-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ahna Guddoomiyaha Xisbiga tallada haya ee KULMIYE ayaa la sheegay inuu dhawaan kullan la yeeshay xubno iskugu jira Madax-dhaqameed siyaasiyiin iyo Ganacsato ka soo jeeda Beeshiisa,kaas oo saacado baddan qaatay,isla markaana jil-baha la is daray. Kullanka ayaa xoggaha uu Wargeyska Waaberi helay ay sheegeen inuu ahaa mid ay Madaxweyne Biixi ay ka dalbadeen Madax-dhaqameedka iyo Ganacsatada iyo haloorka Beeshiisu inay la yeesheen,wallow la sheegay inuu dhawr jeer ka gaws adaygay,balse haddana uu aakhrikii wuu la kulmay. Waxa kale oo ay xoggaha aanu helnay ay sheegeen inay Madaxweynaha iyo Madax-dhaqameedka iyo Ganacsatada Beeshiisu ay si addag uga wadda hadleen xallada hadda dalku marayo ,doorashooyinkii dalka ka dhacay iyo weliba xaallada hadda taagan ee doorashada shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland. Xoggaha ayaa xusay in Madaxweyne Biixi iyo nin doorka la kulmay ee beeshiisu ay si qoto dheer ugala hadleen arrinta doorashada shir guddoonka iyo qorshihiisa siyaasadeed ee uga meel yaal,waxaanay u sheegeen in haddii aanu arrintaas dan ka lahayn shir guddoonka oo aanay ka go’nay inuu nafta iyo maalka dul dhigo sidii uu kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada uu ugu fadhiisin lahaa musharraxa uu duduucayo ee Yaasiin Maxamuud Faratoon inuu u cadeeyo mawqifkiisa. Waxa kale oo la sheegay inay u sheegeen Madaxweynaha oo ay u ballan-qadeen inay ka go’antahay haddii uu lacag ku soo jilaaban waayey Xildhibaannada inay iyagu bixiyaan,balse waxa la sheegay inuu aakhirkii uu Madaxweyne Biixi u sheegay inay iska haystaan Lacagtooda,isla markaana uu diyaar u yahay inuu qasnada furro oo uu ku dedaalayo sidii uu Xildhibaanka uu wataa uu u noqon lahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo uu awooda saari doono,waxaana la sheegay inuu kullankaas ku soo dhammaaday is afgarad, ma jiri war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac marka laga yimaaddo xoggaas Source: Waabari Source
-
(SLT-Hargeysa)-Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo kamid ah Madax-dhaqameedka reer Somaliland ayaa si adag uga hadlay Xildhibaannada u galay Xisbiga KULMIYE,kuwaas oo ah qaar Xisbiyaddii ay ka soo baxeen iyo shacabkii soo doortay ku wacad furay,isla markaana raacay dhaameelka uu u ruxay KULMIYE. Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi ayaa ugu baaqay shacabka reer Somaliland inay illaaliyeen isbaddelkii ay u coddeeyeen,isla markaana ay garab istaagaan,waxaanu yidhi isagoo arrimahaas ka hadlaya sidan:-” Labada Xisbi iyo Xildhibaannadoodu iyo cida ay soo dooreen waa cida ay isbaddelku u coddeeyeen,markaa waxa aan u sheegayaa dad weynaha tashuushka la furrayo iyo wax-yaabaha beenta ah ee la idiin sheegayo dheg ha u dhigina,waa in aad illaalisaan wixii aad u coddayseen isbaddelkii dadku u coddeeyey waa inuu shaqeeyee waanu taageersanahay iyaga ayaan doonnayaa in si dooda la isu garab taago isbahaysiga “ Dhanka kalene Boqor Raabi ayaa si gaar ah ugu madahceliyey Xildhibaan Maydhanne oo Xisbiga KULMIYE uga soo baxay Gobolka Awdal,kaas oo taageeray ballan-qaadayna inuu dhisayo Musharraxiinta shir Guddoonka Golaha Wakiillada ee isbahaysiga “Waxaan u mahadcelinayaa Xildhibaan Maydhanne oo ka soo baxay Gobolka Awdal oo maalintii dhaweyd si wannaagsan u hadlay ee iska difaacay ninkii wariyaha ahaa,waxa aan leehayey Xildhibaan Maydhane waad salaamantay waanu kugu taageersanahay cid kasta oo laba Xisbi iyo isbaddelku ay isku