-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Afahayeenka fallaagada TPLFee la dagaallanta waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in ciidamadooda ay kusii siqayaan jiha kasta isla markaana aysan jirin cid hor istaagi karta xitaa roobka. “Ciidamadeena waxay kusii siqayaan jiha kasta, ma jirto cid na hor joogsan karto xitaa roobka” ayuu yiri Getachew Reda farriin uu soo dhigay Twitter-ka. Waxaana Itoobiya ka socdaa abaabul ka dhan ah TPLF xilli uu dagaalka ka socda waqooyiga dalkaas. Qaramada Midoobey waxay ku baaqday in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo shacabka ku nool Tigray. Waxa ay arrintan daba socotaa digniin dhawaan soo baxday oo ah in 400 oo kun oo qof oo ku nool gobolka Tigray ay wajahayaan xaalad macluul ah oo halis ah, kaddib muddo 9 bilood ah uu dagaal halkaasi ka socday. Su’aasha lais weydinaya waxay tahay goormaa xal nabadeed loo heli doonaa dagaalka Tigray? Muddo 9 bilood ah ayaa laga jooga tan iyo markii ay dagaallada ka bilowdeen gobolkaas. Dagaalka wuxuu ku bilowday markii dowladda ay qaaday howlgal ay ku tilmaantay dib usoo celinta kala dambeynta kaas oo isu baddalay dagaal xooggan oo lala galay fallaagada TPLF. Labada dhinaca guulo ayay sheegayaan xilli ay u muuqato in dagaalka uu sii baahayo. “Dagaalyahanada TPLF waxay sheegeen inay gaari doonaan Addis Ababa halka dowladda ay sheegtay inay ciribtiri doonto TPLF” ayuu yiri weriyaha BBC ee Addis Ababa Kalkidan Yibeltal. Waxaa jirtaa cabsi ah in dagaalka uu ku baaho gobollada kale ee deriska ah. Itoobiya waxaa haatan ka socdaa abaabul iyo ciidan urursi ay wadaan maamulada kaas oo ka dhan ah TPLF. “Waxaan hadda aragnaa abaabulka ciidan ay wadaan maamulada, TPLF waxay horraan sheegtay in weeraro ay ku qaadeen gobollada Amxaarada iyo Canfarta” ayuu yiri Yibeltal. The post TPLF: Ma jirto cid na hor istaagi karto xitaa roobka, waxaan gaari doonaa Addis Ababa appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (PP News Desk) — The Galkayo-Hobyo Road Project funded under Somalia Stabilization Program began with funds raised by beneficiary communities and matched by funds from several European countries. Reports have emerged that UK aid cuts have affected the project. Galmudug State administration has yet to confirm the reduction of funds that donors have committed to the project. “Development aid is partly based on needs assessment and is sometimes affected by domestic pressures to cut aid to the developing countries” said a Somali postwar reconstruction expert in Mogadishu. Galkayo-Hobyo Road project began as a community initiative but is now a part of the Somalia Regional Corridors Infrastructure. Aid cuts have affected several projects in Somalia including Somaliland Development Fund. “This is not the first time this has happened, nor is it likely to be the last. Because of unexplainable prejudices, certain regions are continuously shut out of development assistance; and in the case above, even when local communities foot a significant chunk of the bill” tweeted Adan Cabdulle. The Foreign, Commonwealth & Development Office (FCDO) has replaced the Department for International Development. © Puntland Post, 2021 The post UK Aid Cuts ‘Affect’ Galkayo-Hobyo Road Project appeared first on Puntland Post.
