Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xilli todobaadkan lagu wado in qeybaha Soomaalida shir loogu qabto Afisyooni ayaa waxaa muuqato qodobbo badan oo ismariwaa ah oo qaarkood horay u jireen iyo qaar cusub oo hadda soo ifbaxay. Qodobbada Horay u Jiray: Ismariwaaga siyaasadeed ee doorasho: Shan bil heshiiskii September 17 kadib iyo 35 cisho oo kasoo wareegtay muddo xileedka madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu ismariwaa ka jiraa doorashada taas oo keentay in loo baahdo faragelinta beesha caalamka iyo iney gogol dhigto Hey’adaha la doorto ee dowladda oo uu ka dhamaaday xilligii dastuuriga ahaa: Baarlamaanka federaalka waxaa uu muddo xileedkiisu dhammaaday December 17, 2020 halka madaxweynaha uu muddo xilkeedkiisu ku ekaa February 8, 2021, sidaasi ay tahay lama diyaarin ciddii badali aleyd hey’adahaasi, oo waxaa iska wataan shaqadooda, taasi oo muran dhalisay. Hirgelinta heshiika September 17 oo Fashilmay: Heshiiskaas ayaa dhigayey in la magacaabo saddex guddi oo doorasho oo ay ku jiraan labada heer dowladda iyi midka khilaafaadka, in xildhibaanka doortaan ergo 101 ah, in maamul kasta uu labo magaalo doorasho ku qabto iyo qorshe doorasho oo fulintiisu bilaaban laheyd November.Heshiiska waxaa uu fashilmay kadib markii maamul Farmaajo uu magacaabay guddi doorasho oo askar iyo shaqaale dowlad u badan. Fashilka Dhuusamareeb 4: Fadhi ay dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyadu ku lahaayeen caasimadda Galmudug ayaa burburay February 6. Shirkan oo loo yaqaanay Dhuusamareeb 4 waxaa uu burburay kadib markii uu madaxweynihii xilligaas Farmaajo uu Gedo uga tanaasuli waayey maamulka Jubbaland, qodobada kale ee la iskumari waayey waxaa ka mid ahaa guddiyada lagu muransan yahay ee doorashada iyo xulista matalayaasha Somaliland. Haddaba, shirka todobaadkan lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho, lagama bilaabi doono halkii lagu kala tagay Dhuusamareeb 4 ee ahaa: Gedo, guddiyo doorasho iyo Somaliland ee maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo xataa midowga musharaxiinta waxaa ay wataan qodobbo kale oo cusub waxaana ka mid ah: 1. In Farmaajo uu Wareejiyo Awoodaha: Arrinta ugu muhiimsan ee miiska saaran, waa in uu Farmaajo ku saxiixo teendhada Afisyooni in aanu isticmaali karin awoodaha dastuuriga, ee uu yahay madaxweyne hore, musharax ah, sidaasina waxaa horay u sameeyey Xasan Sheekh. 2. Muranka ku aadan shir guddoominta: Waxaa qodobbada miiska saaran ka mid ah shir guddoominta shirka Afisyooni iyada oo Puntland, Jubbaland iyo musharaxiinta ay ku doodayaan in Farmaajo laga wareejiyo shir guddoominta mar haddii uu dhamaaday muddo xileedkiisa. 3. In Musharaxiinta Ka Qeybgalaan: Waxaa miiska saaran in saamileyda siyaasadda ay shirka tagaan, gaar ahaan musharaxiinta madaxweynaha. 4. Xil ka qaadista Taliyeyaasha: Waxaa miiska saaran in xilka laga qaadayo taliyeyaasha ku lug lahaa weerarkii February 19 iyo kuwa laga shakinsan yahay inuu maamulka Farmaajo adeegsan karo xilliga doorashada. 5. In Amniga Doorashada Lagu Wareejiyo Booliiskii hore: Puntland, Jubbaland iyo midowga musharaxiinta waxaa ay qabaan in amniga doorashada laga reebo Haramcad, oo lagu kobo booliiskii hore iyo AMISOM. 6. Baarista Dhacdadii February 19: Waxaa kale oo qodobada ka mid ah in la baaro rasaaseyntii February 19 oo ka dhan aheyd midowga musharaxiinta. 7. Dhismaha Gole Xilliga Kala-guurka: Waxaa miiska wada hadalka ee Afisyooni saaran in la magacaabo gole oo ay ku jiraan guddoonka baarlamaanka, xukuumadda iyo maamulka goboleedyada si ay mas’uul uga ahaadaan marxaladda kala guurka. 8. Dhanka kale, Bulshada Rayidka ayaa beesha caalamka oo ah cidda martigelineyso ka dalbatay ka qeyb shirka Afisyooni, si ay korjoogto uga noqdaan, arrintan ayaa timid kadib fashil ay kala kulmeen dhexdhexaadinta. 9. Mowqifka Dowladda: Dowladda federaalka ah ayaa muuqato mid ku adkeysaneyso in Afisyooni lagu saxiixo heshiiskii guddiyada farsamo ee Baydhabo February 16, inuu shir guddoon sii ahaado, inuu doorashada maamulo iyo in aan laga qaadin awoodihiisa dastuuriga ah. 10. Mowqifka Beesha Caalamka: Beesha caalamka oo gogosha dhigtay shirkan Afisyooni waxa ay mar walbo ku celisaa in aan la qaban doorasho hal dhinac, isbarbar socda ama in laga fogaado qalalaaso. Haddaba, sida muuqato xalku waa mid adag, xaaladduna waa mid gacanta ka baxday, waxaase rajo weyn laga qabaa sida beesha caalamka ay kaalin hoggaamineed uga qaadan karto guuleysiga shirka, una cadaadin karto qeybaha Soomaalida. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 24-kii August 2014 qaatay go’aan taariikhi ah, ayada oo Soomaaliya ay si rasmi ah ugu gudbisay maxkamadda ICJ dacwad ka dhan ah Kenya, oo isku dayeysa inay qaadato qeyb ka mid ah dhul-badeedka Soomaaliya. Go’aanka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilligaas laga bixiyey aragtiyo kala duwan, ayada oo dadka qaar ay u arkeen habka kaliya ee Soomaaliya ay dhul-badeedkeeda ku difaacan karto, halka kuwa kalena ay u arkeen halis maadaama aan la ogeyn waxa uu noqon karo go’aanka maxkamadda. Hase yeeshee, madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu go’aankiisa ku saleeyey talooyinka sharci-yaqaanadda badda, oo ogaa in Kenya aysan haysan dood xooggan oo meel kasta oo sharciga laga eego aysan qiil u heli karin inay qaadato badda Soomaaliya. Waqti badan ma qaadan in Kenya ay muujiso wixii ay tuhmayeen sharci-yaqaanada, waxayna durba diiday inay kiiska ka qeyb-gasho, ayada oo maxkamadda ka furtay diidmo horudhac ah, oo ay ku sheegeysay in maxkamadda aysan sharciyad u lahayn inay kiiska qaado, taasi oo looga adkaaday lana guda galay kiiska. Hase yeeshee wixii markaas ka dambeeyey, Kenya waa lagu kari waayey inay maxkamadda soo joogsato, ayada oo marba marka ka dambeysay codsaneysay dib u dhigis ay mid kale ku xigto, taasi oo maxkamadda ay laba goor aqbashay balse ku gacan seertay markii saddexaad. Ugu dambeyntii, Kenya ayaa 11-kii bishan si rasmi ah u muujisay tuhunkii muddo laga qabay ee ahaa inaysan diyaar u aheyn in lagu kala baxo maxakamadda cadaaladda, wuxayna si rasmi ah uga baxday gebi ahaan kiiska, ayada oo dhowr cudur daar oo lagu qoslo adeegsaneysa. Go’aanka Kenya wuxuu guul weyn u yahay Soomaaliya, wuxuuna ayidayaa go’aankii madaxweyne Xasan Sheekh uu Kenya ku geeyey Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee ICJ, si uu uga difaaco baddeena. Waxa kaliya ee Maxkamadda hadda laga doonayo ayaa ah inaysan u dhego nuglaan go’aanka Kenya ay uga baxday kiiska, oo ujeedkiisu yahay in lagu qasbo dib u dhigis kale, ayada oo xaqiiq ay tahay in Kenya haddii sidaas loo yeelo, ay marka xiga haddana sidan oo kale la iman doonto qiil cusub. Maxkamadda waa inay qaadataa go’aanka saxda ee ah inay kiiska dhageysato ayada oo Kenya ay ka maqan tahay, kadibna ay gaarto go’aanka laga filayo ee ah in badda ay sheegeneyso Kenya ay tahay midda Soomaaliya. Tani waxay soo geba-gebeyn doontaa sugitaankii lixda sano ka badan qaatay ee shacabka Soomaaliyeed, waxayna taariikhda dalkeena meel sare uga qori doontaa go’aankii dhiiranaanta lahaa ee madaxweyne Xasan Sheekh uu Kenya ku geeyey maxkamadda ICJ.
  3. Golaha Wakiillada, ayaa dhaq-dhaqaajiyey qorshe wax ka beddel iyo kaabis ku samaynaya Xeer Lr. 14, Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Asxaabta Siyaasadda, kaas oo muddo Horyaalay Golahaasi. Kaabista iyo Wax ka beddelka Xeer 14, oo ka mid ah Ajandaha Kal-fadhigooda 45-aad ee Golahaasi, ahna Kal-fadhigii u dambeeyey ee ay yeelanayaan Mudaneyaasha wakhtigoodu sii dhammaanayo, ayaa waxa ay doonayaan in ay waxyaabaha ay qabanayaan ee ay ku soo geba gebanayaan 15-kii sanno ee ay kuraasta fadhiyeen in ay ka dhigaan, wax ka beddelka iyo kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Asxaabta Siyaasadda, kaas oo noqon kara mid saameyn ku yeesha siyaasadda dalka iyo ta Xisbiyada imika jiraba. Muxuu yahay Xeer Lr. 14.? Xeerkan horyaalla Golaha Wakiillada oo horena wax ka beddel iyo kaabis loogu sameeyey sannadkii 2011-ka, wakhtigaas oo la isu diyaarinayey furashadii Ururrada Siyaasadda ayaa la yidhaahdaa Xeerka Nidaamka Ururrada iyo asxaabta Siyaasadda, kaas oo ogolaanayey in muwaadiniintu furan karaan Ururro siyaasaddeed, isla markaana ay tahay xaq distuuri ah oo qof kasta xaq u leeyahay. Waxa kale oo uu Xeerkani liisan sharci ah oo muddo 10 sanno ah siinayey Ururrada ka soo gudba ururnimada ee noqda Xisbiyada qaranka, gaar ahaan saddexdii Urur ee ugu codka badnaa wakhtigaasi, kuwaas oo noqday Kulmiye, Waddani iyo UCID. Waa Maxay Ujeeddada Imika Laga Leeyahay Xeerkan Goluhu u dhaqdhaqaajiyeen? Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, markii Kal-fadhigoodu bilaabmayba, waxa muuqatay in markii Ajandaha Golaha la hor keenay laga doodayey in Mudaneyaasha qaarkood soo jeediyeen in wax ka beddelka iyo kaabista Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta Qaranka ee Xeer 14, in loogu soo horreysiiyo ajandaha fadhiga si ay uga dooddaan Mudaneyaashu, taas oo ku tusaysay sida ay u danaynayaan in ay wax ka beddel ku sameeyaan inta aanay kuraasta bannaynin. Danayntani waxa ay keentay in 13 bisha oo shalay ku beegnayd in Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu uu magacaabo guddi ka soo talo bixisa, wax ka beddelka iyo kaabista Xeerkan, kuwaas oo isugu jiray Mudaneyaal ka tirsan Golaha Wakiillada iyo la taliyeyaal dhinaca sharciga ah. Guddidan, waxa la siiyey muddo toddobaad ah in ay ku soo dhamaystiraan hawsha loo xil saaray. Ujeeddada ugu weyn ee ay leeyihiin Mudaneyaasha golaha Wakiillada, ayaa ah in ay wax ka beddel ku sameeyaan xeerkan inta aanay xilka ka tegin. Waa Maxay Wax Ka Beddelka Iyo Kaabista Ay Ku Samayn Karaan Xeerka ee Laga Filan Karo iyo Qodobada Ay Danayn Karaan. Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa doonaya in ay kaabis iyo wax ka beddel ku sameeyaan Xeerkan, iyada oo lagu salayn doono talo soo jeedinta iyo hawsha laga sugayo Guddidan ee ay Golaha la wadaagi doonaan marka ay soo dhamaystiraan wakhtiga la siiyey. Qodobada, ugu muhiimsan ee ay diirada saari doonaan, isla markaana ay wax iska weydiin doonaan wax ka mid ah wax laga yeelayo muddo xileedka Xisbiyada oo gabaabsi u dhow, madaama oo wakhtigii Liisanka Xisbinimo la siiyey ee 10 sanno ahayd ay ku eeg tahay sannadka dambe ee 2022-ka. Qodobka kale, ee ay wax ka beddelka ku samayn karaa ayaa noqon kara, madaama oo Ururrada ay ka soo bixi jireen Doorashada goleyaasha Deegaanka, isla markaana doorashadii wakhtigii Ururrada la furi lahaa ay ka soo horumartay, qaab kale ee lagu furi karo Ururrada Siyaasadda, oo Xeerkan dhigayey in 10 sanno hal mar la furo. Qodobkan waa ka ugu muhiimsan ee laga sugayo wax ay ka beddelaan Mudaneyaasha Golaha Wakiilladu Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso, oo Wargeyska Saxansaxo wax ka weydiiyey suurta galnimada qodobka furista Ururrada siyaasadda, ayaa hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in ururrada la furo, xaq distuurku siiyey muwaadiniinta ay tahay. Waxa uu intaasi ku daray in ay dhici karo doorasho la kala dooranayo Ururro Siyaasaddeed oo keliya oo shacabku u codaynayaan Ururro Siyaasaddeed oo is diiwaan geliya, si loo helo Saddex Xisbi Qaran oo shacabku doorteen, isaga oo xusay in ay meesha ka bixi karo Ururradii ku soo bixi jiray codadka Xildhibaannada reeruhu wataan. Source
  4. Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, ayaa maanta oo Axad ah si rasmiya u shaaciyay wakhtiga la bilaabi doono diiwaan-gelinta codbixiyaasha saddex degmo, oo laga qaban doono Doorashooyinka Golayaasha Degaanka oo hordhac ah. War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga ayaa lagu go’aamiyay in diiwaan-gelinta Codbixiyaasha degmooyinkaa la bilaabo 16-ka bisha May ee sannadkan 2021, islamarkaana ay socoto ilaa 29-ka bishaas May. Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn oo ka kala tirsan Karkaar, Nugaal iyo Bari ayaa la doonayaa in laga qabto Doorashooyinka Golayaasha Degaanka Puntland oo tijaabo ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Guddiga. Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Puntland: Jadwalka diiwaan-gelinta Codbixiyaasha oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  5. Hargeisa (PP News Desk) — The Secretary of Waddani, the main opposition party of Somaliland, Mr Khadar Hussein Abdi said that Waddani supports “Somalia’s maritime dispute case.” In a session with Somaliland youth groups on Clubhouse, the invitation-only audio-chat app, Khadar urged Somalis to support Somalia’s legal maritime claim. “We oppose any attempts to claim Somalia’s maritime territory. This is a common ground for all Somalis” Khadar added. Khadar Hussein Abdi: “Waddani supports Somalia’s legal maritime case”. Waddani is the first political party in Somaliland to express its position on the maritime dispute between Somalia and Kenya. In April 2009, the former Somali Transitional Federal Government of Somalia signed a Memorandum of Understanding that granted Kenya the right to claim the Somali maritime territory. In 2014 the permanent Federal Government of Somalia led by President Hassan Sheikh Mohamud sumbitted the maritime dispute case to the International Court of Justice for adjudication. Kenya has reportedly notified the International Court of Justice that it will not be participating in the hearing slated to take place on March 15th 2021. © Puntland Post, 2021 The post Somaliland Opposition Party Supports Somalia’s Maritime Case appeared first on Puntland Post.
