB ayaan dhankooda weli ka hadlin wararka sheegaya in ay dad rayid ah ku dileen hawlgalkaasi qorshaysan ee habeen ka hor ka dhacay Shabeellada Hoose.
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta Mohamed Bin Zayed ayaa kala hadlaya wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka in saldhigga ciidamada cirka Mareykanka ee Incirlik laga soo raro Turkiga loona soo wareejiyo Imaaraadka, waxaa sidaas weriyey wargeyska The New Khaleej.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa wargeyska u sheegay in qorshaha uu yahay in lasii xoojiyey xiriirka qotada dheer ee Imaaraadka Carabta uu la leeyahay Mareykanka.
Abu Dhabi ayaa dhowaan xiriir rasmi ah la sameysatay Israel kadib cadaadis xooggan oo kaga yimid dhanka Mareykanka.
The New Khaleej ayaa sheegay in ilo sirdoon ay u sheegeen in Bin Zayed uu rumeysan yahay in Abu Dhabi ay danaheed istaraatiijiga ah ka hormarineyso wax kasta, oo ay ku jirto xiriirka gaarka ah oo ay la leedahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Sida uu wargeyska sheegay, Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale Pentagon-ka Mareykanka iyo hay’ado maaliyadeed kala shaqeynaya mashruucyo militari iyo kuwa dhaqaale.
Si kastaba, afhayeen u halday Pentagon-ka Mareykanka Colonel Thomas Campell ayaa wakaaladda wararka ee Anadolu u sheegay in Mareykanka uusan wax qorshe ah ka lahayn inuu ka guuro saldhigga Incirlik.
Xiriirka Turkiga iyo Mareykanka ayaa mugdi uu soo galay sanadihii tegay, hase yeeshee joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Turkiga ayaa lagu warramay in dan ka badan tan Turkiga ku qabaan Mareykanka.
Meydka sarkaal ka tirsanaa madaxtooyada oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho
Maqribnimadii hore ee caawa ayaa meydka sarkaal ka tirsanaa ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ayaa laga helay gudaha hotel ku yaalla magaalada Muqdisho, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.
Sarkaalkaas ayaa lagu magacaabi jiray Shariif Doofil, waxuuna heystay darajada Gaashaanle.
Meydka Shariif ayaa laga helay qol uu ka deganaa hotel lagu magacaabo Ridwaan oo ku yaalla degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir, gaar ahaan aagga Ceel-gaabta.
Lama oga sababta uu u dhintay, waxaana bilaabmay baadhitaano ku saabsan sidii loo ogaan lahaa geerida marxuumkan, iyadoo laamaha ammaanka oo tegay halkaas ay durbadiiba kaxeysteen maamulihii hotelka.
Warar aan helnay ayaa sheegaya in sarkaalkan ay waxyar ka hor inta aan la helin meydkiisa ay ka tagtay haweeney aan weli la garan waxa ay tahay oo la kulantay.
Baadhitaan xooggan oo arrintan ku saabsan ayaa hadda socda. Madaxtooyada Soomaaliya weli kama hadal dhacdadan, waxaana wararka ay sheegayaan in laga war sugayo baadhitaanka.
LONG READ: PART 1: Revealed: The CIA and MI6’s secret war in Kenya
in News - Wararka
Posted
A covert Kenyan paramilitary team armed and trained by the US and supported by UK intelligence is behind renditions and controversial killings of terror suspects in night-time raids, Declassified UK can reveal.
Source: Hiiraan Online