Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Dalka Afghanistan waxay xuduud la leedahay dalka Chine iyo Russia iyo Iran iyo Pakistan, indiana waa xulafo markii hore .
    Markii danbe 1967-kii laga bilaabo , waxa u janjeedh sadeen dhinaca Pakistan
    Dalka Britain’s waxay isku dayeen 3 jeer in ay qabsadaan dalka Afghanistan, Laakiin way ku guuldaraysteen ,
    Waxay qabaa’ilka afghanistan ka kooban yihiin 14 qolo oo intooda badani wada sunni tahay iyo shiico
    1933 boqortooyadii Afghanistan waxay la xulafo noqotay dalkiii india ,markii ay India iyo Pakistan 2-bo dal kala noqdeen 1947-kii , ilaa 1967 -kii
    1973-(kii inqilaab ayaa boqorkii inaadeerkii ku sameeyay , oo uu qabiilka Bush tooga wax kasta gacanta ka geliyay iyo wadaadadii iyo shuyuuciyiintii oo koox isaga taageeray
    1978 ayaa inqilaab ciidan lagu sameeyay boqorkii oo shuyuuciyiintii la wareegeen dalkii oo aad shuyuuciyada u qaatay iyo ku dhaqankeeda
    Kabacdi waxay iska horyimaadeen kooxdii wadaadada ahayd , iyaguna Soviet union-kii ayay u adeegsadeen oo u yeedheen 1979-kii December
    Halkaas oo ay kooxihii islaamiga ahaayeen u qaylo doon tagtay dunida carabta iyo islaamka in laga caawiyo dawlada aan diinta lahayn ee la colka ah diinta islaamka (sovet union-kii)
    Halkaas waxa fursadaa arkay dalka USA oo doonaayay meel uu kaga aarsado ( Soviet-ka dagaalkii Vietnam ee Dalka maraykanka ku Jabay
    Waxa uu uu dabada ka riixoba ay dawladihii carbeed (khaliijka iyo masar iyo) in ay jihaadka taageeraan oo ka qeyb galaan oo dawlada diimaha aan ogolayn la dagaalamaan , iyaguna way fuliyeen jihad ayaa loo wada dhaqaaqay .
    Waa lagu jebiyay Soviet union-kii afghanistan 1989-kii ayuu iskaga baxay , waxaana burburay Soviet union-kii 1991-kii
    Jabhadihii islaamiga ahaa gunshii Kabacdi way iswada laayeen , dagaal sokeeye
    In kasta oo ay u xoog weynaatay jabhadii Taalibaan la odhan jiray oo ay I imaarat islaamiya ku dhawaaqeen oo ay ictiraaf ka heshay dalka Pakistan iyo Saudi Arabia
    2001 weerarkii New York (11/09/2001) 0(/11 September markii uu dhacay ayaa dalka maraykanka imaaradii afghanistan ka codsaday in ay usama bin ladin oo loo haysto in uu qaraxyadaa ka dhacay magaalada new York uu ka danbeeyay .
    Gacanta u soo geliso , afghanistan-na way diiday arinkaas , Kabacdi dalkii Maraykanka dagaal ayuu ku soo qaaday isaga iyo xulafadiisii 145.000 oo ciidan ah ayay keeneen dalka afghanistan loo soo qabto usama bin ladin
    Iminka markii guul darooyin badani kala kumeen dalka Maraykanka afghanistan waxay doonayaan in ay ciidamadooda kala baxaan
    Afghanistan mar kale ayay geli doontaa dagaal qabaa-il ( dagaal sokeeye) oo xoog badan
    Si kasta oo ay kooxda Bushtuuga u badnayd ee Talibaan u xoog weyn tahay
    Hadana waa mar kale iyo jaah Wareer iyo dagaalo sokeeye iyo quwado shisheeye oo afhanistan iskaga horyimaada
    Iyo mugdi aan la garanayn meel uu ku dhamaanaayo iyo burbur iyo baro kac kale iyo qaxooti hor leh

    Cali maxamed Biixi
    Caliwwelli@hotmail.co.uk

    Qaran News


  2. Abwaan Shaacir hadduu u arko in maamulka Xamar sharfay, miyaanu ogayn dastusurka faddaraha ah ee maamulka Xamar dhigtay uu qaranimada Somaliland iyo jiritaankeeda iyo sharafteedaba ku tilmaamay wax aan jirin.

    Dastuurka Somaliland waxuu si cad u sheegayaa in maamulka Xamar ee baandadii Talyaanigu gumaysan jiray iyo dastuurka faddaraha ah ee ay isku maamulaan uu yahay cadawga koowaad ee Somaliland .

    Qof kasta oo Somaliland u dhashay, ama ku dooda inuu u dhashay oo maamulka Xamar shaqo dawladeed u igmado ama ka hawlgaliyo, waxuu si buuxda u aqoonsanyahay dastuurka Xamar maadaama uu u arko maamul sharco ah

    Dawladda Jabuuti iyo Itoobiya, iyo Kiiniya dhammaan waxay qirsan yihiin in shacbiga Somaliland aayahooda iyo qaranimadooda xaq u leeyihiin inay u tashadaan. Waanay ku ixtiraamaan dastuurkaa iyo qaranimadaa ay go’aansadeen.

