Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Gabadh 19-jira oo ku nool Muqdisho oo u badheedhay shaqo aan Dumarka lagu aqoon XIGASHADA SAWIRKA,AFP Qoraalka sawirka,Caasho Maxamed Caasha Maxamed oo 19 sano jir ah waa taksiile ku nool Soomaaliya, iyada oo kharashka ka soo gala ku dabbarta nolol-maalmeedkeeda qoyskeeda. Tan iyo sanadkii la soo dhaafay, gabadhan da’da yar ayaa lagu arkayay iyada oo gaari ku dhex wadda magaalada Muqdisho. Sababta ay ku dooratay gaari kaxaynta waa xirfad ay jeceshahay, sidoo kalena waa wax ay ku qasbaneyd maaddaama ay kala tageen seygeeda – oo ay is guursadeen iyada oo 16 jir ah—waxayna haatan daryeeshaa nolosha labadeeda carruur iyo hooyadeed. In gudaha Muqdisho ay haweenay gaari ku dhex waddo waa mid naadir ah. Sidoo kale waa halis maaddaama ay isgoysyada magaalada ka dhacaan qaraxyo gawaari loo adeegsaday. Qaraxii 13-kii February ka dhacay magaalada, saddex qof ayaa ku dhintay siddeed kalena way ku dhaawacmeen. Balse Caasho oo aad u jecel gaari kaxaynta, taasi ma cabsi gelinin. “Yaraanteydii, waxaan jeclaa inaan maalin uun darawal noqdo, balse kuma fekereynin inaan taksiile noqon doono,” ayay tiri. XIGASHADA SAWIRKA,AFP Qoraalka sawirka,Caasho ayaa sheegtay inay yaraanteedii jecleyd gaari kaxaynta Waxay sheegtay in fursadda gaari kaxaynta ay siisay shirkad takaasi oo cusub oo lagu magacaabo Rikaab. “Tirada haweenka taksiileyda ah way yaraayeen sababo dhanka ammaanka ah, balse tirada haweenka gawaarida kaxeeya way soo badanayaan,” ayay tiri Ilhaan Cabdullaahi Cali, oo ah madaxa maaliyadda ee Rikaab. Si kastaba, keliya saddex ka mid ah takaasida shirkadda ee 2,000 gaaraya ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa waxaa kaxeeya haween. Caasho waxay maalintii heshaa $40, taas oo u suurto gelisa inay ku biisho qoyskeeda, waxayna rajeyneysaa inay wax ka beddesho fekerka ay ragga ka qabaan doorka haweenka. Haweenka iyo doorashada Puntland Sawirro: Sida caalamka looga xusay Maalinta Haweenka XIGASHADA SAWIRKA,AFP Qoraalka sawirka,Caasho ayaa kharashka ka soo gala taksiga ku dabbarta qoyskeeda Macaamiisha ayay mar walba la yaab ku noqotaa marka ay soo galaan gudaha gaariga cad ayna arkaan Caasho, oo uu u marsan yahay make-up isla markaana xiran xijaab midabbo leh. Sadiiq Daahir, oo dhigta Jaamacadda Salaam, ayaa qirsan inuu la yaabay markii ugu horreysay ee uu arkay Caasho oo u timid inay isaga soo qaaddo, balse fekerkiisa ayaa isbeddelay. “Dhawaan waxaan isticmaalayay adeeggan Rikaab. Inkastoo ay tahay shaqo ay raggu u badan yihiin waxaan door bidayaa darawallada haweenka ah sababtoo ah si taxadar leh ayay gaariga u wadaa waqtigana way ilaaliyaan”. Qaran News
  2. Siyaasiyiinta Soomaalida oo ka walaacay go’aankii Biden ka soo saaray Isticmaalka Diyaaradaha Drones-ka Soomaaliya ayaa si sii kordheysa uga walaacsan jiheyn cusub oo ka timid maamulka madaxweyne Biden ee Mareykanka, taasi oo ku aadan isticmaalka diyaaradaha drone-ka iyo duqeymaha ciidamada Mareykanka ay ka fuliyaan Soomaaliya. Saraakiisha Soomaaliya ayaa isbeddeladan u arka kuwa kooxda Al-Qacida ku xiran ee markii horeba dhiiri-gelinta haysata siin kara fursado badan oo ay ku holw-gasho. Tan iyo markii Joe Biden noqday madaxweynaha