Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Gabadh iyadoo 13 jira Hadiyad “Abaalmarin” ahaan loo siiyey Nin aaney garaneyn,Maxaase dhacay! 13 jir anigoo ah ayaa la igu daray nin aanan garaneynin Caasha Ake waa gabar hadda 26 jir ah oo xaas soo ahayd muddo 13 sano ah. Waxa ay sheegtay in iyadoo 13 jir ah loo aroosiyay nin abaalmarin ahaan looga dhigayay, oo iyadu ay hadiyad ahayd. Guud ahaan waqtigii guurkeeda waxay arrintu la ahayd riyo keliya, sababtoo ah ma aysan ogeyn sida ay wax u dhacayeen. Waxa ay kasoo jeeddaa mid ka mid ah bulshooyinka oggolaada in gabdhaha lagu guursado da’ aad u yar. Guurka carruurta sharci darro ayuu ka yahay dalka Kenya. “Waa la i guursaday. Maadaama aan ahaa carruur, xitaa ma aanan fahansaneyn waxa ninkeyga uu u baahan yahay, sidoo kalena ma garaneynin mas’uuliyadda qoyska, run ahaantiina, ilmo ahaan ka ahaa ninkeyga dhankiisa,” ayay tidhi Caasha. Qaabkee loo guursaday iyadoo gabadh yar ah? Caasha, oo dhalasho ahaan kasoo jeedda magaalada Moyale ee waqooyi-bari Kenya, waxa ay sheegtay inay ku soo kortay Guriga eeddadeed oo uu aabbeheed qabay, taasoo loo geeyay iyadoo 2 sano jir ah. “Markii aan gaaray fasalka shanaad, oo aan qorsheynayo inaan usii gudbo fasalka lixaad, ayaan ka war helay arrinta oo dhan. Xilligaas ayaan gartay in aan xiriir xun la lahaa xaaska aabbeheey, sidaas darteed waan awoodi waayay inaan si fool ka fool ah ula hadlo iyada aana kala sheekeysto arrimaha i dhibayay,” ayay tiri Caasha oo dib u xasuusaneysa marxaladdaas. Waxaa lagu khasbay in ay u safarto ilaa magaalada Moyale, inkastoo aabbeheed uu kasoo horjeeday in lagu guursado da’ yar Haweeneydan waxay BBC-da u sheegtay in markii ay halkaas xaaladdu mareysay ay soo wacday aayadeed ayna u sheegtay inuu jiro nin guurkeeda daneynaya. “Waad xasuusataa dadkii nasoo booqanayay, iyo ninkii dhallinyarada ahaa ee la socday, waxay sheegeen inay ku soo doonayaan si uu wiilka kuu guursado,” hadalkaas ayay tiri haweeneydii uu aabbeheed qabay ee soo korsatay. “Aad baan u argagaxay, mana garaneynin wax aan sameeyo, sidaas darteedna kama soo horjeedsan karin, su’aalna ma keeni karin. Waan iska aamusay anigoo wadnaheyga uu aad u garaacmayo.” Waxay ahayd intii u dhaxeysay 2006 ilaa 2007, nolosheediina waxay durbadiiba gashay isbaddal, maadaama ay aqal gashay iyadoo 13 sano kaliya jirta. Waqtigaasoo dhan Caasha waxay sheegtay in aabeheed uu ku sugnaa magaalada caasimadda ah ee Nairobi. Waxaa lagu khasbay in ay u safarto Moyale, inkastoo loo sheegayay in aabeheed uu kasoo horjeeday in la guuriyo iyadoo sidaas u da’ yar. Hase yeeshee, soddohdeed ayaa qoyska u ballan qaadday inay xaqiijin doono in gabadhu ay dhammeysato waxbarashadeeda, nolol fiicanna ay ku noolaan doonto. Xushmadda ka dhaxeysay labada qoys awgeed, Caasha waxaa loo guursaday si rasmi ah. Arrinta layaabka leh waxay ahayd in gabadha yar aysan wax aqoon ah u lahayn ninka ay xaaska u noqoneyso, sababtoo ah bulshadooda dhexdeeda caadi ayay ka ahayd in haweeney uu guursado nin aysan garaneynin. Howshii arooska “Sanadkii 2006, waxaan isku diyaarinayay inaan dhammeeyo fasalka toddobaad ee dugsiga dhexe si aan ugu biiro fasalka siddeedaad oo marka aan ka baxo ay ii dhammaan lahayd waxbarashada aasaasiga ah.” Waxay ahayd hal isbuuc ka hor inta uusan dhicin arooska markii gabadha loo qaaday meel ay bulshadeeda hablaha u geeyaan si loogu diyaariyo arooska. Laakiin waxyaabahaasoo dhan Caasha waxay ku ahaayeen layaab. Maadaama ay caado tahay in gabdhaha arooska galaya ay guriga joogaan maalmo ka hor xafladda guurka, gabadhan waxay sheegtay in muddadaasoo dhan lagu hayay meel ay ku xayirneyd. Maalmihii ka horreeyay arooska, Caasha waxaa lagu hayay meel ay ku xayirneyd Ma aysan arki karin saaxiibbadeed, kuwii ay u suurtagashay in ay arkaanna waxay ka salaamayeen daaqadda oo kaliya. Waxay arrintaas ku micneysay in looga gol lahaa si aysan ula kulmin dad ka dhaadhicin kara in ay arooskaas diiddo. Isbuucaas waxa uu u ahaa mid murugo badan, sida ay u shegtay BBC-da. Toddobo maalmood kaddib waa la guursaday waxaana loo wareejiyay magaalada Marsabit, oo dhowr kiiloomitir u jirta magaalada Moyale oo ay ku nooleyd arooska ka hor. “Waxaa la i aqal geeyay anigoo 13 jir ah, ninkeyguna sidoo kale wuu