    Saddexdaa dal ee ay Somaliland afka iyo soomaalinimadaba wadaagaan marna kuma doodaan inay ka soo horjeedaan shacbiga Somaliland qaranimadooda iyo aayakatashigooda.

    Saddexdaa dalba waxay qirsan yihiin siday masiirkooda ugu tashadeen ee tooda ay ku meel mareen in Somalilandna xaq u leedahay, cidina ku duduuci Karin in masiirkooda meel kale talo laga wayddiiyo.

    Abwaan shaacir iyo inta fikirkaa kula bahawda ee durbaanka ka daba tumaysaa, waxay aqoonsadeen in wasiirada xamar maamulkeeda ku jira ee shaqada siinaya. waxay ka dhigantay inay u hoggaansan yihiin dastuurka maamulka xamar, oo ay aqoonsan yihiin.

    Taasi waxay meel kaga dhacaysaa qaranimada Somaliland, oo ay ku andacoonayaan inay ka tirsan yihiin, dastuukeedana ay ku dhaqmayaan.

    Dastuurka Somaliland waxuu u arkaa maamulka Xamar iyo dastuurka faddaraha ah ee ay dhigteenba xaaraan, mana aqoonsana in maamulkaa Xamar wax jira iyahay. Maamulka xamarna uma arko qaranka Somaliland in wax jira yahay.

    Ma jiro ruux odhanaya labadaba waan aqoonsanaoy, hawl dawladeedna labadooda u wada diranayaan.

    Way jiraan dad shacbi ah oo aan dawlad Matalin oo Xamar iyo hargaysa isaga dhoofaa. Way jiraan dad shacbi ah oo baayacmushtar u taga labadaba. Dadkaasi lama mid aha qof ay dawladi shaqo u diratay. Waana xaaraan qofku hadduu yidhaa labada maamul iyo labadooda dastuurba waan aamin sanahay hawl qarana waoy ii dirsan karaan.

    Xarunta dhaqanka ee hargaysa waxay matashaa jamhuuriyadda Somaliland oo dhan, mana aha mid hargaysa gaar u ah. Haddii dadka qaar magacu cuqdad ku abuuro . hargaysa waa hooyadii dhaqanka iyo suugaanta iyo afka soomaaligu ku tamariyo.

    Way jiraan abwaano badan oo xidhiidh la leh xarunta dhaqanka ee Hargaysa waxbadana iyagaa ka warrama inay kaalin buuxda ka qaataan horumarinta afka iyo dhaqankaba in badanina waxay xataa casharo ka bixiyaan jaamicadaha jamhuuriyadda oo dhan.

    Waynu ognahay mujaahidiintii usoo dagaalamay ee naftooda u huray inay qaranka xoreeyaan in kuwa nool iyo kuwii geeriyoodayba aanay xaqoodii helin . haddii qoladan sidii xoolo laga dhacay ku hanjabaya waxbaa naloo diran waayay, oo xamar ayaa nooga sharaf badan , si cad ha u sheegaan inaanay dastuurka Somaliland aamin sanaoyn, markaasay u bannaantay inay xamar tagaan, waxay kala kulmaanba.

    Biddeyaasha Xamar dadka uga soo gacan haadiya ee Somaliland u dhashay ee maamulka Xamar kala qayb qaata duminta iyo mijaxaabinta qaranimada Somaliland , waa in xukuumaddu tallaabo ka qaaddaa, xeerilaaliyaha qarankuba shaqadiisa qabsadaa oo dacwad kusoo oogaa dembiyada ay qaranka ka galayaan, maxkamadna loo gudbiyaa, dembiilayaashaas.

    Caraancar lug uma dhutiyo, Somaliland way ka maarantaa bidde kasta oo dhuuntu ololayso oo balaayada Xamar taalla naf udoontaa.

