Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,964
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan oo ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya, odayaal dhaqan iyo siyaasiin, waxaa dowladda Soomaaliya loo diiday in ay qaaddo dhaawaca Korneel Saneey Cabdulle oo shalay ku dhaawacmay qarax ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe. 

    Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in xubno kamid ah ehellada Korneelka ay shalay taliyaha xoogga dalka ka diideen in diyaarad gaar ah oo Helicopter ah, isla markaana ay dirtay dowladda Soomaaliya lagu soo qaado kadibna la dhigo Isbitaal Digfeer ee magaalada Muqdisho. 

    Wararka ayaa sheegaya in ugu dambeyn shalay subax la soo qaaday balse la dhigay gurigiisa, waxaana la jooga dhaqaatiir gaar ah oo u badan xigtadiisa, iyadoo sidoo kale ay wararku sheegayaan in uu dhaawaciisa fududyahay. 

    Qoyska Korneel Saneey Cabdulle ayaa qaba shaki weyn oo dhinaca dowladda ah, iyagoo aaminsan in la sumeyn karo ama loo adeegsan karo daawooyin qaldan maadaama uu yahay mucaarad aad u hubeysan. 

    “Dowlad uma baahno Korneelka ehelkiisa ayaa ku filan oo daaween kara, dhawaanna waa la qaadi doonaa inta ka horreysana gurigiisa ayaa lagu dabiibayaa,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Korneel Saneey Cabdulle oo la hadlay Caasimada Online. 

    Saneey Cabdulle ayaa ka mid ahaa saraakiishii ciidanka xoogga leh lasoo galay magaalada Muqdisho bishii April, kuwaas oo soo afjaray damacii Farmaajo uu ku sameystay muddo kororsiga sharci-darrada ah, waxaana la sheegay in muddo dheer ay doon dooneysay dowladda Soomaaliya.

    The post Xog: Dhaawaca Korneel Saneey Cabdulle oo loo diiday DF appeared first on Caasimada Online.


  2. Muqdisho (Caasimada Online) –Kadib markii Ra’iisul wasaare Rooble uu caawa soo saaray liiska dhammaan guddiyada doorashooyinka dalka ayaa waxaa soo baxaysa fal-celinta siyaasiyiinta ee ku aadan tallaabadaas, waxayna inta ka soo hadashay muujinayaan inay ku qanceen kala shaandheynta xubnihii cabashada kala soo gudbiyey ee guddiyada.

    Xildhibaan Mahad Salaad, Wasiir Axmed Macalin Fiqi, Musharax Madaxweyne Maxamed Siiriin iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka soo hadlay tallaabadii uu R/Wasaare Rooble ku shaaciyey liiska guddiyada doorashada ayaa muujiyey inay ku qanacsan yihiin dhammaan xubnaha la shaaciyey magacyadooda ee ku jira heerarka kala duwan ee guddiyada.

    Ugu horeyn Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Waxaan ugu hambalyeynayaa RW Rooble sixidda iyo dhamaystirka guddiga doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee caawa uu ku dhawaaqay. Waxaan codsanaynaa in lala shaqeeyo Ra’iisul Wasaaraha iyo team-kiisa si loo dedejiyo qabsoomida doorasho hufan oo loo dhanyahay.”

    Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa isna yiri, “Dadaal dheer iyo kala hufid ka dib, RW Mohamed Hussein Roble wuxuu caawa soo saaray liiskii guddiyada doorashooyinka ee la wada sugayay, tallaabadan oo horseed u noqonaysa in dalku uu aado doorasho xor iyo xalaal ah, Raysul wasaaruhuna uu ka soo dhalaalay ballanqaadkiisii.”

    Qoraalka Fiqi ayaa intaas ku sii daray, “Bani’aadam tabasho kama dhamaato, hawl bani’aadam qabtayna ma dhammaystirna, balse dowrka hogaamineed ee uu qaatay Raysulwasaare Rooble, ayadoo ay jireen culaysyo kala duwan ee uu waajahayey wuxuu mudan yahay bogaadin iyo taageero iyo in gacan lagu siiyo hawlaha dhiman dhammaystirkooda.”

    Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa dhankiisa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Waxaan soo dhaweynayaa Magacaabista Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad goboleed iyo heer dowlad dhexe intaba, waxaan u arkaa tillaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka toosan ee dedejinta hirgelinta doorasho la isla ogol yahay kuna qabsoonta xilliga loo asteeyey. Waxaa hubaal ah in dalku dhibaato badan ay ka soo gaartay ismari waaga siyaasadeed ee ka taagna qabsoomidda doorashooyinka Qaran, kuwaas oo keenay fadhiidnimo dhaqaale iyo dib u dhan siyaasadeed.”

    Qoraalka Guuleed ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ku baaqayaa in la soo dhaweeyo dadaalada ay wadaan Xukuumadda iyo Madaxda dowlad goboleedyadya isla markaana horey loo socdo, si dalku u galo doorasho xor iyo xalaal ah una horseedda Dalka deganaansho iyo xasilooni siyaasadeed iyo mid Amni.”

