-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Afhayeenkii Madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac ayaa maanta si rasmi ah xilkaasi iska casilay. Maxamuud Warsame Jaamac ayaa dhan kale sheegay in uu u tartamayo xildhibaan Golaha Wakiillada ah. Somalilandtoday kala soco warkan oo faah-faahsan Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa weerar afka ah wuxuu ku qaaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo). Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaacay in madaxweynaha uusan noqon karin xil-gaarsiiye, sida xukuumadda oo kale, wuxuuna tilmaamay inuu ka dhammaaday waqtiga xil-heynta. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in uusan xaq u laheyn inuu sii wado howlaha amniga iyo doorashooyinka, maadaama uu isaguna yahay musharrax. “Madaxweynaha waqtiga waxa uu ka dhammaaday marka uu ku dhawaaqay in uu yahay murashax, meel aan ku iri ma jirto & waxbaa laga sheeeg-sheega balse waad taqaaniin oo hadda kahor waan sheegay sida ruuxaanta ayuu dadka uga dhex hadlaa Madaxweynahu, xaqna uma lahan in uu sii wado howlaha Amniga & Doorashada,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Dhinaca kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inuu dhacayo dibad-baxa abaabulayaan musharraxiinta, islamarkaana uu qabsoomayo Sabtida. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga digay dowladadda federaalka ah ee Soomaliya inay carqaladeydos dibad-baxaasi, si loo baajiyo ama loo fashiliyo. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo ra’iisul wasaaraha iyo mucaaradka ay maalin ka hore heshiis ka gaareen arrinta dibad-baxa, kadib wada-hadallo ka dhacay Hotel Decale.
-
Hey’adda qaramada Midoobey u qaabilsan caruurta ee UNICEF ayaa ugu baaqday dalalka dunida iney dib u furaan iskuullada ay caruurta wax ku bartaan si aaney waxbarashada u istaagin. Qoraal ay goordhow soo saartay hey’addan, waxaa ku xusnaa in caruurta iskuulada laga xirtay ee waxbarasho la’aanta ah ee iminka dunida ku nool ay gaarayaan ilaa 168 milyan. Caruurta oo muddo sanad ah waxbarasho la’aan ahaa ayaa loo sababeeyey Covid 19. Xarunta UNka ee magaalada Newyork ayaa la dhigay ilaa 168 kursi oo ay boorsooyin dul saaran yihiin, halkii kursi waxaa uu u dhignaa hal milyan oo ardey oo waxbarasho la’aan ah! Baaqan hey’adda UNICEF ayaa ku aadaya xilli dowladda federaalka ay soo saartay amar lagu xirayo iskuulada ay caruurta wax ku bartaan, waana markii 2-aad oo ay sidaa sameyso muddo sanad ah. Source: goobjoog.com
-
88 Maalmood Oo Keliya ayaa ka hadhsan Maalinta Loo Dareerayo Codbixinta Doorashooyinka Wakiillada Iyo Deegaanka Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland, ayaa ku mashquulsan kala shaandheynta Liiska Murrashaxiinta Xisbiyadaasi u meteli doona Doorashooyinka isku sidkan ee Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, ee la filayo in ay ka dhacaan dalka bisha May ee soo socota. Xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo UCID, tan iyo markii si rasmi ah loo shaaciyey qabsoomida doorashada, bilaabay in ay diyaariyaan Xildhibaannada ku meteli doono tartanka doorashooyinka soo socda, ayaa waxa imika ay ku mashquulsan yihiin sidii ay u kala xuli lahaayeen Murrashaxiinta ay aqbaleen ee doonaya in ay iska sharaxaan Xisbigaasi, madaama oo lagu sii siqayo wakhtiga loo cayimay doorashada oo ay ka hadhsan tahay 88 maalmood. Guddida xulinta iyo xalinta khilaafaadka