Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. First Avenue in Nairobi’s Eastleigh estate will in the next two weeks be renamed Yusuf Haji Road in honour of the late Garissa senator. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Daladda waxbarshada ee FPENS ayaa qoraal ay maanta soo saartay waxay dowladda Soomaaliya uga dalbatay in dib u eegis lagu sameeyo go’aankii xukuumadda xil-gaarsiinta ka soo baxay 2-dii bishaan, kaas oo mudo laba todobaad ah lagu fasaxay goobaha waxbarashada, sababo la xariira faafitaanka cudurka COVID-19. Waxyar kadib markii ay soo baxday warqadda dalladaas, qoraal kale oo ka soo baxay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa mar kale looga codsaday daladaha waxbarashada ahliga ah, jaamacadaha iyo iskuullada inay dhaqan geliyaan go’aanka xukuumadda. Daladda FPENS ayaa ku dooday in markii dib loo eego casharadii ay bahda waxbarashadu ka baratay go’aankii sidaan oo kale ay hadda ka hor xukuumaddu u soo rogtay aysan u saamaxay inay kan cusub u hoggaansamaan, iyagoo soo bandhigay dhowr qodob oo dib u dhac ah. “Go’aankaan cusub waxaa ka dhalanaya in dugsiyadu burburaan, adeegyada waxarashadu meesha ka baxaan, in ay adkaato sidii dib loogu furi lahaa dugsiyada. In qoysas badan oo ku tiirsan dakhli ka soo gala waxbarashada ay u burburaan dhaqaale xumo awgeed, in uu saameyn ku yeesho natiijada imtixaanka sanad dugsiyeedkaan 2020-2021,” ayaa lagu yiri qoraalka Daladda FPENS. Sidoo kale dalladu waxay ku dooday in la beegsaday waxbarashada oo kaliya, laakiin ay dalka si caadi ah u yimaadaan dullimaadyada caalamiga ah, kuwa qaadka, sidoo kalena aysan waxaba iska bedelin suuqyada iyo gaadiidka dadweynaha. Dhanka kale Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha, iyo Tacliinta Sare oo qoraal soo saartay wax yar un kadib qoraalka daladdan ayaa goobaha waxbarashada dalka ka codsatay in la dhaqan geliyo go’aankii xukuumaddu ay ku soo rogtay furnaashaha goobaha waxbarashada. “Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS oo dhaqan-gelineysa amarka Xukuumadda ee ahaa in la xiro goobaha Waxbarashada, waxay fareysaa dalladaha Waxbarashada, maamuleyaasha Iskuullada iyo Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha inay u hoggaamsamaan amarka xiridda goobaha Waxbarashada muddo labo todobaad ah oo ka bilaabaneysa 3-da Maarso 2021,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda. Hoos ka akhriso qoraaladan oo dhameystiran
  3. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-432021.mp3 View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo saaray go’aano culus oo la xiriira xakameynta Coronavirus, si looga hortago fidis xanuunkan oo mar labaad kusoo laba-kacleeyey gudaha dalka Soomaaliya. Maxkamadda Sare ayaa shaaca ka qaaday in l a joojiyay dhammaan dacwadaha inta aan aheyn kuwa ciqaabta, illaa inta lagu guda jiro cudurka saf-marka ah ee Covid-19. Sidoo kale qoraal ka soo baxay Maxkamadda Sare ayaa waxaa si gaar ah loogu socod-siiyay hay’adaha Garsoorka dalka iyo laamaha amniga Soomaaliya. Maxkamaddu waxay sheegtay in ay sii socon doonaan kiisaska dacwadaha ciqaabta ku saabsan, inta laga soo sa Dhinaca kale warqaddan ayaa waxaa lagu shaaciyey inay sii socon doonaan kiisaska dacwadaha ciqaabta ku saabsan, inta laga soo saarayo go’aan kale oo rasmi ah. Go’aanadan ayaa kusoo aadaya, xilli dowladda Soomaaliya ay horey usoo rogtay xayiraado lagu xakameynayo fidista cudurka saf-mareenka ah ee Coronavirus. Halkan hoose ka aqriso:- Laga bilaabo 6.03.2021, waxa la hakiyey dhagaysiga, furashada iyo fulinta dhammaan dacwadaha aan ciqaabta ahayn illaa go’aan dambe. Waxa la furi doonaa lana dhagaysan doonaa dacwadaha ciqaabta ah oo kaliya inta uu go’aan kale ka soo baxayo dacwadaha aan ciqaabta ahayn. Dhammaan hawl-wadeenada Garsoorka waxa la farayaa in ay guryahooda ku shaqeeyaan marka laga reebo hawl-wadeenada ay maalintaas dacwad ciqaab ahi u mudaynsan tahay, kuwa horgeynta leh iyo maamulka hay’adaha Garsoorka. Dhammaan garmaqalada maxkamaduhu waxay noqon doonaan kuwo dadweynaha ka xiran., waxaana la joojiyey ka qaybgalka dadweynaha ee dacwadaha inta lagu jiro xaalada xanuunka Covid-19. Maxkamaddaha, Xeer Ilaalinta, Qareenada, Saldhigyada Booliiska iyo Waaxda Dambi Baarista waxa la farayaa in ay xil iska saaraan in ay si taxadar leh u socodsiyaan dacwadaha ciqaabta ah iyagoo qaadaya talaabooyinka muhiimka u ah xakamaynta iyo ka hortagga faafida xanuunka Covid-19, dhawrayana bedqabka maxaabista iyo haw wadeenada. Garsooreyaasha waxa la farayaa in ay dacwadaha ku dhagaystaan qolalka loogu talogalay dhagaysiga dacwahada oo kaliya, kana dheeraadaan in ay xafiisyadooda dacwad ku dhagaystaan. Xafiisyada Xeer Ilaalinta iyo Maxkamaddaha Rafcaanku waa in ay si joogto ah ula socdaan xaalada xabsiyada iyo maxaabiista. Ciidamada Asluubta waxa la farayaa in ay joojiyaan booqashada dadweynaha ee xabsiyada maxaabiista si looga fogaado in xanuunku xabsiyada ku faafo 9. Waxa la joojiyey kulamada tooska ah iyo tababarada. Wixii kulamo ah waxa loo adeegsan habka fogaan-araga. Hawl-wadeenada Garsoorka waxa la farayaa in si buuxda ugu hogaansamaan awaamirta iyo talaaboyinka lagu xakamaynayo faafida xanuunka ee ka soo baxa Wasaaradaha Caafimaadka ee Dawlada Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka
