Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Mamnuc.jpg?resize=616%2C544&ssl=1Taliyaha Booliiska Karkaar

    Maamulka Gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho, oo ay weheliyaan Taliska Qaybta Booliiska Karkaar, ayaa shaaciyay in ay mamnuuc tahay in wax hub ah lagu dhex qaato dhammaan degmooyinka Gobolka Karkaar, gaar ahaanna magaalada Qardho.

    Kadib shir ku saabsan Amniga oo mas’uuliyiintu isu’gu yimaadeen Qardho, ayay ku go’aamiyeen in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado cid kasta oo hub ku dhex qaadata degmooyinka Gobolka Karkaar.

    Sidoo kale, waxay digiin adag u jeediyeen malayshiya-beeleed ka soo laabtay degmada Isku-shuban, kuwaas oo hubkooda la soo galay Gobolka Karkaar, kadib markii laga heshiiyay colaaddii degmada Isku-shuban.

    Maamulka ayaa ku amray dhammaan malayshiya-beeleedyada ku sugan Gobolka Karkaar in ay hubkooda guryaha ku xaraystaan, haddii kalena tallaabo adag laga qaadi doono.

    PUNTLAND POST

    The post Degmooyinka Gobolka Karkaar oo laga mamnuucay Hubka appeared first on Puntland Post.


  2. Cabdisalaan Yaasiin ayaa sheegay in looga fadhiyo masuuliyiinta  Xisbiga WADDANI inay ka haddlaan mawqifkooda ku aadan haddalkii dhawaan kasoo yeedhay Prof Ismaaciil Buubaa ee wejiyadda baddan loo sameeyey.

    Prof Cabdisalaan Yaasiin ayaa sheegay in aan maanta aanay suurtagal ahayn in la hello shantii Somaaliyeed oo Dowlad ah“ 1950 iyo 1960-kii waanay ka baxday meeshii mid la hellayona maaha, sababtoo ah waxabaan oggolayn juquraafiga siyaasiga ah ee mandaqdu ku nooshahay,markaa shan Somaaliyeed oo la haddal hayaa wax iminka la wad-wadaa siyaasiyan iyo fikir ahaan-ba ,kasoo baxay oo ay dhalayso ayaan jirin-ba,waxa yimi tii 1960-kii iyadoo taa loo qal-qaalayo la galay ee Somaliland iyo Somaaliya oo midoobay tiina wey burburtay.”

    Dhanka kale Prof Cabdisalaan Yaasiin ayaa sheegay inay Xisbiga WADDANI ay waajib ku tahay inuu ka haddlo mawqifkiisa haddalkii dhawaan kasoo yeedhay Prof Buubaa oo kamid ah masuuliyiinta Xisbiga WADDANI,waxaanu sheegay in Xisbiga WADDANI ay dadku tuhunsan yihiin siyaasiyan inuu qorshe siyaasadeed oo Somaaliweyn ah watto

    Prof Cabdisalaan Yaasiin ayuu haddalkiisa u dhignaa sidan:-“Waxa aanu u arragnaa Xisbiga inay waajib ku tahay  inuu ka haddlo arrintaas sababtoo ah Ismaaciil Buubaa waa oday,waana xubin WADDANI kamid ah, manaynaan maqal isagoo yidhi Xisbigii WADDANI waan ka baxay,marba haddii uu haddalkii uu yeeshay wejiyaddaa kale jaadka ah ee dadku u arkayaan,loona aanaynayo in arrinta tan WADDANI ku lug leeyahay oo dadka qaar ay ku eedaynayaa WADDANI siyaasaddaha uu waddo inuu kamid yahay waajib ayuu ku yahay labadooda WADDANI-na waajib ayuu ku yahay inay wax ka yidhaah-daan haddalka oo halka ay ka taagan yihiin ka celiyaan. Sidaa anaba aanu uga celinay, Ismaaciil-na waajib ayuu ku yahay inuu haddalkiisa ka celiyo haddalkan kasoo noqday sida ay tahay hadduu uga celinayo qof ahaan iyo haduu uga celinayo isagoo xubin WADDANI kamid ah .”ayuu sheegay