    Ugu dambeyntii Musharax Maxamed Siiriin ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Waxaan soo dhaweynayaa dhameystirka raisalwasaare Rooble uu soo dhameystiray guddiyadda doorashooyinka qaranka. waa talaab muhiim u ah in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhanyahay. waxaan ugu baaqayaa guddiyadda doorashooyinka in ay shaqadooda u bilaabaan sida ugu dhaqsida badan.”

    Xubno uu ugu horeeyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maalmihii lasoo dhaafay sii muujiyey in guddiyadaan ay ku jiraan xubno uu sharcigu u diidayo, isla markaana aysan ku qancin kala shaandheyntii uu sameeyey guddiga heer wasiir ee Rooble uu u xil-saaray arrintaan, kuwaas oo ku dhawaad 40 xubnood ka saaray heerarka kala duwan ee guddiyada doorashada.

    Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa caawa shaaciyey liiska guddiyada doorashooyinka oo gaaraya shan qeybood, kuwaas oo kala ah:

    1- Liiska Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal,

    2- Liiska Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed,  

    3- Liiska Guddiga Doorashooyinka Xubnaha Somaliland,

    4- Liiska Guddiga Doorashooyinka Beelaha Banaadiriga,

    5- iyo Liiska Guddiga Xubnaha Dowladda Federaalku ku darayso dowlad goboleedyada.

    Linkigaan ka akhriso liiska guddiyada

    The post Mucaaradka oo sheegay sida ay u arkaan liiska guddiyada ee uu shaaciyey Rooble appeared first on Caasimada Online.


  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Gabar yar oo 14-sano jir ah ayaa kufsi wadareed iyo jir dil loogu geystay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, sida ay ehelkeedu warbaahinta u sheegeen, waxuuna falkaasi gabi katuuray noloshii gabarnimo ee dhibanahaan.

    Falkaan waxa uu dhacay 17-kii bishaan, waxayna ragii kufsaday gabadhaan duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha ku heysteen mudo laba cisho ah, ehelkeedu waxay warbaahinta u sheegeen in ku dhawaad 20 rag ah ay kufsi wadareed u geysteen gabadhooda.

    Jabriil Sheekh Maxamed oo Adeer u ah gabadha la kufsaday waxa uu warbaahinta u sheegay in illaa 8-qof loo soo qabtay falkaan, kuwas ooh adda ku xiran xarunta dembi barista booliska ee CID-da.

    Sidoo kale Adeer Jabriil waxa uu sheegay in lagu daba jiro ku dhawaad 10 nin oo kale, kuwaas oo laga garanayo deegaanka, isla markaana sida uu sheegay ka baxsaday, si aan loo qaban.

    Gabadha Hooyadeed ayaa sheegtay in markii la afduubanayey gabadheeda ay u dirsatay adeeg, isla markaana ay raadinayeen laba cisho oo duurka lagu heystay, waxayna meel duur ah ka heleen iyadoo dhib xoog leh loo geystay.

    Hooyadaan waxay dalbaneysaa in raggii dhibkaan u geystay gabadheeda cadaaladda la mariyo.

    Yaasiin Maxamed oo isna Adeer u ah gabadhan ayaa sheegay in falkani uu muujinayo sida arxan darradu ay ugu sii baaheyso Soomaaliya, isagoo sheegay in 20 rag ah ay isugu tageen gabadhaan, dowladda Soomaaliya ayuu ka dalbaday in lagu gacansiiyo sidii cadaaladda loo hor keeni lahaa raggii kufsi wadareedkaas u geystay gabadhooda.

    Hoos ka Daawo warbixin ay ka sameysay KNN

    The post Daawo: GABAR 14 jir ah oo kufsi wadareed iyo jir dil loogu gaystay duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.


  4. (SLT-Hargeysa)-Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka mid ah Xildhibaannada wakhtigoodu dhammaaday ee magaalada Burco ayaa hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ku ammaanay in guul taariikhi ah ka soo hooyay doorashada maayirka iyo maayir ku-xigeenka magaalada Burco.

    Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa facebook oo ay Somalilandtoday ka soo xigatay waxa uu dhignaa sida tan:

    Hogaamiye Hersi Ali Haaji  Hassan waxa uu ku guulaystay in Burco oo midaysan Mayorkii iyo Mayor ku xigeenkii ba mucaaridku wada qaato.

     Gudoomiyaha Degmada Burco Abdirisaq Heero iyo Gudoomiyekuxigeenka Degmada Burco Mukhtar Baryaare ka soo baxay Xisbiga Ucid.

    Waxan hanbalyaynaya Xildhibaan Suldaan Nuux oo tanaasulay shalay wada hadalnay ii sheegay inu danta Burco iyo midnimada iyo wada jirka shacabka burco u tanasuulayo  Guul ayan u rajeynaya .