    Ahmed Yousuf

    jicsin@hotmail.com

    London U. K

    Qaran News


  3. Xigmad soomaaliyeed

    Baa waxay tidhaahdaa

    Waxaa layidhi. Reer hebel waxaa udhashay

    Wan sucdi ah. Oo garabka ilaa jeeniga madow

    Oday wax garad ah dadka aad ukala yaqaan

    Baa yidhi bah hebla nasiibkeedaan aqaanoo

    Madawga  jeeniga wanku cugufta kuma sina

    Sidaas baanu u ahayn wanka dhashay sucdi

    Oo macnihiisu yahay  maaha  mid amran. Ama

    barakaysan

    Haatan.. Oday muuse biixi maalmihii dhowayd

    Ee dooradhada qabtay isku sidkan iyo

    Markuu uu aqbalay rabitaankii shacbiga

    Ee cabdikariin axmed mooge iyo sidii

    Uu uga gaabsaday. Doorashadii maayarada

    Gobolada  dadku aad bay ugu riyaaqaan

    Xataa kuwii  nebcaa waxaana looqaatay

    Odaygu inuu. Udiyasrgaroobayo inuu

     Dalkan kaga tago taariikh dhaxal gal ah

    Anigu waxaan lahaa marwalba

     Bahal  caydhin madaayo. Nina caadii mabaajo

    Alleylehe waa laysoo noqday  marhaduu

    Kubilaabay ama uu kubalaysimay baarlamankii

    Aynu uhan waynayn. Laaluush iyo ku tagrifal

    Hantidii umada  oo qaarkooda loo iibsanaaayo

    Sidii wanankii saylada hargaysa

    Madaxwaynayaashii kahoreeyey waxay xilka

    kadegeen iyagoo. Loo  ducaynaayo

    Isagana waxaynu ugu ducaynaynaa

    Inu sharaf kaga tago sidii ragii kahoreeyey

    Mase quruxbadna toobiyaha  uu kusocdaa

    W/Q Boqor Buurmadow

    Source


  4. Nairobi (Caasimada Online) – Eedeysanayaasha loo heysto kiiskii afduubka ahaa ee lagula kacay haweeney Soomaaliyeed oo gacansato aheyd oo lagu magacaabo Xafsa Maxamed Luqmaan ayaa maanta waxay maxkamadda ku taala Nairobi kusii deysay damaanad, sida ay daabaceen wargeysada Kenya.

    Xafsa Cabdi iyo Jackson Njogu oo ah eedeysanayaash loo haysto kiiska afduubka ah ee Xafsa Luqmaan ayaa markii ay maxkamadda kusii deysay damaanada ku amartay inaysan wax xiriir ah la sameyn karin dhibanaha iyo markhaatiyaasha kiiska.

    Xafsa Maxamed Luqmaan, oo ah haweeney ganacsato Soomaali ah oo 23 jir ah oo la la’aa muddo shan maalmood ayaa hore u shaacisay in Gabarta ay saaxiibada ahaayeen ay ka dambeysay afduubkii loo geystay, midaasi oo keentay in la xiro Xafsa Cabdi iyo Jackson Njogu, oo asagu la rumeysan yahay inuu gacan weyn kulaha falkaas.

    Labada eedeysane ayaa hore iskaga fogeeyay dacwada loo haysto, kadib markii lagu soo oogay dacwada afduubka, balse ilaa hadda si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysay in damaanad lagu sii daayo eedeysanayaasha halista geliyey nolosha Xafsa Maxamed Luqmaan, inkasta oo ay weli socota dacwada kiiskaas.

    Waxaa la rumeysan yahay inta dacwada kiiska afduubka ah ay banaanka joogi doonaan labada eedeysane, ayaga oo la xadiday socodkooda iyo la kulanka dadyowga qaarkooda.

    Xafsa Luqmaan ayaa wareysi hore u siisay Wargeyska The Standard ee dalka Kenya, ku sheegtay in haweeneydaas oo lagu qabtay xaafadda Kinangop ee lagu magacaabo Xafsa Cabdi iyo ninka lala qabtay ay ahaayeen maskadii ka dambeysay afduubkii iyo jirdilkii loo geystay.

    “Waxay ahayd gabar aan saaxiibo nahay, inkasta oo aysan aheyn qof aan aad isugu dhow nahay balse iyadaa ka dambeysay dabinka afduubka. Waxay iga codsatay inaan u raaco Kayole oo uu ku yaal dukaankeeda kale, ”ayay tiri Xafsa Luqmaan.

    Saacado ka hor inta aan la soo sheegin afduubkeeda, duubista kaamirooyinka ilaalada ee dukaankeeda kabaha, ayaa muujisay inay Xafsa Luqmaan soo gashay dukaanka saacadda markay aheyd 4:44 pm Talaadadii ay taariikhdu aheyd 15 June.

    Xafsa Luqmaan, oo hada kasoo kabaneysa dhibaatadii loo geystay, ayaa waxay Xafsa Cabdi ku baratay magaalada Kaliforniya, Waxayna deris la ahayd goobta shaqada ee ay ku iibiso qaraha.

    Xafsa ayaa xustay inay aad isku jeclaayeen iyada iyo saaxiibteeda iyadoo ku dartay xitaa inay deen ahaan u siisay in ka badan 700,000 oo lacagta Kenya ay si ay ugu maalgashato ganacsigeeda qudaarta.

    “Waan ku kalsoonaa iyada had iyo jeerna way ila joogi jirtay markay ii baahan tahay. Kaliya waxaan rabaa in cadaaladda la marsiiyo. Aad ayaan ugu faraxsanahay in la xiray” ayay tiri.

    Xafsa Maxamed waxaa boolisku soo badbaadiyeen maalin Axadda oo ay taariikhdu ahayd 20-ka Juun.

    Baarayaasha dambiyada ayaa xiligaas xiray labada eedeysane oo kala ah Jackson Njogu oo 24 jir ah iyo Xafsa Cabdi oo 21 jir ah oo loo heysto afduubka iyo jirdilka loo geystay Xafsa Luqmaan.

    Labada eedeysane ayaa waxaa xiligaas laga soo qabtay halka loo yaqaan Crystal View Lodge oo ku taal nawaaxiga deegaanka Kinangop oo ay ku dhuumaleysanayeen.

    The post Gabadha Soomaalida ah ee loo haysto afduubka saaxiibteed oo lasii daayey appeared first on Caasimada Online.


  5. Wasiirka Ciyaaraha Iyo dhalinyarada Soomaaliya mudane Xamse Saciid Xamse iyo la taliyaha dhinaca isboortiga Madaxweyne Farmaajo Prof.Maxamed Xuseen Haadi ayaa kormeer ku tagay garoomada kala duman ee tuulada ciyaaraha Stadium Muqdisho,waxaana madaxda Wasaarada isboortiga dalka ay u kuur galeen shaqooyinka kala duwan ee ka socota garoonka stadium Muqdisho ay dowladda la wareegtay bishii August 2018.

