-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Waa kumaa ninka la wareegay talada dalka Suudaan?
Sarkaalka ugu sarreeya ciidamada militariga Sudan, Cabdul fataax Cabdelraxman Burhan, ayaa ku dhawaaqay in dowladda iyo golaha Wasiirada la kala diray, ka dib afgembigii saaka dhacay. Wuxuu hadal ka jeediyay telefishinka qaranka.
Sareeya gaas Cabdil fataax Al-Burhan ayaa sidoo kale ka mid ahaa saraakiihii hoggaaminayay afgembigii xilka looga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas, Cumar Xasan al-Bashiir.
Waa kumaa Abdel Fattah Abdelrahman Burhan?
Cabdil Fataax Al-Burhaan wuxuu noqday madaxweynaha golihii ku meelgaarka ahaa ee militariga ay sameeyeen ka dib markii Al-Bashiir xilka laga tuuray.
Wuxuu shaqadaas kala wareegay wasiirkii difaaca Janaraal Cawad Ibn Cawf, kaas oo xilka ka degay ka dib hal-maalin oo uu hayay. Wuxuuna hoggaaminayay saraakiishii xilka ka tuuray Al-Bashiir, madaxweynihii hore ee Sudan.
Ibnu Cawf, ayaa bishii April ee 2019-kii shaaciyay in uu Cabdil fataax Al-Burhan, u xushay in xilka uu ku wareejiyo, waxayna ahayd tallaabo ay dadka oo dhan soo dhoweeyeen. Wuxuu markaas noqday Taliyaha Militariga.
Sida ay qortay wakaladda wararka ee Anadolu Agency, Sareeya Gaas Cabdi Fataax Burhan wuxuu dhashay sannadka 1960-kii wuxuuna ku dhashay tuulada Kundato oo ku taallo wabiga Niil.
Burhaan oo ah sargaal militari isla-markaana in badan siyaasadda ku soo jiray wuxuu hadda si ku meel gaar ah u hayaa guddoomiyaha golaha militariga Suudaan oo talada kala wareegay madaxweynihi hore Cumar Xasan al-Bashiir.
Ninkan oo dhashay sannadkii 1960, wuxuu ka mid ahaa ciidamada ilaalada xuddudaha Suudaan kaddibna waxaa loo magacaabay madaxa arrimaha militariga ee Safaaradda Suudaan ay ku leedahay dalka Shiinaha.
Intaa ka gadal wuxuu Burhaan noqday taliyaha ciidamada ilaalada xudduudaha Suudaan, wuxuuna markiba u sii dallacy taliyaha ciidamada dhulka Suudaan.
Wuxuuna tababara militari uu ka soo noqday dugsiga tababarka ciidamada oo ku yaalla bariga dalka Suudaan, wuxuuna taliya u soo noqday ciidamada Suudaan ee dagaalka kula jiray jabhadda SPLA ee ka dagaallameysay Suudaanta Koonfureed 2011-kii xorriyadda intii aysan qaadan ka hor.
Madaxweynihi hore ee Suudaan Cumar Xasan al-Bashiir ayaa la kulmay mudaharaadyo xooggan oo xukunkiisa looga soo horjeeda, wuxuuna al-Bashiir uu isku shaandheyn uu ku sameeyey ciidamadiisa.
Bisha Fabraayo 26-keedi ayaa Burhaan markale loo magacaabay taliyaha guud ee ciidamada dhulka ee dalka Suudaan.
Waxaana xusid mudan, Burhaan inuu ka mid ahaa seddexda sargaal ee iclaamisay in al-Bashiir xilka laga tuuray.
Burhaan xilli uu hoggaaminayey ciidamada Suudaan ee ku sugan Yemen wuxuu dhawr jeer booqasho uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.
Dad aad ugu dhaw Burhaan waxay sheegayaan inuu wax xiriir ah uu la lahayn ururrada diimaha iyo kuwa siyaasadeed midna. Waxaa kale oo ay sheegeen inuu yahay sargaalka keli ah ee ay maxkamadda dambiyda dagaalka calaamiga ay wax dacwad ah u haysanin.
Wasiirka Gaashaandhigga Cawad Ibn Cawf, oo khudabad soo jeediyey 11-ka April xilliga ay ciidamda talda Suudaan la wareegeen wuxuu sheegay iney ciidamada talada dalka Suudan la wareegay ay u billaabatay 2 sano oo dowlad ku meel gaar ah oo ay xilka soo hayn doonaan.
Hase yeeshee, Ibnu Cawf ayaa saacado kaddib xilka iska casilay isaga oo sheegay inuu xilka ku wareejinayo Burhaan kaddibna xilka la wareegay loona dhaariyey.
Burhaan waxaa uu beddelay Cawad Maxamed Axmed Bin Cawf oo ahaa wasiirka gaashaandhigga dalka Suudaan.
-
Madaxweyne Muuse Biixi oo Qasriga Madaxtooyada Kulan isku soo horfadhiisiyey Garabyo isku khilaafsan Shirweynaha Ciise Muuse+Qodob ka soo baxay!Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa xaqiijiyey in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Muuse Biixi Madaxtooyada isaggu keenay garabyada guddiyadda Beelweynta Ciise Muuse oo isku khilaafsanaa qabaashada Shirweynaha Beelaha Ciise Muuse.
Madaxweynaha ayaa la qaatay in Beeshu xaq u leedahay inay shir danahooda ku saabsan qabsadaan, balse waxa uu labada garab ka codsaday in midow Lagu qabto, isla Markaana intaa ka horaysa mudada shirka ka hadhsan la dhameeyo guddiyada Beelaha Ciise Muuse, gaar ahaan Guddida qaban-qaabada Shirweynaha Beelaha Ciise Muuse ee Kulan Global iyo Guddida Dan iyo Duco.
kulanka labada guddi ee Beelaha Ciise Muuse ayaa waxa si weyn uga dhex shaqeeyey isu-soo dhoweyntooda masuuliyiin xilal haya iyo Madaxweynaha.
kulankan ayaa u Madaxweynuhu ku heshiisiiyey labada Dhinac ee guddiyada kala ah Guddida qaban-qaabada Shirweynaha Beelaha Ciise Muuse iyo xubno kamid ah guddiyada Dan iyo Duco, waxana halkaa guddi uu dhammaynta khilaafka u Saaray saddex xubnood oo isku soo dhoweyn iyo heshiiska sii wadi doonta, waxana kamid ah xubna haldoorka iyo Madax-dhameedka isaggu jira ee Madaxweynuhuu u gartay in Shirkana Beeshu qabsato, wixii khilaaf ah si sulux ah Lagu dhameeyo Mujaahid Ibraahim Cabdilahi Dhego-weyne iyo Cheif Caaqil Axmed Caaqil Yare iyo Caaqil Cumar Jaamac Cilmi.
