-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wakiilada beesha caalamka ayaa soo dhoweeyey wada-hadallada u dhexeeya xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo xubnaha midowga musharraxiinta. Qoraal kasoo baxay beesha caalamka ayaa waxaa lagu sheegay inay muhiim tahay in lasii wada dadaallada la doonayo in xal mideysan looga gaaro doorashooyinka 2021. Sidoo kale wakiilada beesha caalamka ayaa ku baaqay in la dadajiyo qabashada shirka wada-tashiga ah ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka. Halkan hoose ka aqriso:- Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay soo dhoweynayaan sii socoshada wadahadalada 1dii Maarso ee u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha. Kadib shirkii guusha kusoo dhammaaday ee 25kii Febraayo, saaxiibadu waxay ka codsanayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha inay ku tallaabsadaan horumar hor leh. Waxaan sidoo kale ku boorineynaa madaxda DFS iyo DGXF inay qabtaan shir-madexeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember, loona soo gabagabeeyo dib u eegista soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo si geedi-socodka doorashada uu u bilaawdo iyadoo aanay jirin dib u dhac dambe. Warkaan kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shir isugu yeeray Madaxda dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo wali aysan jirin wax isku soo dhawaansho ah oo laga gaaray shirka la rabo iney isugu yimaadaan madaxda Dowladda Federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah, ayey dowladda Mareykanka si adag kaga hadashay xaaladda cakiran ee dalka. Safaaradda Mareykanka ay ku leedahay Muqdisho ayaa twitter-ka soo dhigtay qoraal ay ugu baaqeyso madaxda dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah iney si dhaqso leh ku kulmaan isal markaana gaaraan go’aan u fiican umadda Soomaaliyeed, iyadoo laga rabo iney dhameystiraan arrimaha doorashooyinka. Qoraalkaan oo ay uga jawaabayeen baaq kasoo baxay beesha caalamka oo adkeynayay in horay loo wado wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo midowga musharaxiinta, laguna baaqayay in si dhaqso leh la isku arko ayaa u qornaa sidaan: “Waqtiga wuu socdaa, waxaan ku boorineynaa dowladda Federaalka iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah iney hadda kulmaan, sameeya wax u wanaagsan dadka oo dhameystira doorashada” Time is running out. We urge the FGS and FMS leaders to meet now, do the right thing for the people of #Somalia, and complete this #election. https://t.co/4dMlRTLy7h — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) March 2, 2021 Hadalka kasoo baxay safaaradda Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shir hal maalin ah ku baaqay Khamisita oo ay taariikhdu ku beegan tahay 4-ta March, isagoo sheegay in la rabo in lagu saxiixo kaliya is fahamkii lagu gaaray Baydhaba. Lama oga in qoraalkaas kasoo baxay Villa Soomaaliya la hirgalin doono iyadoo aysan wali ka hadlin madaxda maamul goboleedyada, sidoo kalana aysan ka hadlin beesha caalamka. Dadka siyaasadda ka hadla waxey leeyahiin, shirka la rabo in xal looga gaaro arrimaha taagan ee doorashooyinka maahan mid hal maalin loo asteyn karo, waa mid la rabo in lagu gaaro heshiis wadareed la iskula meel dhigo waxyaabo badan oo khuseeya xaaladda kala guurka ah ee Soomaaliya.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-232021.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wafti uu hoogaminayo Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo uu wehelinaayo Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye gaas Nuux Ismaacil Taani iyo hoggaamo katirsan taliska guud ee ciidanka qaranka jsl ayaa gaadhay jiida hore ee ciidanka Qaranka Somaliland ee gobolka Sool. Waftiga uu hoggaaminayo wasiirka Gashaandhigu markii ay gaadheen magaalada lasacanood ee xarunta gobolka sool waxaa halkaas kusoo dhaweeyay Taliyaha Aaga Bari ee Ciidanka Qaranka jsl S.guuto Cali Bare Xuseen. Wasiirka gashaandhiga oo uu wehelinayo Taliyaha Guud Ee Ciidanka Qaranka jsl ayaa salaan ka