    Mubaarik Yuusuf(Bidhi)

    Source


  5. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda kumeel gaarka ah Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacabaay guddiga doorashada heer federaal, heer dowlad gobaleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka .

    <span;>Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa goor dhaw baahiyay liiska xubnaha guddiga doorashooyinka heer federaal kuwaa oo ka koban guddiga doorashooyinka iyo guddiga xalinta .

    Hoos Ka akhriso guddiga heer federaal ee doorashooyinka.

    FB_IMG_1624120677618.jpg FB_IMG_1624120681759.jpg FB_IMG_1624120685172.jpg

    Dhanka kale ra’iisul wasaaraha ayaa shaaciyay dhamaan xubnaha guddiga doorashooyinka heer dowlad gobaleed .

    Rooble ayaa shegay in dhamaan maamul gobaleedyada dalka ay soo dhameystireen xubnaha guddiyada doorashada ku matalaya.

    Hoos ka akhriso liiska xubnaha guddiga doorashada heer dowlad gobaleed.

     

    FB_IMG_1624120693468.jpg FB_IMG_1624120726082.jpg

    Ra’iisul wasaare rooble ayaa sidoo kale soo bandhigay liiska guddiga doorashada xildhibaanada laba aqal ee Somaliland.

    Hoos ka akhriso Magacyada xubnaha guddiga doorashada xildhibaanada labada gole ku matalaya Somaliland.

    FB_IMG_1624120733905.jpgFB_IMG_1624120738760.jpg Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale magacabay xubnaha dowladda federaalka ku dareyso guddiyada doorashada dowlad gobaleedyada dalka.

    FB_IMG_1624120744661.jpg FB_IMG_1624120748225.jpg

    Source: goobjoog.com


  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa digreeto ku magacaabay guddiyada maamulaya doorashooyinka labada gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo guddiga Xalinta Khilaafaadka.

    Rooble ayaa magacaabay: 1- Liiska Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, 2- Liiska guddiga Xalinta Khilaafaadka, 3- Liiska Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed,  4- Liiska Guddiga Doorashooyinka Xubnaha Somaliland, 5- Liiska Guddiga Doorashooyinka Beelaha Banaadiriga, 6- iyo Liiska Guddiga Xubnaha Dowladda Federaalku ku darayso dowlad goboleedyada.

    Haddaba hoos ka aqriso dhammaan liiska.

    Liiska Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Liiska guddiga Xalinta Khilaafaadka.

    REF.308-MAGACAABID-GUDIGA-DOORASHOOYINKA REF.308-MAGACAABID-GUDIGA-DOORASHOOYINKA REF.308-MAGACAABID-GUDIGA-DOORASHOOYINKA2- Liiska Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed

    LIISASKA-XUBNAHA-GUDIGA-DOORASHOOYINKA-H LIISASKA-XUBNAHA-GUDIGA-DOORASHOOYINKA-HLiiska Guddiga Doorashooyinka Xubnaha Somaliland

    REF.309-MAGACABID-GUDIGA-MAAMULKA-DXLA-E REF.309-MAGACABID-GUDIGA-MAAMULKA-DXLA-ELiiska Guddiga Doorashooyinka Beelaha Banaadiriga

    REF.310-MAGACABID-GUDIGA-MAAMULAYA-X-BAN REF.310-MAGACABID-GUDIGA-MAAMULAYA-X-BANLiiska Guddiga Xubnaha Dowladda Federaalku ku darayso dowlad goboleedyada

    REF.307-MAGACABID-XUBNAHA-DOWLADA-F-AY-K REF.307-MAGACABID-XUBNAHA-DOWLADA-F-AY-KLiiska guddiga Xalinta Khilaafaadka

    The post R/W Rooble oo shaaciyey liisaska dhammaan lixda guddi ee doorashada dalka appeared first on Caasimada Online.


  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan helnay ayaa sheegeysa in kala shaki xoog leh uu soo kala dhax-galay ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ku wada sugan degaano ka tirsan degmooyinka Jowhar, Raage-Ceelle iyo Mahadaay. 

    Ilo wareedyo ka kala tirsan ciidamada qeybta 27-aad ee xoogga dalka iyo Guutada Gor Gor ee ku sugan Shabeellaha Dhexe ayaa xaqiijiyay in labada ciidan ay kala qabaan shaki ballaaran, kaasoo keenay in ay istaagto wadashaqeyntii ka dhaxeysay ciidamada. 

    “Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay nagula soo weeraray waxaa lala soo dhaafay xero kale oo ay daganyihiin ciidamada qaar iyaga gaari ma qaban, ma rasaaseynin, gaarigana iyaga kuma leexan waana aagg aysan gaadiidku marin arrintaas shaki weyn ayey nagu abuurtay,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidankii gadoodka sameeyay ee ka tirsanaa 27-aad ee milateriga Soomaaliya. 