murrashaxiinta u qaabilsan Xisbiyada, ayaa maalmihii u dambeeyey, waxa ay ku mashquulsanaayeen qaabkii ay u xulan lahaayeen Murrashaxiinta rasmiga ah ee buuxiyey shuruudaha iyo xeer-hoosaadyada ay u dhigeen kala xulashada Murrashaxiintooda, si ay u soo saaraan Liista Murrashaxiinta rasmiga ah ee ku meteli doona doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee iska sharaxaya Degmooyinka iyo gobollada dalka. Xisbiyadan oo marki hore qaabilayey Murrashaxiinta hanka leh ee deegaannadoodu wataan iyo kuwo iskood si waday, ayaa waxa ay imika qiimeyn ku wadaan xubnaha ay is leeyihiin waa kuwo cod ay ku soo baxaan haysa iyo kuwa aan taageerada haysan ee Murrashaxa Deegaankoodu isku raacsan yahay Xisbi kale la geeyey. Sidoo kale, waxa ay Xisbiyadu eegayaan Murrashaxiinta ay hayaan iyo weliba qaabkii ay ugu salayn lahaayeen saamiga Reeraha Xisbiga taageera iyo deegaanka laftiisa, iyaga oo murrashaxiin ay hore u aqbaleen ku war geliyey inuu ka buuxsamay Xisbigu oo aan meel loo haynin Xubno murrashaxiin ka ahaa Xisbiyada Qaranka, ayaa waxa ay bilaabeen maalmihii ina dhaafay in ay tanaasulaan, ka dib markii qaarkood Xisbiyadu u sheegeen in aanay u haynin kuraas ay u tartamaan oo ay ka buuxsadeen, halka kuwo kalena Beelahoodu ku khasbeen in ay isu tanaasulaan xubnaha isku deegaanka ah ee saddexda Xisbi ka sharaxan. Source
-
Marxuum Jamaal Faarax Aaden Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa markii labaad sheegtay mas’uuliyadda weriye lagu dilay gudaha Puntland, gaar ahaanna waqooyiga Gaalkacyo. War ka soo baxay Al-shabaab, ayay ku sheegteen mas’uuliyaddi dilkii AUN Jamaal Faarax Aaden, kaas oo habeen ka hor lagu dilay xaafadda Siinaay ee waqooyiga Gaalkacyo. Alle ha u naxariistee, weriye Jamaal Faarax, waxay Al-shabaab ku eedeeyeen in uu ka tirsanaa dharcadka u shaqeeya hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland, islamarkaana Bulshada ku dhiirri-gelin jiray dagaalka Al-shabaab. Marxuum Jamaal ayaa noqday weriyihii labaad ee lagu dilay Puntland, gaar ahaanna waqooyiga Gaalkacyo, kaas oo ay mas’uuliyadda dilkiisa sheegteen malayshiyaadka Al-shabaab. 5 March 2012, waxa Gaalkacyo lagu dilay weriye Cali Axmed Cabdi oo ka tirsanaa Radio Gaalkacyo, kaas oo noqday suxufigii u horreeyay ee Puntland lagu dilo oo Al-shabaab dilkiisa sheegteen, kuna eedeeyeen in uu ka tirsanaa Sirdoonka Puntland. Sidoo kale, waxa Gaalkacyo lagu dilay weriyaal kale oo aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda dilkooda, inkastoo Al-shabaab lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilalkaas. 31 Agoosto 2010, waxaa Gaalkacyo lagu dilay suxufi Cabdullaahi Cumar Geeddi oo ka tirsana idaacadda Radio Daljir, ha yeeshee cidna ma sheegan dilkiisa. 2 May 2012, waxa Gaalkacyo lagu dilay weriye Farxaan Jeemis Cabdulle oo ka tirsanaa Radio Daljir, balse isagana cid ma sheegan dilkiisa. 18 November 2014, Cabdirisaaq Cali Cabdi (Silfar) oo ka tirsanaa Radio Daljir ayaa isna lagu dilay magaalada Gaalkacyo mana jirin cid sheegatay mas’uuliyadda dilkiisa. 18 September 2018, waxa sidoo kale Gaalkacyo lagu dilay weriye Cabdirisaaq Siciid Cismaan oo ka tirsanaa idaacadda Codka Nabadda Gaalkacyo, waxaana dilkiisa loo adeegsaday toorrey, kadibna waxa laga furtay Kambayuutar iyo Kaamirad uu sitay. PUNTLAND POST The post Puntland: Lix weriye oo lagu dilay Gaalkacyo imisa Al-shabaab sheegteen dilkooda? appeared first on Puntland Post.