  5. Garowe (PP News Desk) — As the security situation in some cities in Puntland deteriorates, Puntland State Government introduced a new policy to ban firearms in towns. Bosaso, the commercial city, pioneered the ban, with Karkaar following suit. This is a major security policy that aims to criminalise firearms carried by civilians in towns. Many people carry concealed handguns concealed, a situation that terrorist groups exploit to carry out targeted assassinations. President Deni’s administration prefers top-down securitisation approach to the legislature’s role in proposing and enacting security-related policies. Under the new policy only security forces are allowed to carry forearms. Citizens are allowed to keep their firearms at their properties or business premises. Random searches conducted by Bari regional administration last month produced startling results. Many civilians carry weapons in their vehicles, making it difficult for security forces to foil Al-shabaab and ISIS plots to destabilise Puntland cities. No citizen has been charged for carrying firearms. People cited self-defence as the primary reason for carrying concealed guns. The new ban is fraught with legal ambiguities. There is less clarity on how authorities will distinguish between violators with possible links to terrorist groups and those who still lack confidence in the competence of security forces nipping terrorist plots in the bud. Region-wide security measures get introduced in Puntland without Parliamentarians or Councillors discussing issues that affect their constituencies. The disconnect between Puntland legislature and district councils poses governance hurdles for the Federal Member State that will conduct a controversial pilot local elections in three designated districts in 2021. © Puntland Post, 2021. The post Puntland Bans Firearms in Towns appeared first on Puntland Post.
  6. MOGADISHU (HOL) - The electoral talks slated for today between President Mohamed Farmaajo and Federal Member States did not commence after it emerged that regional leaders did not travel to Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  7. Daallada waxbarashada ee FPENS ayaa si weyn uga hortimid go’aankii kasoo baxaya dowladda Soomaaliya ee lagu xiray goobaha waxbarashada, sababo la xiriira Covid-19. Warsaxaafadeed kasoo baxay dallada oo nuql ka mid aha lasoo gaarsiiyey Shabelle ayaa marka hore lagu faah-faahiyey sameyntii laga dhex-lay xayiradihii lasoo rogay sanadkii hore. Sidoo kale waxa ay dalladu soo jeedisay in dib u eegis lagu sameeyo go’aanka cusub ee ay soo rogtay dowladda Soomaaliya ee lagu xiray Jaamacada & Iskuullada. FPENS ayaa shaaca ka qaadyay in go’aankan uu saameynayo mustaqbalka arday badan oo Soomaaliyeed & qoysas ku tiirsanaa dakhliga kasoo gala waxbarashada. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  8. Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Dambiyada Dagaal ee ICC ayaa furtay gal dacwadeed rasmi ah oo lagu baarayo eedeymo dambiyo dagaal oo Israel ka geysatay dhulka Falastiin tan iyo bishii June 2014. Fatou Bensouda, ayaa sheegtay in baaritaanada ku saabsanaan doonaan ficilada Isrealiyiintu ka geysteen Jiidda Gaza iyo bariga magaalada barakeysan ee Qudus. Saraakiisha Isrealiyiinta ayaa diiday go’aanka xeer ilaaliyaha, balse Falastiiniyiinta ayaa soo dhaweeyay talaabada, sidoo kale Mareykanka ayaa muujiyay sida uusan ugu faraxsaneyn go’aanka ICC. Maxkamadda ICC ayaa waxay awood sharciyeed u leedahay in ay baarto isla markaana ciqaabto kuwa lagu eedeeyo in ay xaquuq iyo dambiyo aadanaha ka dhan ah galeen, sida uu dhigayo heshiiska Rome ee maxkamaddu lagu unkay. Israel kama mid aheyd dalalkii saxiixey heshiiska Rome, laakiin maxkamaddu waxay sheegtay in ay ikhtisaas u leedahay sababta oo ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa Falastiniyiinta ka aqbalay heshiiskaas 2015. Israel ayaa Daanta Galbeed, Jiidda Gaza iyo Bariga Qudus ku qabsatay dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967. Falastiin ayaa sheegaysa in dhulkaas uu yahay mustaqbalka dowladda Falastiniyiintu. PUNTLAND POST The post Maxkamadda ICC oo baaraysa eedaymo ka dhan ah Israel appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa markii saddexaad uu fashil ku yimid shirkii wada-tashiga ee uu dhowaan iclaamiyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaaho oo Muqdisho ka casuumay madax goboleedyada. Shirkan oo lagu waday inuu furmo maanta oo Khamiis ah, kuna beegan afarta bisha March ayaa waxaa ku yimid dib u dhac, kadib markii madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland ay dalbadeen in waqti la siiyo shirka ra’iisul wasaaraha iyo musharaxiinta. Sidoo kale waxaa dalka ka maqan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo haatan safar ku jooga gudaha wadanka Turkiga. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Villa Soomaaliya oo ku aadan fashilka ku yimid shirka golaha wada-tashiga qaranka oo qurshuhu ahaa in looga hadlo doorashada. Arrintan ayaa sii xoojineysa is jiid-jiidka weli ka jira doorashooyinka dalka ee 2021-ka ee u dhexeeya madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada, siiba Jubbaland & Puntland. Si kastaba waa markii saddexaad ee uu baaqanayo shirkan, kadib wixii ka dambeeyey 8 February, oo ay dhamaatay mudo xileedka madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
  10. (SLT-Hargeysa)-Guddiyada kala reebista iyo soo xulista Musharraxiintab u tartamaya Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiiladda ee Saddex-da Xisbi Qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID ayaa mid kastaaba dhankeeda ay ku hawlan tay sidii fagaaraha tartanka doorashooyinka u keeni lahayd Musharraxiin ka iibsamay, isla markaana shurruudaha ay guddida doorashooyinku soo dhigeen buuxin karra. Xoggo Wargeyska Foore halley ayaa sheegaya in saddexda Xisbi Qaran ay xarumahooda Hargeysa ay ka socoto hawsha kala xulista iyo kala raabista musharraxiinta, isla markaana uu Xisbi kastaa ku dedaalayo sidii musharraxiinta buuxiya shurruudaha iyo kuwa aan buuxin uu u kale saari lahaa hanaan beelaysan oo aad u foolxun oo muran badan ka dhalan doono, waxaanay xoggu xuseen in saddex-da Xisbiba mid walba uu dhankiisa reebay Musharraxiin aan buuxin karrayn shurruudaha guddida doorashooyinka iyo qaar wejiyadooda aanay ku cusbayn Bulshada oo hore loo soo tijaabiyey iyo qaar aan kalsooni ka haysan beesha ay kasoo jeedaan taasi oo dhalin karta buuq iyo ismarin waa marka laga eego hanaanka beelaysan ee ay Xisbiyaddu ugu salaynayaan soo xulista musharaxiinta ka dhex tarmaya Xisiga ee Deegaanka iyo Wakiilada. Qaar ka mid ah mayaaraddii mudada dheer xilka soo hayay ee Caasimadda Dalka ayaa qaarkood la sheegayaa in si hoose gudida Xisbiyadda meesha uga saareen islamarkaana ay kuwa kale fursad siiyeen. Xisbiga KULMIYE Xisbiga KULMIYE ayaa la sheegay inay Guddiyada Soo Xulista iyo Diyaarinta Musharraxiinta Golayaasha Wakiillada iyo Degaannada dalka oo kaashanaya ama garabsanaya Guddiga Maaraynta Khilaafyada Musharraxiinta ee Xisbigaas ay si badheedh leh u reebeen Musharraxiin waa weyn kuwaas oo kamid ahaa Guddoomiyihii hore guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland Cabdiqaadir iiman,kaas oo ay ku sababeeyeen in Musharrax kale oo beesha ka soo jeedaa ka soo horreeyey kaasi oo watay taageero beesha ah oo mug leh isna aanu haysan taageerada, taasi oo Xisbigu wareegtada uu ku diiday soo saaray oo uu sababeeyey arintaasi oo waji gabax ku riday masuulkaasi oo doorkan si weyn iskugu diyaariyay tartan. Waxa kale oo xogaha uu Wargeyska Foore ka hellay Xalay illo wareedyadaas ay xuseen in Xisbiga KULMIYE uu sidoo kale soo reebay musharraxiin kale oo iyana buuxin waayey shurruudihii musharraxnimo,kuwaas oo magac ku leh saaxadda siyaasadda dalka islamarkaana iskugu jira Deegaanka iyo Wakiiladda, halka qaarna lagu sheegay in aanay sidan shahaadooyin wax-barasho,kuwaas oo Xisbigu si hoose u qanciyey,waxaana la filayaa in badhtanka bishan uu soo saaro liiska kama dambaysta ah ee Musharraxiintiisa u tartamaysa doorashooyinka Degaanka iyo Wakiillada . Xisbiga WADDANI Guddiga kala xulista Musharraxiinta Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI uga qayb-galaya Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka oo uu Guddoomiye u yahay Gudoomiye ku meel gaadhka ah ee Xisbigu Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo iyana ku hawlan kala hufka musharraxiinta Xisbiga ugu qayb-galaysa doorashooyinka isku sidkan, ayaa la sheegay inay reebeen Musharraxiin dhawr ah kuwaasii oo ay qaarkood u badheedheen islamarkaana ay talo ku qanciyeen halka kuwa kalena ay u badheedheen oo ay meesha uga tuureen hanaan muran badani ka iman karo oo beelaysan taasi laga cabsi qabo inay muran xoogleh iyo buuq ka dhex abuurto xisbiga Gudahiisa. Caqabadda ugu culus ee WADDANI waajahayo ayaa loo badaninayaa inay salka ku hayso inaanay markii hore xadidin tiradda musharaxiinta islamarkaana ay qaateen tiro aad uga badan lambarkii loo baahnaa, arintaasi oo hadda murug badan iyo fikir badan ku abuurtay Gudida kala xulista Musharaxiinta iyo dhimista tiradda. Xisbiga UCID Guddiga kala shaandhaynta Musharraxiinta