Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. PRESS RELEASE WHO launches first Mass Casualty Management (MCM) training in Addis Ababa Thirty-one healthcare workers drawn from federal, regional, and private hospitals participated in the training ADDIS ABABA, Ethiopia, February 26, 2021/ — WHO Emergency Medical Team (EMT) in collaboration with WHO Academy held the first Mass Casualty Management (MCM) training course in Addis Ababa, Ethiopia on February 8–11, 2021. The training was facilitated in collaboration with the Ethiopian Ministry of Health (MoH) and WHO Ethiopia. Thirty-one healthcare workers drawn from federal, regional, and private hospitals participated in the training. In his opening remarks at the launch of the training, Director-General of Medical Services of the Ministry of Health Dr. Yakob Seman said, “The training aims to strengthen the capacity of health care workers to manage mass casualties more effectively, and will help them develop their respective health facilities’ casualty management plan.” Mass casualties following disasters and significant incidents are often characterized by quantity, severity, and diversity of injuries that can rapidly overwhelm local medical resources’ ability to deliver comprehensive and definitive medical care. MCM addresses health staff’s coordination and actions in an emergency unit in the first 30 minutes after a mass casualty incident has been declared. Effective MCM is a complex partnership involving the Ministry of Health, other government sectors, agencies, the private sector, and others working together to reduce the impacts and adverse outcomes of mass casualty incidents. Participants expressed their appreciation of the training, stating that they leave the training better equipped to properly manage casualties and save lives. Dr. Gelaw Hailemariam, a participant from Jimma University Hospital, said that the practical training has already given him concrete ideas on how to prepare a MCM plan for his hospital in addition to improving his overall knowledge of MCM with examples of good MCM practice. At the end of the training, Dr. Nelson Olim, WHO Academy Simulation Lead, congratulated the participants on their successful learning achievement in the WHO Academy MCM programme. Dr. Olim also appreciated the collaboration with WHO Ethiopia and WHO African Region for the smooth conduct of the training, confirming that the WHO Academy MCM Programme looks forward to supporting the national rollout of the programme. The training is part of the programme that is being rolled out by the WHO Emergency Medical Team Africa Training Center in Addis Ababa, which will be officially launched by mid-2021. Distributed by APO Group on behalf of World Health Organization (WHO) – Ethiopia. View multimedia content SOURCE World Health Organization (WHO) – Ethiopia Qaran News
  2. Baajinta uu ra’isul wasaaraha xil gaarsiinta Maxamed Rooble baajiyey dibadbaxyadii Jimcaha iyo heshiiska dab biyo ku shubidda ahaa ee uu la galay musharaxiinta madaxweynaha iyo qaabka ay arrintaasi usoo dhoweeyeen maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland waxaa ay soo dedejisay su’aasha ah ‘Sidee Rooble ku Qaadan Karaa Kaalinta Hoggaamineed Ee Marxaladda Kala-guurka?! In uu qaato kaalin hoggaamineed marxaladdan waa mid ku jirtay barnaajimka xukuumadda Maxamed Rooble, uuna ka hor sheegay golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ah September 23, 2020 khudbadii uu ku raadinayey kalsooni siinta isaga oo yiri ”Mudanayaal iyo Marwooyin waxaa iga go’an in aan soo dhiso xukuumad talo leh oo ka tarjumeysa baahiyaha kala duwan ee jira dalkeenna Soomaaliya, marlaxaddan dalka ku jirana ka gudbisa, gaarsiisa, fulisana hannaan doorasho oo heshiis lagu wada yahay”. Haddaba, idaacadda Goobjoog ayaa su’aashaasi kore waxaa ay hordhigtay aqoonyahan iyo falanqeeyeyaal arrimaha siyaasadda Soomaaliya, iyaga oo Rooble kala hadlay sida uu ku noqon karo mas’uulka ugu sareeya ee hoggaanka marxaladda kala guurka. Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah bare jaamacadeed iyo taariikhyahan Soomaaliyeed oo wax laga weydiisay kaalinta hoggaamineed ee ra’isul wasaare Rooble qaadan karo marxaladda kala guurka ayaa waxaa uu yiri” Sharci ahaan dastuurka isaga ayuu siinayaa, oo awoodeedu waa uu leeyahay, laakin inuu garanayo ma hubo, oo haddii uu garanyo intan la islama gaarteen, waxaan qabaa waxaa uu is leeyahay Farmaajo haddii uu soo noqdo mar kale ra’isul wasaare hakaa dhigo, haddii hunguri sidaa ah uu Rooble ku jiro, waxba ma qaban karo, oo hoggaan ma noqon karo, ee waxaan usoo jeedinayaa inu u garto awoodihiisa dastuuriga ah ”. Prof Xasan Sheekh Cali Nuur oo ah bare jaamacadeed isla markaana ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa sheegay in xasiloonida Muqdisho iyo in la aado doorashada guud intaba ay ku xiran tahay sida Maxamed Rooble, oo ah ra’isul wasaaraha xil gaarsiinta uu u qaado kaalintiisa hoggaamineed ee dastuuriga ah isaga oo intaa raaciyey ” Rooble ma noqon karo nin madaxbannaani iyo awood leh, oo hoggaan u noqda maxlamadda kala guurka inta Farmaajo uu sii heysto awoodaha qodobka 90-aad ee dastuurka ”. Prof Xasan Sheekh Cali Nuur oo ka hadlay sida ra’isul wasaare uu u noqon karo hoggaanka marxaladda taagan ayaa waxaa uu yiri ” Rooble waa inuu noqdaa nin madaxbannaan, uuna isticmaalo awoodda dastuurka siiyey gaar ahaan kuwa xukuumad xil gaarsiinta, oo aanu noqon nin nin kale ku dhex jira ”. Dhanka doorashada iyo hoggaaminteeda waxaa uu Prof Xasan Sheekh Cali Nuur hadalkiisa kusoo gabagabeeyey ” Waa inuu Rooble magacaabaa koox la taliyeyaal ah, oo uu abuuraa kalsooni, waana inuu tagaa Kismaayo iyo Garoowe, isaga oo aan ka socon Farmaajo, una