raceen,waanu soo dhaweynaynaa,waanu taageeraynaa iyagana waxa aanu leenahay dad weynihii doortay ee isbaddelka u coddeeyeyna waxa aan leehay waa in aad is garab taagtaan,waa in aad u soo baxdaan ,waa in aad oggaataan waa in aad ila meeraysatada aad la meeraysataan idinkuna oo halkooda ku illaalisaan.”ayuu yidhi Geesta kalene Boqor Raabi ayaa sheegay in suuqyada lagu gaarci doonno Xildhibaannada isbaddelkii shacabku u codeeyey dhabarka ka toogta ” Ninka dhabarka ka tooganaya isbaddelkeenii ee doonnaya inuu isbaddelkeenii dhabarka ka toogto isaga ayeynu eryeynaa isaga ayeynu ceebaynaynaa isaga ayeynu shaarica ku garaacaynaa la socda isagana.” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ehellada marxuum Cabdishakuur Muxiyadiin Iimaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wiilkooda lagu dhex dilay saldhiga Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho, kadibna laga qaatay hantidiisi gaarka aheyd. Ehellada marxuumka ayaa sheegay in markii hore uu Taliyaha saldhiga Howl-wadaag uu xabsiga dhigay Cabdishakuur Iimaan, markii dambena uu ku dhex dilay, ayada oo macal kabihiisi lala aasay, sida ay sheegen. “Wiil shaqeysanaya oo Bajaaj wata inta lasoo qabto oo meel amni ah la keeno oo ku dhinto, anaga oo Xamar buuxna haddana la qaado oo duugo wax la aqbali karo maaha. Hay’addaha uu khuseeyo waxaa ka codsaneyna in arrinkaas gacan bir ah ku qabtaan,” ayuu yiri mid kamid ah Ehellada marxuumka ee la hadlay warbaahinta. “Waxaa codsaneyna in cadaalad uu helo (Cabdishakuur), waxaa ka rabaa dhamaan hay’addaha ay khuseyso oo uu ugu sareeyo Taliye Xijaar in cadaalad la imarsiiyo, waan idinka sugaa, waxaan idinka rabnaa in cadaalada iisoo de-dejisaan ama dhahdaan wax cadaalad ah idinma hayno.” Sidoo kale waxay sheegen in Cabdishakuur si sharci daro ah ay usoo qabteen ciidan ka tirsan saldhiga Howl-wadaag, xili uu ku shaqeysanayay Bajaajtiisa, islamarkaana lagu dhex dilay saldhigaas, ayada oo mas’uuliyada dilkaas dusha u saaray saraakiisha sare ee saldhiga Howl-wadaag. Caasimada Online, si madax-banaan uma xaqiijin karto qaabka uu u dhacay dilka Cabdishakuur iyo cida ka dambeysay, marka laga imaado xogta ay bixiyeen ehellada marxuumka. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: “Wiilkeena saldhiga Howlwadaag lagu dhex dilay, kabahiisa ayaana lagu aasay” appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - The director of Somalia's National Security and Intelligence Agency, Fahad Yasin Haji Dahir, appointed Abbas Yaqub as NISA's new head of Human Relations (HR) following the recent dismissal of Abdullahi Kulane. Source: Hiiraan Online
-
Dagaal beleed khasaare geystay ayaa maanta ka dhacay deegaanka SAAX-MAYGAAG, oo u dhexeeya gobolada Sool iyo Nugaal. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay hal qof, waxaana ku dhaawacmay saddex kale, sida ay xaqiijiyeen Goob-joogayaal kala duwan oo la hadlay Puntland Post. Dagaalka ayaa sida wararku sheegayaan ku salaysan xiisad ka dhalatay muran dhuleed oo muddooyinkii dambe ka aloosnayd deegaankaas. Deegaanka lagu dagaalamay ayaa qiyaastii 50 km dhanka Galbeed uga beegan magaalada Garowe ee xarunta Puntland, waxaana ku dagaalamay maleeshiyo beleed ka soo kala jeeda Nugaal iyo Sool. PUNTLAND POST The post Dagaal beeleed ka dhacay deegaan u dhow Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan deg deg ah la qaatay Guddiga uu dhawaan u magacaabay u ololeynta iyo xaqiinta qoondada haweenka ee 30% oo ka horyimid liiska xubnaha musharaxiinta Golaha Aqalka Sarre ee uu shalay shaaciyey Axmed Madoobe. Kulanka oo u qabsoomay habka fogaan aragga ayaa waxaa looga hadlay saluugii guddoomiyaha guddigaas ay ka muujisay tirada haweenka ah ee ku jirtay 9 xubnood ee uu shaaciyay maamulka Jubbaland. Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu horeyntii Guddiga ku bogaadiyey howsha loo igmada ee xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%, midaasi oo qeyb ka heyd heshiiskii doorashada ee lagu gaaray magaalada Muqdisho. Rooble ayaa intii uu socday kulankaas waxa uu faray Guddiga Xaqiijinta Qoondada haweenka ee Goleyaasha BFS inay si dhow ula shaqeeyaan madaxda dowlad goboleedyada, si meesha looga saaro dhalleeceyn xiligan ka timaada doorashaa boobsiiska ah ee Goleyaasha labada aqalka, oo maamulkii u horeeyay uu qabanayo doorashada Aqalka Sare. Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaraha ku dardaarmay xubnaha guddiga inay wada-shaqeyn dhow la yeeshan Guddiyada doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo bulshada rayidka. Kulanka uu Rooble la yeeshay Guddigaan ayaa imanaya saacado un kadib markii uu Guddoomiyaha guddiga ay saluug ka muujisay in hal gabar oo kaliya ay kasoo dhex-muuqato musharaxiinta u tartamaya afarta kursi ee uu maamulka Jubbaland shaaciyey musharaxiintooda. “Hadda waxaa saluugeynaa soo saarista musharraxiinta waayo waxaan aragnay sideed musharraxiin oo lasoo saaray oo hal gabar oo kaliya ay ku jirto. Waxba kama qabno in hal gabar ay kasoo baxdo afarta kursi, afarta kalena ay hal gabar kasoo baxdo,” ayey tiri Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gaballe. Si kastaba, Ra’iisul wasaare Rooble ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii ay u qabsoomi lahaayeen doorashooyinka dalka, ayada oo cabasho kasta lagu xalinayo is-faham, wuxuuna walaacan imaanaya xilli haatan la guda-galayo doorashada Aqalka Sare, taasi oo ugu horeyn lagu qaban doonaa magaalada Kismaayo ee Jubbaland. The post ROOBLE oo kulan deg deg ah la qaatay guddigii ka hor-yimid liiska Axmed Madoobe appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed Kubad Cagyaraha oo magaalada Muqdisho kaga qeybgalay soo dhaweynta xidigaha Xulka Qaranka Minifootboolka ee ka soo laabtay Wadanka Nigeria ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka midyihiin horomarka iyo caqbadaha haysta Xiriirka Kubada Cagyaraha Soomaaliya. “Heesta Caalamka waxaa loo garaacaa Madaxweyanaha, safriika iyo ciyaaryahanada ,runtii xidigaha Xulka Qaranka Minifootboolka, waxay kor u qaadeen sharafteena waxaan lee nahay waad mahadsantihiin kun jeer” ayuu munaasabada ka sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Kubad Cagyaraha Soomaaliya Xaaji Aadan Cabdulle. Dhinaca kale Guddoomiye Xaaji Aadan Cabdulle wuxuu ka hadlay arimo badan oo ku aadan khilaafka la sheegay in uu ka dhaxeeyo Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya iyo Xiriirka Minifootboolka.` “Xiriirka Kubbadda Cagta iyo Xiriirka Kubad Cagyaraha waa labo xiriir oo mataano ah ma jiraan wax khilaaf oo ka dhaxeeya labad dhinac ,balse SOMFA waxay diyaar u tahay in ay xaliso wixii dhibaatooyinka jira” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyaha Xiriirka Kubad Cagyaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle. Guddoomiye Xaaji Aadan Cabdulle wuxuu u mahadceliyay cid kasta oo garab ku siiyay horomarinta iyo kor u qaadida Minifootboolka,isagoo bahada isboortiga ka codsaday in ay taaageeraan howlaha socd. “Albaabka Minifootboolka wuxuu u furanyahay cid kasta