-
Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Cawaale Cali Kulane, ayaa magaalada Beijing kula kulmay madaxa Jaamacadda Booliska ee dalka shiinaha Ma Jinqi. Laba mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhanka tababarrada Booliska ee Soomaaliya iyo Shiinaha iyo cilaaqaadka guud ee labada dowladood. Danjire Cawaale Cali Kullane Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ay wehliyaan qaar ka mid ah safiirrada wadamada caalamka ee ka howlgalaya dalka Shiinaha ayaa booqosho ku tagay xarumo amni iyo kuwa sharciga ee dalka Shiinaha. Safiirrada ayaa booqday Jamacadda Booliska Shiinaha, Xarunta dhowrista Sharciga iyo Waaxda Garsoorka amniga guud ee Beijing. Ujeedka boqashada oo ah sidii ay safiirada dalalka caalamka u arki lahaayeen sida Shiinaha u ilaaliyaan sharciga, ugana hortagaan dambiyada kala duwan ee bulshada. Booqashada oo sidoo kale ay qayb ka ahaayeen qaar ka mid ah Diblomaasiyiin ka socday hay’adaha dowliga ah ayaa waxa ay kulan la qaateen dhammaan Safiirada iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Guud ee dalka Shiinaha Mudane Wang Xiaohong. PUNTLAND POST The post Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha oo booqday xarumo amni oo ku yaalla dalkaas appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga doorashooyinka dowlad gobaleedka Koonfur galbeed ayaa la wareegay qalabka lagu qabanayo doorashada aqalka sare. Magaalada baydhabo ayaa goordhaw la gaarsiiyay sanaadiqda codadka lagu diro iyo waraaqaha codbixinta doorasha aqalka sare. Koonfur galbeed ayaana noqday maamulkii labaad ee bilaaba diyaar garowga doorashada aqalka sare ee dalka kadib maamulka Jubbaland . Dhanka kale madaxweynaha Koonfur galeed Cabdi casiis lafta gareen ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada baydhabo iyadoo lagu wado in saacadaha soo socda ee maanta uu ku dhawaaqo liiska xubnaha musharixiinta aqalka sare ee dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cabdiraxiin Maxamed Kismaayo oo ka mid ah falanqeeyaasha Ciyaaraha Gudaha iyo Dibadda ayaa soo dhaweeyay warqadii ay dhawaan soo saareen xidigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee ku saabsaneed in is badal lagu samaayo horomarka kubbada cagta iyo guulaha Xulka Qaranka Soomaaliya. “Dhaliisha loo jeedinayo hogaanka Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaali waa in ay is badal ku sameeyaan hadalada ka soo yeeray xidigaha Xulka Qaranka Kubbadda cagta” ayuu u sheegay Goobjoog Sports Cabdiraxiin Maxamed Kismaayo oo ah falanqeeye ciayaraha gudaha iyo dibadda. Dhinaca kale falanqeeye Cabdiraxiin Maxamed Kismaayo wuxuu bogaadiyay ciyaartooyda Xulka Qaranka ee ku nool qurbaha kuwaas oo ka hadlay xaqiiqda jirta,balse ay muhiim tahay in xooga la saaro sidii loo xalinlahaa dhibaaootinka iyo falcelinta ka imaanaysa taageerayaasha Xiulka Qaranka Soomaaliya. “Guddoomiyaasha kooxaha iyo ciyaartooyda gudaha waxaan ka rabnaa in ay ka hadlaan dhibaaooyinka jira, taasina waxay sahlaysaa in madaxda Xiriirka Kubbadda Cagta ay fahmaan halka ay wax u socdaan, sidoo kale Xiriirka waan in dhagaystaa cabashada ay qabaan taageerayaasha kubadda cagta” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay falanqeeye Cabdiraxiin Maxamed Kismaayo. Daawo Waraysi Uu Kismaayo Siiyay Goobjoog Sports Sidoo Kale Aqriso Warar Dheeri Ah Cabdulaahi Faarax Daguur ” Ciyaartooyda Xulka Qaranka Soomaaliya Waxay U Baahanyihiin Tababaro Joogta ah” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa magacaabay madaxa shaqaalaha ee hay’adda NISA, kadib markii uu madaxii hore xil ka qaadis ku sameeyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Fahad Yaasiin ayaa madaxda cusub ee shaqaalaha NISA u magacaabay Cabaas Yacquub oo bedalaya Cabdullaahi