sharaxaa aragtidiisa la xiriirta hoggaaminta dalka ee marxaladda kala guurka, uuna meel hoose kasoo bilaabo ”. Dhankiisa, Prof Maxamed Xaaji Ingiriis oo ah cilmi baare iyo taariikhyahan Soomaaliyeed oo aan wax ka weydiinay hoggaaminta uu ra’isul wasaare Maxamed Rooble yeelan karo marxaladda kala guurka ayaa waxaa uu yiri ” Waa In ras’isul wasaare Maxamed Rooble uu xilkiisa iyo awoodihiisa dastuuriga ah garto , hadda ma garanayo e, awoodda xukuumadda ee waddanka looga saarayo marxaladda kala guurka ee dastuuriga ah waa isaga, waa inuu soo ceshtaa awoodahaas ka maqan, oo uu ka baxaa inuu yahay gacan yaraha madaxtooyada ”. ‘Beesha caalamkana waa iney Rooble gacan ku siisaa inuu helo awoodaha hoggaanka ee marxaladda kala guurka’ ayuu intaasi raaciyey Prof Maxamed Xaaji Ingiriis. Ugu dambeyntii, Maxamed Maxamuud Cadde ah falanqeeye siyaasadeed oo arrintan ka hadlay ayaa waxaa uu yiri ” Waa inuu shir isugu yeeraa dhamaaan saamikmleyda siyaasadeed oo ay ku jiraan musharaxiinta iyo bulshada rayidka ah iyo madaxweyeyaasha Galmudug iyo Hirshabelle in aaney ka shaqeyn ama taageerin mowqif ka duwan kan deegaanadooda, ma taageeri karaan Farmaajo. Haday diidaana in aan shirka laga qeyb galin oo laga tashado, haddii sidaas la yeelo waxaa suurowda in xal laga gaaro arrimaha doorashooyinka oo dhan ”. Haddaba, Maxamed Rooble oo magacaaban ku dhowaad lix bil ayaan la ogeyn sida uu uga dhabeyn doono hadalkiisa ah inuu ka shaqeyn doono kala guurka iyo xataa talooyinka la siinayo ee uu ku noqon karo hoggaamiyaha marxaladdan. W/Q: Cabdicaziz Axmed Gurbiye
  3. At least 19 cases of the deadly parasitic disease kala-azar have been reported in Mandera, with the patients being treated at the Wajir County Referral Hospital. Source: Hiiraan Online
  4. Somalia awarded its first mobile money licence to Hormuud Telecom on Saturday, in a move aimed at formalising the Horn of Africa country’s digital payments system and integrating it with the global financial infrastructure. Source: Hiiraan Online
  5. Maxamed Bin Salmaan waa in cunaqabateyn lagu soo rogaa” Madaxa Qaramada Midoobey u qaabilsan baaritaanada arrimaha xuquuqul insaanka ayaa si weyn u dhaleeceysay go’aanka Mareykanka ee ku aadan in wax cunaqabateyn ah uusan kusoo rogin dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan kadib arrinta ku saabsan in lala xiriiriyay dilka weriye Jamaal Khaashuqji. Agnes Callamard oo ay Qaramaday u xilsaartay arrintaas ayaa sheegtay in arrin xun ay tahay in tallaabo laga qaadi waayo Maxamed Bin Salmaan. “Marka hore waa in isagana lagu so rogaa cunaqabateeno la mid kuwa lagu soo rogay 17-ka qof ee kale oo lagu helay iney ka dambeeyeen dilki weriye Jamaal Khashogji. hantidiisa waa in la xayiraa, akoonkiisa bangiga waa in sidoo kale laga xiro” Hadalka Agnes Callamard ayaa imaanaya xilli Mareykanka uu sheegay in Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay qorshihii lagu dilay Khaashuqji. Maxamed Bin Salmaan wuxuu mar kasta beeniyaa in wax lug ah uu ku lahaa dilkii loo geystay weriyihii Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji. Qaran News
  6. Maxaad ka taqaan Maxamed Bin Salmaan Dhaxal-sugahaAwoodda badan ee boqortooyada Sucuudiga Waxaa loo arkaa Maxamed Bin Salmaan inuu yahay ninka wakhtigan ugu awoodda badan Sacuudiga Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu ansixiyay dilka weriyaha qurba-joogga ahaa Jamaal Khaashuqji sanadkii 2018. Warbixinta oo uu shaaciyay maamulka madaxweyne Biden ayaa waxa ay tibaaxaysaa in amiirka uu ansixiyay qorshada in “la soo qabto ama la dilo” weriyaha uu saldhiggiisu yahay waddanka Mareykanka. Waa markii ugu horraysay oo uu Mareykanka si cad u sheego magaca amiirka dhaxalsugaha ah, kaas oo diiday inuu armay dilka. Haddaba waa kuma Maxamed Bin Salmaan? Marka la eego Sacuudiga dibaddiisa, dad kooban ayaa yaqaannay magaca Maxamed Bin Salman Aala Sucuud, ka hor inta uusan aabihiis boqorka noqonin sannadkii 2015-kii. Balse hadda, 33 jirkan dhaxal sugaha boqortooyada ah waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay qofka rasmiga ah ee gacanta ku haya maamulka waddanka dhoofiya saliidda ugu badan ee caalamka. Wuxuu hantay qalbiyada hogaamiyeyaasha reer galbeedka ka dib markii uu ku dhaqaaqay tallaabooyin uu isbaddallo uga sameeyay Sucuudiga, oo ah waddan sharci adag, waxaana isbadalladaas ka mid ahaa xayiraaddii uu ka qaaday gaari wadista dumarka iyo dadaalkii uu ku raadinayay sidii loo ballaarin lahaa dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha. Laakiin waxaa si weyn loogu dhaliilay arrimo ay ka mid yihiin:- -Dagaalkii uu ku qaaday dalka dariska la ah ee Yemen, kaasoo sababay xadgudubyo waaweyn oo bani’aadannimo. -Inuu billaabay muranka siyaasadeed ee Qadar iyo Sucuudiga, oo kala qeybiyay midnimadii golaha iskaashiga khaliijka ee (GCC). -Inuu xoojiyay howlgalka adag ee ka dhanka ah dadka ka soo horjeeda siyaasadda Sucuudiga. Hoteelkan oo ah mid loogu tala galay raaxada waxaa bilooyin ku xirnaa amiirro uu Maxamed Bin Salmaan xarigooda amray Xitaa waxaa isa soo taraya talooyinka ku saabsan in laga baddalo xilka uu hayo ee ah dhaxal sugaha boqortooyada, wixii ka dambeeyay markii uu soo shaac baxay dilka Jamaal Khaashuqji oo ahaa wariye caan ah oo ka soo horjeeday siyaasadaha Sucuudiga. Xubno ka tirsan sirdoonka Sucuudiga ayaa la rumeysan yahay in ay Khaashuqji ku dileen gudaha qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, horraantii bishan Oktoobar ee 2018-ka. Waa kuma Maxamed Bin Salmaan (MBS) Maxamed Bin Salmaan wuxuu magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ku dhashay 31-kii bishii Agoosto ee sannadkii 1985-kii. Wuxuu ahaa wiilka curadka ah ee uu dhalay boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis Aala