  6. Ciidanka Suudaan ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub si sharci darro lagu soo gelinaayay dalka. Bayaan kasoo baxay ciidanka Suudaan ayaa lagu sheegay in hubka la qabtay laga soo tahriibiyay mid ka mid ah wadamda deris la ah Suudaan, inkasta oo an la magacaabin waddankaas Bayaanka ayaa intaas ku daray in ciidamadu heleen macluumaad sirdoon ah oo ku saabsan tahriibinta hubkaan sharci darada ah. Ciidamada ayaa soo bandhigay sawiro iyo muuqaal muujinaaya hubka lasoo qabtay. 7dii bishaan Maarso, ciidanka Suudaan ayaa sheegay inay qabteen hub laga soo tahriibiyay dalka Itoobiya. PUNTLAND POST The post Ciidanka Suudaan oo gacanta ku dhigay hub badan oo sharci-darro ah appeared first on Puntland Post.
  7. Dowladda Kenya ayaa isaga baxday dhageysiga kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, sida ay BBC-da u xaqiijiyeen ilo ka tirsan xafiiska xeer ilaaliyaha dalka Kenya. Sida ay warbaahinta Kenya ku warantay dowladda Kenya ayaa sabab uga dhigtay arrintan inay ka cabanayso in maxkamadda aysan si xaq ah ula dhaqmin Kenya iyo in maxkamadda aysan doonayn in ay tixgaliso codsiga Kenya ee ah in dib loo dhigo dhageysiga kiiska iyada oo sabab looga dhigayo feyriska Corona. Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kenya Kihara Kariuki ayaa go’aanka dowladda maxkamada ICJ u gudbiyay isbuucii la soo dhaafay xilli maalmo uun ay ka dhinayd bilaabashada dhageysiga kiiska. “Kenya waxay rajeynaysaa inay maxkamadda ku wargaliso in aysan ka qeyb galayn dhageysiga kiiska ee bilaabanaya 15 March,” waxaa sidaasi lagu sheegay warqad uu xeer ilaaliyaha guud Kenya u diray maxkamadda. Tallaabadan lama filaanka ah ayaa imanaysa iyada oo maalinta berrito ah loo ballansan yahay in maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaalada ay billowdo dhageysiga dacwadda muranka badda ee Kenya iyo Soomaaliya. Waxaa uu sidoo kale go’aanka ku soo beegmayaa xilli uu aad u xumaaday xiriirka dublamasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal. Qoraalka ay dowladda Kenya u gudbisay maxkamada ICJ ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in ka qeybgalka dhageysiga kiiska ee garsoore, Cabdulqawi Axmed Yusuf, oo dhalashadiisu Somaali tahay ay tahay mid shaki galinaysa kalsoonida lagu qabi karo in maxkamada ay dhexdhexaad noqonayso. Mr Kariuki, ayaa ku dooday in kiiska dhanka Kenya uu inta badan gundhigiisu yahay waxyaabo ay qareenada sharxayaan iyaga oo tusaale adeegsanaya islamarkana aan taasi lagu sameyn karin qaab maqal iyo muuqaal ah. Kenya ayaa ka cabanaysa in dhageysiga loo qabto qaab maqal iyo muuqaal ah taasi oo Mr Kariuki uu sheegay “in aysan ku haboonayn in kiis sidan u culus una muhimsan lagu qaado qaab maqal iyo muuqaal ah”. Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kenya ayaa sidoo kale qoraalka uu maxkamadda u gudbiyay ku sheegay in Kenya ay qareeno cusub qoratay islamarkana kulamo aysan yeelan maadama uu jiro feyriska Corona sidaasi daraadeed-na Kenya aysan si wanaagsan ugu diyaar garoobin kiiska. Dowladda Kenya ayaa shaqada ka ceyrisay qareenadii uga qeybgalay dhageysigii 2019 waxa ayna ku dhaliisha tayada qaabkii ay dacwadooda u soo bandhigeen. Maxkamadda ayaa inta badan go’aanada ay gaarto fulintooda waxay ku tashataa oo ay isku haleysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey si loo xaqiijiyo in la xushmeeyo oo loona hogaansamo go’aanadeeda. Xigasho: BBC Somali PUNTLAND POST The post Maxay Kenya sida lama filaanka ah uga baxday dhageysiga dacwadda badda? appeared first on Puntland Post.
