Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhibaatada Mareegaha Bulshada Q-1aad. ( Cabdiraxmaan Fadli Aussie Land ). Muddo ku siman dhmmaadkii qarnigii 20aad iyo rubuc-horaadka qarniga 21aad waxaa soo batey oo weliba TADDAWUR dheereynaya ku socday Isgaadhsiinta weliba qaybteeda loo yaqaan Social Mediaha si kalena noqonaya afkeenna Mareegaha Bulshada macnaha ugu munaasibsan. Haddii dagaalkii labaad iyo kii koowaad uu telefoonku lahaa xadhig la wareejiyo iyo masaafo gaaban oo uu hir-baaciisu gaadho (FREQUENCY)-giisu maanta wuxuu marayaa isagoo telefoonkaaga gacanta adigoo ku hadlayaa aad adduunka maqal iyo muuqaal kagala xidhiidhi karto, oo weliba GPS aad ku raadsan karto goobta aad doonto. ISgaadhsiinta horumarka sameysay saamiyo isleeg oo intifaacsi kagamay wada faa-iideysan bulshooyinka caalamku si kalena weel isku cabbir ah laguma miisan horumarkaas waayo?, Qaar badan oo ka mid ah waddamada aan ka gudbin xarriiqda dib u dhacsanaanta (Developing countries) ugamay faa-iideysan sida kuwa horumarey ee (Developed countries). Isgaadhsiinta (information Technology) horumarkeedu wuxuu saameeyey waxbarasha caalamiga ah, horumarinta dhaqaalaha, amaanka caalamka iyo jaanibyada nolosha meel kastaba. Waxaa aan xusi karnaa Saameynta mareegaha bulshadu ku leeyihiin maanta dhammaan dhulalka soomaalidu degto, taasoo dhibta ay abuuraan ka badan tahay faaiidada ay keenaan. Haddaan tusaale usoo qaadanno mareegta FACEBOOK waxaa ku taxan mujtamac aan yareyn oo shanta soomaaliyeedba ku jiraan, waxaa jira dad badan oo ka dhex faafiya aflagaaddo, isku dir, qabyaalad, nacayb reer iyo nacayb shakhsi ah intaba fidiya. Markeynu si academic ah uga hadalno sida aad ka akhrisan karto research faro-badan oo laga sameeyey in mareegaha bulshada qof six un u isticmaala ay ku sababto. 1. Qabatin- ama addiction oo u uku welfo qofku isagoo ay caado u noqoto inuu kombiyuutarka ama Telefoonka gacantiisa mar walba mashquul ku noqdo. Wuxuu kaloo ku welfaa inuu qof kasta oo meel kasoo hadla doono inuu u jawaabo…. Lao soco… Wacays Caanood faraska1988@gmail.com Qaran News
  2. Shahaadadii Foojariga ahayd iyo Gudoomiyihii Baanka ee indhaha-fiiqnaa ! Taleefano aan kala joogsi lahayn ayaa iiga iman jiray Aabihii iyo Hooyadii, waxaanay marar kala duwan iigu yimaadeen in aan shaqo siiyo ama shaqo la doonto wiilkooda oo qiyaas ahaan ay da’diisu ahayd ilaa 19 jir, isaga qudhiisu Wasaarada aan joogay kolba wuu iman jiray isaga oo shaqo doon ah. Nasiib darro xiligaas oo ahayd bilowgii 2017 shaqaalihii dawlada ee la qaadanayay waa la hakiyay duruufo abaareed iyo doorashooyinkii darteed. Dhowr meelood oo kala duwan ayaan la raadiyay, nasiib darro may suurto gelin, markii danbe waxaan kula taliyay inuu waxbarashada sii wato, wax yar oo mushaharka shaqaalaha la mid ahna aanu siino, taas oo nin aanu aad u saaxiib nahay oo ganacsade uu kafaalo qaatay markii aan xaalka uga warramay. Nasiib darro wiilkii wuxuu yidhi shaqo dawladeed ayaan rabaa hadii kale waan tahriibayaa.. Subaxdii danbe ayuu yarkii ii yimi isaga oo Aabihii la socda, waxaanay igu yidhaahdeen Baanka dhexe ayay fursado shaqo ka jiraane fadlan nagula quuso oo noo raac Gudoomiyaha Baanka oo shaqo noo weydii, aniga oo tixgelinaya culayska Aabaha haystay waxaan usoo raacay xaruntii Baankii Dhexe. Waxaan xafiiskiisa kula kulmay Guddoomiyahii Baanka dhexe ee Somaliland ee xiligaas