    213191832_10161366100037729_385178847869

    Wasiir Xamse Saciid Xamse ayaa qeybaha uu kormeer ku tagay waxaa ka mid ahaa qeybta cayaaraha fudud,wuxuuna Wasiir Xamse Saciid u mahadceliyay Dowladda Norway iyo Midowga Yurub oo kaalin weyn ka geystay quruxinta iyo dib u dayctirka stadium Muqdsiho.

    10000000_332724325140672_581101260146691

    “Garoonkan qiimeyn ayuu nagu lee yahay, waxaan ku gaaray guulo waaweyn waagii ahaa laacibkii kooxda Dekedda iyo Xulka,Wasaaradda ciyaaraha waxay diyaar u tahay horomarinta iyo dib u dhiska garoomada ciyaaraha dalka ayuu saxaafadda u sheegay Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya.

    213246561_10161366101252729_564134756994

    Dhinaca kale La taliyaha dhinaca isboortiga madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo Prof.Maxamed Xuseen Haadi ayaa sheegay inta ay nafta ku jirto in ay diyaar u yihiin horomarinta isboortiga dalka,wuxuuna sheegay in Dowladda uu hogaamiyao Madaxweyne Farmaajo ay guul iyo taariikh u tahay soo celinta garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho,isagoo bahda isboortiga ugu baaqay in ay ilaashadan garoonka taariikhiga ah.

    214205539_10161366101147729_547783734068

    Tan iyo markii ay Dowladda soo celisay garoonka Stadium Muqdisho saddex sanno ka hor waxaa lagu qabtay tartamo kala duwan,waxaan talaabadan Dowladda kaga mahadceliyay bahda isboortiga Soomaaliya,Yuusuf Yuusuf oo horay u soo noqday saxafi dhinaca ciyaaraha ayaa bartiisa facebooka ku soo daabacay “sharaf ayay ii aheyd in aan Wasiir Xamse Saciid iyo Prof.Maxamed Xuseen Hadi oo igu casuumey inaan kale qeyb galo u kuurgalida dib u dhiska garoonka Muqdisho,isagoo Madaxweyne Farmaajo ku bogaadiyay soo celinta tuulada ciyaaraha Soomaaliya.

    214308372_10161366101082729_463476424447

    Sidoo Kal Aqriso Wararka Ku Saabsan Wasiir Xamse

    Wasiir Xamse “Wasaaradda Ciyaaraha Soomaaliya Waxaay Diyaar U Tahay Garabsiinta Xiriirka Minifootboolka”

    W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

    Source: goobjoog.com


  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Qorsheynta xukuumadda xil-gaarsiinta Jamaal Maxamed Xasan oo qoraal soo dhigay bartiise Twitter-ka ayaa weerar culus ku qaaday madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

    Wasiir Jamaal oo ka mid ah wasiirada sida weyn ugu dhow madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu yahay musharax u taagan tartanka xilka madaxweynimo ee Soomaaliya oo la filayo inuu dhaco 10-ka October 2021.

    Jamaal ayaa sheegay in madaxeyne Deni uu dib u dhigay shaacinta inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya islamarkaana uu qorsheenayo inuu faragelin ku sameeyo doorashada xildhibaanada ee ka dhaceysa Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

    “Maadama uu yahay musharax madaxweyne, Siiciid Deni waa inuu faraha kala baxaa dhammaan arrimaha la xiriira doorashada, oo uu si degdeg ah u joojiyaa faragelinta arrimaha guddiyada farsamada doorashada. Mar dambe aamusnaan kuma daawan karno faragelinta qaawan iyo dhaawaca loo geysanayo dimuqraadiyadda iyo kalsoonidii maamulka Puntland,” ayuu wasiir Jamaal ku yiri qoraalka uu soo dhigay Twitter-ka.

    “Saciid Abdullahi Deni wuxuu dib u dhigay ku dhawaaqista musharaxnimadiisa si uu saameyn ugu yeesho, una farageliyo doorashooyinka ka dhacaya Puntland. Odayaasha beelaha, wakiillada iyo musharixiinta baarlamaanka ayaa dhammaantood muujiyey walaac weyn oo ku saabsan heerka ay gaarsiisan tahay wax is daba marinta, cagajugleynta iyo faragelinta uu wado Deni,” 

    Hadalka kasoo yeeray Wasiir Jamaal ayaa kusoo aadayo xilli uu socdo loolan adag oo u dhaxeeyo xildhibaanada taageersan madaxweyne Farmaajo ee kuraastooda ay taallo deegaanada Puntland iyo madaxweyne Saciid Deni oo saameyn xoog leh ku leh doorashada xildhibaanada.

    Saciid Deni ayaa xoogiisa isugu geynayo sidii uu meesha uga saari lahaa xildhibaanada taageersan madaxweyne Farmaajo ee kasoo jeedo Puntland, kuwaas oo afartii sano ee lasoo dhaafay ka shaqeenayey danaha madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday.