qaatay Cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka ee ku sugan lasacanood.wasiirka iyo Taliyaha ayaa sidoo kale warbixino ka dhagaystay Saraakiisha Ciidanka Qaranka ee ku sugan jiida hore lasacanood. Intaasi ka dib waftiga ayaa bilaabay kormeerka fadhiisamada ciidanka Qaranka ee ku sugan lasacanood oo ka mid ah kormeeradii ay ugu kuur gali jireen xaalada Ciidanka Qaranka jsl. Waftiga ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona gobolada barriga Somaliland iyagoo gaadhi doona jiida ugu horeysa ee Ciidanka Qaranka Somaliland ee Tukaraq iyo Jiidaha Kale ee Gobolada Barriga Somaliland. Source
-
International partners* welcome the continuation of talks on 1 March between the Federal Government of Somalia Prime Minister Mohamed Hussein Roble and the Council of Presidential Candidates. After the successful meeting on 25 February, the partners appeal to the Prime Minister and the Council of Presidential Candidates to make further progress. We also urge FGS and FMS leaders to hold the planned summit in the coming few days to confirm implementation plans for the 17 September agreement and conclude the review of the 16 February Technical Committee proposals so that the electoral process can begin without further delay. View the full article
-
Maxay yihiin qareennada hoggaaminaya Dacwadda Kenya ee ICJ?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Prof. Sean D. Murphy Maxkamadda Cadaallada Adduunka ee ICJ ayaa shaacisay in 15-ka bishan ay billaabeyso dhegaysiga dacwadda muranka xuduudda badda ee u dhexaysa Soomaaliya iyo Kenya. Qareennada labada dhinac ayaa isu diyaarinaya sidii ay kiisas adag ula tagi lahaayeen maxkamadda, waxaana Kenya ay qoratay qareenno cusub sida uu shaaciyay wargeyska The Standard ee ka soo baxa Nairobi. Kenya ayaa bishii hore laga diiday codsi ahaa in dib loogu dhigo dhegaysiga dacwadda, iyadoo soo bandhigtay sababo uu ka mid yahay cudurka Covid-19. Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay dhegaysiga dacwadda, Kenya-na aan laga aqbali karin dib u dhac kale. Hadaba Maxay yihiin qareennada hoggaaminaya dacwadda Kenya ee ICJ? Prof. Sean D. Murphy iyo Garsoore Tullio Treves ayaa hoggaamin doono qareennada Kenya oo ka kooban sideed xubnood. Waa dad aqoon duruqsan u leh murannada xuduud badeedka, waxayna horay u mataleen dalal kale. Prof. Murphy Prof. Sean D. Murphy Prof. Murphy, waa aqoonyahay xiriirka caalamiga ah ka dhigay Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda The George Washington, halkaas oo uu bare ka ahaa tan iyo 1998. Ka hor inta aanu bare ka noqon jaamacaddaas, waxa uu lataliye sharci u ahaa safaaradda uu Maraykanka ku leeyahay magaalada The Hague, isagoo Maraykanka ku matalayay maxkamadda gaarka ah ee loo sameeyay tacaddiyadii ka dhacay Yugoslavia. Waxa uu qareen u ahaa oo uu maxkamadaha caalamiga ah ku matalay dalal ay ka mid yihiin Itoobiya, Urdun, Kosovo, North Macedonia, Suriname, iyo Maraykanka. Garsoore Tullio Treves Waxa uu ahaa garsoore ka tirsan Maxkamadda Caalamiga ah ee Shuruucda Badaha, sanadihii 1996 illaa 2011. Kiisaska muhiimka ah ee uu hoggaamiyay waxaa ka mid ah dacwaddii ay isku hayeen Faransiiska iyo Canada oo ku muransanaa xuduud badeedda jasiiradda Saint-Pierre-et-Miquelon. Waxa uu hadda ka mid yahay qareennada Peru ee dacwadda kala dhaxaysa Chile, taas oo weli hortaalla maxkamadda ICJ. Waa bare jaamacadeed oo shuruucda caalamiga ah ka dhiga kuliyadda sharciga ee Jaamacadda Milano, shaqadaas oo uu hayay tan iyo 1980. Garsoore Tullio Treves Qareennada kale ee matalaya Kenya ayaa kala ah: Phoebe Okowa, Makane Mbengue, Laurence Boisson De Chazournes, Christian Tams iyo Eran Sthoeger oo dhammaantood barayaal jaamacadeed ah. Waxaa caawin doona Coalter Lathrop oo ku xeel-dheer qiimeynta juquraafiga. Soomaaliya ayaa sannadkii 2014, dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay maxkamadda ICJ, iyadoo doonaysa in cabbirka xadka badda labada waddan si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo. Baaxadda ay ku fadhido badda lagu muransan yahay ayaa gaaraysa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah. Qaran News -