yaraa, sababtoo ah markaas unbuu soo dhammeeyay fasalka afaraad ee Dugsiga Sare, sidaasna waxaa ku ahaa hadiyaddiisa abaal marinta loogu siinayay inuu dhammeeyay iskuulka,” ayay tiri. Ninka loo guuriyay Caasha laftiisa waxa uu ahaa wiil yar oo markaas dhammeeyay dugsiga sare Sida ay Caasha sheegtay, ninkeeda waxa uu iyada guursaday ka hor inta uusan helin natiijada imtixaanka Dugsiga Sare. Habeenkii ugu horreeyay ee Aqal Galka Maadaama aysan is aqoonin labadoodaba, way adkeyd inay gogol wadaagaan. “Waxaan gaaray heer aanan waxba kala garaneynin, waxba kama aqoonin arrinta socotay, waan iska oynayay mar walba, xitaa haddii aan baahanahay ama musqul rabo ma sheegi karin, waayo waan argagaxsanaa.” Caasha waxay sheegtay in aysan aaminsaneyn inay noqotay qof xaaskiis, iyadoo intaas ku dartay inay dareentay sidii in qoyskeeda ay u wareejiyeen reer kale oo koriya. Wax kasta waxaa sameyn jiray ninkeeda hooyadiis, sida cunto karinta, nadaafadda iyo waxyaabaha la midka ah. “Xitaa ma aanan aqoonin sida wax loo kariyo, laga yaabaa inaan shaah ama qaxwo karin karo, balse wax kale ma aqoonin, waligey kuma fikirin inaan isku diyaariyo xaasnimo,” ayay tiri Caasha. Dhowr bilood kaddib arooska, gabadhii yareyd waxay yeelatay uur. Markii la gaaray xilliga dhalmadana, Caasha si caadi ah uma aysan dhali karin, waxaana lagu khasbanaaday in la qalo. Intii uu socday qalliinka, waxay gashay miyil beel ay ku jirtay 10 maalmood. Nasiib darro, cunuggii ay dhashay wuxuu dhintay saacado yar kaddib. Asha says that her husband joined the university and began to have different unusual dynamics “Markii aan soo miyirsaday, waxaan arkay dad igu hareereysan, waan naxay, waxaana weydiiyay meesha cunugeyga la geeyay, balse waxay ii sheegeen inuu i macsalaameeyay cunugii, waan ooyay, mana aqoonin wax aan sameeyo,” ayay tiri iyadoo sharraxeysay marxaladdaas. Dhowr maalmood kaddib, Caasha waxaa lagu celiyay guriga, si looga baxnaaniyo dhaawicii qalliinka. Hase yeeshee nolosheeda waxay isbaddal billowday saddex sano kaddib. 2009-kii waxay yeelatay uur kale, wayna dhashay. Muddadii ay guriga joogtay oo dhan ma aysan rumeysneyn in ay tahay nin xaaskiis, shaqada oo dhanna waxaa qaban jiray soddoggeed iyo soddohdeed. Iyada iyo ninkeeda waxyaabo badan ayay isku khilaafi jireen, maadaama labadoodaba ay maskaxdooda ahayn mid aan qaangaar ahayn. Qaran News
  2. Washington (Caasimada Online) – Safiirkii hore ee Maraykanka ee Soomaaliya Mr. Stephen M. Schwartz, ayaa ka hadlay dariiqa Somaliland u mari karto aqoonsi buuxa oo ay ka hesho Beesha Caalamka, iyo caqabadaha hadda haysta.. Mr. Stephen M. Schwartz oo Waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya siiyey warbaahinta Somaliland Chronicle, ayaa sheegay in Somaliland Muddadii 30-ka sano ahayd ee u dambeeyay qabsatay shaqooyin waaweyn, kuwaasi oo loo baahan yahay inay sii waddo. Diblumaasigan ayaa ka warramay xidhiidhkii uu Madaxda Somaliland la lahaa xilligii Maraykanka u fadhiyey Magaalada Muqdisho iyo shaqooyin dhex maray, waxaanu yidhi “Somaliland waxay qabatay shaqo aad u weyn, maalgelin iyo joogtaynta dhammaan hawlaha dawladda. Sidaas darteed, qof kasta oo doonaya in uu ganacsi la sameeyo Somaliland waa in uu la macaamilaa maamulkeeda iyo awoodeeda.” Ambassador Stephen M. Schwartz wuxuu sheegay oo kale “Intii aan xilka hayey, aniga iyo shaqaalaha safaaradda waxaan si wanaagsan uga wada shaqaynnay madaxda Somaliland arrimo badan. Waxaan la macaamilnay mas’uuliyiinta iyo hay’ado lahaa awood wax ku ool ah oo xakameeya xaaladaha aan ka shaqaynay. Waxaan xusuustaa hal arrin oo muhiim ah oo ku lug leh caawinta muwaadiniinta Maraykanka ah ee ku nool Somaliland taas oo tiro ka mid ah saraakiisha Somaliland ay bixiyeen kaalmo muhiim ah,” ayuu yidhi. Waxa uu intaa ku daray oo uu ka hadlay sida uu u arko in Somaliland ku heli karto Ictiraaf Caalamo ah “Su’aasha ah in madax-bannaanida Somaliland uu caalamku aqoonsado, ayaa sida cad mudnaanta koowaad u ahayd mas’uuliyiinta Somaliland muddo 30 sano ah. Aragtidayda, oo aan la wadaagay madaxda sare ee Somaliland, ayaa ah in sida ugu wanaagsan ee yoolkooda loo fulin karo ay tahay heshiis wada-hadal oo lala galo dawladda Soomaaliya.” Mr. Schwartz oo hadalkiisa sii wata ayaa bixiyey Tusaaleyaal