    “Gor Gor dhamaantood waxay diideen in ay xero kula noolaadaan ciidankayna, wax nala cunaan, nala dagaal galaan arrintaas shaki ayaa ka qabnay hadana gaariga waa soo dhaafyay waxay arrintaan u baahan tahay in la hubiyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaal ka tirsan qeybta 27-aad ee xoogga dalka, kuwaasoo ahaa ciidankii gadoodka sameeyay. 

    Caasimada Online ma xaqiijin karto dhamaan eedaha loo jeediyay ciidamada qaar balse waxaan xaqiijinay in kala shaki weyn u dhaxeeyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, shakigaas oo ka dhashay gadoodkii ay sameeyeen ciidamada qaar ee diidanaa muddo korarsigii Farmaajo. 

    Qaraxa waxaa ku dhaawacmay sida la xaqiijiyey 4 sarkaal oo uu ku jiro Col. Saneey Cabdulle, oo ah Taliyaha guutada 4aad ee qaybta 27-aad ee ciidanka Xoogga Dalka, kana mid ahaa saraakiisha diiday muddo kororsiga Farmaajo ee ciidanka lasoo galay Muqdisho

    The post Xog: Kala shaki xoog leh oo ka dhashay qaraxii shalay lala beegsaday ciidanka xoogga appeared first on Caasimada Online.


  8. Suldaan Nuux, oo ka mid ahaa mudanayaasha u tartamayay Maayirnimada Burco ayaa ku dhawaaqay in uu tanaasulay.

     “Anigoo u tudhaya midnimada iyo wada-jirka Bulshada Burco – una taagan horumarinta iyo walaalaynta Burco. Aaminsan na in la saxo wixii khaldamay oo aan dib loo noqon. Waxaan u tanaasulay danta iyo midnimada Burco. Hankaygu ma noqon doono mid bulshada kala qaybiya, ee wuxuu noqonayaa mid bulshada mideeya. Bisaylka siyaasadeed bay ka mid tahay in aad aqbashid aqlabiyadda.

    Anigoo xoojinaya xisbinimada, xakamaynayana in kala-qaybsanaantu xoogaysato –  waxaan ayidayaa go’aankii xisbigayga Waddani qaatay iyo heshiiskii wadajirka ahaa ee labada xisbi-mucaarid, kaas baanan ku shaqayn doonaa.

    Waxaan ku baaqayaa in la ilaaliyo jadwalka kalfadhiga golaha deegaanka degmada Burco, ee berri loo asteeyey. Dibudhac kasta oo ku yimaadaa  wuxuu keenayaa in xamaasadda iyo xaraaradda Bulshadu kacdo, wuxuuna xagal daacin karaa nabadgelyada magaallada. Sidaasi darteed, waa in kalfadhigaasi berito qabsoomaa, Idamka Alle”

    Source


  9. (SLT-Tehran)-Ebrahim Raisi ayaa lagu wadaa inuu noqdo madaxweynaha soo socda ee Iran kadib markii uu ku guulleystay inta badan codadkii ilaa hadda la tiriyay.

    Wuxuu ka adkaaday saddex musharax oo kale taas doorasho shalay ka dhacday dalka Iran.Mr Raisi waa xaakimka ugu sarreeya Iran waxaana saaran cunaqabateyn ay dowlada Mareykan ku soo rogtay.

    Madaxweynaha Iiraan waa ninka labaad ee ugu darajo sareeya wadanka, ka dib hogaamiyaha ugu sareeya.

    Madaxweynaha wuxuu saameyn muuqata ku leeyahay siyaasada gudaha iyo arimaha dibada. Laakiin nidaamka siyaasadeed ee Iran waa hogaamiyaha ugu sareeya ee wadanka Ayatollah Ali Khamenei, oo ah wadaadka diinta ugu sareeya, kaas oo leh go’aanka ugu dambeeya ee dhammaan arrimaha gobolka.

    Si kastaba ha noqotee, in badan oo reer Iiraaniyiin ah iyo kuwa u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyey doorka Mr Raisi ee dilkii badnaa ee maxaabiista siyaasadeed 1980-yadii.

    Wuxuu ka mid ahaa afar garsoore oo maamulayay xukunnada dilka ah ee qiyaastii 5,000 oo maxbuus, sida ay sheegtay Amnesty International.

    Source


  10. image001-1.jpg

     

    UNFPA Deputy Executive Director and UNFPA Regional Director for the Arab States arrive in Iraq

    19 June 2021; Baghdad, Iraq – The United Nations Assistant Secretary-General (ASG) and United Nations Population Fund Deputy Executive Director (DED), Mr. Ib Petersen, and UNFPA Regional Director for the Arabic States, Dr. Luay Shabaneh, started yesterday a five-day visit to Iraq.

    During the visit, Mr. Petersen and Dr. Shabaneh will focus on the humanitarian-development-peace nexus, which is also a focus of the UNFPA country programme 2020-2024 and the Iraqi national priorities. The high-level UNFPA officials will discuss with the Government, civil society organizations and partners in Baghdad and Erbil how UNFPA can further support the Government of Iraq and the Kurdistan Regional Government to achieve the 2030 Agenda and meet Iraq’s commitments made at the International Conference on Population and Development (ICPD 25) in Nairobi on November 2019.