    Wasiirada kale ee sida weyn ee taageero madaxweyne Farmaajo isla markaasna kuraastooda xildhibaanimo ay taalo Puntland waxaa kamid ah Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Cabdullahi Bidhaan Warsame iyo Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Maxamud Xayir Ibraahim.

    The post Wasiir JAMAL oo weerar ku qaaday Deni, shaaciyeyna qorshe uu damacsan yahay appeared first on Caasimada Online.


  7. Jamaal Maxamed Xuseen, Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni in uu yahay musharax qarsoon oo faragelinaya doorashada.

    Wasiir Jamaal ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Madaxweynaha Puntland uu daahiyay ku dhawaaqistiisa musharaxnimo si uu saameyn ugu yeesho una maamulo doorashooyinka federaalka ee ka dhacaya Puntland.

    Wasiir Jamaal oo ah xildhibaan deegaan doorashadiisu tahay Puntland ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland uu faragelin ku hayo odayaal dhaqanka, wakiillada iyo musharixiinta baarlamaanka.

    Wuxuu tilmaamay in ay Puntland wado qadarin la’aan aan meel loogu soo gaban oo ka dhan ah dimuqraadiyadda, taasna aysan sii daawan doonin.

    20210707_172127.jpg?resize=720%2C1174&ss

    PUNTLAND POST

    The post Eedeyn loo jeediyay Madaxweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.


  8. Bacaadweyn (Caasimada Online) – Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay wuxuu kaga hadlay dagaaladii ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab ku dhex maray deegaanada Bacaadweyn, Qeycad iyo Sabeeno Gowrac .

    Abuu Muscab ayaa sheegtay inay jab xoog leh gaarsiiyeen ciidamadii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee weerarka kusoo qaaday, islamarkaana ay dib ula wareegeyn deegaanka Bacaadweyn oo 30k u jirto magaalada Wasil.

    Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada weerarka kusoo qaaday ay garab ka helayeen diyaarado uu sheegay inay leedahay dowladda Mareykanka, sida uu isaga hadalka u dhigay, wuxuuna tilmaamay in kooxdiisa ay awood u yeelatay inay iska difaacdo.

    Wuxuu intaas ku daray inay khasaaro xoog leh gaarsiiyeen ciidamada Dowladda isla markaasna ay dhaawac iyo dhimasho gaarsiiyeen 70 askari sida uu hadalka u dhigay.

    Ugu damneyntii Abuu Muscab ayaa sheegtay inay dagaaladii ka dhacay deegaanadaas ay ku qabsadeyn hub iyo gawaari ciidan inkastoo aysan jirin illo madax banaan oo xaqiijiyey sheegashada Al-Shabaab.

    Sida ay dad goobjoogayaal ah Caasimada Online u sheegeyn, ciidamada Dowladda ayaa hadda ku sugan saldhigga ciidamada 21-aad oo wax ka yar 3km u jiro deegaanka Bacaadweyn halka Al-Shabaab ay ku sugan tahay gudaha Magaalada.

    Sidoo kale, garabkii kale ee Ciidamada Dowladda ee weerarka ku qaaday Qeycad iyo Sabeeno Gowrac ayaa weli ku sugan goobihii ay Al-Shabaab kala wareegeyn, waxayna dhowr jeer iska difaaceyn weerar uga imaaday kooxdaan.

    Ugu dambeeyey ee deeganadaas naga soo gaarayo ayaa sheegayo in Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Senetor Cabdi Qeybdiid ay galabta gaareyn deegaanka Sabeeno Gowrac halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Galmudug.

    Halkaan hoose ka daawo sawirada ay soo bandhigeyn Al-Shabaab

    IMG_3629-Copy-1536x1024-1.jpg IMG_3646-Copy-1536x1024-1.jpg IMG_3655-Copy-1536x1024-1.jpg IMG_3660-Copy-1536x1024-1.jpg IMG_3774-Copy-1536x1024-1.jpg IMG_3801-Copy-1536x1024-1.jpg

    The post Al-Shabaab oo war kasoo saaray dagaalkii Bacaadweyn, soona bandhigay sawirro appeared first on Caasimada Online.


  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in safarka uu maanta ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble uu ku tegay Kismaayo uu ka leeyahay labo ujeedo oo la xiriira doorashada iyo dib-u-heshiisinta.

    Rooble ayaa u tagay Kismaayo sidii dib-u-heshiisiin looga sameyn lahaa khilaafka gobolka Gedo iyo weliba sidii loo dar-dargalin lahaa hannaanka doorashada oo dhawaan la filayo inay ka qabsoomto dalka.

    Saraakiil ka tirsan xafiiska Rooble oo la hadlay Caasimada Online ayaa sidoo kale waxay sheegen in qorshaha Rooble uu qeyb ka yahay in maalinta Jimcaha uu gaaro xarunta gobolka Gedo ee Garbahaarey, halkaas oo ay muddo badan isku hayeen dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.

    Arrintaan ayaa kusoo aadeysa xili uu ra’iisal wasaare Rooble kal hore uu magacaabay guddi dib-u-heshiisinta gobolka Gedo ah, kaasi oo aysan qeyb ka aheyn xubno kasoo jeedo Jubbaland oo ay dowladda isku hayeen maamulka gobolkaas.