  8. Saaka waxaa Xalane ka dhacay kulan dhexmaray, Musharixiinta , Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe. Musharixiinta waxaa kamid ahaa Xasan Sheikh, Shariif Sheikh Axmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xasan Cali Kheyre iyo Musharixiin kale. The post Daawo Sawirada Shir Xalane ku dhexmaray Puntland, Jubbaland iyo Musharixiinta appeared first on . Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka midowga musharraxiinta mucaaradka, Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo). Geelle ayaa shaaca ka qaaday inuu Farmaajo ka yaqaano xabbad la rido, xinjiro la qubo iyo xukun leysku dhajiyo, kuwaas oo dilay kalsoonidii dalka, sida uu hadalka u dhigay. “Xabbad la rido xinjiro la qubo iyo xukun leysku dhajiyo wax aan ahayn kuma ogi, kumana aqaan walaalkeey Farmaajo, saddexdaana waa waxa kalsoonidii dilay” ayuu yiri. Daahir Maxamuud Geelle oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay muhiim tahay in khilaafka siyaasadeed ee jira lagu dhameeyo miiska wada-hadalka, si xal loo gaaro. “Maanta waxaa nala siman wada hadal nabad ah iyo heshiis ku dhammaada doorasho xor iyo xalaal ah ee walaalow diidmada miiska wadahadalka, iyo carqaladaynta geedi socodka nabadda jooji,” ayuu markale ku yiti qoraalkiisa musharrax Daahir Geelle. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqat in ka musharraxiin ahaan ay doonayaan in tartanka doorashada uu noqdo mid hufan oo la’isku haleyn karo. “Annaga waxaan rabnaa inaan qayb ka noqonno dadaal hufan iyo tartan doorasho oo laysku halayn karo leh jiheeye akhlaaqeed (moral compass),” ayuu sii raaciyety. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo ay fashil kusoo dhammaadeen wada-hadalladii dowladda, gaar ahaan xukuumadda & midowga musharraxiinta mucaaradka.
  10. Kulan saaka dhex maray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi , Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Mudharixiinta ayay ugawada tashadeen Xaalada Siyaasadeed ee Dalka iyo qaabka loo wajahayo Wadahadalada la la sugayo inay dhacaan iyo sida kaga yeelayo, wax walba io soo kordha. Kulanka ayaa diirada lagu daaray Xaalada Amaan ee Dalku wajahay, Doorashada iyo Abaaraha ka jira qaybo kamida Dalka. Wali war cad kama soo bixin kulanka laakiin Sida Puntlandi.com ay xogta ku hayaan kulanka oo Madaxweyne Deni Dalbadey wuxuu ejeedkiisu ahaa in Labadaan Madaxweyne ay la tashadaan Mudharixiinta ayna dhagaystaan Mowqifkooda. Warar waxaa jira sheegaya in lagawada hadlay Talaabada ay qaadayaan hadii lagu guul daraysto Shirka la filayo inuu dhex maro Villa Soomaaliya iyo Maamulada Dalka. Hoos ka daawo Sawirada The post Sawiro, Puntland, Jubbaland iyo Musharixiinta oo ka wadatashaday Xaalada Siyaasadeed ee Dalka appeared first on . Source
  11. Hague (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hague ee dalka Holland ayaa sheegaya inuu haatan kulan gaar ah u socdo guddiga Soomaaliya u qaabilsan dhageysiga dacwadda badda ee hortaalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ. Wafdiga ka socda dowladda federaalka oo ku sugan Hauge ayaa ka doodayo arrinta soo korortay, gaar ahaan dhawaqa kasoo yeeray Kenya oo shaacisay inay isaga baxday dacwadda badda oo loo balansanaa in la gudo-galo 15-ka bishan oo beri ku beegan. Guddiga ka socda Soomaaliya ayaa la filayaa in kulankan ay ku soo bandhigan go’aankooda ku aadan hortegitaanka waqtiga balanta ee maxkmadda ICJ. Kiiska badda oo marar kala duwan dib u dhacay ayaa si weyn isha loogu hayaa, iyada oo haatan laga war-dhowrayo go’aanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya & midka maxkamadda cadaaladda aduunka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano ICJ. Kenya ayaa u sababeysa go’aankeeda cudurka Covid-19, maxkamadda oo u xaglineyso Soomaaliya & dood ay ka keentay garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo ah Soomaali. Si kastabna wafdiga Soomaaliya metalaya waxaa kamid ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Xeer ilaaliyaha Qaranka, Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Erygayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka & sidoo kale wakiilo kala duwan oo Soomaaliya ka socda.