    Source


  3. Siyaasadu waa halka dalku ka hagaago ama ka xumaado mana aha wax in kooban iyo kooxi gaar u leedahay ee waa xaq iyo xuquuq uu leeyahay muwaadin kasta oo dalka jamhuuriyada Somaliland ahi , in loo ilaaliyaana ay tahay waajibaad dastuuri ah oo saaran hayadaha ku shaqada leh iyo xukuumada. Dalka jamhuuriyada Somaliland waxa lagu dhaqaa oo umadu ku heshiisay waa dastuurka iyo xeerarka qaranka jamhuuriyada Somaliland , markaa dastuurka dalku waxa uu si cad u qeexayaa in ay siyaasada dalku tahay saaxad furan oo muwaadin kastaa xaq u leeyahay in uu ka qayb qaato sida ku cad qodobada dasturka ee kala ah; Qodobka 9aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland , nidaamka siyaasadeed ee dalka .

    1- Nidaamka siyaasadeed ee jamhuuriyada Somaliland waxa saldhig u ah nabad , talo wadaag , dimuqaradiyad , iyo hanaanka xisbiyada badan .

    2- Tirada xisbiyada siyaasiga ah ee Somaliland kama badnaan karaan saddex (3) xisbi.

    3- Iyada oo xeer gaar ahi habayn doono qaabka loo furan karo xisbi siyaasi ah , waxa reeban in xisbi lagu dhiso goboleysi iyo qabyaalad.

    Qodobka 22naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland ,Xuquuqda siyaasadeed ,dhaqaale ,bulsho iyo xaqa doorashada

    1-    Muwaadin kastaa waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qayb galo hawlaha siyaasadeed ,dhaqaale ,bulsho iyo hidaha si waafaqsan xeerarka iyo dastuurka.

    2-    Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo waxa uu xaq u leeyahay in la doorto ,waxna uu doorto.

    Qodobka 23naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland , xoriyada dhaqdhaqaaqa iyo is-abaabulka .

    1- Qof kasta oo muwaadin ah ama si xeerka waafaqsan dalka ku jooga , waxa u xor u yahay in uu dalka ka maro ama ka dago meel kasta oo uu doono , iyo waliba in uu ka baxo ama ku soo laabto dalka marka uu doono.

    2- Arimaha ku xusan faqrada 1aad ee qodobkan waxa ka reeban meelaha ama waqtiyada xeerku ka reebayo marideeda ama degideeda .

    3- Muwaadiniintu waxa ay xor u yihiin in ay isku habeeyaan ururo siyaasadeed , cilmiyeed , dhaqameed , bulsheed , xirfadeed ama kuwa shaqaale si waafaqsan xeerka .

    4- Waxa reeban urur kasta oo leh ujeedooyin lid ku ah danaha umada , ama qarsoodi ah , ama leh qaab ciidan ama hubaysan amaba kuwa kale ee khilaafsan xeerka waji kasta ha lahaadeene.

    Waxa sadexdan qodob ee dastuurka soo raacay oo adkaynaya oo si wanaagsana u sii cadeynaya Xeer.Lr.14 oo ah xeerka ururada iyo axsaabta siyaasada Somaliland oo uu qodobkiisa 6aad odhanayo sida tan;

    Qodobka 6aad kala reebida xisbiyada/ururada ku tartamaya doorashada golaha deegaanka

    1- Sadexda xisbi/urur ee doorashada dawladaha hoose ka hela 20% codadka gobol kasta ayaa loo aqoonsanayaa xisbi qaran lana siinayaa shahaadada aqoonsi xisbi.

    2- Hadii hal xisbi oo kali ahi ku guuleysto doorashada oo uu ka helo 20% codadka gobol kasta . gudidu waxa ay u aqoonsanaysaa xisbiyo qaran isaga iyo labada xisbi ee ku soo xiga isugeynta codadka boqolayda gobol kasta.

    3- Hadii ay is leekaato tirada boqolayda gobolada ee laba urur ama ka badan waxaa lagu kala saarayaa tirad guud ee codadka ay ka helaan (hal dheeri ).

    4- Hadii ururada siyaasadeed midna gaadhi waayo 20% waxa ay gudigu u aqoonsanayaan xisbiyo qaran sadexda xisbi ee ugu tiro badan codadka doorashooyinka tirada boqolayda gobolada dalka .

