-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Axmed Dhimbiil Rooble oo ku magac dheeraa Xildhibaan ‘Casoowe’. Xildhibaan Casoowe ayaa ka tirsanaa baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya, gaar ahaan Golaha Shacabka. Waxaa la sheegay inuu ku geeriyooday isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, waxaana ku dhacay cudurka Coronavirus, oo si weyn ugu baahay dalka. Xildhibaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanaa Muqdisho, sida ay noo sheegeen xildhibaano noo xaqiijiyey geeridiisa. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo saaray uga tacsiyadeeyay dhammaan xildhibaanada Golaha Shacabka, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Axmed Dhimbiil Casoowe. Sidoo kale ra’iisul wasaare Rooble ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska,asxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe). Marxuumka Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelkiisana samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.” Xildhibaan Casoowe waxa uu ka mid ahaa xubnaha ugu da’da weynaa golaha shacabka, waxaana laga soo doortay gobollada waqooyi ee Somaliland.
-
U.S. Agency for International Development (USAID) PRESS RELEASE USAID Deploys Disaster Assistance Response Team to Respond to Humanitarian Needs in Tigray, Ethiopia USAID’s partners have been pivoting existing programs to provide life-saving assistance in the few areas of Tigray that can be reached WASHINGTON D.C., United States of America, March 2, 2021/ — The U.S. Agency for International Development (USAID) is deploying a Disaster Assistance Response Team (DART) to respond to growing humanitarian needs stemming from conflict in Ethiopia’s Tigray region. After nearly four months of fighting between armed groups, hundreds of thousands have been forced to flee their homes and more than four million people are in need of food assistance. USAID’s DART will lead the U.S. Government’s humanitarian response. The team includes disaster experts who are assessing the situation, identifying priority needs to scale up assistance, and working with partners to provide urgently needed assistance to communities affected by the conflict. Since the outbreak of conflict, USAID’s partners have been pivoting existing programs to provide life-saving assistance in the few areas of Tigray that can be reached. While USAID has been working with partners to overcome many access challenges, an estimated 80 percent of Tigray remains cut off from assistance. The United States remains committed to supporting the people of Ethiopia and is the largest humanitarian donor in Ethiopia. In FY 2020, the U.S. provided more than $652 million in humanitarian assistance to respond to acute food needs, conflict-driven displacement, flooding, a desert locust infestation, and the COVID-19 pandemic. Distributed by APO Group on behalf of U.S. Agency for International Development (USAID). SOURCE U.S. Agency for International Development (USAID) Qaran News
-
Allaha u naxariisto waxaa magaalada Muqdisho maanta ku geeriyooday Xildhibaan Axmed Dhimbiil Rooble ( Casoowe) oo ka tirsanaa Golaha Shacabka Barlamaanka Soomaaliya. Xildhibaan Axmed Dhimbiil Rooble Canshuur oo hadda ka tirsanaa Baarlamaanka 10-aad ee JFS ayaa la sheegaya in uu u geeriyooday xanuunka Corona Virus . Xildhibaankaan oo da’ahaa ayaa ku jiray baarlamaanka Soomaaliya 16-sano ee la soo dhaafay , waxa uuna Guddoomiye ku-xigeenka labaad ka noqday Baarlamaamkii 8-aad ee dalka. Axmed Dhimbiil Rooble ayaa deegaan doorashadiisu aheyd Gobalada Waqooyi ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Gaashandhigga &Taliyaha Milateriga S/land oo gaadhay Jiida hore ee Ciidanka Qaranka Hargeysa-(Dawan)-Wefti uu hoggaminayo Wasiirka Gaashandhiga Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo uu wehelinaayo Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye gaas Nuux Ismaacil Taani iyo hoggaamo katirsan taliska guud ee ciidanka qaranka ayaa gaadhay jiida hore ee ciidanka Qaranka Somaliland ee gobolka Sool. Waftiga ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona gobollada barriga Somaliland iyagoo gaadhi doona jiida ugu horeysa ee Ciidanka Qaranka Somaliland ee Tukaraq iyo Jiidaha Kale ee Gobollada Barriga Somaliland. Qaran News