Mareykanka 20-kii Janaayo, dowladda Mareykanka ayaan wax duqeymo ah la beegsan Al-Shabaab, kadib toddoba duqeyn oo ay fulisay 1-dii illaa 19-kii Janaayo ee sanadka 2021. Saraakiil sare oo ka tirsan militiraga Soomaaliya ayaa ka walaacsan in jiheynta cusub, oo xakameyn xooggan kusoo rogtay duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya, una baahan in Aqalka Cad uu ansixiyo howlgallada, ay ka dhigan tahay in Al-Shabaab ay dib isu urursan doonto. “Duqeyn la’aanta waxay ka dhigan tahay in hoggaamiyayaasha Al-Shabaab ay kasoo bixi doonaan dhuumashada,” waxaa sidaas VOA u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan militariga Soomaaliya oo codsaday inaan magaciisa la sheegin. “Waxay dib usoo saari doonaan hubkooda dagaalka, qoryo waa weyn ay ku rakiban doonaan baabuur, waxayna billaabi doonaan inay tiro badan isku urursadaan,” ayuu yiri. “Waxay waxyeelo badan u gaysan doontaa Soomaaliya kaliya maahee gobolka oo dhan, haddii Al-Shabaab la siiyo xorriyad ay ku dhaq-dhaqaaqaan.” Waxaa sidoo kale walaaca sii kordhinaya, ayada oo ciidankii la-dagaalami lahaa Al-Shabaab hadda loo adeegsanayo ujeedooyin siyaasadeed, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Soomaalida. “Xaaladda siyaasadeed ee iminka, oo ciidamadeenii amniga loo weeciyey amniga doorashooyinka iyo shaqooyin siyaasadeed, tani waxay mar kale faa’iido u tahay Al-Shabaab,” waxaa sidaas tiri Samira Gaid oo horey la-taliye sare oo dhanka amniga ugu aheyd ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Xayiraadda maamulka Biden uu saaray duqeymaha ka hor-tagga argagixisanimada, oo markii ugu horreysay uu weriyey wargeyska The New York Times, ayaa qeyb ka ah dib u eegis weyn oo maamulka ku sameynayo hanaanka sharciyeed iyo siyaasadeed ee maamula howl-gallada noocan ah. “Ujeedka jiheynta cusub ee ku-meel gaarka ah, waa in la xaqiijiyo in madaxweynaha uu aragti buuxda ka haysto muhiimadda ficilladan,” waxaa sidaas tiri afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka Emily Horne. Saraakiisha Soomaalida ayaa sheegay inay fahmi karaan sababta maamulka u adeegsaday arrintan, hase yeeshee ay ka cabsi qabaan inay khasaare horseeddo. “Dabcan waa in howlgallada lagu fuliyaa sida ugu taxaddarka badan ee lagu ilaalin karo shacabka, hase yeeshee xaqiiqda ayaa ah, Al-Shabaab waxay u baahan tahay inay difaac ku jirto, oo aysan marnaba helin xoriyad dhaq-dhaqaaq iyo mid howlgal, taasina waa waxa ay duqeymaha naga caawiyeen,” ayey tiri Samira Gaid. Bayaan uu soo saaray ayaa taliska AFRICOM waxa uu ku qiray in saraakiisha Soomaalida ay sheegeen in duqeymaha ay qeyb muhiim ah ka yihiin dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab. “Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed waxay si buuxda u taageersan yihiin dadaallada AFRICOM ee lagu wiiqayo Al-Shabaab ayada loo adeegsanayo duqeymo,” waxaa sidaas bayaan laga soo xigtay ku yiri Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneral Yuusuf Raage, isaga oo sidaas ka sheegay kulan uu dhowaan la qaatay saraakiisha Mareykanka. “Duqeymahan waxay kaalin weyn kaga jiraan dagaalka aan kula jirno cadow aan ka laba labeyn inuu shacabka Soomaaliyeed ku argagax geliyo caburin, baad iyo