    5- 10 kii sanadoodba mar baa la abuuri karaa ururo siyaasadeed si waafaqsan xeerkan , hase yeeshee waa in urur siyaasadeedka la abuuraa 6 (lix) bilood ka hor maalinta la qabanayo doorashada goleyaasha deegaanka. Haddaba waxa isweydiin leh iyada oo aynu arkayno sida dastuurka iyo xeerarka dalka jamhuuriyada Somaliland u adkeeyey una ilaaliyey xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland iyo nidaamka dimuqaradiyadeed ee axsaabta badan , in aan ilaa maanta la garanayn qaabka loo furi doono ururada siyaasada somalililand oo ay ka hadhsan tahay mudo koobani?

    Sida uu dhigayey xeer lr 14 waxa ay ahayd in doorashada golaha deegaanka lagu furo ururada siyaasada , haddaba hadii la is raaciyey doorashadii deegaanka iyo wakiilada oo la mudeeyey in ay dhacaan sanadkan 31-05-2021 sidee loo furi doonaa ururadii siyaasada oo ah xaq iyo xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland?

    Xiligani aynu joogno axsaabta siyaasada ee jirtaa ma yihiin ma kuwii dastuurka dalku sheegay , oo ma buuxiyeen ujeedooyinkii loo sameeyey mise waxa ay hayaan wado aan tii aheyn dalkani kaga badbaadayey hadimooyinkii shuruucda laga sameystay ?

    Jawaabaha su’aalahani waa kuwa muwaadin kuu yaalla oo ay tahay in aad ugu jawaabto si wadaniyadi ku dheehan tahay adiga oo ka fekeraya mustaqbalka dambe ee dadkaaga iyo dalkaaga .

    Maxamed Cabdi Jaamac (Mohamed Dhimbiil)

    mob: +252634429221 , +252634241005

    somalilandstar@gmail.com

    Source


  4. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, ayaa maanta ka baaqday Shirkii Arimaha doorashada oo uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.

    Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, ayaa dalbaday in wakhti la siiyo dadaalka ay wadaan Ra’iisul wasaare Rooble iyo Midowga Murashixiinta Muqdisho, islamarkaana aan la xagal-daacin Heshiiskii ay gaareen.

    Sidoo kale, waxay sheegeen in Shirka ay ogolyihiin balse lagu qabto goob amaan ah oo ku taal Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, haddii kalena aysan imaan doonin.

    Shirkan ayaa ah kii saddexaad oo Madaxweyne Farmaajo iclaamiyay oo u baaqday tabashada Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

    PUNTLAND POST

    The post Shirkiii Farmaajo iclaamiyay oo markii sadexaad baaqday appeared first on Puntland Post.


  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in markale maanta uu la kulmo xubnaha Midowga Musharraxiinta Mucaaradka ee sida ay weyn uga soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

    Kulankan oo noqonayaa kii saddexaad ayaa qorshuhu yahay in saacadaha soo socda uu ka furmo magaalada Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

    Wararka ayaa sheegaya in kulankan diirada lagu saarayo waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii ay dhawaan gaareen labada dhinac, si horey loogu sii amba-qaado wada-hadallada.

    Sidoo kale kulanka dhex-mari doono ra’iisul wasaaraha iyo mucaaradka ayaa la filayaa in lagu soo qaado waxyaabaah kasoo kordhay baaritanka dhacdadii 19-kii Bishii Febaraayo.

    Waxaa sidoo kale shirka inta uu socdo looga hadli doonaan abaabulka dibad-baxa ay wadaan musharraxiinta ee Sabtida dhacaya, kaas oo ay ogolaatay xukuumadda.

    Si kastaba maalmihii dambe ayaa waxaa soconayey wada-hadallo u dhexeeyey ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya & musharraxiinta, kuwaas oo is afgarad kusoo dhamaaday.


  6. Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku geeriyootay doon ku qalibantay xeebaha Oboq ee wadanka Jabuuti, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda oo la hadlay warbaahinta.

    Xiriiriyaha hay’adda socdaalka Qaramada Midoobay ee Bariga Afrika, Maxamed C/qaadir ayaa boggiisa Twitter-ka ku sheegay in doonta qalibantay ay ku sii jeeday dalka Yemen.

