Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,095
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku amray in xubnaha guddiyada doorashooyinku soo xaroodaan ugu dambeyn Khamiista.

    Kooxda farsamada ayaa sheegay in maalinta Khamiista ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 24 Juun si rasmi ah loo bilaabi doono tababar ku saabsan sidii ay u shaqeyn lahaayeen.

    Tababarka guddiyada ayaa wuxuu socon doonaa muddo todobaad ah, kadibna waxay iska dooran doonaan guddoon sida uu sheegay Guddoomiyaha Kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdulqaadir Cilmi Cali.

    Guddoomiyaha ayaa sheegay in marka ay guddiyada doortaan guddoon ay u safri doonaan deegaanada Maamul Goboleedyada dalka si ay doorashada u dhacdo waqtiga loo qorsheeyey.

    Abuukaate Cumar Dhagey oo ka mid ah Xubnaha kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhankiisa sheegay in guddiyadaan ay yihiin kuwo madax banaan oo sharci ahaan soo saari lahaa xildhibannaada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya lana baari doono sida ay u shaqeyn lahaayeen.

    Dhanka kale, Guddigii Ra’iisal Wasaare Rooble u magacaabay dib u eegista iyo kala shaandheynta Xubnaha Guddiyada Doorashada ee cabashada laga keenay ayaa maanta la kala diray markii shaqadoodii dhammaatay.

    Guddigan oo uu madax u ahaa Wasiirka Waxbarashada ayaa xilkii ku wareejiyay guddiga cusub ee Farsamada oo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magaaabay  maamulka Doorashooyinka, iyagoo la shaqeyn doona Guddiyada Doorashada heer federal iyo heer dowlad Goboleed.

    Xukuumadda uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa laga sugayaa qabashada doorasho loo dhan yahay oo dalka ka dhacda, waxaana maalmaha soo socda Magaalada muqdisho & Gobolada dalka ka bilaaban doona ololo doorasho oo ay sameeynayaan Musharixiinta Xildhibaannada labada Aqal iyo kuwa Madaxweynaha.

    The post Guddiyada Doorashada oo amar la siiyey iyo guddigii uu magacaabay Rooble oo la kala diray (Daawo) appeared first on Caasimada Online.


  2. (SLT-Stockholm)-Dowladdii Sweden ayaa maanta la riday kadib markii Stefan Lofven uu noqday ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey dalka ee waaya codka kalsoonida, taasi oo macnaheedu yahay inuu is-casilo ama ku baaqo doorasho deg deg ah.

    Mooshinka codka kalsoonida ayaa lagu ansixiyey ayada oo ay taageereen aqlabiyadda xildhibaano gaadhaya 181 oo ka mid ah 349-ka kursi ee baarlamanka.

    Mooshinka ayaa waxaa Khamiistii diiwaan geliyey xisbiga midigta-fog ee Sweden Democrats (SD), kadib markii Lefty Party, oo taageerayey dowladda uu ku dhowaaqay inuu qorsheynayo inuu taageero mooshinka, si uu ashtako uga muujiyo mashruuca ay dowladda ku khafiifineyso xakameynta kirada guryaha, taasi oo ay ugu yeedheen tallaabo lagu weeraray hanaanka bulsho ee Sweden.

    Xisbiga muxaafadka ee Moderate Party iyo xisbiga Christian Democrats ayaa sidoo kale deg deg ugu dhowaaqay inay taageerayaan tallaabadan, taasi oo xaqiijisay aqlabiyad.

    Lofven waa raysal wasaarihii ugu horreeyey dalka ee waaya codka kalsoonida, waxayna ka dhigan tahay inay burburtay dowladdii ay ku mideysnaayeen xisbiyada Social Democrat iyo Green Party.

    Xasaraddan ayaa waxaa dhaliyey mashruuc weli maraya xaalad horudhac ah, oo dib u habeyn loogu sameynayo maamulka dowladda ee kirada guryaha, kaasi oo albaabada u furaya in dadka leh daaraha cusub ee la dhisayo ay ayaga goyn karaan qiimaha kirada.

    Qorshahan ayaa waxaa loo arkay mid halis ku ah hanaanka bulsho ee Sweden iyo dadka kireysanaya guryaha.

    Lofven ayaa waxa uu hadda haystaa hal toddobaad, si uu go’aan uga gaaro inuu ku baaqo doorasho deg deg ah, ama uu is-casilo, taasi oo macnaheedu yahay in afhayeenka baarlamanka uu billaabi karo wada-xaajoodyo u dhaxeeya xisbiyada si ay usoo doortaan musharax buuxin kara xafiiska.

    Source


  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ka hadlay ujeedka ugu muhiimsanaa ee kulankii dhawaan Muqdisho ku dhex maray Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Cusmaan.

