Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hay’ad fadhigeedu yahay dalka Biritan oo diiwaangelisa dadka rayidka ah ee ku waxyeellooba colaadaha laguna magacaabo Airwars ayaa sheegtay in weerarrada uu Maraykanku qaaday xilligii uu talada hayey Madaxweyne Donald Trump ay aad uga badnaayeen waqtiyadii madaxweynayaashiii ka horreeyey ee Barack Obama iyo George W. Bush. Airwars oo wax ka qorta waddamada Soomaaliya, Libya, Syria, Iraq, Yemen iyo Pakistan waxay sheegtay in maamulkii Trump uu Soomaaliya ka gaystay 276 weerar oo cirka ama dhulka ah intii u dhaxaysa 2017-kii ilaa 2021-ka, waxayna sheegtay in weeraradaas 205 ka mid ah rasmi ahaan loo shaaciyey. Taas marka la barbardhigo xilliyadii ay talada hayeen Obama iyo Bush ayey hay’addu sheegtay in Soomaaliya Maraykanku ka gaystay 67 hawlgal. Waxay sheegtay Airwars in xilligii Trump uu maamulku dabciyey xeerarkii u yaallay hawlgallada milatari ee Maraykanku Soomaaliya ka gaysanayey sida ay qortay jariidadda New York Times. Waxay sheegtay in sannadkii hore ee 2020-ka inkastoo uu jiray xanuunka Covid-19 haddana ay Somaaliya ka dhaceen 54 duqaymood. Airwars waxay sheegtay in duqaymaha Soomaaliya ay yaraadeen muddadii u dhaxaysay 17-ka May ilaa 9-ka Juulaay 2020-ka, waxayna taas la xiriirisay xanuunka Covid-19. Waxay sheegtay Airwars in ka sokow tirada badan ee duqaymaha inay hoos u dhaceen dadka rayidka ah ee lasoo sheegayo inay waxyeelladu kasoo gaartay sida ay diiwaangelisay hay’addaasi. Sidoo kale hay’addani waxay sheegtay in hawlaglada wadajirka ah ee ay qaadayeen Maraykanka iyo ciidamada Soomaalida ay u ekaayeen dagaallo rigliga ah. Tusaale ahaan ayey tiri hay’addu ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalidu waxay ku gulaysteen inay Al-Shabaab ka saaraan Jannaale sannadkii hore, waxaana hawlgalkaas dhinaca hawada ka taageeray ayey tiri lix duqaymood oo Maraykanku gaystay. Markii ugu horraysay muddo sannado ah ciidamada Soomaalida waxaa u suurtogashay inay xajistaan gacan ku haynta goobaha cusub ee laga qabsaday Al-Shabaab, sida ay sheegtay hay’addu. Waxaase dhinaca kale jirta in weli Al-Shabaab ay meelo badan ka haystaan gobollada Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool. Waxay sheegtay Airwars in hawlgalka ciidamada Maraykanka ee AFRICOM uu sameeyey daahfurnaan sannadkii 2020-ka kadib markii ay bilaabeen inay saddexdii biloodba mar daabacaan dadka rayidka ah ee waxyeelladu kasoo gaarto duqaymaha. Tallaabadaas darteed AFRICOM waxay qiratay in qof rayid ah uu ku dhintay saddex kalena ay ku dhaawacmeen duqayn ka dhacday nawaaxiga Jilib 2-dii Febraayo 2020-ka. Goor dambena AFRICOM waxay sheegtay in laba qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen duqayn ka dhacday Jilib 17-kii Febraayo 2020. Dhinaca kale waxay sheegtay Airwars in ururka Daacish ay ku sugan yihiin meel aad u yar oo ka tirsan Puntland, iyagoo cadaadis kala kulmay ciidamada Soomaaliya, Maraykanka iyo Al-Shabaab. Daacish waxaa sannadkii hore uu Maraykanku la beegsaday hal duqayn keliya. Ugu dambayn waxay Airwas sheegtay in tallaabadii ugu dambaysay ee maamulka Trump uu qaaday intii uusan xilka ka degin ay ahayd inuu boqollaal ciidamada Maraykanka ah kasoo saaro Soomaaliya, tallabadaas oo dadka qaar u arkeen inay timid xilli aan munaasib ahayn maadaama ay Soomaaliya doorasho isku diyaarinayso, balse dhinaca kale waxaa iyaguna soo dhoweeyey dhinacyo kale oo u arkay in Trump uu ka dhabeynayo soo af-jaridda dagaallada Maraykanku kaga jiray dibedda. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Airwars: Maamulkii Trumo wuxuu Soomaaliya ka fuliyay 276 oo weerarro cirka iyo dhulka ah appeared first on Puntland Post.