Kulane oo dhowaan xilkaasi uu ka qaaday ra’iisul wasaaraha. Sidoo kale Cabaas ah ayaa ah sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka, wuxuuna ahaa madaxa maamulka, maaliyadda iyo tiknoolijiyadda ee NISA. Sida ogaatay Caasimada Online magacaabistan ayaa timid, kadib kulan gaar ah oo dhex-maray Fahad Yaasiin iyo madaxweyne Farmaajo, iyaga oo ka tashaday tallaabadii Rooble, kadibna isku afgartay in la magacaabo ma’suul cusub ee bedala Cabdullaahi Kulane. Cabaas ayaa sidoo kale ah ninka loo badinayo inuu noqon doono ku simaha agaasimaha hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka, marka uu xilka banneeyo Fahad Yaasiin ‘oo la rumeysan yahay’ inuu doonan doono kursi xildhibaanimo afarta sano ee soo socoto. Xilka qaadista lagu sameeyey mas’uulkaasi iyo taliyaha nabad sugida ee garoonka Aadan Cadde ayaa daba socotay xanibaad la saaray mas’uuliyiin ka socotay gobolka Gedo, taas oo sidoo kale ka hortimid amarkii socdaalka garoomada ee uu horey u soo saaray Rooble. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isagu ah mas’uulka ugu sarreeya maamulka doorashada ayaa tallaabadan lagu boggaadiyey, waxaana sidoo kale soo dhoweeyey musharraxiinta mucaaradka. Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana la guda-galayo doorashooyinka Soomaaliya, iyada oo lagu horreyn doono soo xilista xildhibaanada cusub. The post FAHAD YAASIIN oo aqbalay xil ka-qaadistii Cabdullaahi Kulane, nin kalena ku bedalay appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in saaka uu ka socdo banaanbax balaaran oo ay soo abaabuleen dadka shacabka ah. Shacabka isugu soo baxay waddooyinka ayaa ka cabanaya dil kooxa hubeysan oo ka tirsan qowmiyadda Canfarta ay deegaanka Garbo-ciise ugu geysteen dad Soomaali ah. Inkabadan 100 qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay deegnaka Garbo-ciise, muddo isbuuc gudaheed ah xilli dagaalka labada qowmiyadood uu sii xoogeystay. Dadka banaan baxaya dhigaya ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee magaalada, iyaga oo watto boorar ay ku dalbanayaan in cadaaladda la hor keeno kooxa gumaadka wada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa maanta magaalada kismaayo ee xarunta kumeel gaar Jubbaland ka bilaabmaya diiwaan gelinta musharixiinta kuraasta Aqalka sare ee jubbaland ku matalaya BJFS. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Talaadadi soo gudbiyay liiska musharixiinta Aqalka sare, iyadoo guddiga ay shaaciyeen Jadwalka doorashada. Jadwalka ayaa waxaa ku xusan in maanta oo arbaco ah ay bilaabato diiwaan gelinta musharixiinta iyo bixinayaan khidmadda laga rabo musharixiinta. Dhanka kale guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ayaa gaaray magaalada Kismaayo halkaas oo berri la filayo in ay ka dhacdo doorashada Aqalka sare. Qoraal ka soo baxay guddiga xalinta khilaafaadka ayaa lagu yiri “Xubnaha Guddiga oo ka kooban 5 xubnood ayaa goobjoog waxay ka noqon doonaan doorashada aqalka sare ee ka dhici doonta Jubbaland, Guddiga Xallinta Khilaafaadka waxaa uu marwalba diyaar u yahay ka garnaqida Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Aqalka Sare iyo golaha shacabka BFS”. Maamulka Jubbaland ayaa ah maamulka ugu horeyay oo soo dhameystiray diyaarinta doorashada Aqalka sare. Hoos ka akhriso Jadwalka Doorashada iyo Magacyada Musharixiinta Source: goobjoog.com
-