oo doonaysa horomarin Xiriirka Mininifootboolka Soomaaliya waa xiriir ay wada lee yihiin bulshada Soomaaliyeed” ayuu sheegay Guddoomiye Xaaji Aadan. Ugu danbeyntii Guddoomiyaha Xiriirk Kubad Cagyaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle wuxuu u mahadceliyay Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya kaalinta ay ka qaato waxqabadka iyo shaqooyinka socda ee Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya. “Aad iyo aad ay u mahadsanyihiin madaxda Wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya kaalinta ay ka qaataan daadajinta iyo garabsiinta madaxda SOMFA , waxaan lee nahay 100% waad mahadsantihiin” ayuu hadalkiisa ku soo gabagbayay Guddoomiyaha Xiriirka Kubad Cagyaraha Soomaaliya mudane Xaaji Adan Cabdulle oo ka hadlayay munaasabada soo dhaweyn ah oo magaalada Muqdisho loogu sameeyay xidigaha Xulka Qaranka Minifootboolka Soomaaliya oo dhawaan ka soo laabtay dalka Nigeria halkaas oo ay kag qeybgaleen tartanka Qaarada Afrika ee Minifootboolka. Daawo Khubada Guddoomiye Xaaji Oo Dhinacyo Badan Sidoo Kale Aqriso SOMFA Guddoomiye Xaaji Aadan “Waxaan Ku Shaqaynaa Khibrada Odayaasha Isboortiga Dalka” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Adds-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Gobolka Soomaalida Ethiopia Mustafa Muhumed Omer ayaa maanta sheegay in la xanibay waddo muhiim ah iyo qad tareen ganacsi oo halbowle ah, oo isku xira magaalada Addis Ababa iyo dekedda magaalada Jabuuti, waxaa sidaas qortay wakaaladda wararka Reuters. Waddadan ayaa ah midda la mariyo inta badan badeecadaha la gaarsiiyo 110-ka milyan ee qof ee ku nool dalka Ethiopia. Caasimada Online si madax-banaan uma xaqiijin karto xanibaadda la sheegay in lagu sameeyey waddada. Xafiiska ra’iisul wasaaraha Ethiopia iyo mas’uuliyiinta Jabuuti ayaan sidoo kale wax jawaab deg eg ah laga helin. Madaxweyne Mustafa Muhumed Omer ayaa sheegay in waddada iyo qadka tareenka ay xanibeen koox dhallinyaro ah oo ka dibad-baxaya weerar dhacay Sabtidii. Dowladdiisa ayaa sheegtay Talaaddii in maleeshiyo ka tirsan gobolka deriska la ah ee Cafarta ay weerareen magaalo ay degan yihiin Soomaali, oo ay bililiqeysteen, xilli uu dib usoo cusboonaday muran xuduudeed ka dhaxeeya labada dhinac. “Waxaan ka shaqeyneynaa inaan furno qadka tareen iyo waddada maanta,” ayuu madaxweyne Mustafa u sheegay Reuters oo uu farriin qoraal u diray. “Waxaan wada-xaajood kula jirnaa dhallinyarada iyo dadka,” ayuu ku daray. REUTERS + VOA The post Koox xanibtay waddada isku xirta Jabuuti iyo Addis-Ababa appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Mareykan ayaa siineysa ku dhawaad $199 million oo gargaar bini’aadannimo oo dheeri ah dadka Soomaaliyeed kuwaasoo muddo tobannaan sano ah wajahayey cunno xumo, rabshado, abaaro iyo daadad una sii dheer yihiin saameynta anyaxa iyo cudurka saf-marka ah ee Covid19. Lacagtaan dheeriga ah ee Dowladda Mareykan ka imaaneysa ayaa la sii marsiin doonaa hay’adda caalamiga ah ee horumarin ee dalka Mareykanka (USAID) iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka waxaana gargaargan bini’aadannimo ee Dowladda Mareykan oo loogu talogalay dadka Soomaaliyeed islamarkaana noqonaysa $408 million ee qiimeynta la sameeyey sannadkan 2021. Kaalmadan ayaa caawin doonta ku dhawaad lix million oo Soomaali ah kuwaasoo u baahan gargaar bini’aadannimo, waxaana dadkaas ka mid ah saddex million oo ah dad ku barakacay gudaha dalka sidoo kale ku dhawaan 500,000 oo dad Soomaaliyeed ah kuwaasoo qoxooti ku ah