-
4. Risks of Fraud or Identity Theft- Waxaa aad u suuragal ah in social mediyuhu kuu geeyo website-yo iyo xidhiidho (Links) aan nabdooneyn (unsafe) oo ay ku qadhaabtaan dadka wax dhaca ama denbiyada caalamiga ah ku jira. Waxaa kuwaas ka mid ah kuwa ka ganacsadawaxa loo yaqaanno (illicit drugs) ama daraaagiska sharci darrada ah ee aadka loo baadi goobo. Waxaa kaloo sii raaca oo qaybahaa soo gelaaya qofka oo haddii aanu ka taxadarrin website-yada wax lagu kalo gato oo aanu aqoon u lahayn sida loo hubiyo kalsoonidooda iyo shahaadada badbaado ee ku lifaaqan website-ka waxaa suuragal ah inuu hantidiisa ku shubo budhacad internet ka ku jirta. 5. Time wasting—Baraha bulshada haddii qofku qabatimo waxay ku keentaa inuu ku waayo waqt badan oo uu wax baran lahaa, cibaadeysan lahaa ama si uun noloshiisa iyo tan ahalkiisa wax ugu qaban lahaa. 6. Invasion of privacy. Waxaa kaloo ku iman karta qofka ku WELFA facebook+whatsapp iyo youtube-ba in mar uun ku siibto in dadka xu nee ku dhex jira social mediyuhu ay xadaan qofka xogtiisa tusaale baanka accountiga, iyo dhammaan arrimaha qofku si khaas ah u leeyahay ee aaney fiicneyn in lala wadaago. La soco——– Wacays Caanood faraska1988@gmail.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Su’aalo wata lama filaan ayaa ka dhashay shirka uu xalay mar kale madaxweynaha waqtigu ka dhacay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada dalka. Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4-ta Maarso 2021 martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii laxiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka. Su’alaaha badankood kama taagna shirka ee waxay ku qotamaan xilliga lagu dhowaaqay iyo xilliga la qorsheeyey inuu shirka dhacao, haddiiba ay ogoladaan madaxda maamullada Puntland iyo Jubaland, oo horey u diiday inay shir dambe la galaan Farmaajo, ayada oo aan la fulin shuruudo dhowr ah. Su’aalaha shirkan ka dhashay ayaa waxaa ka mid ah. 1 – Maxay Villa Somalia u dooratay inay shirka iclaamiso saacado un kadib markii uu dhammaaday shirkii ra’iiusl wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta, islamarkaana Rooble ku dhowaaqay guddi baaraya dhacadadii ay ciidamada dowladda ku weerareen dibad-baxayaal 19-kii Febraayo. Madaxtooyada oo horey caan ugu aheyd in mar kasta oo war aysan jecleysan uu bulshada ku dhex-baaho, ay ku disho mid kale, ma sidaas oo kale ayay ka damacasaneyd iclaaminta shirkan? Maxay xitaa ugu sugin illaa maanta? 2 – Maxaa shirka uu iclaamiyey Farmaajo loogu beegay Khamiista, oo ah isla maalinta ay shir saddexaad u ballan-san yihiin Midowga Musharaxiinta iyo Rooble. Ma madaxweyne Farmaajo ayaa ka shakiyeey doorkii Rooble, oo hadda u muuqda inuu la wareegayo talada maamulka doorashada, sidaas darteedna loo iclaamiyey shir uusan qeyb ka noqon doonin, maadaama uu ballan kale dhigtay, xilli uu shirarkii hore ee doorashada ka qeyb-galay? Ma shirkan ayaa lagu dilayaa saameynta iyo hadalka-haynta shirka Rooble iyo mucaaradka ee 4-ta Maarso? 3 – Shirkan ma waxaa hoos loogu dhigayaa heshiiska Rooble iyo Musharaxiinta, ayada oo meesha laga saarayo sheekada ah saamileyda ha ka qeyb galaan shirarka soo socda, xilli ay jiraan warar sheegaya in shirka saddexaad ee Rooble iyo Mucaaradka arrimaha looga hadlayo ay ka mid yihiin sidii ay musharaxiinta qeyb uga noqon lahaayeen wada-hadallada ku saabsan doorashada? 4 – Ma Rooble ayaa gaaday mucaaradka, oo isaga iyo Farmaajo ayaa is og, oo tani waa cayaar siyaasadeed lala dheelalayo mucaaradka, mise Rooble ayaa markii horeba muujiyey awood iyo go’aan siyaasadeed oo uusan laheyn, oo isaga naftiisa ayaaba sidaas loogu cayaaray? Jawaabo badan waxay soo bixi doonaan saacadaha iyo maalmaha soo socda, hase yeeshee waxaa muuqata in cayaarta siyaasadda Soomaaliya aysan weli fari ka qodneyn?