    Dhacdadan ayaa lagu sheegay in ay tahay midii saddexaad oo muddo ka yar lix bilood ka dhacda xeebaha ee dalka Jabuuti oo ay ku geeriyoodeen dad ka badan 70 ruux.

    Afhayeen u hadlay hay’adda IOM ayaa wakaalada wararka ee Anadole u sheegtay in kooxaha dadka Tahriibaya ay qaar ka mid ah dadka muhaajiriinta ah badda ku tuureen, maadaama doonta ay dad badan saarnaayeen.

    Meydadka illaa iyo shan ruux ayaa laga soo saaray badda, iyadoo inta badan muhaajiriinta saarnaa doonta qalibantahay ay ka soo jeedaan wadamada Itoobiya iyo Soomaaliya.

    View the full article


  7. Waxaa markale fashilmay shir uu madaxda dowlad gobaleedyada dalka ugu Baaqay Farmaajo in ay isugu yimaanada Magaalada Muqdisho.

    Maanta oo khamiis ah ayaa la qorsheynayay in uu qabsoomo shirka  wadatashiga arrimaha Doorashooyinka Dalka , kaas oo Muqdisho uga furmi lahaa madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo Farmaajo .

    Talaadadii todobaadkan ayaa madaxweeynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir wadatashi oo lagu dhameystirayo heshiiskii arrimaha Doorashooyinka .

    Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa walaac ka muujiyay ka qeeyb galka shirka Farmaajo uu ku baaqay, iyagoo soo jeediyay in waqti la siiyo wada hadalada u dhaxeeya Midawga Musharixiinta iyo Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble .

    Fashilka ku yimid shirka ayaa noqonaya Midkii seddaxaad uu farmaasho ku baaqay bil gudaheed oo fashil uu ku yimaado.

    Source: goobjoog.com


  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka bangiga dhexe oo war qoraal soo saaray ayaa digniin culus u diray Xawaaladaha iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla dalka, wuxuuna faray inay socod-siiyaan isticmaalka lacagta 50-ka Dollerka Mareykanka.

    Bangiga Dhexe ayaa shaaca ka qaaday inuu sameeyey baaritaan dheer, islamarkaana ay ku godaadeen in aysan jirin lacag been abuur ah oo dalka lasoo geliyey.

    Sidoo kale bangiga ayaa ku amray ganacsatada Soomaaliyeed inay qaataan lacagta 50-ka Doller oo beryihii dambe laga diidayey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

    Maamulka Bangiga ayaa sidoo kale ku booriyey Xawaaladaha, Bangiyada iyo Ganacsatada inay taxadar muujiyaan, kana feejignaadaan lacagaha been abuurka ah.

    Go’aankan ayaa kusoo aadaya, kadib kulan uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya shalay la qaatay maamulka Bangiga Dhexe ee dalka, kaas oo looga hadlay arrimaha maaliyadda.

    war-saxaafadeed-lacag.jpg

     

     

     


  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish ayaa toddobaadkaan xafiiskiisa ku qaabilay guddi siyaasiin ah oo ka socda Beelaha Mogadishu Clan, kuwaas oo ka socda guddi kale oo ku howlan dhismaha maamul uu yeesho gabalka Banaadir. 

    Xog ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in guddoomiye Cumar Filish uu xubnahaan kala hadlay howsha ay wadaan iyagoo weydiiyay talooyin ku aadan dhismaha maamulkaas, sidoo kalane kala hadlay caqabadaha qaar ee ku horgudban dhismaha maamulkaan. 

    Si rasmi ah looma oga socdaalka xubnahaan waxa uu salka ku haayo hase yeeshee waxaa la aaminsan yahay in kulanka dhaxmaray uu ahaa mid qarsoodi ah oo aysan waxba ka ogeyn madaxda kale ee dowladda Soomaaliya. 

    “Waxaan u sheegnay in Muqdisho ay degan yihiin dadkiisa, ayna yihiin kuwa ugu dhiban Soomaaliya islamarkaana bixiya lacagta canshuurta ah ee xaqa loogu leeyahay, dhibaatooyin siyaasi ahna waa heestaan, xuquuqo badanna waa ka maqanyihiin dhamaan wixii aan kawada-hadalnay waa isku afgaranay,” ayuu yiri mid kamid ah dadkii la kulmay guddoomiye Cumar Filish oo la hadlay Caasimada Online. 

    Guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa la aaminsan-yahay in xilkiisa ku waayay abaabulka dhismaha maamul gobaleed uu yeesho gobalka Banaadir lamana oga waxa uu ku muteysan karo Cumar Filish haddii uu sii wado kulamadaan. 


  10. Mareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo ka Hadlay Cabasho Shacabka Ka soo yeedhay

    Shacabka Hargeysa

    FB_IMG_1614797892165.jpg?resize=696%2C46

     

    Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood, ayaa sheegay in saacaddihii ay dhawaan macaamiishooda ku amreen in ay iibsadaan ay qayb ka tahaya koboca iyo horumarinta Wakaaladda.

    Maareeye Daarood, waxa uu ka dhawaajiyey in dadka ka cabanaya qiimaha ay laba dariiqo u fursan yihiin “Barnaamijka Saacaddaha ee Wakaaladda Biyuhu waxa uu qayb ka yahay koboca iyo horumarka ay samaynayso Wakaaladda Biyaha Hargeysa. Baahida keentayna, waxa weeye saacaddihii dalka iman jiray oo aanay tayadoodu fiicnayn, oo dhibaato badan ka dhex sababi jiray macmiilka iyo Wakaaladda Biyaha, markaa waxa weeye in shaqadaas la casriyeeyo oo ay hore u socoto, oo khaladaadkii fara badnaa ee dhici jiray la yareeyo” Ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood, oo u warramayey Telefishanka Bulsho TV.

    Maareeyaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Doodda ugu badan ee soo noq noqonaysay waxay khusaysay xagga qiimaha, marka qiimaha laga hadlayo dadka laba ayaa u fursan, qofkii awooddaa inuu hal mar bixiyo, qofkii kale ee aan awoodina biilkiisa muddo billo ah loogu qaybiyo oo kolba sidii uu u awooddo uu u bixiyo.”.

    Qaran News


  11. Jabuuti (Caasimada Online)Tobaneeyo muhaajiriin African ah ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen Arbacadii kadib markii ay tahriibiyeyaal ay ku tuureen badda Jabuuti, xilli ay kusii jeedeen Yemen, ayaga oo rajeynaya inay garaaan Sacuudi Carabiya, si ay shaqo uga helaan.

    Doonta oo sidday 200 oo muhaajiriin ah ayaa ka tagtay xeebta Oulebi ee Jabuuti, 2:00 am, sida ay sheegtay Yvonne Ndege, oo ah afhayeenka hay’adda caalamiga ah ee socdaalka ee IOM.

    Hase yeeshee dad ka bad-baaday dhacdadan ayaa sheegay in saacad kadib markii ay doonta baxday, ay tahriibiyayaashu go’aamiyeen in doonta uu culeyska ka batay, ayna ka tuureen 80 qof, sida ay sheegtay Ndege.

    Waxa ay ku warrantay in illaa iyo hadda la helay meydadka shan qof.
    Dadka inta badan ku harqama xeebaha Jabuuti, ayaa ka yimaada dalalka Soomaaliya ama Ethiopia, ayaga oo isku dayaya inay ka baxsadaan saboolnimada ka jirta dalalkooda, islamarkaana shaqooyin ka raadinaya dalalka Sacuudi Carabiya ama Imaaraadka Carabta.

    Qaarkood ayaa marka ay gaaraan Yemen ku xannibma, kadib marka ay ku guul-darreystaan inay u gudbaan xuduudda Sacuudiga, waxayna kadib mararka qaar badda ku harqamaan ayaga oo isku dayaya inay dalalkooda kusoo laabtaan.

    REUTERS + VOA


  12. Dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhex qarxay Dalalka Itoobiya & Suudaan

    dagaal-300x158.jpg

    Ciidamo Itoobiyaan ah iyo maleeshiyaad ayaa la laayay kadib markii uu dagaal ku dhexmaray ciidamada Suudaan dhulka lagu mursan yahay ee ku yaalla xadka labada dal, sida ay ku warrantay warbaahin laga leeyahay Suudaan.