(SLT-Hargeysa)-Sheekh Adaan Xaaji Maxamuud (Sheekh Adaan Siiro) ayaa xaalad caafimaad loo dhigay cisbitaalka ku yaalla magaalada Hargeysa Sheekh Maxamed Idiris oo ka hadlay xaalad caafimaad ee la soo daristay Sheekh Adaan Siiro ayaa waxa uu yidhi “Waxaa i soo gaadhey in Sh. Adam Xaaji Maxamuud (Sh. Adan Siiro) xanuunsanyahay oo cisbitaalka Hargeysa la dhigay, Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu caafimaad siiyo, xanuunkana dembi dhaaf uga dhigo. Sh. Adan wuxuu ka mid yahay culimada Hargeysa ugu magac dheer, taariikh dheerna ku soo jirey dacwada iyo arrimaha bulshada, Ilaahay khayr ha ka siiyo. Sh. Adan wuxuu igu soo dhoweeyey magaalada Hargeysa 1993 iyadoo dadku dib markaas ugu soo noqonayo, magaaladana bur bur badani ka muuqdo oo guryaha in badan saqafku ka maqan yahay, xitaa masaajidda qaarkood, maantana Hargeysa waa xaalad taas ka duwan, Ilaahay baa mahaddaas leh, nabad iyo barwaaqo ha u siyaadiyo, sh. Adan Ilaahay caafimaad ha siiyo.” Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Beesha caalamka ayaa soo dhaweysay wada hadallada socda ee ay yeelanayaan Dowladda Soomaaliya iyo Midowga musharaxiinta madaxweynaha kaas oo markii labaad shalay la isku arkay. “Saxiibada Soomaaliya, waxay soo dhoweynayaan sii socoshada wadahadalada 1dii Maarso ee u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha. Kadib shirkii guusha kusoo dhammaaday ee 25kii Febraayo, saaxiibadu waxay ka codsanayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha inay ku tallaabsadaan horumar hor leh,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka. Inkastoo aysan soo hadal qaadin baaqii xalay kasoo baxay Villa Soomaaliya ee qeexayay in shir la isugu yimaado Khamiista oo ay taariikhda ku beegan tahay 4-ta Maarso, hadana waxey ku baaqeen in si dhaqso leh shir la isugu yimaado isla markaana aysan dib u dhac ku imaan ka hadalka arrimaha doorashada. “Waxaan sidoo kale ku boorineynaa madaxda DFS iyo DGXF inay qabtaan shir-madexeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember, loona soo gabagabeeyo dib u eegista soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo si geedi-socodka doorashada uu u bilaawdo iyadoo aanay jirin dib u dhac dambe,” ayey yiraahdeen xubnaha beesha caalamka. Dowladda Federaalka iyo Midowga musharaxiinta waxey fadhiyadooda labada ah ku gaareen go’aamo muhiim ah, sida in wadajir loo qabto dibadbax nabadeed oo dhaca sabtida 6-da Maarso, sidoo kalana la xulay guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeya arrinkaas. Inkastoo Khamiista ay wajiga saddexaad u balansanaayeen labada dhinac hadana qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu iclaamiyay shir hal maalin ah oo maalintaas qabsoomaya ayna yeelanayaan dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah iyo maamulka gobolka Banaadir. Beesha caalamka kama hadlin qoraalka kasoo baxay aqalka Madaxtooyada, mana jirto cid soo hadal qaaday oo ka hadashay, iyadoo taas badalkeeda ay beesha caalamka bogaadisay wixii kasoo baxay wajiga labaad ee shirkii Hotel Decale.
-
Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa soo dhoweeyay sii socoshada wadahadalada 1dii Maarso ee u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha. “ Kadib shirkii guusha kusoo dhammaaday ee 25kii Febraayo, saaxiibadu waxay ka codsanayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha inay ku tallaabsadaan horumar hor leh.” Ayaa lagu yiri Qoraalka Beesha Caalamka. Sidoo kale waxay madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ku boorriyeen in ay qabtaan shir-madexeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember, loona soo gabagabeeyo dib u eegista soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo si geedi-socodka doorashada uu u bilaawdo iyadoo aanay jirin dib u dhac dambe. Qoraalka waxa si wadajir ah u soo saaray Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo taageertay Shirkii Farmaajo ku baaqay appeared first on Puntland Post.