  2. Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa lagu helay dambi musuq-maasuq, waxaana lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah. Sarkozy ayaa maxkamad ku taalla Paris waxay ku heshay inuu isku dayey inuu si sharci-darro ah saameyn ugu yeesho garsoore maxkamadeed, intii uu madaxweynaha ahaa. Muddada xabsiga ayaa waxaa ku jira laba sano oo la hakiyey, oo macnaheedu yahay inay u badan tahay in Sarkozy uusan geli doonin xabsi. Waxaa hubanti ah in Sarkozy uu racfaan ka qaadan doono xukunka, islamarkaana uu xor sii ahaan doono, iyada oo aysan jirin amar soo xiritaan ah oo loo soo saaray. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Sarkozy oo xabsi lagu xukumay kadib markii dambi lagu helay appeared first on Puntland Post.
  3. Galka’yo (PP News Desk) — Unknown gunmen have assassinated Jamal Farah Aden, a veteran radio journalist, in north Galka’yo. Jamal was at a business premises when the gunmen had committed the murder and fled the scene. The gunmen also wounded a man who was at the business premises reportedly owned by Jamal. Unidentified gunmen assassinated Jamal Farah Aden in North Galka’yo Puntland police in North Galka’yo launched investigation into the murder case. Since 2015 more than five journalists have been assassinated in North Galka’yo controlled by Puntland State Administration. No group has claimed responsibility for the murder of Jamal. “We send our condolences to the family and relatives of Jamal” said Ali Ahmed, a journalist in Garowe. Jamal is survived by a wife and children. © Puntland Post, 2021 The post Gunmen Murder Veteran Journalist in Galka’yo appeared first on Puntland Post.
  4. Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ayaa qoraal ay soo saratay ku xaqiijisay inay mar kale dhageysan doonto dacwadda kiiska badda ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, bishan March. Qoraalka kasoo baxay maxkamadda Hague ayaa lagu sheegay in dhageysiga dacwadda ay billaaban doonto 3:00 pm 15-ka March 2021, ayna ka dhici doonto xarunta Peace Palace oo ah fadhigga Maxkamadda ee magaalada Hague ee dalka Neterhalnds. “Ayada oo la eegayo xaaladda cudurka saf-mareenka ah ee COVID-19, dhageysiga ayaa wuxuu u dhiic doona qaab online ah. Qaar ka mid ah xubnaha Maxkamadda ayaa dhageysiga uga qeyb gali doona xarunta, halka qaar kalena ay muuqaal ahaan kusoo geli doonaan,” ayaa lagu yiri qoraalka Maxkamadda ICJ. Maxkamadda ayaa intaas ku dartay in wakiilada labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ay dhageysiga uga qeyb-gali karaan hab goobjoog ama muuqaal ah. Waxay sidoo kale Maxkamaddu sheegtay in diblomaasiyiinta iyo suxufiyiinta ay sidoo kale kala socon karaan dhageysiga kiiskan website-ka Maxkamadda, iyo midka UN Web TV. Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa dhowaan ku gacan seertay codsi ay dowladda Kenya ku dooneysay in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska badda Soomaaliya, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya. Dowladda Kenya ayaa dhowaan codsatay in kiiska markii afaraad dib loo dhigo, ayada oo markan dood ka dhigatay inay dooneyso inuu u dhaco qaab weji ka weji ah, intii lagu qaban lahaa hab online ah, sida uu sheegay garyaqaanka guud ee dalkaas Ken Ogeto.