arrintaa la xidhiidha “Dhammaan dawladaha cusub ee kuraasida ka helay Qaramada Midoobay, go’aaminta ugu dambaysa ee aqoonsigooda caalamiga ah, waxay ku heleen oggolaanshaha dawladihii hore ee ay ka tirsanaayeen. Tusaaleyaashii ugu dambeeyay waa Itoobiya oo ogolaatay madaxbannaanida Eritrea, Suudaan waxay ogolaatay madax-bannaanida Koonfurta Suudaan, Indonesia waxay oggolaatay madax-bannaanida Timor Leste, Serbia waxay oggolaatay madax-bannaanida Montenegro. Taas bedelkeeda, Serbia ma oggolaan ku dhawaaqistii Kosovo ee madax-bannaanida in kasta oo ay aqoonsadeen ku dhawaad ??100 dal, Kosovo ma fadhiyo Qaramada Midoobay ee waxay la halgameysaa sidii ay u gaadhi lahayd madaxbannaani buuxda, sidaa darteed Haddii wada xaajoodyada lala yeelanayo mas’uuliyiinta Muqdisho ay horseedaan madaxbannaani, waxa aan dhici karin ayaa ah in Muqdisho ay sii dheerayso go’aaminta maqaamka Somaliland, iyada oo diidan inay gasho wada xaajood dhab ah.” Ugu dambayn, Diblumaasigan Ameerikaanka ah oo la waydiiyey wuxuu kula talinayo Somaliland, si ay yoolkeeda u gaadho, ayaa ku jawaabay “Waxaan u malaynayaa in waxa ugu wanaagsan ee Somaliland samayn karto si ay ula falgasho adduunka uu yahay inay sii waddo hagaajinta arrimaheed gudaha. Dhisidda dawlad leh nabadgelyo iyo ku-dhaqanka sharciga, dhaqaale xoog leh oo koraya, dad caafimaad qaba oo waxbartay, iyo kaabayaal wax-soo-saar leh, kaasi ayaa u noqon lahaa adeeg weyn dadka reer Somaliland. Waxay sidoo kale soo jiidan doontaa ganacsiyada dowladaha ka baxsan (Maalgeshiga)…” ayuu yidhi. Waxa uu intaa sii raaciyey in Somaliland ay Maraykanka ku leedahay martabad weyn “Somaliland waxay ku leedahay matalaad aad u karti badan Maraykanka, taana waxaa sii xoojin kara booqashooyin heer sare ah oo marmar ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha labada dawladood.” Isha: Wargeyska Geeska The post Safiirkii hore ee Mareykanka ee Soomaaliya oo shaaciyey hab ay Somaliland ku heli karto aqoonsi caalami ah appeared first on Caasimada Online.
  3. Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa caawa yeeshay kulan ku qabsoomay qadka Zoomka, iyadoo shirkan looga hadlay dardar gelinta doorashooyinka, sida dhameystirka doorashada Aqalka Sare iyo qabashada doorashada Golaha Shacabka. Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga doorashada heer Federaal, oo golaha uga warbixiyay hawlaha doorashada aqalka sare, iyo tallaaboyinka lagamaarmaanka u ah in la bilaabo doorashada Golaha shacabka. Ugu dambeyn ilo ku dhow dhow shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kuwaramaya in la isku soo hadal qaaday in shir Fool kafool ah ay isugu yimaadaan, balse lama go’aamin waqtiga rasmiga ah uu qabsoomi doono shirkaasi. GOOBJOOH NEWS. Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xog sugan ku heshay Caasimada Online, guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Filish” ayaa soo iibsaday laba gaari oo nuuca dagaalka ah. Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in Cumar Filish uu soo iibsaday hub culus oo u badan BKM iyo Sabano lamana oga sababta ka dambeysa arrintaan, balse waxaa Muqdisho muddooyinkaan ka jira hadal sheegeysa in uu socdo qorshe xilka looga qaadayo guddoomiyaha Gobalka Banaadir. Sidoo kale arrintaan ayaa ku soo aaday iyadoo ay magaalada Muqdisho maalmahaan wajaheyso xiisad siyaasadeed culus oo ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil, kaasoo sababay masuuliyiinta dowladda u kala qeybsamaan qaar la safan Farmaajo iyo qaar lasafan Rooble. Dhamaan xubnaha maamulka gobalka ayaa toos ugu xiran Villa Somalia, waxaana jira warar sheegaya in Cumar Filish uu qeyb ka yahay shaqsiyaadka diidan go’aanada uu qaatay ra’iisul wasaare Rooble. Ma cadda, haddii Rooble uu awood u leeyahay inuu xilka ka qaado Filish, hase yeeshee xilal qaadis uu horey ugu sameeyey xubno ku dhowaa Farmaajo ayaa hir-galay sida Fahad Yaasiin iyo Xasan Xundubey. Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa muddo 2 sano iyo 50 cesho ku magacaaban maamulka gobalka, waxaana lagu eedeeyaa maamul xumo, nadaafad darro gobalka ah iyo musuq-maasuq badan. The post Xog: Maxay tahay sababta Cumar Filish uu xilligan usoo gatay hub iyo gaadiid dagaal? appeared first on Caasimada Online.