    Ra’iisal wasaare Rooble ayaa xiligan ku howlan inuu meesha ka saaro khilaaf kasta oo dib u dhigi kara jadwalka hanaanka doorashada, islamarkaana caqabad ku noqon kara heshiiskii ay 27-kii May madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyadu ku saxiixeen magaalada Muqdisho.

    Waa safarkiisii ugu horreeyey ee Rooble uu ku tegayo magaalada Kismaayo, tan iyo markii uu la wareegay xafiiska, waxaana uu horey u booqday xarumaha kale ee maamul goboleedyada; Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle.

    The post Xog: Labada ujeeddo ee uu Ra’iisul Wasaare Rooble ka leeyahay safarkiisa Jubaland appeared first on Caasimada Online.


  10. Tuugo Telefoon ka daftay Askari Taraafiga  oo Hawl-maalmeedkiisii ku guda jira

    Dadka adeegsada baraha bulshada ee caasimadda Nairobi ayaa si weyn u hadal haya fal burcadeed ka dhacay xaafadda Kasarani, xilli rag tuugo ah ay telefoon ka dafeen nin boolis ah.

    Halkan ka daawo siday Tuugadu Askariga uga dafeen Mobilka:-

    “Nairobbery”: Police officer falls victim to phone thieves while on duty pic.twitter.com/sTNZ3W5o9O

    — Citizen TV Kenya (@citizentvkenya) July 7, 2021

    Muuqaal ay duubeen kaameradaha CCTV ayaa muujinaya nin ka tirsan booliska wadooyinka oo kala hagaya gawaari kadibna ay telefoon uu ku hadlayay ka dafeen saddex nin oo mooto saaran.

    Muuqaalka ayaa si weyn loogu wadaagay baraha bulshadda ay kuwada xiriirto.

    Arrintan ayaa ka fajicisay dad badan oo siyaaso kala duwan uga hadlay falkaas.

    Garyaqaan Axmednasir Cabdullahi oo kamid ah ragga ugu caansan dadka wax ku qora Twitter-ka ee Kenya ayaa tilmaamay in xitaa boolisku ay dhibbanayaal u yihiin burcadnimada ka taagan Nairobi.

    Dadka badankood ayaa su’aal geliyay ammaanka caasimadda, iyagoo tilmaamay in haddiiba booliska sidan la yeelayo, ay xaalad adag wajahayaan shacabka caadiga ah.

    Horraantii bishan, booliska Kenya ayaa sheegay in askar dheeraad ah uu geyn doono wadooyinka muhiimka ah ee caasimadda si looga hortago dhaca iyo tuugada dadka baarata.

    Shacabka ku nool Nairobi ayaa billaabay inay tilmaameen wadooyinka iyo aaggaga faras magaalaha ee ay inta badan dadka lagu dhaco si la isaga ilaaliyo burcadda.

    Dhaca iyo jeeb siibka ayaa ku badan Nairobi inkastoo ay caasimadda ku xiran yihiin kaamerooyin casri ah oo ay dowladda ku kharash garaysay malaayiin dollar.

    Qaran News


  11. Baku (Caasimada Online) – Armenia iyo Azerbaijan ayaa Talaadadii isdhaafsaday eedeymo ku saabsan cidda billowday iska horimaad askar ay uga dhaawacmeen labada dhinac oo xuduudda ku dhex-maray.

    Waa dhacdadii ugu dambeysay xiisad dhowaanahan kordheysay kadib dagaalkii sanadkii tegay labada dhinac ku dhex-maray gobolka Nagorno-Karabakh.

    Dagaalkii Nagorno-Karabakh, oo ah gobol ka tirsan Azerbaijain balse ay degan yihiin dad Armenian ah, ayaa dilay ku dhowaad 6,500 qof kahor inta bishii November lagu dhammeyn xabad joojin ay dhex-dhexaadisay Russia, oo Armenia ay dhul badan ugu gacan gelisay Azerbaijan.

    Madaxa shaqaalaha madaxtooyada Armenia, Samvel Asatryan ayaa Talaadadii weriyayaasha u sheegay “in ciidamada Azerbaijain ay xabado ku fureen meel ku dhow xaafadda Verin Zhorzha” ee degmada Gegarkunik ee bariga Armenia.

    Hal askari oo Armenian ah “ayaa dhaacwayo fudud ay kasoo gaareen iska horimaadka.”

    Wasaaradda Difaaca Azerbaijan ayaa markii hore beenisay warbixintan, hase yeeshee waxay xalay tiri “ciidamada Armenia waxay rasaas kusoo fureen goobo ay ku sugan yihiin ciidamada Azerbaijan ee xaafadda Aligaly ee degmada Agdam.”

    “Waxaa rasaastaas ka dhashay dhaawaca hal askari oo ka mid ah ciidamada Azerbaijan,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda. 

    Xiisadda Baku iyo Yerevan ayaa sare u kacsaneyd tan iyo bishii May, markaasi oo Armenia ay ku eedeysay militariga Azerbaijan inay kasoo gudbeen xuduudda koonfureed “si ay isugu diyaariyaan qabsashada” dooxo ay labada dal wadaagaan.

    AFP + VOA

    The post Iska hor-imaad cusub oo dhexmaray ciidamada dalalka Azerbaijan iyo Armenia appeared first on Caasimada Online.