    “I am delighted to be in Iraq as part of my field visit to the Middle East. I look forward to hearing from government officials and civil society representatives how UNFPA can increase its support during the country’s recovery period after years of humanitarian crises to ensure that Iraq meets the goals of the Decade of Action,” said Mr. Petersen from the Baghdad Airport.

    During the visit, they will also conduct two field visits to camps for the internally displaced persons and meet with women and young people from the host communities to discuss their needs and how UNFPA can scale up its programmes to support their ambitions.

    Mr. Petersen and Dr. Shabaneh will depart Iraq on 22 June heading to Amman, Jordan.

    Qaran News


  11. Tehran (Caasimada Online) – Shir jaraa’id oo uu Maanta oo Sabti ah qabtay madaxa gudiga sare ee doorashooyinka dalka Iiraan Jamal Caarif ayuu ku sheegay in musharaxa madaxweynimo ee dalkaas Ebrahim Raisi uu ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday.

    Raisi ayaa helay 17 milyan iyo 800 kun oo cod kadib markii ay soo baxday natiijooyinka hordhaca ah ee doorashadii ka dhacday dalkaas, iyadoo ay codadkooda dhiibteen dad gaarayo ilaa 28 Malyan oo qof.

    Sidoo kale Guddiga doorashada ayaa sheegay in musharaxa kale ee lagu magacabo Mohsen Rezaei uu helay codad gaarayo 3 Malyan iyo 300 kun oo cod.

    Musharaxa qunyar socodka ah, Abdel Nasser Hemmati ayaa helay labo milyan iyo 400 kun oo cod, sidoo kalana Qazizadeh Hashemi ayaa helay hal milyan oo cod, sida ay ku dhawaaqeen guddiga, taasoo ka dhigan in Ebrahim Raisi uu noqday madaxweynaha dalka Iiraan.

    Isaga oo ka hadlayey natiijada hordhaca ah ee doorashada, Wasiirka Arimaha Dibada ee Iran Mohammad Javad Zarif wuxuu sheegay in qof walba looga baahan yahay inuu la shaqeeyo Ebrahim Raisi wixii hada ka dambeeya maadaama uu yahay madaxweynaha la doortay, wuxuuna ku tilmaamay Raisi inuu yahay “nin caqli badan” oo wadanka si wanaagsan u hogaamin doona.

    Waa kuma Ebrahim Raisi?

    Raisi, wuxuu ku dhashay 1960 magaalada Mashhad, waa siyaasi diimeed iyo muxaafid mayal adag. Wuxuu ku soo biiray garsoorka 1980 wuxuuna ka shaqeeyey xeer ilaalinta guud ilaa 1994.

    Isla sanadkaas waxaa loo magacaabay madaxa hay’ada kormeerka guud. Sanadkii 2004 wuxuu qabtay jagada ku xigeenka 1-aad ee hey’ada cadaaladda, wuxuuna xilkaas hayey 10 sano, hogaamiyaha sare ee dalkaas wuxuu u magacaabay inuu noqdo madaxa garsoorka sanadka 2019.

    Raisi wuxuu ku biiray Golaha Khubarada 2006, ka dibna waxaa loo magacaabay 2017 inuu xubin ka noqdo Guddiga dhanka nidaamka kala taliyo Khamenei sidoo kalana xaliyo khilaafkaadka, sidoo kalana wuxuu doorashadii madaxtinimada ee 2017 ka galay kaalinta labaad kadib Rouhani.

    Raisi wuxuu isu muujiyey inuu yahay shaqsiga ugu fiican ee la dagaalami kara musuq-maasuqa isla markaana xallin kara dhibaatooyinka dhaqaale ee Iiraan haysta.

    Si kastaba ha noqotee, in badan oo reer Iiraaniyiin ah iyo kuwa u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyey doorkiisa dilkii badnaa ee maxaabiista siyaasadeed 1980-yadii, sidoo kalana waxaa kiiskaas awgiis cunaqabateyn u saaray  Mareykanka,

    Iran waligeed ma aysan aqoonsanin xukunada dilka ah Mr Raisi waligiisna kama uusan hadlin eedeymaha ku saabsan doorka uu ku leeyahay taasoo ay si weyn u soo hadal-qaadaan hay’addaha xuquuqda aadanaha.

    Awooda Madaxwynaha Iiraan

    Madaxweynaha Iran waa shaqsiga labaad ee ugu sareeya wadanka, kadib hogaamiyaha ugu sareeya kaasoo leh awoodaha ugu badan iyo ka go’aan ka gaarida arrimaha masiiriga ah.

    Madaxweynaha wuxuu saameyn muuqata ku leeyahay siyaasadda gudaha iyo arimaha dibada. Laakiin Hogaamiyaha sare Ayatollah Ali Khamenei ayaa leh go’aanka ugu dambeeya ee dhammaan arrimaha gobolka.