oo ahaa Maxamed Cabdi Ibraahim Dhoobaale, waxaanan si qoto dheer ugu sharraxay dhibaatada iyo duruufta haysatay qoyskaas, waxaanan si naxariis leh uga codsaday in uu Wiilkaas dhalinyarada ah shaqo siiyo. Farxad weyn ayay noo noqotay markii uu Gudoomiyuhu naga ogolaaday in uu Wiilkaas shaqo siin doono, lana tababari doono haddii uu Shahaado sax ah oo Dugsiga sare ah uu haysto, waxaana uu si adag u weydiiyay inuu dugsiga sare dhameeyay oo shahaado uu haysto. Waxa uu wiilkii ku adkaystay inuu Dugsiga sare dhameeyay Shahaado sax ahna uu haysto. Berri subaxna uu shahaadada xafiiska keeni doono. Waxa aad ii yaab geliyay sida uu Gudoomiyaha Baanku Carrabka ugu adkaynayo Shahaado dugsi sare oo sax ah inuu haysto hadii kale aanuu shaqo u haynin. Subaxdiiba kii yaraa shahaado dugsi sare ah ayuu u geeyay gudoomiyhii Baanka. Guddoomiyihii wuxuu inankii u sheegay in shahaadada uu baadhisku samayn doono oo Wasaarada Waxbarashada loo diri doono, hadii ay sax noqotana uu shaqo siin doono, hadii kalena aanuu shaqo heli doonin waliba sharciga la marin doono. Laba Usbuuc ka dib waxaa Taleefan ii soo diray Gudoomiyihii Baanka, waxaanuu igu yidhi Shahaadadii dugsiga sare ee Wiilku sitay waxay noqotay Shahaado Foojari ah oo aan sax ahayn, sidaas daraadeedna wax shaqo ah aanuu siinayn wiilkii dhalinyarada ahaa, booliskana uu la socodsiin doono Foojariga uu ku kacay. Run ahaan aad iyo aad ayay ii soo jiidatay talaabada baadhista shahaadada ee Gudoomiyuhu sameeyay iyo sida Wasaarada Waxbarashadu baadhista u samaysay ee uu nidaamkeena waxbarashadu u keydsan yahay ee aan la macmali karin. Waxaan u markhaati furayaa Daauud Gadhweynaha Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland oo dhawaan sheegay inaan lagula soo lug go’in Shahaadooyin macmal ah, waxaanan leeyahay Nidaamka Dawladnimo ee Somaliland ka jiraa waa mid aad uga qoto dheer sida ay dad badani u haystaan. La soco arrin kale oo mucjiso ah oo aan kala kulmay Laanta Socdaalka Somaliland ….. Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Bristol. UK Qaran News
  3. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-Habeen-2822021.mp3 View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka fakareyso in bandow ay geliso Muqdisho si loo yareeyo qatarta Covid-19 oo si weyn ugu baahay Muqdisho. Wararka aan helnay ayaa muujinaya in qubarada dowladda Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Covid-19 ay Xukuumada u gudbiyeen talooyin ah in la fasaxo goobaha waxbarashada, Maqaayadaha iyo hoteelladana la xiro. Villa Somalia iyo Xukuumada ayaa ka fikiraya saameynta ay ka tagi karto arrintaan maadaama ay reebi karto saameyn dhaqaale oo weyn, mana cadda haddii go’aanka hadda lagu taamayo lagu dhaqaaqi doono. Dr Maxamed Maxamuud Fuje, oo ah la-taliyaha sare ee dalka ee arrimaha Covid-19 ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dhowaan ay soo bixi doonaan amarro adag oo lagula taacalayo arimaha taagan. “Waxaan u gudbinay talooyin dalka lagu gelinayo Bandow ama Muqdisho oo kaliya, waayo dhimasho badan ayaa jirto waana sii faafaayaa cudurka waliba si weyn,” ayuu yiri Dr Fuje. Bandowga ayaa noqon doona mid la mid ah kii sanad ka hor ay soo rogtay dowladda oo billaabanaya wixii ka dambeeya laba saac habeennimo. Si kastaba ma cadda saameyn Bandow xiligaas billowda uu yeelan karo maadaama bulshada ay aad isku dhex socoto maalintii.