  5. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) strongly condemns the targeted and heartless killing of an independent journalist in northern Galkayo of Mudug region in central Somalia. Veteran Freelance Journalist Jamal Farah Adan, 56, was attached by two men armed at around 18:45 while he was seated in front of a shop owned by his family in Galkayo’s Siinay neighbourhood. The assailants shot him twice in the head and once in the neck, according to officials at Galkayo Medical Center (GMC) where he was pronounced dead by doctors. Puntland police immediately reached the crime scene, but the suspected killers have already escaped. Jamal Farah Adan who worked with several media houses in Puntland such as Radio Daljir, Radio Galkayo and Radio Garowe has been working as a freelance journalist in recent months. He has been recently criticizing Al-Shabaab and its operation in Mudug through radio programmes. According to two journalists in Galkayo who spoke to NUSOJ but cannot be named in fear of their safety, the late journalist told them in person on Friday, 26 February 2021, that he is receiving death threats, and was thinking of leaving Galkayo. “We condemn the horrendous and cold-blooded killing of Jamal Farah Adan in Galkayo which has become the second mostly deadly place for journalists in Somalia,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary General. “More and more independent voices are being silenced in Somalia at this critical time in the country’s history, when the people desperately need unfettered access to impartial information.” “This is a shocking murder, and we demand the Puntland authorities to give top priority to bringing the killers to justice. The previous killers of journalists in Galkayo have never been punished” added Osman. The killing of Journalist Jamal Farah Adan is the first death of a journalist in 2021 to be registered by NUSOJ. He left an extended family. View the full article
  6. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta la qaatay Madaxda Midowga Musharaxiinta kulan dhammeystir u ah heshiiskii 25-kii Febraayo ay gaareen Dowladda Federaalka iyo Midowga Murashaxiinta ayaa magacaabay labo guddi oo dhaqan-geliya qodobbadii horey la isula qaatay. Eng. Rooble ayaa dul istaagay muhiimadda ay leedahay in dhammaan loo midoobo marxaladdan muhiimka u ah dowladnimada dalkeenna, wadajirna lagu wajaho duruufaha siyaasadeed iyo caafimaad. “Kadib kulankii aan maanta la yeeshay Midowga Murashaxiinta,Madaxweynaha Hirshabelle & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan magacaabay 2 guddi oo ka shaqeyn doona arrimihii aan isla garannay; Guddiga qabanqaabada Dibadbax nabadeed & Guddiga baarista dhacdooyinkii 19-kii Febraayo.” Labada Guddi ee isku dhaf ka ah ayaa midkood ka shaqeyn doono sidii Midowga Musharaxiintu u qabsan lahaayeen isu soo bax nabdoon si wafaaqsan qodobka 20aad ee Dastuurka KMG, halka guddiga labaadna uu baaritaan ku sameyn doono dhacdooyinkii 19kii Febraayo 2021. Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Guddiga qabanqaabada bannaan baxa oo ka kooban 6 xubnood in ay mudnaan gaar ah siiyaan halista amni iyo midda caafimaad ee ku xeeran dalka, lana raaco tilmaamaha hay’adaha amniga iyo kuwa caafimaadka. Xubnahaas oo kala ah; 1.Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Xasan Xundubay Jimcaale 2. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) 3. Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Cadaala) 4. Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame 5. Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle 6. Musharax Madaxweyne Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow Guddiga labaad ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu magacaabay ayaa loo xilsaaray baaritaanka dhacdooyinkii 19kii Febraayo waxayna kala yihiin; S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobbe. 2. Col. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji 3. S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare 4. S/Guuto Maxamed Cali Bariise 5. G/le Dhexe Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud 6. Xuseen Macalin Maxamuud Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula dardaarmay guddiyadan in ay si hufan u gutaan waajibaadka Qaran ee loo igmaday. View the full article