Xisbiga UCID uga qayb-galaya Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka oo Muddaysan inay dhacaan sannadkan bisha may 31,2021-ka oo iyana ku hawlan kale shaandhaynta Musharraxiinta Xisbiga uga qayb-gelay doorashooyinka isku lamaan, ayaa la sheegay inay rebeen musharraxiin kuwaas oo ay u mareen hanaan kala door bidid ah oo ay u sareen Gudi madax bannaan.wallow qaarna la sheegay in aanay sidan wax khibrad shaqo ah iyo shahaadooyin, halka qaarna ay ku hadheen warqadaha dabi la’aanta oo anay sidan. Dhinaca kale Wasaaradda Waxbarashada ayaa door weyn ku leh kana caawinaysa Gudiyadani qaabka xulista Musharaxiinta gaar ahaan dhinaca cadaynta shahaadooyinka ay sitaan iyo aqoontooda waxbarasho, waxaana jira ragga culus oo Xafiisyadda Xisbiyadan la tagay shahaado fooljari ah taasi oo markii loo diray Xafiiska Imtixaanaadka, ay ka fashilantay, halkaana ku guuldaraystay buuxinta Shuruudihii laga rabay. Si kastaba ha-ahaatee Xisbiyadda KULMIYE ,WADDANI iyo UCID ayaa guddiyadda ay u xilsaarteen kale xulista Musharraxiin waxay mid waliba ku foogantay sidii ay fagaaraha u keeni lahayd musharraxiin xul ah oo ay isku waafaqsan yihiin, sla markaana la soo fetashay oo buuxinayey dhammaan shurruudaha Musharraxnimo,waxaana xusid muddan illaa hadda sida ay xogguhu sheegeen inay saddex-da Xisbi reebaan siyaasiyiin kale duwan kuwaas oo buuxin waayey shurruudihii Musharraxnimo halka qaarna aanay wax kalsooni ah ka haysay beelahood oo sidaas lagu reebay. Waxaa aad looga cabsi qabaa in Xisbi waliba uu gaarkiisa u waajihi doono su’aalo kaga yimaadda qaabka uu u xushay liiska uu soo saarayo iyo jidka uu maray iyo sababta uu uga tagay masuuliyiin uu balag u lulay, waxaana la eegayaa suurtagalnimadda muran ka dhex istaadhma Gudaha Xisbiyadan iyo habka ay u xali doonaan. Source
  11. Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu casumay Madaxda Maamul Goboleedyada inay shir ubyimaadaan maanta oo khamiis ah 4 bishaan Febaraayo, laakiin Siday Puntlandi.con ay Xalay daabeceen Shirkaas waa fashilmay. Cidna waxba kamasoo qaadin Casumaadii Madaxweynaha, Puntland iyo Jubbaland waxay Shirkaas Madaxweynuhu Iclaamiyay in maanta la isugu yimaado waxay ku tilmaameen Mid lagu carqaladeynayo Dadaalada ay wadaan Raysal wasaaraha iyo Musharixiintu. Axmed Madoobe Kismaayo joogaa maantana meelna uma docdo, Deni sidii kale Garowe ayuu hada joogaa oo isna meelna uma socdo, wuxuuna taagan yahay Madaxmed Cabdullaahi Farmaajo shir iyo wax kale xiliguu iclaamin jiray waa la dhaafay hada. Asxaabtii Madaxweyne Farmaajo oo ay u horeeyaan Qoorqoor iyo Laftagareen Turkiga ayay jiraan iyaga war lagama hayo. Villa Soomaaliya iyana maanta warkooda lama hayo , walina wax kama oran Shirkayniclaamiyeen maanta oo khamiis ah. Waan sugaynaa wixii soo kordha ee kala soco Puntlandi.com ama Facebook iyo Twitter-kayaga. Puntlandi.com Muqdisho The post Villa Soomaaliya oo afku juuqda gabay kadib fashilka Shirkii maanta appeared first on . Source
  12. Waxaa isa soo taraya shaki weyn oo laga muujinayo in uu baaqdo shirkii maanta ay u madalsanaayeen Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Midawga Musharixiinta . Illa ku dhaw shirka oo la hadlay GoobJoog News ayaa sheegaya in Rooble lagu cadaadinayo ka baaqashada shirka . Shirkan oo noqonaya midkii Seddaxaad oo ay yeeshaan labada dhinac ayaa lagu waday in looga hadlo ka qeyb galka matalayaasha Midawga musharixiinta iyo Saamileyda kale ee siyaasadda ee ka qeyb galaan shirka Doorashada ee Farmaajo iyo Madaxda maamul Gobaleedyada . Waxaa xusid mudan in uu maanta Fashilmo shirka ay yeelan lahaayeen Midawga Musharixiinta iyo Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble . Source: goobjoog.com
  13. Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee dalka ayaa soo saaray go’aano la xiriira xakameynta cudurka Covid-19. Guddoomiyaha ayaa sheegay in la joojiyay dhammaan dacwadaha inta aan aheyn dacwadaha Ciqaabta inta lagu guda jiro Covid-19. Halkaan Hoose ka Akhriso go’aanada:- View the full article
  14. Maxkamadda Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in laga bilaabo Sabtida la hakiyay dhegaysiga, Furashada iyo Fulinta dhammaan dacwadaha aan ciqaabta ahayn, si loo xakameeyo faafidda xanuunka COVID-19. Qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo lagu socod-siiyay dhammaan hay’adaha Garsoorka dalka iyo Laamaha Amniga ayaa lagu shaaciyay go’aankaan. Maxkamaddu waxay sheegtay in ay sii socon doonaan kiisaska dacwadaha ciqaabta ku saabsan, inta laga soo saarayo go’aan kale oo dib loogu fasaxo kiisaska madaniga ah. Sidoo kale, waxay tilmaantay in dhammaan dhegaysiga dacwaduhu ay ka xirnaan doonaan dadweynaha, si looga gaashaanto xanuunka Coronavirus. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo hakisay kiisaska dacwadaha Madaniga ah appeared first on Puntland Post.