-
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye iyo Taliyaha guud ee Ciidamada Somaliland Gen. Nuux Ismaaciil Taani, oo ay weheliyaan saraakiil kala duwan, ayaa maanta booqday cutubyo ka tirsan Ciidamada Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool. Mas’uuliyiintan ayaa markii ay gaareen magaalada Laascaanood, waxa ku soo dhoweeyay Taliyaha Ciidamada Somaliland ee Aagga Bari S/Guuto Cali Barre Xuseen, waxaana ay kormeer ku sameeyeen xarumaha Ciidamada Somaliland ee Laascaanood. Sidoo kale, waxay warbixinno ka dhegaysteen Saraakiisha ugu sarraysa Ciidamada Somaliland ee Gobolka Sool gaar ahaanna magaalada Laascaanood, iyadoo la filayo in ay sidoo kale booqdaan jiidda Tukaraq iyo nawaaxigeeda. Ciidamada Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool, gaar ahaanna jiidda Tukaraq ayaa maalmihii u dambeeyay gadood sameeyay, waxaana dhexdooda ka bilowday xiisad colaadeed oo u dhexaysay Ciidanka Gobolka u dhashay iyo kuwa ka yimid Burco iyo Hargeysa, iyadoo wararku sheegayaan in mas’uuliyiintan u socdaan xallinta khilaafkaas ciidan. PUNTLAND POST The post Somaliland oo wefdi u dirtay xallinta xiisada ka dhex aloosan Ciidamada ku sugan Sool appeared first on Puntland Post.
-
Golaha Midawga Musharixiinta oo kulan deg deg ah maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa war ka soo saaray shirka uu madaxweeynihii hore ee dalka Farmaajo isugu yeeray madaxda dowlad gobaleedyada dalka. Midawga musharixiinta ayaa sheegay in shirka Farmaajo uu ku baaqay uu carqaladeynayo shir khamiista Midawga Musharixiinta iyo Ra’iisul wasaaraha Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ay ku balan sanayeen . Golaha ayaa sidoo kale waxa ay sheegen Madaxweeynihii hore ee dalka Farmaajo in uusan Xaq u laheyn in uu isugu yeero Madaxda dowlad gobaleedyada dalka. Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo Warsaxaafadeedka Midawga warbaahinta u Akhriyay ayaa yiri “Farmaajo Sharci Uma Haysta In Shir IskuguYeero Maamul Goboleedyada”. Musharixiinta ayaa sidoo kale waxa ay shacabka uu baaqeen in ay ka soo qeyb galaan banaanbaxa Sabtida kaas oo ay dowladda Ammaankiisu sugeyso Source: goobjoog.com
-
Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ku baaqday in saamileyda siyaasadda Soomaaliya ay isugu yimaadan shir si xal looga gaaro doorashooyinka dalka . Mareykanka ayaa madaxda dowladda Federaalka iyo Kuwa Dowlad gobaleedyada dalka waxa uu ugu baaqay sidoo kale in ay dardar geliyaan dadaalada xalka loogu raadinayo shacabka . Qoraalka ka soo baxay Safaaradda ayaa lagu yiri “Mareykanka oo ugu baaqday in Madaxweyne dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay shir hadda isug yimaadaan, Sameeynaa waxa saxda u ah Shacabka Soomaaliyeed ee dhameystira doorashada “ . Hadalka ka soo baxay Safaaradda ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli Farmaajo ku baaqay shir wadatashi khamiista in Muqdisho la isugu yimaado. Source: goobjoog.com
-