  7. Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa ku dhawaaqday in Dacwadda badda ee u dhaxaysay Soomaaliya iyo Kenya ay dhacayso 15 bishan aynu ku jirno ee March, Fadhiga Dacwadda oo ka qabsoomaya Hoolka The Peace Palace ee Hague saacaddu markay tahay 3:00 Galabnimo, ayaa waxaa ka qayb galaya xubno ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda, halka inta kalana ay aaladda muuqaal aragga uga qayb galayaan. Wakiiladda dhinacyadda Dacwadda u dhaxayso waxay iyaguna noqon karaan Goobjoog ama muuqaal ayey uga qayb geli karaan sida lagu qeexay bayaan ka soo baxay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda. Diblomaasiyiinta, Wariyayaasha iyo Dadwaynaha waxay dhagaysiga Maxkamadda kala socon karaan Bogga Qaramadda Midoobay, kaasi oo si toos ah looga tebin doono dhageysiga dacwadda. View the full article
  8. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Bar___Qubanaha-132021.mp3 View the full article
  9. Guddiga kowaad oo Ra’iisul wasaare Rooble magacaabay islamarkaana ka shaqayn doona qaban-qaabada bannaanbax nabadeed oo looga horjeedo dowladda wuxu ka koobanyahay lix xubnood oo kala ah: 1.Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xasan Xundubay Jimcaale 2. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) 3. Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Cadaala) 4. Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame 5. Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle 6. Musharax Madaxweyne Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow. Guddiga labaad oo baaritaan ku samayn doona dhacdooyinkii Rabshadaha watay ee Jimcihii 19 February ka dhacay Muqdisho waxay kala yihiin: 1. S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobbe. 2. Col. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji 3. S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare 4. S/Guuto Maxamed Cali Bariise 5. G/le Dhexe Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud 6. Xuseen Macalin Maxamuud Go’aankan ayaa soo baxay kadib kulan gaar ah oo maanta dhexmaray Ra’iisul wasaare Rooble iyo Midowga Murashixiinta mucaaradka kaas oo ka qabsoomay Hoteel Decale Muqdisho. PUNTLAND POST The post Rooble oo magacaabay gudi qaban-qaabiya banaan-bax dowlada looga horjeedo appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhaw lasoo gabagabeeyey shirkii maanta magaalada Muqdisho uga furmay mas’uuliyiintii ka socotay dowladda federaalka ee uu hoggaaminayey ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta iyo golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya, kaas oo sida la sheegay ku soo dhamaaday is faham. Rooble ayaa kadib shirka magacaabay labo guddi oo dhaqan-geliya qodobbadii horey la isula qaatay. “Kadib kulankii aan maanta la yeeshay Midowga Murashaxiinta,Madaxweynaha Hirshabelle & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan magacaabay 2 guddi oo ka shaqeyn doona arrimihii aan isla garannay; Guddiga qabanqaabada Dibadbax nabadeed & Guddiga baarista dhacdooyinkii 19-kii Febraayo,” ayuu yiri Rooble. Labada Guddi ee isku dhaf ka ah ayaa midkood ka shaqeyn doono sidii Midowga Musharaxiintu u qabsan lahaayeen isu soo bax nabdoon si wafaaqsan qodobka 20aad ee Dastuurka KMG, halka guddiga labaadna uu baaritaan ku sameyn doono dhacdooyinkii 19kii Febraayo 2021. Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Guddiga qabanqaabada bannaan baxa oo ka kooban 6 xubnood in ay mudnaan gaar ah siiyaan halista amni iyo midda caafimaad ee ku xeeran dalka, lana raaco tilmaamaha hay’adaha amniga iyo kuwa caafimaadka. Xubnahaas oo kala ah; 1.Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Xasan Xundubay Jimcaale 2. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) 3. Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Cadaala) 4. Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame 5. Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle 6. Musharax Madaxweyne Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow Guddiga labaad ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu magacaabay ayaa loo xilsaaray baaritaanka dhacdooyinkii 19kii Febraayo waxayna kala yihiin; 1. S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobbe. 2. Col. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji 3. S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare 4. S/Guuto Maxamed Cali Bariise 5. G/le Dhexe Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud 6. Xuseen Macalin Maxamuud Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula dardaarmay guddiyadan in ay si hufan u gutaan waajibaadka Qaran ee loo igmaday.