    Wasiirka oo ka qeybgalayey barnaamijka One-on-One ee telefishinka Turkiga ee TRT World isagoo ku sugan magaalada Antalya ayaa xaqiijiyey in kulankii u dambeeyay ee Rooble la yeeshay danjiraha Imaaraadka Carabta uu qeyb ka ahaa dedaalada maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo ku saxayo gefafka diblomaasiyadeed ee uu sameeyey intii uu xilka hayey.

    Wasiir Cabdirisaaq ayaa sheegay in dowladiisa ay aad u xiiseeneyso inay dib u saxdo waxyabihii horey uga soo qaldoomay ee ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo dalalka kale.

    Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa 7-dii June xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Imaaraadka Carabta, waxaana war kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha lagu sheegay in kulanaas looga wada hadlay TRT World.

    Xiriirka diblomaasiyadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Imaaraadka Carabta ayaa xumaa saddexdii sanno ee la soo dhaafay, iyadoo xiriirka diblomaasiyaddeed Soomaaliya u jartay Imaaraadka kaddib khilaafka Dowladaha Khaliijka. Soomaaliya ayaa sheegtay in ay mowqifka dhexdhexaadnimo ka qaadatay.

    Bartamihii Bishii Abriil ee sanadkii 2018, Soomaaliya iyo Iimaaraadka waxay joojiyeen iskaashigii milateri. Tan iyo 2014, Iimaaraadka Carabta wuxuu tababaray oo mushaar siinayey askar Soomaali ah oo Muqdisho joogta, wuxuuna Puntland ka dhisay ciidan burcad badeedda la dagaallama. Boqollaal hub ah ayaa laga bililiqaystay xarunta tababarka ee Muqdisho markii la xirayey.

    Tani waxay timid kaddib markii ciidanka ammaanka ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ku dhowaad $10 milyan oo Iimaaraadku diyaarad ku keenay si loo siiyo askarta, waxaana muddo gaaban la xayiray dayaaraddii lacagtaas keentay. Iimaaraadku wuxuu kaloo xiray isbitaal bixin jiray adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah.

    The post DF oo shaacisay qorshaha ka dambeeya kulankii Rooble iyo Safiirka Imaaraadka appeared first on Caasimada Online.


  4. Dowladda Jarmalka oo dalkeeda ka mamnuucday Calanka Ururka +Sababta hamas.jpg

    Dowladda Jarmalka ayaa gaartay go`aan ay dalkeeda uga mamnuucday calanka ururka falastiiniyiinta ee Xamaas kadib dhacdooyin dhowr ah oo dhacay bisii eynu soo dhaafnay ee May.

    Dibedbaxyo looga soo horjeedo Israel ayaa gil-gilay bishii hore magaalooyin dhowr ah oo ku yaal dalka Jarmalka kuwaas oo ay ka mid yihiin  Berlin, Hamburg iyo kuwo kale kadib markii uu dagaal duqeymo ah dhex maray Israel iyo Falastiin.

    Go`aanka dowladda ayaa sidoo kale yimid kadib markii weeraro iyo aflagaaddooyin loo geystay Yuhuuda, sida goobaha cibaadada yuhuuda oo la weeraray.

    ” – Ma rabno in calamada argagixisada ay ka dul babadaan dhulka Jarmalka”, sidaa waxaa yiri Thorstein Frei oo ka tirsan xisbiga gaalada ee CDU. mar uu wareysi siinayay jaraa`idka Die Welt.

    Sidoo kale waxaa la mamnuucay calanka ururka shiicada ah ee ka dhisan dalka Lubnaan ee Hizbollah, waxaana ururkaasi lagu daray liiska argagixisada dalkaasi.

    Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa iyagu horay ugu daray liisaskooda ururada argagixisada Hizbollah iyo Xamas.

    Ururka Xamaad ayaa la aas-aasay sannadkii  1987, waxaana ay 2007-dii la wareegeen gacan-ku-haynta marinka Gaza ee Falastiin. Waxaa ay dhowr dagaal la galeen Israel oo uu ugu dambeeyay kii dhacay bishii May ee sannadkan oo ay Israel ku weerareen in ka badan 4000 oo gantaal.

    Qaran News


  5. Dowladda Puntland ayaa shaacisay, in bisha Agoosto ee sannadkan si rasmiya mushahar kordhin loogu samaynayo shaqaalaha kala duwan ee dowladda.

    Agaasime ku xigeenka Warfaafinta Madaxtooyada Puntland, Cabdirashiid Cismaan Shaaluco ayaa sheegay in guddi loo xil-saaray dib u-eegista iyo tirakoobka shaqaalaha dowladda ay soo dhammaystireen wajigii koowaad ee qiimaynta hawshaas.

    Guddigii madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabudllaahi Deni u magacaabay dib-u-eegista iyo tirakoobka shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda ayaa soo dhameeyey wajigii koowaad ee qiimaynta”

    Shaaluco ayaa sidoo kale sheegay, in bisha Agoosto ee sannadkan si rasmiya loo kordhin doono  mushaharka Shaqaalaha dowladda Puntland.