Sucuud oo xilliga uu Maxamed dhalanayay ahaa mid ka mid ah dhaxal sugeyaasha boqortooyada. Hooyadiis waa xaaska saddexaad ee boqor Salmaan, waxaana lagu magacaabaa Fahdah bint Falah bin Sultan. Ka dib markii uu shahaadada 1aad ee waxbarashada jaamacadeed ka qaatay Jaamacadda King Saud ee ku taalla magaalo madaxda Sucuudiga ee Riyaad, wuxuu ka soo shaqeeyay hay’ado kala duwan oo ay leedahay boqortooyada. Sannadkii 2009-kii, waxaa loo magacaabay inuu la taliye khaas ah u noqdo aabihiis, oo xilligaas ahaa Duqa magaalada Riyaad. Maxamed Bin Salman ayaa awoodda boqortooyada lugta la soo galay sannadkii 2013-kii, markaasoo loo magacaabay madaxa qasriga dhaxal sugaha boqortooyada, isagoo darajadiisu ay ahayd heer wasiir. Sannadkii ka horreeyay ee 2012-kii, ayaa aabihiis loo xushay inuu noqdo dhaxal sugaha taajka boqortooyada, ka dib geeridii Nayef bin Cabdul Casiis, oo ahaa qofka dhaxalka xilkaas ugu sokeeyay. Bishii Janaayo ee sannadkii 2015-kii ayuu geeriyooday boqor Cabdalla bin Cabdul Casiis, Salmaan ayaana xilka boqortooyada la wareegay isagoo markaas ay da’diisu ahayd 79 sano. Amiir Al Waliid bin Talaal wuxuu ka mid yahay dadka fara ku tiriska ah ee dunida ugu hodansan, sawirkanna waxaa laga qaaday isagoo ku xiran hotelka Ritz Carlton. Boqorka cusub ayaa si deg deg ah u sameeyay labo go’aan oo ay la yaabeen dadka kormeera xaaladda maamulka boqortooyada, ka dib markii uu wiilkiisa ka dhigay dhaxal sugaha ugu sokeeya ee taajka ahna wasiirka gaashaandhigga, halka wiilka uu adeerka u yahay ee Maxamed Bin Nayef uu ka dhigay ku xigeenka dhaxal sugaha boqortooyada. Maxamed Bin Nayef ayaa markaas ahaa qofka ugu haboon ee mudnaanta ku leh taajka. Warqadda lagu qeexay go’aannadaas ayaa noqotay tii ugu horreysay ee xilka dhaxal sugaha boqortooyada loogu kala wareejiyo wiilashada uu awoowga u yahay Ibnu Sacuud, oo ah ninkii aasaasay boqortooyada. Mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu horreeyay ee uu Maxamed Bin Salmaan qaaday markii uu noqday wasiirka Difaaca waxay ahayd inuu bishii Maarso ee sannadkii 2015-kii dagaal ku qaaday waddanka Yemen, isagoo taageero ka helayay dalal kale oo carabeed. Dagaalkaas ayaa yimid ka dib markii kooxda fallaagada ah ee Xuutiyiinta, oo ay Sucuudigu aaminsan yihiin inay Iiraan ka dambeyso, ay xoog kula wareegeen magaalo madaxda Yemen ee Sanca, isla markaana ku khasbeen madaxweyne Cabdulrabbu Mansuur Haadi inuu dalka dibaddiisa u baxsado. Dumarka Sacuudiga ayuu MBS u ogolaaday in la siiyo laysinka wadidda baabuurta Weerarka Sucuudiga uu ku qaaday Yemen ayaa horumar aad u yar sameeyay muddo saddex sano iyo bar ah oo la soo dhaafay. Wuxuu xitaa sababay in Sucuudiga iyo xulafadiisa lagu eedeeyo iney geysteen dambiyo dagaal oo ka dhan ah bani’aadannimada, ayna malaayiin ruux oo rayid ah ku kallifeen iney noloshooda ciriiri gasho. Bishii Abriil ee sannadkii 2015-kii, boqor Salmaan ayaa isbaddallo kale ku sameeyay kala horreynta xilka boqortooyada, isagoo Maxamed Bin Nayef u magacaabay dhaxal sugaha taajka, halka uu wiilkiisana u magacaabay xilalka kala ah ku xigeenka dhaxal sugaha taajka, raysul wasaare ku xigeenka labaad iyo madaxa golaha dhaqaalaha iyo horumarka. Hal sano ka dib, Maxamed Bin Salmaan ayaa shaaca ka qaaday inuu damacsan yahay qorshe uu isbadallo dhaqaale ugu sameyn doono Sucuudiga, si uusan mar walba ugu tiirsanaanin dhoofinta Saliidda. Qorshahaas oo lagu magacaabay hiigsiga 2030-ka ayaa dhigayay in la kordhiyo dakhliga ka soo xarooda ganacsiyada aan saliidda ahayn, oo 2020-ka la gaarsiiyo lacag dhan 600 oo bilyan oo riyaal oo u dhiganta $160 bilyan oo doolar ama 123 bilyan oo gini, waliba marki la gaaro 2030-ka la gaarsiiyo lacag dhan 1 tirilyan oo riyaal. Lacagtaas ayaa 165.5 bilyan oo riyaal ka badan dakhligii soo xarooday sannadkii 2015-kii. Amiirka ayaa sheegay inuu doonayay sidii uu u abuuri lahaa hantida ugu badan caalamka oo gaareysa $ 3 tirilyan oo doolar, iyadoo lacagtaas qaarkeedna ay ka imaaneyso shirkadda Saliidda ee dowladda, oo lagu magacaabo Saudi Aramco, marka laga dhigo mid si gaar ah loo leeyahay. Qorshahaas ayaa sidoo kale dhigayay in wax laga baddalo hannaanka waxbarashada, isla markaana la kordhiyo doorka ay haweenka ku leeyihiin shaqooyinka, sidoo kalena la maalgaliyo ganacsiga iyo madadaalada, si shaqooyin loogu abuuro dhallinyarada. MBS waxaa lagu eedeeyaa inuu horseed ka noqday duullaanka lagu qaaday Yemen Bishii Abriil ee sannadkii 2017-kii ayey boqortooyada ku dhawaaqday qorshe ku aaddan in la sameynayo magaalo ay baaxaddeeda le’eg tahay 334 sq km (129 sq mile) oo loogu tala galay madadaalada. Magaaladaas ayaa la sheegay in laga dhisi doono cirifka magaalada Riyaad, ayna yeelan doonto howlo isugu jira dhaqanka iyo ciyaaraha – oo ay u sii dheer tahay xarun loo dalxiis tago oo lagu xannaaneeyo xayawaanka. Amiirka ayaa sidoo kale horseed ka ahaa cunaqabateyntii ay dalalka khaliijka saareen waddanka Qadar, oo uu Sucuudiga ku eedeeyay inuu gacan siiyo kooxaha argagixisada, isla markaana faragalin ku sameeyo arrimaha dalalka kale. Tallaabadaas waxaa Sucuudiga ku wehlinayay dalalka Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Masar, waxaana markii ugu horreysay la billaabay bishii Juun ee sannadkii 2017-kii. Boqortooyada Qadar ayaa iska fogeysay eedeymaha loo jeediyay waxayna ku gacan seyrtay liis ay ku qornaayeen dalabaad lagu xiray dib u soo noqoshada xiriirkii diblomaasiyadeed iyo kii ganacsi ee ay la wadaageysay dalalka kale ee khaliijka, arrintaas ayaana horseedday is mariwaa aan wali xalkiisa la gaarin. Dabayaaqadii bishii Juun ee sannadkii 2017-kii, boqor Salmaan ayaa soo af jaray xan socotay dhowr bilood oo ku aaddaneyd inuu mar kale xilka dhaxal sugaha koowaad ee taajka boqortooyada ka baddali doono Maxamed