-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta waxa uu amar ku bixiyey in bulshada caasimadda ay xirtaan Afsaarka (Face mask) si looga gaashaanto xanunka COVID19. Kaddib kulan ay isugu yimaadeen maamulka Gobolka Banaadir uuna shir guddoominayay duqa caasimadda ayna ka qeyb galeen Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud, Guddoomiyasha Degmooyinka, Saraakiisha Aminga iyo Agaasimayaal ka tirsan Waaxyaha Dowladda Hoose ee Xamar ayaa looga hadlay soo labo kacleynta cudurka safmarka ah ee COVID-19, kaasi oo dhibaato ba’an ku haya bulshadeena, waxaana uu maamulka soo saaray go’aamo lagu badbaadinayo bulshada ku nool caasimadda. Go’aanada waxaa ka mid ah in meelkasta oo ganacsi ah oo lagu iibiyo waxyaabaha kala duwan ama ha noqoto goobaha lacagaha la isugu xawilo in qof aan wadan Afxirasho (face mask) aan loo ogolaan inay gudaha u galaan oo ay ka ganacsadaan. Milkiilayaasha goobaha ganacsiga ayaa la faray inay dhaqan geliyaan awaamiirta ka soo baxday Maamulka gobolka ee ah in la qaato afxirashada (Face mask), si looga hortago cudurka COVID-19. Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir lagu wargeliyay inay la socdaan dhaqan gelinta amarada ka soo baxay Maamulka Gobolka ee la xiriirta ka hortagidda faafidda cudurka COVID-19, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Cabdullaahi Wiish. Agaasimaha Guud ee Warbaahinta Gobolka Banaadir. View the full article
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo midowga murshixiinta ayuu galabta kulan ugu furmay Hotel Decale ee Magaalada Muqdisho kaas oo looga hadlayo dhameystirka isfahamkii dhowaan labada dhinac ay gaareen. Kulanka ayaa waxay labada dhinac diiradda ku saari doonaan sii wadista isfahamkii 25 bisha Febraayo ay wada gaareen Dowladda Soomaaliya iyo murashixiinta. Kulanka ayaa lagu wadaa marka uu soo dhammaado in ay Warbaahinta la wadaagaan waxyaabaha la isku afgartay. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta uu shir uga bilowday Hotel Decale ee ku yaalla garoonka diyaaradaha Muqdisho ra’iisul wasaare Rooble iyo Musharaxiinta Mucaaradka, iyadoo uu shirka goob joog yahay madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi. Ilo ku dhaw shirka ayaa sheegaya inay jirto ujeeddo kale oo ku dhex qarsan shirkan la sheegay in looga hadlayo arrimaha ku saabsan doorashada iyo adkeynta heshiiskii la gaaray Khamiistii lasoo dhaafay. Wararka aan heleyno waxey sheegayaan in kulankaan lagu dhameynayo mad-madowga ku kala dhex jiray labada shaqsi ee iska badalay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble. Kheyre sanadkii lasoo dhaafay bartamahiisii ayaa si aan dastuurka waafaqsaneyn looga tuuray kursiga, sidoo kalana waxaa la inkiray warqad uu u diray ra’iisul wasaaraha xilka sii hayaha hadda, isagoo ka codsanaya inuu sida dastuurka qabo xilka ku wareejiyo. Mahdi Guuleed oo markaas sifo aan sharci aheyn loogu magacaabay inuu noqdo sii haye ayaa xilka ku wareejiyay Maxamed Xuseen Rooble, waxaana la aaminsan yahay in madasha maanta si gaar ah arintaas loogu dhameyn doono. Xasan Cali Kheyre oo aan kulankii Khamiistii kasoo qeyb galin, ayaa maanta soo xaadiray Decale, ujeedada ku dhex qarsoon shirka midowga musharaxiinta iyo Rooble ayaana lagu sheegay in labada masuul la is hor fariisin doono si loo dhameeyo mad-madowga ku kala dhex jira.