  5. Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa caawa shir ku yeeshay habka fogaan aragga ee internet-ka, kaas oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa guddoomiyay shirka madaxda federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxaana kaloo ka qeybgalay guddoomiyaha guddiga maamulka doorashooyinka heer federaal. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in shirka diiradda lagu saaray sidii loo bilaabi lahaa doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka, iyadoo la tix raacayo jadwalkii doorashooyinka. Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in guddoomiyaha guddiga maamulka doorashooyinka heer federaal uu warbixin ku saabsan howlaha guddiga la wadaagay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran. Shirkan ayaa yimid, iyadoo uu maalmo ka hor baaqday shirka ay Garowe ku yeelan la haayeen madaxda dowlad goboleedyada oo looga hadli lahaa arrimaha doorashooyinka. PUNTLAND POST The post Golaha Wadatashiga Qaran oo shiray appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Shir u dhaxeeyay Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa caawa ku qabsoomay qadka Zoomka, kaas oo looga hadlay dardar gelinta doorashooyinka dalka. Sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha shirkaas waxaa caawa diiradda lagu saaray dhameystirka doorashada Aqalka Sare iyo qabashada doorashada Golaha Shacabka. Sidoo kale waxaa warbixin looga dhageystay guddoomiyaha guddiga doorashada heer federaal Maxamed Xasan Cirro oo shirka ka qeyb galay. Ilo ku dhow dhow shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa sheegaya in la isku soo hadal qaaday in goluhu shir isugu yimaado, balse lama go’aamin waqtiga rasmiga ah uu qabsoomi doono shirkaas. Shirkaan ay caawa yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa ku soo aadaya, iyadoo la baajiyey shir kale oo madaxda dowlad goboleedyada ay horay u iclaamiyeen in Talaaladii shalay lagu qabto magaalada Garowe. Sida aan xogta ku helnay qabsoomidda shirkaas ayaa gabi ahaanba meesha laga saaray, kadib markii uu dhibsaday Ra’iisul Wasaare Rooble oo ah shir guddoonka golahaan wadatashiga qaran ee go’aamiya habsami u socodka doorashada Soomaaliya. The post Maxaa looga hadlay shirkii caawa ay yeesheen Rooble iyo madax goboleedyada? appeared first on Caasimada Online.
  7. Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah oo xalay ka dhacay tuulo lagu magacaabo Ambareyso oo 5 KM u jirta Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed. Qaraxa ayaa waxaa lagu aasay oo uu ka dhacay xero ay degan yihiin Rag Macwiisley ah oo ku dhow Saldhiga weyn ee Ciidamada AMISOM ee Baraawe, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawacyo oo gaaray Askar Ciidan. Guddoomiyihii hore ee degmada Baraawe Aadan Cumar Madoobe ahna isku duwaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen 7 Askari oo ku sugnaa meel ku dhow xerada Macwiisleyda. Sidoo kale Aadan Cumar ayaa tilmaamay in marnaba aysan niyad jebin doonin weerarada iyo qaraxyada miino ee dagaalamayaasha Al-shabaab la eegtaan Ciidankooda, wuxuuna sheegay inay la dagaalami doonaa, waa sida uu hadalka u dhigay. PUNTLAND POST The post Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.
  8. Somalia has hosted its first movie screening in 30 years under heavy security as the conflict-ravaged country hopes for a cultural renewal. Source: Hiiraan Online
  9. Mogadishu (HOL) - Former National Intelligence and Security Agency (NISA) director, Fahad Yassin, arrived in Somalia on Tuesday and immediately met with some of the country's top leaders and army commanders. Source: Hiiraan Online
  10. Faransiiska iyo Mareykanka ayaa dadaal u galay sidii loo soo afjari lahaa khilaaf soo billowday todobaadkii hore,ka dib markii dalalka Mareykanka,Ingiriiska iyo Australiya ay ku dhawaaqeen heshiis difaac oo khuseeya dalalkaasi. Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Faransiiska ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ku saabsan heshiiskaasi la gaaray,ka dib kolkii maalinimadii shalay ay ku wada sheekeysteen khadka taleefanka. Joe Biden iyo Emmanuel Macron ayaa la filayaa in dhammaadka bisha soo socota ay ku kulmaan Yurub. Faransiiska ayaa ka carooday heshiis dhexmaray dalalka Mareykanka,Ingiriiska iyo Australia ,kaas oo la xiriira in lacago gaaray $ 37-bilyan oo doolar dalka Australia loogu dhiso gujisyada mara baddaha hoostooda ee ku shaqeeya quwadda Niyuklerka. PUNTLAND POST The post Faransiiska iyo Mareykanka oo ka hadlay xalka khilaaf cusub oo u dhaxeeya appeared first on Puntland Post.
  11. Somalia was due to host its first screening of a movie in three decades on Wednesday under heavy security, as the conflict-ravaged country hopes for a cultural renewal. Built by Chinese engineers as a gift from Mao Zedong in 1967, the National Theatre of Somalia’s history reflects the tumultuous journey of the Horn of Africa nation. It has been targeted by suicide bombers and used as a base by warlords. And it has never screened a Somali film. Until now. “This is going to be a historic night for the Somali people, it shows how hopes have been revived… after so many years of challenges,” said theatre director Abdikadir Abdi Yusuf. “It’s a platform that provides an opportunity to… Somali songwriters, storytellers, movie directors and actors to present their talent openly.” The stage was set for the evening screening of two short films helmed by Somali director IBrahim CM — “Hoos” and “Date from Hell” — with tickets on sale for $10 (8.50 euros) each, an expensive price for many. Although Mogadishu was home to many cinema halls during its cultural heyday, with the national theatre also hosting live concerts and plays, the seaside capital fell silent after civil war erupted in 1991. Warlords used the open-air theatre as a military base and the building fell into disrepair. It then reopened in 2012, but was blown up by Al-Shabaab jihadists two weeks later. The Al-Qaeda linked Islamist group launches regular attacks in Mogadishu and considers entertainment evil. – Happier times – After a painstaking restoration, the authorities announced plans to hold the theatre’s first screening this week. For many Somalis, it was a trip down memory lane and a reminder of happier times. “I used to watch concerts, dramas, pop shows, folk dances and movies in the national theatre during the good old days. It makes me feel bad when I see Mogadishu lacking the nightlife it once had,” said Osman Yusuf Osman, a self-confessed film buff. “But this is a good start… I will not miss this historic event tonight,” he told AFP, adding that he had made arrangements to attend the screening with a friend. Others were more circumspect, and worried about safety. “I was a school-age girl when my friends and I used to watch live concerts and dramas at the national theatre,” said Hakimo Mohamed, a mother-of-six. “People used to go out during the night and stay back late if they wished — but now, I don’t think it is so safe,” she told AFP. The jihadists were driven out of Mogadishu a decade ago, but retain control of swathes of countryside and continue to stage deadly attacks in the capital and elsewhere. Organisers said they were hoping for a strong turnout, with attendees required to pass through several security checkpoints before arriving at the theatre, which is inside a heavily guarded complex that includes the presidential palace and the parliament. But for some, the inconvenience and the risks paled in comparison to the anticipation of seeing a film in a cinema after such a long wait. “I was not lucky to watch live concerts and or movies in the theatre (earlier)… because I was still a child, but I can imagine how beautiful it was,” NGO employee Abdullahi Adan said. “I want to experience this for the first time and see what it’s like to watch a movie with hundreds of people in a theatre.” Source: AFP The post ‘Historic night’ as Somalia screens first film in 30 years appeared first on Caasimada Online.