Shirweynaha Beelaha Ciise Muuse, ayaa la filayaa inuu qabsoomo Badhtamaha bisha fooda inagu soo haysa ee November.
-
FURNAANTA IYO LA XISAABTANKU DAWLAD WANAAGGA AYAY QAYB KA TAHAYGartay ee 7 milyan oo loogu deeqay Horumarinta Magaalada Berbera meel ay marayaan mashariicdii loogu talo galay in lagu maalgeliyo halkee ayuu xaalkoodu marayaa? In Golaha Degaanka Berbera ay is waydiiyaan sax baan u arkaa waana loo baahan yahay in dadka reer Berbera iyo guud ahaan Somalilandba wax kala socdaan waana muhiim. Balse sida xaalku yahay hadda cid wax ka sheegtay maan maqlin. Waa imisa mashruuc? maxay kala yihiin? imisa ayaa loo qoondeeyay mashruuc kasta? imisa ayaa dhamaaday? imisa ayaa socda? imisa ayaa qorshaysan oo aan fulintoodu weli bilaabmin? (completed, on going, planned).Hadii furnaan iyo la xisaabtan (transparency and accountability) ay jirto waa muhiim in Mayorka Berbera uu soo bandhigo si faahfaahsanna uga warbixiyo Weliba warbixin qoraal ah u gudbiyo Golaha Degaanka.Hadiise ay tahay Maayarku isaga ayaa keligii ku shaqo leh oo xataa Golaha uu Gudoomiyaha u yahay xaq uma laha in ay wax ka waydiiyaan yaa xaq ugu leh in uu u warbixiyo ee kale? Ma Madaxtooyada oo keliya? Taasi waa sheeko kale nidaamka dawladnimadana way ku xun tahay ee kuma fiicna -
-
-
Guddiga doorashooyinka KMG ah ee Puntland ayaa shaaciyay Natiijada hordhaca ah ee doorashadii ka qabsoontay degmada Ufayn Haddaba hoose ka daawo muuqaalka.
PUNTLAND POST
The post Puntland: Natiijada hordhaca ah doorashada degmada Ufayn oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Midowga Africa, ayaa walaac ka muujiyay waddanka Suudaan kadib markii ciidamada Milaterigu la wareegeen xukunka dalka.
Guddoomiyaha Africa Muuse Faki ayaa ku baaqay in la sii daayo ra’iisal wasaare Cabdullaahi Xamduuk iyo dhammaan mas’uuliyiintii la xiray.
Bayaan kasoo baxay Midowga Africa ayaa looga baaqay Milateriga in ay ixtiraamo u muujiyaan heshiisyadii hore loo galay iyo xuquuqda siyaasiyiinta.
Bayaanka ayaa intaas ku daray, in wada hadal lagu dhammeeyo dhammaan waxa la isku khilaafsanyahay si loo ilaaliyo dimuquraadiyada xilliga kala guurka ah ee dalka Suudaan.
PUNTLAND POST
The post Midowga Afrika oo ku baaqay in la sii daayo ra’iisal wasaarihii dalka Suudaan appeared first on Puntland Post.
-
Daacish
Ururka Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax ay dad ku dhinteen oo Sabtidii ka dhacay maqaayad ku taalla dalka Uganda.
Baarayaasha ayaa sheegaya in haweeney 20 jir ah lagu dilay saddex qof oo kalena lagu dhaawacay qarax fiidnimadii Sabtidii ka dhacay maqaayad ku taalla waqooyiga caasimadda Kampala.
Booliiska ayaa sheegay in walxa qarxa looga tagay miis hoostiis, taasi oo muujinaysa in howshan ay fuliyeen kooxo aan aqoon durugsan u laheyn, waxayna hoos u dhigeen in ay wax xiriir ah la lahayd shabakad shisheeye.
Hase yeeshee, farriin ay Daacish soo dhigatay boggeeda isgaarsiinta ayay ku sheegtay in ay weerarka fulisay, waxayna sheegatay in ay dishay laba qof shanna dhaawacday.PUNTLAND POST
The post Daacish oo sheegatay mas’uuliyadda qarax ka dhacay dalka Uganda appeared first on Puntland Post.
-
Xoghayaha Fulinta Urur Goboleedka IGAD ayaa walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan waddanka Suudan.
Xoghayaha ayaa si kulul u cambaareeyay isku day kasta oo lagu carqaladeynayo dowladda KMG ah ee Suudaan, waxa uuna ku booriyay dhamaan dhinacyada inay dulqaad muujiyaan.
Wuxuu ku baaqay in si dhaqsi ah loo sii daayo Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk, iyo dhamaan hogaamiyeyaasha siyaasadda u xiran.
PUNTLAND POST
The post Urur Goboleedka IGAD oo war ka soo saaray xaaladda Suudaan appeared first on Puntland Post.
-
Guriceel (Caasimada Online) – Waxaa fiidkii hore ee caawa si iskiis ah u istaagay dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu-Sunna ee ka socda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kaas oo socday seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay, isla markaana sababay khasaare aad u badan.
Dagaalka xoogiisa ayaa galabta ka dhacay inta u dhaxeysa Dabaqa Erkolle, dhismaha Sheekh Salaad Xeydar, Xero Birmad, ilaa xarunta loo yaqaano Jaamacadda, halkaas oo ciidanka Ahlu-Sunna ay aad uga dagaalamayaan.
Dhinacyada dagaalamay ayaa mid walba dhankiisa waxuu dagaalkii galabta ka sheegtay inuu horumar ka sameeyey oo ay qabsadeen meelo aysan markii hore joogin ciidamadooda.