-
Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka oo goordhow qoraal soo saaray ayaa soo dhoweeyey wada haddala ay dowladda iyo mucaaradka yeesheen iyaga oo ku baaqay in si degdeg ah loo qabto shirkii doorashada. Qoraal kasoo baxay ayaa lagu yiri sidan: Saxiibada Soomaaliya, waxay soo dhoweynayaan sii socoshada wadahadalada 1dii Maarso ee u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha. Kadib shirkii guusha kusoo dhammaaday ee 25kii Febraayo, saaxiibadu waxay ka codsanayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha inay ku tallaabsadaan horumar hor leh. Waxaan sidoo kale ku boorineynaa madaxda DFS iyo DGXF inay qabtaan shir-madexeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember, loona soo gabagabeeyo dib u eegista soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo si geedi-socodka doorashada uu u bilaawdo iyadoo aanay jirin dib u dhac dambe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The Somali Ministry of Health on Monday said it’s planning to reintroduce COVID-19 restriction measures aimed at containing the spread of the virus amid the resurgence of infections across the country. Fawziya Abikar Nur, Minister of Health and Human Services warned that the COVID-19 situation in Somalia is dire and called on citizens to adhere to health measures that were introduced by the health ministry to curb the spread of the deadly virus. “Please maintain social distancing and avoid large gatherings at all costs. The situation is dire but we are confident that with the rollout of vaccines in the near future we will be able to manage this second wave,” Nur said in a statement issued in Mogadishu.Restrictions that were introduced last year included a ban on international and local flights including those ferrying khat, closure of school and learning institutions, ban on public gatherings and a night curfew. Nur said her ministry has submitted a proposal to the government to consider a second lockdown, noting the robust measures introduced at the beginning of the outbreak in April 2020 worked in containing its spread. “The first outbreak was managed largely thanks to a lockdown and closure of all schools and universities. We have again submitted and advised for these same restrictions and measures,” Nur said. The Horn of Africa nation last week closed down schools for two weeks as the second wave of the disease made landfall. Nur announced last month that the government had secured the vaccines targeting the first 1.2 million people, among them frontline workers, the elderly, and the vulnerable. The nation has confirmed 7,257 COVID-19 cases, 239 deaths, and 3,808 recoveries as of Feb. 26. View the full article
-
Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howl-gal ay qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe. Howl-galka oo ahaa mdi qorsheysan ayaa waxaa lagu qaaday deegaanka Gamboole oo hoostaga magaalada ee caasimada HirShabelle, xilli ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka qeybta 16-aad oo ka hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkaasi lu dilay ku dhowaad ka tirsanaa dagaalyahanada Shabaab. Sidoo kal saraakiisha ayaa intaasi sii raaciyey inay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad milatari oo ay laheyd kooxda Al-Shabaab. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya. Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
-
Somali Prime Minister Mohamed Hussein Roble appointed two committees late Monday to investigate clashes on Feb. 19 between government forces and opposition protesters in the capital Mogadishu. The committees will also work on ensuring that peaceful protests are held on March 6 as agreed by Roble and opposition presidential candidates in their second meeting at Aden Adde International Airport earlier in the day. Opposition presidential candidate Abdirahman Abdishakur Warsame said at a press conference after the meeting that the opposition will organize the protest and the government will maintain security. He said the opposition hopes the new committees will find out what happened on Feb. 19 when government forces and opposition security personnel clashed near Somalia’s presidential palace. At least four people were killed, including soldiers, according to security sources. View the full article