    Warbaahinta Sudan Tribune oo soo xiganeyso saraakiil ka tirsan ciidamada Suudaan inay qarka u saaran yihiin inay qabsadaan deegaanka Barakat Nuureyn oo dhaca dhul baaxadda weyn ee lagu muransan yahay ee Al Fashaqa.

    “Dagaalka ayaa socday tan iyo koowdii bishan kaas oo u dhexeeyay ciidamada Suudaan iyo kuwa Itoobiya oo garab ka helaya ciidamo Eritrean ah…..Ciidamada Suudaan waxay khasaare gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya iyo xulafadoodii” ayay ku warrantay warbaahinta Sudan Tribune.

    Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan arrintan oo kasoo baxay dhinaca Suudaan.

    Eritrea waxay beenisay inay ciidamadeeda ay ka garab dagaallamayaan kuwa Itoobiya ee ku sugan dhulka lagu muransan yahay ee ku yaalla xudduudda Suudaan iyo Itoobiya.

    Al-Fashaqa, oo ku fadhida dhul dhan 600 kiilo mitir ayaa ah dhul ku fiican dhanka beeraha. Waxaa marar badan goobtan uu dagaal ku dhexmaray beeraleyda labada dal. Itoobiya iyo Sudan ayaa waxaa u dhaxeeya xuduud aad u dheer taasi oo dhan 1,600 km.

    Qaran News


  13. Baardheere (Caasimada Online) – Maalin kasta diyaarado sida ciidan, gaadiid dagaal, hub iyo agabyo kale ayaa ka dagayay gobalka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya. Kaliya dowladda Soomaaliya gobalkaan ma geynin ciidanka ee sidoo kale maamulka Jubaland ayaa meelo kamid ah geeyay ciidan iyo gaadiid dagaal. 

    Dhowr bil kadib, shacabka gobalka Gedo maanta uma baahna ciidan ee waxay u baahan yihiin wax ay cunaan iyo wax ay cabaan oo deg deg ah. Degmooyinka qaar dhimasho ayaa laga soo sheegayaa kadib markii ay dadku waayeen wax ay cunaan iyo wax ay cabaan, qaar kale oo degmooyinka ka mid ah waxaa ka jiraxaalado bini-aadinimo oo aad u daran. 

    Ilaa hadda gobalka Gedo ma helin wax gargaar ah waxaana la sheegayaa in boqolaal dollar la kala iibsanayo booyada biyaha ah, sidoo kale isgaarsiinta gobalkaas ayaa maqan, waxaana jaray Al-Shabaab. 

    Degmooyinka ugu daran waa Baardheere iyo Ceelwaaq oo la xaqiijiyay geerada xoolo badan iyo dad ku dhow ilaa 5 qof. Wararka qaar ayaa sheegaya in dhimashadu dadka ay intaas ka badan tahay. 

    Maamulka Jubaland iyo Madaxweyne Farmaajo waxa uu gobalkaan mid kasta u yahay muhiim waana gobalka sababay in muddo dheer laga heshiin waayo doorashada Soomaaliya oo qodobada la isku haayo ay ugu weyn tahay arrinta gobalka Gedo.

    Farmaajo waxa uu Soomaaliya oo dhan u xayiran una diidan yahay inay doorasho ka dhacda gobolkan dartiis, inkasta oo dadka qaar rumeysan yihiin in gobolka uu qiil ka dhiganayo, balse sababta uusan doorasho u ogoleyn ay tahay inuu doonayo inuu kursiga ku fadhiyo.

    Iminka, shacabka Gobalka Gedo iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayaa hada is weydiinayaa, Madaxweyne Farmaajo sida uu ciidan ugu daabulay Gedo, gargaar deg deg ah ma ugu daabuli doonaa? 


  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in guddigii loo saaray dilka guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiim Dhagajuun ay joojiyeen baaritaankii ay wadeen kadib markii uu ka dhaqaaqi waayay shaqsiyaad saameyn weyn leh oo uu lugaha la galay.

    Xubnaha guddiga ayaa Caasimada Online u sheegay in arrintaan ay dhaqaaqi weysay kadib markii ay adkaatay in la sii wado baaritaanka sababo badan aawgeed.