Hase yeeshee xogta rasmiga ah ee ka madaxa banaan labada dhinac oo Caasimada Online ay ka heshay Guriceel waxay tilmaameysaa in dhinacyadu ay kala joogaan dhufeysyadii xalay, waxayna isku hor-fadhiyaan Isbitaalka Cubeyd illa Dabaqa Erkolle.
Si kale hadii loo dhigo aagga ay ciidamadu isku hor-fadhiyaan waa inta u dhaxeysa laamiga iyo xarunta Jaamacaadda oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidanka Ahlu-Sunna.
Ciidamada dowladda ayaa galabta isku deyey inay gudaha u galaan xarunta Jaamacadda oo Ahlu-Sunna ay difaac uga jirto, waxayna isugu dareen duqeyn iyo weerar toos ah, balse iska cabin adag ayey kala kulmeen ciidanka Ahlu-Sunna.
Haatan ciidamada dowladda waxay si buuxda gacanta ugu hayaan aagga saldhigga dhexe ee booliska, xarunta degmada, dhismayaasha Beder 1 iyo Beder 2, ilaa Ceelka Shimbara-Oonshe.
Waxaan ilaa hadda si rasmi ah loo tira koobin khasaaraha ciidamada labada dhinac ka soo gaaray dagaalkaan oo noqday mid lagu hoobtay, waxaana ciidamada dowladda dhaawacooda loo kala daabulay Muqdisho iyo Dhuusamareeb.
Dhanka Ahlu-Sunna ma jirto xarun caafimaad oo si rasmi ah ay u geysan karaan dhaawacyadooda, balse askar aad u yar oo dagaalka uga jirtay dhankooda ayaa maalmihii hore ee dagaalkaan la kala gaarsiiyey isbitaallada Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo, inkastoo dhaawacyadii Ahlu-Sunna ee Gaalkacyo la geeyey ay isbitaalka kala baxeen ciidanka dowladda.
Wararka ay Caasimada Online ka heleyso dagaalka Guriceel waxay intaas ku darayaan in dowladda Soomaaliya waxay weli Muqdisho ka soo daabuleyso ciidan hor leh oo ka tirsan Gorgor, waxaana maanta Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho diyaarado looga qaaday cutubyo hor leh oo ka tirsan Gor Gor.
Ciidanka Ahlu-Sunna ayaan heleynin gurmad ku filan, lamana saadaali karo inta ay iska sii caabi karaan weerarka adag ee uga imaanaya ciidamada nooc kasta leh ee dowladdu isugu geysay Guriceel, si loo soo afjaro Ahlu-Sunnada 1-dii bishaan qabsatay magaaladaas.
The post Warbixin: Waa sidee caawa xaaladda Guriceel, halkeesa la kala joogaa? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa taageero u muujiyey dowlad goboleedka Galmudug, isagoo tilmaamay in Ahlu-Sunna aysan mudneyn in wadahadal lala galo.
Indhacadde waxuu Ahlu-Sunna ku macneeyey Kaankare aan xal laheyn in la gooyo maahane, isagoo ku taliyey in dagaalka lagu wado illaa inta laga guuleysanayo oo la soo afjarayo ciidanka Ahlu-Sunna ee Guriceel ka dagaalamaya.
“Nimanka Ahlu-Sunna la leeyahay waa Kaankaro fidni waaye, Kaankaro in la gooyo maahee xal kale maleh, wixii dhimanaya ha dhinteen waa in ay adkaato Galmudug ama waa in laga adkaado Galmudug, xal kale iyo wadahal majiro,” ayuu yiri Jeneraal Indhacadde.
Sidoo kale waxuu sheegay in Ahlu-Sunna ay dhowr dowladood gorgortan la gashay, oo horay loo siiyey xilal, dalacsiin ciidan iyo lacago badan, balse haatan aan laga ogolaan karin inay gorgortan sii wadaa.
“Dhibaatada Guriceel waxay Aabe ledahay nimankaas Ahlu-Sunna, waxaan qabaa waa in laga taqaluso ama Galmudug ay burburto, waxaan leeyahay madaxweynaha Galmudug ha gelin wax gorgortan ah, meel adag ka istaag arrintaan, qaladaad dhanka dagaalka ah ayaa jira oo Galmudug ay geleyso, nimanka waxaa u furan wadadii caabuswaaq oo dhaawaca ay ku qaadanayaan, gurmadkuna uga imaanayo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Yuusuf Indhacadde.
Hoos ka daawo wareysi uu siiyey TV-ga Somali Cable
The post Daawo: Indha-Cadde oo Qoor Qoor u jeediyey tallo yaab leh oo la xiriirta Ahlu-Sunna appeared first on Caasimada Online.
-
Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay doorashada qof iyo cod ee maanta ka dhacday saddexda degmo Qardho, Eyl iyo Ufeyn ee Puntland.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay in doorashooyinka ‘hal qof iyo hal cod’ ee ka dhacay Qardho, Eyl iyo Ufeyn ay muujineyso suurtogalnimada doorashooyin codbixin heer deegaan, heer dowlad goboleed iyo heer qaran oo dalka ka dhaca.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska siyaasadda Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNSOM ayaa lagu yiri “Wakiillo ka socda Qaramada Midoobay ayaa maanta booqday Qardho si ay u muujiyaan sida ay u garab taagan yihiin dadka reer Puntland iyadoo muwaadiniintu ka qaybgaleen geeddi socodka doorashada ‘hal qof iyo hal cod’ ee saddex degmo oo ka tirsan Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka”.
“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay rumeysan tahay in doorashooyinka ‘hal qof iyo hal cod’ ee ka dhacay Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo guul lagu soo gabagabeeyay ay noqon doonto tallaabo muhiim ah oo muujineysa suurtogalnimada doorashooyin guud ee codbixinta heer deegaan, heer dowlad goboleed iyo heer qaran ee guud ahaan dalka” ayaa la raaciyay war-saxaafadeedka.
War-saxaafadeedka ayaa lagu soo gabagabeeyay “Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku bogaadinaysaa Guddiga Ku -meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), dowladda iyo shacabka Puntland sida ay uga go’an tahay qabashada doorasho toos ah, sida ku cad Dastuurka Puntland”.
PUNTLAND POST
The post Qaramada Midoobay oo ka hadashay doorashada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Guriceel maalintii saddexaad ku dhexmaraya Ahlusunna iyo Galmudug.