-
Qoraal ka soo baxay Dowlada Puntland ayaa loogu jawa abay Qoraalada Casumaada ah ee Madaxweyne Farmaajo soo saarayo. Puntland waxay sheegeen in Qoraalada kasoo baxaya Xafiiska Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey ay yihiin Caraqaladayn lagu carqaladeynayo Dadaalada Socda. Puntland waxay kaloo sheegeen in ay taageersan yihiin Dadaalada ay wadaan Raysal wasaaraha iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah. waakan Qoraalkii kasoo baxay Puntland The post Warsaxaafadeed “Puntland oo habdhaqanka Madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay Carqaladeyn” appeared first on . Source
-
Xukuumadaha Cairo iyo Khartoum ayaa Talaadadii shalay kala saxeexday heshiis iskaashi oo difaac ah, iyagoo u diray Itoobiya digniin culus oo ku saabsan muranka xadka Wabiga ee kala dhexeeya Khartoum iyo wadahadallada dhismaha Addis Ababa ee biyo xireenka weyn ee wabiga Niil. Heshiiska Khartoum ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli labada dal militerigooda uu muddooyinkii u danbeyay xirriirkooda uu wanaagsana mas’uuliyiinta labada dhinacna aysameynayeen booqashooyin Heer Caalami ah . Saxiixaya ayaana yimid kadib markii Wasiirka Arimaha Dibada ee Suudaan Mariam Al Mahdi ay la kulantay dhigeeda Masar magaalada Qaahira Talaadadii isbuucaa, waxa ayna labada dhinac ay ku eedeeyeen Itoobiya wada hadaladii istaagay ee mashruuca biyo xireenka waxayna ku boorinayeen in la keeno dhinacyo caalami ah wadahadalada si horumar loo gaaro. Ms Al Sadeq, oo la kulantay Madaxweyne Abdel Fatah El Sisi bartamihii isbuucaan , waxay sheegtay in hogaamiyaha reer Masar uu qorsheynayo inuu booqasho ku tago Sudan maalmo gudahood. Taageerada Qaahira ee Suudaan ayaa waxa ay noqoneysa mid waxtar u leh militariga Suudaan, oo ku lug lahaa tacadiyado taxanayaal oo ka dhacay xadka Itoobiya. “Waxaan uga mahadcelineynaa walaalaheena ciidamada qalabka sida ee Masar hadafyadooda wanaagsan, kaalmada deeqsinimada leh iyo taageerada xoogan ee ay ka bixinayaan dhibaatooyinka jira,” ayuu yiri madaxa shaqaalaha Sudan General Mohamed Othman Al Hussein oo ka hadlayey xaflada saxiixa. Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiga KULMIYE ayaa diiday Musharaxnimada Cabdiqaadir Iimaan Warsame, oo u sharraxnaa golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa. Xisbiga ayaa sheegay in musharrax ka soo jeeda deegaankiisa uu ka sharraxan yahay xisbiga kaas oo isaga ka soo horreeyay.. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa ahaa guddoomiyihii hore ee guddida Doorashooyinka Somaliland. Source
-
Iyadoo ay sii korortay xaalada caafimaad daro ee ka dhalatay xanuunka Covid-19 oo ay dad badan u geeriyoodeen labadii todobaad ee lasoo dhaafay islamarkaana wasaarada caafimaadka ay shaacisay in uu sii faafayo cudurka, isla markaana ay jirto Oksajiin la’aan baahsanna ayay maanta hay’adda Hormuud Salaam Foundation waxa ay wasaarada caafimaadka DFS ku wareejisay 1,500 (kun iyo shan boqol) oo haamood oo Oksajiin kuwaas oo loogu talagalay in lagula tacaalo bukaanada uu soo ritay cudur karoon virus. Munaasabadan ay hay’adda HSF oksajiinka ku warejineysay ayaa waxaa kaoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan HSF ,Wasaarada Caafimaadka iyo masuuliyiin kale. Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Cali sheikh yaasiin oo ku hadlayay magaca hay’adda HSF waxa uuna faah faahin ka bixiyey oksajiinka ay maanta ugu deeqeen dadka soomaaliyeed ee la xanuunsanayo xanuunka Karoona Virus asagoo sheegay in Hay’adda Hormuud Salaam bank Foundation ay markasta ka go’antahay garab istaaga umada Soomaaliyeeed. Sidoo kale waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Caafimaadka DFS Dr .fowsiya Abiikar Nuur waxayna uga mahad celisay maamulka hay’adda Hormuud Salaam Bank Foundation sida joogtada ah ay u garab taaganyihiin shacabka soomaaliyeed gaar ahaan marka ay timaada xiliyadan oo kale xaaladaha adag ee uu dalka ku soo laba kacleeyay Covid-19. Waa markii labaad mudo 10 maalmood guduhood ah oo ay maamulka hay’adda Hormuud Salaam bank Foundation Oksajiin ugu deeqaan shacabka soomaaliyeed ee uu hayo xanuunka Covid 19 . Deeqdan oksajiinka ka ah ee gaaraysa 1,500 oo haamood ee maanta lagu wareejiyey wasaarada Caafimaadka ayaa ku soo aadaysa xili wasiirka caafimaadka maalinimadii shalay ahayd ay sheegtay in Oksajiinka uu aad ugu yaryahay isbitalada lagula tacaalayo dadka qaba covid 19. Hay’adda Hormuud Salaam Bank Foundation ayaa tan iyo markii uu dalka soo galay COVID-19 ilaa iyo hada door muuqda ka qaadanaysay wacyi galinta, ka hortaga iyo la dagaalanka Cudurka. View the full article
-
Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee sanadkan 2021-ka. Ugu horreyn Puntland ayaa soo dhoweysay dadaallada uu wado ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulamo la yeeshay Musharraxiinta. Sidoo kale waxa ay Puntland shaaca ka qaaday inay diyaar u tahay inay ka qeyb-qaadato shirarka siyaasadeed ee looga arrinsanayo xaaladda dalka, si loo gaaro xal mideysan. Halkan hoose ka aqriso: Puntland waxay u aragtaa dadaalada ay wadaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta kuwo u gogol xaaraya jawi ay ku qabsoomi karaan shirar looga wada hadlo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay. Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay cadeynaysaa inay markasta diyaar u tahay ka qaybgalka shirarka xalka loogu raadinayo qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay oo ku qotonta heshiiskii 17 September 2020. Dowladda Puntland waxay soo jeedinaysaa in shirarku ka dhacaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu, waxayna ka filaysaa Xafiiska Qaramada Midowbay iyo AMISOM inay diyaariyaan goobta iyo amniga shirarka. Dowladda Puntland waxay Wakiilada Beesha Caalamka uga mahad celinaysaa dadaalada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya. View the full article
-
(SLT-Riyadh)-Ilhan Cumar oo ka mid ah mudanayaasha Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa salaasadii shalay soo saartay, qodob sharci ah oo ay ku rabto in Aqalka Hoose uu cuna-qabateyn saaro Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman. Ilhaan ayaa sheegtay, in ay Maxamed Bin Salman oo ku magac-dheer MBS lagu ciqaabo, doorki uu ku lahaa dilki qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul loogu geystay, wariye Jamaal Khashoggi, sannadki 2018-ki. Sirdoonka Mareykanka ayaa Jimcihi shaaciyay, warbixin in muddo ahba la sugayay oo si cad ugu eedeysay Maxamed Bin Salman, inuu amray in lasoo xidho ama lasoo dilo wariye Kashoggi oo ahaa saxafi u dhashay Sacuudiga balse heystay deganaashaha Mareykanka. Bayaan ay shalay soo saartay, ayay Ilhan ku tidhi: “Tani waa tijaabada bani’aadannimadeenna. Haddii Mareykanka uu si dhab ah u taageero xorriyadda hadalka, dimoqraadiyadda iyo xuquuqda aadanajha, ma jirto sabab aanan cuna-qabateyn loo saarin Mohammed bin Salman oo ah ninka ay sirdoon-keenna xaqiijiyeen inuu dilay Jamal Kashoggi oo ahaa saxafi degannaa Mareykanka” Marrykanka ayaa todobaadki hore cuna-qabateyn saaray in ka badan 60 muwaadin oo Sacuudi ah, balse kuma jirin Maxamed Bin Salamn. Source
-