    “Hanjabaad, caga-jugleen, cabsi gelin ayaa la kulanay waxaa uuna dilka u muuqda mid aan ku dhicin si kam ah balse uu ahaa mid la qorsheeyey. Waxaa soo faro-geliyey ganacsato maal-qabeeno ah iyo xubno sare oo ka tirsan xafiisyada dowladda, waxaa aaminsanahay in dilkiisa ay la xariirtay arrimo dhul,” ayuu yiri mid ka mid ah mas’uuliyiinta ku howlan baaritaanka arrintaan oo la hadlay Caasimada Online.

    Masuuliyiinta arintaan ku jira ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya ay la wadaageen culeysyada haysta balse aan ilaa hadda laga jawaabin codsiga ay gudbiyeen, taas oo fududeyn kartay in uu sii socda baaritaanka ay ku wadaan arintaan.

    Dowladda Soomaaliya ayaa maalmo kamid ah dilka guddoomiyaha degmada Hodan Cabdixakiim Dhagajuun u saartay guddi uu hogaaminayo Cabdullaahi Buula-kameey iyo masuuliyiin kale.

    Hore ayey dowladda Soomaaliya guddiyo u saartay baaritaanka kiisas culus oo ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo ugu dambeyn ku dhamaaday AF-DABOOLAN DAHAB, lama oga kiiskaana uu sidaas ku dhamaan doono.


  15. Toronto (Caasimada Online) – Iskuul dugsi sare ah oo ku yaalla wadanka Canada ayaa loogu magac daray Hodan Neeleeye oo ah gabar Soomaali ah, samafale aheyd oo wakhti badan ku nooleed dalka Canada, balse weerar ka dhacay magaalada Kismaayo bishii July 2019-kii ku geeriyootay.

    Weerarkaas waxaa sheegtay dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku xoogan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan koonfurta iyo bartamaha, waxeyna gabadhaas ka mid noqotay boqolaal haldoor oo ku naf waayay dhibaatooyinka gudaha Soomaaliya ka jira.

    Dugsi la oran jiray Vaughan Secondary School aya loogu magac daray, waana magaaladii ay ku nooleed ee Vaughan ee dhacda gobolka Ontario.

    Habeenimadii talaadada aheyd ayey guddiga tacliinta qaateen kulan, waxeyna gaareen xarunta waxbarasho ee loogu magac daray Hodan Naaleeye sida lagu baahiyay warbaahinta SBC News.

    Vaughan.jpg

    Si kastaba dadka madowga ah ee heysta dhalashada Canada ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay qaaday dowladda Canada, iyadoo agaasimaha fulinta ururka ay ku mideysan yahiin African  Canadian-ka oo lagu magacaabo Shernett Martin ay soo dhaweysay tallaabadaan.

    Waxeyna war qoraal ah oo kasoo baxay ku tiri: “Dhaxalkeeda waa mid sii jiri doona iyo farxadda cidda ay ahayd iyo waxa ay u istaagtay ayaa dib ugu soo laaban doona wadiiqooyinka iyo fasallada dugsigan sare waligeena ma ilaawi doonno nafhurnimadda ay Hodan samaysay. Waxaan u dabaaldageynaa in haweeney xjibaab oo madoow isla markaana muslim ah uu magaceeda ka dul-dabanayo Dugsiga magaaladeena”

    Qoyska Hodan oo soo saarey war-saxaafadeed ayaa ka mahadceliyey talaabaddan, waxaana ay carabka ku adkeeyeen in ay u noqon doonto dhiiragelin ay kusii xijiyaan “dhaxalka wanaagsan oo ay ka tagtey”.

    Hodan waxaa la dhintay seygeeda Fariid Jaamac Suleymaan uu ku wehliyey dadka lagu dilay weerarkii Al-Shabaab ee Hotel Cascasey isla markaana waqtigii ay dhimaneysay ahayd xaamilo ama mid uur leh.

    Waxey aheyd gabar muuqaal baahiyaha kusoo gudbisa waxyaabaha wanaagsan ee Soomaaliya isla markaana safari ku tagtay meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya, iyadoo warbixino ka sameysay dadka qurbaha ku nool ee Soomaaliyeed.