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa talaadadii markii saddexaad muddeeyey shir isaga iyo madaxda dowlad goboleedyada isugu yimaadaan oo ka dhaco Muqdisho. Shirkan sida qorshuhu yahay dhacaya khamiista ayaa lagu wadaa in lagu saxiixo heshiis guddiga farsamo ee Baydhabo kasoo saareen February 16. Haddaba, Goobjoog News oo xiriirro kala duwan sameysay waxaa ay akhristeyaasheeda la wadaageysaa 4 qodob oo shirkaasi mugdi gelinaya. 1. Shirka Farmaajo iclaamiyey, waxaa uu dharbaaxo ku yahay, shir kale oo khamiista ku balansanaayeen ra’isul wasaaraha xil gaarsiinta Maxamed Rooble iyo musharaxiinta, loogana hadlayey kasoo qeybgalka shirkaas ama korjoogte iney ka noqdaan shirka doorashada saamileysa gaar ahaan guddiga matalaya musharaxiinta. 2. Xiriir ay Goobjoog News la sameysay saraakiisha sare ee Puntland iyo Jubbaland waxaan ogaannay in Farmaajo aanu muddeynta shirka Khamiista kala tashan labadaasi maamul. 3. Shirkan waxaa uu Farmaajo kusoo aadiyey maalin kahor dibadbaxa looga soo horjeedo ee la qorsheeyey inuu dhaco sabtida soo socota, si bannaanbaxa u dhaco xilli dalku doorasho aaday. 4. Shirkan uu Farmaajo ku baaqay waxaa uu meesha ka saarayaa qorshe ay beesha caalamku wadday oo ah in lagu qabto Xalane, taasi oo ay dhinacyada ku qanacsan yihiin. Haddaba, iyada oo arrimhaasi jireen sidee shirkaasi Farmaajo ku qabsoomi karaa khamiista? Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MuqdishWaxaa kordhaya tirada dadka u dhimanaya cudurka Covid-19 ee Soomaaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya.. Khubarada caafimaadka ayaa rumaysan in Soomaaliya ay hadda wajahayso mowjaddii labaad ee Covid-19, isla markaana loo baahan yahay in dadka si weyn looga wacyigeliyo khatarta cudurka. Dr Maxamed Maxamuud Fuje ayaa ugu baaqay Khadiibyada iyo imaamyada masaajidda inay ka qeyb qaataan ka hortagga faafidda cudurka Covid-19 iyo kala fogaanshaha dadka. “ Khadiibyada masaajida iyo culimada waxaan ka rabnaa in ay qeyn ka qaataan xakameynta Cudurka covid-19, maadama masaajida dad badan isugu yimaadaan, aniga warkeyga waa cad yahay runtaa sheegay,” yuu yiri Dr Maxamed Maxamuud Fuje. Si loo yareeyo faafitaanka Cudurkan waa in ay dadka waajib ka dhigtaan xirashada Maaskaraha iyo in ay si joogta ah gacmaha isaga dhaqaan View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Warbixin kasoo baxday maamulka duulista hawada ee federaalka Mareykanka ee loo yaqaano (FAA) ayaa shaacisay suurta-galnimada weeraro ay dagaalyahanada Al-Shabaab ku qaadi karaan diyaaradaha isticmaala hawada dalka Kenya. Qoraalkan ayaa lagu sheegay in FAA ay heshay xog ku aadan weeraradaas oo ay damacsan-tahay kooxda Al-Shabaab oo weeraro kala duwan ka fulisa dalka Kenya. Sidoo kale Mareykankan ayaa digniintan la wadaagay dowladda Kenya, si ay u saameyso feejignaan dheeri ah, ugana hortegto qorshaha Al-Shabaab. Warbixintan ayaa sidoo kale lagu shaaciyey in weeraradan ay qatar ku noqon karaan duulimaadyada rayidka Mareykanka & kuwa dibadda & gudaha ee dalka Kenya. “Xadgudubka Xagjirnimada ee kasoo gudbaya Xadka Soomaaliya waxa ay halis ku tahay duullimaadyada rayidka Mareykanka & kuwa dibadda & gudaha ah, waana in la ilaaliyaa hawada Kenya” ayaa lagu yiri qoraalka maamulka duulista hawada ee federaalka Mareykanka. FAA ayaa sidoo kale intaasi ku sii dartay in kooxda Al-Shabaab dhowr jeer ay ku hanjabtay in bartilmaameedkeedu yahay diyaaradaha caga-dhigta garoomada Kenya. Ugu dambeyn warbixintan ayaa waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay awood u leedahay beegsashada diyaaradaha, islamarkaana ay heysato hubka culus, kuwa fudfudud oo ay qayb ka yihiin qoryaha lidka diyaaaradaha & sidoo kale kuwa garbaha laga tuuro intaba. Si kastaba Al-Shabaab ayaa hore weeraro khasaare xoog-leh geystay ka fulisay Kenya, waxaana ka mid ah meelaha ay bartilmaameedsatay saldhigga Mareykanka ee Manda Bay.