Wasiir Cabdisamad Gallan Wasiirka Amniga dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa amar ku bixiyay in la burburiyo dhammaan bogcadaha laga samaystay dooxooyinka Bixin iyo Woow oo dhaca duleedka waqooyi ee caasimadda Garoowe. Wasiir Gallan, oo tixraacaya dikreeto Madaxweyne, oo lagu mamnuucay degaameysiga dooxooyinka Bixin iyo Woow, ayaa sheegay in aysan waxba iska beddelin go’aankii dowladda Puntland ku joojisay degaameysiga dooxooyinkaas oo loo aqoonsaday dhul-daaqsimeed. Mr Gallan, wuxu tilmaamay in ay jiraan dad jebiyay Amarkii dowladda, islamarkaana bogcado degaameysi ka bilaabay dooxooyinka Bixin iyo Woow, waxaana uu Laamaha kala duwan ee Amniga faray in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan dadkaas. 17-kii July 2019, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dikreeto uu soo saaray ku mamnuucay in wax degaameysi ah laga sameeyo dooxooyinka Bixin iyo Woow, isagoo sheegay in dowladda Puntland u aqoonsatay dhul-daaqsimeed. PUNTLAND POST The post Puntland oo amartay in la burburiyo dooxooyinka Bixin iyo Woow appeared first on Puntland Post.
-
Kooxo hubeysan oo xalay dil ka geystay magaalada Beledweyne
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay wiil dhalinyaro ahaa lagu dilay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. Dilka oo ka dhacay xaafadda Xaawo Taako ayaa waxaa fuliyey rag burcad ah oo ku hubeysnaa Mindiyo, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Maxamed, waxaana markii hore soo gaaray dhaawac halis ah, isaga oo markii dambe ku geeriyooday isbitaalka. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in kooxdii ka dambeysay falkaasi ay ku baxsadeen mooto ay wateen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo sameeyey howl-gallo kooban, balse ma jirto illaa iyo hadda cid ay u soo qabteen dilkaasi. Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa magaalada Beledweyne ka dhacayey falal ammaan darri oo u badan dilal qorsheysan iyo dhac loo geysanayo dadka shacabka ah. View the full article -
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subax-332021.mp3 View the full article
-
Maamulka Puntland ayaa war ka soo saaray shirka uu Markale Farmaajo ku baaqay in magaalada Muqdisho ay isugu yimaadaan madaxda dowlad gobaleedyada dalka ,DF iyo Maamulka Gobalka Benadir . Puntland ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay qoraallada iyo go’aanada uu qaadanayo madaxweeynaha Waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Xukuumadda Garowe ayaa waxa ay sidoo kale ku baaqday in shirka lagu qabto Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ammaankiisana ay sugaan AMISOM iyo Beesha Caalamka. Xafiiska Madaxtooyada Puntland ayaa qoraalka kasoo baxay lagu sheegay in loo bahan yahay in waqti lasiiyo wada hadalada u socdo Rooble iyo Musharixiinta . Hoos Ka Akhriso Qoraalka Puntland Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay walaac ka muujinaysaa in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markasta soo saarayo qoraalo, qaadayana tillaabooyin carqaladeynaya dadaalada xalka loogu raadinayo caqabadaha hor taagan geeddi socodka qabsoomidda doorashada Barlamaanka iyo Madaxweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dowladda Puntland waxay u aragtaa dadaalada ay wadaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta kuwo u gogol xaaraya jawi ay ku qabsoomi karaan shirar looga wada hadlo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay. Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay cadeynaysaa inay markasta diyaar u tahay ka qaybgalka shirarka xalka loogu raadinayo qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay oo ku qotonta heshiiskii 17 September 2020. Dowladda Puntland waxay soo jeedinaysaa in shirarku ka dhacaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu, waxayna ka filaysaa Xafiiska Qaramada Midowbay iyo AMISOM inay diyaariyaan goobta iyo amniga shirarka. Dowladda Puntland waxay Wakiilada Beesha Caalamka uga mahad celinaysaa dadaalada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya. ====DHAMMAAD=== Source: goobjoog.com
