-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa war kasoo saaray dilkii Wariye Jamaal Faarax Aadan oo xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Ugu horreyn qoraalka ayaa tacsi loogu diray ehellada marxuumka, iyada oo sidoo kale la faray laamaha amniga inay gacanta kusoo dhigaan raggii ka dambeeyey dilkaasi. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article
-
MW Farmaajo oo markale shir isugu yeeray madax goboleedyada
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4ta Maarso 2021 martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii laxiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Kulankan oo hal maalin soconaya wuxuu ku qabsoomayaa magaalada Muqdisho, waxaana looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ahmiyad wayn siinaysaa hirgelinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta. DHAMMAAD View the full article -
Allah U naxariisto waxaa xalay Magaalada Galkacyo lagu dilay Wariye Jamaal Faarax Aadan oo ka mid ahaa Ruug cadaayayaasha Saxaafadeed ee Muddada Dheer kasoo shaqeeyay warbaahinta Soomaalida . Madaxweeynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Wariye Jamal isagoo amray hay’adaha Amniga ee Puntland in la soo qabto Kooxii ka danbeeyay Dilka Wariye Jamaal Faarax Aadan . War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxooyada Puntland ayaa waxaa marka hore Tacsi loogu diray Ehellada iyo Saaxiibadii uu ka baxay Alle ha u Naxariistee Wariye Jamaal Faarax , iyad aoo alle looga baryay in uu Janadii Fardwso ka waraabiyo. Deni ayaa sidoo kale Qoraalka ka soo baxay Xafiiskiisa waxaa lagu amray hay’adaha Ammaanka Gobalka Mudug in la soo qabto kooxi ku lugta lahaa AUN dilka Wariye Jamaal Faarax Aadan . Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxooyada Puntland. Anigoo ku hadlaaya magacayga, kan Xukuumadda iyo kan shacabka Puntland, waxaan tiraanyada la wadaagayaa bahda warbaahinta Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland oo uu caawa ka baxay Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Marxuum Jamaal Faarax Aadan. Jamaal waxa uu ahaa weriye ruug caddaa ah oo wadanka kasoo shaqeeyey muddo dheer, wuxuu ahaa weriyeyaashii tirada yaraa ee kasoo shaqeeyay dhismaha Puntland, isagoo tebinayay Shirarkii lagu dhisay Dowladda Puntland. Wuxuu waayadan dambe waday baraarujin dadweyne oo uu dadka ku wacyi-gelinaayey in meel looga soo wada-jeesto argagixisada iyo cidkasta oo ah cadowga Puntland. Waxaan si adag u cambaaraynayaa falkaasi wuxuushnimada ah ee lagu diley marxuumka, waxaan farayaa laamaha Amniga gobolka Mudug in si deg deg ah gacanta loogu soo dhigo cadawga falkani geystay. Rabbi ayaan u waydiinayaa naxariistiisa Janno. Samir iyo iimaan dhammaan shacabka Puntland, bahda warbaahinta, eheladi, qaraabadi, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuum Jamaal Faarax Aadan. Sikastaba Wariye Jamaal Faarax Aadan ayaa horay u soo noqday wariyihii Gaarka ahaa ee madaxweynihii hore ee somalia Cabdulaahi yuusuf axmed. Source: goobjoog.com
-
Kadib kulan saacado qatay oo midawga musharixiinta iyo Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ku dhex maray Hotel Decale ee magaalada Muqdisho ayaa laga soo saaray qodoba dhowr ah . Kulanka oo doba joga kulan 25-kii bishii hore February ay muqdisho ay ku yeeshen labada dhinac ayaa aya lagu magacabay laba guddi oo ka kala socda Dowladda iyo Midawga musharixiinta , iyadoo guddiyadan ay ka shaqeyn doonan Qaban qaabada Banaanbax weeyn oo looga soo horjeedo Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo guddiga kale oo baaritaano ku sameynaya isu soo baxyo ay 19-kii February ay midawga musharixiinta Muqdisho ka sameynayeen kuwaas oo ciidamo ka tirsan dowladda ay Rasaas ku fureen , Shirkan ayaa sidoo kale leysla qaatay in banaanbaxa midawga Musharixiinta uu qabsoomo 6-da bishaan oo ku beegan Sabtiga soo socda, Isusoobaaxa ayaana waxa Ammaankiisa sugi doona Xukuumadda Xilgaarsiinta . Xubnaha guddiyada la magacabay ayaa isugu jira xubna ka socda Xukuumadda iyo Xubna ka socda Midawga Musharixiinta waxa ayna kala yihiin :- Guddiga Qaban Qaabada Banaanbaxa. 