-
Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa soo jeedisay in xayiraad hor leh lagu soo rogo dalka si looga hortagga fiditaanka cudurka Karoona oo kusoo laba kacleeyay Soomaaliya. Fowsiya waxay sidoo kale sheegtay in ‘xaaladda ay tahay mid daran isla markaana lasii wadayo dadaallada lagu xakameynayo cudurka” ayay ku qortay barta ay ku leedahay Twitter-ka. Waxaa maalmihii u dambeeyay si kordhayay tirada dadka u dhimanaya cudurka Covid-19 ee Soomaaliya, sida ku cad xog ay baahisay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya. Khubarada caafimaadka ayaa rumaysan in Soomaaliya ay hadda wajahayso mowjaddii labaad ee Covid-19,loo baahan yahay in dadka si weyn looga wacyigeliyo khatarta cudurka. View the full article
-
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta markale ka furmay shir u dhexeeya ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo midowga musharraxiinta mucaaradka. Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa ka billowday hotelka Decale ee magaalada Muqdisho, waxaana looga hadlayaa xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka. Waxaa shirka goobjoog ah wejiyo cusub oo ka maqnaa shirkii hore ee heshiiska lagu gaaray, sida ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan. Sidoo kale waxaa kulankan furmay goobjoog madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe). Gabagabada ayaa la filayaa in war-murtiyeed laga soo saaray shirkan oo la doonayo in xal mideysan looga gaaro is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalke ee 2021-ka. View the full article
-
Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi saraakiil ciidan ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ah gaaray gudaha Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay. Taliyaha waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya saraakiil sare oo AMISOM ka tirsan, waxaana soo dhoweyn loogu sameeyay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif. Taliye Odawaa ayaa inta uu ku sugan yahay Baladweyne wuxuu kormeer kala duwan ku sameyn doonaa Xerooyinka Ciidamada Dowladda deegaanadaas, gaar ahaan xarunta Baladweyne,wuxuuna xog-wareysi la yeelan doonaa saraakiisha ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Hiiraan la howlgala. Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa si gaar ah xoogga u saari doono dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Guddig Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo maanta soo saaray war saxaafadeed ayaa golaha wadatashiga qaran ugu baaqay in si deg deg ah u kulmaan si loo xaliyo tabashooyinka ka soo laabtay heshiiskii 17 September 2020. Qoraalka ayaa lagu sheegay in guddigu soo dhaweynayo isfahamkii dhowaan wada gaareen xukuumadda Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta, waxayna ku baaqeen in la sii wado wadahadaladda si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah. Guddiga ayaa sheegay in sida keliya marxaladda xasaasiga ah looga gudbi karo ah tahay qabashada doorasho loo dhan yahay, taas oo ay sheegeen in ay diyaar u yihiin qabashadeeda. View the full article
-
Waxaa siibadanaya dadka lagahelayo caabuqa Korona Virus (COVID19). Dhamaan Bulshada Soomaaliyeed waxaa lagu wargelinayaa inay qaataan taxadar Dheeraad ah raacaanna talooyinka: Fadlan Xiro Af-Xirka si joogto ah. Markasta u jirso qofka kale ugu yaraan 2 mitir Gamcaha ku dhaqo Saabun iyo Biyo. Waxaa taxadar gaar ah iyo ilaalin ubaahan Dadka Waaweyn iyo kuwa lanool Xanuunada Macaanka, Dhiigkarka iyo kuwa tabarta daran. Qofkii isku og awood yari iyo difaac yari fadlan hala xiiriiro dhakhtarkiisa oo kor ha uqaado difaaca jirkaaga. Haddii aad isku aragto calaamaddaha caabuqa Korona Virus, fadlan wac oo laxiriir 449 si laguusiiyo talooyinka kuguhaboon. Fadlan si deg deg ah ugu dhaqaaq talooyinka si aad caabuqaan Covid19 oga badbaadiso Naftaada, Walaalahaaga, Waalidkaaga iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed. Mahadsanidiin. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hotel-ka Decale ee ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaa ka bilowday shirkii sii hayaha ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble iyo midowga musharaxiinta, iyadoo ay jiraan wajiyo cusub oo ka maqnaa shirkii khamiistii dhacay. Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulankaan ku casuumay midowga musharaxiinta iyadoo laga wada hadli doono arrimo ku saabsan sidii ay Midowga uga qeyb gali lahaayeen shirka ku saabsan arrimaha doorashooyinka. Shirka waxaa goob joog ah ra’iisul wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kulankii Khamiistii ka maqnaa, markii ugu horreysay ayey is hor fariisan doonaan isaga iyo ra’iisul wasaarahii xilka ka badalay Maxamed Xuseen Rooble. Shirka sidoo kale waxaa jooga madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi (Guudlaawe) iyo sidoo kale madaxweynahii hore maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan oo kulankii hore ka maqnaa. Sida la filayo shirkaan waxaa xigi doona in sii hayaha ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble uu codsi u diri doono madaxda maamul goboleedyada si la isugu yimaado shir ay korjoogto ka noqoto beesha caalamka isla markaana dhinacyada kala duwan ka qeyb galaan. Maxamed Xuseen Rooble wuxuu hadda u muuqdaa mid qaadanaya doorkiisii ka gudbinta marxaladda kala guurka ee wadanka.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WHM/240-718/03202 ku go’aamiyey in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland bixiso lacagta Deebaajiga ah ee Murashixiinta Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ku: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Og: Guddoomiyaha Xisbiga UCID Og: Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Og: Xisbiga KULMIYE Og: Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Og: Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Og: Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ujeeddo: Deebaajiga Murashixiinta ee Haweenka iyo Dadka-La-Hayb Sooco Mudane Wasiir, Sida aad la socoto Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020 Qodobka 68aad iyo Qodobka 83aad waxa ay ku waajibinayaan Murashixiinta Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka in ay bixiyaan Lacag Deebaaji ah, kuna shubaan Xafiiska Cashuuraha Barriga ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. Haddaba, si ay xukuumaddu u dhiirigaliso ka qayb-galka Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco waxaan go’aamiyey in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland bixiso lacagta Deebaajiga ah ee Murashixiinta Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco. Sidaa darteed, waxa aan ku war-gelinayaa Xisbiyadda Qaranka in ay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda u gudbiyaan faah-faahinta murashixiinta kor ku xusan ee shuruudihii sharciga buuxiyey. Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda waxa la farayaa in ay bixiso lacagta sharcigu ku waajibiyey murashixiinta kor ku xusan ee shuruudaha buuxiyey ee ay kuu soo gudbiyaan Guddoomiyayaasha Xisbiyada Qaranku. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Source
-
Garowe (PP News Desk) — Puntlnad local media was the target of a criticism by President Said Abdullahi Deni in a speech at an event organised by Media Association of Puntland in Garowe on Saturday. “Puntland had high profile journalists such as Abdinur Sheikh Mohammed Ishaq. Today we don’t have journalists with similar calibre who can conduct interviews or investigative reporting” said Presiden Deni. President Deni questioned the training Puntland journalists undergo “given their poor skills and the low quality of their media output”. President Deni questions the calibre of Puntland journalists. Under the President’s Deni administration journalists have been court-martialed, a legal process put in place to put terrorist suspects on trial. Other measures introduced by Puntland include the centralisation of governments news. Local journalists cannot report from governments meetings or parliamentary sessions. Puntland State media distributes information and images about meetings. Last week, Puntland authorities arrested a journalist who conducted a vox pop on a policy speech by Puntland President. “Puntland President expects the local media to toe the government line. He criticised independence of the media necessary for any society that values political accountability. I don’t think political associations in Puntland do not share President Deni’s view ” said a researcher with one of Puntland think tanks. © Puntland Post, 2021 The post Puntland President Criticises Local Media, Ignores Repression by Government appeared first on Puntland Post.