  15. Dibadbaxayaal careysan ayaa buux dhaafiyay wadooyinka magaalooyinka waaweyn ee Myanmar kuwaas oo diiday Afgambiga ciidamada wadankaasi ay ku rideen xukuumaddii rayidka , Ururrada u Dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadda Myanmar ayaa muddo bil ah wada banaanbax aad u balaaran kaas oo looga soo horjeedo xukunka militariga maalin kadib markii 38 qof lagu dilay maalintii ugu rabshadaha badneyd tan iyo afgambigii bishii hore. Booliska ayaa banaanbaxayaasha ku furay rasaas si ay u kala jabiyaan mudaharaad ka dhacay magaalada Pathein, galbeedka Yangon, subaxnimadii Khamiista, sida ay warisay warbaahinta dalkaas. Kooxa hor kacaya Isusoobaxyada ayaa sheegay in Khatarta walba oo jirta ay sii wadi doonaan sidii ay cadaaladda ku heli lahaayeen, ayna ka go’an tahay inay culeys saaraan siideynta hogaamiyaha la doortay ee dowlada Aung San Suu Kyi iyo aqoonsiga guusheeda doorashada bishii Nofeembar. “Waan ognahay inaan markasta toogan karno oo nalagu dili karo xabad nool laakiin macno malahan inaan noolaano inta ka hoosaysa ciidamada militariga,” dhaqdhaqaaqa Maung Saungkha ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee Reuters. Qeybo ka mid ah Yangon, dibadbaxayaashu waxay sudheen go’yaal iyo sabarro iyagoo galay safaf dheer is hor istaagna ku sameeyay Ciidamada Afgambiga Sameyay . Mudaharaadayaashu waxay wadooyinka ku xireen taayiro ay ka mid yihiin taayiro duug ah, lebenno, jawaanno ciid ah, bamboo iyo silig adag. Source: goobjoog.com
  16. Iyada oo ay maalmihii ugu dambaysay xaaladda u diyaar garawga Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilladu meel xasaasi ah marayso marka laga hadlayo buuxinta shuruudaha Komishanka Doorashooyinku ku xidhay Musharraxiinta doorashooyinkaasi isku sidkan u taagan ayaa waxa arrinka ugu weyn noqday haysashada shahaadooyin aqooneed, gaar ahaan shahaadada jaamacadeed ee laga rabo qof kasta oo Musharrax ah oo u taagan doorashooyinka Golayaasha deegaanka, shardigaasi oo noqday mid kala hufaya rag iyo haween badan oo u taagnaa boosaskaasi, qaarkoodna aanay haysan shahaado jaamacadeed ama wax u dhigma. Arrinta haddaba layaab leh ee ka mid ah dhacdooyinka ka dhashay xaaladdan, waxa ay noqotay fal mid ka mid ah Musharraxiinta u taagan doorashada soo socotaa uu ku soo baabulay koox odayaal ah oo ay isku hayb yihiin si ay uga wasteeyaan guddoomiye Jaamacadeed oo ay isku hayb yihiin isaga laftiisana oo uu uga baahnaa in uu ka helo shahaado ninkaasi loogu sameeyo hannaan beelaysan si uu uga gudbo shuruudaha aqooneed ee ku xidhan mansabka uu u taagan yahay. Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda ADMAS Professor Xuseen Cabdillaahi Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka sheekeeyey falkan layaabka leh oo qabsaday mid ka mid ah guddoomiyayaasha jaamacadaha dalka oo ay goob isugu yimaadeen kuna sheekaysteen isaga oo uga qisooday sida falkaasi u dhacay. Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda ADMAS Professor Xuseen Cabdillaahi Maxamuud oo ka hadlaya sida arrintaasi layaabka lihi u dhacday waxa uu yidhi: “Nin ka mid ah guddoomiyayaasha jaamacadaha waddanka oo aannu saaxiib nahay ayaanu maalin dhawayd goob huteel ah kaffee ka ka wada cabnay oo isugu nimid oo aannu ku sheekaysannay. Arrimahan ayaa la soo hadal qaaday doorashooyinka iyo shuruudaha lagu xidhay iyo in la iska rabo shahaadooyin aqooneed iyo arrimahaasi ayaanu falanqaynay. Waxa uu iiga sheekeeyey sheeko aad u cajaa’ib badan oo dhanna aad u naxayso qaranka Somaliland dhanna ay kuu tilmaamayso wacyigeennu halka uu maanta joogo wali. Waxa uu ninkaa Guddoomiyaha ah ee aannu saaxiibada nahay igu yidhi waxa ii yimid koox odayaal ah oo hor kacaya nin musharrax ah. Soomaalidu baadi-soocda ay isku soo garataa waa haybta iyo wax isu ahaanshahee markaa ah nin aanu hayb ahaan is xigno oo odayaashaasi aanu isku haybta nahay wata. Odayaashu waxa ay leeyihiin ninkani waa musharraxeenii adiguna waxaad joogtaa jaamacaddeenii. Musharraxeenii maanta wax aad adigu hayso oo ah shahaado aqooneed ayaa maanta lagu xidhay. Waana ta uu maanta qayrkii kaga hadhayo shahaadadaasi halloo sameeyo. Waxaan anigu leeyahay markaa nimankaa waaweyn ee ninkaa u soo hor kacay isagana waxba umay tarin ninkaa ay hor