xeryo ku yaalla dalalka Djibouti, Ethiopia iyo Kenya. Lacagtan kaalmadaha ah ee Mareykanku bixinayo ayaa gacan ka geysan doonta cunnada sida degdegga ah loogu baahan yahay, nafaqada, biyaha nadiifka ah, nadaafadda, hooyga, badqabka, waxbarashada iyo caafimaadka, sidoo kale saadka iyo taageere kale oo haddii xaaladdu ka darto wax looga qabto sida goobaha dagaalladu ka dhacaan. “Dowladda Mareykan ayaa ah deeq bixiyaha ugu weyn ee kaalmada bini’aadannimo ee la gaarsiiyo Soomaaliya iyo dadka qaxootiga Soomaaliyeed ah ee gobolka jooga waxaana soo dhaweyneynaa dadaallada ay waddo Qaramada Midoobay oo lagu iftiiminayo dhibaatada haysata dadka Soomaaliyeed. Waxaan ka walaacsan nahay baahida bini’aadannimo ee sii kordheysa waxaana ku boorrineynaa deeq bixiyeyaasha inay garab istaagaan beesha caalamka oo ay bixiyaan taageerada loo baahan yahay si naf loo badbaadiyo,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Dowladda Mareykan. Source: goobjoog.com
-
Waddada isku xidha Jabuuti & Addis-Ababa oo la xanibay Addis Ababa–Djibouti Railway Madaxweynaha Gobolka Soomaalida Ethiopia Mustafa Muhumed Omer ayaa maanta sheegay in la xanibay waddo muhiim ah iyo qad tareen ganacsi oo halbowle ah, oo isku xira magaalada Addis Ababa iyo dekedda magaalada Jabuuti, waxaa sidaas qortay wakaaladda wararka Reuters. Waddadan ayaa ah midda la mariyo inta badan badeecadaha la gaarsiiyo 110-ka milyan ee qof ee ku nool dalka Ethiopia. VOA si madax-banaan uma xaqiijin karto xanibaadda la sheegay in lagu sameeyey waddada. Xafiiska ra’iisul wasaaraha Ethiopia iyo mas’uuliyiinta Jabuuti ayaan sidoo kale wax jawaab deg eg ah laga helin. Madaxweyne Mustafa Muhumed Omer ayaa sheegay in waddada iyo qadka tareenka ay xanibeen koox dhallinyaro ah oo ka dibad-baxaya weerar dhacay Sabtidii. Dowladdiisa ayaa sheegtay Talaaddii in maleeshiyo ka tirsan gobolka deriska la ah ee Cafarta ay weerareen magaalo ay degan yihiin Soomaali, oo ay bililiqeysteen, xilli uu dib usoo cusboonaday muran xuduudeed ka dhaxeeya labada dhinac. “Waxaan ka shaqeyneynaa inaan furno qadka tareen iyo waddada maanta,” ayuu madaxweyne Mustafa u sheegay Reuters oo uu farriin qoraal u diray. “Waxaan wada-xaajood kula jirnaa dhallinyarada iyo dadka,” ayuu ku daray. Qaran News
-
8 Masaajid ee Qadiimiya oo Qaramada Midoobay ku baaqday in la ilaaliyo+Halkay ku yaalaan r Mid ka mid ah misaajidadan ay UNESCO aqoonsatay goob dhaqan ahaan muhiim ah Siddeed misaajid oo ku yaalla waqooyiga dalka Ivory Coast, ayay hay’adda Qaramada Midoobey ee tacliinta hiddaha iyo dhaqanka ee Unesco u aqoonsatay in ay yihiin misaajidu qadiimi ah oo ay tahay in si gaar ah loo dhowro. Masaajidadan ayaa loo aqoonsaday in ay ka mid yihiin goobaha dhaxal-reebka adduunka. Misaajidadan ayaa la rumeysa yahay in la dhisay xilligii boqortooyadii Mali 7 qarni ka hor. Dhismooyiinkan ” ayaa ah astaan muhiim ah oo muujinaysa ganacsiyadii ka socday dhulka saxaaraha, ayaa lagu yiri qoraal ay soo saaray hay’adda dhaqanka ee Unesco. Misaajidadan ayaa ku yaalla magaalooyiinka Tengréla, Kouto, Sorobango, Samatiguila, M’Bengué, Kong iyo Kaouara. Misaajidadan ayaa ah sida ay sheegtay hay’adda “20 misaajid oo si wayn loo ilaaliyay oo ku yaalla dalka Ivory Coast,. Hay’adda Unesco ayaa intaa ku dartay in boqollaal misaajid ay ku yaalaan halkaasi kuwaasi oo jiray tan iyo horraantii qarnigii tagay. Aqoonsigan ay hay’adda aqoonsatay masaajidadan qadiimigaah ah ayaa waxay ka dhigan tahay in ay yeelan doonaan qiimo dhanka dhaqanka ah islamarka si gaar ah loo ilaalin dono. Hay’adda Qarmada midow ee taclinta hiddaha iyo dhaqanka ayaa waxaa ay si gaar ah mar walba isha ugu haysaa aasaarta qadiimiga ah ee dhaqan iyo hiiddo ee ay tahay in la ilaaliyo. Guddiga hay’adda Qarmada midow ee taclinta hiddaha iyo dhaqanka ayaa soo saaray liiska misaajidadan ku yaala dalka Ivory Coast. 