  12. Dawladda Kenya ayaa la sheegayaa in aanay ka qayb galahayn dhagaysiga dacwadda badda ee ka dhaxaysa dalka Soomaaliya, sida ay saaka ku warameen qaar ka mid ah warbaahita Kenya. Wargayska ugu wayn Kenya ee Nation ayaa saaka daabacay in xukuumadda Nairobi ay ka baxday kiiska badda, ka hor maalinta Isniinta oo la dhagaysan lahaa sheegashooyinka labada dhinac. Kenya ayaa la sheegayaa in ay rabto in dib loo dhigo dacwadda taasina ay tahay sababta ugu wayn ee dacwadda ay uga baxday. Waxa sidoo kale wararka qaar ay sheegayaan in Uhuru Kenyatta uu rabo in inta uu xafiiska joogo aan la xukumin kiiska badda, taas oo hadii Soomaaliya loo xukumo ku noqonaysa bar madaw. Source
  13. (SLT-Hargeysa)- Xubno ka tirsan Machadka Nabadda iyo Daraasaadka Khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa ayaa la sheegay inay ku soo bandhigeen xasuuqyadii hore ka dhacay dalka, shir caalami ah oo loo qabtay xuska xasuuqyadii hore caalamka uga soo dhacay, isla markaana lagu baranayey hanaanka looga hortago dembiyada waxashnimada. Kulanka oo ka dhacay caasimada Dhaka ee dalka Bangaladesh, loona adeegsaday habka muuqaal-araga-fog, kana hadleen 75 marti-sharaf oo wadamadda caalamka ka socday ayaa la sheegay in Aqoonyahano ka socday Somaliland ka qeybgaleen, isla markaana warbixino la xidhiidha mowduuca xasuuqa ka jeediyeen. Shirkan oo Jimcahii shalay la qabtay, soona qaban qaabiyeen Matxafka Dagaalkii Xoreynta (LWM), ee Dhaka, ayaa Paulo Casaca, gudoomiyaha Hay’adda Dimoqraadiga Koonfurta Aasiya, kaga hadlay ‘Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee Bangladesh; hanaan, muhiim u ah isla xisaabtanka, halka Dr. Siegfried O. Wolf, agaasimaha Cilmi-baadhistu ka hadlay ‘dagaalka xoreynta Bangladesh iyo doorka jilayaasha caalamiga ah, sida lagu sheegay mareegta SADF. Shirka oo aqoonyahano ka socday Machadka Nabadda iyo Daraasaadka Khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa ka qeybgaleen ayey ku soo bandhigeen warbixino la xidhiidha xasuuqyadii hore ka dhacay dalka ka jeediyeen. Aqoonyahanadda Maxamed Cabdillahi Ducaale, iyo Maxamed Barwaani oo metalayey Machadka Nabadda ayaa la sheegay inay kaga hadleen warbixin ku saabsan “Marka Dawladdu disho Muwaadiniinteeda: Dacwadda Dawladda Milatariga ee Soomaaliya ee ka dhanka ah dadka reer Somaliland” sida uu ku sheegay fariin ku baahiyey bartiisa twitter Maxamed Ducaale shalay. Safiirka JSL u jooga dalka Taiwan Maxamed Xaaji oo ka hadlay ayaa bogaadiyey qabanqaabiyeyaasha iyo xubnaha ka qeybgalay, isla markaana sheegay in hore xasuuq fool xun uga dhacay Somaliland, waxaanu fariin ku sheegay ‘Waad ku mahadsan tihiin kuwii soo abaabulay iyo kuwii ka soo qeyb galay “Shirka Caalamiga ah ee Xusuusta xasuuqyadii hore iyo barashada kahortaga dambiyada waxashnimada ah. Somaliland, in ka badan 200,000 oo qof ayaa la xasuuqay – oo ah falkii ugu xumaa ee xasuuqa taariikhda aadanaha.” Source
  14. Madaxweeynayaasha dowlad gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa la filaya in saacadaha soo socda ee maanta ay kulan la qaatan Midawga Musharixiinta . Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho iyo Axmed Madoobe ayaa lagu wada in kulan looga hadlo xaaladda siyaasadeed ee dalka si gaar ah Arrimaha dooorashooyinka . Madaxweeynaha Jubbaland oo maalmihii la soo dhaafay dhankiisa ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa kulama la qaadanayay mas’uuliyiin kala duwan. labada madaxweeyne ayaa waxa ay dagan yihiin hooy ku yaal Airport-ka magaalada Muqdisho . Source: goobjoog.com
  15. Iyadoo maalinta berri lagu wado in Maxkamadda ICJ ay bilowdo dhageysiga dacwadda Badda ayaa waxaa soo baxaya in Kenya ay qorsheyneyso inay ka baaqato dhageysiga dacwadda. Kenya ayaa waligeed diidaneyd in dacwada badda lagu dhammeeyo Maxkmadda horteeda, waxaana taa bedelkeed ay rabtay in wadahadal iyo meelo kale lagu xalliyo. Hase ahaatee dowladda Soomaaliya oo dacwada gudbisay sanadkii 2014 ayaa diiday isku day kasta oo ay Kenya ku dooneyso arrintaas iyo in la aado meel ka baxsan Maxkamadda Haddaba waxaa halkan ku soo koobeynaa shan qodob oo ka mid ah isku dayadii Kenya: 1. Billowgii waxa ay ku doodday in maxkamadda ICJ ayaan awood sharciyadeed u lahayd kiiska. -ICJ ayaa xukmisay in ay awood u leedahay kiiska, ayna qaadayso 2. Waxa ay ku doodday in dacwada lagu xalliyo hab diblomaasiyadeed -Soomaaliya ayaa ka diidday oo sheegtay in isku daygii diblomaasiyaddu uu fashilmay. 3. Dhowr jeer ayay codsatay in dib loo dhigo dhagaysiga dacwada iyo ballamo kale oo muddaysnaa – Waa laga yeelay marka laga reebo codsigeedii ugu dambeeyay oo ay maxkamaddu diidday. 4. Waxa ay isku dayday in dacwada ay galaan Midowga Afrika ayadoo ajandaha gaysay golaha ammaanka ee Midowga Afrika, Soomaaliya ayaa diidday, goluhuna waa uu joojiyay arrintaas. 5. Hadda waxaa la soo sheegayaa in ay ka baaqanayso dhagaysiga kama dambaysta ah ee berri ka dhacaya The Hague. -Ma filayo in loo joojin doono, mana ahan markii ugu horreysay ee dhinac ka mid ah dowlado ay dacwo ka dhaxaysay ay ka baaqdaan dhagaysi ama Xataa xukunka maxkamadda. Kenya waxa uu hadafkeedu ahaa in ay waqti badan socoto maxkamaddu -taas oo soo jiitantay 7 sano- ayada oo doorbidaysay in dacwada lagu xalliyo hab diblomaasiyadeed. Sidaas darteed wax lala yaabo ma ahan in ay marmarsiyo cusub la timaado. Baddaas Waxaa iska leh Soomaaliya. Waxaana rajaynayaa in ay maxkamaddu caddayso dhawaan. Waxaa qoray: Yuusuf Sheekh Ciise Source
  16. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, oo ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa maanta kulan gaar ah la yeelan doona Midowga Murashixiinta Mucaaradsan Villa Somalia. Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, ayaa xaqiijiyay in Kulanka labad dhinac looga wada-hadli doono xallinta muranka ka taagan Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya. Wararku waxay sheegayaan, in dhinacyada maanta shirsan ay doonayaan in ay mowqif midaysan ka qaataan marxaladda siyaasadeed ee wakhtigan dalku marayo. Sidoo kale, waxay wadaan worshe hoose oo ku jihaysan, sidii meesha looga saari lahaa Madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulankan gaarka ah ayaa ku soo beegmaya, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda uu Muqdisho ka furmo shir ku saabsan xallinta muranka Arrimaha Doorashooyinka dalka. PUNTLAND POST The post Deni, Axmed Madoobe iyo Midowga Mucaaradka oo maanta u shirsan Farmaajo appeared first on Puntland Post.