Midowga Musharaxiinta ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in si degdeg ah xabad joojin loo sameeyo, wixii khilaaf ahna lagu dhameeyo wadahadal, iyadoo la tixraacayo heshiiskii ay horey u wadagaleen dowladda iyo Ahlusunna.
Dowladda Federaalka ayay ugu baaqeen in ay joojiso ciidamada ay u daabuleyso Galmudug, isla-markaana ay qaadato kaalinta ugu aadan xallinta khilaafka.
Midowga Musharaxiinta waxay soo jeediyeen in la dhowro xasiloonida iyo jiritaanka Galmudug, laga fogaado wax kasta oo hurin kara colaad.
PUNTLAND POST
The post Midowga Musharaxiinta oo war ka soo saaray dagaalka Guriceel appeared first on Puntland Post.
-
-
Goobihii cod-bixinta doorashada degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa goordhaweyd soo xirmay, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre.
Guddoomiye Guuleed ayaa sheegay in labo goobood oo Qardho ka tirsan weli lagu jiro safka codeynta, hase ahaatee 52 goobood ee kale la soo gabagabeeyay.
Sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in ay bilaabayaan tirinta codadka laga dhiibtay saddexda degmo.
Natiijada doorashada saddexda degmo ee Pumtland ayaa soo bixi karta ilaa berri, sida la saadaalinayo.
PUNTLAND POST
The post Puntland: Goobihii cod-bixinta doorashada oo soo xirmay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa isbar-bar dhig cajiib ah ku sameeyay tallaabooyinkii u dambeeyay ee ay qaadeen madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland.
Fiqi ayaa waxa uu madaxweyne Qoor-Qoor ku sifeeyay inuu yahay hogaami dagaalka iyo dilka dadkiisa raba inuu guul ka raadiyo, halka taasi badalkeed uu ku sifeeyay Deni hogaamiye gudanaya mas’uuliyadii loo igmaday.
Sidoo kale waxa uu si weyn ugu amaanay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni doorashada qof iyo codka ah ee saaka deegaano kamid ah maamulkaas looga dareeray.
Hoos ka aqriso qoraalka Xildhibaan Fiqi
Farqiga u dhexeeya caqliga labada hogaamiye.
Meel waa nabad iyo mustaqbal dimuqraadiyad, meelna waa abaabul colaad iyo mahadhooyin murugo leh!. Meel waa hogaamiye caqli fayow oo dadkiisa iyo deeganadiisa mas’uuliyadii Iagu aaminay sidii ay aheyd u gudanaya, meel kalena waa hogaamiye dagaalka iyo dilka dadkiisa raba inuu guul ka raadiyo!.
Meel hogaqmiyaheedu saakay wuxuu beeray rajo iyo raad loo aayi doono, halka meesha kale uu beeray uur-ku-taallo iyo rajo xumo.
Muddo saddex maalin tacsi, agoonnino iyo asay ayaa la deris ahayd qoysas Soomaaliyeed oo ay sabab u tahay go’aan qaldan oo arrin nabad lagu xallin karo laga qaatay, Lana kala dooranayey noocyada hubka ee loo adeegsanyo gumaadka shacabka, halka dhanka kale saddex maalmood ay u ahayd olole doorasho, soo bandhigid barnaamij iyo aragtiyo siyaasadeed oo la kala doorto!
Galmudug Allaha u gargaaro, saddex maalmood warka u weyn wuxuu ahaa Guriceel gacanta ayaa lagu dhigay!.
Baaqiga hala caymiyo!
The post FIQI oo is-barbar ku sameeyay tallaabooyin ay qaadeen Qoor Qoor iyo Deni appeared first on Caasimada Online.
-
-
(SLT-Ceerigaabo)-Ciidamada Booliiska Somaliland ee gobolka Sanaag, ayaa bilaabay howlgallo ay ku qab qabanayaan dadka aan Somaliland u dhalan ee gobolka ku dhaqan, khaasatan dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, iyadoo ay shalay ku ekayd mudadii ay xukuumada Somaliland u qabatay in dadkaasi gobolka kaga baxaan.
“Umada aan Somaliland u dhalan ee gobolka joogta ee aan sharciga haysan siday dadkii hore u baxeen ee ay nabadgalyada ugu baxeen ha u baxeen baanu leenahay, qofka ka bixi waayana sharciga ayaa qabanaya” waxaa sidaa yidhi taliyaha laanta socdaalka ee gobolka Sanaag gashaanle Siciid Cige.
Badhasaabku xigeenka ahna ku simaha badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Khaliif Nuur, ayaa sheegay in mudadii xukuumada Somaliland ay u qabatay bulshooyinka gobolka la saarayo ay dhamaatay, isla markaana ay amar ku qabaan in ay qabtaan cidii wali gobolka baaqi ku ah.
“14 kii cisho shalay ayay ku ekayd, maanta waajibkeenu waxa weeyi in aynu qabano cid alaaliyo cidii aan Somaliland u dhalan, cid alaaliyo cidii aan sharci ku joogin dalkan waxaad waajib u haysataan in aad qabataan, maanta laga bilaabo cidii aan u dhalan Somaliland in aad qabataan ayaad waajib qaran u haysataan” ayuu yidhi Khaliif.
Dhamaan meheradihii ay dadka reer Koonfur-galbeed ku lahaayeen magaalada Ceerigaabo, ayaa maanta oo Isniin ah albaabadu u wada xidhanyihiin, dadkii lahaa ayaa qaar koodna horayba u qaxeen iyadoo la rumaysan yahay in dadka qaar kood ay wali gobolka ku dhuumaalaysanayaan, Halkan hoose ka DAAWO
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Gaashaanle Cabdiladiif Axmed Culusow {Feyfle} Taliyihii ururka 6-aad, guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab, waxuu ka mid noqday tobanaankii qof ee naftooda ku waayey dagaalka maalmahaan ka socda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Waayihiisii nolosha Korneyl Feyfle Waxaa uu ahaa halgamaa ay cadawtinimada iyo arxan darrada Al-Shabaab ay ku kaliftay inuu ka haajiro dadkii iyo deegaankiisii.