dil,” ayuu yiri Odowaa. Si kastaba, Pentagon-ka ayaa Jimcihii sheegay haddii ay jiraan wax walaacyo oo laga qabo in adkeynta uu Biden ku sameeyey maamulka duqeymaha, inaan weli lala wadaagin. “Kama war hayo wax walaacyo ah oo waaxda loo soo muujiyey,” waxaa siudaas weriyayaasha u sheegay afhayeenka Pentagon-ka John Kirby. Mar ay VOA si toos ah AFRICOM wax uga weydiisay walaaca Soomaalida, waxa uu taliska sheegay “inuu weli ku kalsoon yahay” inay saaxiibadooda Soomaaliya siin karaan taageerada lagama maarmaanka ah ee lagula dagaalaayo Al-Shabaab. Qaran News
  3. Somali-born Belgian long-distance runner Bashir Abdi shared glowing tributes of Olympic champion Mo Farah who beat him in the inaugural Djibouti half marathon championship at the weekend. Source: Hiiraan Online
  4. Nairobi (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culumada Soomaliyeed ayaa khudbad dheer uu jeedinayay waxa uu kaga hadlay siyaasadda Soomaaliya oo xiligan mareysay meel cakaran isagoo baaq u diray madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday iyo Midowga Musharaxiinta. Sheekh Umal ayaa si gaar ah kaga hadlay kursi jaceelka, tartanka jagooyinka dalka iyo dhibaatada laga dhaxlo kursi raadintiisa iyo isku dhajintiisa, isagoo sheegay dhibaatada ay Soomaaliya ka soo kabaneyso inuu kursi lagu dagaalamay dhaxalsiisay. Mar uu sheekha u muuqday inuu si gaar ah ula hadlaya madaxweyaha waqtiga ka dhamaaday ee Maxamed Farmaajo ayaa waxa uu yiri “ Ninka kursiga ku dhagan waxaan leeyahay kuwaana qaado kuwii kaa horeeyay halkii ay mareen ee Muslim iyo Gaal, oo inbadan aad ogsoontahay, sabab ha u noqon kursiga aad isku dhejineyso darteed hal ruux oo Muslim ah dhiigiisa inuu daato” Waxa uu Sheekha intaa ku daray hadii uu ku adkeysto isku dhajinta kursiga dambiga ay leedahay “ Waxaan kuu xaqiijinayaa hadaa sabab u noqoto hal ruux oo Muslim ah hadii la xagto iska daa in la dilee, Ilaah hortiisa maalinkaa soo istaagto adoo kaligaa oo qaawan adaa Mas’uuliyadeeda qaadi doona ee ku talagal” Dhanka kale waxa uu Sheekha yiri” Hadii Kumanaan Sano laguu daayo Nolosha iyo Kursiga, waxaa xaqiiqo ah iney imaan doonto maalin aad ka tagi doonto ama uu isaga kaa tagi doono, maalinkaasna mas’uuliyadiisa ilaah hortiisa ayey kaaga horeysaa.” “Nin xilkas ah oo Mas’uuliyad iyo culeeskeeda dareemaya, maanta kuma dhag dhago kursi Soomaaliyeed, maanta cidayaha kuma dagaalamo si uu kursiga ugu fadhiyo ama uu u fuulo, laakiim xil baan la garaneynin sidiisaba waxa uu yahay, laakiin waxaa ogaataa kursi iyo nolol ma baaqi ahaato,” ayuu yiri Sheekha isagoo uu khudbad u jeedinayay Soomaalida ku nool wadanka Kenya. Sheekh Umal ayaa intaa kadib ugu baaqay Maxamed Farmaajo inuu kursiga ka tanaasulo isaga oo yiri “Kursiga umaadan dhalan, kulama dhalan ee Umadda Masaalixdeeda u tanaasul oo uga tag, waxbadan ayaa umadda danaheeda looga tagaa, danahaaga qaaska ayaa looga tagaa.” Ugu dambeyn Sheekh Umal ayaa Midowga Musharaxiinta la hadlay waxaana uu u sheegay in kursiga iyo Boqortooyada uu ilaah bixiyo, “dadaal iyo dagaal loo galayna kursiga laasim ma ahan in kursiga lagu gaaro mid aan dadaalin buu ilaah siiyaa” “Kursiga waa mid 2 ruux ma qaado, 10 ma qaado, 7-na ma qaado, kursigaa halka qof