Garba Ciise (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaalka u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta oo markale kasoo cusboonaaday magaalada Garba Ciise iyo sidoo kale deegaanada ku xeeran, waxaana xaaladdu ay tahay mid kacsan. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkii ugu dambeeyey oo shalay dhacay ku dhintay ugu yaraan 40 qof, sida ay warbaahinta u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay. Xiisada dagaalka ayaa weli ka taagan aagga magaalada Garba Ciise oo ku taalla waddada dheer ee isku xirta Itoobiya iyo Jabuuti. Dagaalladan ayaa sii xoogeystay, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Canfarta ay weerar ku qaadeen Soomaalida, waxaana la xasuuqay boqlaal qof oo xoolo dhaqato ah. Maamulka dowlad deegaanka oo dhankiisa si adag uga hadlay xasuuqa Somaalida lagu hayo ayaa wacad ku maray inuu difaaci doono shacabka, kana hortegi doono Canfarta. Sidoo kale waxaa haatan socda dhaq-dhaqaaqyo labada dhinac ah, iyadoo laga cabsi qabo inay markale dib qarxaan dagaallada u dhexeeya labada dhinac, uuna kordho khasaaraha. Dhinaca kale dibad-baxyo loo soo horjeedo xasuuqa ay maleeshiyaadka Canafrta ku hayaan dadka Xoolo dhaqatada Soomaalida ah ayaa maanta ka dhacay deegaano ka tiirsan dowlad deegaanka Somaliida dalka Itoobiya, kuwaas oo ay ka qeyb-galeen boqolaal ruux. Dibad-baxyada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay ka kala dhaceenmagaalooyinka Jigjiga iyo Qabri-Dahar ee dowlad degaanka Soomaalida. Si kastaba, dagaallada dhex-maraya qowmiyadaha Soomaalida iyo Cafarta ee Itoobiya ayaa ah kuwa soo noq-noqday, waxaana ku dhintay boqolaal qof oo u badan dad rayid ah. The post Wararkii ugu dambeeyey dagaalka SOOMAALIDA iyo Cafarta + Tirada dhimashada appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya dhulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in dagaal khasaaro geystay maalmihi la oo dhaafay uu ka dhacay deegaan lagu magacabo Garbo-ciise oo u dhaxeeya xadka Canfarta iyo Soomaalida kala qeybiya. Dagaalka ayaa la sheegay in ay kooxa canfar ah oo hubeysan ay ku soo qaadeen dadka deegaanka, illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Canfarta iyo Soomaalida u dhaxeeyo ee ka socda deegaankaas. Wararka ayaa sheegaya in inkabadan 43- qof oo Soomaali u badan deegaanka Garbo-ciise lagu dilay labadi maalin ee la soo dhaafay. Maamulada gobalada Soomaalida iyo Canfarta ayaan dhankooda weli ka hadlin dagaalka u dhaxeeya labada qowmiyad ee oodwadaagga ah. Dowladda Itoobiya ayaan dhankeeda weli soo kala dhax galin labada ciidan, xilli dhanaceeda dagaal sanad qaatay ay kula jirto Tigrayga. Dagaalada Canfarta iyo Soomaalida ayaa ahaa kuwa aad u soo noqnoqonayay muddooyinkii la soo dhafay, kadib markii uu talada la wareegay maamulka Madaxweyne Cagjar. Deegaanka Garbo-ciise ayaa ka mid ah dhulka Soomaalida, xilli maamulkii madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Ileey uu u saxiixay canfarta, balse markii talada ay la wareegeen maamulka Madaxweynaha hadda jooga ee Mustafa Cagjar ay ku tilmaameen in ay sharci darro tahay sidaasne loogu soo celiyay gacanta Soomaalida. Canfarta ayaa la sheegay in ay weli ka biyo diidan tahay in gacanteeda laga saaro deeganka, xilli labada maamul dhowr jeer ay heshiis nabadeed kala saxiixdeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaarayo gobalka Sool ayaa sheegaya in xalay ay deblay hubeysan ay dad shacab ah ka afduubteen deegaanka Carrooley oo hoostaga gobalka Sool. Dadka la afduubtay ayaa la sheegay in ay ahaayeen dad safar ah kuwaas oo ka yimid deegaanka Xalin ee degmada Taleex. Dableyda wax afuudabatay oo aan heyb tooda la aqoon ayaa la sheegay in ay aheyn kuwa u abaabulan qaab beeleed. Warar aan la hubin oo deegaanka ka soo baxaya ayaa sheegaya in dableyda ay ka gadood sanaayeen Nabadoon degaanka ah oo ciidamada Somaliland dhawaan ay xireen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi oo ka mid ah xildhibaanada Somaliland ee ka soo baxay gobolka Sool, kana tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa eedeyn culus u jeediyey xukuumadda maamulkaasi ee Muuse Biixi Cabdi. Mustafe