kacayaan. Jaamacaddaasi ay u tageenna magaceeda iyo sumcaddeeda meel bay kaga dhaceen iyo waliba aqoonta iyo jaamacadaha waddanka ayay meel kaga dhaceen oo ay ceebaynayaan. Qarankana qofka u soo baxayaa qofka noocaasi ku soo baxay isaguna hadhaw waxa uu soo saari doono iyo halkay mari doonto waa wax aynu runtii aynu garan karayno.Qofkaa maanta wax doonayaa doorashooyinku muddo ayay soo taagnaayeen oo soo socdeen. Intaasiba waxbuu baran karayay hadduu diyaar yahay oo ummad doonayo in uu wax u qabto. Laakiin wax qof raba wax afka qalaad lagu yidhaa (short cut) oo ah wadiiqo yar oo gaaban in uu kaga soo boodo oo wax kaga guulaysto kaasina waa qof doonaya shahaado bug ah oo foojari ah oo suuqa lagu sameeyey in uu qaato oo uu ku soo baxo dee berrina qaranka Somaliland wuu foojari garayn oo isaga laftiisa ayuu habayn doonaa. Ilaahay taasina innaguma keeno”. Ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda ADMAS Professor Xuseen Cabdillaahi Maxamuud. Source
  17. Taliyaha Booliiska Karkaar Maamulka Gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho, oo ay weheliyaan Taliska Qaybta Booliiska Karkaar, ayaa shaaciyay in ay mamnuuc tahay in wax hub ah lagu dhex qaato dhammaan degmooyinka Gobolka Karkaar, gaar ahaanna magaalada Qardho. Kadib shir ku saabsan Amniga oo mas’uuliyiintu isu’gu yimaadeen Qardho, ayay ku go’aamiyeen in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado cid kasta oo hub ku dhex qaadata degmooyinka Gobolka Karkaar. Sidoo kale, waxay digiin adag u jeediyeen malayshiya-beeleed ka soo laabtay degmada Isku-shuban, kuwaas oo hubkooda la soo galay Gobolka Karkaar, kadib markii laga heshiiyay colaaddii degmada Isku-shuban. Maamulka ayaa ku amray dhammaan malayshiya-beeleedyada ku sugan Gobolka Karkaar in ay hubkooda guryaha ku xaraystaan, haddii kalena tallaabo adag laga qaadi doono. PUNTLAND POST The post Degmooyinka Gobolka Karkaar oo laga mamnuucay Hubka appeared first on Puntland Post.
  18. Cabdisalaan Yaasiin ayaa sheegay in looga fadhiyo masuuliyiinta Xisbiga WADDANI inay ka haddlaan mawqifkooda ku aadan haddalkii dhawaan kasoo yeedhay Prof Ismaaciil Buubaa ee wejiyadda baddan loo sameeyey. Prof Cabdisalaan Yaasiin ayaa sheegay in aan maanta aanay suurtagal ahayn in la hello shantii Somaaliyeed oo Dowlad ah“ 1950 iyo 1960-kii waanay ka baxday meeshii mid la hellayona maaha, sababtoo ah waxabaan oggolayn juquraafiga siyaasiga ah ee mandaqdu ku nooshahay,markaa shan Somaaliyeed oo la haddal hayaa wax iminka la wad-wadaa siyaasiyan iyo fikir ahaan-ba ,kasoo baxay oo ay dhalayso ayaan jirin-ba,waxa yimi tii 1960-kii iyadoo taa loo qal-qaalayo la galay ee Somaliland iyo Somaaliya oo midoobay tiina wey burburtay.” Dhanka kale Prof Cabdisalaan Yaasiin ayaa sheegay inay Xisbiga WADDANI ay waajib ku tahay inuu ka haddlo mawqifkiisa haddalkii dhawaan kasoo yeedhay Prof Buubaa oo kamid ah masuuliyiinta Xisbiga WADDANI,waxaanu sheegay in Xisbiga WADDANI ay dadku tuhunsan yihiin siyaasiyan inuu qorshe siyaasadeed oo Somaaliweyn ah watto Prof Cabdisalaan Yaasiin ayuu haddalkiisa u dhignaa sidan:-“Waxa aanu u arragnaa Xisbiga inay waajib ku tahay inuu ka haddlo arrintaas sababtoo ah Ismaaciil Buubaa waa oday,waana xubin WADDANI kamid ah, manaynaan maqal isagoo yidhi Xisbigii WADDANI waan ka baxay,marba haddii uu haddalkii uu yeeshay wejiyaddaa kale jaadka ah ee dadku u arkayaan,loona aanaynayo in arrinta tan WADDANI ku lug leeyahay oo dadka qaar ay ku eedaynayaa WADDANI siyaasaddaha uu waddo inuu kamid yahay waajib ayuu ku yahay labadooda WADDANI-na waajib ayuu ku yahay inay wax ka yidhaah-daan haddalka oo halka ay ka taagan yihiin ka celiyaan. Sidaa anaba aanu uga celinay, Ismaaciil-na waajib ayuu ku yahay inuu haddalkiisa ka celiyo haddalkan kasoo noqday sida ay tahay hadduu uga celinayo qof ahaan iyo haduu uga celinayo isagoo xubin WADDANI kamid ah .”ayuu sheegay Source