qaado waa midkii Soomaaliya ay isku dagaashay, waxaan leeyahay luuqada qabyaaladda daaya, hadalka xanafta leh daaya, fitniada kicinteeda ka fogaada, si Mas’uuliyad ku jirta u dhaqma, dalka iyo dadka u tura oo Ilaah ka baqa, waa tii aan ku hogownay ee aan ku burburnay waa laga fogaadaa, waa laga taxadaraa, ka hor tag mooyee kadaba tag maleh, aafada hadey hurto oo holaacdana nin walbo ay saameysaa,” ayuu yiri Sheekha. Mar uu ka hadlayay Banaaabaxa ay abaabulayan Midowga Musharaxiinta waxa uu yiri “ Umadaan aad isku keeneysiin aad leedihiin mudaaharaad sameeya, oo saaxadaha iyo banaanada aad isugu keeneysiin, oo Dastuurka noo ogol leedihiin, waxaan leeyahay meesha waa Muqdisho, bishiiba intaas oo qarax ayaa ka dhaca, malintii intaas ayaa lagu dilaa, war kooxa dadka laaya ayaa buuxa, war mid baa ku dhex dhuuman kara oo is qarxin kara, mid baa rasaas ku furi kara, waxaa imaanaya hani a la burburiyo, mudaaharaad lama Kontarooli karo, USA, France iyo UK iyo dowladihii xoogga lahaa ayaa kontarooli waayay, waxa dhici kara dhiiga daadan kara iyo bururka dhici kara, si aad cadaadis u saarto kooxda kursiga heysato waxaan leeyahay halaga joogo” By: Abdiaziz Hassan Ibrahim Abdiazizh99@gmail.com Mogadishu-Somalia
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Afhayeenka xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Ibraamih Mucalimuu ayaa qoraal uu baraha bulshada kusoo qoray ku sheegay inuu rajeynayo shirkii go’aanka looga gaari lahaa arrimaha doorashooyinka in lagu qaban doono Muqdisho, sida ugu dhaqsiyaha badan. Sidoo kale afhayeenka wuxuu qiray in ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil heynta Maxamed Xuseen Rooble uu rajeynayo in lasii wado wadahalladii u dhaxeeyay dowladda iyo midowga musharaxiinta si gudu iyo si gaar ah, si xal looga gaaro arrimaha doorashooyinka. Qoraalka uu afhayeenka soo dhigay twitter-ka oo ku qornaa luqadda Ingiriiska ayaa u qoran sidaan: “Waxaan rajeyneynaa in maalmaha soo socda uu Muqdisho ka dhaco shirkii madaxda dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah si loo dhameystiro heshiiskii 17-kii September 2020, sidoo kale mudane Mohamed Xuseen Rooble wuxuu rajeynayaa iney sii socdaan wadahallada uu la lahaa musharaxiinta madaxweynaha si guud iyo si shakhsi ahba, si loo gaaro heshiis loona aado doorasho sida ugu dhaw” Hoping soon the upcoming summit btw the leaders of the FGS & FMS to be held in #Mogadishu to finalize the17 September 2020 Agreement, H.E @MohamedHRoble wishes to resume talks with Presidential Candidates both in general & in person ,to reach an agreement & go to elections soon. pic.twitter.com/GiTTJPnF6s — Mohamed Ibrahim Moalimuu (@MOALIMUU) March 7, 2021 Hadalka kasoo yeeray xukuumadda ayaa kusoo aadaya xilii uu fashil ku dhamaaday shirkii wajiga saddexaad oo ay yeesheen Rooble iyo midowga musharaxiinta, taasoo sida la sheegay uu ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil heynta ka gudbi waayay qodobo ay soo jeediyeen midowga. Midowga waxey ku eedeeyeen Rooble inuusan aheyn qof ay taladu ka go’do, balse waxaan la ogeyn hadii ay mar kale midowga ku qanci doonaan iney la fariistaan ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilka sii heysa.