ayaa shaaca ka qaaday in isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa ay xukuumadda Somaliland ‘u adeegsatay’ sirdoonka Itoobiya, si loo xiro. Xildhibaanka ayaa sheegay in shan nin oo ka tirsan sirdoonka Itoobiya ay ka qabteen maqaayad ku taalla Addis Ababa, isla-markaana saldhiggii uu dhowaa ay geeyeen. “Shalay aniga oo fadhiya kafateeriya Gaarisa la yidhaa ayay 5 nin oo katirsan sirdoonka Itoobiya ii yimadeen, waxay igu yidhaahdeen soo kac, waxan ku idhi waaran maad wadataan, waxay igu yidhaahdeen mayee saldhiga ayaanu kuugu sheegi waxanu kaa rabno” ayuu yiri xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi oo ka tirsan xisbiga Kulmiye. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in raggaasi ay ahaayeen ciidan lasoo adeegsday, heybtoodana la garanayo, isla-markaana uu ku jiray nin reer Jigjiga ah. “Ciidan sirdoon ah oo lagu shaqaysanayo ayay ahaayeen, haybtoodiina waala garanaya oo nin reer Jigjiga ah ayaa ku jiray, saldhiga ayay i geeyeen suunkii iyo kabihiina way iga saareen, mobiladiina way iga qaadeen, kii Soomaaliga aha baa igu yidhi dollar ayaad waddanka soo galise danbigaaga iska qiro” ayuu markale yiri Xildhibaan Mustafe Axmed. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dood dheer, kadib raggii ka socday sirdoonka dalka Itoobiya ay shaaciyeen in arrintan ay ka dambeyso Somaliland, isla-markaana ay u soo martay dhinaca safaaradda wadanka Itoobiya, sida uu xildhibaanka hadalka u dhigay. “Markii lala hadlay waxa soo baxday in ay ahayeen niman halkan laga waday, ninkii Soomaaliga aha ayaa la hadlay sirdoonka Itoobiya waxayna ku yidhaahdeen ninkaa anagu mahaysane dowladiisa ayaa haysata, wasaarada arrimaha gudaha Somaliland ayaa safaarada usoo martay” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey Xildhibaan Mustafe Axmed. Si kastaba weli ma jirto wax jawaab ah oo ay Somaliland ka bixisay eedeynta ka timid Xildhibaankan, waxaana ka dhashay hadal heyn xoogan, maadaama Mustafe Axmed Cabdulalahi uu ka tirsan yahay xisbiga Kulmiye, isla-markaana laga soo doortay Sool. The post Xildhibaan shaaciyey in loo adeegsaday sirdoonka dalka Itoobiya – Yaa ka dambeeya? appeared first on Caasimada Online.
-
Jabhadda TPLF ayaa sheegtay in ay sii xoojineyso dagaalka ay kula jirto ciidamada dowladda Itoobiya, xilli ay shaacisay in gobalada cusub kala wareegi doonto ciidamada. TPLF ayaa sidoo kale sheegtay in aanay jriin awood la babac dhigi karta oo ka celineysa qorshaheeda ay ku dooneyso in ay ku duusho faarisimaha ciidamada Itoobiya. Afhayeenka Jabhadda Getachew K Reda ayaa sheegay inaysan jirn cid ka hor istaageyso horumarka ay sameynayaan . ” Ma jirto cid naga hor istaageyso horumarka aan ka wadno gobalka, cidna nama weecin karto” ayuu yiri Getachew K Reda. Reda ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku sii daray in ciidamadooda ay jiha walba ka dagaalamayaan xitta roobkana aanu celin karin, “Ciidamadeenu waxa ay ku sii siqayaan jiha walba mana jirto cid hor istaageyso xitta roobka” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka Reda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Source
-
(SLT-Hargeysa)-Isbahaysiga xisbiyada mucaaridka ah ee Ucid Iyo Waddani ayaa ilaa hada gacan sareeya oo haysta xildhibaano gaadhaya 42 kuwaas oo kala ah. 10 xildhibaan oo ka soo jeeda bariga Burco, 19 xildhibaan oo ka soo jeeda beesha labada gudoomiye ee xisbiyada Ucid iyo Waddani, 8 xildhibaan oo gobolka Awdal ka soo baxay midkoodna ka soo jeedo Saylac iyo 5 xildhibaan oo ka soo kala jeeda Hargeysa Iyo Laascaanood kuwaas oo tiradoodu tahay 42 xildhibaan. Xisbiga Kulmiye ayaa dhankiisa haysta 40 xildhibaan oo kala ah 13 xildhhibaan oo beesha madaxweynaha ka soo jeeda, 9 xildhibaan oo bariga Burco ka soo baxay, 