  5. (SLT-Tukeraq)-Abaanduulaha Koowaad Ciidamada Qaranka Somaliland Sarreeyo Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale Afguduud ayaa beeniyay warar laga faafiyay Ciidamada soona kormeeray Jiida hore Fadhiisimada Ciidamada Qaranka Gobalka Sool ee Tukaraq. Abaanduulaha Ciidamada Qaranka ayaa waxa Socdaalkan ku wahelinayay Guddoomiyaha Gobalka Sool Cabdiqani Jiidhe iyo Taliyaha Aaga Bari Ciidamada Qaranka Sarreeyo Guuto Cali Bare Xuseen Afhayeenka Ciidamada Qaranka Gaashaanle sarre Cabdiraxmaan Cabdilaahi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. (SLT-Washington)-Warbixin qarsoodi ah oo ay diyaarisay dowladda Mareykanka, islamarkaana uu helay wargeyska The New York Times ayaa lagu sheegay in Ethiopia ay wado “olole nidaamsan oo ah isir sifayn” iyadoo loogu ganbanayo dagaalka gobolka Tigray, oo ah aag ay inta badan gacanta ku hayaan maleeshiyada Amxaarada ee waqooyiga dalka. New York Times ayaa sheegaysa in warbixinta, oo la qoray horaantii bishan February ay “si adag u qeexeyso dhul iyo guryo la bililiqaystay iyo tuullooyin cidla ah oo tobanaan kun oo qof aan la ogeyn meel ay ku sugan yihiin.” Sida lagu sheegay warka uu qoray wargayska New York Times, warbixinta ayaa lagu ogaaday in saraakiisha Ethiopia iyo dagaalyahannada maleeshiyada xulafada la ah ee ka soo jeeda gobolka deriska ah ee Amxaarada, kuwaasi oo usoo dagaal tagay gobolka Tigray si ay u taageeraan Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, ay “si ula kac ah oo buuxda uga dhigayaan Galbeedka Tigray meel ay qowmiyad gaar ah degto iyagoo adeegsanaya awood abaabulan iyo cabsi gelin.” Warbixinta ayaa sheegaysa in dadka qaar ay u qaxeen duurka ama ay si sharci daro ah ugu tallaabeen dhanka dalka Suudaan, halka qaar kalana la soo aruuriyay oo si khasab ah loogu raray goobo kale oo ka tirsan Tigray, sida uu qoray wargaysku. Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray Sabtidii ku sheegay in Mareykanku uu “aad uga walaacsan yahay warbixinnada la xidhiidha xadgudubyada iyo guud ahaan xaaladda ka sii dareysa ee Tigray.” Colaadda hubaysan ee ka jirta Tigray ayaa galaafatay nolosha kumanaan qof. Taasi ayaana keentay in boqolaal kun ay ka cararaan guryahooda. Gobolka oo ay ku nool yihiin in ka badan 5 milyan oo qof ayaa waxaa soo foodsaartay cunno yari, biyo iyo dawo la’aan. Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa barqanimadii maanta waxaa ay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku dileen laba dhallinyaro ahaa, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday. Dhalinyarada la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Axmed Xasan iyo Ismaaciil Axmed Siyaad, waxaana la sheegay inay ka tirsanaayeen Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya qeybta ilaalada shacabka ee dharcadka loo yaqaan. Wararka ayaa sheegaya in xilliga la dilayay labada dhallinyarada ah ay wateen mooto nooca labada lug leh ee Fekonta loo yaqaan, waxaana weerarkaas sidoo kale lagu dhaawacay mid kale oo la socday. Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada dilkaas, iyaga oo ku sheegay qoraal lagu daabacay baraha ay ku leeyihiin Internet-ka in dhalinyarada la dilay ay ka tirsanaayeen askarta Dowladda Soomaaliya. Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayan in Ciidamada Booliska ay sameeyeen howlgal baaritaano ah oo lagu baadi goobayay ragii fuliyay dilka loo geystay Askarta ka tirsaneyd dharcadka. Laamaha Amniga Soomaaliya weli wax faah-fahin ah kama bixin, waxaana dilkan uu kusoo aadayaa xilli Maanta Muqdisho ay ka dhaceen qaraxyo lala eegtay Taliye kuxigeenka Ciidanka xoogga dalka iyo Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid.