8 misaajid ee ay hay’adu aqonsatay ayaa qeyb ka ahaa liiska 13 goobood oo dhaqan ahaan qadiimi ah. Goobaha liiska ku jira ayaa ku kala yaala Afrika, eeshiya, dalalka Carabta, Latin Amerika iyo Yurub. Jomon Era archeological sites oo ah goob ku taalla waqooyiga Japan ayaa ka mdi ah goobaha loo aqoonsaday in dhaqan ahaan ay muhiimad gaar ah leeyihiin. 4 ka mid ah liiska goobaha dhaqan ahaanka muhiimka ah ee ay soo saartay hay’adda Unesco ayaa waxay ku yaalaan Latin America. Qaran News
-
Faahfaahin ku saabsan dagaalka Soomaalida iyo Canfarta Ugu yaraan 40 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay colaadda maalmihii u dambeeyay ka socotay deegaanka Garba Ciise, sida ay sheegayaan wararka laga helayo aaggaas. Sidoo kale weerarka waxaa ku dhaawacmay tiro dad ah. Shaley ayay aheyd markii halkaas uu dib uga qarxay dagaal qaraar oo u dhaxeeyay Soomaalida iyo Canfarta. Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa dhawaan sheegtay inay difaaci doonaan dadka Soomaalida ah ee deggan aagga Garba Ciise iyo deegaannada ku xeeran. Arrintan ayaa imaanaysaa kaddib dagaal Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay aaggaasi oo la sheegay inay ku dhinteen Soomaali badan kaddib markii ay weerrar kula wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka deegaanka Canfarta. TPLF: Ma jirto cid na hor istaagi karo xitaa roobka Afahayeenka fallaagada TPLFee la dagaallanta waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in ciidamadooda ay kusii siqayaan jiha kasta isla markaana aysan jirin cid hor istaagi karta xitaa roobka. “Ciidamadeena waxay kusii siqayaan jiha kasta, ma jirto cid na hor joogsan karto xitaa roobka” ayuu yiri Getachew Reda farriin uu soo dhigay Twitter-ka. #AbiyAhmed's lieutenant #AgegnehuTeshager is not going to commit suicide because of Raya and Welqait and even #Gondar falling in our hands. He is calling on "the nations, nationalities & peoples" of Ethiopia to rally against, not our forces, but against the people of Tigray. — Getachew K Reda (@reda_getachew) July 27, 2021 Waxaana Itoobiya ka socdaa abaabul ka dhan ah TPLF xilli uu dagaalka ka socda waqooyiga dalkaas. Qaramada Midoobey waxay ku baaqday in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo shacabka ku nool Tigray. Waxa ay arrintan daba socotaa digniin dhawaan soo baxday oo ah in 400 oo kun oo qof oo ku nool gobolka Tigray ay wajahayaan xaalad macluul ah oo halis ah, kaddib muddo 9 bilood ah uu dagaal halkaasi ka socday. Halkee ayuu ku wajahan yahay dagaalka ka socda Tigray? Su’aasha lais weydinaya waxay tahay goormaa xal nabadeed loo heli doonaa dagaalka Tigray? Muddo 9 bilood ah ayaa laga jooga tan iyo markii ay dagaallada ka bilowdeen gobolkaas. Dagaalka wuxuu ku bilowday markii dowladda ay qaaday howlgal ay ku tilmaantay dib usoo celinta kala dambeynta kaas oo isu baddalay dagaal xooggan oo lala galay fallaagada TPLF. Labada dhinaca guulo ayay sheegayaan xilli ay u muuqato in dagaalka uu sii baahayo. “Dagaalyahanada TPLF waxay sheegeen inay gaari doonaan Addis Ababa halka dowladda ay sheegtay inay ciribtiri doonto TPLF” ayuu yiri weriyaha BBC ee Addis Ababa Kalkidan Yibeltal. Waxaa jirtaa cabsi ah in dagaalka uu ku baaho gobollada kale ee deriska ah. Itoobiya waxaa haatan ka socdaa abaabul iyo ciidan urursi ay wadaan maamulada kaas oo ka dhan ah TPLF. “Waxaan hadda aragnaa abaabulka ciidan ay wadaan maamulada, TPLF waxay horraan sheegtay in weeraro ay ku qaadeen gobollada Amxaarada iyo Canfarta” ayuu yiri Yibeltal. Qaran News