Sanadkii 1981-kii ayuu ku dhashay degmada Xarardheere, waxuuna barbaarintiisii ugu badneyd ku qaatay deegaan lagu magacaabo Dumaaye oo hoos taga Xarardheere, halkaas oo dugsiga sare uu uga baxay sanadkii 1998-kii.
Waxuu ahaa xerow aad u bartay culuumta diinta Islaamka iyo maadiga intaba waxuu noloshiisa inta ugu badan ku soo qaatay degmada Xaradheere ee Koofurta gobolka Mudug iyo deegaanada hoos taga.
Bilowgii Sanadkii 2008-dii xilli ay argagixisadu tabar heysay ayuu Feyfle ka hor yimid xukunkooda guracan, weliba isagoo degganaa magaalada Xarardheere oo ay argagixisadu maamuleysay.
Xarardheere ayuu ka abaabulay dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo xiligaas maamuleysay inta badan koonfurta iyo bartamaha dalka,dagaal ka dib Isaga iyo dhowr wadaad ayaa u baxsaday magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaas oo dhowr bilood ay ku noolaayeen.
Isla sanadkii 2008-dii Allaha u naxariistee Feyfle waxuu safka hore ka galay dagaalkii Culumada Ahlu-Sunna Waljamaaca ay gobollada dhexe uga xoreysay arxan laawayaasha ,dhowr jeer ayuu ku dhaawacmay dagaaladii adkaa ee kooxda looga saaray Gurceel iyo Dhuusamareeb.
Wixii ka dambeeyey sanadkii 2010-kii waxuu u soo wareegay oo uu ku biiray ciidanka xoogga dalka waxaana uu ku haminayay in mar un lagu dhaqaaqo xoreynta magaaladiisii cadawgu ka soo hayaamiyay ee Xaradheere.
Sanadihii 2012-kii ilaa 2013-kii waxuu ka mid noqday ciidankii ugu horeeyey ee lagu xareeyay saldhigga Balidoogle ee Shabeellada Hoose kuwaa oo Mareykanku tababaray, sidaas ayuuna qeyb uga noqday aas-aaskii ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab.
Gudaha Danab waxaa looga xushay sarkaal qaabilsan wacyi-gelinta ciidanka, maadaama uu ahaa nin aad u yaqaanna diinta islaamka kuna xeeldheeraa naqdinta fikirrada guracan ee argagixisada.
Bilowgii sanadkaan 2021 ayaa loo magacaabay Taliyaha ururka 6-aad ee kumaandooska Danab oo ka howlgala gobollada Mudug iyo Galgaduud, kadib markii bishii December ee sanadkii hore qarax lagu dilay saraakiil uu ku jiray taliyihii ururka 6-aad ee Danab Allaha u naxariistee Korneyl Mukhtaar Cabdi Aadan.
Markii uu tegay Mudug oo hoggaanka Danab uu la wareegay, isagoo kaashanaya madaxda dowlad goboleedka Galmudug, waxaa uu juhdi badan galiyay in gacanta lagu dhigo magaaladii uu ku dhashay ee Xaradheere oo cadawgu uu la haray umase suura galin in magaaladii la qabto.
23-kii bishaan October oo ah maalinkii koowaad ee dagaalku ka qarxay magaalada Guriceel ayuu ku dhaawacmay dagaal si kadis ah uga bilaawday goob ay ku sugnaayeen isaga iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Qaranka.
Dhaawaciisa ayaa loo qaaday Dhuusamareeb, balse waxaa uu geeriyooday intii loo sii waday isbitaalka,Axadii shalay ayaana meydkiisa lagu aasay qabuuro ku yaalla Dhuusamareeb.
Allaha u naxariistee Gaashaanle Cabdiladiif Axmed Culusow {Feyfle} waxaa uu ku geeriyooday da’aada 40 sano jir, waxaana uu ifka uga tagay 3-xaas iyo dhowr iyo toban caruur ah.
SNTV
The post Kumaa ahaa korneyl Cabdiladiif Axmed Culusow (Feyfle) appeared first on Caasimada Online.
-
Ceerigaabo (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Sanaag ayaa shaaciyey inay soo dhamaatay waqtigii loo qabtay inay ku diyaar-garooban dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ee ku sugan magaalada Ceerigaabo.
Badhasaab ku-xigeenka gobolka Sanaag Maxamed Khaliif Nuur iyo ciidamo badan oo wata gaadiiid kala duwan ee booliska ayaa saaka waddooyinka iyo suuqyada muhiimka ah ee magaalada Ceerigaabo ka bilaabay qab-qabashada dadka kasoo jeeda Koonfurta.
“14-kii cisho Shalay ayey ku eekeyd maanta waajibkayagu waxa uu yahay in aan qabano cid walba oo sharci ku joogin dalkan, waxaa waajib u haysataan in aad qabataan ama guri hoostii ha lagu haysto ama beer ha la dhex seexiye anaga waajibka haysana waa in 25-ka bishan 10-aad in aad qabataan dadka aan u dhalan Somaliland,” ayuu yiri badhasaab ku-xigeenka gobolka Sanaag.
“Kuwa tuulooyinka tagay ee aaminsan in tuulooyinka ay xukuumada xukumin ee aan qabano isaga oo magaalo ku ganacsiyaynaya wuxuu mudanaya waxa uu sharcigu ka qabo. Ninka diida amarka kasoo baxay xukuumadda waxa marinayna laamaha sharciga oo waa ka waajib qaadaneyna.”
Sidoo kale waxa uu digniin u diray dadka isku dayaya inay ka dhuuntan booliska, islamarkaana qorsheynaya inay kusii dhex ganacsadaan gobolka Sanaag.
“Tuulo ayaa ugu tageyna, degmo ayaa ugu tagayna, gobolka Sanaag oo dhan cidii ku sugan ee aan u dhalan Somaliland waajib waxa u haysana in aan qabano.” ayuu ugu dambeyntiina yiri Maxamed Khaliif Nuur.
Ciidamo tiro badan oo wata gaadiidka booliska ayaa lagu arkayey waddooyinka iyo suuqyada muhiimka ah ee magaalada Ceerigaabo, halkaasi oo si qasab ah u qab-qabanayeen dadka aan dhalasho ahaan kasoo jeedin Somaliland.