  12. Garowe (PP News Desk) – The former Somalia Federal Interior Minister Abdifarah Said ‘Juha’ yesterday criticised political associations for dragging their feet on pilot local elections to be held in Puntland.

    “Puntland political associations do not seem to be keen pilot local elections to be conducted at three designated districts. The International Community keeps an eye on the democratisation process. If the process falters again donors will not fund future democratisation initiatives in Puntland” said Juha, who was speaking at a event organised by Puntland Development and Research Center in Garowe.

    Stakeholders in Qardho and Ufayn have rejected the voter registration results from Transitional Puntland Electoral Commission (TPEC).

    TPEC had published a new election schedule that had pushed local elections date to 25 October 2021.

    © Puntland Post, 2021

    The post Juha Accuses Puntland Political Associations of Lukewarm Support for Pilot Local Elections appeared first on Puntland Post.


  13. 1277c06f754ee24468fd33496160c506-800x-1.EU crisis-management commissioner Janez Lenarčič (Photo: European Union, 2021)

    Ethiopia’s “siege” on its restive Tigray region is creating a “man-made famine”, the European Commission has warned.

    “This is not a ceasefire, it’s a siege and starvation is being used as a weapon of war,” EU crisis-management commissioner Janez Lenarčič said in the European Parliament on Tuesday (6 July).

    “Famine is now a reality in Tigray for an estimated 900,000 people and another 1 million people are just one step away … This famine is entirely man made and it’s a disgrace to those who are responsible for it,” he added.

    The “siege” has seen Ethiopia close Tigray’s borders, ban flights, destroy road and rail infrastructure, cut telecommunications, and prevent the entry of international aid workers, he said.

    “Atrocities”, such as systematic rape and extra-judicial killings, were also being seen in the conflict, in what “may amount to war crimes and crimes against humanity”, he added.

    Ethiopia recently announced a ceasefire after rebel forces in Tigray captured the regional capital, Mekelle, and other towns.

    Anže Logar, Slovenia’s foreign minister, also told MEPs on Tuesday the fighting was now “reduced in intensity, probably as an indication that the EDF [Ethiopian Defence Force] has withdrawn from most parts of the territory” and was “putting up little resistance”.

    Allied Eritrean forces had also retreated to border regions in the north of Tigray, while the government-allied Amhara militia had retreated to western areas, he said.

    But after eight months of war, 91 percent of the population was “in need of urgent assistance”, he estimated, speaking on behalf of Slovenia’s EU presidency.

    “We urgently need a full ceasefire by all parties,” he said.

    The EU has suspended direct budgetary aid to Ethiopia and threatened to blacklist officials who obstructed aid workers.

    It was also spending some €118m on refugees who had crossed the border into neighbouring South Sudan, Lenarčič said.

    And it has twice sent a special envoy, Finnish foreign minister Pekka Haavisto, to try to broker peace talks and humanitarian access.

    But his visits have given little cause for hope.

    “When I met the Ethiopian leadership in February they really used this kind of language, that they are going to destroy the Tigrayans, they are going to wipe out the Tigrayans for 100 years and so forth,” Haavisto told press on 18 June.

    “I think that’s very obvious, that we have to react, because it looks for us like ethnic cleansing. It is a very, very serious act if this is true,” he said.

    Haavisto’s comments were a “hallucination of sorts or a lapse in memory of some kind”, the Ethiopian foreign ministry said at the time.

    Source: Euro Observer

    The post Ethiopia creating ‘famine’ in Tigray, EU warns appeared first on Puntland Post.


  14. shabaab.jpg?resize=1000%2C562&ssl=1

    Maxkamadda Ciidamada Puntland ee Gobollada Mudug iyo Cayn, ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay 8 xubnood, oo sida Maxkamaddu sheegtay lagu helay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

    Kadib dhegeysiga gar-maqalka dacwadda loo haysto 8-da xukmane, oo ka dhacday xarunta Maxkamadda ee magaalada Gaalkacyo, ayaa lagu dhawaaqay in dhammaantood lagu xukumay dil toogasho ah.

    Maxkamadda ayaa sheegtay in 8-da xukmane ay ku caddaatay in ay yihiin shabakad ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab, kuwaas oo dilal madax-jebin ah iyo qaraxyo ka geysan jiray Gaalkacyo, gaar ahaanna dhinaca Galmudug.

    Waxa xusid mudan, in todobaad ka hor Puntland dil toogasho ah ku fulisay 21 xubnood oo lagu helay Shabaabnimo, iyadoo 18 kamid ah raggaas lagu toogtay magaalada Gaalkacyo.

    PUNTLAND POST

    The post Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay rag la sheegay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab appeared first on Puntland Post.


  15. Cilmi-baadhis lagu sameeyay cuntada Soomaalida iyo waxa lagu oggaaday

    Warsame
    Warsame

    Jaamacadda Guelph oo ku taalla dalka Canada ayaa Cilmi- baaris dhowr sano qaadatay ku sameysay cuntooyinka Soomaalida iyo kaalinta ay kaga jiraan cuntooyinka kale ee dalka Canada.Howshaan Cilmi-baarista ah ayaa bilaabatay dhamaadkii sanadkii 2015-kii,waxaana ugu dambeyn la baahiyay 21-kii bishii May ee sanadkaan.