  8. MOGADISHU (HOL) - Two landmine attacks targeting Somali army deputy and a district official hit Mogadishu Sunday barely three hours apart. Source: Hiiraan Online
  9. Russian architect Alex Wizhevsky has designed an incredible high-rise cultural and business center in the form of the national emblem with the working title "DJIBOUTI TOWERS". Source: Hiiraan Online
  10. Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu dilay labo dhalinyaro ah oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA. Askartan oo dharcad ahaa ayaa magacyadooda lagu sheegay Cali Axmed Xasan iyo Axmed Siyaad, waxaana lagu dilay suuqada Bakaaraha ee Muqdisho. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubaysan ay dileen laba askari, mid kalena dhaawac u geysteen, xili ay ku sugnaayeen meel ku dhow Boosteejo laga raaco gaadiidka oo ku taalla suuqa Bakaaraha. Maanta magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dhowr weerar oo lala eegtay mas’uiliyiin iyo ciidan, kuwaas oo aan ilaa hadda mas’uuliyadooda cidna sheegan. Deegaanka Daarusalaam ee Muqdisho waxaa maanta qarax miino lagula eegtay kolonyo uu la socday Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Cabdullaahi Axmed Cariif, balse guddoomiyaha ayaa qaraxaas ka badbaaday. Sidoo kale qarax miino ayaa maanta lala eegtay kolonyo gaadiida oo la socday taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cabaas Aamin Cali oo marayay agagaarka iskuulka Hoyga Xamar ee degmada Hodan. Qaraxa lala eegtay Gen. Cabaas waxaa ku dhintay inta la xaqiijiyay qof shacab ah iyo labo askari oo ka tirsanaa ilaalada taliyaha. Dowladda ayaa weli ka hadlin qaraxyada iyo dilalka maanta ka dhacay maagalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Dharcad ka tirsan NISA oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  11. Tigray (Caasimada Online) – Warbixin qarsoodi ah oo ay diyaarisay dowladda Mareykanka, islamarkaana uu helay wargeyska The New York Times ayaa lagu sheegay in Ethiopia ay wado “olole nidaamsan oo ah isir sifayn” iyadoo loogu ganbanayo dagaalka gobolka Tigray, oo ah aag ay inta badan gacanta ku hayaan maleeshiyada Amxaarada ee waqooyiga dalka. New York Times ayaa sheegaysa in warbixinta, oo la qoray horaantii bishan February ay “si adag u qeexeyso dhul iyo guryo la bililiqaystay iyo tuulooyin cidla ah oo tobanaan kun oo qof aan la ogeyn meel ay ku sugan yihiin.” Sida lagu sheegay warka uu qoray wargayska New York Times, warbixinta ayaa lagu ogaaday in saraakiisha Ethiopia iyo dagaalyahannada maleeshiyada xulafada la ah ee ka soo jeeda gobolka deriska ah ee Amxaarada, kuwaasi oo usoo dagaal tagay gobolka Tigray si ay u taageeraan Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, ay “si ula kac ah oo buuxda uga dhigayaan Galbeedka Tigray meel ay qowmiyad gaar ah degto iyagoo adeegsanaya awood abaabulan iyo cabsi gelin.” Warbixinta ayaa sheegaysa in dadka qaar ay u qaxeen duurka ama ay si sharci daro ah ugu tallaabeen dhanka dalka Suudaan, halka qaar kalana la soo aruuriyay oo si qassab ah loogu raray goobo kale oo ka tirsan Tigray, sida uu qoray wargaysku. Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray Sabtidii ku sheegay in Mareykanku uu “aad uga walaacsan yahay warbixinnada la xiriira xadgudubyada iyo guud ahaan xaaladda ka sii dareysa ee Tigray.” Colaadda hubaysan ee ka jirta Tigray ayaa galaafatay nolosha kumanaan qof. Taasi ayaana keentay in boqolaal kun ay ka cararaan guryahooda. Gobolka oo ay ku nool yihiin in ka badan 5 milyan oo qof ayaa waxaa soo foodsaartay cunno yari, biyo iyo dawo la’aan. VOA