  17. Dalka Sri Lanka ayaa mamnuucaya xidhashada jilbaabka sidoo kalena waxaa la xidhi doonaa 1,000 madarasadood oo lagu barto diinta Islaamka, talaabadan ayaa si weyn u sameyn doonta muslimiinta tirada yar ee dalkaas ku nool. Wasiirka nabad geliyad guud Sarath Weerasekera ayaa shir jaraa’id ka sheegay sabtidii shalay ka dib markii jimcihii golaha wasiirada ansixiyeen go’aankan, waxaana lagu sababeeyay sugidda amniga qaranka. Sidan oo kale dowladda ayaa 2019 joojisay xidhashada jilbaabka ka dib markii qaraxyo lagu beegsaday Kiniisado iyo Hoteelo ku yaalla dalka Sri Landka, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 250 qof. Muslimiinta Sri Landka ayaa go’aanka dowladda u arka mid xadgudub ku ah xuquuqdooda diineed iyo tan muwaadin. Weerasekera ayaa sheegay in dowladda sidoo kale mamnuuceyso 1,000 madarasadood, kuwaas oo uu ku eedeeyay in ay jabiyeen siyaasadda waxbarashada dalka, sida uu hadalka u dhigay. Mamnuucista jilbaabka ay xidhaan gabdhaha muslimiinta ayaa daba socda go’aan dowladdu soo saartay sannadkii hore oo ahaa in qof kasta oo coronavirus u dhinta la gubo, go’aankaas oo ka soo hor jeeda sharciga islaamka. Source
  18. Soomaaliya ayaa kaligeed u aadi doonta dacwadda badda ee loo qoondeeyay berrito, ka dib markii Kenya ay ka baxday iyadoo ka gadooday ka qeybgalka Garsoore Abdulqawi Yusuf, oo ah muwaadin Soomaaliyeed. Sida ku xusan warqad uu soo saaray xeer ilaaliyaha guud ee Kenya Kihara Kariuki oo uu soo xigtay Daily Nation, waxaa lagu sheegay in Kenya ay go’aansaday iney ka baxdo, isaga oo intaa raaciyey in fadhiga uu waqti yar qaadan doono maadaama ay Soomaaliya noqoneyso cidda keliya ee dacwada ku jirta. Kenya waxaa kale oo bishii hore ay diiday in dacwada lagu qaado qaab muuqaal ah, taasi oo dhaawici doonta marqaatiyaal ay Nairobi dooneyso iney maxkamadda geyso. Arrintan ayaa ah marmarsiyo kale oo Kenya ay dooneyso in dib loo dhigo ama laga baxo in maxkamadda ay sii dhageysato. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ka baxday kiiska dacawadda badda Soomaaliya ee kala dhaxeeysa Soomaaliya, kaasi oo qorshaha uu ahaa in maalinta berri ah uu dhageysigiisa ka billowdo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ), waxaa sidaas weriyey wargeyska Daily Nation. Wargeyska Daily Nation ayaa qoray inuu arkay dokumenti ay Kenya u dirtay maxkamadda kuna wargelisay inaysan ka qeyb geli doonin dhageysiga dacwadda, kadib markii hore ay maxkamadda u diiday codsiga Kenya ee ahaa in kiiska markii saddexaad dib loo dhigo. Ma cadda hadda go’aanka ay maxkamadda qaadan doonto, inay mar kale kiiska dib u dhigi doonto, iyo inay dhageysiga guda geli doonto ayada oo aanay qeyb ka aheyn Kenya. Naga filo faah-faahin dhowaan, Insha Allah.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa weli ka socda dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda, kuwaas oo looga hadlayo doorashooyinka, waxaana haatan ku sugan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo si weyn uga soo horjeeda hannaanka DF ee doorashooyinka. Wararka aan helnay ayaa sheegaya inuu goor dhow shir gaar ah u furmay midowga musharraxiinta & labadaasi hoggaamiye oo degan xerada Xalane. Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda dalka, gaar ahaan is mari-waaga weli ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka. Sidoo kale Axmed Madoobe, Siciid Deni & musharraxiinta mucaaradka ayaa ka arrinsan doona shirka wada-tashiga doorashooyinka ee dowladda dhexe & dowlad goboleedyada. Labada dhinac ayaa sidoo kale iska xog-wareysan doono xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo arrimaha soo kordhay ee la xiriira marxaladda kala guurka ah ee lagu jiro. Si kastaba musharraxiinta mucaaradka ayaa u ololeynaya inay ka qeyb-galaan wada-hadallada dowladda federaalka & dowlad goboleedyada ee looga arrisanayo doorashada.