-
Dalka Turkiga ayaa shaaca ka qaaday qorshe uu ku aadayo dayaxa 2023-ka, si uu dul dego dayaxa dushiisa si nabad ah sanadka 2028-dda, sidaasi waxaa sheegay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. Barnaamijka hirgelintiisa ayaa waxaa ka mid ah in Soomaaliya laga dhiso xarun weyn oo laga tuuro saaruukha loo isticmaalayo marka dayaxa loo dirayo dayax gacmeedkan. In Soomaaliya laga sameeyo xarun noocaas ah ayaa loo sababeeyey in Turkigu saaxiib la yihiin, kuna leeyihiin xero tababar oo lagu magacaabo TURKSON. “Barnaamijkan ahmiyadiisa waa in aan dayaxa xiriir la sameyno marka jamhuuriyadeena ay boqol jirsaneyso, waxaa sidaa shirk a dhacay Ankara ka yiri Recep Tayyip Erdogan. Erdogan ayaa intaa raaciyey in Turkiga qeyb ka noqoyo dalalka tagay Dayaxa, una suuragaleyso iney macluumaad ka keenaan. Wararka waxaa ay intaas ku darayaan in barnaamijkan uu ku baxayo $1 billion, o ay ku jirto $350 million oo lagu dhisayo, laguna dayactirayo saldhigga ay ka fulinayaan Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Washintong (Caasimada Online) – Hay’ad fadhigeedu yahay dalka Biritan oo diiwaangelisa dadka rayidka ah ee ku waxyeellooba colaadaha laguna magacaabo Airwars ayaa sheegtay in weerarrada uu Maraykanku qaaday xilligii uu talada hayey Madaxweyne Donald Trump ay aad uga badnaayeen waqtiyadii madaxweynayaashiii ka horreeyey ee Barack Obama iyo George W. Bush. Airwars oo wax ka qorta waddamada Soomaaliya, Libya, Syria, Iraq, Yemen iyo Pakistan waxay sheegtay in maamulkii Trump uu Soomaaliya ka gaystay 276 weerar oo cirka ama dhulka ah intii u dhaxaysa 2017-kii ilaa 2021-ka, waxayna sheegtay in weeraradaas 205 ka mid ah rasmi ahaan loo shaaciyey. Taas marka la barbardhigo xilliyadii ay talada hayeen Obama iyo Bush ayey hay’addu sheegtay in Soomaaliya Maraykanku ka gaystay 67 hawlgal. Waxay sheegtay Airwars in xilligii Trump uu maamulku dabciyey xeerarkii u yaallay hawlgallada milatari ee Maraykanku Soomaaliya ka gaysanayey sida ay qortay jariidadda New York Times. Waxay sheegtay in sannadkii hore ee 2020-ka inkastoo uu jiray xanuunka Covid-19 haddana ay Somaaliya ka dhaceen 54 duqaymood. Airwars waxay sheegtay in duqaymaha Soomaaliya ay yaraadeen muddadii u dhaxaysay 17-ka May ilaa 9-ka Juulaay 2020-ka, waxayna taas la xiriirisay xanuunka Covid-19. Waxay sheegtay Airwars in ka sokow tirada badan ee duqaymaha inay hoos u dhaceen dadka rayidka ah ee lasoo sheegayo inay waxyeelladu kasoo gaartay sida ay diiwaangelisay hay’addaasi. Sidoo kale hay’addani waxay sheegtay in hawlaglada wadajirka ah ee ay qaadayeen Maraykanka iyo ciidamada Soomaalida ay u ekaayeen dagaallo rigliga ah. Tusaale ahaan ayey tiri hay’addu ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalidu waxay ku gulaysteen inay Al-Shabaab ka saaraan Jannaale sannadkii hore, waxaana hawlgalkaas dhinaca hawada ka taageeray ayey tiri lix duqaymood oo Maraykanku gaystay. Markii ugu horraysay muddo sannado ah ciidamada Soomaalida waxaa u suurtogashay inay xajistaan gacan ku haynta goobaha cusub ee laga qabsaday Al-Shabaab, sida ay sheegtay hay’addu. Waxaase dhinaca kale jirta in weli Al-Shabaab ay meelo badan ka haystaan gobollada Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool. Waxay sheegtay Airwars in hawlgalka ciidamada Maraykanka ee AFRICOM uu sameeyey daahfurnaan sannadkii 2020-ka kadib markii ay bilaabeen inay saddexdii biloodba mar daabacaan dadka rayidka ah ee waxyeelladu kasoo gaarto duqaymaha. Tallaabadaas darteed AFRICOM waxay qiratay in qof rayid ah uu ku dhintay saddex kalena ay ku dhaawacmeen duqayn ka dhacday nawaaxiga Jilib 2-dii Febraayo 2020-ka. Goor dambena AFRICOM waxay sheegtay in laba qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen duqayn ka dhacday Jilib 17-kii Febraayo 2020. Dhinaca kale waxay sheegtay Airwars in ururka Daacish ay ku sugan yihiin meel aad u yar oo ka tirsan Puntland, iyagoo cadaadis kala kulmay ciidamada Soomaaliya, Maraykanka iyo Al-Shabaab. Daacish waxaa sannadkii hore uu Maraykanku la beegsaday hal duqayn keliya. Ugu dambayn waxay Airwas sheegtay in tallaabadii ugu dambaysay ee maamulka Trump uu qaaday intii uusan xilka ka degin ay ahayd inuu boqollaal ciidamada Maraykanka ah kasoo saaro Soomaaliya, tallabadaas oo dadka qaar u arkeen inay timid xilli aan munaasib ahayn maadaama ay Soomaaliya doorasho isku diyaarinayso, balse dhinaca kale waxaa iyaguna soo dhoweeyey dhinacyo kale oo u arkay in Trump uu ka dhabeynayo soo af-jaridda dagaallada Maraykanku kaga jiray dibedda.