  11. A Somali freelance journalist was shot dead on Monday night by unknown gunmen in the town of Galkayo in the central Mudug region. Local authorities have confirmed the murder of Jamal Farah Aden in the divided town and said the police have launched an investigation into the killing. There was no immediate claim of responsibility for the journalist’s killing. It marks the country’s first murder case in 2021 but comes months after an Al-Shabaab bomber killed at least 16 people outside a soccer pitch in the southern part of the city. View the full article
  12. Alla ha u naxariistee waxaa Gaalkacyo si toogasho ah loogu dilay Wariye Jamaal Aaden Aaden, oo ahaa Wariye aad looga yaqaan Deegaanka. Kooxo hubaysan ayaa Wariyaha dilay walina haybtooda lama yaqaan. Howlwadeenada Warbaahinta Puntlandi.com ayaa tacsi u dirayaa Caruurtii iyo Xaaskii Marxuumka iyo Guud ahaan Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, Isagana dambi dhaaf iyo Jano waarta Ayaan Ilaahay uga baryaynaa. Aaaaamiin Aaaaamiin The post Wariye Lagu dilay Gaalkacyo appeared first on . Source
  13. Maxkamadda ICJ waxay ay goordhaw ku dhawaaqday in dhegeysiga dacwadda Soomaaliya ee ka dhanka ah Kenya ee Badda labada dal uu billaaban doono Isniinta 15-ka bishaan Maarso, 3-da galabnimo wakhtiga Hague, Kuna beegan 5-ta galabnimo wakhtiga Soomaaliya. Maxkamadda ayaa sidoo kale ay shegtay in dhageysiga dacwadda lagu baahin doono barta Internetka ee Maxakamadda oo toos u sii deyn doonta iyo TV-ga Internetka ee Qarammada Midoobay. ICJ waxay sheegtay oo kale in xanuunka Covid darteed dhegeysiga dacwaddu uu isugu jiri doono online iyo goobjoog ah. Xubnaha Maxkamadda qaar ayaa soo xaadiri doona, qaar kalena video online ah ayay uga qeyb geli doonaan. Ergooyinka labada dalna waxay ahaan doonan ku isugu jira Online iyo goobjoogayaal. Maxkamaddu waxaa ay intaa ku dartay in ka hor xilligaa inta aan la gaarin ay shaacin doonto Jadwalka dacwadda oo faahfaahsan. Source: goobjoog.com
  14. Somalia on Monday made the face masks mandatory after rising in COVID-19 cases amid a deadlier second wave. Omar Mohamud Mohamed Filish, mayor of Mogadishu, the largest and most populated city in the country, announced the use of face masks in all public places mandatory amid the rising numbers of coronavirus cases and deaths. This is the first time face masks have been made compulsory since the first case was detected in March last year in the Horn of Africa country. “All businesses, such as shops, restaurants, banks, and service providers are instructed not to allow the people to their places of business if they are not wearing face masks,” a statement by the Mogadishu mayor said. Speaking to Anadolu Agency on Monday, health officials said the second wave wreaking havoc in Somalia is deadlier with a high transmission rate. Earlier Monday, the Somali health minister warned that the COVID-19 situation in the country is “dire” and called for strict adherence to health measures in fighting the disease. “The situation is dire but we are confident that with the rollout of vaccines in the near future we will be able to manage this second wave,” Fawziya Abikar said in a statement. Somalia recorded eight deaths and 266 new cases after 1,807 samples were tested in the last 24 hours. The country’s total number of COVID-19 cases now stands at 7,257, recoveries at 3,808, and fatalities at 239. View the full article
  15. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa caawa lagu dilay Weriye Jamaal Faarax Aadan oo mudo dheer ka howlgelayey deegaanada maamulka Puntland. Allaha u naxariistee koox ku hubetysan bastoolado ayaa caawa Weriyaha ku dishay agagaarka xerada Siinaay ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Jamaal Faarax Aadan oo ahaa weriye si weyn looga yaqaanay deegaanada Puntland ayaa mudooyinkii dambe ka howlgeli jiray waraabahinta Daljir. Kooxdii dishay Weriye Jamaal ayaa durba goobta ka baxsatay, waxaana caawa xaafadaha ka agdhow goobtii lagu dilay ka socdo howlgallo ay sameynayaan ciidamada ammaanka Puntland oo goobta soo gaaray dilka kadib. Weli ma jirto cid sheegatay dilka weriyahaan, sidoo kale kama hadlin hey’adaha amaanka Puntland.