Midowga Murashixiinta mucaaradka dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu xagal-daacinayo wada-hadalka u socda iyaga iyo Ra’iisul wasaare Rooble. “Waxaase nasiib-darro ah in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/laahi Farmaajo uu si ula kac ah u xagal-daacinayo wadahadallada u dhexeeya Raisalwasaaraha iyo Midowga” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay Murashixiinta. “Kaddib markii uu isla-maalintii shirka loo ballansanaa uu ku dhawaaqay shir uusan sharciyad u lahayn u yeeriddiisa, kaasoo uu ku doonayo in uu ku carqaladeeyo wadadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga Murashaxiinta” ayuu sii raaciyay war-saxaafadeedkaas. Sidoo kale, waxay ka digeen in la carqaladeeyo wada-hadalka u socda xukuumadda iyo Murashixiinta islamarkaana waxay dowladda ugu baaqeen in ay ilaaliso Amniga dibad-baxyada qorshaysan in Sabtida la qabto. PUNTLAND POST The post Midowga Murashixiinta oo ka horyimid Shirkii Madaxweyne Farmaajo ku baaqay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo goordhaw soo saaray war-saxaafadeed ayaa nasiib-darro iyo xagal-daacin ku tilmaamay shirka uu madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo loo asteeyey inuu Muqdisho ka dhaco 4-ta bishan. Musharaxiintu waxay sheegeen in wadahadalladii ay la yeesheen ra’iisul wasaare Rooble laga gaaray isfaham horu-dhac ah, kaas oo dejiyey culeyskii iyo xaaladdii kacsanaanta ahayd ee dalka ka taagnayd, gaar ahaan magaalada Muqdisho, sida ay qoraalkan ku sheegeen. “Wareeg kale oo wadahadal ayaa labada dhinac ugu ballameen maalinta Khamiista ah ee ay bishu tahay 04/03/21 si loo dhammeystiro arrimaha qabyada ah ee la xariira cidda yeelanaysa mas’uuliyadda hoggaamineed ee amniga iyo doorashooyinka, maaddaama uu muddo xileedkii hay’adaha dastuuriga ah ee dalka uu dhammaaday, kaalinta Midowga ee wadahadallada Doorashooyinka iyo furitaanka maslaxada siyaasadeed ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka midowga musharaxiinta ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa nasiib-darro ah in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/laahi Farmaajo uu si ula kac ah u xagaldaacinayo wadahadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga, kaddib markii uu isla-maalintii shirka loo ballansanaa uu ku dhawaaqay shir uusan sharciyad u lahayn u yeeriddiisa, kaasoo uu ku doonayo in uu ku carqaladeeyo wadadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga Murashaxiinta.” Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa ka digay cawaaqib xumida ka dhalan karta in la fashaliyo wadahadalladaas u socda iyaga iyo ra’iisul wasaaraha, waxayna dalbadeen in fursad la siiyo wadaxaajoodka socda. Dhinaca kale midowga musharaxiinta ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kala soo qayb galaan Muddaharaadka maalinta Sabtiga ah ee 6-da bishan, kaas oo ka dhacaya Daljirka Dahsoon. “Goluhu wuxuuna Xukuumadda ugu baaqayaa in ay gudato waajibka sugidda amniga shacabka iyo dibadbaxayaasha sida heshiisku ahaa,” ayaa lagu yiri qoraalka. Ugu dambeyntii qoraalkan waxaa lagu yiri, “Goluhu wuxuu ugu baaqayaa raysalwasaaraha, madaxwaynayaasha dawlad goboleedyada, iyo beesha caalamka in aysan qayb ka noqon tallaabooyinka gurracan ee uu madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ku carqaladaynayo xasilloonida dalka iyo xal u helidda geeddi socodka doorashooyinka.”