    Guushiisa maxay uga dhigan tahay Iran iyo adduunkaba?

    Raisi wuxuu ballan qaaday inuu yareeyn doono shaqo la’aanta kana shaqeyn doono sidii meesha looga saari lahaa cunaqabateynta Mareykanka ee ka qeyb qaadatay dhibaatada dhaqaale ee dadka caadiga ah ee reer Iiraan.

    Weriyaha BBC-da ee Beershiya Kasra Naji ayaa sheegtay in dadka mayalka adage ee Iiraan ay raadin doonaan inay xoojiyaan nidaamka xaigjirnimada ee ku dhisan islaamnimada, taasoo micnaheeda ay noqon karto xakameyn badan oo ku saabsan howlaha bulshada, xorriyadaha yar yare ee shaqooyinka haweenka iyo xakameynta adage ee warhaabinta.

    Kuwa mayalka adag waxay ka shakisan yihiin reer galbeedka, laakiin Raisi iyo Hogaamiyaha Sare Khamenei labaduba waxay door bidaan in dib loogu laabto heshiis caalami ah oo ku saabsan howlaha nukliyeerka Iran.

    Heshiiskii Nukliyeerka ee la saxiixay 2015, wuxuu Iran ka yareeyey cunaqabateyntii Reer Galbeedka, waxaana heshiiskaas lagu xakameeyey horumarinta ay Iiraan ka waday dhanka hubka Nukliyeerka.

    Mareykanku wuxuu ka baxay heshiiskaas 2018, maamulka madaxweyne Trump wuxuu dib u soo rogay xaddidaadyo curyaaminaya awoodda iiraan ee ganacsiga. Mr Raisi wuxuu kamid ahaa saraakiisha cunaqabateynta la saaray.

    Iran waxay ku jawaabtay dib u bilaabida hawlgaladii nukliyeerka ee lagu mamnuucay heshiiska.

    Wadahadalada lagu doonayo in lagu soo nooleeyo heshiiska ayaa ka socda magaalada Vienna, iyadoo madaxweyne Joe Biden uu sidoo kale doonayo inuu soo nooleeyo. Laakiin labada dhinacba waxay yiraahdaan kan kale waa inuu sameeyaa tallaabada ugu horreysa.

    The post Waa kuma Ebrahim Raisi – Muxaafadka mayalka adag ee loo doortay madaxweynaha Iran? appeared first on Caasimada Online.


  12. Boqor-Burhaan.jpg?resize=960%2C640&ssl=1Boqor Burhaan Boqor Muuse

    Boqor Burhaan Boqor Muuse, oo Galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar, ayaa si adag uga horyimid Xeer lagu mamnuucay Gudniinka Gabdhaha, kaas oo dhowaan ay ansixiyeen Golaha Xukuumadda Puntland.

    Boqorka ayaa sheegay in wakhti badan lagu bixiyay, sidii Puntland looga joojin lahaa Gudniinka Fircooniga ee Xaaraanta ku ah Diinta Islaamka, islamarkaana dhibaatada ba’an ku haya Gabdhaha Soomaaliyeed.

    Balse, wuxu tilmaamay in aan cidna laga yeeli doonin in ay mamnuucdo Gudniinka Sunniga ah ee ku bannaan Diinteenna Islaamka, maadaama cidna aysan jirin cid awood u leh in ay mamnuucdo shay Ilaahay jideeyay.

    Boqorka ayaa ugu baaqay dadka Arrintaas ku kacay in ay ilaahay uga toobad keenaan Gefka ay ka galeen Shareecada Islaamka.

    Halkaan ka daawo Muuqaalka

    PUNTLAND POST

    The post Boqor Burhaan oo si adag uga horyimid Xeerka Puntland ku mamnuucday Gudniinka Gabdhaha appeared first on Puntland Post.


  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan ayaa markii ugu horreysay ka dhoofay Muqdisho saddex bilood kadib markii uu dowladda federaalka la galay heshiis uu isku dhiibay. 

    Sida ay ogaatay Caasimada Online, Janan ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo la xiriirka ujeedka safarkiisa oo uu ku wehliyo Wasiiru Dowlaha Gaadiidka dowladda federaalka Cabdiraxmaan Dheere.

    Cabdiraxmaan Dheere, oo ay aad isugu dhow yihiin taliyaha Nabad-Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin, ayaa ahaa ninkii hoggaaminayay wada hadalkii iyo qorshihii Cabdirashiid Janan isugu soo dhiibay dowladda, kadibna lagu keenay Muqdisho.