  16. Marxuum Jamaal Faarax Weriye Jamaal Faarax Aaden oo ka tirsanaa Suxufiyiinta Puntland, ayaa Caawa lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Dabley hubaysan ayaa marxuumka ku toogtay meherad uu ku lahaa xaafadda Siinaay ee waqooyiga Gaalkacyo, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Booliiska Gobolka Mudug. Sidoo kale, waxa Rasaasta ku dhaawacmay nin kale oo marxuumka la joogay, kaas oo haatan lagu dabiibayo isbitaalka magaalada Gaalkacyo. Dableydii weerarka fuliyay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana hadda socda hawlgal Laamaha Amnigu ku baadi-goobayaan dableydaas. PUNTLAND POST The post Weriye Jamaal Faarax Aaden oo lagu dilay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  17. Allah ha u naxariistee Wariye Jamaal faarax Aadan oo ka tirsanaa suxufiyiinta ka hawl gala magaalada Gaalkacyo ayaa galabta maqribkii lagu dilay agagaarka xerada Siinaay ee magaalada Gaalkacyo. Ma cadda sida uu u dhacay dilka Wariyaha iyo cidd gaysatay toona, mana jirto cid sheegatay dilka suxufigaas. Horay waxaa magaalada Gaalkacyo uga dhacay dilal noocaan ah oo lala beegsaday mas’uuliyiin iyo dad rayid ah intaba kuwaas oo qaarkood ay sheegteen Al-shabaaab. View the full article
  18. Paris (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa maanta lagu helay dambi musuq-maasuq, waxaana lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah. Sarkozy ayaa maxkamad ku taalla Paris waxay ku heshay inuu isku dayey inuu si sharci-darro ah saameyn ugu yeesho garsoore maxkamadeed, intii uu madaxweynaha ahaa. Muddada xabsiga ayaa waxaa ku jira laba sano oo la hakiyey, oo macnaheedu yahay inay u badan tahay in Sarkozy uusan geli doonin xabsi. Waxaa hubanti ah in Sarkozy uu racfaan ka qaadan doono xukunka, islamarkaana uu xor sii ahaan doono, ayada oo aysan jirin amar soo xiritaan ah oo loo soo saaray. Xukunkan ayaa ah jahwareerkii ugu dambeeyey ee xirfadda siyaasadeed ee qasan ee 66 jirkan, oo soo xukumay France intii u dhaxeysay 2007 illaa 2012, welina ah mid ay jecel yihiin taageerayaasha siyaasadda midigta. Dambi ku helistan ayaa waxyeelo weyn ku ah soo laabasho kasta oo siyaasadeed oo laga yaabo in Sarkozy uu sameyn lahaa, inkasta oo uu beeniyey inuu damac kale ka leeyahay siyaasadda. Kahor Sarkozy, kaliya hal madaxweyne oo kale, oo ahaa macallinkii siyaasadda ee Sarkozy, madaxweyne Jacques Chirac ayaa la maxkamadeeyey markii uu xafiiska ka tegay, hase yeeshee waa looga cudur daaray inuu maxkamaddiisa musuq-maasuqa ka qeyb galo 2011-kii sabatoo ah wuu xanuunsanaa. Sarkozy ayaa lagu eedeeyey inuu u yaboohay garsoore inuu ka caawinayo inuu shaqo sare ka helo Monaco, taa beddelkeedna uu ka caawiyo in la joojiyo baaritaan lagu helay ololihiisa doorashada. Madaxweynihii hore ayaa maxkamadda u sheegay “inuusan marnaba gaysan ficil musuq-maasuq ah, haba yaraatee.” AFP
  19. (SLT-Hargeysa)-Agaasimaha wasaarada horumarinta caafimadka ee Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeyay in ay ka been abuurtay tirada dadka laga helay caabuqa Covid 19 ee gudaha Somaliland. Agaasimaha oo waraysi siiyay muuqbaahiyaha HCTV ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka been sheegtay xogta xanuunka Covid 19 ee Somaliland isla markaana anay jirin xidhiidh xog is waydaarsi oo ka dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya. “Ma jiro xidhiidh xog iswaydaarsi oo ka dhexeeya Jamhuuriyada Somaliland iyo dawlada wakhtigeedu dhamaaday ee Soomaaliya, marka xogta ay Somaliland ka sheegtaa waa xog been abuur ah, markaa dad dad koodii u sheegaya