Si kastaba, maamulka gobolka Sanaag ayaa hore u iclaamiyey muddo labo toddobaad ah oo ay u qabteen dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya inay kaga baxaan magaalada Ceerigaabo, taasi oo ku eekeyd maalintii shalay aheyd.
The post DEG DEG: Somaliland oo magaalo kale maanta ka billowday masaafurinta dadka Koonfurta appeared first on Caasimada Online.
-
Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobay Kiki Gbeho ayaa faafhaahin ka bixisay Nuxurka kulan Dhexmaray & Madaxweyne Muuse Biixi
Ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Kiki Gbeho, ayaa faafhaahin ka bixisay nuxurka kulankii maanta magaalada Hargeysa ku dhexmaray iyada iyo madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi..Waxaanay tidhi.“Waxaanu ka wada hadalnay shaqada Qaramada Midoobay, doorashooyinkii dhawaan dhacay iyo horumarka siyaasadeed, amni iyo dhaqaale, iyo sidoo kale arrimaha haweenka iyo dhallinyarada ee dhanka hoggaanka,”UNSOM. -
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweyay doorashooyinka qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka ee ka socda Puntland.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble, ayaa lagu sheegay in ay tahay mid ku dayasho leh doorashada Puntland laga bilaabay maanta.
“Waa tallaabo taariikhi ah, ku dayasho mudan, muhiimna u ah hannaanka dimoqraadiyadda iyo maamul daadejinta dalkeenna. Waxaan rajeynayaa in doorashadu ku soo dhammaato si nabdoon oo hufan” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.
Sikasta 46,839 codbixiyayaal ah ayaa diiwaangeliyey, halka kaararka la bixiyey ay gaareen 37,578, magaalooyinkana waxaa ugu dad badan Qardho oo la diiwaangeliyey 25,405 iyo kaararka la qeybiyey 20,620, Ufeyn sidoo kale dadka la diiwaangeliyey waa 9,964 kaararka la qeybiyana 8,287 halka Eyl la diiwaangeliyey 11,470 kaararka la qeybiyana waa 8,671.
Xogaha kale ee ku saabsan doorashada waxaa ka mid ah in ay tartamayaan sideed urur siyaasadee, 499 musharax oo u tarmaya kuraas gaaraya 87 kursi oo golaha deegaanka ah oo kala yaalla 33 kursi oo Qardho ah, Eyl 27 iyo Ufaweyn 27 kale.
Goobjoog News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay doorashooyinka qof iyo cod ah ee saaka ka bilowday qaar kamid ah deegaanada maamulkaas, taasi oo lagu dooranayo golayaasha deegaanka.
Rooble ayaa ugu horeyntii bulshada iyo hogaanka maamulka Puntland ku bogaadiyey doorashadaas oo ka bilaabatay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, isagoona ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah.
“Waxaan bulshada, hoggaanka dowlad-goboleedka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa doorashada golaha deegaanka ee ka bilaabatay Qardho, Eyl iyo Ufeyn, halkaas oo ay shacabku saaka u dareereen in ay codkooda dhiibtaan si ay u soo doortaan wakiilladooda,” ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
“Waa tallaabo taariikhi ah, ku dayasho mudan, muhiimna u ah hannaanka dimoqraadiyadda iyo maamul daadejinta dalkeenna. Waxaan rajeynayaa in doorashadu ku soo dhammaato si nabdoon oo hufan.”
Doorashada saaka oo ah mid tijaabo, ayaa waxa codadkooda dhiibanaya dad gaaraya 37,578 qof oo isku diiwaan-geliyey codeynta doorashadan, kuwaas oo ka codeynaya 54-goob oo loo diyaariyey.
Illaa sideed urur siyaasadeed oo ka dhisan deegaanada Puntland ayaa ku tartamaya doorashada, si ay uga mid noqdaan xubnaha golayaasha deegaanka ee degmooyinkaas.
Qardho waxaa lagu tartamayaa illaa 33 kursi, sidoo kale degmada Eyl waxaa lagu tartamayaa illlaa 27 kursi, halka degmada Ufeyn si la mid ah lagu tartamayo 27 kursi.
Puntland oo la aasaasay 1-dii August 1998-dii ayaa dhowr jeer isku dayday qabashada doorasho qof iyo cod ah, walow aysan u suura-gelin, waxaana hadda loo gartay in lagu tijaabiyo degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ee maamulkaas.
The post Rooble oo sheegay waxa ay uga dhigan tahay doorashada Puntland appeared first on Caasimada Online.
QATAR: DAL aad u yar oo adduunka ka yaabiyey
in News - Wararka
Posted
Hordhac
Qatar, waa wadan bulsho ahaan iyo balac ahaanba aad u yar balse galaan-gal dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo aad loola fajacay kuyeeshay aduunka 20-kii sanno ee ugu danbeeyay. Wadankaan yar waxuu waayahan danbe tiir dhexaad u noqday iskusoo-dumida ama dhex-dhexaadinta qilaafaadka, dajinta iyo jaangoynta siyaasadaha iyo hab maamulka dowlado badan. Doorka xalinta qilaafaadka ee Qatar ayaa xilliyadaan danbe gaaray ama kahormaray kuwa dowladaha ugu awooda badan caalamka waana sababta keentay inay dowladahaas xal bidaan inay Qatar uga danbeeyaan xal u helida mushkilado farabadan oo ay ugu horeyso arrinta siideynta maxaabiista kujirtay gacan Jabhat Al-Nasr, shabakada Xaqqani, ISIS iyo Taalibaan. Qatar waxay aduunka ka iibisay in wadahadal lala-galo Taalibaan, waana dalkii koowaad ee ugurmaday Taalibaan oo sabab u noqday howl-galinta gagida diyaaradaha dalka iyo xafiisyada kale ee dowlada ayadoo dhowaanahan kuguuleysatay inay shir balaaran iskugu keento Midowga Yurub, Mareykanka, wakiilada Qaramada Midoobay iyo Ingiriiska kuna qanciso balanqaadka yabooh dhaqaale oo ay Afghanistan iyo Taalibaan baahi badan u qabaan xiligan. Qatar waxay ka libin keentay go,doomintii ay xulufada Sucuudiga saareen ayadoo gurmad ka helaysa dalal ay kasbatay.