-
National Council of Canadian Muslims demands immediate action to combat Islamophobia Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa durba soo ifbaxay su’aalo ku aadan inta uu la egyahay xiriirka wadashaqeyn ee u dhaxeeya Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee xil gaarsiita Maxamed Xuseen Rooble, kadib warqadii habeen hore ka soo baxday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa warqaddaas ku Iclaamiyay shir u dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya, maamul gobaleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir, kaas oo lagu saxiixayo heshiiska laga gaaray muranka doorashada Soomaaliya ee Baydhaba. Qoraalka Farmaajo ayaa burinaya qodob ka mid ah 6-dii qodob oo ay ku heshiiyeen Maxamed Xuseen Rooble iyo golaha midowga musharaxiinta ee Madaxweynaha Soomaaliya, heshiiskaas oo dhacay 25-kii bishii Febraayo. Qodobka uu Madaxweyne Farmaajo jebiyay ee ku jira heshiiskii mucaaradka iyo Xukuumada ayaa ahaa, in mucaaradka oo kamid ah saamileyda siyaasada ay kamid noqdaan shirarka iyo go’aanada siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashada dalka iyo marxalada kala-guurka ah. Mucaaradka oo dareensan xajmiga warqadda Farmaajo iyo sida loogu wiiqay rajadooda aheyd ka qeyb-galka shirarka lagu gaaray go’aanada siyaasadeed ee dalka ayaa qoraal ay soo saareen shalay ku yiri “Waxaase nasiib-darro ah in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/laahi Farmaajo uu si ula kac ah u xagal-daacinayo wadahadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga, kaddib markii uu isla-maalintii shirka loo ballansanaa uu ku dhawaaqay shir uusan sharciyad u lahayn u yeeriddiisa, kaasoo uu ku doonayo in uu ku carqaladeeyo wadadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga Murashaxiinta.” Dad badan ayaa is weydiinaya, ma waxaa iska warqabin ama khilaaf u dhaxeeyaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, halka qaar kale ay qabaan su’aal ah, heshiiska mucaaradka iyo xukuumadu gaareen ma waxa uu ahaa dabin siyaasadeed ama shirqool loo maleegay mucaraadka, kaas oo ay soo abaabuleen Rooble iyo Farmaajo? Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay shir deg deg ah oo ay ku yeesheen hotel Jaziira waxay ku sheegeen in Madaxweyne Farmaajo xagal daacinayo heshiiska xukuumada iyo mucaaradku ku gaareen Muqdisho.
-
Washington (Caasimada Online) – Ilhan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka wadanka Maraykanka ayaa qaaday tallaabo culus oo ka hor-keeni karto madaxweynaha dalkaasi, Joe Biden iyo xittaa afhayeenka golaha aqalka wakiillada, Nancy Pelosi. Ilhan ayaa shaacisay inay dooneyso in cunaqabaten lagu soo rogo dhaxal-sugaha Sucuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan, iyada oo diyaarisay hindise sharciyeed la xiriira arrintaasi. Sidoo kale waxa ay sheegtay in hindise sharciyeedkan uu tijaabo u yahay dareenka bani’aadannimo ee dadka iyo dalka Maraykanka. “Haddii Maraykanka uu si dhab ah u taageero xorriyada hadalka, dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha, ma jirto sabab aan cunaqabateyn loo saarin Maxamed bin Salman oo ay sirdoonkeenu sheegeen inuu oggolaaday dilka weriye Jamal Khashoggi,” ayey tiri. Qorshaha ay wado Ilhan Cumar iyo tallaabada ay qaaday ayaa ah mid ka horkeeni karo madaxweyne Joe Biden iyo afhayeenka aqalka wakiillada, Nancy Pelosi, kuwaas oo aan horey uga hadlin sida laga yeelayo arrinta dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan. Si kastaba sirdoonka Mareynkanka ayaa todobaadkii hore baahiyey warbixin lagu sheegay in Maxmaed Bin Salman uu amray dilka Wariye Jamal Khashoggi oo lagu dilay Turkiga.