    Waxaa shaqaalaha si rasmi ah loogu kordhinaya mushaarka bisha August ee sanadkan.” Ayuu sii raaciyay Hadalkiisa.

    PUNTLAND POST

    The post Puntland oo shaacisay wakhtiga la kordhinayo mushaharka Shaqaalaha dowladda appeared first on Puntland Post.


  6. FB_IMG_16242762986368723.jpg?resize=414%Marxuum, Sheekh Cali Dheere

    Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta shaacisay magaca nin lagu eedeynayo dilkii Sheekh Cali Axmed Faarax Dhoore (Sheekh Cali Dheere) oo ahaa maamulihii Guud ee Jamciyadda Imaamu Nawaawi ee gobolka Mudug, kaas oo 17/5/2021 lagu dilay deegaan hoostaga Gaallkacyo.

    Xeerilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya Muumin Xuseen Cabdullaahi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in baaritan kadib dilka Marxuumka uu ku cadaaday Dable Cabdixakiin Cabdisalan Aadan oo ka tirsan Ciidanka Saldhiga Booliska Gaalkacayo ee Galmudug.

    Sidoo kale Xeerilaaliye ku xigeenka ayaa intaas ku daray in dilka gacan ay ku siiyeen Askariga eedeysanayaal kale oo kala ah ina Saciid Cabdi Xidig & ina Baalbaal, oo dilka kadib u baxsady dhanka degmada Galodogob ee gobolka Mudug.

    Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya waxay sheegtay in guddigii baarista kiiskan loo saaray ay u soo baxday in saraakiisha Booliska ee qeybta gobolka Mudug & Xafiiska la dagaalanka Argagaxisada ay sameeyeen waajib gudasho la’aan la xiriira dhacdadaan lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

    PUNTLAND POST

    The post Yaa lagu eedeeyay dilkii Sheekh Cali Dheere ee Gaalkacyo? appeared first on Puntland Post.


  7.  

     ito2.jpeg

    Shacabka waddanka Ethiopia ayaa maanta oo Isniin ah u dareeray doorashada baarlamaaniga ah ee dalkaasi, waxaana doorashadan oo qorshuhu ahaa in ay dhacdo sanadkii hore ku yimid dib u dhac sababo ay dowladdu ku sheegtay cudurka safmarka ah ee COVID-19

    ito.jpeg

     

    Doorashadan ayaa ka dhacaysa inta badan dowlad-deegaannada dalkaasi marka laga reebo dowladda deegaanka Soomaalida, gobolka Tigray ee uu dagaalku ka socdo iyo qeybo kale oo dalkaasi ka mid ah.

    itob3-e1624273294790.jpeg

    Doorashada ayaa ku soo beegmeysa xilli dowladda uu hogaamiyo ra’iisulwasaare Abiy Axmed ay wajahayso cadaadis caalami ah oo ku aadan sida ay u maareysay dagaalka gobolka waqooyi ee Tigray iyo musiibada bini`aadanimo ee dagaalku keenay.

    Qaran News


  8. Dowladdii Sweden ayaa maanta la riday kadib markii Stefan Lofven uu noqday ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey dalka ee waaya codka kalsoonida, taasi oo macnaheedu yahay inuu is-casilo ama ku baaqo doorasho deg deg ah.

    Mooshinka codka kalsoonida ayaa lagu ansixiyey ayada oo ay taageereen aqlabiyadda xildhibaano gaaraya 181 oo ka mid ah 349-ka kursi ee baarlamanka.

    Mooshinka ayaa waxaa Khamiistii diiwaan geliyey xisbiga midigta-fog ee Sweden Democrats (SD), kadib markii Lefty Party, oo taageerayey dowladda uu ku dhowaaqay inuu qorsheynayo inuu taageero mooshinka, si uu ashtako uga muujiyo mashruuca ay dowladda ku qafiifineyso xakameynta kirada guryaha, taasi oo ay ugu yeereen tallaabo lagu weeraray hanaanka bulsho ee Sweden.

    Xisbiga muxaafadka ee Moderate Party iyo xisbiga Christian Democrats ayaa sidoo kale deg deg ugu dhowaaqay inay taageerayaan tallaabadan, taasi oo xaqiijisay aqlabiyad.

    Lofven waa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey dalka ee waaya codka kalsoonida, waxayna ka dhigan tahay inay burburtay dowladdii ay ku mideysnaayeen xisbiyada Social Democrat iyo Green Party.

    Xasaraddan ayaa waxaa dhaliyey mashruuc weli maraya xaalad horudhac ah, oo dib u habeyn loogu sameynayo maamulka dowladda ee kirada guryaha, kaasi oo albaabada u furaya in dadka leh daaraha cusub ee la dhisayo ay ayaga goyn karaan qiimaha kirada.