been, oo umadoodi been u sheegaya, umada reer Soomaaliya ee ay ku leeyihiin Somaliland intaasa laga helay, been bay u sheegayaan, beena waxay ka sheegayan xaalada dhabta ah ee ka jirta Somaliland, markaa anigu ma garan karo waxay uga jeedaan, 40 qof baa laga helay bay yidhaahdeen todobaad kahor, mar 40 laga helayna ma jirto” ayuu yidhi agaasimuhu. Agaasimaha aya intaa raaciyay in xogta dhabta ah ee ku saabsan heerka xanuunka ee gudaha Somaliland lagu baahiyo bogga wasaarada, warbaahintuna ay halkaa ka xigtaan. “Xogta dhabta ah ee Somaliland waxay ka soo baxdaa wasaarada horumarinta caafimadka, bulshadeenana waynu la wadaagnaa, idinkuna waad baahisaan, awal xogta intay meelaha ka qaataan bay waxaynu nidhaa sheegi jireen, lakiin imika waxay bilaabeen tu mala awaala oo aan jirinba, in ay usheegan dadkooda, taasina waa ceeb baan leeyahay” ayuu hadalkisa kusii daray agaasimuhu. Source
  20. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-habeen-132021.mp3 View the full article
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa Maanta Shir Gudoomiyey Kulan looga hadlayay Wacyigelinta Xanuunka safmarka ah ee Covid-19 oo ka dhacay degmada Shibis. kulankan oo ahaa mid xasaasi ah waxaa ka qeyb galay Gudoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud, Gudoomiyasha Degmooyinka, Saraakiisha Aminga iyo Agaasimayaal ka tirsan Waaxyaha Dowladda Hoose iyo Gobolka Banaadir. Muhiimadda kulanka wuxuu ahaa sidii dadka looga wacyi galin lahaa xanuunka Covid19, wuxuuna duqa Muqdisho amar ku bixiyo in qof walba xirto (af-xir) ama Mask, si ay ugu noqoto badbaado ugu yaraan. War-saxaafadeedka kasoo baxa Duqa Muqdisho waxaa akhriyay agaasimaha Guud ee Warbaahinta Gobolka Banaadir Cabdullaahi Wiish, waxaana la faray Goobaha Ganacsiga, sida Dukaamada, Maqaayadaha, Carwooyinka Bangiyada, xafiisyada bixiya adeegyada in aysan u ogolan qof aan heysan afxirasho in uu ka dukaameysto goobtooda Ganacsi. Milkiilayaasha Goobaha Ganacsiga ee ku yaalla Caasimadda waxaa la faray inay dhaqan geliyaan amarkaan kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir si looga digtoonaado faafitaanka Cudurka Coronavirus.
  22. (SLT-Paris)-Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa maanta lagu helay dambi musuq-maasuq, waxaana lagu xukumay saddex sanno oo xabsi ah. Sarkozy ayaa maxkamad ku taalla Paris waxay ku heshay inuu isku dayey inuu si sharci-darro ah saameyn ugu yeesho garsoore maxkamadeed, intii uu madaxweynaha ahaa. Muddada xabsiga ayaa waxaa ku jira laba sano oo la hakiyey, oo macnaheedu yahay inay u badan tahay in Sarkozy uusan geli doonin xabsi. Waxaa hubanti ah in Sarkozy uu racfaan ka qaadan doono xukunka, islamarkaana uu xor sii ahaan doono, ayada oo ayna jirin amar soo xidhitaan ah oo loo soo saaray. Xukunkan ayaa ah jahwareerkii ugu dambeeyey ee xirfadda siyaasadeed ee qasan ee 66 jirkan, oo soo xukumay France intii u dhaxeysay 2007 illaa 2012, welina ah mid ay jecel yihiin taageerayaasha siyaasadda midigta. Dambi ku helistan ayaa waxyeelo weyn ku ah soo laabasho kasta oo siyaasadeed oo laga yaabo in Sarkozy uu sameyn lahaa, inkasta oo uu beeniyey inuu damac kale ka leeyahay siyaasadda. Kahor Sarkozy, kaliya hal madaxweyne oo kale, oo ahaa macallinkii siyaasadda ee Sarkozy, madaxweyne Jacques Chirac ayaa la maxkamadeeyey markii uu xafiiska ka tegay, hase yeeshee waa looga cudur daaray inuu maxkamaddiisa musuq-maasuqa ka qeyb galo 2011-kii sabatoo ah wuu xanuunsanaa. Sarkozy ayaa lagu eedeeyey inuu u yaboohay garsoore inuu ka caawinayo inuu shaqo sare ka helo Monaco, taa beddelkeedna uu ka caawiyo in la joojiyo baaritaan lagu helay ololihiisa doorashada. Madaxweynihii hore ayaa maxkamadda u sheegay “inuusan marnaba gaysan ficil musuq-maasuq ah, haba yaraatee.” Source