    Weli si rasmi ah looma oga ujeedka safarka Janan ee Addis-Ababa, waxaana kasoo baxaya warar is-khilaafsan oo qaarkood ay sheegayaan inuu arrimo baasabor u tagay, halka kuwa kalena ay sheegayaan inuu u tegay qorshe ku saabsan dhaq dhaqaaqyada Gobolka Gedo, oo ay suurta-gal tahay inuu uga sii gudbo 

    Caasimada Online ayaa qortay 12-kii May, ayada oo soo xiganeysa ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan gobalka Gedo, in ciidamadii Cabdirashiid Janan ee la heshiiyey dowladda Soomaaliya ay diideen in lagu daro ciidanka dowladda ee ku sugan qeybo kamid ah gobalka. 

    Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in ciidanka Janan ay sharuud ku xireen ku biirista ciidanka dowladda, taasoo ay ka biya diideen saraakiisha dowladda ee ku sugan gobalka Gedo. 

    Ciidanka Cabdirashiid Janan ayaa dalbaday in la siiyo guddoomiyaasha degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beladxaawo. Sidoo kale ciidankaan Janan ayaa dalbaday in la siiyo taliyaasha degmooyinkaas ee Nabad Sugidda ama taliye ku-xigeenada. 

    The post Xog: JANAN oo saddex bil kadib ka dhoofay Muqdisho iyo qorshaha safarkiisa appeared first on Caasimada Online.


  14. 2-1.jpeg?resize=650%2C400&ssl=1

    Ebrahim Raisi oo ah wadaad mayal adag ayaa maanta oo Sabti ah la shaaciyay  in uu ku guuleysanayo doorashadii madaxtinimada ee Jimcihii shalay ka dhacday waddanka Iran.

     In ka badan 28 milyan oo kamid ah dadweynaha Iran oo shalay codadkooda ka dhiibtay doorashada ayaa natiijada horudhaca ah muujinayso Mr. Raisi wuxu ka helay ku dhowaad 18 milyan oo cod.

    Raisi ayaa ku guuleystay 62 boqolkiiba codadka dadweynaha oo ilaa iyo hadda la tiriyay 90 boqolkiiba, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan kooxaha doorashada isaga oo aan shaaca ka qaadin tirada saxda ah ee dadka u soo baxay doorashada.

    Ibrahim Raisi oo ah 60 jir ayaa ka mid ah culimada ugu caansan Shiicada, wuxuuse ku jiraa liiska saraakiisha Iran ee uu Mareykanka cunaqabateynta saaray, ka dib markii lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

    PUNTLAND POST

    The post Wadaad mayal adag oo ku guulaystay madaxweynaha waddanka Iran appeared first on Puntland Post.


  15. Xildhibaan Suldaan Jaamac Nuux oo ka mid ah xildhibaanada cusub ee la doortay ee golaha deegaanka ee magaalada Burco isla markaana u tartamaay qabashada xilka maayarnimo ee magaalada Burco ayaa goordhawayd ka tanaasulay.

    Xildhibaanku isaga oo sheegay in uu u tudhaayo isla markaasina eegaaya midnimada iyo wada jirka magaalada waxa uu sheegay in uu ka hadhay u tartanka jagadaasi Mayaornimo? sodoo kalana uu muujiyay tanaasul.

    Doorashadii golaha deegaanka ee magaalada Burco oo ay ahayd in maanta la qabto ayaa maalinta bari ah dib loogu riixay arintaasi oo badoba dadweynaha reer Burco iyo xildhibaanada la doortayba ay ka cadhoodeen waloo ay markii danbe go’aankaasi ay xukumadu dib ugu dhigtay maalinta bari ah ay taageereen.

    Waxana lagu wadaa in maalinta bari ah ay golaha deegaanka ee la doortay dooran doonaan Mayor iyo ku xigeenkoisa

    Qaran News


  16. Mombasa (Caasimada Online) – Haweeney lala xiriirinayo dilka Najma Cabdullaahi, oo aheyd gabar Soomaali ah oo 19-jir ah, taasi oo lagu dilay magaalada Mombasa ah ayaa lagu maxkamadeynayaa magaaladaas.

    Maxkamadeynta Faa’isa Cali Xasan oo ah gabadha lagu tuhunsan yahay inay dilka ka dambeyso ayaa dib loo dhigay kadib markii ay Faa’iso sheegtay inaysan fahmi karin luuqadaha English-ka iyo sawaaxiliga, sidaas darteedna aysan ka jawaabi karin codsi uu sameeyey sarkaalka baaritaanka gacanta ku hayo.

    Garsooraha sare ee deegaanka Vincent Adet ayaa amar ku bixiyay in Faa’iso la sii hayo laba maalmood iyada oo maxkamadu ay raadineyso turjumaan Soomaali ah oo u kala turjumo maxkamadda iyo eedeysanaha.

    Faa’iso ayaa lagu eedeeyey inay aheyd qofkii ugu dambeeyey ee lala arko Najma Cabdullaahi kahor intaan laga helin iyadoo miir daboolan agagaarka Dongo Kungu.

    Najma ayaa u dhimatay dhaawacyo loo geystay saacado yar kadib markii lagu daweynayay isbitaalka degmada Port Reitz halkaas oo booliska ay geeyeen.