    Qorshahan ayaa waxaa loo arkay mid halis ku ah hanaanka bulsho ee Sweden iyo dadka kireysanaya guryaha.

    Lofven ayaa waxa uu hadda haystaa hal toddobaad, si uu go’aan uga gaaro inuu ku baaqo doorasho deg deg ah, ama uu is-casilo, taasi oo macnaheedu yahay in afhayeenka baarlamanka uu billaabi karo wada-xaajoodyo u dhaxeeya xisbiyada si ay usoo doortaan musharax buuxin kara xafiiska.

    Xigasho: VOA Somali

    PUNTLAND POST

    The post Dowladdii Sweden oo la riday appeared first on Puntland Post.


  9.  Xukumadii ka talinaysay Dal ka mida Dalalka ugu qanisan Yurub oo la riday+Sababta
    Stefan Lofven
    Stefan Lofven

    Dowladdii Sweden ayaa maanta la riday kadib markii Stefan Lofven uu noqday ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey dalka ee waaya codka kalsoonida, taasi oo macnaheedu yahay inuu is-casilo ama ku baaqo doorasho deg deg ah.

    Mooshinka codka kalsoonida ayaa lagu ansixiyey ayada oo ay taageereen aqlabiyadda xildhibaano gaaraya 181 oo ka mid ah 349-ka kursi ee baarlamanka.

    Mooshinka ayaa waxaa Khamiistii diiwaan geliyey xisbiga midigta-fog ee Sweden Democrats (SD), kadib markii Lefty Party, oo taageerayey dowladda uu ku dhowaaqay inuu qorsheynayo inuu taageero mooshinka, si uu ashtako uga muujiyo mashruuca ay dowladda ku qafiifineyso xakameynta kirada guryaha, taasi oo ay ugu yeereen tallaabo lagu weeraray hanaanka bulsho ee Sweden.

    Xisbiga muxaafadka ee Moderate Party iyo xisbiga Christian Democrats ayaa sidoo kale deg deg ugu dhowaaqay inay taageerayaan tallaabadan, taasi oo xaqiijisay aqlabiyad.

    Lofven waa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey dalka ee waaya codka kalsoonida, waxayna ka dhigan tahay inay burburtay dowladdii ay ku mideysnaayeen xisbiyada Social Democrat iyo Green Party.

    Xasaraddan ayaa waxaa dhaliyey mashruuc weli maraya xaalad horudhac ah, oo dib u habeyn loogu sameynayo maamulka dowladda ee kirada guryaha, kaasi oo albaabada u furaya in dadka leh daaraha cusub ee la dhisayo ay ayaga goyn karaan qiimaha kirada.

    Qorshahan ayaa waxaa loo arkay mid halis ku ah hanaanka bulsho ee Sweden iyo dadka kireysanaya guryaha.

    Lofven ayaa waxa uu hadda haystaa hal toddobaad, si uu go’aan uga gaaro inuu ku baaqo doorasho deg deg ah, ama uu is-casilo, taasi oo macnaheedu yahay in afhayeenka baarlamanka uu billaabi karo wada-xaajoodyo u dhaxeeya xisbiyada si ay usoo doortaan musharax buuxin kara xafiiska.

    Qaran News


  10. 3-24.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

    Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta hoygiisa ku qaabilay Safiirka cusub dowladda  Itoobiya u soo magacowday Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi Xasan oo shalay soo gaaray Magaalada Garoowe.

    War ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ka wada-hadleen adkaynta Iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Dalka Itoobiya.

    Sidoo kale warka ayaa intaas ku daray in madaxweyne ku xigeenka iyo safiirku ka wada-hadleen sidii iskaga kaashan lahaa dhinacyada Amniga, horumarinta Ganacsiga iyo iskusocodka.

    Waxa xusid mudan in safiirku uu sidoo kale shalay la kulmay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni kaas oo ay ka wada-hadleen guud ahaan arrimaha Soomaaliya gaar ahaanna Puntland.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la kulmay Safiirka Itoobiya appeared first on Puntland Post.


  11. Dadweynaha Itoobiya ayaa safaf dhaadheer ugu jira goobaha codbixinta doorashooyinka si ay uga dhiibtaan codkooda doorashadii lixaad ee baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka.

    Ilaa 9,175 musharrax ayaa waxaa soo sharaxay 47 xisbi siyaasadeed, halka 125 ay ku biirayaan tartanka si madax-bannaan doorashooyinka ka socda in ka badan 49,407 goobood oo ku kala yaal waddanka Itoobiya.

    Guddiga doorashooyinka Itoobiya ayaa hore labo jeer dib u dhigay doorashooyinka sababo la xiriira aafada xanuunka Corona, amniga iyo dhibaatooyinka dhanka logistikada ah.

    PUNTLAND POST

    The post Dadweynaha Itoobiya oo doorasho u dareeray appeared first on Puntland Post.