-
-Allaha u naxariisto waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble ( Casoowe) oo ka tirsanaa Golaha Shacabka Barlamaanka Soomaaliya. Allaha u naxriistee Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe) ayaa ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 10-aad. View the full article
-
Ururka Suxufuyiinta aan Xuduuda la heyn ee RSF ayaa si kulul u cambeereeyay dilka Allaha u naxariistee Jamaal Faarax Aadan oo ahaa Wariye madaxbanaan oo ku sugan Degaanada Maamulka Puntland. Qoraal ka soo baxay Ururka RSF ayaa lagu cambaareeyay weerarkii Xalay lagu dilay Wariye Jamaal Faarax, kaasi oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Kooxdii ka dambeysay dilka Wariye Jamaal ayaa goobta isaga baxsday iyadoo aan weli la shaacin sabaabta ka dambeysa dilkiisa. Ururka RFS ayaa ugu baaqay Maamulka Puntland ay juhdi geliyaan sidii gacanta loogu soo dhigi la haa dableydii ka dambeysay weerarkii lagu dilay Wariye Jamaal. Wariye Jamaal Faarax ayaa noqonaya Suxufigii ugu horeeyay ee lagu dilo Dalka Soomaaliya tan iyo markii uu bilaawday sanadka 2021-ka. View the full article
-
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda ay howl-gallo ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Howl-gallada ayaa si gaar ah ciidamada Xoogga, gaar ahaan qeybt 16-aad waxa ay uga fuliyeen deegaanka Gamboole oo hoostaga degmada Jowhar ee xarunta Sh/Dhexe. Saraakiisha horkaceysay howl-galladan ayaa shaaca ka qaaday inay dileen ku dhowaad 10 dagaalame oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in qabsadeen hub farabadan iyo saanad milatari, sida ay hadalka u dhigeen. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka HirShabelle. View the full article
-
Ciidammada Puntland Oo Dhoolatus Ku Sameeyay Gobolka Sanaag
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Source -
Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in Ururka Al Shabaab ay qorsheynayaan weeraro culus oo ka dhaca Dalka Kenya. Bayaan ka soo baxay Waaxda Duulimaadka Mareykanka ayaa lagu sheegay in Ururka Al Shabaab ay maleegayaan weeraro lagu qaado Diyaaradaha ka howlgalla Dalka Kenya. Qoraalka ayaa lagu xusay in Al Shabaab ay heystaan Hubka lidka diyaaradaha. Waxaa sidoo kale ay tilmaameen in Ururka Al Shabaab ay beegsan karaan Diyaaradaha dulmara Magaalada Gaarisa iyo Degmooyin kale oo dhaca Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya. Waaxda Duulimaadka Mareykanka ayaa sidoo kale xustay in Hay’addaha Duulimaadka Kenya looga baahan yahay in ay ka feejignaadaan weerarada ay qorsheenayaan Ururka Al Shabaab. Ilaa hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Dowladda Kenya oo ku aadan in Al Shabaab ay weeraro la damacsan yihiin Dalka Kenya. Ururka Al Shabaab oo ku xoogan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya ayaa weeraro dhiig badan ku daatay ka fuliyay Magaalada Nairobi iyo qeybo kale oo mid ah Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya. View the full article
-
Nin Soomaali ah oo gargaar u fidiyay qaxootiga Suuriya ee Turkiga Taha Saalax oo ah wiil Soomaaliyeed ayaa u safray xero ku taalla dalka Turkiga si uu caawiyo qaxooti Suuriyaan ah oo ku nool halkaas, sida ay ku warrantay warbaahinta Daily Sabah. Waxay intaas ku dartay in Taha uu ku dhashay Soomaaliya isla markaana uu ka qaxay dalka xilliggii dagaalladA sokeeye, wuxuuna ku noola dalka UK. Markii uu booqasho ku tegay xerada ku taalla gobolka Şanlıurfa wuxuu lacago gaarsiiyay qaxootiga Suuriyaanka ah. Taha Saalax wuxuu sheegay in markii uu baraha bulshada ka arkay dhibaatada ay ku nool yihiin qaxootiga uu lasoo xiriiriyay ha’yad maxalli ah oo ka howlgasha gobolka. Article share tools Qaran News