  12. Dhul gariirka oo halbeegiisu lagu sheegay 5.9 Rector Scale, oo laga dareemay magaalada Melbourne ee Caasimadda u ah Gobalka Victoria ee dhaca Koonfurta Galbeed ee dalkaasi Australia. Burbur dhismooyin ayaa la soo weriyey, iyadoo ruxunka dhulka laga dareemay Deegaanada deriska la ah magaalada Melbourne. Xuddunta dhul-gariirka ayaa ahaa Degmadda Mansfield, sida ay sheegeen Hay’addaha u xil saaran. Ilaa hadda, lama soo werinin Khasaaro soo gaaray dadka ku nool magaalladda Melbourne oo ah magaalada 2aad ee ugu weyn Australia. Saxafada kala duwan ee ka hawlgasho Australia ayaa warineysa in dadka ay dareemayaan walaac ballaaran oo ku aadan in uu sii kordho dhul gariirka. PUNTLAND POST The post Dhul-gariir ka dhacay waddanka Australia appeared first on Puntland Post.
  13. Mogadishu (HOL) - The delay was caused by differences between the Senate speaker Abdi Hashi and Deputy Prime Minister Mahdi Mohamed Gulaid. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa, sida ay ogaatay Caasimada Online, ka cudur daartay amar uu siiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Eng Maxamed Xuseen Rooble, kaasoo ahaa dhaarinta wasiirka cusub ee amniga Qaranka Cabdullaahi Maxamed Nuur. Inkastoo dhaarinta Wasiirka ay aheyd 9-kii September ayaa haddana xog cusub oo aan helnay waxay xaqiijisay in ra’iisul wasaare Rooble uu ku guul dareystay in guddoomiyaha Maxkamada Sare uu dhaariyo Wasiirka amniga, kadib markii uu Guddoomiyaha sheegay in ay ku adagtahay arrintaas. “Guddoomiyaja waa u yimid Rooble waxa uuna kaga cudurtay amarkaas, sababta waxa uu ugu sheegay in uusan awoodin ka qeybgalka dagaalka siyaasadeed, waxa uuna codsi in laga daayo in laga aqbalay,” ayuu yiri wasiir ka tirsan Xukuumada Rooble oo la hadlay Caasimada Online, balse codsaday inaan la magacaabin Wasiirka cusub ee amniga Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur waxaa lagu badalay Xasan Xundubeey Jimcaale, waxaana dhaariyay wasiirka cadaalada Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyadoo uu dood ka keenay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Baashe ayaa maalmihii dhowaa dhowr mar ka qeyb-galay kulamo ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha oo dhex-maray Rooble, Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, oo looga hadlayey arrimaha doorashada xildhibaanada gobollada waqooyi. The post Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo ka cudur daartay arrin uu usoo jeediyey Rooble appeared first on Caasimada Online.
  15. Dhallinyaro, Fadhi Dambe inooma Yaallo Faalo: Xuseen Cali Nuur Qalin-jabinta jaamacadaha dalka ee sannadkan muuqaalka guud, waxay u muujinayaan dunida in waxbarashada Somaliland loo simman yahay, waxase intaas u dheer in qaab dhar-qaadashada dharka ee habluhu ka duwan yahay kuwa dunida maanta, yahayna mid waafaqsan dhaqankeenna, waxaana loo baahan yahay dhawrsannaantaas. Tirada guud ee Ardayda jaamacadaha, dugsiyada sare iyo hoose ee gudbay waa mid lagu farxo, waxase si gaar ah ugu riyaaqaya waayeelka ogaa in tirada arday ee Somaliland u dhalatay aanay ka badnaan jirin dhawr Boqol oo qudha. Waxaanay xasuusanayaan waayeelkaasi xilligii gumaysiga Ingiriiska in barashadu ay ahayd mid ku kooban danaha loogu adeegayo ciddii xilka haysay oo kaliya. Khudbadihii munaasibadihii qallin-jabinta jaamacadaha ay ka jeediyeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Wasiirro, Madaxda jaamacadaha, axsaabta qaranka iyo aqoonyahannadu, waxay ahmiyad gaar ah sannadkan siinayeen dhallinyarada. Waxay hoggo-tusaaleynayeen waajibaadka ka saaran waalidka, intii ku soo tacabtay iyo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo u fududeeyey, siiyeyna fursad dalka gudihiisa laamaha kala duwan ee ay ka qalin-jabiyeen. Sannadkan xafladuhu waxay kuwii hore kaga duwanaayeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo guud ahaan dhallinyarada, gaar ahaana inta qalinjabisay ugu bushaareeyey in Jamhuuriyadda Somaliland saddexda Khayraad ee dal u baahan yahay ay wada haysato. Waxaana ka mid ah in macdanaha kala duwan ee dalka oo dihin uu dahabku yahay macdanta ugu badan ee Geeska Afrika. Nimcooyinkan ay ka mid yihiin Beeraha iyo Xooluhu waxa soo raaca khayraadka badda iyo ahmiyadda istaraatajiyadeed ee dib u soo noolaatay. Jamhuuriyadda Somaliland qallinjabinta waxa farxadeeda ku soo beegmay heshiis Midowga Yurub iyo Somaliland ay kala saxeexdeen, heshiiskaas oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha ee dalka, wuxuu diiradda saarayaa Kalluumaysiga iyo Xoolaha nool, waxaana udub dhexaad u ah dhallinyarada oo qayb ka ah mashaariicdan iyo kobcinta dhaqaalaha, lana siin doono maalgelin iyo deyn ay ganacsi ku furan karaan. Wasaaradda Qorshaynta ayaa ka masuul noqon doonto hirgelinta Mashruucan hubintiisa, kormeerkiisa iyo inuu waafaqsan yahay qorshaha horumarineed ee dhaqaalaha dalka Somaliland. Dhallinyaro, waxay ila tahay in aanay idinka qarsoonayn, lana