  12. Warbixin Xasaasiya:Dood ka dhalatay inay waajib ay tahay in la xidho Xarumaha Ganacsiga Dalka Sacuudiga marka la gaadho waqtiga salaadda

    Doodda ka dhalatay in waajib ay tahay in la xiro xarumaha ganacsiga Sucuudiga marka la gaaro salaadda
    Doodda ku saabsan in ay waajib ay tahay in la xidho xarumaha ganacsiga Sacuudiga marka la gaadho salaadda

    Dadweynaha Sucuudiga ayaa si weyn uga hadlay arrinta ku saabsan in khasab ay tahay in xarumaha ganacsiga dalkaas la xiro, marka la gaaro xilligga salaadda, waxaana si wayn uga doodaya dadka isticmaala baraha bulshada.

    Golaha shuurada ee Sacuudiga ayaa ka dooday in waajib ay tahay in ganacsatada ay albaabada isugu dhuftaan xarumahooda ganacsiga, marka la gaaro xilligga salaadda.

    Qaar ka mid ah wargeysada ka soo baxa Sucuudiga ayaa ku warramay in golaha shuurada dalkaas ay u codeyn doonaan in la ansixiyo codsi ku saabsan sida ay waajib u tahay in la xiro xarumaha ganacsiga.

    Waxaa codsi loo diray Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta oo la weydiistay in ay mas’uuliyiinta dalkaas kala shaqeeyso sidii meesha looga saari lahaa amarka ah in waajib ay tahay in la xiro xarumaha ganacsiga, xilliyada saaladda.

    Dadka ka soo horjeedo tallaabadan ayaa ku doodayaa in ‘aanay jirin aayad Qur’aan ah ama Xadiis waajib ka dhigaya in albaabada la isugu dhufto mehradaha ganacsiga marka la gaaro xilliyada saaladaha’.

    Muranka iyo doodda ka dhalatay arrintan

    Baraha bulshada ee Sacuudiga ayaa si weyn looga hadal hayaa arrintan oo dadka ay ku kala aragti duwan yihiin.

    Dadka qaar waxay golaha shuurada usoo jeediyeen in ay ansixiyaan baaqa ah in la joojiyo amarka lagu xirayo ganacsiyada, xilliyada Salaadda.

    Waxay qaarkood ku doodayaan in arrintan aanan khasab laga dhigin si ganacstada ay u dareemaan xoriyadda ah in xilligga ay doonaan ay xiri karaan ama ay dib u furi karaan mehradahooda ganacsi.

    Halka dadka qaar ee adeegsada baraha bulshada ay soo jeedinayaan in aanan waxbo laga iibsan xarumaha ganacsiga ee furan xilliyadda salaadda.

    اي محل مايسكر وقت الصلاه اعلن مقاطعتي له https://t.co/SwtJSUkmeg

    — S a l e h (@iSaCr_7) June 20, 2021

     

    Dhawaan ayay aheyd markii mas’uuliyiinta dalka Sacuudi Carabiya ay ku adkeysteen tallaabo ay ku xaddideen sameecadaha masaajidda, taas oo ahayd in aan laga maqlin meel ka baxsan gudaha masaajidda.

    Wasaaradda arrimaha Diinta ee dalkaasi ayaa ku dhawaaqday in dhammaan sameecadaha masaajidda codkooda la gaabiyo oo aysan ka badan saddex meelood hal meel heerka ugu sarreeya codkooda.

    Dowladda Sacuudiga waxay sheegtay in tallaabooyinkan ay jawaab u yihiin cabashooyinka ka imanaya dadweynaha.

    Qaran News


  13. Stockholm (Caasimada Online) – Dowladdii Sweden ayaa maanta la riday kadib markii Stefan Lofven uu noqday ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey dalka ee waaya codka kalsoonida, taasi oo macnaheedu yahay inuu is-casilo ama ku baaqo doorasho deg deg ah.

    Mooshinka codka kalsoonida ayaa lagu ansixiyey ayada oo ay taageereen aqlabiyadda xildhibaano gaaraya 181 oo ka mid ah 349-ka kursi ee baarlamanka.

    Mooshinka ayaa waxaa Khamiistii diiwaan geliyey xisbiga midigta-fog ee Sweden Democrats (SD), kadib markii Lefty Party, oo taageerayey dowladda uu ku dhowaaqay inuu qorsheynayo inuu taageero mooshinka, si uu ashtako uga muujiyo mashruuca ay dowladda ku qafiifineyso xakameynta kirada guryaha, taasi oo ay ugu yeereen tallaabo lagu weeraray hanaanka bulsho ee Sweden.

    Xisbiga muxaafadka ee Moderate Party iyo xisbiga Christian Democrats ayaa sidoo kale deg deg ugu dhowaaqay inay taageerayaan tallaabadan, taasi oo xaqiijisay aqlabiyad.