-
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimow ayaa xaqiijiyay in galabta kulan lagu dhammeystirayo heshiiskii Decale uu dhaxmari doono Midowga Musharixiinta iyo Ra’iisal Wasaare Rooble. Kulanka ayaa ka dhici doona Decale, Wuxuuna salka ku hayaa heshiiskii 25 bishii Febraayo dhacay. Xukuumaddu waxay dadaal dheeri ah ku bixinaysaa sidii ay ula fariisan laheyd cid walba oo ka aragti duwan si dalka uu doorasho u galo. View the full article
-
Guddiga ku-meelgaarka ah poorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa xaruntiisa kula shiray wasiirada wasaaradaha Puntland ee ay wada shaqeynta leeyihiin, kulanka waxaa kasoo qaybgalay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Amniga, Caddaaladda, Caafimaadka, Dhalinyarada iyo Warfaafinta. Guddoomiyaha TPEC Guuleed Saalax Barre oo soo dhaweeyey wasiirada ayaa warbixin ka siiyey waxqabadkii Guddiga intii u dhexeysay shirkan iyo kii ka horeeyey ee wasiirada Puntland iyo TPEC. Guddigu wuxuu wasiirada u sheegay in la dhammeystiray xeerarka iyo hab-raacyada lagama maarmaanka u ah in doorasho ka dhacdo 3-da degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufdeyn, bartamaha sanadkan. Kulankan oo ka mid ahaa shirarka TPEC ay la yeelato mas’uuliyiinta hay’adaha dawladda ayaa looga wadahadlay u diyaargarawga doorashooyinka soo aaddan iyo sidii hay’adaha dawladdu ugu diyaargaroobi lahaayeen. Sidoo kale waxaa intii shirku socday la isku raacay in dhawaan la magacaabo Guddiga Amniga Doorashooyinka Puntland. Wasiiradu waxay adkeeyeen in ay dhankooda diyaar la yihiin qaybaha kaga aaddan qorsha TPEC ee hirgalinta doorashooyinka 3-da degmo, sida wacyi-galinta, amniga goobaha cod bixinta, daryeelka, caafimaadka iyo faya-qabka goobaha diiwaangalinta iyo cod bixinta. Doorashada 3-da degmo ee Eyl, Qardho iyo Uffayn ee bartamaha 2021 dhacaya, waxaa xigi doonta doorashada ka dhici doonta dhammaan degmooyinka kale ee Puntland. PUNTLAND POST The post TPEC oo la shiray Guddiga Wasiirada Puntland u qaabilsan Doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-132021.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa in maanta uu qabsoomo shir ay yeelan doonaan sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble iyo midowga musharaxiinta madaxweynaha. Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo xog ogaal ah, Maxamed Xuseen Rooble wuxuu markii hore dalbaday in kulankaan uu ka dhaco madaxtooyada Soomaaliya, balse waa lagu gacan seyray, taasna waxey keentay in shirka loo wareejiyo hotel Decale. Sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble wuxuu u muuqdaa mid kaalintiisii qaadanaya, kulankii uu la yeeshay Beesha Caalamka kadib, waxaa la filayaa inuu isugu yeero madaxda maamul goboleedyada si loo amba-qaado dhabbaha lagu gaari karo heshiis doorasho oo lagu wada qanacsan yahay. Beesha Caalamka waxey soo jeedisay in ilaa bartamaha bishaan la helo jadwal doorasho oo loo dhan yahay, la meel mariyo heshiiskii 17-kii September 2020 ka dhacay Muqdisho, iyadoo lagu lifaaqaayo isfahamkii guddiyada farsamada dhinacyada ee ku shiray Baydhaba. Si kastaba waxaa jira waxyaabo badan oo ku hor gudban doorashada dalka, waxaana jira shuruudo badan oo ay soo gudbiyeen maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaldn, sidoo kalana midowga musharaxiinta. Dhamaan shuruudahaas waa ku adag oo si weyn uga soo horjeeda sii hayaha xilka madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo aan la fileynin inuu shirka soo aadan qeyb ka noqdo.