Bin Nayef, si uu wiilkiisa ugu dhiibo. Si rasmi ah ayuu ugu dhawaaqay inuu Maxamed Bin Salmaan yahay qofka ugu sokeeya ee ka dhaxli doona qasriga. Maxamd Bin Nayef ayaa sidoo kale markaas laga qaaday xilkii wasiirka arrimaha gudaha, oo loo magacaabay wiilka ay ilma adeerka yihiin, waxaana lagu soo warramay in la galiyay xabsi guri. Xilligaas wixii ka dambeeyay, Maxamed Bin Salmaan ayaa qaadayay tallaabooyin uu kusii xoojinayay awoodda uu ku leeyahay qasriga boqortooyada. Isla markiiba wuxuu yareeyay lacago isugu jiray gunnooyin, abaal marinno iyo maamuus la siin jiray shaqaalaha dowladda iyo ciidamada. MBS wuxuu ogolaaday in Shineemooyin laga furo Sacuudiga Lacagahaas oo ay boqortooyada billowday sannadkii 2016-kii ayuu ku tilmaamay kuwo hoos u dhigaya dhaqaalaha dalka. Bishii Siteembar ee sannadkii 2017-kii, waxaa la billaabay howlgal ka dhan ah dhammaan dadka ka soo hor jeeda hannaanka siyaasadeed ee dhaxal sugaha. In ka badan 20 ruux oo isugu jira wadaaddo iyo aqoonyahanno ayaa xabsiga la dhigay, xilli ay ciidanka Sucuudiga sheegeen iney bartilmaameedsanayeen dad wakiillo u ah dalal dibadda ah, oo doonaya in khalkhal la galiyo ammaanka boqortooyada. Dabayaaqadii isla bishaas, Maxamed Bin Salmaan ayaa loo xagliyay inuu mas’uul ka yahay isbaddal uu boqor Salmaan ku dhawaaqay, oo la xiriiray in bisha Juun ee sannadka 2018-ka meesha laga saari doono go’aankii dumarka Sucuudiga looga mamnuucay iney gawaarida kaxeeyaan, inkastoo arrintaas ay ka soo hor jeedeen dadka isbaddal diidka ah. Bishii Oktoobar ee isla sannadkii 2017-kii, amiirka ayaa sheegay in qorshihiisa ugu weyn uu yahay soo celinta “islaam dhexdhexaad ah”, kaasoo uu sheegay inuu qeyb ka yahay qorsheyaasha uu ku casriyeynayo boqortooyada Sucuudiga. Wuxuu ka dhawaajiyay inuu lacag dhan 500 oo bilyan oo doolar ku maalgalin doono mashruuc lagu sameynayo magaalo cusub oo loogu tala galay ganacsi iyo madadaalo. Bishii xigtay, wuxuu billaabay howlgal ballaaran oo ay boqortooyada sheegtay iney ku bartilmaameedsaneysay shakhsiyaad ka macaasha musuqmaasuqa, waxayna dad fara badan oo arrimaha Sucuudiga falanqeeya tallaabadaas ku tilmaameen mid uu Maxamed Bin Salmaan isaga hor leexinayay caqabadihii ugu dambeeyay ee ka hor taagnaa inuu si buuxda ula wareegyo maamulka boqortooyada. Dhowr amiir oo ka tirsanaa qoyska boqortooyada ayaa ka mid ahaa 381 ruux oo lagu xiray howlgalkaas, waxayna kala ahaayeen maalqabeenka lagu magacaabo Amiir Al waliid bin Talaal iyo Amiir Miteb bin Cabdalla oo uu dhalay boqorkii hore ee Sucuudiga. Dilka Jamaal Khaashuqji ayaa bar madow ku noqday sumcadda MBS Bishii Janaayo ee sannadkan 2018-ka, xeer ilaaliyaha guud ayaa sheegay in dadka la xiray ee dambigooda qirtay ay oggolaadeen iney soo wareejiyaan hanti qiimaheeda lagu qiyaasay 400 oo bilyan oo riyaal oo u dhiganta 107 bilyan oo dollar. Siddeed ruux ayaa bishan Oktoobar wali ku jira xabsiga, waxaana suurtagal ah in la maxkamadeeyo. Maxamed Bin Salmaan ayaa xariga loo geystay dadka faraha badan ku tilmaamay mid lagu ciribtirayay “kansarka musuqmaasuqa”. Dadka maalgashiga samaysta ayaa bishii Agoosto ee sannadkan ku baraarugay khilaaf diblomaasiyadeed oo soo kala dhex galay dalalka Sucuudiga iyo Canada. Arrintaas ayaa timid ka dib markii dowladda Canada ay dhiggeeda Sucuudiga ka codsatay in la sii daayo dad loo xiray arrimo ku saabsan iney u doodeen xuquuqda haweenka. Xarigga dadkaas ayaa u muuqday mid qeyb ka ah howlgalka ka dhanka ah dadka ka soo horjeeda siyaasadda Sucuudiga. Maxamed Bin Salmaan oo wareysi bixiyay bishan Oktoobar ayaa difaacay tallaabadaas “Anigu iskuma magacaabin qof baddalaya Sucuudiga, waxaan ahay dhaxal sugaha boqortooyada waxaana isku dayayaa inaan sameeyo wixii karaankeyga ah ee ku aaddan xilkeyga” ayuu yiri. Qaran News
  7. Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa maanta oo Sabtiya billowday dhageysiga dacwada loo haysto Wariye Kilwe Aadan Faarax oo muddo ka badan 60 bari ku xiran magaalada Garowe. Maxkamadda Ciidamada ee Puntland ayaa wariye Kilwe ku eedeysay qodobka 321 (horkicid sharci siido); qodobka 328 (daabicidda ama faafin warar been ah oo Khalkhal galinaaya deganaanshaha dadweynaha); qodobka 271 (denbi lidi ku ah maamulka iyadoo la isticmaalayo qoraallo wax dhaawacaya); iyo qodobka 219 (yasitaan la yasay qaranka ama maamulka dowladda). Dhammaan qodobada lagu eedeeyay wariyaha ayaa ku saleysan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ee duugoobay (1964) kaasoo hadda loo adeegsado in lagu ciqaabo, laguna maxkamadeeyo suxufiyiinta Soomaaliyeed. Abuukaate Mustafe (bidix) iyo wariye Kilwe (midig) Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa 11 Jannaayo 2021 ku eedeysay Wariye Kilwe ”isku day dil iyo dil” balse eedeymihii hore ayaa la badalay. “Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland waxaa ka dalbanay in ay cadaymo u keento eedeymaha ay u soo jeedisay Kilwe Aadan Faarax oo ah suxufi mihnadle ah” ayuu yiri Abuukaate Mustafe Maxamed Jaamac oo ah qareenka difaacaya Wariye Kilwe oo la hadlay Puntland Post. Maxkamadda ciidamada ayaa la saaraa ciidan iyo cidda isu ekeysiisa, waxaana la isweydiinayaa sababta loo saaray wariye Kilwe. Kilwe Aadan Faarax ayaa xabsi ku jira illaa iyo 27 Disember 2020, isagoo warar ka soo tebiyay dibad-bax looga cabanayey sicir-bararka oo ka dhacay magaalada Garowe. Wariye Kilwe Aaden ayaa shan iyo tobankii maalmood ee u horreysay ku xirnaa xasbi qarsoodiya oo ay leedahay hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA. Saxaafadda Puntland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay wajahaysay xarig iyo cabsi gelin joogtaa. PUNTLAND POST The post Wariye Kilwe Aadan oo ka soo muuqday maxkamadda ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.