    Lofven waa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey dalka ee waaya codka kalsoonida, waxayna ka dhigan tahay inay burburtay dowladdii ay ku mideysnaayeen xisbiyada Social Democrat iyo Green Party.

    Xasaraddan ayaa waxaa dhaliyey mashruuc weli maraya xaalad horudhac ah, oo dib u habeyn loogu sameynayo maamulka dowladda ee kirada guryaha, kaasi oo albaabada u furaya in dadka leh daaraha cusub ee la dhisayo ay ayaga goyn karaan qiimaha kirada.

    Qorshahan ayaa waxaa loo arkay mid halis ku ah hanaanka bulsho ee Sweden iyo dadka kireysanaya guryaha.

    Lofven ayaa waxa uu hadda haystaa hal toddobaad, si uu go’aan uga gaaro inuu ku baaqo doorasho deg deg ah, ama uu is-casilo, taasi oo macnaheedu yahay in afhayeenka baarlamanka uu billaabi karo wada-xaajoodyo u dhaxeeya xisbiyada si ay usoo doortaan musharax buuxin kara xafiiska.

    AFP + VOA

    The post Dowladdii dalka Sweden oo maanta la riday – Maxaa xiga? appeared first on Caasimada Online.


  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay digniin culus oo la xiriirta ammaanka, taas oo ku socoto wadamo dhowr ah oo ay ku jirto Soomaaliya.

    Sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Mareykanka ayaa ka digay halista kooxaha islaamiyiinta ah oo haatan ku sii fidiya qaar ka mid ah wadamada qaaradda Afrika.

    Taliyaha howl-galka Africom, General Stephen Townsend ayaa xusay in ururada Al-Qaacida iyo Daacish ay ku sii xoogeysanayaan wadamada Somalia, Mali, Niger, Chad iyo Sudan.

    General Stephen Townsend ayaa sidoo kale tilmaamay in kooxda Al-Shabaab oo xiriir la-leh Al-Qaacida ay gacanta ku hayaan dhul ballaaran oo ku yaala Soomaaliya, isla-markaana ay weeraro culus ka fuliyaan gudaha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika.

    Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dhammaan, marka la’isku geeyo ururadaasi islaamiyiinta ah ay khatar weyn ku yihiin ammaanka qaaradda Afrika.

    Mareykanka ayaa waxaa Afrika ka jooga illaa 7,000 oo askari, inkastoo Donald trump uu Soomaaliya ka saaray 700 oo askari, kuwaas oo qeyb ka ahaa dagaalka Al-Shabaab, waxaana ciidamadaasi la geeyay saldhigyo kale oo Mareykanka uu ku leeyahay afrika.

    Si kastaba, howl galka Mareykanka ee Africom ayaa waxaa qaar ka mid ah dalalka Afrika uu ka caawiyaa tababarada iyo la dagaalanka ururada ay ugu yeeraan Argagixisada.

    The post Mareykanka oo soo saaray digniin la xiriirta Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.


  15. Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa saaka dadweynaha reer Itoobiya u dareereen goobaha cod-bixinta doorashooyinka, si ay codad-kooda u dhiibtaan.

    Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ay ka dhaceysaa magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi oo ay ugu horreyso caasimada Addis Ababa.

    Dadweynaha ayaa dooran doono illaa 547 xildhibaan oo heer federaal ah, sida uu shaaciyey guddiga maamulaya doorashadaasi.

    Wararka ayaa sheegaya in goobaha qaar ee cod-bixinta la furey xilli aan aheyn waqtigii la cayimay, waxaana jira dib u dhac illaa 30 daqiiqo ah, tusaale ahaan magaalada Addis Ababa 15 deegaan doorasho, 11 ka mid ah goobihii codka laga dhiiban lahaa iyo 2 goob cod-bixin oo ku yaalla Bahir Dar, ay dib uga dhaceen xiligii la furi lahaa.

    Sidoo kale waxaa goobaha cod-bixinta ku sugan madaxda doorashada iyo sidoo kale murashaxiinta wakiilladooda, si ay dusha ugala socdaan qabka ay u dhaceyso.

    Doorashada ayaa ah mid isha lagu wado hayo guud ahaan Itoobiya, marka laga reebo dowladda deegaanka Soomaalida, gobolka Tigray oo aysan ka dhaceyn doorashadu.

    Si kastaba qorshaha doorashadan ayaa ahaa in ay dhacdo sanadkii hore, balse waxaa loo baajiyey, sababo la xiriira cudurka Covid-19 oo saameyn ballaaran ku yeeshay Itoobiya.

    The post Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Itoobiya appeared first on Caasimada Online.


  16. Inkasta oo ciidanka Mareykanka ay ka wada bixi doonaan September hadana kooxda Dhaalibaan ayaa bilowday iney qabsadaan magaalooyin iyada oo ay xarakada u muuqato awooddii badali laheyd Washington.