5 xildhibaan oo Faratoon ka wato deegaankiisa,6 xildhibaan oo ay Cirro iyo Faysal isku deegaan yihiin,, 5 ka soo baxay Awdal iyo laba xildhibaan oo si madi ah uga soo baxay Hargeysa kuwaas oo tiradoodu tahay 40. Mucaaridku waxay wali xodxodanayaan xildhibaano ka soo jeeda bariga Burco oo ay si adag uga hawl galayaan siyaasi Maxamuud Xaashi iyo hogaamiye Xirsi iyo xildhibaano ka soo jeeda Awdal oo Saylici ka taageerayo mucaaridku inay helaan, sidoo kale xildhibaan Axmed Nuur Guruje oo Kulmiye uga soo baxay Hargeysa ayaa wararku sheegayaan inuu xaga mucaaridka u janjeedho. Dhinaca muxaafidka, xisbiga Kulmiye waxa uu xodxodanayaa 4 xildhibaan oo mucaaridka uga soo kala baxay gobolada Sanaag, Togdheer iyo Hargeysa kuwaas oo ay dhamaantood isku deegaan yihiin gudoomiyeyaasha xisbiyada Ucid Iyo Waddani. Hadiiay hirgelaan qorshayaasha labada dhinac waxa suuragal ah inay si siman u kala qaybsadaan xildhibaanada oo 42 qaataan hadii midkood ka fashilmo qorshaha uu wataana waxa suuragal noqonaysa in dhinaca kale guulaysto. Fadhiga ugu horeeya ee golaha ayaa la rajaynayaa in maalinta sabtida ah la qabto oo madaxweynuhu dhawaan shaacin doono inay isku yimaadaan kuwaas oo dhaarta ka dibna dooran doona shirgudoonka. La Soco isbadalada hirdanka shirgudoonka Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi, oo xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Sool ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay u adeegsatay sirdoonka Itoobiya si loogu xidho magaalada Addis ababa xili uu safar ku joogay dalka Itoobiya. Xildhibaanka ayaa sheegay in 5 nin oo katirsan ciidanka sirdoonka Itoobiya ugu yimaadeen makhaayad ku taala magaalada Addis ababa isla markaana xidheen waaran la’aan. “Shalay aniga oo fadhiya kafateeriya Gaarisa la yidhaa ayay 5 nin oo katirsan sirdoonka Itoobiya ii yimadeen, waxay igu yidhaahdeen soo kac, waxan ku idhi waaran maad wadataan, waxay igu yidhaahdeen mayee saldhiga ayaanu kuugu sheegi waxanu kaa rabno” ayuu yidhi. “Katiinad ayay wateen waxay damceen in ay isaaraan gaadhi xaajiyad ah, wuxuu Alle nagu guuleeyay in aanu u yeedhno askar booliis ah oo wadada maraysay, markaa niman Axmaariga garanayay ayaa ku yidhi, nimankani ninkan ayay xidhayaan markaa waxaanu idinka codsanayna in aad saldhiga isku gaysaan”. “Ciidan sirdoon ah oo lagu shaqaysanayo ayay ahaayeen, haybtoodiina waala garanaya oo nin reer Jigjiga ah ayaa ku jiray, saldhiga ayay i geeyeen suunkii iyo kabihiina way iga saareen, mobiladiina way iga qaadeen, kii Soomaaliga aha baa igu yidhi dollar ayaad waddanka soo galise danbigaaga iska qiro” ayuu hadalkiisa kudaray. Xildhibaanka ayaa ku andacooday in xukuumada Somaliland ay isticmaashay ciidanka sirdoonka Itoobiya iyadoo usoo dhexmartay xafiiska Somaliland ee Addis ababa isla markaana la doonayay in lagu afduubo Addis ababa. “Markii lala hadlay waxa soo baxday in ay ahayeen niman halkan laga waday, ninkii Soomaaliga aha ayaa la hadlay sirdoonka Itoobiya waxayna ku yidhaahdeen ninkaa anagu mahaysane dowladiisa ayaa haysata, wasaarada arrimaha gudaha Somaliland ayaa safaarada usoo martay” ayuu yidhi. Xildhibaan Mustafe ayaa ku andacooday in sababta loo raadsanayaa ay tahay in uu taageersana qaar ka mida xubnaha ay isbahaysa mucaaradku u sharaxeen doorashada shirgudoonka wakiilada Somaliland, isagoo sheegay in uu si buuxda ugu biiray isbahaysiga mucaaradka. Source
-
(SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday ku dhowaad 200 milyan oo dollar oo ah kaalmo dheeraad ah oo loogu talo-galay shacabka Soomaaliya, oo muddo wajahayey dhibaatooyin ay ka mid yihiin cunno yari, rabshado iyo daadad iyo abaaro soo noqnoqday. Kaalmadan oo ah 199 milyan oo dheeri ah oo oo lasoo marinayo hay’adda horumarinta caalamiga ah ee USAID iyo Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa tirada guud ee kaamlmada uu sanadkan Mareykanka ugu talo-galay shacabka Soomaaliya ka dhigeysaa 408 milyan oo dollar. War-saxafaadeed uu soo saaray afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price ayaa lagu sheegay in lacagtan lagu caawin doono ku dhowaad lix milyan oo Soomaali ah oo u baahan gargaar bani’adannimo. Dadkan ayaa waxaa ku jira saddex milyan oo qof oo ku barakacay gudaha Soomaaliya iyo qiyaastii 500,000 oo ah qaxooti Soomaaliyeed oo ku nool dalalka Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya. “Maal-gelintan cusub waxay kaalmo cunno iyo nafaqo deg deg ah, biyo nadiif ah oo ay cabaan, nadaafad, hoy, waxbarasho iyo daryeel caafimaad siin doontaa shacab wajahaya caqabado ka dhashay dagaallo iyo xaalad deegaan oo sii xumaaneysa,” ayuu yidhi Ned Price. Price ayaa sheegay in Mareykanka uu yahay dalka deeqda ugu weyn siiya Soomaaliya iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee gobolka ku sugan. Afhayeeenka ayaa intaas ku daray in Mareykanka uu weli ka walaacsan yahay baahida bani’aadannimo ee sii kordheysa, wuxuuna deeq bixiyayaasha caalamka ku booriyey inay ku tabarucaan jawaabaha caalamiga ah ee laga bixinayo iyo taageerada lagu badbaadinayo nolosha. Source
-
Dad ka soo jeeda Somaliland oo lagu af-duubtay Gobolka Sool
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dabley hubaysan oo ka soo jeeda Gobolka Sool, ayaa xalay degaanka Carrooley ee Gobolkaas ka af-duubtay dad rayid ah, oo ka soo jeeda magaalooyinka Burco iyo Berbera ee Somaliland. Dadkan rayidka ah ayaa la af-duubtay, xilli ay socdaal kaga yimaadeen beeraha XALIN oo ka tirsan degmada Taleex ee Gobolka Sool. Dableyda af-duubka gaystay ayaa sida wararku sheegayaan la-hayb ah nin lagu magacaabo Cabdikariin Cali Nuur, kaas oo mudda bil ah ku xiran magaalada Berbera. Cabdikariin Cali Nuur oo u dhashay Gobolka Sool, ayaa Somaliland xirtay kadib markii uu dhawr jeer warbaahinta dhaliilo ka jeediyay. PUNTLAND POST The post Dad ka soo jeeda Somaliland oo lagu af-duubtay Gobolka Sool appeared first on Puntland Post. -
Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya Cabdullahi Abyan Nuur iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka u safraya Dowlad Goballeedka Jubbaland. Xubnahan Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee ku wajahan Jubaland oo ka kooban 5 xubnood ayaa goobjoog ka noqon doona Doorashada Aqalka sare ee senitorada kasoo baxaya Dowlad Goboleedka Jubaland oo maalinta Khamiista ka dhici doonta Magaalada Kismaayo. Waxaa hore ugu sugnaa Jubaland Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo xubno ka tirsna guddigaas. PUNTLAND POST The post Guddiga xallinta Khilaafaadka oo ku wajahan Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga uu dhowaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u magacaabay u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%, ahna guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Soomaaliya, Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa ka hadashay liiska xubnaha musharraxiinta Golaha Aqalka Sare ee Jubbaland. Batuulo ayaa ka hortimid sideeda xubnood ee uu shalay soo saaray Axmed Madoobe, waxayna sheegtay inay saluug ka muujinayaan in hal gabar oo kaliya ay kasoo dhex-muuqato musharraxiinta u tartamaya afarta kursi ee la shaaciyey musharraxiintooda. “Hadda waxaa saluugeynaa soo saarista musharraxiinta waayo waxaan aragnay sideed musharraxiin oo lasoo saaray oo hal gabar oo kaliya ay ku jirto,” ayey tiri Marwo Batuulo. Sidoo kale waxa ay intaasi sii raacisay “Waxba kama qabno in hal gabar ay kasoo baxdo afarta kursi, afarta kalena ay hal gabar kasoo baxdo,”. Ugu dambeyn waxay ugu baaqday madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) inuu dib ugu laabo liiskaas, isla-markaana uu kusoo daro gabar kale, si loo ilaaliyo qoondada haweenka ee 30% ee horey heshiiska looga gaaray. “In kursiga Xaliimo laga reebo ninka la tartamaya ee lagu bedalo gabar kale ayaan codsaneynaa,” ayey markale tiri Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gaballe. Guddigan ee uu maalmo ka hor magacaabay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isla-markaana ay soo dhoweysay Qaramada Midoobay ayaa ujeedka loo aas aasay wuxuu yahay inuu ka shaqeeyo ilaalinta qoondada haweenka ee 30%, si maamul goboleedyada cadaadis loogu saaro inay xubnaha soo saaraan ay ku jiraan kuwo haween ah. Waalaca soo wajahay guddigan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan la guda-galo doorashada Aqalka Sare, waxaana ugu horreyn lagu qaban doonaa magaalada Kismaayo ee Jubbaland. The post Guddigii uu magacaabay Rooble oo ka horyimid liiska musharraxiinta JUBALAND appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Suldaan Bayle Cumar Daad, oo ah Suldaanka beesha Mareexaan oo Madaxwayne Farmaajo uu ka dhashay, ayaa ku eedeeyey madaxweynaha inuu u kala eexday beeshiisa, isagoo fariin u diray madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kariye Qoor Qoor. Suldaanka ayaa Qoor Qoor uga digay inuu fuliyo rabitaanka Farmaajo inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka, waxuuna shaaciyey in Farmaajo uu gadaal ka riixayo qorshe doorashada looga reebayo gabar u sharaxan Senator. “Gabadha la yiraahdo Deeqo Xuseen Mire waxay u sharaxan tahay Senator, waxaa la rabaa in laga reebo tartanka doorashada, xildhibaanada Mareexaan waxaa Galmudug laga soo doortaa kuwa metelaya jufooyinka kala ah Wagardhac iyo Raada-miir, afartii sano ee la soo dhaafay kursiga Senatorka waxaa ku fadhiyey Raada-miir, maanta Wagardhac ayaa iska leh, Farmaajo waxa uu yiri Raada-miir ayaa hadana leh kursiga, gabadhaasna waxa uu amray in laga reebo liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee Galmudug,” ayuu yiri Suldaan Bayle. Suldaanka beesha Mareexaan ayaa Madaxweyne Qoor Qoor uga digay inuu godob ka galo jufada Wagardhac ee beesha Mareexaan oo doorashada uu ka reebo gabadhaas. “Qoor Qoorow dadku waa Soomaali, waana 4.5 beeshaada Saleebaan ee Habargidir iyo beesha Wagardhac ee Mareexaan waa dagaaleen, waana heshiiyeen ee maanta adigu kiis haka gelin Wagardhac oo doorashada ha ka reebin gabadha la yiraahdo Deeqo Xuseen Mire oo ah musharax Senator, liiska ma soo geleyso oo qori mayo oo Farmaajaa sidaas igu yiri hadaa dhahdo waa godob,” ayuu yiri Suldaan Beyle Suldaanka beesha Mareexaan. Sidoo kale waxa uu uga digay in beeshiisa uu u soo jiido godob noocaas ah, “Qoor Qoorow Madaxweynaa tahay, anigaan Suldaan Beyle ah ayaa ku soo doortay ee Farmaajo kuma soo dooran, anagaa madaxweyne noo tahay ee godob hana gelin, gabadhaas hadey rabto doorashada yeysan ku guuleysan ee adigu liiska ku soo dar,” ayuu yiri Suldaanka beesha Mareexaan Suldaan Bayle Cumar Daad. The post Daawo: Suldaanka beesha Mareexaan oo ka digay qorshe uu QOOR QOOR fulin rabo appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida DDS waxa saaka ka socda bannaan-bax weyn oo looga horjeedo xasuuq la sheegay in Canfartu ka gaysteen gobolka SITI. Dibad-baxayaasha ayaa ka caraysan weerarkii malayshiyaadka Canfartu ku qaadeen degaanka lagu magacaabo Garbo-ciise oo ka tirsan gobolka SITI halkaas oo lagu laayay dad rayid ah. Dumar iyo carruur badan ayaa sida la xaqiijiyay lagu laayay weerarkii u dambeeyay ee Canfartu ku qaadday tuulada Garbo-ciise inkasoo markii dambe laga saaray. PUNTLAND POST The post Banaan-bax weyn oo saaka ka socda magaalada Jigjiga appeared first on Puntland Post.