socotiin xaaladaha siyaasadeed, dhaqaale, caafimaad, cimilo iyo deganaansho la’aanta dunida ka jirta. Waxaan leeyahay maanta aqoon la’aani idinma hayso, in kastoo korodhsiimo aqooneed aan marnaba laga maarmin. Khayraadka sannadkan la sheegay, gaar ahaan macdanta, waxaan idiin tilmaamayaa in gumaysigii caddaa iyo Taliskii Soomaaliya inay isku dayeen ka faa’iidaysigooda, raadkoodiina uu muuqdo. Ilaahay baa ka badbaadiyey, idinkuna simay khayraadka dalka oo dihin. Waxa loo baahan yahay in aad wacyigelin ku waajahan, joojinta carqaladaha sahan baadhista macdanaha dalka ka bilowdaan baraha bulshada. Kaas oo ku jihaysan ka hortagga dadka danaha gaarka ah leh ee adeegsanaya dhallinyaro war-moog ah. Dhibaatada carqaladahaas waxa tusaale ahaan inoogu filan sababihii dalka Shiinaha oo mashruuc gaasta dabiiciga ah ka waday deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo ay faraha ka qaadeen. Ogaada dhallinyaro fadhi dambe inooma yaal haddii aan u baahan nahay nolol iyo mustaqbal wanaagsan. Waxa Qoray Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland. Qaran News
  16. PRESS RELEASE U.S.-Egypt Military Cooperation Committee Specific discussions focused on border and maritime security, counterterrorism, interoperability between U.S. and Egyptian forces, and Egypt’s military modernization efforts CAIRO, Egypt, September 22, 2021/ — The United States and the Arab Republic of Egypt held the 32nd U.S.-Egypt Military Cooperation Committee (MCC) in Cairo, Egypt on September 20-21. Deputy Assistant Secretary of Defense for the Middle East Dana Stroul led the U.S. delegation. Air Force Commander Lieutenant General Abbas Helmy led the Egyptian delegation. The MCC is the premier strategic defense dialogue between the United States and Egypt to discuss defense cooperation, shared security objectives, and ways to strengthen the strategic partnership in the military domain. Specific discussions focused on border and maritime security, counterterrorism, interoperability between U.S. and Egyptian forces, and Egypt’s military modernization efforts. Delegations also discussed regional developments, strategic competition, and shared interests across the Middle East and Africa. The 32nd MCC followed the conclusion of this year’s BRIGHT STAR training exercise, and both events supported the U.S. government’s commitment to the U.S.-Egypt strategic partnership. Source U.S. Embassy – Cairo, Egypt Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ehellada dadkii beeraleyda ahaa ee ciidanka AMISOM ay ku laayeen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose aya soo saaray go’aan cusub, kadib 43 maalmood oo banaanbaxyo toos ah ay ka wadeen gobollada Shabeelooyinka iyo Banaadir. Xuseen Cismaan Waasuge, waa afhayeenka beeraleyda gobolka Shabeellada Hoose oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay hadda go’aansadeen in gacmahooda ay cadaaladda ku raadsadaan oo la dagaalamaan ciidanka Uganda ee ku sugan gobolka Shabeellada Hoose. “8-qof ayaa nalaga dilay hadda waxaan diyaar u nahay inaan u aarno dadkeenii oo caadaladda aan gacmaheena ku raadsano, kala ma naqaano AMISOM, laakiin 8 ka mid ah ayaan u dileynaa,” ayuu yiri Xuseen Waasuge. Waxa uu sheegay inay la kulmeen saraakiisha AMISOM 19-kii bishaan, oo ay u qabteen 3-maalmood inay jawaab uga helaan, balse AMISOM ay ka codsatay todoba maalmood oo ku eg maalinka Sabtida ee soo socota ee 25-ka bishan. “Maalinta Axadda ah beeraley waxay u balansan yihiin inay galaan xerada AMISOM ee Golweyn, hadii aan jawaab ka weyno ugu dambeyn Sabtiga, waan dagaalameynaa gacanteenna ayaan ku raadsan doonaa cadaaladda,” ayuu yiri. Xuseen Waasuge waxuu intaas ku sii daray, “Waxaa naga go’an in dadkii na xasuuqay aan ka aar gudano. Beeraleydu ma ahan dad hubeysan, laakiin markii 500 oo qof aan xerada ku galno, oo 100 naga mid ah ay dilaan, inta kalena ay qoryaha la qabsato, sidaas ayaan rajeyneynaa inaan ku leyno. Ilaahey hadii uu idmo.” Waxa uu sheegay inay AMISOM ka warqabto caradooda iyo culeyska ay arrintaan ku reebtay. “Dowladda Soomaaliya, guud ahaan shacabka iyo culumada Soomaaliyeed waxaan u xaqiijineynaa inay naga go’antahay inaan dagaalanno, cadaalad aan aheyn inaan sideed askari oo Ugandeys ah aan dilano kuma qanceyno,” ayuu hadalkiisa ku siidaray. Sidoo kale Afhayeenka beeraleyda Shabeellada Hoose waxa uu sheegay in maalinka Axada ah ee 26-ka bishan ay ka go’antahay inay dhamaadaan, isagoo ugu baaqay cidii gacan sii karta inay deg deg ula soo gaarto garab istaageeda. 43-kii cisho ee la soo dhaafay waxaa qaboojiye ku jiray oo weli ku jira meydadka dadkii ay AMSIOM ku leysay Golweyn, kuwaas oo ehelladoodu ay wacad ku mareen in aan la aasi dooni ilaa loo helo cid loo aaso ama lala aaso. Hoos ka daawo afhayeenka beeraleyda Sh/Hoose The post Daawo: Ehalladii dadkii ay laayeen ciidanka Amisom oo ku dhowaaqay in Axadda ay weerarayaan xerada… appeared first on Caasimada Online.