  21. Murashax Daahir Maxamuud Geelle, oo kamid ah Midowga Murashixiinta Muqdisho, ayaa soo bandhigay saddex tilmaamood oo xun, kuwaas oo sheegay in Madaxweyne Farmaajo leeyahay. “Xabbad la rido xinjiro la qubo iyo xukun leysku dhajiyo wax aan ahayn kuma ogi, kumana aqaan walaalkeey Farmaajo, saddexdaana waa waxa kalsoonidii dilay.” Ayuu yiri Murashax Geelle. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu sidoo kale ku sheegay in loo baahanyahay wada-hadal nabad iyo heshiis ku dhammaada doorasho xor iyo xalaal ah, sidaas darteedna Madaxweyne Farmaajo laga doonayo in uu joojiyo diidmada Wada-hadalka. “Maanta waxaa nala siman wada hadal nabad ah iyo heshiis ku dhammaada doorasho xor iyo xalaal ah ee walaalow diidmada miiska wadahadalka, iyo carqaladaynta geedi socodka nabadda jooji. Annaga waxaan rabnaa inaan qayb ka noqonno dadaal hufan iyo tartan doorasho oo laysku halayn karo leh jiheeye akhlaaqeed (moral compass).” Hadalka Murashax Geelle ayaa ku soo beegmay, xilli la filayo in maalmaha soo socda uu Muqdisho ka furmo shir ku saabsan xallinta Muranka Arrimaha Doorashooyinka oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka. PUNTLAND POST The post Murashax Geele: Farmaajo waxan ku aqaan Xabbad la rido xinjiro la qubo iyo xukun leysku dhajiyo appeared first on Puntland Post.
  22. Allaah u naxariisto waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday wasiirkii hore ee difaacca Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr . Cali-Bayr ayaa wasiirkii gaashaan dhigga ka noqday xukuu madii uu soo magacaabay Ra’isul wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi sannadkii 2004. General Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr wuxuu jagooyin kala duwan ka soo qabtay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, sida taliyihii qeybta 60-aad ee Baydhabo, madaxa hawlgelinta Ciidanka Qaranaka, milatari ataajeega Soomaaliya ee Ciraaq iyo Mareykanka, madaxa Xidhiidhka Arrimaha Dibeda ee Wasaarada Gaashaandhiga. Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr ayaa sanadkii 1935-ti ku dhashay magaaladda Laas Qoray ee Gobolka Sanaag sanadkii. Wuxuu waxbarashadiisa dhanka ciidanimada ku soo qaatay dalal ay ka mid yihiin Masar iyo dawladii hore ee Midowga Soofiyeetka (dalka Ruushka) oo laba jeer waxbarasho militari loogu diray. Source: goobjoog.com
  23. NAIROBI (HOL) - Nairobi (HOL) - Kenya has notified the International Court of Justice that it will not participate in the maritime case against Somaia just a day before it is scheduled to begin. Kenya has cited the court's perceived bias and its unwillingness to delay the case - for a fourth time - due to the pandemic as the main reason for withdrawing from the legal proceedings. Source: Hiiraan Online
  24. NAIROBI (HOL) - Kenya has notified the International Court of Justice that it will not participate in the maritime case against Somalia just a day before it is scheduled to begin. Kenya has cited the court's perceived bias and its unwillingness to delay the case - for a fourth time - due to the pandemic as the main reason for withdrawing from the legal proceedings. Source: Hiiraan Online
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Daahir Maxamuud Geelle oo haatan ah afhayeenka Midowga Musharraxiinta mucaaradka ayaa war kasoo saaray qarax xalay lagula beegsaday magaalada Muqdisho sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Somalia, hase’ahaatee isaga si gaar ah uga gacan-siinayay amnigiisa. Daahir Geelle ayaa xaqiijiyey in qaraxaasi lagu dilay labo ka mid ah ilaalada G/Dhexe Cumar Cabdiraxmaan Abuukar oo haatan taliye u ahaa ilaaladiisa, kuwaas oo uu magacyadooda ku kala sheegay Axmed Cali Maxamuud iyo Xasan Cali maxamed. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay dhaawacyo soo gaareen sarkaalka lala beegsaday qaraxa iyo saddex askari oo kale oo la socotay. Musharrax Geelle ayaa u tacsiyeeyey ehellada askarta ku dhimatay qaraxaasi, isaga oo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad deg-deg ah. Qoraalka uu soo saaray musharrax ayuu sidoo kale ku sheegay in taliye Cumar oo door weyn kasii qaatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee weli ka socda dalka. “Taliye Cumar waa sarkaal astaan u ahaa una ah dhowr iyo tobanki sano ee tagay ku dhiiranaanta iska dhicinta, dad ka dhicinta dhagar qabayaasha argagixisada ah, Allaha ku caafiyo adiga wiilasha askarta ah” atyuu yiri Murashax Daahir Maxamuud Geelle. Si kastaba muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan darri oo u badan qaraxyo geystay khasaare kala duwan.