-
(SLT-Tehran)-Xukuumadda Iran ayaa sheegtay in ayna ka qeyb geli doonin shirar hor-dhac ah oo ay ku baaqeen Midowga Yurub in ay ku kulmaan dhammaan saxeexayaashii heshiiskii Nukliyeerka ee 2015. Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda ee IRAN, Saciid Khatibzadeh oo sheegay in go’aankooda la xadhiidho hab dhaqanka khaldan iyo hadallada kasoo yeedhaya Maraykanka iyo qaar kamid ah wadamada EU-da. Iran ayaa sharuud uga dhigtay dib-u-dhaqangelinta heshiiskii 2015, in marka hore Maraykanka uu qaado xayiraadii ay xukuumadii hore ee Trump ay kusoo rogtay Tehran. Maamulka cusub ee Maraykanka ee Joe Biden ayaa dhankoodana sheegay in marka hore wadahadalka la furo isla markaana meesha ka saartay in hadda la qaadi doono cunaqabateynta. Midowga Yurub ayaa toddobaadkan soo jeediyey in la isugu yimaado kulamo horudhac ah oo ay ka qeyb galaan Iran, Maraykanka iyo dalalkii kale ee heshiiskaasi wax ka saxeexay oo ay ku jiraan Ruushka iyo China. Source
-
Maanta waxaa Qado ku leh Hotel Decale ee Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho Raysal wasaaraha Xilka sii haya iyo Mucaaradka, wararka la helayo waxay sheegayaan in halkaas looga dhawaaqi doono laba Gudi. Labada Gudi oo labada dhinac ka kala socda ayaa waxay kala ahaan foonaan., Gudiga qabanqaabada Mudaharaadka loogasoo horjeedo Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Gudiga Xaqiiqa raadinta dhacadadii Jamcada 19 Feb.2021 ee ay Ciidamada Dowladu ku xabadeeyeen Mudharixiinta Madaxweynaha. Raysal wasaare Rioble ayaa hada u muuqda Nin Ciyaaraya Doorkiisa Raysal wasaaranimo xiliga kala guurka, Laakiin su’aasha la isweydiinayo ayaa waxay tahay Sider Raysal wasaaruhu qayb uga yahay Abaabulka Mudaharaad loogasoo horjeedo Madaxweynihii Farmaajo? Puntlandi.com The post Raysal wasaaraha KMG iyo Mucaaradka oo laba Gudi dhissya appeared first on . Source
-
Qaar kamida Mucaaradka ayaa ka horyimid in Safiirka Cusub ee Ingiriiska u fadhiyi doona Soomaaliya Ms Kate Foster ay waraaqeheeda safiirnimo u gudbiso Madaxweyne Farmaajo. Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa nasiib daro ku tilmaamay in Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaadey uu Wali Dharciga ku xadgudbay, waxaa iyana sharci jabin ah in Safiirada Ingiriisku ay waraaqeheeda Aqoonsiga u gudbiso Madaxweyne Wakhtigiisu dhamaadey, wuxuu yiri sidaan hoose. “Waxay noqon doontaa jebin sharci & qalad siyaasadeed haddii safiirka cusub ee (UKinSomalia) ee Soomaaliya ay u soo bandhigto warqaddeeda aqoonsiga oo ay u dhiibto Farmaajo oo waqtigiisu ku ekaa 8dii Febraayo.”. Safiirka Cusub ee Ingiriiska ayaa lasoo magacaabay Bishii Janaayo, waxayna Xafiiska la wareegtay Bidhii Feberaayo. Puntlandi.com Muqdisho The post Mucaaradka oo kasoo horjeestay In Safiirka Cusub ee UK uu Waraaqaha Aqoonsiga gudbiyo Madaxweyne Farmaajo appeared first on . Source