  18. The Isaak and Harti clans of the Somali community living in Isiolo on Tuesday submitted to the National Land Commission (NLC) a historical land injustice complaint. Source: Hiiraan Online
  19. Mogadishu (AFP) - Somalia was due to host its first screening of a movie in three decades on Wednesday under heavy security, as the conflict-ravaged country hopes for a cultural renewal. Source: Hiiraan Online
  20. Garowe (PP News Desk) — Mideeye, one of the registered political associations in Puntland yesterday accused Kaah, the ruling political association by default, of breaching electoral guidelines. Mideeye issued a statement sternly criticising Kaah officials for “claiming the incumbent government’s achievements as the track record of Kaah, and threatening beneficiaries of support scheme for the poor with loss of food cards if they fail to vote for Kaah during the upcoming pilot local elections”. Will Glued Salah, TPEC Chairman, order investigation into allegations about intimidating potential voters by Qardho-allied political associations? Subarticle C of Article 3 of Guidelines for Financial Management stipulates a thorough investigation by the Transitional Puntland Electoral Commission into any alleged misuse of public resources. Meanwhile, Horseed, a political association headed by Abdirahman Farole, the former Puntland State President, has added its voice to calls for adherence to the electoral guidelines to stop tactics by some political associations whose employees “intimidate potential voters”. Horseed attended a meeting held in Qardho on electoral ethics to which all political associations are expected to uphold. In a statement, Horseed alleged that a representative from Kaah argued that only three political associations led by Qardho-allied leaders would contest local government seats of the district. © Puntland Post, 2021 The post Mideeye Accuses Kaah of Breaching Puntland Electoral Guidelines appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn u ogolaatay qoyska Ikraan Tahliil Faarax iyo shacabka Soomaaliyeed inay dhigaan dibad-bax nabadeed oo cadaalad loogu raadinayo Ikraan oo NISA shaacisay inay dishay Shabaab. Wasiirka cusub ee amiga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradda oo cuksaneyso dastuurka dalka ay qoyska Ikraan Tahliil Faarax u ogolaatay inay qabsadaan banaanbax nabadeed, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid dastuuri ah. Cabdullaahi Maxamed Nuur oo xilka wasiirka amniga uu dhowaan u magacaabay Rooble ayaa sidoo kale xusay in cidkasta oo ka hor imaado banaan-baxaasi ay xukuumadda u aragto inay kasoo horjeedo cadaalad u helidda Ikraan Tahliil, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan u arkeynaa ciddii banaanbaxaas ka hor timaado ama qashqashaado inay kaalmeenayaan ciddii dhibaatadaan geysatay, waa xaq dastuuri ah oo ay leeyihiin ma dhici karto in la qashqashaado sidii marar badan dhici jirtay mana aqbaleyno,” ayuu yiri wasiirku. Hase yeeshee, guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa kasoo horjeestay tallaabada wasiirka amniga, wuxuuna ku tilmaamay inay tahay arrin qar iska tuurnimo ah. Waxa uu xusay in ka gobol ahaan aysan aqoonsaneyn wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur, sidoo kalena uusan ka heysan wax ogolaansho ah, sida uu isna hadalka u dhigay. “Nin kursigiisa lagu muransan-yahay inuu yiraahdo dadka way banaanbixi karaan waa arrin qar iska tuurnimo ah laamaha amniga gobolkana ma aqoonsano anagana ogolaansho nagama heysto.” Haddaba Amarka wasiirka amniga iyo go’aanka maamulka gobolka midkee dhaqan-galaya? Labada nin ayaa awood ahaan marka la’eego waxaa saameyn badan wasiirka amniga oo heer federaal ah, halka guddoomiye ku-xigeenka uu yahay mas’uul heer gobol ah. Wasiirka cusub ee amniga Soomaaliya ayaa sidoo kale ah nin aad ugu dhow ra’iisul wasaaraha, halka dhinaca kalena guddoomiye ku-xigeenka uu taageero weyn u yahay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, isaga oo qeyb ka ahaa ololihiisa doorashada ee 2017-kii. Dadka Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan u hadal haya go’aanada iska soo horjeeda ee ka soo kala baxay labada nin, waxaase shacabka aad u soo dhoweeyeen hadalka wasiirka cusub ee amniga ee qoyska Ikraan Tahliil u ogolaaday dibad-baxa nabadeed. Si kastaba, waxay arrintu ku xiran tahay natiijada kasoo baxda wada-hadallada ka socda Villa Soomaaliya ee lagu dhex-dhexaadinayo Farmaajo iyo Rooble, kuwaas oo haatan maraya meel xasaasi ah, isla-markaana ay yihiin wada-hadaladu kuwa haatan sii soconaya. The post Go’aankii wasiirka amniga oo caqabad wajahaya appeared first on Caasimada Online.