  8. Hargeisa (PP News Desk) — Barkhad Jama Batun, Spokesman for Waddani, an opposition party, has called on Somaliland Army mutineers to return to barracks. “The Somaliland Army is the backbone of the nation. They will be in charge of security during parliamentary and local government elections. Our unique selling political point is security. I call on Somaliland Army mutineers to return to their bases, and urge Somaliland President to appoint an independent committee to look into grievances of mutinied soldiers” said Barkhad. Barkhad Batun called on Somaliland Army mutineers to return to barracks. Somaliland Army soldiers at different sectors have mutinied after the government allegedly failed to respond to calls for pay raise and medical care abroad for soldiers who have fallen ill. Waddani Spokesman urged Somaliland journalists not “to treat the mutiny as a political issue”. “Waddani’s political programme includes a plan to further develop capabilities of our army” Barkhad added. Some mutineers, who spoke to Puntland Post anonymously, said that organisationally the appointment of Somaliland Army commanders “is skewed to President Muse Bihi Abdi’s subclan”. “There is no merit-based promotion in Somaliland Army” said a mutineer at Tukaraq base in Sool. Army mutiny might lead to postponement of Somaliland parliamentary and local government elections. © Puntland Post, 2021 The post Somaliland Opposition Party Urges Mutineers to Return to Barracks appeared first on Puntland Post.
  9. Saameynta ka dhalatay dagaalka xuduudda ee Suudaan & Itoobiya Qoxootiga reer Itoobiya ee ku sugan magaalada Khartuum ayaa sheegay tani iyo markii ay dagaallada xadka ee Suudaan iyo Itoobiya u dhaxeeya ay billawdeen loo diiday iney lacagahooda ay raashiin iyo shidaalba ku iibsadaan. Qaar ka mid ah qoxootigaasi oo BBC u warramay ayaa sheegay iyaga oo haysta sharciga qoxootinimada ee ay bixiso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qoxootiga ee UNHCR, ay booliska dalka Suudaan tacaddiyo badan kala kulmaan. Dadkaasi qoxootiga ah waxay sheegeen dhibaatada iyo cadaadiska inuu ku sii batay wixii ka dambeeyey markii ay billowdeen dagaallada xuduudda ee labada dal u dhaxeeya, taasina ay ku abuurtay walwal iyo cabsi aad u badan. Waxayna intaasi ku dareen xerada qoxootiga ee UNHCR muddo laba bilood ah marki ay dagganaayeen loo wareejiyo halka lagu qubo qashinka magaalada Khartuum oo aan nolosha ku habbooneyn. Goobtaasi oo ay sheegeen iney ku nool yihiin 700 oo qoys oo isugu jira qoxooti ka soo kala jeeda Itoobiya, Congo, Burundi, Eritrea iyo waddama kale oo qaaradda Afrika ka tirsan. Dadkaasi qoxootiga ah waxaa kale oo ay BBC u sheegeen dhibaatooyinka iyo xadgudubyada gudaha dalka Suudaan ku haysta iney si gaar ah u saameeyeen haweenka iyo carruurta. “Dhibaatada ugu badan waxaa noo geysta booliska xilliyada aan xerada ka soo baxno oo aan magaalada adeeg u raadsanno” ayey tiri Kulani Beyene oo Khartoum qoxootinimo ku joogta oo BBC u warrantay. “Xaaladdu waxay ka sii dartay inta ay billaawdeen dagaalka xadka ee dhaxeeya Itoobiya iyo Suudaan wixi ka horreeyey sida aan hadda nahay waanu dhaannay” ayey yiri. “Aniga iyo carruurteyda meelna uma dhaqaaqi karno, waxaana noo shaqeeyo seygeyga oo keli ah lacagta uu soo helana ma aha mid kaafin karo noolasha qoyska, rooti si aan u iibsanno markaan saf u galnana dadka waddanka Suudaan si xun ayey noola dhaqmaan” ayey tiri Yeshi Kebede oo BBC u warrantay. Madaxa waaxda arrimaha qurbajoogta ee safaaradda Itoobiya ay Suudaan ku leedahay Michael Toobiyaas wuxuu sheegay xadgudubka qoxootiga reer Itoobiya ay gudaha Suudaan ku wajahaan sidii wax looga qaban lahaa iney dowladda Khartoum gaarsiiyeen ayna ka shaqeynayaan sidi dadkaasi qoxootiga ah xuquuqdooda u heli lahaayeen. “Dagaalka is xulufeysiga” Maxamed Mustafe Jaamac oo ka tirsan jariiradda Ra’ayul Yawm ee ka soo baxda London wuxuu leeyahay: “Dagaalladan waxay dhacaan sannad kasta oo uu roob da’o, waana dhibaato ka taagan xadka Suudaan iyo Itoobiya, waxa dhacay ma ahaan arrin fudud oo la aqbali karo”. Wuxuu intaas ku daray: “Dad badan oo reer Suudaan ah oo wax ku qoro baraha bulshada kama cabsanayaan arrinta ah in Suudaan ay ku cadaadiyaan in isbaheysi militari ay la yeelato Masar kaddib walaaca sii kordhaya ee ka dhashay muranka biyo xireenka webiga Nile xilli Itoobiya ay ku dhawday dhameystirka howshaas”. “Waxay u muuqataa walaaca ay muujinayaan dhallinyarada reer Suudaan in uu yahay mid si dhab ah u jira maadama ay jirto daacadnimada aadka ah ee ay janaraalada ka arrimiyo Suudaan u hayaan Rajiimka Masar, Imaaraatka iyo maamulka Sacuudiga… dadka wax ku qoro Online-ka ee Suudaan waxay codsanayaan in muranka labada dal lagu xalliyo qaab diblumaasiyadeed waa haddii Itoobiya ay aqoonsato dhulkan la isku hayo in Suudaan ay leedahay isla markaana laga hortaggo kooxaha weerarka ku soo qaadayo dalka iyo kheyraadkiisa”. Axmed Jalal wuxuu wargeyska Al-Rakuubah ee ka soo baxa Suudan u sheegay: “Dadka qaar waxay ku deg degayaan faafinta hadallo aan waxbo ka jirin, waxanay arrinta ku tilmaameen ‘shirqool ay waddo Masar’ taas oo ah in dagaal lala galo Itoobiya iyado la matalayo Masar, sidoo kale in canaasiirta Masaarida ah ay doonayo in dab ay ka dhex shidaan Suudaan iyo Masar si loo joojiyo biyo xireenka weyn ee laga dhisayo webiga Nile”. Wuxuu intaas ku daray: “Dadkan waxay iska dhaga tirayaan runta, waxayna tahay in ciidammada Itoobiya ay ahaayeen kuwii weerarka ku qaaday saldhigyada ciidammada Suudaan… waxay duullaan ku yihiin dhulkeena wanaagsan si ay u qabsadaan oo ay u maamulaan, ciidammadeena geesiyaasha ayaa iska caabiyay oo jab u geystay, tallabadaas waa shaqada loo igmaday”. Dhanka kale, Feysal Cawad Xasan oo wax ku qoray wargeyska Suudaan Mail ayaa yiri: “Sida ay muujinayaan daraasado la isku haleyn karo… waxay sheegayaan in Suudaan ay wajaheyso ‘ficil qabsasho ah’ gaar ahaan labo arrimo oo ku saabsan caqabado siyaasadeed iyo in looga guuleystay dhanka hubka iyo dhaqaalahaba” Qaran News
  10. (SLT-Laascaanood)-Ciidanka Booliska gobolka Sool ayaa soo bandhigay hub isugu jira Baaskolado, Toorayo, Midiyo iyo sameecadaha lagu xidho bajaajta oo ay kusoo qabteen hawlgalo ay sameeyen maalmihii udambeeyey. Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Sool Gaashaanle Sare Axmed Cabdilaahi oo ka hadlay hawl-galkaasi ayaa sheegay in ay ciidanka boolisku sii laba jibaari doonaan. Source
  11. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-Duhur-2722021.mp3 View the full article