  12. Markab laga leeyahay Israel oo qarax lala beegsaday oo gaadhay Dubai+Cida Qarxisay & Khasaaruhu qabo MV Helios Ray Markab laga leeyahay Israel oo uu haleelay qarax ka dhacay marin biyoodka istiraatiijiga ah ee Gacanka Omaan ayaa gaaray dekedda magaalada Dubai, halkaasi oo lagu wado in lagu qiimeeyo xaaladdiisa. Markabka MV Helios Ray, oo ah nooca xamuulka qaada, ayaa habeenimadii Khamiista ee uu Jimcuhu soo galayay waxaa ku haleelay qarax ka dhacay badda, iyadoo sarkaal ka tirsan waaxda gaashaandhigga Mareykanka uu sheegay in uu dillaac soo gaaray qeybo ka mid ah markabkaasi. Wasiirka gaashaandhigga Israel ayaa Sabtidii sheegay in qiimeyn hordhac ah lagu ogaaday in Iran ay mas’uul ka tahay qaraxa. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Iran. Markabka ayaa hadda ku xirtay dekedda Rashid ee magaalada Dubai, isagoo ka soo shiraacday xeebta caasimadda Muscat ee dalka Oman halkaas oo ah goobta uu qaraxu ka dhacay. Sida uu wariyay Channel 13 News, wafdi ka socda Israel ayaa ku sii jeeda Dubai si ay baaritaan ugu sameeyaan qaraxa haleelay markabka. Qaran News
  13. Warbixin Qarsoodiya: Mareykanka oo ogaaday in Ethiopia ay isir sifeyn ka waddo Gobolka Tigray Warbixin qarsoodi ah oo ay diyaarisay dowladda Mareykanka, islamarkaana uu helay wargeyska The New York Times ayaa lagu sheegay in Ethiopia ay wado “olole nidaamsan oo ah isir sifayn” iyadoo loogu ganbanayo dagaalka gobolka Tigray, oo ah aag ay inta badan gacanta ku hayaan maleeshiyada Amxaarada ee waqooyiga dalka. New York Times ayaa sheegaysa in warbixinta, oo la qoray horaantii bishan February ay “si adag u qeexeyso dhul iyo guryo la bililiqaystay iyo tuulooyin cidla ah oo tobanaan kun oo qof aan la ogeyn meel ay ku sugan yihiin.” Sida lagu sheegay warka uu qoray wargayska New York Times, warbixinta ayaa lagu ogaaday in saraakiisha Ethiopia iyo dagaalyahannada maleeshiyada xulafada la ah ee ka soo jeeda gobolka deriska ah ee Amxaarada, kuwaasi oo usoo dagaal tagay gobolka Tigray si ay u taageeraan Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, ay “si ula kac ah oo buuxda uga dhigayaan Galbeedka Tigray meel ay qowmiyad gaar ah degto iyagoo adeegsanaya awood abaabulan iyo cabsi gelin.” Warbixinta ayaa sheegaysa in dadka qaar ay u qaxeen duurka ama ay si sharci daro ah ugu tallaabeen dhanka dalka Suudaan, halka qaar kalana la soo aruuriyay oo si qassab ah loogu raray goobo kale oo ka tirsan Tigray, sida uu qoray wargaysku. Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray Sabtidii ku sheegay in Mareykanku uu “aad uga walaacsan yahay warbixinnada la xiriira xadgudubyada iyo guud ahaan xaaladda ka sii dareysa ee Tigray.” Colaadda hubaysan ee ka jirta Tigray ayaa galaafatay nolosha kumanaan qof. Taasi ayaana keentay in boqolaal kun ay ka cararaan guryahooda. Gobolka oo ay ku nool yihiin in ka badan 5 milyan oo qof ayaa waxaa soo foodsaartay cunno yari, biyo iyo dawo la’aan. Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa xoojisay dadaallada ay isku soo dhaweyso dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah ee is-diidan, waxaana la sugayaa inay soo saarto go’aan horay loogu sii socdo. Labada dowlad goboleed ee Jubaland iyo Puntland ayaa laalay shirkii uu 18-kii February ku baaqay sii hayaha madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxeyna dalbadeen damaanad qaad dhan amni ah iyo dhan fulinta heshiiska ah, kadib heshiiskii guddiga farsamo ay ku gaareen Baydhaba. Sidoo kale, shirkii ka dhici lahaa Muqdisho waxaa saameyn ku yeeshay dhacdooyinkii 19-ka February ka dhacay Muqdisho, weerarkii madaxweynayaashii hore iyo rasaastii lagu furay dad dhigayay banaabax nabadeed oo ay ku jiraan masuuliyiin hore dalka, musharaxiin iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka. Iyadoo ay taasi jirto ayey beesha caalamka mar kale soo faragalisay, waxaana jirtay iney shuruudo la yimaadeen dowladaha Jubaland iyo Puntland, sidoo kalana