  6. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in maalmaha soo socda uu Muqdisho ka furmi doono shir ku saabsan xallinta muranka doorashooyinka, kaas oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka. Af-hayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimow oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa sheegay in shirka lagu dhammaystiri doono Heshiiskii arrimaha doorashooyinka ee 17-kii September Muqdisho lagu saxiixay. Sidoo kale, wuxu sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble diyaar u yahay in uu sii wado kulamadii u dhexeeyay isaga iyo murashixiinta mucaaradka ah si loo gaaro heshiis iyo af-garad buuxa, islamarkaana dalku doorashu u aado. “Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu mar kasta diyaar yahay sii waddida wadahadalladii uu la lahaa Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya si guud iyo si gaar gaar ahba ,si loo gaaro hishiis iyo is afgarad ,dalkuna uu doorasho u aado.” PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada oo shir uga furmayo Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  7. Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay ku soo wajahan yihiin gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya inuu beri Muqdisho imaan doono madaxweyne Axmed Madoobe, halka Siciid Deni oo isna soo gaari doono maalinta Taaladada ah. Labada hoggaamiye ayaa ka qeyb-galaya shirka wada-tashiga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo dhammaadka todobaadkan ka furmayo Muqdisho. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa ka dhacaya xarunta Xalane, iyadoo doodo adag ay yeelan doonaan dhinacyada ka qeyb-galayaa shirkaasi oo diirada lagu saarayo doorashooyinka. Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo kala guur ah, waxaana weli laísku hayaa hannaanka lagu wajahayo doorashooyinka dalka ee 2021-ka. View the full article
  8. Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ku baaqay inay Doorashooyinku si cadaaladi ku jirto dalka uga wada qabsoomaan, waxaanu ka digay in la musuqo, isagoo sharci daro ku tilmaamay in la xidho Musharixiinta Xisbiyada Mucaaradka iska soo sharaxay. Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale farriin u diray Komishanka Doorashooyinka waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waxaynu rabnaa inaynu qabsano Doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka, waxaynu rabnaa in saddexda Xisbi si siman oo caddaalaadi ku jirto u tartamaan, waxaynu rabnaa in Musharixiintu hankooga Musharixinimo xor u ahaadaan, oo hadba Xisbiga ay doonaan iska soo sharaxaan, laakiin waa sharci-daro ah in Musharixiin ka sharaxan Xisbiyada Mucaraadka la xidho, in xabsiga loo taxaabo, in xorriyadda laga qaado, iyo in la isku dayo in la iska hor taagno hankooga musharaxnimo ee Xukuumaddu ha iska ilaaliso wax kasta oo mugdi iyo shaki galinaya Doorashooyinka iyo qabsoomidooda”. Mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Komishanka Doorashooyinka masuuliyad culus baa saaran, waxaana laga rabaa inay Masuuliyadaas saaran sida ugu haboon uguna cadaalada badan uga soo baxaan, waxaa kale oo laga rabaa inay si cadaaladi ku jirto dhex ugu ahadaan Xisbiyada iyo Musharixiinta tartamaya”. Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhismaha Wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa mareysa heer gaba-gabo ah, ayada oo muddadii ay socotay wajahday xaalad adag oo marar badan sababtay inuu hakad galo dhismaha jidkaasi oo ay dhismihiisa gacanta ku hayso shirkad Turki ah. Intii uu socday dhismaha wadadaas ayaa waxa ku naf waayey injineero iskugu jira Soomaali iyo Turki kuwaasi oo ka wada-shaqeynayay dhismaha wadadaas, waxayna hanjabaado iyo weeraro joogto ah kala kulmeysay kooxda Al-Shabaab. Wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ka kala tiran gobollada Banaadir & Sh/Hoose ayaa ah waddo muhiim ah oo sahleysa isku socodka dadweynaha, waxayna kaalin weyn ka qaadaneysa isku xirka gobolka Banaadir iyo shabeellaha Hoose. Dhamaadka bishii January ee sanadkaan ayey aheyd markii Gaari ay la socdeen shaqaalaha Soomaalida ah ee la shaqeeya injineerada Turkida ah ee ka shaqeynayay dhismaha wadaas lagu qarxiyey degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Al-Shabaab ayaa inta badan beegsada shaqaalaha iyo injineerada Turkida ah ee dhisaya wadada laamiga ah ee xariirasa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ahaatan meel gaba-gabo ah maraya dhismaha laamiga sida ka muuqata sawirada hoose.