  12. In Joint offensive operations last week, the African Union Mission in Somalia (AMISOM) troops and Somalia Security Forces (SSF) attacked several locations used as hideouts by the armed militant group, Al-Shabaab, in the Lower Shabelle region of Somalia. On February 17, 2021, based on intelligence from partners, the joint forces conducted a dawn attack on Mishaani and Doonka daafeedow enemy locations about six kilometers north east of Beledamin Forward Operating Base (FOB), where several Al-Shabaab militants were killed. Beledamin Forward Operating Base is manned by Ugandan AMISOM troops. “These precise offensive operations in our area of responsibility, which we jointly conducted with the Somalia Security Forces, are part of a series of ongoing combat operations aimed at further degrading Al-Shabaab capabilities,” said the Commander of Ugandan troops serving under AMISOM, Brig. Gen. Don William Nabasa. Al Shabaab had been using hideouts in Mishaani, Camp and Doonka daafeedow locations to attack AMISOM bases as well as terrorize civilians in the Lower Shabelle region. In another on the spot operation, on February 12, 2021, AMISOM troops hit an Al-Shabaab hideout in Adimole. AMISOM troops, in their area of responsibility in the region, have identified, successfully detonated and recovered a number of Improvised Explosive Devices (IEDs) planted by the insurgents on local roads and along main supply routes. The explosives target AMISOM and civilian vehicles. “Our operations are planned to flush out enemy pockets, securing main supply routes and consolidating overall security. This is in line with the mission mandate and our revised Concept of Operations (CONOPs) 2018-2021 and the Somalia Transition Plan (STP)”, Brig. Gen. Nabasa added. Congratulating Sector 1 AMISOM forces for yet another significant achievement, the SRCC and Head of AMISOM, Ambassador Francisco Madeira said that, these operations are visibly rendering the Main Supply Routes and population centres more secure in the region. They are advancing the accomplishment of the Mission’s mandate through the implementation of the Somali Transition Plan, he said. View the full article
  13. Baajinta uu ra’isul wasaaraha xil gaarsiinta Maxamed Rooble baajiyey dibadbaxyadii Jimcaha iyo heshiiska dab biyo ku shubidda ahaa ee uu la galay musharaxiinta madaxweynaha iyo qaabka ay arrintaasi usoo dhoweeyeen maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland waxaa ay soo dedejisay su’aasha ah ‘Sidee Rooble ku Qaadan Karaa Kaalinta Hoggaamineed Ee Marxaladda Kala-guurka?! In uu qaato kaalin hoggaamineed marxaladdan waa mid ku jirtay barnaajimka xukuumadda Maxamed Rooble, uuna ka hor sheegay golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ah September 23, 2020 khudbadii uu ku raadinayey kalsooni siinta isaga oo yiri ”Mudanayaal iyo Marwooyin waxaa iga go’an in aan soo dhiso xukuumad talo leh oo ka tarjumeysa baahiyaha kala duwan ee jira dalkeenna Soomaaliya, marlaxaddan dalka ku jirana ka gudbisa, gaarsiisa, fulisana hannaan doorasho oo heshiis lagu wada yahay”. Haddaba, Goobjoog News ayaa su’aashaasi kore waxaa ay hordhigtay aqoonyahan iyo falanqeeyeyaal arrimaha siyaasadda Soomaaliya, iyaga oo Rooble kala hadlay sida uu ku noqon karo mas’uulka ugu sareeya ee hoggaanka marxaladda kala guurka. Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah bare jaamacadeed iyo taariikhyahan Soomaaliyeed oo ay Goobjoog News wax ka weydiisay kaalinta hoggaamineed ee ra’isul wasaare Rooble qaadan karo marxaladda kala guurka ayaa waxaa uu yiri” Sharci ahaan dastuurka isaga ayuu siinayaa, oo awoodeedu waa uu leeyahay, laakin inuu garanayo ma hubo, oo haddii uu garanyo intan la islama gaarteen, waxaan qabaa waxaa uu is leeyahay Farmaajo haddii uu soo noqdo mar kale ra’isul wasaare hakaa dhigo, haddii hunguri sidaa ah uu Rooble ku jiro, waxba ma qaban karo, oo hoggaan ma noqon karo, ee waxaan usoo jeedinayaa inu u garto awoodihiisa dastuuriga ah ”. Prof Xasan Sheekh Cali Nuur oo ah bare jaamacadeed isla markaana ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa sheegay in xasiloonida Muqdisho iyo in la aado doorashada guud intaba ay ku xiran tahay sida Maxamed Rooble, oo ah ra’isul wasaaraha xil gaarsiinta uu u qaado kaalintiisa hoggaamineed ee dastuuriga ah isaga oo intaa raaciyey ” Rooble ma noqon karo nin madaxbannaani iyo awood leh, oo hoggaan u noqda maxlamadda kala guurka inta Farmaajo uu sii heysto awoodaha qodobka 90-aad ee dastuurka ”. Prof Xasan Sheekh Cali Nuur oo ka hadlay sida ra’isul wasaare uu u noqon karo hoggaanka marxaladda taagan ayaa waxaa uu yiri ” Rooble waa inuu noqdaa nin madaxbannaan, uuna isticmaalo awoodda dastuurka siiyey gaar ahaan kuwa xukuumad xil gaarsiinta, oo aanu noqon nin nin kale ku dhex jira ”. Dhanka doorashada iyo hoggaaminteeda waxaa uu Prof Xasan Sheekh Cali Nuur hadalkiisa kusoo gabagabeeyey ” Waa inuu Rooble magacaabaa koox la taliyeyaal ah, oo uu abuuraa kalsooni, waana inuu tagaa Kismaayo iyo Garoowe, isaga oo aan ka socon Farmaajo, una sharaxaa aragtidiisa la xiriirta hoggaaminta dalka ee marxaladda kala guurka, uuna meel hoose kasoo bilaabo ”. Dhankiisa, Maxamed Xaaji Ingiriis oo ah cilmi baare iyo taariikhyahan Soomaaliyeed oo aan wax ka weydiinay hoggaaminta uu ra’isul wasaare Maxamed Rooble yeelan karo marxaladda kala guurka ayaa waxaa uu yiri ” Waa In ras’isul wasaare Maxamed Rooble uu xilkiisa iyo awoodihiisa dastuuriga ah garto , hadda ma garanayo e, awoodda xukuumadda ee waddanka looga saarayo marxaladda kala guurka ee dastuuriga ah waa isaga, waa inuu soo ceshtaa awoodahaas ka maqan, oo uu ka baxaa inuu yahay gacan yaraha madaxtooyada ”. ‘Beesha caalamkana waa iney Rooble gacan ku siisaa inuu helo awoodaha hoggaanka ee marxaladda kala guurka’ ayuu intaasi raaciyey Maxamed Xaaji Ingiriis. Ugu dambeyntii, Maxamed Maxamuud Cadde ah falanqeeye siyaasadeed oo arrintan ka hadlay ayaa waxaa uu yiri ” Waa inuu shir isugu yeeraa dhamaaan saamikmleyda siyaasadeed oo ay ku jiraan musharaxiinta iyo bulshada rayidka ah iyo madaxweyeyaasha Galmudug iyo Hirshabelle in aaney ka shaqeyn ama taageerin mowqif ka duwan kan deegaanadooda, ma taageeri karaan Farmaajo. Haday diidaana in aan shirka laga qeyb galin oo laga tashado, haddii sidaas la yeelo waxaa suurowda in xal laga gaaro arrimaha doorashooyinka oo dhan ”. Haddaba, Maxamed Rooble oo magacaaban ku dhowaad lix bil ayaan la ogeyn sida uu uga dhabeyn doono hadalkiisa ah inuu ka shaqeyn doono kala guurka iyo xataa talooyinka la siinayo ee uu ku noqon karo hoggaamiyaha marxaladdan. W/Q: Cabdicaziz Axmed Gurbiye, Source: goobjoog.com