  22. Hay’adda Barakacayaasha Iyo Qaxoontiga Qaran Ayaa Taangiyo Nooca Biyaha ah Ku wareejisay Kaamka Barakacayaasha Qalax. Hay’adda Barakacayaasha Iyo Qaxoontiga Qaranka Somaliland Ayaa 110 taangi oo nooca biyaha ah u qaybisay Barakacayaasha Kaamka Qalax Ee Koonfurta Magaalada Hargeysa Hay’ada BQQ Oo Kaashanaysa Hay’adda World Vision ayaa qaybinta taangiyada waxa Goob jog ka ahaa Gudoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha Iyo Qaxoontiga Qaran Mudane Cabdikariin Axmed Xinif Iyo Masuuliyiin Sar sare oo ka socday Hay’adda World Vision . Dadka Barakacayaasha ah ee loo qaybinayey Taangiyadan biyaha Ayaa ah kuwo waqtigan u baahnaa weel ay biyaha ku shubtaan maadaama ay biyuhu yihiin Aas aaska nolosha , Masuuliyinta kala duwan ee ku sugnaa goobta wareejinta agabkan ayaa ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leeyihiin taangiyadan manta lagu wareejinayo Barakacayaasha Kaamka Qalax. Waxaa isaguna Halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha Iyo Qaxoontiga Qaran Mudane Cabdikariin Axmed Xinif Oo Geed dheer iyo mid gaaban ba u fuulay haqabtirka baahiyaha Dadka Barakacayaasha iyo Qaxoontiga ah. Gudoomiye Cabdikariin Axmed Maxamed Xinif Ayaa Hadaladiisii waxay u dhignaayeen sidan “ Taangiyadan manta aan wareejinaynaa waxay anfacayaan dadka u baahan ma odhanayno manta dadkii way wada gaadheen taangiyadu lakiin waxaanu ku dedaalaynaa in ay inta kalena helaan” . Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii waday waxa uu farriin u diray Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha Barakacayasha waxaana uu ugu baqay inay gar-gaarka sii laban laabaan “ Waxaanu leenahay hay’adaha ka shaqeeya arrimahan maaha in kaamkaa 2000 kun ee qoys ah inuu hal-hal taangi waayo waxaan jecelahay in loo dedalo dadkaa masaakinta ah annaguna waanu dedaalaynaa , baahida ugu badan ee dadkani waa biyaha iyo weelkooda marka caafimadka iyo waxbarashada laga tago aynu u dedaalo insha allaah”. Hay’adda Barakacayaasha iyo Qaxoontiga Qaranka Ay sidan oo kale maalintii shalay waxa ay dhagax-dhigtay 28 guri oo loo dhisayo Qoysas ka mid ah Barakacayaasha Naasa Hablood kuwasi oo loogu talagalay Dadka jilicsan ee aan lahayn Hoy iyo Gabood ay galaan , waxaana guryahani wax weyn ka tari doonaan baahida dadka Barakacayasha ah. Dedaalada iyo waxqabadyada mudooyinkii u danbeyey ay Hay’addu ku talaabsanaysay ayaa ahaa kuwo is daba jooga isla markaasina gurmad kala duwan loogu samaynayo Barakacayasha Iyo Qaxoontiga Ku nool kaamamka kala duwan ee gobolada Dalka. Qaran News
  23. PRESS RELEASE Eastern Africa BFSI Summit 2021: Digital Transformation Accelerates Open Banking Ecosystem Following the effects of the pandemic, digital transformation has become one of the necessities for enterprises JOHANNESBURG, South Africa, September 22, 2021/ — Business leaders and ICT experts from Eastern Africa and the globe will convene Sep 23 for the Eastern Africa BFSI Summit 2021, an offline event to unpack the opportunities of digital transformation for African financial industry. The event will highlight the changes, challenges and opportunities in the post-epidemic era and ways to accelerate financial digital transformation by leveraging the latest ICT solutions. Digital Transformation Accelerates Open Banking Ecosystem The pandemic has brought great changes to the way organizations and enterprises run. Following the effects of the pandemic, digital transformation has become one of the necessities for enterprises. As industries upgrade and converge, the financial services sector is also undergoing transformation — with operations moving to the cloud — powered by an ecosystem of connected devices, constructed for all scenarios. Digital transformation has revolutionized to the financial industry in Eastern Africa. Mobile money is without doubt the most remarkable example and preferred way to make payments both for the banked and unbanked due to its safety and unmatched convenience. According to a recent report by Geopoll, Kenya leads globally in the adoption of mobile money services with at least 50% of Kenya’s GDP flowing through mobile money. Additionally, an official report released by Central Bank of Kenya, indicated that over 80% of the Kenyan population have access to financial services and with over 67 million registered mobile money accounts. Hardly can we achieve this amazing financial inclusion without the support of financial digital transformation. The pandemic is pushing the financial industry to the next new era. It is important for leaders within the financial sector to stay one step ahead and understand the challenges the industry is facing or will be facing in the near future. They should focus on addressing the following areas: How to accelerate digital and intelligent convergence to create a truly agile platform? How to enhance the safe and secure transfer of data and unlock the potential value of it? How to build an open ecosystem for all scenarios, unlocking scenario-based financial services? In order to answer these questions and much more and to bring in-depth insights on leveraging on the latest ICT technology tailored for the success of the financial industry in the post-epidemic era, Huawei will hold the Eastern Africa BFSI Summit 2021 (https://bit.ly/3hThJrz) on Sep 23. In attendance will be industry and business leaders ready to explore the industry’s latest trends and insights to succeed in the new era! SOURCE Huawei Enterprise Qaran News