    Qiyaas ahaan 2,500 American ah iyo 7,000 NATO ayaa bilaabay iney ka baxaan dalkaas wixii ka dambeeyey May.

    Kooxdan mayalka adag ayaan u muuqan in laga adkaaday ama urur gabalkiisu dhacay iyada oo u hadlo iney yihiin dowlad safka kusoo jirta ama la sugayo.

    Todobaadkan, Col. Sohrab Azimi, 31, iyo ciidan la socday oo gaaraya 22 ayaa la laayey arbacadii, waxaa dhammaan dilay Dhaalibaan iyaga oo sugayey ciidan gurmad ah.

    Warar qaar ayaa sheegaya in Dhaalibaan ay bilaabeen qaadista lacago qaaraan ah kahor inta aaney bixin ciidanka Mareykanka.

    In ka badan 7 degmo ayaa ku jira gacanta kooxdan halka maalin walba ay qabsadaan deegaano cusub, waxaana hubaal in xaaladda ay kasii dari doonta kolka Mareykanka iyo NATO baxaan.

    Goobjoog News 

    Source: goobjoog.com


  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa faah faahin ka bixiyey dib u dhaca ku yimid safarka wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ee ku aadanaa booqashadiisa Soomaaliya.

    Wasiirka oo ka qeyb-galayay Barnaamijka One on One ee Teleefishinka TRT ayaa shaaca ka qaaday inay nasiib xumo ku timid baaqashada socdaalka wasiir Mevlüt Çavuşoğlu.

    Ma shaacin wasiirku xilliga rasmiga ah ee uu Soomaaliya imaanayo wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, maadaama uu haatan dib u dhac ku yimid safarkiisa.

    Ujeedka boorashada wasiirkaasi ka socda Turkiga ayaa la xariirta arrimaha doorashada, xiriirka labada dalka, tababarka Ciidanka Xoogga iyo Kaalmada Bani aadamnimada.

    “Nasiib xumo waxaa baaqday socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ee Soomaaliya, waxa aad ogtihiin wadashaqeynta naga dhaxeysa, waxa aan kawada hadli doonaa Amniga, Taageerada ciidanka, Bani aadamnimada, Dhaqaalaha, Maalgelinta & arrimo kale”

    Turkiga ayaa galaangal xoogan ku leh siyaasadda Soomaaliya oo haatan galeysa doorasho isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha.

    Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir xoogan oo leh iskaashi dhinacyo kala duwan leh, waxaana sidoo kale Turkiga uu Soomaaliya ka caawiyaa dhinacyo dhowr ah.

    The post Maxay DF ka tiri dib u dhaca socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ee Somalia? appeared first on Caasimada Online.


  18. (SLT-Hargeysa)-Tan iyo markii lasoo gunaanaday Natiijada Doorashaddii Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiiladda ee Dalka ka qabsoontay 31-May-2021,  ee lagaga awood roonaaday Xisbi Xaakimka Kulmiye ayaa waxa isasoo taraya warbixino iyo xam-xam hoose oo laga dhex maqlayo dhinaca Xukuumada iyo qasriga Madaxatooyada taasi oo la isku riix riixayo guuldara kasoo waajahday Doorashadani.

    Illo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore helay ayaa sheegaya in Meelaha ugu badan ee Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddu u sibir saarayaan Guuldarani ay tahay qaabkii loo soo xulay Xubnihii Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiiladda ee Tartanka uga qayb galay Xisbiga KULMIYE kuwaasi oo intoodii badnayn guudaraysteen. Wararkan ayaa intaasi ku daraya in meesha labaad ee Guuldarada horseeday iyana ay ugu horayso oo ay kaw ka tahay masuuliyiin Xukuumadda kaga jira deegaamo door ah oo Kulmiye  ku guuldaraystay kuwaasi oo aan gacanta ku hayn kalsoonida Deegamadooda iyo dadka ay ku matalaan Xukuumadda.

    Hadaba Wargeyska Foore ayaa helay masuuliyiinta loogu hadal haynta badan yahay ee Guuldarada ugu wayn uu Xisbiga Kulmiye kala kulmay Deegamaddooda kuwaasi oo tan iyo markii lagu dhawaaqay doorashada ee ay ogaadeen faro badhnaanta deegamadooda laga joogo iyo guuldarada Xubnihii ay KULMIYE keeneen aan badhida dhulka dhigin. Masuuliyiintan ayaa ka wal wal qaba in Xil ka xayuubin lagu sameeyo islamarkaana Xukuumadda laga dareeriyo maadaama oo ay Xukuumadda ay ka tirsan yihiin ee Kulmiye waji gabax kala kulantay Deegamada ay kasoo jeedaan.