  14. (SLT-London)-Maxkamad ku taalla dalka Ingiriiska ayaa xabsi daa’in ku xukunta Xuseen Yuusuf Cigaal oo 66 jir ah kadib markii lagu helay dambi ah inuu diley xaaskiisa. Xuseen Yuusuf Cigaal oo ahaa darawal bas ayaa dilay xaaskiisa oo la odhan jirey Maryan ismaaciil oo ahayd 57 jir. Booliska ayaa tegey guriga Cigaal kadib markii uu ugaga sheekeeyay xaaladiisa nin ay deris ahaayeen,waxana ninka uu wargeliyay in uu Cigaal sheegayo inuu dilay xaaskiisa. Meydka haweeneyda u dhaxday Cigaal ayaa laga soo dhex helay gurigeeda maalin kadib markii uu dilay bishii April 2020. Cigaal ayaa sheegay in xaaskiisa ay soo weerartay iyadoo ku andacooneysa inuu qabo Covid 19 uuna ka guuro guriga. Hase yeeshee Cigaal waxa uu maxkamada u sheegay inuu is difaacayay oo aanu si ulakac ah u dilin xaaskiisa. Source
  15. Garowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa markii ugu horreysay ka hadlay wariye u xiran laama amniga Puntland muddo laba bilood ah. Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa ku xiran wariye Kilwa Aadan Faarax oo ay laama amnigu xireen, wuxuuna madaxweynaha sheegay in maxkamad lasoo taagi doono dhawaan. Saciid Deni oo ka hadlayay shir uga furmay Garowe ayaa sheegay in wariyaha uu yahay dambiile isla markaasna kiiskiisa lasoo gabagabeyn doono dhawaan. Saciid Deni wuxuu sheegay in wariyaha uu ahaa shaqsi doonayay in si dhaqso leh lagu barto, sidoo kalana wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay inuu xoriyadiisa dib u heli doono. Dhanka kale madaxweynaha wuxuu wariyayaasha u sheegay iney ilaaliyaan sharciyada dalka, si qudhooda ay u doonayaan in loo ilaaliyo xoriyadooda hadalka.
  16. War ka soo baxay xafiiska af-hayeenka wasaaradda warfaafinta Cabdilaahi Aadan Cumar ( Wayab), soona gaadhay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa u dhignaa sidan:- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay, waxa ka dhaxeeya heshiis wada shaqeyneed oo ku dhisan ku dhaqanka xeyndaabka Dastuurka iyo Ilaalinta Xeerka Saxaafadda ee Lambar 27/2004 ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxana reebban faafinta wixii ka baxsan xuduudaha sharci ee u yaal dalka. Waxaa Jira hay’ado Warbaahineed oo caadeystay qodqodista arrimaha Ciidammada Qaranka oo ay ka mid yihiin HCTV iyo BULSHO TV, kuwaas oo ku gefay una badheedhay Jebinta Xeerka Saxaafadda ee Lam/27/2004 qodobka 10aad ee qeexaya,MAS’UULIYADDA SAXAAFADDA, faqraddiisa 2aad iyo sidoo kale Qodobka 13aad ee tilmaamaya, RAADINTA XAQIIQADA,Faqraddiisa (a), oo ay ku cad yihiin gefafka ay ku kaceen Horn Cable Tv iyo Bulsho Tv. Haseyeeshee waxa u bannaan oo uu isla Qodobka 13aad, faqraddiisa (b) ku waajibinayaa sida ay u saxayaan marka ay Warbaahini faafiso maclluumaad khaldan amase aan sugneyn sida kuwa aan kor kusoo xusnay oo kale. Xogaha marin-habaabinta ee aan soo xusnay ee ay faafiyeen Horn Cable Tv iyo Bulsho Tv, waxa ay sidoo kale ku gefeen oo ayjebiyeen Qodobka 34aad, Faqraddiisa 1aad iyo 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo qeexaya, WAAJIBAADKA MUWAADINKA IYO CIQAABTA GUDASHO LA’AANTA WAAJIBAADKA. Sidaa awgeed, annagoo tixgelinayna Xeerka Saxaafadda ee Lam 27/2004, qodobka 13aad, faqraddiisa (b) waxan fursad u siinaynaa Horn Cable Tv iyo Bulsho Tv, in sida uu qodobkaasi dhigayo laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 27 Feb 2021, ay muddo laba maalmood gudahood oo ka bilaabanaysa taariikhda aan soo xusnay ay ku fuliyaan sida uu farayo qodobka 13aad, faqraddiisa (b) hadday dhegaha ka furaystaan sida uu farayo Xeerka Saxaafaddu waxa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah. Ugu dambayn wasaaradda Warfaafintu waxay uga digaysaa dhammaan Warbaahinta qeybaheeda kala duwan oo ay ka mid tahay Mareegaha iyo baraha bulshadu, inay faraha kala baxaan arrimaha Ciidammada ee uu ka reebay Xeerka Saxaafaddu oo ujeeddada laga lahaa tahay, si aanu cadowgu wax uga ogaan sirta iyo xaaladaha gudaha ee Ciidammada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland. Ciddii Ilaalin weyda ku dhaqanka Dastuurka dalka iyo Xeerka Saxaafadda, kana waantoobi weyda faragelinta arrim aha Ciidammada, waxa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo sharci oo aan ka noqosho lahayn. Source
  17. (SLT-Riyadh)-Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa gaashaanka u daruuraty warbixinta kasoo baxday Mareykanka ee ku saabsan in Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay qorshihii lagu dilay weriyihii Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji. Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda boqortooyada ayaa lagu sheegay in eedda loo soo jeediyay in uu tahay mid gaf ah oo aan sax ahayn. Maxkamad ku taalla waddanka Sucuudiga ay maxkamadaysay bishii Sibteembar ee sanadkii hore xukun 20 sanadood ah ku ridday shan qof kaddib markii hore oo ay dil ku xukuntay. 2019-kii, Agnes Callamard oo ay Qaramada Midoobay u saartay arrintaasi inay ka soo warbixiso ayaa waxay dowladda Sucuudiga ku eedaysay “inay fulisay dilka ulakaca ah ee la sii qorsheeyay” ee Khaashuqji waxa ayna gaashaanka u daruurtay maxkamadaynta Sucuudiga iyadoo ku tilmaantay “mid cadaaladda lagu hareer-maray”. Source
  18. The Turkish Red Crescent has donated 10 ventilators to the Somali Health Ministry, the Turkish embassy in the capital Mogadishu said on Friday. “The machines that have been handed over to the Somali authorities will be used in intensive care units and contribute to the fight against COVID-19,” the embassy said in a statement. Dr. Abdirizak Yusuf Ahmed, a Health Ministry official, told Anadolu Agency by phone that the ventilators will help the country fight against COVID-19. He thanked the Turkish government for its support in the fight against the pandemic. Earlier this week, it was reported that Mogadishu hospitals have run out of oxygen. Speaking to Anadolu Agency by phone, doctors in various hospitals said the lack of an oxygen plant in the country is really challenging. The government earlier announced Turkey will support the establishment of a medical oxygen plant in the country. “The situation of Martini Hospital in Mogadishu is good after the Hormuud Salaam Foundation delivered the promised oxygen cylinders. But the situation could deteriorate again unless we put in place a proper oxygen supply plan,” Abdullahi Osman, executive officer of the Hormuud Foundation, said on Friday. Somalia on Thursday recorded five new deaths and 128 more COVID-19 infections, according to the country’s Health Ministry. The Horn of Africa country has so far recorded 6,687 confirmed coronavirus cases, with 3,784 recoveries and 223 deaths. View the full article