1.Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Xasan Xundubay Jimcaale 2. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) 3. Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Cadaala) 4. Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame 5. Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle 6. Musharax Madaxweyne Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow Guddiga Baaritaana ku sameyn doono dhacdooyinkii 19kii Febraayo 2021. 1. S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobbe. 2. Col. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji 3. S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare 4. S/Guuto Maxamed Cali Bariise 5. G/le Dhexe Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud 6. Xuseen Macalin Maxamuud. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subax-322021.mp3 View the full article
-
Somaliland has managed what neighboring Somalia has failed to do for years: It has established peace and stability and successfully driven out terrorism. And it has done so with very little international aid. How did it succeed? Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan xisbiga uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ee UPD ayaa carro ka muujiyey shirka uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madax goboleedyada dalka, saacado kadib markii la iclaamiyey dibad-baxa mucaaradka iyo shir kale oo dhex-maraya Rooble iyo Midowga Musharaxiinta. Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa xalay lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4-ta Maarso 2021 martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii laxiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka. Shirka uu ku baaqay Farmaajo, oo aan la ogeyn inay aqbalayaan Puntland iyo Jubaland, ayaa qorshuhu yahay inuu dhaco isla maalinta Khamiista ah ee 4-ta Maarso ee ay shir kale u ballansan yihiin Rooble iyo Midowga Musharaxiinta, iyo laba maalin ka hor dibad-baxa ay iclaamiyeen Mucaaradka, taasi oo su’aalo badan dhalisay. Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Farmaajo isagoo ka caraysan, kana cararaya Mudaharaadka maalinta Sabtiga iyo shirka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta u balansanyihiin maalinta Khamiista ayuu ku baaqay shir degdeg ah in ay isugu yimaadaan Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka maalinta Khamiista.” Mahad Salaad, ayaa sidaas darteed soo jeediyey in laga hordhaco qorshaha shirka uu iclaamiyey Farmaajo, lana soo hormariyo dibad-baxa mucaaradka. “Mar hadii Farmaajo rabo in uu isku qataaro Ciidamada iyo Shacabka bannaanbaxaya, Musharaxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha, Dowlad Goboleedyda iyo Beesha Caalamka, Haddaba maxaa diidaya annagana inaan soo hormarsanno Mudaharaadka maalinta Sabtiga, lagana dhigo maalinta Arbacada ama Khamiista?!,” ayuu yiri Mahad Salaad. War-saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu shaaciyey in Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu iclaamiyey shir kale o ay isugu imaanayaan madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Kulankan oo hal maalin soconaya wuxuu ku qabsoomayaa magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay qoraalka. “Waxaa looga gol leeyahay kulankan in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo. Ugu dambeyntii qoraalkan waxaa lagu yiri, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ahmiyad wayn siinaysaa hirgelinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta.” Horay waxaa u fashilmay shir uu sidaan oo kale u iclaamiyey Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, waxaana shirkaas si cad u diiday Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, iyagoo ka qeyb galkiisa ku xiray dhowr shuruudood. Illaa hadda ma cadda in Villa Somalia ay aqbashay shuruudihii labadaas madaxweyne, lamana oga inay ka soo qeyb geli doonaan shirkan, waxaase socda dadaalo xoog leh oo beesha caalamku ay isugu keneyso madaxda Soomaalida, si heshiis dhaba ay ugaa gaaraan doorashada dalka.