    Masuuliyiintan ayaa waxa ka mid ah, Gudoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha Qaranka Cabdikarin Axmed maxamed Xinif, Wasiirka wasaaradda Maalgashiga, Maxamed Axmed Cawad, Wasiirka Arimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Xasan Maxamed Gaafaadhi, Wasiirka Gaadiidka iyo Hore marinta jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan, Wasiirka Wasaaradda Beeraha Axmed Muumin Seed, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad Saajin, Wasiirka wasaaraddda Xannaanadda Xoolaha Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Shugri Xaaji Ismaacil baandare, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Wasiirka Waxbarashada Axmed Maxamed Diiriye (Toorno).

    Dhamaan masuuliyiintan aan kor ku xusnay oo iskugu jira Wasiiro iyo Masuuliyiin kale waxa ay ka mid yihiin Kooxo inta badan hor cararayay ololihii Doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiilada, waxaanay saamayn ku lahaayeen oo ay ka ololayeen deegamadooda, sida Burco-Togdheer, Ceerigaabo, Berbera, Hargeysa iyo Gobolka Awdal kuwaasi oo dhamaantood Xisbiga KULMIYE lagaga adkaaday Doorashasda waxa kale oo xusid mudan in Xubnihii ay masuuliyiintani keeneen ay ku guuldaraysteen Doorashada kadib markii ay waayeen codka deegamadooda, waxaanay u muuqdaan kuwa waajihi kara talaabo kasta oo suurtagal oo kaga timaada Dhinaca madaxtooyadda taasi oo xilka lagaga xayuubinayo.

    Dhinaca kale waxa isasoo taraya wararka sheegaya in Madaxweyne Biixi dib u eegis ku samaynayo Xukuumaddiisa kadib Guuldaradii uu kala kulmay Doorashadii Deegaanka iyo Wakiilada ee dalka ka qabsoontay dhamaadkii bishii hore.

    Source


  19. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay in Xukuumaddu ay faragelin ku haysay ilaa intii ay doorashooyinkii Golayaasha Degaanka iyo Wakiillad ay ka qabsoomayeen ,taas oo keentay inay Musharraxiin Xisbiga UCID ka sharraxnaa ay ka hadhaan tartanka,isla markaana xabsiga la dhigay qaar baddan.

    Xoghayaha war-faafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay sidan “Xisbiga KULMIYE iyo Xukumaddiisu faragelin qaawan ayey ku sameeyeen xisbiga UCID,waad oggaydeen inta Musharrax ee Xisbiga UCID laga xidhay doorashadii oo iminkana aan dambi loo haysan ee suuqa jooga,iyadoo sababta uun ay ahayd in Xildhibaanada Xisbiga KULMIYE ka sharraxan laga reebo si uu u soo baxo,sidaa dartee Xisbiga KULMIYE faragelin ay ummadda reer Somaliland oo dhami ay markhaati ka tahay ayey ku sameeyeen Xisbiga UCID .” Yusuf Kayse Cabdilaahi.

    Dhanka kalena Xoghaye Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa sheegay inay sax tahay in Culimada dalku ay ka hadleen xaalada,isla markaana ay bulshada ka wacdiyaan xumaanta oo ay wanaaga faraan,waxaanu sheegay sidan:-“Waxa aan leeyahay culimadu xaq ayey ku adimayaan,waxay sheegayaan laaluushku in uu xaaraan yahay,wax kasta oo taagan wey ka hadlayaan ama masaajid haka sheegaan ama bannaan haka sheegaan.”

    Geesta kalena Yuusuf Kayse Cabdilaahi,ayaa Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda uga digay wax ka sheega culimadda dalka, waxaanu sheegay inay ku saxan yihiin in ay cod dheer ku sheegaan in laaluushku uu xaraan yahay “Culimadda waxa aan leeyahay ha laga xishoodo oo weliba haka xishoodaan,Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisu.”ayuu yidhi xoghaye Yuusuf Kayse Cabdillaahi oo arrintaasi ka hadlayay.

    Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa shalay waxa uu dhaliilo u soo jeediyey Sheekh Xildhibaana oo salaaddii Jimce ee Toddobaadkan xukuumadda ku eedeeyey inay Musuqaamus ku rabto codka xildhibaannada.

    Source


  20. (SLT-Hargeysa)-Xubnaha golaha deegaanka cusub magaalada Buuhoodle ayaa maanta doortay maayir iyo maayir ku-xigeen.

    Khadiija Ahmed oo kasoo baxday Xisbiga Kulmiye ayaa loo doortay Maayarka Magaalada Buuhoodle ee Somaliland.

    Doorashada Khadiija, ee Maayirnimada ayaa ka dhacday degmada Widh-widh ee gobolka Buuhoodle.


    Inkasta oo magaalada ay Maayirka ka noqonayso ee Buuhoodle aanay ka dhicin Doorashada Somaliland ee Wakiillada iyo Deegaanka ayaa haddana deegaamo kale oo gobolka ka tirsan sida Widh-Widh ay ka dhacday Doorashada Somaliland.

    Source