  19. The United Nations Security Council voted Thursday to renew the mandate of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), a peacekeeping force first deployed in the country in 2007. According to a statement issued by the UK at the United Nations, all UN members unanimously approved extending the mandate of the mission in the country. “The UN-authorised African Union mission in #Somalia is working to build Somalia’s own capacity for its own peace and development,” it said on Twitter. AMISOM is a peace support operation with nearly 20,000 forces on the ground mainly from Kenya, Ethiopia, Uganda, Burundi, and Djibouti. Zambia, Uganda, Ghana, Kenya, Nigeria, and Sierra Leone are the six police-contributing countries. AMISOM has been in Somalia backing the Somali federal government and fighting against the al-Shabaab terrorist group since Jan. 19, 2007. View the full article
  20. Scores of Yemeni refugees, mostly women, and children, arrived in Somalia’s coastal city of Bosaso, Somali authorities announced on Wednesday, according to the Yemen Shabab, an independent website. This is the third boatful of Yemeni refugees to arrive in Somalia. It had 164 families on board. Somali authorities said that the refugees will undergo medical checkups before they are distributed between the cities of Bosaso and Qardho. Bosaso is home to the largest Yemeni community in the country due to its proximity to Yemen. Impoverished Yemen has been beset by violence and chaos since 2014, when the Houthis overran much of the country, including the capital, Sanaa. The crisis escalated in 2015 when a Saudi-led military coalition launched a devastating air campaign aimed at rolling back Houthi territorial gains. The war, in which the United States (US) and the United Kingdom (UK) back the Saudi-led coalition, has killed more than 100,000 people and pushed millions to the brink of famine, according to the United Nations (UN) official data. View the full article
  21. Beledweyne (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa maanta toogasho ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku sugnaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dhaca bartamaha Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in askariga la dilay xilli uu ku sugnaa Suuqa Xoola oo ku yaalla xaafadda Howl-wadaag ee degmadaasi. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiay, Macallin Cismaan Cabdikariin, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in raggii ka dambeeysa dilka ay goobta isaga baxsadeen, iyaga oo horey usii qaatay qoriga uu watay askariga. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray goobta uu dilku ka dhacay, iyaga oo meydka kasoo qaaday halkaasi. Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa Beledweyne ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan, mana jirto wax uu ka qabtay maamulka degmada.
  22. Shirweynaha Ururka Saxaafada Puntland MAP ayaa waxaa khudbad ka jeediyay Madaxweynaha. Fowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Madaxweynaha ayaa suxufiyiinta la dardaarmay uguna Caqli celiyey in laga shaqeeyo Amaanka iyo Jiritaanka Dhacabka iyadoo la dhowrayo Sharciga iyo Ansgars. Madaxweynuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in Hay’adaha Cadaalada iyo Laamaha amnigu ay gacan jira ku qabanayaan Cid walba oo ku xadgudubto Andhaxa iyo Sharciga, wariyihana looga baahan yahay masuuliyad iyo inay ka fogaadaan wax walba oo wax u Dhismaha Dhacabka. Wariyuhu Xor ma ahan waxaa qabanaya sharciga haduu xadgudub sameeyo, Waa in la iska ilaaliya In laguu adeegsado wado qaldan adoo dhilaamaad raadinaya, Ayuu yiri Madaxweyne Deni. Puntlandi.com Garowe The post Madaxweyne Deni oo la dardaarmay Wariyayaasha Puntland appeared first on . Source
  23. Nairobi (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha dalka Kenya. Weerarka oo ahaa mid culus ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka magaalada Mandera oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in weerarka oo ahaa mid gaamdo ah lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo ku sugnaa deegaanka Sheekh Barroow oo hoostaga magaalada Mandera, waxaana kadib xigay dagaal u dhexeeyey labada dhinac. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa shaaciyey inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay is-weydaarsanayeen labada dhinac, inkastoo aan la cadeyn karin khasaaraha. Dhinaca Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkaasi ayaa sheegatay inay ku dishay ugu yaraan hal sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Kenya, sida ay hadalka u dhigtay. Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Kenya oo ku aadan weerarkaasi & khasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray ciidankeeda. Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare geysta la fuliya gudaha wadanka Kenya, gaar ahaan deegaanada xadka Soomaaliya.
  24. Riyadh (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee Boqortooyada dalka Sucuudiga ayaa jawaab ka bixisay warbixin kasoo baxday sirdoonka Mareykanka oo lagu sheegay in dilkii loo geystay Wariye Jamaal Khaashuqji uu amray Maxamed Bin Salmaan Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in eedeynta loo jeediyey Amiirka Dhaxalsugaha Sucuudiga ay tahay mid lasoo dhoo-dhoobay oo waxba kama jiraan ah. Qoraalka wasaaradda arrimaha Sucuudi Carabiya ayaa sidoo kale lagu sheegay in warbixinta Mareykanka ay tahay ‘mid gaf ah oo aan sax ahayn’. Hadalkan ayaa daba socda warbixinta uu shaaciyay maamulka madaxweyne Joe Biden, taas oo tibaaxaysa in amiirka uu ansixiyay qorshada in “la soo qabto ama la dilo” weriye Khaashuqji oo 2018kii lagu dhe-xdilay qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istanbuul. “Waxaan ogaannay in Amiirka Dhaxalsugaha ah ee Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay howlgalkii Istanbuul, ee Turkiga, si loo soo qabto ama loo dilo wariyaha reer Sacuudi Jamaal Khaashuqji,” ayaa lagu yiri warbixinta Mareykanka. Si kastaba waa markii ugu horraysay ee uu Mareykanka si cad u carab-baabo magaca Amiirka Shaxalsugaha ah Maxamed Bin Salman, kaas oo horey u dafiray dilkaasi.