Juquraafi ahaan
Qatar waa wadan yar oo kuyaala galbeedka qaaradda Aasiya, marka Soomaaliya lala barbar-dhigana balac ahaan kanoqonnaysa wax-kayar 2% dhulka Soomaaliya ama 15 jeer balac ahaan kayar magaalada Washington ee dal Mareykanka, waana dal ay dadka soo galootiga ah ee usoo shaqo tagay ay siddeed jibbaar ka badan yihiin muwaadiniinta dalka u dhalatay oo lagu qiyaaso wax-kayar 400,000. Qatar waa dal cimilo ahaan kulul, dhulkiisa inta ugu badanna uu saxaro yahay oo ay kuyar yihiin biyaha dabiiciga ah iyo dhul beereedka wax-soosaarka leh.
Xukunka
Qatar, waxaa xukunkeeda gacanta kuhaya Amiir Tamim Bin Hamad oo sannadkii 2013-kii uu xukunka ku wareejiyay aabihiis Hamad Bin Khalifa oo qudhiisa xukunka af-gambi uusan dhiig ku daadan ugala wareegay aabihiis Khalifa Bin Hamad sannadkii 1995-kii mar uu dalka safar uga maqnaa. Qatar, waa dal aysan kajirin fur-furnaan siyaasadeed oo dhanka xisbiyada ah, Amiirka oo gacanta kuhaya hay’adaha sharci dajinta, fulinta iyo garsoorka, ayaa soo magaacaba raysal-wasaaraha iyo xukuumada dalka asagoo la tashanaaya golaha wadatashiga dalka oo u badan qoyska boqortooyada ah. Hadana, wuxuu dalkan ku najaxay xasilooni sidaasadeed iyo horumar baahsan oo dhanka bulshada ah.
Dhaqaalaha
Qatar waxay hodon kutahay kheyraadka dabiiciga ah sida saliidda iyo gaaska oo wax-soosaarka dhaqaalaha dalka 90% ka ah. Qiyaastii 30% gaaska aduunka laga isticmaalo waxuu ka imaadaa Qatar ayadoo keydkeeda saliidda lagu qiyaaso (25 bilyan oo fuusto). Qatar waa dalka ugu horeeya dhanka soo saarista iyo dhoofinta gaaska waana dalka saddexaad ee keydka gaaska ugu badan leh marka laga tago Russia iyo Iran. Dhaqaale aad u balaaran oo ay garab-socdaan maamul iyo maareyn aragti fog leh ayaa u horseeday inuu dalkaas kamid-noqdo kuwa ugu dhaqaalaha, horumarka bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha, dhismayaasha iyo xasiloonida fiican Bariga-dhexe iyo aduunka, muwaadiniinta u dhashay Qatar oo tiro ahaan aad u kooban ayaa qiyaas ahaan noqonaya dadka ugu dhaqaalaha badan aduunka marka loo –eegaayo qoondada shaqsi kasta kusoo aadaysa (GDP Per capita).
Qatar oo dhaqaalaheedu ku tiirsanaa wax-soosaarka tamarka saliida iyo gaaska, waxay goorhore dareentay in caalamku doonayo inuu yareeyo isticmaalka tamarta gaaska iyo batroolka si loo dhimo waxyeeladiisa deegaanka iyo noolaha. Hadaba, si ay u yareyso kutiir-sanaanteeda shidaalka, waxay daaha karogtay mashruuca loo yaqaano ‘kala duwista dhaqaalaha’ ama (Economic diversification), kaasoo lacag gaareysa 400 oo bilyan oo dollar uu Sanduuqa Hantida Madaxa-banaan (sovereign wealth fund) ee Qatar ku maalgaliyey kudhowaad 40 dal oo ay ugu horeeyaan Mareykanka, Ingiriiska, Rushka, Jarmalka, Faransiiska iyo Turkiga. Meelaha miisanka leh ee ay Qatar maalgashiga ku sameysay saamigana ku leedahay waxaa laga xusi karaa airport-ka London ee Heathrow, shirkada diyaaradaha British airways, Bangiga Barclays, shirkada baabuurta Jarmalka ee Volkswagen iyo bangiga Deutsche Bank, Rwand-air iyo Kigali airport, airport-ka caalamiga ah ee Moscow Vnukovo iyo shirkadda tamarta Rosneft, kooxda k/cagta ee Paris saint Germain iyo suuqa sarifka saamiyada ee Turkey-ga.
Siyaasadda
Qatar, 20-kii sanno ee ugu danbeysay waxay lasoo baxday dar-dar xoogan oo dhanka siyaasadda arrimaha dibeda ah, gaar ahaan naq-shadaynta siyaasadda Bariga-dhexe oo ay ciyaarayso door lala fajacay. Quburada falanqeysa siyaasadda iyo awooda dowladaha waxay awooda dal uu leeyahay ka fiiriyaan baaxadda dhulka iyo muhiimada goobta uu aduunka kaga-yaalo dalkaas, tirada bulshada iyo aqoontooda, tirada iyo cududa ciidanka dalkaas, hufnaanka iyo taageerada ay dowlada dalkaas ka haysato shacabkeeda iyo kheyraadka dabiiciga ah iyo wax-soosaarka uu wadanku leeyahay.
Qatar marka lagu cabiro halbeeg-yadaas, malahan bulsho tiro badan, ciidan cudud leh, mana lahan dhul baaxad weyn laakiin waxay leedahay kheyraad dabiici ah oo u horseeday koror dhaqaale iyo hanaan dowladeed oo xasiloon wallow aysan kajirin furfurnaan baahsan oo dhanka siyaasada ah, waxayna kutaalaa gobol 30-kii sanno ee ugu danbeysay hareeyay siyaasadda iyo aminga aduunka. Hadaba, sidee dal sida Qatar oo kale u yar ugu suuragashay inuu hindiso siyaasada lagu maamulayo dalal badan oo aduunka kuyaala? sidee kunoqotay dalka waqtigaan ugu firfircoon dhanka dhex-dhexaadinta khilaafaadka dalalka iyo kooxaha is-haya? Maxay ku kasbatay inay Sacuudiga, Masar iyo Imaaraadka kaga hormarto siyaasadda gobolka? Side ayey uga bad-baaday go,doomintii xulufada Sacuudiga? Sidee iskaga leexisay eedahii lagu xiriiriyay ururada arga-gixisada?