-
(SLT-Nairobi)-Nin ku hanjabay inuu toogan lahaa Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa la soo taagay maxkamad ku taalla Kiambu, sida uu daabacay wargeyska Daily Nation. Ninka oo lagu magacaabo Simon Muchiri ayaa lagu eedeeyay in Sabtidii la soo dhaafay uu bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ugu hanjabayo Madaxweynaha. Waxaa lagu soo oogay dacwad ah inuu galay dembiyada internet-ka lagu geysto oo uu daabacay “qoraal khatar ku ah xafiiska Madaxweynaha iyo dadka ka shaqeeya.” “27-kii February, waxaad boggaada Facebook ku daabacday in aad dili lahayd Madaxweyne Uhuru Kenyatta haddii aad haysan lahayd qori,” ayaa ka mid ahaa eedeymaha uu dacwad-oogga u soo jeediyay Muchiri, sida uu daabacay Daily Nation. Laamaha ammaanka ee Kenya oo ka war helay qoraalka Muchiri ayaa gacanta ku soo dhigay kadib markii ay ogaadeen halka uu ku sugan yahay. Garsooraha maxkamadda, Grace Omodho, ayaa eedeysanaha ku sii deysay damaanad lacageed oo ku dhaw 2,000 oo dollar. Qareenka u doodaya Muchiri ayaa maxkamadda ka codsaday in xoriyaddiisa la siiyo, maadaama ay ninkaas ku tiirsan yihiin qoys dhan, uuna markii u horreysay galay dembigaas. Lama sheegin sababta ku dhalisay Simon Muchiri in hanjabaadaas uu ku soo qoro bartiisa Facebook. Kiis hore Horraantii 2015, arday Kenyan ah ayaa lagu xukumay sannad xabsi ah kadib markii uu baraha bulshada ku aflagaadeeyay Madaxweyne Uhuru Kenyatta. Alan Wadi Okengo, oo xilligaas 25 jir ahaa ayaa sidoo kale lagu ganaaxay lacag dhan 2,200 oo dollar. Ardaygaas ayaa waxaa kale oo lagu helay hadal kicin ah, kadib markii uu sheegay in qowmiyadda Kikuyu ee uu ka dhashay Uhuru lagu koobo deegaan gaar ah oo dalka ka tirsan. Muwaadiniin badan oo Kenyan ah ayaa si weyn u adeegsada baraha bulshada, waxaana kiiska Alan Wadi Okengo ka dhashay dood ah xakameynta waxyaabaha lagu qoro baraha bulshada. Okenga ayaa xilligaas qirtay inuu galay labada dembi ee lagu soo eedeeyay. Wargeyska Daily Nation ayaa xilligaa sheegay in ardayga la qabtay isagoo doonayay inuu ka baxsado Kenya. Source
-
Guddoomiyaha Gobolka Zamfara ee waqooyi Galbeed Nigeria Bello Matawalle, ayaa saaka oo Talaado ah xaqiijiyay in la sii daayay 279 gabdhood oo Arday Iskuul ah, kuwaas oo Jimcihii la soo dhaafay dabley hubaysan ka afduubtay Gobolkaas. Dabley hubaysan oo ka tirsan ururka Boko Haram, ayaa Jimicii afduubtay Ardaydan oo dhiganayay iskuul dowladeed oo lagu barto Kasmooyinka Sayniska, sida laga soo xigtay Guddoomiye Matawalle. Ardaydaas waxa laga af-duubtay Jangebe ee Gobolka Zamfara, waxaana tiradoodu ahayd 317 gabdhood, balse waxa la sii daayay 279 oo keliya, sida uu tilmaamay Mr Bello Matawalle. Sidoo kale, wuxu sheegay in xaaladda Caafimaad ee Ardayda la soo daayay ay wanaagsantahay inkastoo uusan faahfaahin ka bixin qaabka lagu soo daayay. PUNTLAND POST The post Nigeria: Dabley hubaysan oo sii daayay 279 gabdhood oo Arday ah appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweeynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa markale shir isugu yeeray madaxda dowlad gobaleedyada dalka. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Farmaajo ayaa loogu baaqay in madaxda dowlad Gobaleedyada Dalka ay shir lagu dhameeystirayo Heshiisyada Doorashooyinka kaga soo qeyb galaan Magaalada Muqdisho , 4 bisha . Hoos ka Akhriso Qoraalka Villa Somalia Ka Soo Baxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4ta Maarso 2021 martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii laxiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Kulankan oo hal maalin soconaya wuxuu ku qabsoomayaa magaalada Muqdisho, waxaana looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ahmiyad wayn siinaysaa hirgelinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta. DHAMMAAD Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Tala bixiyaha caafimaadka Covid-19 ee wasaaradda caafimaadka Dr Maxamed Maxamuud Fuje oo la hadlay wariyeyaasha ayaa faah faahin ka bixiyey xaaladda dalka, gaar ahaan soo laba-kacleynta cudurka faafa ee Coronavirus. Dr Fuje ayaa sheegay in halista xanuunka uu kusii faafayo dalka oo dhan, islamarkaana loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin deg-deg ah oo lagu xakameynayo Covid-19. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu jiro shaki laga qabo in dadka soo-galaya dalka ay wataan warqado been abuur ah oo muujinayo inuu qofka ka caafimaad qabo Covid-19 balse maalmo kooban kadib jirkooda laga helo xanuunka, sida uu hadalka u dhigay. Tala bixiyaha caafimaadka Covid-19 ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay dadkaasi xanuunka usii gudbayaan ehelladooda, islamarkaana ay sare u qaado kiisaska maalinlaha ee ay diiwan-geliso wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. “Garoonka Diyaaradaha waxaa waayihii dambe jiray tuhun la xiriira warqadaha ay wataan dadka kasoo degaya oo muddo kooban kadib xannuunka jirkooda laga helayo ama u gudbinaya ehelkooda, waa in la hubiyaa warqadaha ay wataan” ayuu yiri Dr Fuje. Waxa kale oo uu soo jeediyey in markale hubin caafimaad la mar-siiyo dadka kala duwan ee ka imaanada dalalka uu haatan faraha ba’an ku hayo cudurka Coronavirus. “Meelaha laga soo galayo waa in hubin caafimaad la mariyo oo la baaro, dhaqaalaha ku baxayo waa in laga qaadaa qofka, muddada xili huuriska cudurka waa in la dejiyaa hoteel gaar ah oo lagu hubiyo, halka qofka laga helo Covid-19 la geynayo goobaha u gaarka ah in bukaannada looga daweeyo,” ayuu sii raaciyey Dr Maxamed Maxamuud oo loo yaqaan Fuje. Waalacan ayaa kusoo beegmaya, xilli uu Soomaaliya mar labaad kusoo laba-kacleeyey xanuunka Covid-19, waxaana saameyntiisa laga dareemayaa magaalada Muqdisho.
-
(SLT-Nairobi)-Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee The HAGUE ayaa war qoraal ah oo ay ka soo saartay kiiska muranka dhanka badda ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ku sheegtay in dhagaysiga kiiskaasi uu furmayo maalinta Isniinta ah ee 15 bishaan march marka saacaddu ay tahay 3 p.m. Hore ayaa maxkamaddu u sheegtay in dhagaysiga kiiskaasi uu dhacayo taariikhda kor ku xusan, kaddib markii dhowr jeer oo hore dib loo dhigay. Dadka ka qayb geliya dhagaysiga dacwadda ayaa loogu baaqay in lifaaqa ay uga qayb geli doonaan ay ka helayaan bogga maxkamadda. Waxaa sidoo kale qoraalka lagu xusay in faahfaahinta jadwalka dhagaysiga oo dhammaystiran gadaal laga soo sheego doono. Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo wareysi gaar ah siiyey Universal TV ayaa ka hadlay khilaafka soo noq-noqday ee maamulkiisa kala dhexeeyo dowlada dhexe ee Soomaaliya. Siciid Deni ayaa marka hore eedeyn culus u jeediyey Madaxweynaha uu waqtigiisu dhammaaday, wuxuuna sheegay inuu diidan nidaamka federaalka ee ka jira dalka. Sidoo kale Deni ayaa shaaca ka qaaday in uusan jirin khilaaf weyn oo ka dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka, balse ay kasoo horjeedaan siyaasadda Farmaajo. “Waa muhiim in la fahmo oo si sax ah loo sharaxo waxa Puntland iyo dowladda federaalka isku haayaan, laakin waxaan idiin cadeynayaa in uusan jirin khilaf weyn balse ay kasoo horjeedaan siyaasadda Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo,” ayuu wareysigan ku Madaxweyne Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni). Deni ayaa sidoo kale ku eedeeyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday inuu ku tuntay dastuurka & shuruucda u taalla dalka, sida uu hadalka u dhigay. Punntland ayaa ka mid ah maamulllada sida weyn uga soo horjeeda dowladda dhexe, gaar ahaan hannaanka ay ku wajaheyso doorashada dhaceysa sanadkan aynu ku jirno ee 2021.