-
Guled Ibrahim is a Somali Young boy who makes a living by driving bajaj in Jijiga town, eastern Ethiopia. A woman who happened to be his passenger left 300,000 Ethiopian birr. It is money she raised from selling her livestock to pay for medical help for herself and for her sick son. Source: Hiiraan Online
-
President Mohamed Abdullahi Mohamed’s term has expired without a successor in place. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (Xinhua) -- The Somali Ministry of Health on Monday said it's planning to reintroduce COVID-19 restriction measures aimed at containing the spread of the virus amid the resurgence of infections across the country. Source: Hiiraan Online
-
Opposition leaders allowed to hold peaceful protest on March 6 Source: Hiiraan Online
-
Somalia’s Hormuud Telecom already offers mobile money services but, in an effort to formalise the country’s fast-growing digital payments infrastructure and integrate it with the global financial system, Somalia’s central bank has now awarded the country’s first mobile money licence to the operator. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xalay khudbad ka jeediyey markii uu soo dhamaaday shirkii xukuumadda xil-gaarsiinta iyo midowga musharaxiinta ayaa shaaciyey goorta uu dhacayo mudaharaadkii ay horay u iclaamiyeen. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ayaga iyo xukuumadda Rooble ay ku heshiiyeen in mudaharaadkaasi dhaco maalinka Sabtiga ah ee soo socota oo taariikhdu ku beegantahay 6-da bishan Maarso. “Qodobada aan isku raacnay waxaa ugu horeeya in xukuumadda xil-gaarsiinta aan ka wada shaqeyno in banaanbaxii uu dhaco maalinka Sabtiga ah ee 6-da bishaan, kaas oo ka dhici doona fagaaraha Daljirka, waxaa banaanbaxaan soo jeediyey midowga musharaxiinta oo soo abaabulaya, xukuumadda waxaan ku heshiinay inay kala shaqeyso amniga mas’uuliyadeedna ay qaadato, taas waa naga aqbaleen,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale Cabdiraxmaan waxa uu sheegay inay wada magacaabeen guddi soo baara cidda iska leh mas’uuliyadda wixii Muqdisho ka dhacay 19-kii bishii hore ee Febraayo. Guddigaas oo dhamaantiis ka kooban saraakiil sare ayaa kala metelaya mucaaradka iyo xukuumadda, waxuuna sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in qibradda xubnahaan ay labada dhinacba ku qanacsanyihiin. Lixda sarkaal ee loo magacaabay baaritaanka dhacdadaas ayaa kala ah. 1- S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) 2- Col. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji 3- S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare 4- S/Guuto Maxamed Cali Bariise 5- G/Dhexe Yaasiin Cabdullahi Maxamuud 6- Xuseen Macalin Maxamuud Hoos ka Daawo C/Raxmaan C/Shakuur
-
Weriye caan ah oo lagu dilay Gaalkacyo+ faahfaahino ka soo baxaya Magaalada Gaalkacyo waxaa goor dhow lagu dilay Weriye Jamaal Faarax Aadan oo ka mid ahaa weriyeyaasha sida weyn looga yaqaano Magaalada Gaalkacyo. Marxuumka ayaa ka mid ahaa wariyeyaasha ka howlgalla degaanada Puntland, waxaana uu horay uga soo shaqeeyay idaacadda lagu Magacaabo Daljir. Sida dad goob joogayaak ay sheegayaan dilka weriyaha ayaa ka dhacay Agagaarka xero Siinaay oo ku taalla woqooyiga magaalada Gaalkacyo ka dib markii ay rasaas ku fureen rag bastoolado ku hubeysan. Ciidanka Ammaanka maamulka Puntland ayaa soo gaaray goobta uu ka dhacay dilka, waxaana ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo ay ku doonayaan in lagu soo qabto kooxihii ka dambeeyay dilka. Weli lama oga sababta loo dilay Weriyaha iyo cida ka dambeysay dilkiisa oo caawa si weyn looga hadlayo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Qaran News