  23. Haddii aad aragto, qof binu-aadam ah oo ka dhex rafanaya Facebook ana Youtube, oo muraaradillaacsan isla markaa doonaya inuu u jawaabo qof kastoo binu-aadam ah oo uu is leeyahay ama reerkiinna ayuu wax ka sheegay ama qof uu ku taxan yahay oo si uun xidhiidh ula leeyahay, ogoobey waa mid ka mid cudurrada halista ah ee mareegaha bulshadu ku xidhiidho laga helo. Wey badanyihiin BAXSIYADA ama RESEARCH yada ama Debates-ka in badan lagaga Hadley dhinaca taban (Negative side) ama madow ee mareegaha bulshada ( Black side of social media). Dhibaatooyinka Mareegaha bulshadu ku xidhiidho iyagoo badan waxaa ugu caansan: 1.Addictive- qabatin iyo ka maarmi waa qofku doono inuu mar walba moobilkiisa ama PC ku mashquulo oo faraha uun kula jiro isagoo baadhaya bal in wax dhaafeen. 2. Mental and physical health- Dhibaatooyin jidheed iyo kuwo maskaxeed oo ay abuurto, bal ka warran qof isku waajibiyey wax aan ilaahayba u diran oo mar walba ka cadhaysan qof meel ka Hadley ama SIyaasi afkiisa u xor ah oo meel wax ka sheegay oo uu raadiyo uun inuu ka daba tago warkiisa oo u jawaabo, goormuu qof soo Hadley jawaabtiisa soo afmeerayaa?, ma berry?, ma saaddanbe ? Lama yaqaan runti waayo hadal wuu jirayaa weligii ilaa adduunka lasoo duuduubo. 3. Lies and rumours- Been iyo waxaan jirin oo la faafiyo taasoo diin ahaan iyo dhaqan ahaanba aad u xun bal ka warran mareegaheenna oo xataa cinwaanka ay maqaalka siiyaan iyo waxa hoosta ku jiraa aaney is lahayn oo ay ku jirto KHIDCO ama khiyaamo si qofka loogusoo dhextuuro akhrinta maqaal been u badan. 4. Dependence the online groups or friends—waa qofkii uu bulshadii ku xidhmaya oo qudha qayb gaar ah sida reerkiisa oo meel isku urursada, saaxiibbo iskuul oo gaar ah, urur si uun u abaabulan o oleh ahdaaf mideysa taasoo keeneysa in qayb kale oo bulshada ah oo haddey doonto ta ugu muhiimsanba ah sida colimada diinta, kuwa khayrka ku midooba ama nooc kasta oo wanaag ah u abaabulan uu qofkii ka dhex siibanayo. Lasoco—- Wacays Caanood faraska1988@gmail.com Qaran News
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Hawlaha shaqo ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa hakad ku yimid saacado kadib markii ay shaqo joojin sameysay shirkadda qaabilsan baaritaanka boorsooyinka rakaabka. Shirkadda qaabilsan baadhitaanka boorsooyinka rakaabka ayaa sheegtay inaan la siinin lacago ay ku leeyihiin dawladda Soomaaliya, sidaasi waxaa sheegay mid ka mid ah mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Shirkadda Golden Horn Security ayaa qaabilsan baadhitaanka boorsooyinka, gaar ahaanna eyda u tababaran inay ururiyaan waxyaabaha halista ee laga shakiyo. Arrintan ayaa keentay inaan boorsooyinka la saarin diyaaradaha, taasina ay dib u dhac u keentay rakaabka iyo diyaaradaha. Mid ka mid ah shaqaalaha garoonka oo diiday in magaciisa la sheego sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo warbaahinta ayaa sheegay in shirkadda amniga Golden Horn Security lala galay wadahadal laguna qanciyey inay shaqada dib u billaabaan. Mid ka mid ah dadka ka dhoofayey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Airport saaka ayaa sheegay inuu dib u dhac ku yimid safarkiisa muddo saddex saacadood ah. Shaqada garoonka ayaa markii dambe caadi kusoo laabatay. Ilaa hadda dawladda Soomaaliya si rasmi ah ugama hadlin murakan keenay dib u dhaca hawlaha amniga xammuulka diyaaradaha.