-
The family of the late Yusuf Hassan of Mombasa County is among Kenyan Muslims who have buried their relatives without conducting a postmortem examination to reveal the cause of their loved one’s death. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland, Axmed Siciid Awnuur ayaa maanta dhaliil u jeediyay shir ku saabsan horumarinta Waxbarashada Puntland oo ka socda magaalada Garoowe. Ex- wasiir Axmed Siciid Awnuur, ayaa shirka ku tilmaamay mid wakhti lumis ah oo aysan ka muuqan in uu wax ku soo kordhin karo horumarinta hannaanka Waxbarashada Puntland. Sidoo kale, wuxu xukuumadda madaxweyne Deni ku dhaliilay in laga la’yahay qoondadii miisaaniyadda Waxbarashada, islamarkaana aysan wax la taaban karo ka qaban arrimaha Waxbarashada. Axmed Siciid Awnuur ayaa sidoo kale talooyin u soo jeediyay Shirka, isagoo ku boorriyay in ay ajandaha lagu daro maalgelinta waxbarashada. Halkaan ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Ex. Wasiir Axmed Siciid Nuur oo dhaliilo u jeediyay Shir ka socda Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
The African Union Mission in Somalia, AMISOM, has handed over a new police station constructed to bolster security at Shati Gaduud Airport Baidoa, in the Southwest State of Somalia. Source: Hiiraan Online
-
The two nations have a long and proud history of military cooperation, working together on land, sea and air to find shared solutions to their shared challenges. Kenya and the UK have signed a new five-year Defence Cooperation Agreement in a side event during President Kenyatta’s three-day Guest of Government visit to the UK. The Cabinet Secretary for Defence, Dr Monica Juma, and her UK counterpart, Defence Secretary Ben Wallace, signed the new DCA in Last night (27 July) at the Ministry of Defence offices in London. This agreement will anchor the defence priorities between the two nations over the next five years. Our two nations have a long and proud history of military cooperation, working together on land, sea and air to find shared solutions to our shared challenges, including countering the threat from terrorists groups like Al-Shabaab. The signing of the DCA comes six months after the two defence secretaries met in Nairobi, agreeing a refreshed Security Compact to deepen wider stability and security cooperation, part of the Kenya-UK strategic partnership. The new DCA, once ratified by the Kenyan and UK Parliaments, will allow our militaries to share expertise, experience and techniques, making both forces more effective. Speaking at the signing event, the UK’s Defence Secretary, Rt Hon Ben Wallace, said: “It was great to meet Dr Monica Juma again today. We held very fruitful discussions and agreed a range of measures to keep both of our countries safer.” “Kenya has long been our defence partner of choice in East Africa and, in a more uncertain world, we will continue to stand shoulder-to-shoulder as we tackle the threats of tomorrow.” Kenya’s Cabinet Secretary for Defence, Dr Monica Juma, said: “Today, Rt Hon Ben Wallace and I reaffirmed our commitment to continue deepening the defence cooperation between our two nations.” “The