-
Milatariga Itoobiya oo xidhay weriye ka tirsan BBC-da Girmay Gebru Milatariga dalka Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabay weriya ka tirsan BBC-da oo ku sugnaa gobolka ay colaaduhu ka socdaan ee waqooyiga ku yaalla ee Tigray. Girmay Gebru, oo u shaqeeyta laanta Tigranya ee BBC-da ayaa laga qabtay mukhaayad ku taalla caasimadda gobolkaasi ee Mekelle. Afar qof oo kale ayaa lala xiray. Goobjoogayaal ayaa BBC-da u sheegay in rag xiran dharka milatariga ay kaxeysteen shantaasi qof. Ma cadda sababta loo xiray raggaasi. BBC-da ayaa heshay warar sheegaya in raggaasi loo qaaday xero milatari oo ku taalla Mekelle. Gobolka Tigray ayaa waxaa gacanta ku hayay milatariga tan iyo bishii Nofeembar ka dib markii uu Ra’iisal wasaare Abiy Axmed amray in milatariga ay xukunka ka tuuraan kooxda TPLF ee maamulayay gobolkaasi. Qaran News
-
Maxkamadda HAGUE oo war Cusub ka soo saartay Kiiska Muranka Dacwadda badda ee Somalia iyo Kenya ka dhex oogan Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee The HAGUE ayaa war qoraal ah oo ay ka soo saartay kiiska muranka dhanka badda ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ku sheegtay in dhagaysiga kiiskaasi uu furmayo maalinta Isniinta ah ee 15 bishaan Maarso marka saacaddu ay tahay 3 p.m. Horay ayaa maxkamaddu u sheegtay in dhagaysiga kiiskaasi uu dhacayo taariikhda kor ku xusan, kaddib markii dhowr jeer oo hore dib loo dhigay. Dadka ka qayb geliya dhagaysiga dacwadda ayaa loogu baaqay in lifaaqa ay uga qayb geli doonaan ay ka helayaan bogga maxkamadda. Waxaa sidoo kale qoraalka lagu xusay in faahfaahinta jadwalka dhagaysiga oo dhammaystiran gadaal laga soo sheego doono. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa baahisay codka hoggaamiyaha ururkaas Axmed Cumar Abuu Cubeyda, isagoo ka hadlaya halgankii Daraawiishtii uu hogaaminayay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, kaas oo xiligiisii ay hadda ka soo wareegtay 100 sano. Abuu Cubeyda waxuu isbarbar dhigayaa halgankii Daraawiishta ee Sayidka iyo dagaalka ay Al-Shabaab ka wadaan Soomaaliya, waxuuna sheegay inay is shaabahaan, maadaama sida uu sheegay xilligaas ay Sayidka iyo Daraawiishtiisa ay ka hiiliyeen dad Soomaaliyeed. Hadda waxa uu sheegay in dagaalka ay ka wadaan Soomaaliya ay kula jiraan shisheeye, balse shisheeyuhu uu gacan ka helayo dad Soomaaliyeed oo ka hiilinaya iyaga, sida uu hadalka u dhigay, Sidoo kale hoggaamiyaha Al-Shabaab Abuu Cubeyda waxa uu sheegay in maanta xaaladda ka jirta Soomaaliya ay ka darantahay tii xilligii Daraawiishta, oo shisheeyihii xilligaas ay hadda soo casriyoobeen, sida uu hadalkiisa u dhigay. “Maanta waa sidii xiligii daraawiishta oo kale, waxaase intaas sii dheer in shisheeyihii maanta ay dibadaha ka keensadeen, kuwo ay soo carbiyeen oo tababar ay soo siiyeen, isla markaana sita aqoonsiga dowladaha shisheeye ee soo dirsaday,” ayuu yiri ninka hoggaamiya maleeshiyada Al-Shabaab.