  10. Xoghayaha Fulinta ee Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada (IGAD) H.E. Dr Workneh Gebeyehu ayaa maanta Nuur Maxamuud Sheekh u magacabay Afhayeenka Urur gobaleedka IGAD . Nuur Maxamuud Wuxuu muddo 30 sano ah ka shaqeeynayay howlaha xagga diblomaasiyadda, dhexdhexaadinta, ilaalinta qaxootiga, iyo arrimaha bani’aadamnimada. Magacaabistaan ka hor, Nuur wuxuu la-taliye sare ka ahaa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale la shaqeeyey Ergeyga Gaarka ah ee IGAD ee Koonfurta Suudaan halkaas oo uu ka mid ahaa kooxdii dhexdhexaadinta ee horseeday heshiiskii nabadeed ee Sebtember 2018. Nur Xirfadihiisa shaqo waxa uu arkay isaga oo la falgalaya qaybaha kala duwan ee siyaasadda iyo waxqabadka faragelinta heer qaran iyo heer gobol iyada oo la kaashanayo ururada dhinacyada badan leh; IGAD, AU, EU iyo UN ”, ayuu yiri Dr Workneh . Nuur Maxamuud Sheekh waxa uu sidoo kale doorweyn uu qaatay xoojinta wadashaqeynta Dowladaha iyo hay’adaha dhinacyada badan IGAD. Mr Sheekh wuxuu shahaadada sare ee Colaada iyo Horumarka ka qaatay Iskuulka Cilmiga Oriental iyo African Studies ee Jaamacadda London. Source: goobjoog.com
  11. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Somaliland ay jirto Qorshe la’aan siyaasadeed oo dhinaca Xukuumadda ah, taasina tahay waxa dalka dib uga dhigay inuu horumar muuqda sameeyo. Faysal Cali Waraabe oo khudbad ka jeediyey Munaasibad uu Xisbigiisu ku soo dhaweeyay Musharraxiin u tartamaya Golaha Wakiillada, ayaa sheegay in lixdankii ay Hoggaan xumo kharibtay Shacabka Somaliland, maantana ay Somaliland ka jirto Hoggaan xumo Guddoomiyaha UCID oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Lixdankii waxa ina kharibay waxay ahayd Hoggaan xumo, Maantana waxa halkaa inna dhigay waa Hoggaan Xumo, Dadka waxa is dhaafayaa waa Hoggaanka, Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu hoggaan wanaagsan ina siiyo.” Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu dhaliilay habka loo Magacaabo Wasiirrada iyo Wasaaradaha “Wasaaradaheena ma jiro Wasiir qudha oo aad is leedahay Shaqadaa wuu ku habboon yahay, Qof qudha oo Wasiir ah oo hore meel Shacab ka soo shaqeeyay ma jiro, gidigood Dad aan cilmi lahayn ayaa loo dhiibay, taa waxa ka daran ma lihin Siyaasad Qaran oo uu Wasiirku ku shaqeeyo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Nidaamka aynu qaadanay, Madaxweynuhu wuxuu la yimaaddaa qorshe siyaasadeed, siyaasadda Arrimaha dibedda, ta dhaqaalaha, ta Bulshada, ta difaaca, kuwaa midna ma lihin, sidaas baynu u meeraysanaynaa, wakhtigii ayaynu iskaga luminay yooyootan, hebel xumee iyo hebel ku jiqsii..” Source
  12. MOGADISHU (HOL) - The African Unio Mission in Somalia (AMISOM) has mourned the death of its founding ambassador Nicolas Bwakira and praised him for his role in building the foundation of the African Union sanctioned force which has been operating in Somalia for over a decade now. Source: Hiiraan Online
  13. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has mourned the death of its founding ambassador Nicolas Bwakira and praised him for his role in building the foundation of the African Union sanctioned force which has been operating in Somalia for over a decade now. Source: Hiiraan Online
  14. Xubna ka tirsan midawga Musharixiinta ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dib loo bilaabo wada hadaladii fashilmay ee u dhaxeeyay Midawga Musharixiinta iyo Xukuumadda xilgaarsiinta . Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah midawga musharixiinta ayaa shegay in si xal loo gaaro loo bahan yahay in ay sii socdan Wadahadalada. Qoraal uu soo dhigay Barta uu Facebook-ga ku leeyahay ayuu ku sheegay in la rabo in arrinta ay miiska wada hadalka ku dhamaato. “Annaga oo ka duuleyna mabda’eenna ah in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhamaato oo aan fagaara kale lagu xallin karin, waxaan soo jeedinaynaa in ay sii socdaan wadahadalladi Ra’iisalwasaare Mohamed Hussein Roble iyo Midowga Murashaxiinta, si arrimaha murugsan ee Soomaaliya xal waara looga gaaro.” Dhanka kale Afhayeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Ibraahim Mucalimuu ayaa sheegay in mar dhaw la qaban doono shir ay isugu imaanayaan Dowladda Federaalka iyo Madaxda dowlad gobaleedyada dalka Si loo dhameeystiro Heshiiskii 17-September. Moalimuu ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadda ay waddo qorshe dib loogu furayo wadahadaladii Fashilmay . Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku yiri ” Waxaan rajeyneynaa in mar dhow shir madaxeedka soo socda ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad gobaleedyada uu ka furmo Muqdisho si loo dhameystiro heshiiskii 17-kii Sebtember 2020. “Maxamed Hussien Roble wuxuu doonayaa inuu dib u bilaabo wadahadalkii uu la lahaa Musharixiinta Madaxweynaha guud ahaan iyo shaqsi ahaanba, si loo gaaro heshiis isla markaana loo galo doorashooyinka dhowaan.” Hadalka labada dhinac ayaa ku soo aadaya xilli 48-saac ee la soo dhaafay xaaladda siyaasadeed ee dalka aysan laheyn Jiho loo raaco. Source: goobjoog.com
  15. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo dib ugu laabtay Kismaayo ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay abaarta ka jirta Gedo. Ugu horreyn Sayid Aadan ayaa shaaciyey in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka jirto Gedo, islamarkaana ay ka taagan tahay abaar saameysay dadka iyo duunyada. Sidoo kale wuxuu baaq u diray hay’daha samafalka ee ka howl-gala Jubbaland inay gurmad bani’aadanimo gaarsiiyaan qoysaska ku dhibaateysan halkaasi. Gedo ayaa waxaa muddooyinkii dambe kasoo yeereysay qeylo dhaan ku aadan xaalad biyo laáan ah iyo mid nololeed intaba. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si sii kordheysa uga walaacsan jiheyn cusub oo ka timid maamulka madaxweyne Biden ee Mareykanka, taasi oo ku aadan isticmaalka diyaaradaha drone-ka iyo duqeymaha ciidamada Mareykanka ay ka fuliyaan Soomaaliya. Saraakiisha Soomaaliya ayaa isbeddeladan u arka kuwa kooxda Al-Qacida ku xiran ee markii horeba dhiiri-gelinta haysata siin kara fursado badan oo ay ku holw-gasho. Tan iyo markii Joe Biden noqday madaxweynaha Mareykanka 20-kii Janaayo, dowladda Mareykanka ayaan wax duqeymo ah la beegsan Al-Shabaab, kadib toddoba duqeyn oo ay fulisay 1-dii illaa 19-kii Janaayo ee sanadka 2021. Saraakiil sare oo ka tirsan militiraga Soomaaliya ayaa ka walaacsan in jiheynta cusub, oo xakameyn xooggan kusoo rogtay duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya, una baahan in Aqalka Cad uu ansixiyo howlgallada, ay ka dhigan tahay in Al-Shabaab ay dib isu urursan doonto. “Duqeyn la’aanta waxay ka dhigan tahay in hoggaamiyayaasha Al-Shabaab ay kasoo bixi doonaan dhuumashada,” waxaa sidaas VOA u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan militariga Soomaaliya oo codsaday inaan magaciisa la sheegin. “Waxay dib usoo saari doonaan hubkooda dagaalka, qoryo waa weyn ay ku rakiban doonaan baabuur, waxayna billaabi doonaan inay tiro badan isku urursadaan,” ayuu yiri. “Waxay waxyeelo badan u gaysan doontaa Soomaaliya kaliya maahee gobolka oo dhan, haddii Al-Shabaab la siiyo xorriyad ay ku dhaq-dhaqaaqaan.” Waxaa sidoo kale walaaca sii kordhinaya, ayada oo ciidankii la-dagaalami lahaa Al-Shabaab hadda loo adeegsanayo ujeedooyin siyaasadeed, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Soomaalida. “Xaaladda siyaasadeed ee iminka, oo ciidamadeenii amniga loo weeciyey amniga doorashooyinka iyo shaqooyin siyaasadeed, tani waxay mar kale faa’iido u tahay Al-Shabaab,” waxaa sidaas tiri Samira Gaid oo horey la-taliye sare oo dhanka amniga ugu aheyd ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Xayiraadda maamulka Biden uu saaray duqeymaha ka hor-tagga argagixisanimada, oo markii ugu horreysay uu weriyey wargeyska The New York Times, ayaa qeyb ka ah dib u eegis weyn oo maamulka ku sameynayo hanaanka sharciyeed iyo siyaasadeed ee maamula howl-gallada noocan ah. “Ujeedka jiheynta cusub ee ku-meel gaarka ah, waa in la xaqiijiyo in madaxweynaha uu aragti buuxda ka haysto muhiimadda ficilladan,” waxaa sidaas tiri afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka Emily Horne. Saraakiisha Soomaalida ayaa sheegay inay fahmi karaan sababta maamulka u adeegsaday arrintan, hase yeeshee ay ka cabsi qabaan inay khasaare horseeddo. “Dabcan waa in howlgallada lagu