framework underpinning this strategic relationship is the Defence Cooperation Agreement which has become an invaluable tool for enhancing the competencies of our defence forces. Overall our cooperation continues to significantly improve the ability of our forces to operate effectively in high-threat environments.” The current DCA has had many successes over the past five years of military cooperation. Under the agreement, the UK has provided an annual training of over 1100 KDF soldiers, with courses in the UK, or with UK military training teams in Kenya. Further training has also been provided through the UK-funded Counter-IED Wing at the Humanitarian Peace Support School (HPSS) in Embakasi. Since its opening in 2016, over 2,000 military and police from 22 countries have been trained in CIED skills and 40 CIED instructors developed, significantly improving the ability of African Union (AU) forces to operate effectively in high-threat environments, including against Al Shabaab. The UK has also provided extensive support to infrastructure projects at the KDF’s School of Infantry, which include an urban village, a Forward Operating Base (FOB), and an assault course, all which prepare more than 600 KDF personnel for deployment in the African Union Mission in Somalia (AMISOM). The UK has been supporting AMISOM Troop Contributing Countries since 2010, through the Short Term Training Teams (STTTs) from the British Army, which costs KES43M annually. The presence of the British Army Training Unit Kenya (BATUK) has had significant benefits for the local economy and community. It has contributed over KES 5.8 billion to the economies of Laikipia, Samburu and Isiolo. More than 550 local staff have maintained their jobs even during the harshest economic times brought in by the COVID-19 pandemic. Meanwhile, our community engagement projects have not only improved education, health an environmental protection, but have pivoted support towards COVID containment. At the onset of the pandemic, BATUK provided 443,000 litres of water across the three counties and also helped in food distribution. Last month (June 2021), we handed over a multipurpose training facility to the Kenyan Navy with firefighting equipment alongside the Danish government. The facility will also be available to other maritime agencies to conduct their firefighting and sea survival training, which is essential for deployment at sea. This will go a long way in helping the Kenyan Navy progress towards becoming a centre of excellence in maritime safety. Notes to Editors The five-year Defence Cooperation Agreement will come into force once it has been ratified by both the UK and Kenya’s respective Parliaments. Some of the highlights of our support to Kenya’s defence are: Investment: KES 1.165 billion – annual UK investment in the defence partnership with Kenya; Land: 1,100 Kenyan soldiers trained by the UK every year, preparing for deployment to Somalia; Sea: Training for Kenyan Navy on maritime security, safety and firefighting; Air: Assurance visits, professional training and exchange of experience and expertise; Community: Projects on sanitation, health, education, and tackling GBV – worth KES 28 million; Economy: BATUK employs 550 local civilians, and has contributed KES 5.8 billion to the local economy since 2016. Source: GOV. UK The post Kenya and UK sign Defence Cooperation Agreement to tackle shared threats across East Africa appeared first on Puntland Post.