-
Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka hadlay dhowr arrimood oo ku saabsan xaaladda deegaanada maamulka Puntland, isagoo is dul taagay dhowr qodob. Madaxweyne Deni oo wareysigan siiyey TV-ga Universal, qodobadii uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa maamulka dekedda Boosaaso ee shirkadda DP World, waxuuna qiray in dekedaas ay heysato caqabad maamul. Saciid Deni ayaa sheegay in DP World aysan fulin heshiiskii ay la gashay Puntland, isla markaana ay jiraan caqabado badan oo ku hor gudban heshiiskaas. “Shirkadda DP World heshiiska waxaa la gashay xukuumaddii naga horeysay, waa sax DP World waxaba kama qaban weli dekedda Boosaaso, laakiin markii la I doortay bil kadib waxaa la dilay nin ajanebi ah oo DP World ay u soo dirtay hormarinta dekedda, waxaa yaallay mashaariicdii lagu hormari lahaa dekedda, dilkiisa meelo badan ayuu galay, taasni waxay abuurtay caqabad weyn,” ayuu yiri Deni. Sidoo kale waxa uu sheegay in shirakadan dadka reer Puntland laga hor keenay oo borabogaando badan laga faafiyey, balse markii ay howshu bilaabatay oo ninkii la dilay loo soo magacaabay ay shaqadu toostay, dadkuna ay yara aamineen. “Markii dilku dhacay kadib, waxaan isla garanay anaga iyo shirkaddu in shilkaas uu dhacay oo laga gudbo, waxay naga balan qaaday DP World, in shaqadii lagu balamay ay qabaneyso… balse waqtigii ayaa dib u dhacay oo Covid-19 iyo gaabis noocaas ah ayaa dhacay, waxaan isku daynay inaan qaadno tallaabooyin,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Waxa uu sheegay in wixii ka dambeeyey markii ninka la dilay ay dekedda ka maamuli jireen Dubai, balse hadda ay shaqada si ku meel gaar ah uga joojiyeen maamulka shirkadda DP World, si is bedel loo helo. “Tan iyo markii maamulaha la dilay waxay ku shaqeyn jireen Abu Dubai oo dhaqaalaha lagu heshiiyey ee ka soo xarooda dekedda, iyagaa maamuli jiray, laakiin seddaxdii bilood ee u dambeysay waxaan ka joojinay inay maamulaan, si wadahadalkii aan dib ugu bilaawno, si ay shaqada ugu qabtaan sidii loogu heshiiyey ama nagu soo wareejiyaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne Deni. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa wareysigaan uga hadlay dhowr arrimood oo kale, sida xiriir xumida mar kasta dowladda dhexe kala dhaxeysa Puntland iyo sababta keenta, sicir bararka ka dhashay diidmada shilin Soomaaliga iyo sababta ka dambeysa, xarigga iyo xorriyad yarida hadalka ee xukuumadiisu ay ku kacdo iyo arrimo kale. Hoos ka Daawo wareysiga
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War-saxaafadeed goordhow kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu shaaciyey in Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu iclaamiyey shir kale o ay isugu imaanayaan madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4ta Maarso 2021 martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii laxiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka. Kulankan oo hal maalin soconaya wuxuu ku qabsoomayaa magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay qoraalka. “Waxaa looga gol leeyahay kulankan in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo. Ugu dambeyntii qoraalkan waxaa lagu yiri, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ahmiyad wayn siinaysaa hirgelinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta.” Horay waxaa u fashilmay shir uu sidaan oo kale u iclaamiyey Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, waxaana shirkaas si cad u diiday Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, iyagoo ka qeyb galkiisa ku xiray dhowr shuruudood. Illaa hadda ma cadda in Villa Somalia ay aqbashay shuruudihii labadaas madaxweyne, lamana oga inay ka soo qeyb geli doonaan shirkan, waxaase socda dadaalo xoog leh oo beesha caalamku ay isugu keneyso madaxda Soomaalida, si heshiis dhaba ay ugaa gaaraan doorashada dalka.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu 4ta Maarso 2021 martigelinayo munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii la xiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay Kulankan oo hal maalin soconaya uu ka qabsoomayo magaalada Muqdisho, islamarkaana looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020. “Kulankan oo hal maalin soconaya wuxuu ku qabsoomayaa magaalada Muqdisho, waxaana looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020.” “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ahmiyad wayn siinaysaa hirgelinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta.” Ayuu sii raaciyay Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo mar kale shir ku casumay Madaxda Dowlad Goboleedyada appeared first on Puntland Post.