  19. Siyaasadu waa halka dalku ka hagaago ama ka xumaado mana aha wax in kooban iyo kooxi gaar u leedahay ee waa xaq iyo xuquuq uu leeyahay muwaadin kasta oo dalka jamhuuriyada Somaliland ahi , in loo ilaaliyaana ay tahay waajibaad dastuuri ah oo saaran hayadaha ku shaqada leh iyo xukuumada. Dalka jamhuuriyada Somaliland waxa lagu dhaqaa oo umadu ku heshiisay waa dastuurka iyo xeerarka qaranka jamhuuriyada Somaliland , markaa dastuurka dalku waxa uu si cad u qeexayaa in ay siyaasada dalku tahay saaxad furan oo muwaadin kastaa xaq u leeyahay in uu ka qayb qaato sida ku cad qodobada dasturka ee kala ah; Qodobka 9aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland , nidaamka siyaasadeed ee dalka . 1- Nidaamka siyaasadeed ee jamhuuriyada Somaliland waxa saldhig u ah nabad , talo wadaag , dimuqaradiyad , iyo hanaanka xisbiyada badan . 2- Tirada xisbiyada siyaasiga ah ee Somaliland kama badnaan karaan saddex (3) xisbi. 3- Iyada oo xeer gaar ahi habayn doono qaabka loo furan karo xisbi siyaasi ah , waxa reeban in xisbi lagu dhiso goboleysi iyo qabyaalad. Qodobka 22naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland ,Xuquuqda siyaasadeed ,dhaqaale ,bulsho iyo xaqa doorashada 1- Muwaadin kastaa waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qayb galo hawlaha siyaasadeed ,dhaqaale ,bulsho iyo hidaha si waafaqsan xeerarka iyo dastuurka. 2- Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo waxa uu xaq u leeyahay in la doorto ,waxna uu doorto. Qodobka 23naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland , xoriyada dhaqdhaqaaqa iyo is-abaabulka . 1- Qof kasta oo muwaadin ah ama si xeerka waafaqsan dalka ku jooga , waxa u xor u yahay in uu dalka ka maro ama ka dago meel kasta oo uu doono , iyo waliba in uu ka baxo ama ku soo laabto dalka marka uu doono. 2- Arimaha ku xusan faqrada 1aad ee qodobkan waxa ka reeban meelaha ama waqtiyada xeerku ka reebayo marideeda ama degideeda . 3- Muwaadiniintu waxa ay xor u yihiin in ay isku habeeyaan ururo siyaasadeed , cilmiyeed , dhaqameed , bulsheed , xirfadeed ama kuwa shaqaale si waafaqsan xeerka . 4- Waxa reeban urur kasta oo leh ujeedooyin lid ku ah danaha umada , ama qarsoodi ah , ama leh qaab ciidan ama hubaysan amaba kuwa kale ee khilaafsan xeerka waji kasta ha lahaadeene. Waxa sadexdan qodob ee dastuurka soo raacay oo adkaynaya oo si wanaagsana u sii cadeynaya Xeer.Lr.14 oo ah xeerka ururada iyo axsaabta siyaasada Somaliland oo uu qodobkiisa 6aad odhanayo sida tan; Qodobka 6aad kala reebida xisbiyada/ururada ku tartamaya doorashada golaha deegaanka 1- Sadexda xisbi/urur ee doorashada dawladaha hoose ka hela 20% codadka gobol kasta ayaa loo aqoonsanayaa xisbi qaran lana siinayaa shahaadada aqoonsi xisbi. 2- Hadii hal xisbi oo kali ahi ku guuleysto doorashada oo uu ka helo 20% codadka gobol kasta . gudidu waxa ay u aqoonsanaysaa xisbiyo qaran isaga iyo labada xisbi ee ku soo xiga isugeynta codadka boqolayda gobol kasta. 3- Hadii ay is leekaato tirada boqolayda gobolada ee laba urur ama ka badan waxaa lagu kala saarayaa tirad guud ee codadka ay ka helaan (hal dheeri ). 4- Hadii ururada siyaasadeed midna gaadhi waayo 20% waxa ay gudigu u aqoonsanayaan xisbiyo qaran sadexda xisbi ee ugu tiro badan codadka doorashooyinka tirada boqolayda gobolada dalka . 5- 10 kii sanadoodba mar baa la abuuri karaa ururo siyaasadeed si waafaqsan xeerkan , hase yeeshee waa in urur siyaasadeedka la abuuraa 6 (lix) bilood ka hor maalinta la qabanayo doorashada goleyaasha deegaanka. Haddaba waxa isweydiin leh iyada oo aynu arkayno sida dastuurka iyo xeerarka dalka jamhuuriyada Somaliland u adkeeyey una ilaaliyey xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland iyo nidaamka dimuqaradiyadeed ee axsaabta badan , in aan ilaa maanta la garanayn qaabka loo furi doono ururada siyaasada somalililand oo ay ka hadhsan tahay mudo koobani? Sida uu dhigayey xeer lr 14 waxa ay ahayd in doorashada golaha deegaanka lagu furo ururada siyaasada , haddaba hadii la is raaciyey doorashadii deegaanka iyo wakiilada oo la mudeeyey in ay dhacaan sanadkan 31-05-2021 sidee loo furi doonaa ururadii siyaasada oo ah xaq iyo xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland? Xiligani aynu joogno axsaabta siyaasada ee jirtaa ma yihiin ma kuwii dastuurka dalku sheegay , oo ma buuxiyeen ujeedooyinkii loo sameeyey mise waxa ay hayaan wado aan tii aheyn dalkani kaga badbaadayey hadimooyinkii shuruucda laga sameystay ? Jawaabaha su’aalahani waa kuwa muwaadin kuu yaalla oo ay tahay in aad ugu jawaabto si wadaniyadi ku dheehan tahay adiga oo ka fekeraya mustaqbalka dambe ee dadkaaga iyo dalkaaga . Maxamed Cabdi Jaamac (Mohamed Dhimbiil) mob: +252634429221 , +252634241005 somalilandstar@gmail.com Source