fuliyaa sida ugu taxaddarka badan ee lagu ilaalin karo shacabka, hase yeeshee xaqiiqda ayaa ah, Al-Shabaab waxay u baahan tahay inay difaac ku jirto, oo aysan marnaba helin xoriyad dhaq-dhaqaaq iyo mid howlgal, taasina waa waxa ay duqeymaha naga caawiyeen,” ayey tiri Samira Gaid. Bayaan uu soo saaray ayaa taliska AFRICOM waxa uu ku qiray in saraakiisha Soomaalida ay sheegeen in duqeymaha ay qeyb muhiim ah ka yihiin dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab. “Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed waxay si buuxda u taageersan yihiin dadaallada AFRICOM ee lagu wiiqayo Al-Shabaab ayada loo adeegsanayo duqeymo,” waxaa sidaas bayaan laga soo xigtay ku yiri Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneral Yuusuf Raage, isaga oo sidaas ka sheegay kulan uu dhowaan la qaatay saraakiisha Mareykanka. “Duqeymahan waxay kaalin weyn kaga jiraan dagaalka aan kula jirno cadow aan ka laba labeyn inuu shacabka Soomaaliyeed ku argagax geliyo caburin, baad iyo dil,” ayuu yiri Odowaa. Si kastaba, Pentagon-ka ayaa Jimcihii sheegay haddii ay jiraan wax walaacyo oo laga qabo in adkeynta uu Biden ku sameeyey maamulka duqeymaha, inaan weli lala wadaagin. “Kama war hayo wax walaacyo ah oo waaxda loo soo muujiyey,” waxaa siudaas weriyayaasha u sheegay afhayeenka Pentagon-ka John Kirby. Mar ay VOA si toos ah AFRICOM wax uga weydiisay walaaca Soomaalida, waxa uu taliska sheegay “inuu weli ku kalsoon yahay” inay saaxiibadooda Soomaaliya siin karaan taageerada lagama maarmaanka ah ee lagula dagaalaayo Al-Shabaab. VOA
  17. Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray deegaanka Feer-feer ee Gobolka Hiiraan. Wafdiga Guddoomiye Jeyte waxaa qeyb ka ah Duqa Beledweyne Nadar Tabaax maalin Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Hiiraan Abuukar Cabdullahi Maadeey Saraakiil ciidan iyo Ganacsato. Wafdigaasi waxaa soo dhoweyn heerkeeda sareeya gudaha degmada Feer-feer ugu sameeyay qeybaha bulshada deegaanka. Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Feer-feer ka daah furi doona mashaariic horumarineed. View the full article
  18. Muqdisho (Wararka PP) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu la kulmo la-taliyeyaashiisa siyaasadda. Laba-bogleyn ku saabsan ka sii mid ahaanshaha Midowga Murrashixiinta ayaa soo foodsaartay madaxweynihii hore. Sanadkii 2016 wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed iyo Wasiir hore Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame inay si “qeyrul mas’uulnimo u sahladeen baddeennu inay baxdo…” Wuxuu ku tilmaamay labada siyaasi kuwo aan u qalmin inay u tartamaan xilka madaxweynenimada Soomaaliya. Miyuu isbeddelay? 2016kii Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku eedeeyay Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur dibindaabyo qaran. “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu u ekaanayaa siyaasi dadka been u sheegayay 2016kii hadduu maanta madal kala soo muuqdo Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur isagoo aamminsan inay u qalmaan in loo doorto Madaxweyne” ayuu yiri Aweys Cali, oo ah bare ku sugan Afgooye. “La-taliyayaasha Xasan Sheekh laba arrimmood mid uun waa inay kula taliyaan Xasan Sheekh. Inuu ka tanaasulo murrashaxnimada ama inuu ka baxo Midowga Murrashixiinta” ayuu yiri gorfeeye siyaasadeed oo Puntland Post ka codsaday inay xigato magaciisa oo aan la sheegaynin. Midowga Murrashixiintu waxay u badan yihiin xubno aan ku mideysnayn siyaasad dhaafsiisan in xukunka lagala wareego Madaxweyne Farmaajo. Waxay ku hungoobeen codsi ay u direen xildhibaannada Digil & Mirifle oo ka biyodiiday xubinnimada Shariif Xasan Aadan, oo ay u arkaan inuu bahwadaag siyaasadeed la yahay Aala Sheekh iyo Damuljadiid, laba kooxood ay xildhibaannada beeshu u arkaan “kuwo aan lahayn barnaamij siyaasadeed danta qaranka Soomaaliyeed ku qotoma”. © Puntland Post, 2021 The post Xasan Sheekh Maxamuud oo ka fiirsanaya inuu ka baxo Midowga Murrashixiinta appeared first on Puntland Post.
  19. Burundian diplomat Amb. Nicolas Bwakira who held senior positions at the UN High Commission for Refugees from 1970 to 2002, and the African Union’s Special Representative for Somalia has passed away Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-732021.mp3 View the full article