musharaxiinta oo ay u badan tahay in laga qeyb galiyo shirka la abaabulayo ayaa iyaguna shuruudo gudbiyay. Saddex qodob ayaa ugu muhiimsan shuruudaha ay soo gudbiyeen Jubaland iyo Puntland, waxey doonayaan in beesha caalamka ay ay damaanad qaado fulinta wixii kasoo baxa shirka, in shirku ka dhaco meel dhex-dhexaad ah iyo in shirka laga qeyb galiyo musharaaxiinta mucaaradka, waana qodobo uu markii hore diidanaa FARMAAJO. Beesha caalamka waxey sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ku cadaadiyeen inuu qaato doorka nabadeynta, waxaana la sugayaa shaacinta shir ka dhici doona Xalane. Shirkaas lagu wado inuu xalane ka dhaco ayaa la filayaa inuusan ka qeyb galin FARMAAJO, waxaana ku matali doona xukuumadda wakhtigeeda dhamaaday sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble.
  15. At least nine al-Shabaab terrorists were killed in Somalia Sunday when the al-Qaeda-affiliated terror group mounted an attack Sunday morning on an army base in the country’s southwest. Mohamed Mukhtar, the district deputy commissioner in the town of Qasahdhere in the Bay region, told local media that the army, backed by Ethiopian forces serving under the African Union peacekeeping mission forces in the Horn of Africa country (AMISOM) killed at least nine terrorists during the attack. Speaking to Anadolu Agency over the phone, Qasahdhere district commissioner Abdirisaq Abdi Ibrahim said his administration, along with the regional paramilitary forces and AMISOM were aware that the attack was coming and ambushed the terrorists. “We received intelligence about the imminent attack and our forces managed to repulse the attack,” Ibrahim said. He added that more than 11 terrorist fighters were also wounded in the attack and their weapons seized. Qasahdhere is an agriculture town located some 346 kilometers (214 miles) southwest of the Somali capital Mogadishu and 90 km west of Baidoa, Bay’s capital. View the full article
  16. A landmine explosion in the Somali capital targeted a local district commissioner in the second bomb blast in Mogadishu city on Sunday, police said. The roadside mine targeted a convoy carrying Ahmed Abdullahi Ariif, the commissioner of the Yaaqshiid district, while traveling to the Darusalam village area in Mogadishu, local police officer Abdifatah Hassan told Anadolu Agency over the phone. “As far as we know, commissioner Ariif and other officials in the convoy escaped unhurt but it is early to say how many people were killed or wounded,” he said. This followed a similar roadside explosion in the capital that targeted a senior military official less than five hours earlier, killing three people including two soldiers. The Somali-based al-Qaeda-affiliated group al-Shabaab claimed responsibility for that attack. View the full article
  17. Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Anthony Blinken ayaa ugu baaqay Midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah inay gacan ka geystaan ​​sidii wax looga qaban lahaa qalalaasaha ka taagan gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya. Blinken wuxuu cambaareeyay gabood falka lagu soo waramayo in laga gaystay Tigray, isagoo tilmaamay inay kaniyad jabeen sida ay dalalka deriska ah ee Itoobiya iyo Eriteriya ula macamileen xaaladda, oo uu ku tilmaamay dhibaato bani’aadanimo oo ka sii daraysa. Wuxuu muujiyay “walaaca weyn ee Mareykanku ka qabo xadgudubyada uu sheegay, iyo xaalada guud ee ka sii daraysa ee gobolka Tigray ee Ethiopia.” Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka wuxuu yiri, “Waxaan ka codsaneynaa saaxiibada caalamka, gaar ahaan Midowga Afrika iyo saaxiibada gobolka, inay nagala shaqeeyaan si aan uga hortagno dhibaatada ka taagan Tigray, oo ay Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee ay quseyso ay udhaqaqaan.” Hadalkaan ayaa yimid ka dib markii Amnesty International ay soo saartay warbixin ay ku eedeyneyso in ciidamada Eriteriya ay boqolaal rayid ah ku dileen gobolka Tigray 24 saac gudahood sanadkii la soo dhaafay, dhacdadaan ayey hay’addu ku tilmaamtay inay suuragal tahay inay gaarto heerka dambiyada ka dhanka ah aadanaha, halka Eritrea iska fogaysay eedeymahan. Waxaa xusid mudan in ciidamada dawlada Itoobiya ay bishii Nofeembar ee la soo dhaafay, xarunta gobolka Tigreega, Mak’ele kala wareegeen xoogag daacada u ah xisbiga TPLF, oo ay dawlada dhexe ku eedeysay in ay weeraree fariismo ay ku suganayeem millatryga faderaalka. Source: goobjoog.com
  18. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta shir Gudoomiyay kulan looga hadlayay dardar galinta Wacyi galinta Coved 19 si looga Wacyi galiyo Bulshada kunool Caasimadda Muqdisho Cudurka Safmarenka ah. Kulanka ayaa Waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Gudoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, iyada oo diirada lagu saaray sidii wax looga qaban fidista Corona. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  19. Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay wakiillada beesha caalamka, kaas oo looga hadlay sii wadista wada xaajoodyada DFS iyo Dowlad-goboleedyada ee la xiriira hirgalinta heshiiskii 17-kii September 2020 iyo qodobbadii Guddigii farsamo ee Baydhabo. Shirkan ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay isfahamkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta ee 25-kii Febraayo. View the full article
  20. Itoobiya oo gacanta ku dhigtay hub badan iyo dadkii watay+Sawirro Booliska ka howlgalla Magaalada Addis Ababa ee Caasimada Itoobiya ayaa sheegay, in gacanta ku dhigeen Hub si xeeladeysan loo soo galiyay Magalada Addis Ababa, kana kooban Qoriga (BKM), Biskoolado iyo 5 Kun oo Rasaas kala duwan ah, kadib dabagal ay samaysay hay’ada sirdoonka iyo nabad sugida dalkaas. Hubkani ayaa waxaa siday Gaari nuuca loo yaqaano ah Isuzu, kana soo kicitimay Magaalada Gondar ee Deegaanka Axmaarada,waxaana Hubka loo ekeeysiiyay agab caadi ah oo saarnaa Gaariga. Warbixin Booliska magaalada Addis Ababa soo saaray ayaa lagu sheegay, in Hubka la qabtay uu kala yahay laba (BKM), laba Isneypar , 38 Bistooladaha Waawayn , 25 Bistoolado yaryar, 5992 Rasaasta Qoriga Aakaha, 898 Rasaasta Bistooladaha, 5 Rasaasta Qoriga Isanyparka ah, iyo agabyada Qoryaha, waxaana hubkaas laga qabtay xaafada Gulale, gaar ahaan Dagmada 8aad, Xaafad hoosaadka 7aad. Booliska ayaa intaasi ku daray in Gacanta lagu soo dhigay, laba rag oo gudbinaysay Hubkan soo na galiyay Magaalada Addis Ababa si dhibato loogu geysto wallow aysan shaacin dadka sigar ah u leh hubkaas. Ugu dambayntiina booliska ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha nabad galyada, soona sheegaan waxyaabaha ay ka shakiyaan si gacan bir ah loogu qabto. Dhowr jeer ayaa waxaa Booliska Addis Ababa ay qabteen hub kala duwan oo si qarsoodi ah loo geliyay Magaaladaas, hubkaas oo dadkii lahaa Itoobiya ay Maxkamadeeysay. Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga kulan kula yeeshay wakiilada beesha caalamka sida lagu baahiyay qoraal lasoo dhigay barta facebook ee xafiiska ra’iisul wasaaraha. Qoraalka waxaa lagu sheegay in kulankaan looga hadlay sidii horay loogu sii wadi lahaa wada xaajoodyada u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyadoo la hirgalinaayo heshiiskii doorasho ee 17-kii September 2020 lagu gaaray magaalada Muqdisho. Sidoo kalana aysan ka marneyn hirgalinta is fahamkii dhexmaray guddiyadii farsamo ee ka socday dhinacyada kala duwan, kuwaas oo laba maalmood ku shiray magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel gaarka Koonfur Galbeed. Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in beesha caalamka ay sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ku bogaadiyeen kaalintii uu ku lahaa is fahamkii uu la gaaray midowga musharaxiinta kadib shir ay yeesheen 25-kii February. HALKAAN HOOSE KA AKHRISO QORAALKA XAFIISKA RA’IISUL WASAARAHA: Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay wakiillada beesha caalamka, kaas oo looga hadlay sii wadista wada xaajoodyada DFS iyo Dowlad-goboleedyada ee la xiriira hirgalinta heshiiskii 17-kii September 2020 iyo qodobbadii Guddigii farsamo ee Baydhabo. Shirkan ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay isfahamkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta ee 25-kii Febraayo.
  22. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax maanta ka dhacay xaafada DaaruSalaam ee magaalada Muqdisho, kaas oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso. Qaraxa oo oo jugtiisa laga maqlay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa lagu soo warramayaa in lala eegtay guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Axmed Cabdullahi Cariif & saraakiil Boolis ah oo la socotay, walow ay ka bad-baadeen miinadaasi. Afhayeenka gobolka Banaadir oo la hadlay BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan ay bad qabaan mas’uuliyiinta iyo saraakiisha la socotay kolonyada la qarxiyey. Sidoo kale Saalax Dheere ayaa tilmaamay in qaraxaasi uusan geysan wax khasaare nafeed ah, marka laga tego bur-bur gaaray gaariga uu qaraxu haleelay. Waa qaraxii labaad ee isla maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana saaka wadada Cabdiqaasim miino lagula eegtay taliye ku xigeenka ciidamada Xoogga Soomaaliyeed. View the full article
  23. Qarax labaad oo ka dhacay Muqdisho + Bartilmaameedka Sida ay sheegayaan wararka aan ka helya gudaha deegaanka DaaruSalaam qarax nooca miinada ayaa ka dhacay halkaasi, kaas oo noqonaya qaraxii labaad ee isla maanta ka dhacay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Qaraxan oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa jugtiisa laga maqlay meelo kala duwan oo ka mid ah caasimada, iyada oo kadib ay xigtay rasaas xoogan. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay guddoomiyaha maamlka degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullahi Cariif iyo saraakiil Booliis ah oo la socotay. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale meesha tegay, kuwaas durbo xiray dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen. Afhayeenka gobolka Banaadir oo la hadlay BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan ay bad qabaan mas’uuliyiinta iyo saraakiisha la socotay kolonyada la qarxiyey. Saalax Dheere ayaa sidoo kale tilmaamay in qaraxaasi uusan geysan wax khasaare nafeed ah , marka laga tego bur-bur gaaray gaariga uu qaraxu haleelay. Waa qaraxii labaad ee lala beegsanayo guddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid oo todobaadyo, ka hor miino lagula eegtay isla deegaanka DaaruSalaam ee Muqdisho. Taliye Ciidan oo Qarax ka badbaaday+Khasaaraha Qarax miino ayaa maanta lala eegtay kolonyo gaadiida oo la socday taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cabaas Aamin Cali oo marayay agagaarka iskuulka Hoyga Xamar ee degmada Hodan. Qaraxa waxaa ku dhintay inta la xaqiijiyay qof shacab ah iyo labo askari oo ka tirsanaa ilaalada taliyaha. Sidoo kale qaraxa waxaa dhawacyo ka soo gaareen askar iyo dad shacab ah oo marayay wadada. Qaraxa oo ahaa miino kuwa dhulka lagu aaso ah ayaa jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyin gobolka Banaadir. Dowladda ayaa weli ka hadlin qaraxa lala eegtay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cabaas. Qaran News