  20. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, ayaa maanta ka baaqday Shirkii Arimaha doorashada oo uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah. Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, ayaa dalbaday in wakhti la siiyo dadaalka ay wadaan Ra’iisul wasaare Rooble iyo Midowga Murashixiinta Muqdisho, islamarkaana aan la xagal-daacin Heshiiskii ay gaareen. Sidoo kale, waxay sheegeen in Shirka ay ogolyihiin balse lagu qabto goob amaan ah oo ku taal Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, haddii kalena aysan imaan doonin. Shirkan ayaa ah kii saddexaad oo Madaxweyne Farmaajo iclaamiyay oo u baaqday tabashada Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland. PUNTLAND POST The post Shirkiii Farmaajo iclaamiyay oo markii sadexaad baaqday appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in markale maanta uu la kulmo xubnaha Midowga Musharraxiinta Mucaaradka ee sida ay weyn uga soo horjeeda dowladda Soomaaliya. Kulankan oo noqonayaa kii saddexaad ayaa qorshuhu yahay in saacadaha soo socda uu ka furmo magaalada Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sheegaya in kulankan diirada lagu saarayo waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii ay dhawaan gaareen labada dhinac, si horey loogu sii amba-qaado wada-hadallada. Sidoo kale kulanka dhex-mari doono ra’iisul wasaaraha iyo mucaaradka ayaa la filayaa in lagu soo qaado waxyaabaah kasoo kordhay baaritanka dhacdadii 19-kii Bishii Febaraayo. Waxaa sidoo kale shirka inta uu socdo looga hadli doonaan abaabulka dibad-baxa ay wadaan musharraxiinta ee Sabtida dhacaya, kaas oo ay ogolaatay xukuumadda. Si kastaba maalmihii dambe ayaa waxaa soconayey wada-hadallo u dhexeeyey ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya & musharraxiinta, kuwaas oo is afgarad kusoo dhamaaday.
  22. Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku geeriyootay doon ku qalibantay xeebaha Oboq ee wadanka Jabuuti, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda oo la hadlay warbaahinta. Xiriiriyaha hay’adda socdaalka Qaramada Midoobay ee Bariga Afrika, Maxamed C/qaadir ayaa boggiisa Twitter-ka ku sheegay in doonta qalibantay ay ku sii jeeday dalka Yemen. Dhacdadan ayaa lagu sheegay in ay tahay midii saddexaad oo muddo ka yar lix bilood ka dhacda xeebaha ee dalka Jabuuti oo ay ku geeriyoodeen dad ka badan 70 ruux. Afhayeen u hadlay hay’adda IOM ayaa wakaalada wararka ee Anadole u sheegtay in kooxaha dadka Tahriibaya ay qaar ka mid ah dadka muhaajiriinta ah badda ku tuureen, maadaama doonta ay dad badan saarnaayeen. Meydadka illaa iyo shan ruux ayaa laga soo saaray badda, iyadoo inta badan muhaajiriinta saarnaa doonta qalibantahay ay ka soo jeedaan wadamada Itoobiya iyo Soomaaliya. View the full article
  23. Waxaa markale fashilmay shir uu madaxda dowlad gobaleedyada dalka ugu Baaqay Farmaajo in ay isugu yimaanada Magaalada Muqdisho. Maanta oo khamiis ah ayaa la qorsheynayay in uu qabsoomo shirka wadatashiga arrimaha Doorashooyinka Dalka , kaas oo Muqdisho uga furmi lahaa madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo Farmaajo . Talaadadii todobaadkan ayaa madaxweeynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir wadatashi oo lagu dhameystirayo heshiiskii arrimaha Doorashooyinka . Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa walaac ka muujiyay ka qeeyb galka shirka Farmaajo uu ku baaqay, iyagoo soo jeediyay in waqti la siiyo wada hadalada u dhaxeeya Midawga Musharixiinta iyo Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble . Fashilka ku yimid shirka ayaa noqonaya Midkii seddaxaad uu farmaasho ku baaqay bil gudaheed oo fashil uu ku yimaado. Source: goobjoog.com
  24. Warqad kasoo baxay Bangiga Dhex ayaa digniin loogu diray Xawaaladaha iyo Bangiyada kale ee ku yaal dalka, wuxuuna faray inay socod-siiyaan isticmaalka lacagta 50-ka Doller. Maamulka Bangiga dhexe ayaa sheegay inay sameeyeen baaritaan dheer, islamarkaana ay ku godaadeen in aysan jirin lacag been abuur ah oo dalka lasoo galiyey. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article