    Sida laga soo xigtay warqadda dhaarta ah ee sarkaalka baaritaanka John Mutwiri, Faa’iso ayaa ah eedeysanaha ugu muhiimsan ee dilka Najma oo ay saaxiib la aheyd isla markaana ay haysay macluumaad muhiim ah oo ku saabsan dilka.

    Mutwiri wuxuu sheegay in gabadha dilka lagu tuhunsan yahay ee Faa’iso la arkay iyadoo la socoto marxuumadda dhimatay fiidkii 9-kii Juun oo ah isla maalintii Najma la waayey.

    Marxuumadda ayaa ka tagtay gurigeeda oo ku yaal aagga Chaani abbaare 6-dii fiidnimo waxayna ku wargalisay walaasheed inay raaceyso Faa’iso oo ay saaxiib dhow la tahay.

    Si kastaba ha noqotee, taleefankeeda ayaa hawada ka baxay daqiiqado yar ka dib 7 fiidnimo ka dib markii ay walaasheed u xaqiijisay inay dib ugu noqonayso gurigeeda.

    Baaraha ayaa maxkamada u sheegay in Faa’iso ay ka baxsatay Mombasa laguna arkay magaalada Eldoret 10-kii June, saacado kadib markii marxuumadda la waayey.

    Sarkaalka oo sii hadlayey ayaa u sheegay maxkamadda in eedaysanaha uu markaas ka cararay Eldoret una socday Nairobi markii uu ka war helay in booliisku raadinayo.

    Dhanka kale Booliiska magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta ee dalka Kenya ayaa baaraya shabakad tahriibinta dadka ah, oo la rumeysan yahay inay ka dambeysay dilka gabadhaan Soomaalida ah loogu geystay gudaha magaaladaas.

    Booliiska ayaa ilaa iyo haatan xiray labo qof oo la sheegay in markii ugu dambeysay ay Najma isla joogeen.

    Sida ay sheegeen baarayaasha, xog laga helay telefoonka mid ka mid ah dadka kiiska looga shakisan yahay, ayaa gacan ka geysatay baadigoobka shabakaddan.

    The post Yaa lala xiriirinayaa dilka Najma Cabdullahi, gabadhii Soomaaliyeed ee Mombasa? appeared first on Caasimada Online.


  17. Somaliland: Opposition Parties Assume Control Of Local Councils

    The Somaliland opposition parties, UCID and Waddani, who had emerged victorious in the recent parliamentary and locals council elections have began to assume control.

    In Somaliland’s capital, Hargeysa, Abdikarim Ahmed Moge of Waddani is the new mayor, whilst in Borama and Ceergaabo, the opposition parties ascended to or maintained the mayorship.

    In Burco, the two opposition parties have reached and agreement to enable a UCID councillor to take the office of Mayor.

    Even though the ruling party, Kulmiye and the administration have and are expending a lot of political capitol, the situation is the same all across the country, from Sheikh to Oodweyne to Caynabo to Saylac, Somaliland’s opposition parties have taken or will take the mayoral races.

    Qaran News


  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Dowladda Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayada oo fulineysa heshiiskee ay la gaartay dowladda Soomaaliya ee lagu soo celinayo xiriirka labada dal.

    Lucas Tumbo ayaa Muqdisho ka maqnaa in ka badan 6 bil kadib markii uu xumaaday xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, oo horseeday inay safiirada kala qaataan.

    Imaashaha safiirka Kenya ee Muqdisho ayaa imaneysa kadib markii labada dowladood ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xiriirkii dibloomaasiyadeed, waxaana la filayaa in dhawaan dib loo furo safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

    Kenya iyo Soomaaliya ayaa 16-ka Bishaan ku heshiiyey in si deg deg ah loo furo safaaradaha labada Dowladood kadib wada-hadal dhanka taleefoonka ah oo dhex maray Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo.

    “Labada wasiirba waxay dib u xaqiijiyeen baahida loo qabo in si deg deg ah dib loogu furo labada safaaradood ee Soomaaliya iyo Kenya ee Muqdisho iyo Nairobi, waxayna ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in la hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya.

    Wasiirradu waxay muujiyeen rajo weyn oo ah in la horumariyo ganacsiga, amniga iyo xiriirka dhaqan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, sida lagu shaaciyey qoraalka ay wadahadalkaas ka soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

    Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda ka shaqeynaya dib u soo celinta xiriirkoodii diblomaasiyadeed oo waayahaan mugdi badani uu hareeyey, balse weli waxaa jira marxalado markii hore xumeeyey oo aan hagaagin, sida dacwadda badda, qaadkii ay Kenya u soo dhoofi jirtay Soomaaliya oo aan la fasixin iyo dacwad kale oo Soomaaliya ay  ka gudbisay Kenya, kadib markii duqeyn ka dhacda Gedo ay ku dishay dad rayid ah.

    The post Kenya oo maanta fulisay heshiiskii ay la gaartay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.