Go,aannada lidka isku ah ee Qatar qaadatay
Qatar oo adeegsanaysa diblomaasiyadda awoodda dabacsan ‘Soft Power diplomacy’ ayaa masraxa siyaasadda aduunka kusoo kordhisay in iskaashi iyo xiriir mar-qudha ah lala wada sameyn karo wadamo ama dhinacyo is-diidan oo dab iyo baaziin isku ah ayadoon dhinac gaar ah u xaglinayn ama aanan la safan. Go,aanada iyo xiriirada qar iskatuurka ah ee Qatar qaadatay waxaa laga xusi karaa:
Laakiin Qatar oo kucaana-maalaysa siyaasadeeda dabacsan oo iskugujirta howlgalka furan iyo midka daahsoon (overt & covert operations) ayaa xiriir iyo wadaxaajood kaladuwan la sameysay kooxaha Jabhad Al-Nusra, Haqqani,Talibaan iyo maamulka Bashar Al-asad ayadoo ku guulaysatay inay soo dayso laheystayaal farabadan oo iskugujira suxufiyiin, askar, samafalayaal iyo qeybo kale. Inkastoo ay Qatar la kulantay eedayn ah inay gacansaar la leedahay ururadaas hadana wey kuguulaysatay inay wadamada reer Galbeedka ku qanciso inuusan xiriirku dhaafsiis-nayn mid u kala dab-qaadis iyo isku soodhaweyn ah taasoo dalalka reer Galbeedka tusisay in Qatar tahay balaayo loo baahan yahay. Tusaale waxaa arrintan u noqon kara sidii ay Qatar ugu kala dab-qaaday Mareykanka iyo ururka Talibaan markii ay suuragalisay in lasii daayo askarigii Mareykanka ahaa Bowe Bergdahl oo ay Taalibaan ku badalatay 6 xubnood oo ku xirnaa xabsiga Guantanamo Bay oo maanta qeyb ka ah xukuumada KMG ah ee Taalibaan oo ay xigtay yag-leelida Xafiiska Taalibaan ee Doha oo ugu danbeyn suuragaliyay inay Qatar, Mareykanka iyo Talibaan wada dajiyaan qorshahii bixitaan ee Mareykanka.
Tv-ga Al-jazeera waxaa Loolan xoogan oo dhinacyo badan ah lagalay Tv-yada Al-Carabiya, Skynews Arabiya, Arabnews iyo kuwakale oo ay taageerayaan Sacuudiga iyo Imaaraatka laakiin sida muuqata kama libin keenin. Al-Jazeera waxay noqotay meel ay codkooda kusoo gudbiyaan dad badan oo aduunka daafaheeda kunool kuwaasoo caburin iyo xad-gudubyo kala kulmayey dowladahooda ayadoo doorweyn ku laheyd kicinta iyo dhiiragalinta dadkii Carbeed ee ka qeyb-qaatay banaanbax-yadii iyo dagaaladii ka dhacay Masar, Libya, Tunusia, Yemen iyo Syria taasoo ay ku mutaysatay dareen taageero iyo cadaawad leh. Sannadkii 2017-kii, waxaa Qatar xiriirka u jaray Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar oo mudo ka cabanayey doorka Al-Jazeera ee gobolka gaar ahaan habka qayaxan ee ay ururka Aq-waanul Muslimiin iyo Shiicada Carabta kasoo jeeda u adeegsadaan Al-Jazeera, sharuudahoodana kusoo daray in albaabada la iskugu dhufto idaacaddan, wallow uu iskudaygaas dhicisoobay maadaama uu xiriirka dowladahaas iyo Qatar dib usoo laabtay ayadoo aan la dhaqangalin sharuudahaas iyo kuwa kaleba. Hadaba, layaab kale ayaa ah in iddaacada Al-jazeera u ololeyso hirgalinta maamul dimuquraadiyadeed oo ay asal u tahay doorasho xor iyo xalaal ah, tartan xisbiyo iyo fur-furnaanta afkaarta dadweynaha taasoo aan ka jirin Qatar qudheeda loona turjuman karo oraahdii aheyd ‘Cilmigeyga qaado oo camalkeyga ka tag’.
Gunaanad
Qatar oo adeegsanaysa xeelado ay gadaal kataagan yihiin maalgashi uu horbood kayahay sanduuqa hantida madaxa banaan (Soveriegn wealth fund), iskaashi iyo fur-furnaan dhaqanka iyo waxbarashada ah, awooda saxaafada, hal abuurida madal sharafeedyo lagu dhiiragalinayo shaqsiyaadka u ololeeya nabadda, ladagaalanka musuqa iyo wada-noolaanshaha diimaha ayaa Qatar ka dhigay dal wax laqeybsada wadamada ugu cududa weyn aduunka. Sida muuqata Qatar waa dal yar oo sawir iyo fahan buuxa ka haysta sida loogu noolaan karo caalamka ayadoon cadow iyo saaxiib dhab ah midna la sameysan waana mida uu ku muteystay inuusan albaab-na ka xirmin. Qatar waxay sannadka soo socda marti galin doontaa koobka aduunka ee k/cagta kaasoo qiyaas ahaan ay kasoo qeyb-gali doonaan taageerayaal kor u dhaafaya 3 milyan oo qof waxaana arrintaan hirgalkeeda suuragal ka dhigay dabacsanaan, shaah u shubid iyo xod-xodasho xeeladeysan oo lagu qanciyey dowladihii iyo shaqsiyaadkii ay talladu ka go,day.
Hadaba, waxaa dalkaan yar laga baran karaa inaysan awoodu ku xirnayn weynida, dhaqaalaha iyo cududa ciidan ee dal uu leeyahay kaliya balse loo baahan yahay firfircooni, rabitaan iyo ka go,naansho inaad raad iyo saameyn ku yeelato dhacdooyinka aduunka ah. Qatar maanta waxay udub dhexaad u tahay jaangoynta xasiloonida, siyaasada, dhaqaalaha iyo cilaaqaadka aduunka ka dhacaya.
W/Q: Xamdi Wardheere Maxamed
zudeys9@gmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
The post QATAR: DAL aad u yar oo adduunka ka yaabiyey appeared first on Caasimada Online.