    Canada waxaa ku nool dadyow tira badan oo ka soo jeeda dalal kala duwan kuwaas oo la sheego in qaarkood cuntooyinka ay dhaqan ahaanta u leeyihiin qayb weyn ka qaataan nolasha bulshada sida cuntooyinka Soomaalida.

    Warsame Jirde Warsame oo ka mid ah aqoonyahannada cilmi-baarista sameeyay ayaa BBC-da u sheegay in maadama muddo kadib isbaddel ku yimaado cuntoooyinka dadka qaxootiga ku ah dalkaas qoraallo laga sameeyo cuntooyinka sida gaarka ah doorka ugu yeeshay nolasha bulshada, sidaa darteedna ay muhiim u noqotay in dadka kale la tusiyo cuntooyinka dhaqanka u ah Soomalaida.

    “Waxaan rabnay inaan tusino doorka cuntooyinka Soomaalidu ay ku leeyihiin dalka Canada iyo sidoo kale ummad walba marka ay meel u soo haajiraan oo ay yimaadaan si ay ummadaas ula qabsato waddankaas oo ay aad ula macaamilaan is dhexgalka, waxaa aad muhiim u ah in dadkaas ay helaan cunto la mid ah cuntooyinkii ay yaqaaneen” ayuu yiri Mr, Warsame .

    Cilmi-baaristaan waxaa lagu oggaaday in cuntada Soomaalidu ay tahay cunto dhadhan wanaagsan oo nafaqo ahaanna heerkeedu sareeyo. Sidoo kale waxaa la oggaaday asalka meelaha ay ka soo askuntay iyo in ay yaqaanaan dad aan Soomaali aheyn.

    Cuntooyinka aadka Soomaalida loogu yaqaanno waxaa ka mid ah Hilibka iyadoo Cilmi-baaristaanna lagu sheegay in cuntooyinka dadka Soomaalida ah ay ku wanaagsanyihiin dhanka Xalaasha gaarahaanna Hilibka oo ay u cunnaan.Hilibka Xalaasha ah ayaa leh faaiido aad u badan oo dhanka caafimaadka ah iyo dhadhan wanaagsan .

    Warsame
    Warsame

    Warsame Jirde Warsame oo ah aqoonyahan Soomaali ah oo ka tirsan Jaamacadda Guelph ee Cilmi-baaristaan sameysay ayaa sheegay in ujeedooyinka laga leeyahay Cilmi-baaristaan ay ka mid tahay in la tusiyo in dowladda Canada laga doonayo in ay sameeyso Urur guud oo dowladda hoostaga isla markaana ka shaqeeya Shatiyada waxyaabaha xalaasha ah.Mr Warsame ayaa intaa ku daray”Dowladda Canada waxay markaas oggaanaysaa ganacsi ahaan iyo dhaqaale ahaan in ay aad muhiim u tahay cuntada xalaasha ah in loo sameeyo shahaado dowladda oo damaanad qaadaysa si dadku ugu kalsoonaadaan” .

    Cilmi-baarista kadib maxay yihiin tallaabooyinka ay qaadayso dowladda Canada ?

    Waxaa ka mid ah ujeedooyinka arrintaan laga leeyahay in bulshooyinka lagu dhiiro galiyo horumarin cuntooyinka ay gaarka u leeyihiin iyo in cuntooyinka Soomaalida qaarkood lagu beero dalka Canada, isla markaana lagu taageero arrintaa dadka taas oo dowladdana laga sugayo hadda in ay ku darto adeegyada ay muhiimadda siinayso marka ay timaaddo ka jawaabidda Natiijada ka soo baxday Cilmi-baaristaan gaarka ah ee lagu sameeyay Asalka,dhadhanka,naffaqada cuntada dadka Soomaalida ah oo oo wlaiba xallaalmimaduna u sii dheertahay .

    “Dolwadda Canada waxaaan ka sugaynaa maadaama aan tusinay faaiidada cuntada Soomaalida ay leedahay dhaqaalahana iyo wax walba in marka siyaasadda dowladda Canada lagu daro soo dhaweynta iyo maalgalin lagu smaeeyo cuntada Soomaalida” ayuu yiri Warsame Jirde Warsame.

    Jaamacadda Guelph ee sameysay xog aruurinta ku saabsan cuntooyinka Soomaalida,ayaa ku taalla gobolka Ontario ee dalkaasi Canada,waana jaamacadda ugu weyn ee Cilmiga beeraha laga barto,waxaana ay horey Cilmi -baaris ugu sameeysay cuntooyinka jaaliyadaha ku nool dalkaas.

    Qaran News


  16. Degdeg:Madaxweyne Gurigiisa lagu dilay goor-dahweyd

    haiti.jpg

    Madaxweynaha Haiti, Jovenel Moïse, ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday hoygiisa gaarka ah, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray ra’iisul wasaaraha ku meel gaarka ah Claude Joseph.

    Mr Joseph wuxuu sheegay in guriga madaxweynaha ay weerareen niman hubeysan oo aan haybtooda la garanayn abaare 01:00 waqtiga ee maxaliga ah.

    Marwada Koowaad ayaa la sheegay inay iyaduna ku dhaawacantay weerarkaas.

    Qaran News